Muuqaalku Waa Dage



Maxwell Morrison wuu caafimaad qabay oo nabdoonaa. Wuxuu dhex taagnaa maxkamadda magaaladda Baankook, wuxuuna u dhego-taagayey xukunka lagu ridi doono. Danbiga lagu haystay waa gudbinta maandooriyayaal. Haddii danbigaasi lagu helo, xukunkiisu wuxuu noqon karaa madaxaa ha ku furto, kaasi oo uu ku qaadan doono mid ka mid ah xabsiyadda dunida ugu xun. Runtu se waxay tahay, Maxwell danbigan lagu soo eedeeyey lug kuma lahayn. Maandooriyaha waxa lagu soo dhex qariyey aalad kuwan miisiga lagu garaaco ah. Haweenay culus, ilma yar xambaarsan, qaar kalena daadahaynaysa ayaa sidatay alaabta, isaguna wuxuu ka ogolaaday inuu bar kantarool u dhaafiyo. Dabcan markii ayda wax urisaa ku soo xoomeen, haweenaydii dabayl ayay noqotay oo waa la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. 

Muddo 45 daqiiqo ah ayuu isku dayayaa inuu sharaxo sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee waxa dood adag kala hor yimi xeer ilaalinta. Doodooda waxay sal uga dhigeen, qof dhoohan uun baa sabankan maanta la joogo, isku dayi kara in ruux aanu garanayn alaab u dhaafiyo bar baadhitaan. Gaar ahaan dunidan bacaysan tan iyo wixii ka danbeeyey 9/11. Waxay ku dareen in Maxwell uu degmadiisa ka yahay askari bilays ah. Taasi oo ka dhigaysa khabiir dhinaca amniga u tababaran balse hadda raadinaya cudurdaar uu ku fakado. Ninkii Maxwell isaga falcelinta kaliya ee ilaa imika laga hayaa waa  “Ilayn Muuqaalku Waa Dage". Xaakimkii maxkamadda ayaa si la yaab leh u eegay markii uu Maxwell hadalkaasi ka maqlay.

Xaaladdu waa ku jiq Maxwell. Markhaatiga kaliya ee uu haystaa waa haweenay Ingiriis ah oo u muuqatay qof maankeedu doorsan yahay. Waxay caddaysay inay arkaysay markii haweenaydu alaabta ninkan u dhiibaysay, waxayse ku dartay, inay u muuqdeen dad wada socda. Mar kale difaaca Maxwell wuxuun buu noqday " Waar ilayn muuqaalku waa dage"   

Wuxuu dib u gocday markii u horeysay ee uu maqlo tibaaxda "Muuqaalku Waa Dage". Waa sideetamaadkii. Dhallinyar ayuu ahaa beryhaas, waayo dhallinyaronimana waa ku dhex jiray. Dhar madow ayuu mar walba xidhnaan jiray, marka uu ugu yar yahayna, middi ayuu ku hubaysnaan jiray. Caruurtu dugsiga oo dhami waa ka biqi jireen, waddooyinkana waa uga carari jireen. Galab isaga oo iskaga cadceedsanaya wabiga qarkiisa, heesona iska dhegaysanaya, ayuu qaylo iyo sawaxan maqlay. Mise waa saddex wiil oo yaryar oo  dhibaya arday kale oo ajnabi ah. Waxay rabeen inay wiilka yar wabiga ku ridaan, isaguna wuxuu ku qaylinayay, “Fadlan ha igu ridina, dabaal ma aqaane” Maxwell ayaa u soo gurmaday. Saddexdii yaryaraa waxay bilawgii damceen inay isku taagaan, laakiin Maxwell waa ka wada dheeraa, waana ka xoog badnaa. Waxa intaa u dhiirayd, middi ayuu sitay, waxaanu tusay inuu isticmaali doono, haddii loo baahdo. Markaasay yaryarkii faraha ka qaadeen oo cagaha wax ka dayeen. Maxwell ayaa ku soo dhawaaday wiilkiii oo xaaladdiisa waraystay. Yarkii oo muraayaddiisa indhaha qummaati u fadhiisinaya, ayaa cabbaar ku dheygagay Maxwell, markaasu yidhi,  “Muuqaalku Waa Dage”

“Waayo, maxaad sidaa u tidhi” ayuu ku celiyey Maxwell.

“ Qof kastaa wuxuu u maleeyaa inaad tahay ma naxe. Ardayda qaar waxaabay ku sheekaystaan inaad mar macallin middi galisay. Waxaad ahayd qofka u danbeeya ee aan gargaar ka fili karayey. Balse waad ku mahadsan tahay  sida aad ii badbaadisay. Meesha waan ku qarqoomi lahaa, haddii aanad iga soo gaadhin. Dalka aan ka imi ee Taylaan, qofka naftaada badbaadiya, abaal aan duugoobayn ayuu waligii kugu yeelanayaa. Magacaygu waa Tran Pack, waligayna ilaawi maayo wanaaga aad ii gashay” Wuu gacan qaaday ka dibna wuu iska dhaqaaqay.

Ku soo noqo qolkii maxkamadda ee Baankook, wuu dhoolacadaynayaa ninkii Maxwell ka dib markii maskaxdu u aroorisay xusuustaa dhallaanimo. Ka dib soddon sanno markii uu badbaadiyey nolosha wiilkii reer Taylaan, waakan oo maanta waa 45 jir askari bilays ah, waxaanu khatar ugu jiraa inta noloshiisa ka hadhay inuu ku qaato xabsiyada dalkaasi Taylaand, muuqaal hoosaasiyey dartii. Xusuustaasi dheer ayuu ka soo noqonayaa, marka uu maqlo dawanka jalaska ee xaakimka, si uu xukunka u rido.

Xaakim Tran Pack wuu rumaysan waayay waxa dhaayihiisu arkayaan, markii uu maxkamadda ku dhex arkay Maxwell Morrison. Soddon sanno oo ay ismooganaayeen wax badan kama beddelin muuqaalkiisa, sidaasi darteed, xaakim Tran markiiba wuu aqoonsaday Maxwell. Si dulqaad iyo xiise leh ayuu u dhegaysanayay kiiska Maxwell muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta aanu dubaha saddex jeer ka dhawaajin si uu xukunka ugu dhawaaqo. “Mudane Morrison, dhab weeyi, muuqaalku waa dage. Danbi ma lihid. Daqiiqaddaa laga bilaabana xor baad tahay”

Sheekadani waxay bilawgii ku soo baxday; https://afterjujuman.com/?s=maxwell+morrison
Waxa haltebiyey Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...