Xasiloonida Xamar



Waa maalin Ramadaan, taariikhda miilaadiguna waxay ku beegan tahay 23/07/2014. Ummadda Islaamka ahi way sooman yihiin, cibaado iyo Allebari na waa loo xadhko xidhay. Sideeda ba, bisha Ramadaan waa mararka loogu cibaado badan yahay ee Ilaahay loogu dhaw yahay, lagana fogaado fal iyo ficil kasta oo Eebe iyo khalqigiisu dhibsadaan. Iyada oo xaalku sidaa yahay, ayaa war dhiillo leh laga soo sheegay Muqdisho. Waa dil loo gaystay marxuumad Saado Cali Warsame oo ahayd fanaanad Soomaaliyeed oo caan ah, cod cuddoon leh oo la wada yaqaanay.  Marxuumad Saado sannadihii u danbeeyey ee nolosheeda, waxay ka tirsanayd baarlamaanka Soomaaliya. Gaadhi ay la socotay inta mid kale lagu horjaray ayaa rasaas lagu shaandheeyey. Halkaasi ayay ku qudh baxday. Haa sidaasi ayaa nolosha astaantii dhiirranaanta gacan ka xaqdarani u soo afjartay.

Muqdisho way soo martay maalmo badan oo madow. Maalmahaas oo aan xitaa la xeerin xurmada bisha barakaysan. Maalmo aan la dhawrin birimagaydada iyo lama-taabtaanka. Dharaaro aan loo meel dayin meesha madfacu ku dhacayo iyo dhibta uu gaysan karo. In kasta oo aanan qof ahaan u dhex joogin, haddana niyad ahaan ayaan ula socday. Dhibta Xamar iyo dhulka kale ee Soomaaliyeed ka dhacdaa, way i taabataa. Jidhka ayaa u damqada oo u dubaaxiya. Muxuu ugu damqan waayey oo ugu dubaaxin waayay sow dadkaygii maaha oo jiidhku iiguma yaalo. Ummad ahaan, sow hilbo wada dhashay iyo hal qudha ma aanu nihin. Sow tuducyo la yaab leh hore uguma uu maansoonin macallinkaygii abwaan Gaarriye AHN markii uu lahaa:

Meeshiyo Hargeysiyo Juubba,
Qoriyahow halkaad cuskataaba,
Waa haar korkayga ku taalla,
Waa meel jidhkayga habaysa,
Dhaawaca anaa u hafeefta,
Giddi waa halboowle i qooman (Hagar-laawe 1984)

Sidaasi ayaan mar walba si dhaw ula socday saxariirka iyo silica la soo mariyey dadka Muqdisho. Waxaa jirtay in kadeedkaasi sii labakaclayn jiray bisha barakaysan ee Ramadaanta. Haa wuu ku sii laba laxaadsanayay bisha naxariista iyo dembi-dhaafka. Kooxahaa kacdoonka dhiigga badani ku daatay wadaa ayaa u arka waqti la barakeeyo camalka, waxayse illowsan yihiin in aanu ahayn camal kasta, se uu yahay mid kasta oo wanaag laga dheefayo. Waa shaqada dhiirigalinaysa wadajirka, nabad ku wada noolaanshaha iyo jacaylka bulshada. Balse maaha, ta nacaybka iyo cadhadu ka buuxdo. Maaha ta xinjiraha tufaysa ee dhiigu tifiqlaynayo, booguhuna inay sii qudhmaan oo qarxaan ma ogiye, aanay marnaba ka soo kabanahayn. 

Isla maalintaas marxuumad Saado Cali la qatalay ayaan la hadlay nin aan saaxiib nahay oo Xamar joogay. Waxa i damqay dhagarta loo gaystay gabadha fanaanadda ah iyo goorta dilka loo gaystay, oo labadaba xeerarka dagaalka Soomaalida ee aan qornayni reebayaan, birimagaydana ugu astaysan. Ninkii saaxiibkey dareenkii aan ka filayay mid ka sokeeya ayaan kala kulmay. Ugu yaraan sidii aan rabay, iilama uu baroordiiqin. Yaabay aniga oo waliba u tirinaya in marxuumadda iyo isagu iskaga kay aqoon badnaayeen, maadaama ay shaqo wadaag ahaayeen. Waydiiyey sababta aanay sidayda dhiillo badani uga muuqan. Ismaba dhibine, kuye, ‘Cabdiraxmaanow annagu geerrina kama naxno, aroosna aad uguma faraxno’’

Hadal sarbeeb ah ayuu ahaa, balse muujinaya qotodheerida qoonka bulshada gaadhay. Hadal weeyi ka tarjumaya sida bulshadu ula falgashay dhibta iyo dhimashada ayaan walba joogta. Weedh weeyi maskaxda ka fikirsiinaysa, bulshadana dabiib-wadareed u baadi goobaysa.


