Bal Muxuu ku Dhintay?



Qaylo iyo sawaxan ka soo yeedhaya qoys aan sidaa uga fogayn ayuu ku soo baraarugay Aw Jaamac oo caadi ahaan marka uu qadeeyo dhinaca dhulka yara dhiga, ilaa laga gaadhayo salaadda Casar. Baroorta iyo sawaxanka ayaa marba marka ka danbeysa sii xoogaysanaya. Ruux dumar ah ayaa qaylo dhawaaqaysa, gargaarna dalbanaysa. Cod carruur argagaxsan ayaa iyaguna la maqlayaa. Oohintooda ayaa qofka maqla qalbigiisa qoomaysa. Markii hore wuu yara dheelalawsanaa oo waxa uu Aw Jaamac u qaatay in guryaha jaarka mid ka mid ah uu dab qabsaday. Balse ilbidhiqsiyo gudahood ayuu ku xaqiiqsanayaa in qayladu ay ka soo yeedhayso dhinaca reer Dulyar. Ceebtood maaha ee waa caadadood ayuu hoos ahaan iskugu odhanayaa isaga oo dhinacna macawista gurmad u giijisanaya. Waa runtii oo qoyska uu horjoogaha u yahay Dulyar, mar walba war dhiillo leh lagama waayo. Sannado dhawr ah oo ay Aw Jaamac jaar ahaayeen, arrinkooga isaga iyo jaarka kale uun baa ku kala dhex jiray.

Dulyar waa odayga qoyska. Waa waayeel da’diisu ay lixdameeyihii madaxa la gashay, balse hab-dhaqankiisa aad moodo kuray aan qaangaadhin. Muuqiisu waa lafo isa sudhan oo balwad baa dubatay. Aroorta hore ayuu ijabbane raadco tagaa, ilaa inta uu waa-dhawaadka dhinaca dhulka dhigayana jeebkiisa iyo afkiisa qaad lagama waayo. Mas’uuliyadda qoyska waa hore ayuu gabay, xaaskiisa ayayna dantu badday in ay la kacaakufto. Iyada ayaa meel aan xaafadda ka dheerayn khudrad ku iibisa, wixii ay ka soo heshana badhna carruurta dabka u saarta, inta kalena Dulyar iskaga jeedisa. Haddii ay sidaa yeeli waydo, bakooradda ayuu u roganayaa. Qayladan maanta dhacaysaana arrintan ayay ka dhalatay oo carruurtii oo aan dheriba loo dhadhaarin ayuu Dulyar garaadkiisa xaajiyadda qaad ka rabaa.

Waa xasarad-u-joog mar walba jecel inuu helo sabab uu ugu gacan qaado xaaskiisa. Hadda garo oo xilkii saarnaa ayay ka furatay oo sida ciyaala-iskuulka ayuu nusa-saace qaataa. Isla jeerkaas haddanna waa kan marka uu ka waayo budka saaraya. Oday jaarka ah oo dhawr jeer galay xallinta muranka reerkan, ayaa ku dhejiyey naaneystan naasibtay ee Dulyar, ka dib markii uu ka yaabay hab-dhaqankiisa dulqaadka ka arradan.

Dulyar inta badan jabhadihii geyiga Soomaalida ka abuurmay wuu ka soo wada qayb qaatay, mid walbana halis ayuu naftiisa u galiyey. Dagaalladii sokeeye ciidamadii reeraha ayuu ka mid ahaa, wixii dagan ee uu arkanna dabka ayuu saarayay. Aw Jaamac oo xaaladdiisa aad uga dheregsan ayaa mar walba ku canaanta inuu xisaabtamo oo maskaxda ka shaqaysiiyo. Xilka reerka iyo ubadka ka saaran ayuu goor walba xusuusiyaa. Ruuxdan Dulyar ee rabshadaha jecel ayuu ku waaniyaa inay dib iskugu noqoto oo bal dib isku xisaabiso.

Waano dhalad baa ka adage waxa la soo xaqiijiyey in Dulyar, isaga oo dhawaan difaacayay dhul ganacsade reerka ahi sheeganayay, uu dil toogasho ah qudha kaga jaray askari bilays ah. Ciidammada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay, xabsiga ayaana loo taxaabay. Baadhitaan dheer ka dib, waxa caddaatay in Dulyar askariga bilayska ah si badheedh ah xabbad madaxa ugaga dhiuftay, isla goobtaasna marxuumku ku qudh baxay. Maxkamaddihii kala duwanaa ee dilkan ka garnaqay waxa u caddaatay in kiiskanni badheedh yahay. Sidaasi darteed, waxay iska daba xukumeen in la qisaaso eedaysanaha.

Ninkii ganacsadaha ahaa ee uu u dagaalamayay, maantana uu godobtiisa u god galayaa, iska dhaaf inuu wax ku taree, war kama hayo (waligiina xog-ogaal uma noqon) xaaladda reerka uu ka tagayo Dulyar. Mar dhawaan ganacsadahan taageero dhaqaale loo waydiiyay reerkii ninkaa uu sahayday, ka dib markii curadka qoyska xaalad caafimaad darro cisbitaalka loo jiifiyey, fara madhnaan ayaa lagala soo noqday. Ku darsoo, ubadka rafaadka iyo silica ku koraya tol xaaladdooda ogi ma jiro. Xaajiyadda qoyska ayuu Alle baday noloshan qaadaa-ma-dhergaanka ah. Waligeedba iyada ayaa culays kasta u soo dhabar adaygaysay. Jaar wanaagsan oo Aw Jaamac u horeeyo ayaa iyaguna -mahadi ha ka gaadhee- inta duruufuhu saamixi waayaan kabayay. Maantana taasi uun baa hurran. Haddii laga tagi waayo, nacabkii arragiisa kaga gabban jiray ayay geerida Dulyar hillin u furaysaa.

