Ardaynimada: Shalay iyo Maanta


Xammaasad gaar ah ayay lahayd markaad aragto ku dhawaad kontomeeye arday oo marka ay basaska ka degaan ba, orod isqaadaya oo maktabada ku qammaamaya. Waxa tartanka loogu jiraa maaha filim la fiirsanayo, ciyaar la daawanayo ama borotan kale. Waa waxbarasho iyo wax akhris waxa loo baratamayaa.Waa ku sinnaan labaatan gu' ka hor, isla bilihii hayaanka tacliinta sare, dalka ka hanaqaaday. Jaamacadda Cammuud ayaan arday ka nahay, sanadkii koowaad ee waxbarashada ayaanan ku jirnaa. Saddex koorso oo kaliya ayaan kalkan qaadanaa, saddex  macalin ayaana noo kala dhiga oo kala ah Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid  oo loo yaqaanay “Faarax Shuun", Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee, Prof. Abokor Sh. Abdi iyo Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed, iyagana Ilaahay cimriga ha u barakeeyee.

Saddexda koorso mid ka mid ah (Introduction to Psychology) oo Prof. Sulaymaan markaa noo dhigo wax buug ah (text book) oo koorsadan ku sahabsan saddex midh oo kaliya ayaa yaalla maktabadda. Tirada ardayda saxda ah markan intaan nahay ma hubo- waayo tiradu si joogta ah ayay hoos ugu socotay- laakiin qiyaastii kama yarayn 50 arday. Saddex buug sidii ay konton arday uga wada faa’iidaysan lahaayeen ayaa xujo noqotay. Ku darsoo, saddexdii buug mid macalinka ayaa la siiyey si uu duruusta uga soo diyaariyo. Midna hablaha aan isku fasalka ahayn oo markaa tiradoodu 7-8 ahayd ayaan u qoondaynay, si ay uga nabad galaan isriixriixa helitaanka buugga loogu jiro. Waxay dani ka tegi wayday in intii soo hadhay oo dhami hal buug wadaagto.

Jaamacaddu way nugu cusub tahayoo, ruux walba oon ama harraad gooni ah ayuu qabaa. Xiise kale inuu noo dheeraana la arkee! Hawli haddaba waxay ka timiday sidii halkaasi buug loo wada wadaagi lahaa. Isfahanka ardayda fasalka laftooda ayaa markaas uun abuurmaya, maxaa yeelay, arday hore isku soo baratay inta badan lama ahayn. Guud ahaan, ardaydu saddex hormo ayay ka koobnayd. Koox iyaga oo Jaamacadihii Muqdisho ku jira dagaaladu qarxeen. Koox iyaga oo dugsiyada sare dhigta, dalka lagu kala yaacay; iyo waliba kuwo iyagu aan dugsi sare ba gaadhin balse dadaal shakhsi ah ku  meelmaray. Arday dhawr ah oo dibada ama dalalka dariska ah ka yimi ayaa intaa tarraxa. Halkii buug ee kali ahaa in lagu heshiiyaa way adkaatay. Waxay noqotay in maalin ba ruuxa ku danbeeya ee ku dhafraa qarsado oo meel isaga uuni og yahay, Alle ka sokow, ku hubsado. Kummanaankun oo buug oo maktabadda taalay in tilmaan la’aan laga soo dhex saaraana, ma sahlanayn, haddii aanay ahayn ba wax mustaxiil ah.

Taasi ka soo horjeedkeeda, ardayga maanta waxbaranayaa hubaal ahaan waa laga haqabtiraa buugta duruusta laga daalacdo. Haqabtir kaliya maahee, kuwa kale oo   tixraac ahaan loogu talagalay ayaa waliba kuwa aasaasiga ah u dheer. Maktabaddii oo cammiran; buug cayn walba leh laga helayo ayaa iyadna halkeer ah. Intaasi oo dhan waxa dheer nimcooyinka Ilaahay inagu galaday, balse in badan aan la dhaadan ama si qalad ah loo adeegsado ee shabakadaha internetku ka mid yihiin. Laan kasta oo cilmiga ka mid ah, sahal iyo hawl yaraan ayaa looga haqab beeli karaa, marka aaladdan si sax ah oo sugan loo adeegsado. Waase ruuxii rabitaan rasmi ah la yimaada, meel sare higsanaya, soo jeeda, baraarugsan ee dadaalkana joogteeya.