Huteel Shaamow

Saddexdii Diisambar, Laba Kun iyo Sagaal ayaa sidoo kale taariikhda ku gashay maalin kale oo madow. Maalmaha madoobi ma yarayne, waa subax loo diyaar garoobayo in la maamuuso koox arday ah oo dhakhtarnimo Xamar ku baratay. Waa koox u joojin wayday madfaca, qaraxa iyo qaxarka ku lammaan. Koox bay ahaayeen iska diiday inay niyadjabaan ama dhacdooyinka bilaa barakada ah ee ayaan walba joogaa ay niyadjabiyaan. Waa koox loo hanweynaa inay adeeg caafimaad u fidiyaan dadka reer Muqdisho ee qaxa iyo qaraxu noloshooda wehelka u noqday. Ha yeeshee, arxanlaawe marin-habowsan oo aanay waxaasi u muuqan ayaa naftiisa halligay, nafo kale oo aan waxba galabsana aakhiro u diray. Maxfalkii daqiiqado ka hor farxadda iyo niyad sammaantu buuxisay ayuu dhagarqabe, naftii-hallige ahi u beddelay xerodhiig, dhaayaha arkaa xannuun nafsaani ah halis u yihiin. Ardaydii faraxsanayd ee is lahaa gurta midhihii guusha ayaa noloshoodii la soo gaabiyey. Waalidkii is lahaa markhaati ka noqda guusha awlaadiinnu ka soo hoysay kifaaxa nolosha ayaa- inta badnaaday- laga dafay farxaddii iyo raynrayntii ay filanayeen. Tiiraanyo iyo uur-ku-taallo ayaana looga tegay. Macalimiintii ardaydan wax soo baray, oo qaarkood xirfadoodu carro-ka-waa ahayd ayaa isla goobtaas lagu gummaaday. Dibadda way u bixi karayeen, saa waaba farsamoyaqaano xirfadooda ku xoogsan karee, balse naftooda waxay u hureen dadkooda si ay uga la dagaalamaan laba cadaw oo soo jireen ah: jahli iyo cudur.

Mas’uuliyiintii dawladda ee is lahaa ardaydiina la farxa oo la dabaaldega, ayaa iyagana goobtaas lagu xasuuqay. Waa halkii heestii Qayladhaane, Qamar na (Wasiirkii Caafimaadka oo ah mas’uul birimagaydo ah) may dhaafin.

Hargaha iyo Saamaha

Taariikhdu markay ahayd 04/10/2011, ayaa sidoo kale gaadhi wayn oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray xaruntii Hargaha iyo Saamaha, halkaas oo ay ku sugnaayeen arday rajo ka qabay deeq waxbarasho oo dalka Turkigu bixiyey. In ka badan boqol ruux oo ardaydaasi u badan ayaa halkaasi lagu gummaaday. Ka hor qarixii Soobe, wuxuu u diiwaan gashanaa mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee hal mar khasaare baahsan geysta.

Isgoyska Soobe

14-kii Octoobar, 2017, waxa weerar lagu hoobtay lagu qaaday isgoyska Soobe oo ah caadiyan meel saxmad badan. Gaadhi weyn oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa suuqa kaga dayaamiyay. Natiijo la eeday ayaa ka dhalatay. Mid ka mid ah weerarradii argagixiso ee ugu dhiigga badnaa abid taariikhda dunida soo mara ayaa halkaa ka dhacay. Dad kor u dhaafay lix boqol oo qof ayaa halkaasi lagu gawracay. Taariikh madow oo jiil ka jiil aan la ilaawi doonin ayaa goobtaas diiwaanka gashay.

