Ramadaantii Wacnayd!



Ma xusuusto goortii u horaysay ee aan taraawiix tukado, waxaanse si wacan u xusuusnahay aniga oo ku daba safan oo dhegaysanaya codkii macaanaa ee Allah ha u naxariistee Sh. Cabdiraxmaan Aw Gamboole, imaamkii hore ee masaajidka Harawo, Borama. Aayadihii uu inta badan nagu tujin jiray iyo luuqdii cajaa’ibka ahayd ee uu Quraanka u akhriyi jiray intuba wali maskaxdayda kama bixin. Sidoo kale, Sh. Cali Waasac Rabbi ha u raxmadee oo ducooyin badan ku akhriya cod aad u macaan ayaan si fiican u xusuustaa. Sida aan codkiisii macaanaa u xusuus nahay ayaan wali u xafidsanahay in badan oo ka mid ah dikrigii iyo ducooyinkii uu masaajidka ka akhriyi jiray Ramadaan walba.Marka laga yimaado, ducooyinkii sida jamaca ah loo wada akhriyi jiray Ramadaanta, salaad walba ka dib, waxaan aad u jeclaa oo aan ka heli jiray kuwa xilliga taraawiixda la akhriyi jiray.

Great Mosque of Mecca | Overview, Description, & Facts | Britannica

Aw Cabdi Muxumed, Allah ha u naxariistee, imaamkii masjid Jaamaca ayaan isna codkiisii uu ku akhriyi jiray siiqad Soomaaliga aad u xusuusnahay. In badan baan anaga oo is eryanayna, duhur iyo casar inta u dhexaysa, Aw Cabdi iyo odayaal masaajidka dhinaca dhulka yara dhigay jiif u diidnaye, Allow naga dhaaf.

Ma ilaawi karo, codkii qalbiga dhaqaajinayay ee Sh. Cabdilaahi Muuse Diiriye, Rabbi ha u raxmadee. Quraan ruug codkiisa iyo qaabka uu Quraanka u akhriyaaa xiiso gaar ah lahaayeen buu ahaa.

Habeenka aad u baahato taraawiix fudud iyo cod imaam oo qalbiga taabanaya, Geed-Goble iyo Sh. Maxamuud Caateeye iyo dikrigii ka danbeeyey ayaa kugu soo baxayay.

Hilmaami maayo dhallinyartii danbe ee Quraan xaafidka ahayd ee in badan dhagahayaga ugu raaxeeyey Quraan akhriska iyo noolaynta cibaadada habeenimo Ramadaano badan, ku dhawaad saddexdii tobanle ee aan ka soo gudubnay. Mid mid uma tirin karnee Ilaahay dhammaantood ha ka abaalmariyo.

Dhawrkii sanno ee la soo dhaafay, masaajidka Parkland ee magaalada tan Nayroobi ayaan ku taxnaa oo cibaadada habeenkii ku dhamaysanayay. Bad-xidhankan maanta ka hor, safarada shaqo oo dhan baan iska joojin jiray, bisha baraykaysan ee Ramadaan, mid mid laga maarmi waayo ma ahine. Ma ahi dadka fasax gala Ramadaanta, xitaa tobanka u danbeeya ee Ramadaan. Waxaan ogaaday shaqada iyo cibaadada habeenkii marka aad isla fahanto, in badan inay is dhamaystiraan ee aanay caqabad isku ahayn.

Sanadkan oo shantii toddobaad ee u danbeeyey aanan salaad masaajid ku tukan, jimcana ku dhahoo, ayay Ramadaan soo gashay. Ramadaan bilaa taraawiix ahi waa ugub iyo lama-arag aan wali taariikhda casriga ah soo marin. Waa hakad ku yimid dhaqan suuban iyo cibaado qarniyaal soo taxnayd.


Carruurta oo aan arrintan ka sheekaysanay ayaa iyaguna walaac xoog leh ka muujiyey. Iyagu waliba mid bay ina dheer yihiin. Rabbi kama dhigee, waa ciid la’aanta ku soo fool leh!
Inkasta oo aan mawlaca gurigayga siraatay oo aniga iyo qoyskuba aan halkan ku oogno cibaadada, haddanna waxay naftu si hillow badani ku jirto ugu harraad qabtaa barakadii jamaca iyo jamaacada. Waxay ruuxdu u oomman tahay, naftuna boholyoow u qabtaa masaajidadii habeenada Ramadaan sida gaarka ah loo soo cammiri jiray. Waxaan tebayaa cibaadadii habeenka ee taraawiixdu u mudnayd ee sida wadarta ah loo oogayay.

Ilaaha wayn ayaan ka rajaynayaa inuu inagu simo sanadka danbe, anagoo nabad ah iyo Ramadaan oo  mar kale marti la jecel yahay ah, iyo dunidoo ka soo kabatay lama-aragtan maanta taagan, si aan mar kale u kala sahay qaadano, idanka Eebe.

W/Q: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
Email: abdirahman.adan@gmail.com



How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...