Gorfayn Buugga Laba Kala Leexday


Inkastoo akhrisku gaar ahan kuwa sheekoyinku aheyd waxan aad u jecelaa, haddanna way yareyd inaan helo buugaag ku qoran Af-Soomali oo xiiso badan, Ilaa buugga LABA KALA LEEXDAY markaan akhriyey uu ii noqdey buuggii ugu xiiso badnaa Gugan. Waxba ka sheegi maayo hab qoraalka buugga waayo ma ihi tifaffire, laakiin waxaan la dhacay sida quruxda badan ee ereyada buuggu isku raacsan yihin.  Meelo dhawr ah ayaan ereyo af-qalaad ah kula kulmay, waanan ka jeclaan lahaa in dhigooda oo Af-Soomaalli ah ay ku qornaan lahaayeen, waanse ogahay in luqadeennu dayacan tahay oo aaney jirin ereybixinta aaladaha casriga ah iyo ereyo badan oo la socda wakhtiga is bedelaya. Laba Kala Leexday waa buug aan uu bogey runtii. Waxa la yaabka leh ee aan sida gaarka ah ugu arkey waxa weeyi sida qoraagu uu sheeko kaliya ugu soo wadda koobey waxa bulshadeena dhib jirta oo dhan. Inkasta oo tahriibku yahay dhibta ugu  weyn ee sheekadu ku dul wareegayso, haddanna waxaan arkey kontameeyo dhib oo haysta bulshadeenna dhamaana ku xusan sheekada. Tahriibka, daryeelid la’aanta xuquuqda dadkeena gaar ahana danyarta, qabyaaladda iyo sunteeda, dhibaatooyinka dhalinyarada, u raxleynta qurbajooga, qaadka iyo hawlgabka abaayasha cuna uu ka dhigo iyo qaar badan oo kale ayaa ka mid ah dhibaatooyinka buugga ku xusan.

Ta kale ee aan buugga sida gaarka ah uga arkey waxa ay tahay rajadda ay sheekadu ku abuureyso akhristaha sida  hodanimada dalkeenna, ku dhiiranaanta u adeega dadkeena, baraaruga dhalinteena, koboca waxbarashada dalkeenna, dadaalka iyo midho dhalkiisa, go’aan qaadashada saxsan iyo waxtarkeeda iyo qoyska ka dhisma lammaane toosan inuu abuuro farxad buuxda oo uu barbaariyo awlaad toosan. Waxa kale oo I soo jiitay sida Waayeel u soo waayo arakay, una yaqiinsaday in dalka hooyo uu yahay lamahuraan ka dib markii uu Barri iyo Galbeedba tagay.  Awooda qallinka qoraagga waxa lagu gartaa sida uu qoraagu u kasban karo wacyiga akhristaha, run baan idiin sheegayaaye intii aan akhrinayay sheekada marar badan ma aan xakameyn karayn dareenkayga. Waxan is arki jirey anigoo la qosleya markaan akhrinayo farxadda guulaha Wacays, la murugeysan dhibaatoyinka Waayeel, ka ooyaya burburkii ku yimid xiidhiidhki Ladan iyo Wacays, kolkolna quus qaadeya markaan arko dhibaatooyinka badan ee haysta dadkaan ka dhashay. Waxan wali ka fikiraa haddu wacays jiri lahaa hambalyo ayaan qoraagga ugu dhiibi lahaa.  Wax kastaa waxa uu ugu fiican yahay inta wax ka fiicani aanay jirin. Sidaa darteed. Buugan LABA KALA LEEXDAY-na waa buugii maanta ugu fiicnaa ee ay helaan dadkeenu, waanna sheeko mudan ina dhamaan la wada akhriyo,  waayo waxa ay sidaa dhanbaallo dhamanteen ina khuseeya. Qoraaganna waxa farxad iyo faan ugu filan inuu gudbiyay fariin timid xilligii loogu baahi badnaa. Alle ha barakeeyo qalinka qoraagga oo ah Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud.

Hambalyo.
Wa Jazaakumulaahu Khyran
Umayma Good


Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...