Maxaa dad nabadqab guryahoogii kaga soo baxay, heddoodii halkaa ku gashay. Maxaa hooyooyin agoomo-koris ah oo agagaarkaa ganacsi nafi ku badday ah ku haystay, hillibkoodii haadda loo wadhay. Maxaa masaakiin u soo kallahay quutal daruuriga qoysaskooda bartaas lagu qatalay. Tiro ma leh inta ubad subaxaas la agoomeeyey. Inta mid ka mid ah labadoodii waalid hore u waayey ee haddanna subaxaas tilmaaman kii kali ah ee u hadhanaa birta laga aslay ayaan tiro lagu hayn. Dadka aan waxba galabsan ee goobtaas ka ag dhawaa balse hilbahoogii la wadhay oo sidii neef ayaan odxiya ah la qashay gaadhi-gacan lagu guray ayaan maskaxda qofkii damiir leh ka go’ayn. Xusuusqorkayga, weerarkii Soobe wuxuu ugu diiwaan gashan yahay maalin weerar ba’an lagu soo qaaday isirka Soomaalinimo iyo jiritaanka aadamaha.

Kismaayo iyo Muqdisho

Jimce, 12/07/2019 ayaa sidoo kale rag hubaysani weerar ku qaadeen huteel ku yaalla magaaladda Kismaayo. Ugu yaraan 26 qof ayaa halkaasi lagu laayey. Hodan Naaleeye oo ahayd gabadh Soomaaliyeed oo qurbaha ka soo noqotay ayaa ka mid ahayd dadkii halkaas gacanta ka xaqdarani ku dishay. Hodan oo ahayd qof furfuran, dhoolacadayn badan ayaa rabtay inay wax ka bedesho sawirka dalkeeda laga haysto. Xirfadeeda ayay adeegsatay si ay u abuurto warbaahin mas’uul ah oo soo tabisa warar rajo abuuraya.

Arbaca 24-kii Luulyo, 2019 ayaa haddana xafiiskiisa lagu dhex dilay marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo loo aqoon ogaa Eng. Yariisow, duqii hore ee Muqdisho. Eng. Yariisow oo markaa shaqo rasmi ah ku jiray, ayaa u god galay dhaawac ka soo gaadhay qarax iismiidaamin ah oo sida la sheegay ruux nafteeda halligtay, nafo kalena galaafatay ay gaysatay. Isaga uun maahine, tobaneeyo mas’uul oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo iyo madax-waaxeedyo ka tirsan Dawladda Hoosee ee Muqdisho ayaa halkaas ku qudhbaxay. Guddoomiye Cabdiraxmaan oo aan shakhsi ahaan la soo shaqeeyey, aqoonna u lahaa ayaa ahaa mas’uul hawlkar ah, ixtiraam badan, karti badan iyo xirfadle garanaya shaqada uu ummaddiisa u qabanayo.  Qof niyadsan oo nolosha dadka Muqdisho inuu wax ka beddelo rabay ayaa mar kale weerarkaas lagu waayey.

Kantaroolkii hore ee Afgooye

Si la mid ah qarixii Soobe, ayaa goobtanna weerar kale oo bahalnimo ah laga gaystay. Isla tabtii hore ayaa gaadhi miinaysan meesha lagu soo weeraray. Waa subax Sabti ah, 28/12/2019, goor hore oo dadku nolol-maalmeedkoodii caadiga ahaa u soo jarmaadeen. Weerarku bar-tilmaameed la garan karo ma lahayn, wuxuuse u muuqdaa mid looga dan leeyahay inuu gaysto khasaaraha ugu badan ee suurtagal ah, mid lagu hoobtay ayaanu geystay. Dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa goobtaas lagu xasuuqay. Arday gaadiid saaran oo jaamacaddaha Muqdisho u socda ayaa xasuuq kale oo ba’an loo gaystay. Waa ubixii u soo kacayay bulshada. Waa rejada kali ah ee ay bulshadu leedahay, isbeddel iyo mustaqbal ka maanta dhaama na laga filayay.



Gunaanad

Dhammaan dhacdooyinka aan kor ku soo xusnay waxay tilmaan u yihiin dhagarta dadka Muqdisho ay la nool yihiin. Dhagaruhu ma yarayne, intani waa uun dul ka xaadis. Innaga ayaan dareen lahayne, wixii bulsho ka dhiidhiyi lahayd oo dhammi waa dhaceen. Maalintii ardayda lagu xasuuqay Huteel Shaamow inuu kacdoon bulsho dhasho ayay ahayd. Dadka ayaan jidhkoogu damqanayne, in dhagarqabayaasha waxaas oo dhiilo ah dhigay, cidday doonaan ha noqdeene, dhinac looga soo wada jeesto ayay ahayd. Soomaalida ayaa ilawsho dhawe, qolo-qolo iyo qabyaalad inta meel la iska dhigo, ilayn qabiil gaar ah cadawgu beegsan maayee, in dhaqdhaqaaq bulsho oo isbeddel doon dhab ahi dhasho ayay ahayd. Ma naxayaasha weerarada bahalnimo geysanaya, shisheeye iyo sokeeyaba, kuwa la fikir ah, kuwa la adeegsanayo iyo wixii la hal-maala ba in dagaal aan kala hadh lahayn lagu qaado ayaa habboon.