In kasta oo ay duruufaha waxbarashadu adkaayeen, tas-hiilaadkuna yaraayeen, haddana ma xiise yarayn, haddaanay tacliintu waayahaas ba ka xallad badnayn. Tayada lafteedu, inkasta oo hadal ka iman karo, ugu yaraan ta maanta kama hoosayn, haddaanay la sinayn amaba ka sarayn. Waase xaajo lagu kala aragti duwan yahoo, waa hadba dacalka aad ka joogsato. Nafhurkaas iyo xiisahaas gaarka ah sababtooda ma hubo, waxaanse u badiyaa qoddobo dhawr ah; isku darkoogu inuu sal u yahayna la arkee. Qoddobadaas waxa ka mid ah, duruufihii adkaa oo isbeddel degdeg ah dan ma hurto ah ka dhigay, dib u yagleelkii waxbarashada iyo xiise gaar ah oo ku lammaanaa, ardayda oo inta badan muddakar u badnayd, gaar ahaan dhinaca  da’da, hillaw gooni ah oo loo qabay hayaanka tacliinta sare oo gayiga ku cusbaa (iska dhaaf tacliin saree, inaad baska Jaamacadda raacdo, runtii darajo ayay ahayd)

Isku soo wada xoorriyoo, duruufaha kor ku xusani waxay xujo cad ku yihiin ardayda maanta wax ku baranaysa jawi kaasi aad uga beddelan, kana horumarsan, gaar ahaan dhinacyadda dhismo-hoosaadyada, manhajka, nidaamka waxbarida, agabka iyo deegaanka waxbarasho. Sida duruufuhu hadda uga fog yihiin kuwii shalaytada dhaw ayay haddaba lama huraan u tahay in tayada maantuna uga tamar badato tii tagtada.


Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Barashadii Teebka

Waa beryihii dalku soo kabashada bilawga ah ku jiray. Waxbarashadu sidii ay nooga kala daadatay bilawgii sagaashamaadkii ayay dugsiyadu wali u xidhan yihiin, marka laga reebo kuwa Hoose/Dhexe oo dadaalka dad is xilqaamay ku socda. Dugsi Sare hadalqaad ba isagu ma leh. Meelo gaar loo leeyahay oo luqada Ingiriisiga kaliya laga barto ayaa noo ah isha kaliya ee aan aqoon ka korodhsano. Haddii laga tegi waayo joornaalka Newsweek ayuu Jabuuti iiga soo diri jiray ina adeerkay Maxamed Xasan Maxamuud, Ilaahay Janatul Firdaws ha ku casuumee. Aqoon guud ayaan ka korodhsaday akhriska joornaalkaas. 

Mashaariic badan oo dib u dhis ah  ayaa dalka ka socda. Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah qaar badan oo ka mid ah Borama ayaa xarun u ah maadaama Hargeysa dagaal ehli ahi markaas ka socday. Beryahaas ayaan shaqo gacanyare ah ka helay xafiiska Hay'adda Samafalka Maxaliga ah ee GUUS. GUUS waxay ka mid ahayd hay’adihii maxaliga ahaa ee ugu horayn ba dalka ka hana qaaday, barnaamijyo wax ku ool ahna arlada ka hirgaliyey. Dayactir iyo dhismo dugsiyo, xarrumo caafimaad iyo biyo balaadhin ayaa u mudnaa mashaariicda GUUS ay beryahaas gacanta ku haysay. 

Xirfad badan ma lihi aan ka ahayn gacanyare aamin ah. Yeelkadeede ugu yaraan waxaan wataa mid ka mid ah labadii sifo ee Nebi Yuusuf (CS) ku hawl galay markii uu Boqorka ka dalbaday inuu ka dhigo Wasiirka arlada maamula isaga oo isku hubay laba sifo oo qiimo badan; karti iyo ammaano. 

Shaqada ugu badan ee aan qabtaa, waa dirasho, wax soo iibin iyo gaadhi xafiiska u kiraysnaa oo aan marar dhif ah kexeeyo, gaar ahaan marka la iiga maarmi waayo.  Xafiiska teeb ayaa yaalla laakin sarkaalka garaacida teebka ku qorani, shaqo kale ayuu haystaa. Marka odayadu ay qoraalada qallin iyo waraaqo ku diyaariyaan, ayaa aniga la i diraa oo aan sarkaalkaasi xafiis kale oo uu ka shaqeeyo ugu tagaa si aan ugu wargaliyo shaqada u taalla. 

"Haye, haye waan imanayaa" ayuu si degdeg ah ii yidhaahdaa, ka dibna waan iska soo luudaa. 

