Ganacsade Idiris Muxumad Sacad oo Dugsi Sare ka Dhisay Magaalada Boon




BOORAMA, 30 July 2008--Xaflad loo sameeyay furitaanka Dugsiga Sare ee magaalada Boon, ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boon, dhismaha dugsigaas oo ka kooban hal Fasal,Xafiis iyo Musqulo ayaa waxa dhismihiisa ku deeqay Idiris Muxumed sacad oo ah ganacsade u dhashay magaalada Boon. Xafladaas oo ay ka soo qayb galeen Qurbajooga reer Boon, Xildhibaano Guurtida iyo golaha deegaanka ka socda, iskuduwaha wasaarada waxbarshada iyo maamulka Degmada Boon.

Dhanka kale waxaa madasha xafladaas ka maqnaaday wasiirka warfaafinta oo lagu martiqaaday xaflada furitaanka Dugsigaas, waxana la sheegay in uu degdeg ugu baxay Hargaysa. Maamulka iyo Duqayda degmada Boon ayaa iyagu si weyn ugu mahadceliyay ganacsadaha ugu tabarucay dhismaha bilawga ah ee dugsiga sare ee Boon, waxayna ka codsadeen dhamaan qurba jooga iyo dad kale ee u dhashay degmada Boon in ay ku daydaan Ganacsadahan Idiris Muxumed Sacad.
Waxa kale oo ay dhamaan duqaydii halkaas ka hadashay ka warameen dhibta ka haysatay caruurtooda marka ay dhamaystaan dugsiga dhexe, iyaga oo tegi jiray Boorama oo u jirta 55km. taas oo caruurta qaarkood ayna fursad u heli jirin in ay tegaan Boorama, sababta oo ah ayay yidhaahdeen iyaga oo aan caruurta qaarkood ka helayn meel ay joogaan inta ay waxbarashada wadaan.

Iskuduwaha wasaarada waxbarshada Prof. Daahir Maxamuud Xadi ayaa sheegay in ay dhamaystiri doonaan qaybaha u hadhay dugsiga, wasaarada waxbarashaduna ku kordhin doonto sadex fasal, Labareri iyo qaybo kale sida Dayrka, wuxuu intaas raaciyay in ay keeni doonaan mushaharka macalimiinta, isla markaana loo baahan yahay in iskaa wax u qabsadii laga bilaabay Boon ay la yimaadaan reer Boon, waa dugsigii sare ee labaad ee furmi doona sanad dugsiyeedkan cusub ee bilaabmi doona Ogos 2008 ayuu yidhi Daahir Iskuduwaha Wasaraada Waxbarashada ee Awdal.

Dugsiga sare ee kale dhawaan ayaan ka furi doonaa isna magaalada Baki ayuu raaciyay iskuduwuhu. Ganacsade Idiris Muxumed Sacad ayaa isagu wuxuu yidhi ' dhamaantiin waad salaaman tihiin, Amaanta badan ee aad ii soo jeediseen ma wada lihi, intana waxay ahayd waajib i saaran, Boona waa magaaladaydii i korisay ee aan ku soo barbaaray, waxaan ahay nin biyaha Boon cabay, waajib faro badana way igu leedahay, waxaanse idinku dardaarayaa Odayada Joogaa ha noqdaan kuwii aan ku garaadaysanay sidoodii, Dhalinyartuna ha noqdaan sidii aan ahayn markii aan joognay Boon, magaalada Boon waxay ahayd mid ka saafi ahayd qabyaalada sidii ahaada. hada dhismaha aan sameeyay waa mid aan ugu talo galay in sanadkan lagu sii dhigto, wasaaraduna waxay balan qaaday in ay dhamaystiri doonto.

Waxa isna halkaas ka hadlay Maxamed Cumar Warsame oo ka socday hayada CCPRS, wuxuu ka waramay xaalada Caruurta ku nool degmada Boon iyo dad gudaha ku soo barakacay oo gaadhaya 50 qoys oo degen magaalada Boon, dadkaasi waxay ahaayeen dadkii ay ka dhamaadeen xooluhu, waxaa haysta dhib faro badan, waxayna u baahan yihiin gurmad iyo gargaar, waxaa ku nool magaalada 10 caruura oo dhegoole ah oo u baahan dugsi waxbarsho iyo caruur xiskoodu dhiman yahay kuwaasna waxay u baahan yihiin waxqabad iyaguna.

Furista dugsiga waxaa xadhiga ka jaray Cabdi Maxamuud Ismaaciil( Cabdi Weyne) oo ka socday Jaaliyada reer Boon ee degen LONDON, wuxuuna u mahadceliyay ganacsadaha ku deeqay dhismaha dugsiga, wuxuuna intaas raaciyay in qurbajooga iyo gudaha inta joogaa ay wax wada qabsadaan, loona baahan yahay in la soo celiyo waxqabsigii lagu yiqiin Boon, Qurba jooga ka hadlay waxa kale oo ka mid ahaa Saajin Xasan Sacad oo isna ka hadlay xaflada, sheegayna in ay ku dayan doonaan Idiris intooda kale ee qurbaha jooga reer Boon ah.

Waxa isna ka hadlay Xildhibaan Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo sheegay in loo baahan yahay waxqabsi, Boona ay tahay meel taariikhi ah ama magaalo xadaarad dheer leh. wakhtigii ugu horaysay ee uu shaqo u yimidna ahayd 1958kii oo Ingiriisku joogay, uuna ka shaqaynayay xoolaha, wakhtigaas Boon waxay lahayd Odayaal indheergarad ah oo ku fikirayay in ay Biyaha Afdoox ku keenaan Boon Qori-Carro, sida Beebka maanta ay ka cabto ah. waxa la idinka rabaa waa idinka oo soo ceshada wixii aad taariikhda u lahaydeen ayuu yidhi xil.Garaad


Hashim Goth

Source: Awdalnews.com

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...