Isla xisaabtan inuu dhacdooyinkan ka ratibmo ayay garashadu ina faraysaa. Dadka intaas leeg ee maalin walba la xasuuqayo, dhulgariir ku dhiman maayaan, balse shirqool sharwayadaal ay soo maleegeen ayaa lagu gummaadaaye, tacsi kali ahi ma kaafiyaysaa qalbiyada qammuunyada la ololaya? Mas’uuliyadda wixii dhacay inay cidi qaado miyayna ahayn?

Dagaalka lagu jiraa inuu yahay mid bilaa weji ah la ma diidana. Cadawgu meel sugan oo loogu hagaago inaanu marar badan lahayn waa la og yahay. Balse taasi noqon mayso sabab laga ga baxsado isla xisaabtanka. Ayaandarro se waa in weeraradaa, ilaa kuwa maanta dhacaya, wali waxba lagama baran; malaha tacsidaa afka ah ayaa ba dadka deeqda. Dadkii amniga loo igmaday, ayaa hadday hadlaanba, sida weriye shisheeye oo arlo fog waayaheeda faaqidaya u warramaya! Dadkuna, quus iyo qalbijab, mid ay ka tahay ba, waa kuwa markiiba iska ilaawi og. Waxa lagu sabaa ereyo ay ka mid yihiin bulshada Muqdisho waa dad hal-adag oo adkaysi badan. Waxa aan aragnaa adkaysi maahee kadaraa u magac bixin. Miyaanu suubanuhu (NNKHA) ina odhan, ruuxa Muslinka ah god laba jeer laga ma wada qaniino. Meeqa jeer baa Soomaaliyeey god kaliya lagaa qaniinay?

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Abuurta Alle

Way u badan tahay inaan in badan ku mashquulno dhaldhallaalka adduunyo, in yarna waqti qaayo leh ku bixino u fiirsashada abuurka Alle iyo aayadaha ku lammaan. Marka aad si dhab ah wax ugu fiirfiirsato, waxa dhab ah in qalbigaagu ka dhex baxayo dunidan cidhiidhiga ah oo uu tagayo mid kale oo ballaadhan. Haddii aan si dhaw ugu fiirsano dhulkan aan ku dul socono ballaadhkiisa iyo baaxadiisa sow wax inoo kordhi maayaan. Miyaanu aadamaha oo dhan ku filayn, noole iyo dhinteba.

Buuraha waynidooda iyo ballaadhkooda ka waran?  Sida ay u samaysan yihiin iyo amarka ay haystaan ee ah inay halkaasi qotomnaadaan sow wax cajiib ah maaha. Mar haddii dhulka halka aan cagta saarno aynaan awood ku daloolin karin, buurahana dherer ku gaadhi karin, waxaynu madaxa la taagnaa ee iskula qab weynahay sow bilaash maaha.

Beeraha iyo wabiyada Ilaahay arlada dhexdooda inoo sakhiray bal hadeerna dhaado. Iniinta aan arlada ku saydhino ee haddana aan dalag ahaan mar danbe u goosanaa, sow xikmad u fiirsasho u baahani kuma jirto.

Xoolahan aan dhaqano sow gallad Eebe iyo sakhiraad Alle ma ahin. Awrka aan awooddiisa ognahay, haddana si fudud xataa curruurtu u dabarto, ma awood iyo karti aan leenahay baa mise waa hayinnimo xagga Alle laga ansixiyey. Ka waran caanaha saafiga ah ee aan xoolaha ka maalno. Halkay ka soo baxeen iyo siday tahay sow wada garan mayno. Cid moog miyaa jirta in caanahaas saafiga ah ee macaan ay ka soo dhex baxeen dhiig iyo dheecaan.

Bal hadda baddaas baaxadda weyn eeg. Dhab u fiiri siday u cartamayso; sida hirarka iyo mawjadaha baddu iskaga daba dhacayaan. Meeqa sanno ayay halkaa uun soo jiiftay iyada oo aan xadgudbayn, marka sidaa amar lagu siiyo maahine. Khayraadka gudaheeda ku dihin bal hadda jaleec. Sow ma yara inta aan ka faa’iidaysanaa. Sow ma koobna inta aan ka manaafacaadsanaa. Marka aan ku safrayno badda guudkeeda  ama diyaarad ku dul marayno ee dhinac walba biyo madaw mooyee aanay ishaadu wax kale qabanayn, sow qalbi wal oo isla wayni Ilaahay uma soo noqdo.

