“Mid maaha, waa nin qaraabogoys ah. Ma jecla in tolku soo booqdaan ama gurigiisa soo siyaartaan. Waa mid dhaqankii ka tagay oo meel cidlo ah isku xidhay, ciddii soo siyaaratana aan albaabka ka furayn”
Oday Siyaad iyo xaaskiisa Saxarla waa laba qof oo muddo dheer dalkii soo moogannaa. Siyaad isagu cimrigiisa marka saddex meelood loo qaybiyo, laba qaybood in u dhiganta ayuu dalka ka maqnaa. Saxarla na, kala badh cumrigeeda waxay ku qaadatay meelo aan dhulkeeda hooyo ahayn. Ha yeeshee, beryihii u danbeeyey waxay ganacsi xaammi ah ku haysteen Lusaka, Zambia.
Gurigooda waa lagu soo hirtaa oo ehel iyo asxaabba waa la cammiran yahay. Goor xun socodka iyo martida habaqlaha ahi waa tiro beel. Waa labo qof oo soo dhawayn fiican, sidaas darteed mar walba marti inaad gurrigooda ugu tagtaa, waa wax iska caadi ah.
Iyada oo xaal sidaas yahay, ayaa dunidii waxa aafeeyey sadhadan ili-ma-qabatayga ah ee Corona Virus. Waxa qasab noqotay in qoysku hab-nololeedkoodii waxa ka beddelaan;
“Saxarlaay waad aragtaa dunidii waxa ka dhacaya, halkan aan joognana, waa lagu sheegaye, maxaa talo ah?” ayuu waydiinayaa xaaskiisa isaga oo raba bal inuu aragtideeda ogaado.
“Dee Xaaji waxaan yeelaynaa, cidi inoo soo gali mayso, innaguna waa inaan tilmaamaha caafimaadka raacnaa” ayay ku jawaab celinaysaa.
Waa sidii uu rabaye, amar buu soo saaray ah in aan cid danbe guriga dibada uga iman karin. Macalin carruurta guriga ugu iman jiray, wuu fasaxay inta wax hagaagayaan. Dirawal gaadhiga u wadi jiray, fasax bil ah ayuu marka hore galiyey, balse haddii loo baahdo in la soo wici doono ayuu u sheegay. In mishaharkiisii aanay waxba iska beddeli dooninna waa ugu bishaareeyey. Macalin Quraankii carruurta fiidka u iman jirayna, waxa la isla qaatay inuu WhatsApp-ka ciyaalka Quraanka kaga dhegaysto.
Saxarla iyadna gabadh guriga ka shaqaynaysay waxay kula heshiisay inaanay Sabtida bixin, sidii awal dhaqanku ahaan jirtay. Waxay u soo jeedisay inay maalmihii wiiga dhammaadkiisa ee ay bixi jirtay, guriga ku negaato, taas beddelkeedna labadaas cisho loo lacageeyo.
Intaas waxa dheer, guriga oo la keenay aalkolada gacmaha la iskaga dhaqo, faraxalka oo la joogteeyo iyo fool-saabka oo la gashado mar kasta oo banaanka wax darruuri ah loogu baxayo.
Qoyskii reer Siyaad oo sidaas isku xakameeyey oo guriga isku koobay, ayuu telefoon soo dhacayaa. Waa nin oday ah oo tolka guud ah, dhawaanna magaaladda yimid. Magaaladda kala xidhantay darteed ayuu reerkan soo haybsaday oo waxa uu rabaa in isku meel wax lagu wada qabo.
Halloow, waar Siyaad nabad ma tihiin?
Waar waan fiicnahaye waa kuma?
Waar waa ninkii Ina Aw Diiriye oo beryahaaba beledka kula joogaye.
Aw Diiriye waa kee, ma wadaadkii imaamka ahaa?
Haahey, iga wale xusuustaadu waa wacan tahay.
Waar Aw Diiriye nin la ilaawi karo maahee, bal ii waran oo goorma ayaad timid?
Beryahaaba waan joogay kow dhe. Inaad magaalada degan tahayna waa la ii sheegay. Imikana sida aad la socoto dunidii waa tan soo oodatay ee noqotay inaan qolka huteelka laga bixi karin. Markaa waxaan is lahaa aad dhinac iskugu guurtaan oo is weheshataan inta wax hagaagayaan. Yacnii inaan xaggiina imaado ayaan rabay.