Telefoon- mid xafiis iyo ku gacmeed - midkoodna ma jiro. Sidoo kale gaadiidkan dadweynaha ee maanta aan kala joogsiga lahayn, beryahaas Borama ka ma jirin. Bajaaj na ilayn waa dane, ha ka yaabin. 

Maalintii danbe waan fikiray oo waxaan is tusay shaqadan sarkaalka kale aan maalin walba u doonayo inaan anigu ba qaban karo. Haa maxaan u qaban kari waayey ma ruux baa xirfadaasi ku soo dhashay, sow qof walba mar uun ma baran. Aniguna maanta ayaan fursadaas haystaa ee waa inaan bartaa oo waliba ka midha dhaliyaa!

Aniga oo damacaasi i dirayo ayaan waraysi tagay. Waxa ii daran inaan ogaado sida ugu fudud ee aan teeb ku baran karo iyo halka aan ka baran karo. Waxa la igu kordhiyey in dugsi teebka laga bartaa hore u furnaan jiray, balse uu xidhmay markii loo waayay arday wax ka barata. Sida la ii xaqiijiyey, Hargeysa ayaa loo raray ka hor inta aan Borama dib loogu soo celiin dagaaladdii ka dib. Agabkii dugsigaas ayaa la ii sheegay inay ku  xeraysan yihiin xaafad magaaladda ah, macalinkii  dhigi jirayna uu hadda shaqo kale oo muruqmaal ah magaaladda ku haysto. Macalin Cabdi Barkhad Rayaale oo wax ka bartay Dugsigii CTC ee Hargeysa, ka dib na muddo badan ka shaqeeyey Bangigii Dhexe ee Soomaaliya ayaan raadiyey. Waxaan ka helay suuqa dhexe ee Borama  isaga oo tukaan furan ku haysta. Xirfadle dagaaaladu saameeyeen, balse aan is dhigan oo xoogsada ayuu ahaa. Waraysi ka dib, waxaan ku dhiirigaliyey inuu dugsigaas teebka dib u furo, arday badan oo baahi daran u qabta darteed. Fikrad fiican ayuu macalinkii u arkay, balse wuxuu ka werwersanaa helitaanka tiro arday ah oo la isku halayn karo. Wuxuu markii danbe igu xidhay ugu yaraan labaatan arday inaan keeno. Dhallintii aan isku filka ahayn ayaan fikradii dib ugu la soo laabtay. Liis baan diyaariyey, balse hadda ma xusuusto inaan gaadhnay labaatankii qof ee macalinku codsaday iyo in kale. Waxaan se xusuustaa in dugsigii teebku sidaa dib ugu furmay. 

Xiise badan ayaan u hayay beryahaas barashada teebka. Teebabka dugsiga yaallaa way noocyo badnaayeen; kuwo xuruufta qaar maqan yihiin, kuwo garaacista faruhu kugu daalayaan iyo kuwo cusub oo aad ku raaxaystaba. Laatiin iyo Carabi labada ba way lahaayeen, kuwa danbe haba tira yaraadaane. Tartan ayaa arday ahaan markaa naga dhex bilaabmay oo ruux waliba wuxuu rabaa inuu mid fiican fadhiisto. Waxay ka tagi wayday in salaada Casar aan Geed-Goble oo gacan-fudayd aan ku hubnay, ku sii tukano ka dibna albaabka dugsiga isa sii hor tubno. 

Caadiyan dugsigu afarta galabnimo ayuu furmi jiray. Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee adeer Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse ayaa markuu arkay niyada aan barashada teebka u hayo i siiyey teeb nooca gacanta lagu qaato ah (Portable Typewriter). Ilaahay godka ha u nuuree, teebkaasi beryahaas wuxuu iga dhigay nin aaladdii ugu danbaysay ee casri ah hantiyey. Saaxiibada dhaw intay i soo raacaan ayay saacado dheeri ah layli ahaan u adeegsan jireen. Wax kale kuma garatide, wuxuun baan ka dhignaa nin Ipad ku dhex haysta bulsho aanu kombiyuutarkuba markaas wali si fiican u soo wada gaadhin. 


Dhawr bilood ka dib markii aan bilaabay barashada teebka, xafiiskii aan ka tirsanaa wuu ka maarmay sarkaalkii aan shaqada kale ka dooni jiray. Kaalintii uu ku jirayna waan daboolay. Daboolid oo kaliya uun maahee, mishahar fiican oo beryahaa qoyskayaga biil ahaan ugu filnaa ayaa la ii qoray. 

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...