Marka aan diyaaradaha saaranahay- sidayda oo kale maanta- muuqaalo ashqaraar lehna dhaayuhu arkayaan, maxaa kaga  habboon in nafta la la shawro, wax na loo fiirfiirsado. Markan oo kale muuqaalada naadirka ah iyo mash-hadka Rabbaaniga ah ayaa xadanteeya qalbiyada xusuusinta u ooman.

Sida aan ka daalacday shaashada hortayda taal, diyaaraddu waxay duulaysaa meel dhulka ka saraysa 36 kun oo fuudh. Saacaddii waxay jaraysaa 841 km. Jawiga hawada sare (diyaaradda dibadeedu) wuxuu marayaa -47C. Marka aad daaqada fiirsato, ka dibna aad ku dhaygagto abuurka Ilaahay, jidhiidhico ayaa ku saaqaysa. Hawada xoogga leh ee ay diyaaraddu dhex jibaaxayso iyo muuqaalka la yaabka leh ee daruuraha iyo dhulka inay isla fal galeen dhaayaha ugu muuqda, intuba awoodda Ilaahay ee wax la la simaa aanay jirin ayay ka marag kacayaan.

Jeer kale, mar ay diyaaraddu ka gudubtay ceeryaan roob aad moodo oo aan dhex duulaynay, diyaaradanna waxoogaa ruxan ah ku keenay, jawi kale oo qurux badan ayaa loo baxay. Waa cir saafi ah; falaadhaha qorraxduna toos kuugu soo dhacayaan; hoos markaad fiirsatana waxay dhaayahaagu qabanayaan darruurihii oo aad moodo inay dhulka la siman yihiin. Ilaaha naqshadaasi ashqaraarka leh abuuray ayay wayni iyo awoodi u sugnaatay.

Ilaaha inoo sakhiray haadkan duulayaa inuu bogga ina galiyo ka dibna masaafo dheer- tacab la' aan - ina la duullo, ayaa xamdinaq inaga mudan.

رَبَّنَا مَا خَلَقْتَ هَٰذَا بَاطِلًا سُبْحَانَكَ فَقِنَا عَذَابَ النَّارِ
Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail:abdirahman.adan@gmail.com 

Damac iyo Dalxiis

Saaxiibow bal sawiradan iyo muuqaaladan ila eeg. Waxa la gaadhay goortii aad dalxiis u bixi lahayd eed ka nasan lahayd shaqooyinkan aad ku daashay, naftaadanna  u hurri lahayd waqti ay jawi degan ku qaadato"  Dhaglas ayaa ku tiraabaya isaga oo sawirro telka gacanta saaxiibkii ka daawadsiin raba?

" Bal horta waxaad ii sheegtaa, waxa aan ka dheefayo, safarkan aad igu boorrinayso, hantida badanna ku kacaya? Yaasiin ayaa ku falcelinaya, isaga oo dhinacna sawiradii ka fiirinaya.

Dhaglas waa shaqaale hawlkar ah. Shirkaddan waxa uu ka hawlgalayay muddo hadda tobanaan sanno kor u dhaafaysa. Waa xirfadle isku kalsoon oo shaqadiisa sida ugu wacan u guta. Wuu u hagarbaxaa oo waxba dib uma dhigto. Waxa ugu mudan ee uu raadiyaa waa shaqo si hufan ugu qabsoonta. Goortaas ayuu farxad kala bataa oo inuu haadka la duullo ku dhawaadaa. Waa goob shaqo iyo xeerkeed oo laga waayi maayo qof si xun u socdee, marka lagu soo xadgudbo, isma dhigtee, wuu iska waabiyaa. Haddii ay halkaa ku joogsan waayaanna, nin wax iska dhicin loo tilmaamo maaha. Markase uu xanaaqo, waa ruux fallaad xun. Waxba iskulama hadho ee wuu is keebraacaa. Wuu furtuuraa oo fatahaa. 

