Halka sare ka hayso

Iyada: Magaalo heblaayo ayuu ka soo jeedaayoo qoladiisa ayaan u raadinayaa. Waxay farta ku fiiqaysaa wiil yar oo 2-3 jir aan ku qiyaasay. Waa ruux dumar ah oo wiil yar daadihinaysa. Labadayaduba socoto ayaan nahay oo madaar baan ku kullanay. Waxay ku sii dartay, “Anigu waxaan ka soo jeedaa magaalo heblaayo”. Magaalo tii hore ee ay sheegtay aan ahayn ayay magacdhabaysaa. Way sii waday oo sidii wax ay ii sii xaqiijinayso ayay af Ingiriisi ku tidhi “He is from xx” 

Aniga: Yaa walaal maxaad tidhi? Ma fahmin. Qofkan aanan hore u arag, bariido ha danbaysee sidii wax sheeko hore noo socotay uun waxan oo dhan isku kay dhex dhigtay ayaan sixi la’aa.

Iyada: Koonfur Afrika ayaan ka imaaday, cunuggan ayaa ka soo jeeda meel hebla. “Hooyo sow adi xx kamaad imaan?” Yarkii ayaabay waydiisay. Isaguse warkaa ma hayo ee masaasaddiisa ayuu iska jaqayaa. 

Aniga: (Oo hadda yara fahmay waxay ujeeddo, walise hadalkeedu igu taagtaagan yahay). Oo heedhe wax ay isku sinji yihiinba dhawr qof baan meesha hadda ku joognaaye, halkan miyaad qoladiisa ka raadinaysaa? Maxaad cunugga nolosha ugu soo koobaysaa? Imika ahaan, halka sare inaad uga gurto ayay ahayd, meesha aad sheegtay markaad dhex gayso, kolay ehel badan waad u heliye. “Awal halkeed ku socotay” ayaan u sii raaciyey;
Iyada: Kampala aan u socdaa. Maya waxaan ka waday tolkii ha barto. 

Dad 200 oo qof aan ku qiyaasay ayaa meesha fadhiya. Goortii aan diyaaradda fuuli lahayn ayaa dhaw. Dadku wada aamusan oo wada mashquulsan. Mid moobaayl ku foorara, kuwa buug/joornaal isha marinaya, kuwo dhegaha wax ugu jiraan oo dhegaysi ku mashquulsan, qaar indhaha isku haya, fikir ama nasasho maskaxeed mid uun ku maqan. Iyadu waa qofka kaliya ee telefoon ku sheekaynaysa. Dhawaqeeda dheer meel fog baa laga maqlaa. Dadka qaar baa hadba daymo diidmo leh ku fiirinaya. Qaar hoos bay ugu qoslayaan. Iyaduse qosolka iyo sheekada ka dhacaysa, kama duwana inay labada boqol ee qof u wada sheekaynayso. 

Safar wada indhaindhayn ah buu ahaa. Awal waxan ka damqaday wiilal jirran oo aan diyaaradda kula kulmay. Toddobaad gudihii ayaan sii socod iyo soo socodba xaalado isku mid ah ku arkay. Hal wiil uun baa dhaawac jajab ah qabay oo socodka la gacanqabanayey. Inta kale ma qarsoonayn in dhibtoodu, xaga dhimirka la xidhiidhay. Dalka dibadiisa kuwo laga soo celiyey ama lagu celinayey ayay u muuq ekaayeen. Kolay Quraansaar baa loo waday ama laga soo celiyey. Hooyooyin iyo hablo walaalahood u muuqday ayaa waday. Wiilasha oo aan ismaamuli karayn, ama ilaalo joogto ah u baahnaa, waalid iyo walaal ayaa saacidayey. Aan idhaahdo asturayey. Wiilasha qaar, maalin ka hor waxaan iskugu nimid goob baadhitaanka COVID19 lagu sameeyo. Saacadihii aan baadhitaanka sugaynay, dhibta ay wiilashu qabeen, iyo haweenkaasi waxa ay rafaad la muteen, goobjoog baan u ahaa. Haweenku samir badnaayaa! Laakiin maxay kale ayay ba horta samayn kari lahaayeen? 

Wiilashan, raggii dhalay ama ay la dhasheen halka ay ku maqan yihiin ayaan iswaydiiyey. Ma qayilayaan, miyay iskaga tageen, ma u maqan yihiin oo u soo shaqaynayaan. Mooyi meel ay jiraan!

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...