Siyaad fikirkiisu waxa weeyi mar haddii xannuun cusubi yimid, waa in hab-nololeedkii hore wax laga beddelo. Wuxuu diyaar u yahay inuu qaato ga’aanno culus, walow dadka qaar ay si kale u arki karaan. Badqabka guud baa se isaga u muhiim ah.
Siyaad guryahan uu degan yahay, ugu yaraan labaatan qoys ayaa isku xayndaab ku wada nool. Soomaali ka soo guurtay Maraykan iyo Yurub ayay u badan yihiin; qowmiyado kalena waa la degan yihiin. Dabcan qolo waliba gurigooda u gaarka ah ayay ku nool yihiin, laakin wali wax badan oo la wadaago ayaa jira. Goobta baabuurta la dhigto, barxadda iyo wiishashka, intaba waa la wada adeegsadaa.
Xaafaddan ay ku nool yihiin, guddi ka talisa ayaa soo rogtay amar ah inaan la is booqan karin. Sidaa darteed, ganjeel walba waxa lagu dhajiyey warqad sheegaysa inaan la ogolayn dadka meelo kale ka imanaya ee soo booqanaya xaafaddan guud ahaan. Ganjeelada Siyaad gurigooda laga galo, ogaysiiskani kuma yaallo. Ma aqaan in laga gooyey iyo in amarkani aanu wali soo gaadhin ba.
Si kastaba ha ahaatee, Siyaad iyo Saxarla hore ayay go’aan uga gaadheen marti hadda ka dib u imanaysa.
“Adeer sow ma ogid in dunidii aafo ka dhacday oo aan la isku socon karin oo qof walba ku qasban yahay inuu meeshiisa joogo” ayuu Siyaad su’aalayaa isaga oo raba inuu dhacsiiyo xaaladda soo korodhay.
“Waan ogahay oo waa isla sababta aan kuula soo hadlay ee aan u rabo in tol ahaan aynu is dugsano oo meel wax ku wada qabno” ayuu Ina Aw Diiriye ku jawaab celinayaa.
“Adeer maalintii la is dugsanayay maaha, bilcaksi in la kala durko ayay badbaadadu ku jirtaa. Mida kale, maalintii tolka meel la iskugu keenayay maanta maaha, ruux walba tiisa ayuu halkiisa kula tacaalayaa.”
Wuu sii wadaa oo waxa uu faahfaahinayaa in qofka xannuunku ku dhaco cidlo lagu go’doominayo.
“Ruuxa xannuunku asiibo, Ilaahay ha ina hareer mariyee, tol baad sheegtaye, ka ugu dhaw loo ogolaan maayo inuu ashahaadada u qabto; markaa adeer, faraxalo oo huteelkaaga joog”
Wuxuu haddana Siyaad ku fikiray in malaha ninku jeeb madhan yahay oo aanu huteelka iska bixin karin, laakiin aanu sheegan karin.
“Kharashka huteelkana waan kaa caawin, wixii suurtagal ahe, halkaaga joog oo aan telka iskaga war hayno” ayuu ku sii darayaa.
Ina Aw Diiriye hayntu kuma yara oo wuu awoodaa inuu iska bixiyo biilka huteelka; banaankana si joogto ah ayaa wax looga soo diraa oo waa laga war hayaa. Wuxuuse ku fikirayaa, in dhibtan timid intii isku tol ahi meel wax ku wada qabto. Isaga oo qaadan la’ odaygan ka hor taagan gurigiisa, ayuu ka sii gubanayaa erayga ah kharashka huteelkana waan kaa taageeri. Nin toldiid ah oo rixingoys ah ayuu u qaadanayaa.
“Adeer anigu lacag kuma waydiisane, waxaan is lahaa intiina isku raaska ahi aad is weheshataan oo aad meel wax ku wada qabtaane, maca salaama haddii aad sidaa u fikirayso”.
Telefoonkii ayuu jaray isaga oo la yaaban ninkan xidhxidhan, rag aqoonka aan ahayn ee misana qaraabo-goyska ah.
Siyaad na wali telkii ayuu dhegta ku sii hayaa isaga oo isna dhiniciisa la fajacsan fahanka ninkan iyo ogaal la’aanta haysa!