Soo koobid buugga Aden Duale ee “For The Record”

Buugga magiciisu yahay "For the Record: The inside story of power, politics, lawmaking and leadership in Kenya” ee uu qoray mudane Aden Duale waa mid akhris mudan. Waxa aad ugu baahan inay akhriyaan siyaasiyiinta higsanaya metelaad buuxda iyo siyaasad daboosha baahida bulshada. Hordhaca buugga waxa qoray madaxweynaha Kenya William Ruto oo ka markhaati kacaya in Aden Duale yahay nin dhiiran oo ku dhac leh. 

Sida uu madaxweyne Ruto ku xusay hordhaca buugga, “Dhiganuhu wuxuu tebinayaa hayaan ka bilaabmay Gaarisa, kuna dhammaaday halbawlaha siyaasadda Kenya, kaasi oo soo gudbinaya dhammaan dhacdo-siyaasadeedkii mudnaa ee labaatankii sanno ee u danbeeyey, sida kiisaskii Maxkamadda Danbiyada ee Dunida, soo ifbixii iyo dumidii isbahaysigii Jubilee, doorashooyinkii 2013, 2017 iyo guushii isbahaysiga Kenya Kwanza ee 2022" 

Buuggu wuxuu anfacayaa hoggaamiye kasta oo hiraal leh, raba inuu wax ka beddelo dib u dhac la soo dersay bulshadiisa, ayna ka go’an tahay inuu dadkiisa horumar u horseedo. Wuxuu waxtarayaa siyaasiyiinta, hoggaamiyeyaasha iyo dadka u dhaqdhaqaaqa isbeddel bulsho, sal balaadhan oo horusocod ah. 

Sidoo kale, waxa buugga ka faa’iidi kara cid kasta oo xiisaynaysa horumar gaadhsiinta bulshooyinka la gacanbidixeeyey, dib u dhacsan ee ka arradan metelaad siyaasadeed, kuna qatan qaabdhismeedka dhaqan-dhaqaale ee dal leeyahay. Waxaan isleeyahay dadkaasi buuggan wax waa ka dheefi karaan. 

Qoraaggu, Aden Duale, ahna wasiirka difaaca ee Kenya, waa siyaasi ka soo jeeda gobol taariikh ahaan la dayacay oo dib u dhacsanaa muddo dheer. Hoogaamiyihii hore ee Kudladda Aqlabiyadda Baarlamaanka Kiiniya, kaas oo kursigiisa baarlamaan difaacday afar doorasho oo isku xigta ayaa buuggan ku dhitaynaya taariikhdiisa siyaasadeed. Xagasha uu ka joogsanayaa waa aragtida reerguuraa, xoolo-raacato ahaa balse siyaasi isku beddelay. Wuxuu si ku dhac leh oo cad u soo werinayaa halgankiisa nolosha, heer walba leh ee meel sare iyo mid hooseba uu ku soo mutay. 

Wasiirku wuxuu humaag ahaan ku soo gudbinayaa kadeedka iyo tacadiyadda dadka ku nool Waqooyi-Bari Kiiniya ay ka soo muteen ciidankii u dhaartay difaaca isla dadkaas. Waxa xusid mudan inuu isagu maanta yahay taliyaha isla ciidankaas maadaama uu yahay wasiirka difaaca. Markii baarlamaanka dalkiisu ansixinayeen wasiirnimadiisa ayaa la su’aalay waydiin u dhignayd, waxa uga meel yaal faragalinta ciidanka ee arrimaha rayidka. Duale wuxuu ku jawaabay, haddii ay qasab noqoto in ciidanku ku lug yeeshaan arrimo rayidka khuseeya, waa inay raacaan oo dabaqaan dhammaan xeerarka ammuurahaas loo dejiyey. 

Isaga oo tixraacaya noloshiisii hore iyo koritaankiisii, Duale wuxuu sifaynayaa xaalad baahi badani ku xeeran tahay. Wuxuu is dul taagayaa halgankii iyo nafhurkii hooyadii ka hor inta aanu kor u fanan salaanka guusha. Dadaal, karti iyo tacab badan ayuu astaan uga dhigayaa guusha hayaankiisa nolosha. Wuxuu iftiiminayaa inuu ugu horayn qoyskiisa hanti u abuuray, ka gadaalna, qayb bulshadiisa ka mid ah, tiro ahaan haba koobnaadeene, saboolnimo ka samatabixiyey. Wuxuu tibaaxayaa siduu sallaanka siyaasadda ku soo qabsaday ee ay ugu suurtagashay inuu afar doorasho, afar xisbi ka soo dhex tartamo ee misana mid walba guul kala carraabo.

Duruusta ugu weyn ee daneeyayaashu buuggan kala soo dhex bixi karaan, qayb ahaan, waxa ka mid ah:

1. Go’aan qaadasho. Mid waliba xisaab ku fadhida. Waa oddorasida kooxda ugu mudan ee soo dhisi karta xukuumadda xigta, la falgalkooga iyo hagar li’i u maalgalintooda.

2. Metelaad dhab ah iyo kasbashada taageerada deegaankaaga. Waa sida loo hirgaliyo metelaad wax ku ool ah, loo abaabulo deegaan doorashadaada, dadkana loogu jiheeyo isbedddel xal waara dhalla. Tani waxay ku imanaysaa iska war hayn, booqasho joogto ah iyo wada tashi qaybaha bulshada si joogta ah loola yeesho.

3. Ka dhabaynta balanqaadyada xilliga cod raadiska iyo fulinta balamaha dadweynaha. Si kale, waa oofinta axdi doorasheedka si la isku aamino. Qoraaggu wuxuu taxayaa liis dheer oo waxqabad ah, jaadad badan, gaar ahaan dhismaha waddooyinka, iskuulada, xarumaha caafimaadka, biyaha iyo guud ahaan horumarinta nolosha dadweynaha deegaan doorashadiisa.

4. Ka dhex muuqashada qaddiyadaha qaran iyo ka faa’iidaysiga fursadaha guud ee siyaasiga ah si loo abuuro aragti togan oo siyaasiga laga qaato.

5. Adkaysi iyo difaacidda danaha dadka ku soo doortay, haddii ay xitaa la macno tahay isa seegga madaxda u saraysa, marka danahooga iyo ta deegaankaagu is hirdiyaan.

6. Iyo dhisida xulafo siyaasi ah oo isku adduunarag ah, danwadaag ah si wadajir meel loogu gaadho.


WQ: Abdirahman Adan Mohamoud

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...