Marwadu si dhab ah ayay maanta u walaacsan tahay. Qaddarka iyo qorshaha Rabbi way ogoshahay balse kasheeda ayaa warsanaysa oo jawaab u raadinaysa sababta odaygu ku baxayo. Waligeed nolol xasilloon oo deggan ma ay arag, maantase waxa kaga daran gar iyo mag la’aanta uu ninkeedu ku dhimanayo. Sababta ay asayda uu qaadayso, ubadkeeduna ku agoomoobayaan ayay u aragtaa fidno hurudday oo nin dan lihi toosiyey. Mar Dulyar ayay ku tuhmaysaa inuu macno la’aan qori la booday oo qiiro dhaqaaqay. Mar kalena ganacsadaha duqeeda magaca reerka ku marin-habaabiyey haatanna garabkooda ka baxay ayay hiifaysaa. Mid ay tahayba, Dulyar tiirka ayaa lala tiigsan doonaa. Cidda kaliya ee uu ka baxayaana waa xaaskiisa iyo ubadkiisa. Ganacsadihii baasaa ee hallaaga u horseedayna, abaabulka wiilal hor leh oo reerka ah ayuu wali ku hawlan yahay, si uu u xasiliyo mulkiyadda dhulka uu sheeganayo!

W.Q: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud




Fellow Africans Suffer in South Africa


A wave of xenophobic attacks on African immigrants claimed the lives of many immigrants in South Africa. Angry men equipped with machetes, knives and other sharp devices targeted and attacked businesses owned by foreigners, specifically immigrants from the rest of the continent. What started in the locations outside Durban area soon spread like a wild fire into other regions of the country. The affected refugees suffered harshly but absurdly at the hands of fellow Africans. The properties of African immigrants -who were struggling to make ends meet- were looted and immigrants savagely beaten to death and in other cases burnt alive. To add insult to injury, the horrific scenes of mob-killings were recorded and then posted on the Internet, without little remorse.

Migrants from Zimbabwe, Mozambique, Malawi, Somalia and Ethiopia are reported to have paid the highest price in financial and human losses. Police were accused in their failure to protect the targeted marginalized immigrants amid intensified xenophobic raids in South Africa.

Somali Immigrants in South Africa

Aftermath the internal conflict that destroyed the once strong and proud African country of Somalia, millions of its people fled to every corner of the world. The vast majority of these refugees crossed the border and sought refuge in Ethiopia and Kenya. Many others crossed the Gulf of Aden and went to Yemen and beyond. Consequently, you can find a sizable Somali Diaspora community in Middle East, most of the Western Europe and North America as well.

As Somalis are business-minded people and do have remarkable entrepreneurial skills, they have made visible contributions to the economies of some of the hosting countries, mainly in the East African ones. This is quite true in Nairobi, Kenya, where an active Somali community further rejuvenated the local economy. This investment is obviously visible in Eastliegh, often dubbed as “little Mogadishu” for Somalis turned it into an economic hub where diversified goods and services, destined to different parts of the region, are traded at competitive prices.

Some of the Somali refugees made their way to South Africa where they thought to be a safe haven. Hence, thousands of them, fleeing from the fighting in their homeland and seeking better economic opportunities, headed there, hoping to find jobs and better living conditions. They established small businesses in the neighbourhoods mainly dominated by citizens of low-income. However, instead of getting the much-dreamt better living conditions, some of them who invested in small businesses only to find themselves massacred one after another, often in a brutal manner.

Before the current xenophobic attacks aiming at fellow Africans, Somalis in South Africa suffered from series of similar and organized raids for the past ten years. There were however, some very barbaric murders which went down into the history books, with the ugliest memories. These sparked off public outcry, at least in the social media outlets where the issue was utterly discussed. Many people will not forget the story of Abdinasir Mahmoud Good, a 25 year –old Somali businessman who was stoned to death by a mob in 2014. He was mob-killed and lynched to death.

The brutal killing of the late Abdinasir was preceded by another equally disgusting crime where a nine-month pregnant Somali mother was raped and then killed in Cape Town. Surprisingly, both acts were not isolated cases but just reveal the pain and panic that many African immigrants, including the Somalis were going through for many years. To make matters worse, these chauvinistic raids are taking place in a country that many African countries not only solidly stand behind their struggle during the apartheid period, but also contributed immensely to their liberation.

It is a well-known and documented fact that Somalia was among the African countries that stood beside the people of South Africa in their hour of need. The then Somali government did not only provide diplomatic support to ANC but provided technical and military training to help end the apartheid regime. Unfortunately, it is pity that the same South Africans, for which other Africans sacrificed a lot and whose people they were always ready to welcome and host as exiles, could be so ungrateful.

Finally, it is a high time for the government and people of South Africa to intervene and stop the ongoing xenophobic attacks and immediately restore their already distorted regional and international reputation.

Abdirahman Adan Mohamoud



Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...