Waxay shirkadda ka wada shaqeeyaan oo ay saaxiib dhow yihiin Yaasiin. Dhawr bilood ayay soo kala horreeyeen, dabeecadaha qaarna  way ka siman yihiin. Dhinaca hawlkarnimada waa iskaga mid oo rag kala dhaca maaha. Labadaba hal-abuur iyo maskax furnaan ayaa lagu yaqaan. Hindise currintooda joogtada ah ayay shirkaddu ku raysay oo qayrkeed kaga horraysaa. Waa laba shakhsi oo hormood ah oo la majeerto.  Dhinaca dad la socodka ayay ku kala fog yihiin. Dhaglas waa nin furfuran oo dad dhexgal leh, halka Yaasiin lagu tilmaamo nin xidhxidhan oo aan dadka soo dhex galin. Dadka in gooni ah uun buu ka raacaa oo ay is fahmaan. Inta kale, waxay badi u yaqaanaan nin gole ka maag leh oo gooni socod ah. Ha yeeshee, hebelada ay is bartaani, kuma hungoobaan. Waa waayo arag aad wax u akriyey oo xog badan haya, sidaa darteed, wuu haasaawiyaa oo hogatusaaleeyaa. Inta badan dadka xurmo ayuu u muujiyaa, kii xummaan rabbana, wuu yaqaan sida loola xaallo.

Doc kale, labadan saaxiib, durruufo aad u kala fog ayaa ku xeerran marka ay noqoto noloshooda gaarka ah ee ka baxsan tan ay wadaagaan ee shaqada. Yaasiin, marka laga yimaado shaqada uu shirkaddan ka hayo, waa ganacsade meherado u shaqeeyaan. Waa mashquul saacaduhu u xisaabsan yihiin.  Firaaqada ayaa sideedaba ku yar. Waqtigiisu wuxuu u qaybsan yahay mar uu shaqada shirkadda ku jiro, mar uu ganacsigiisa gaarka ah ku hawlan yahay iyo mar uu wax akhris iyo aqoonkorodhsi ku foogan yahay. Qoys balaadhan ayuu ka soo jeedaa. Isaga markaad ka timaado, sagaal qof oo kale ayuu la dhashay. Aabihii qarax dad rayid ah lala beegsaday ayuu ku geeriyooday. Hooyadiinna sanaddo ka dib geerida odayga ayay god gashay.  Sidaas darteed, goor hore ayuu mas'uuliyad iska saaray korrinta iyo kaalingalinta xubnaha qoyska. Ehelka kale ee ku tiirsani waa tirobeel. Inta badan dad sabool ah ayay u badan yihiin oo taageeradiisa ayaa noloshooda udub-dhexaad u ah. Qaar badan fursado shaqo ayuu u abuuray, laakiin wali in door ah ayaan taageeradiisa la'aanteed iskood isku taagi karin. 

Dhaglas isagu waa kaligii. Xaas iyo caruur midna ma leh. Dad noloshiisu tiir iyo udub u tahay midna lama sheegin. Aabihii iyo hooyaddii, xirfadlayaal dabaqada dhexe ah bay ahaayeen, haddase waa hawlgab. Dhaqaale ahaan, way isku filan yihiin oo cidna waxba ugama baahna. Faa'iidada hanti ay maalgashadeen markii ay xoogga ahaayeen ayay manaafacsadaan. Gunnada hawlgabka oo si joogto ah ugu soo dhacda ayaa intaasi u dheer. Sidoo kale, wiil iyo gabadh la dhashay Dhaglas, waa dad shaqaysta oo nolosha meel wacan kaga jira. Labadooda waalid marka laga reebo, saddexdoodan wada dhashay, saddex qaaradood ayay kala joogaan oo ay ku kala nool yihiin. Qoys ahaan, xidhiidh adagi ma ka dhexeeyo, marka se wax soo kordhaan waraaqo ayay is dhaafsadaan ama telefoon ayay ku wada hadlaan, haddii loo baahdana, way isa soo booqdaan.

Inta ay wada shaqaynayaan ee ay shirkada wada joogaan, Dhaglas kharashkiisa aad buu u ilaaliyaa. Qadada oo meesha laga wada cuno, shaqaaluhuna lacagta qaybtamaan, Dhaglas isagu qayb kama aha ee qado uu soo karsaday  ayuu la yimaadaa.  Bunka ama shaaha falaas gooni ah ayuu u samaysatay oo arroortii inta aanu guriga ka soo bixin ayuu soo diyaarsadaa. Si kale kuma garatide, intii uu u baahan lahaa ba wuu sitaa. Nin soo diyaar garoobay oo shaqo tag ah weeyi.  Mararka hawl kale soo korodho ee shaqaalaha shirkaddu qaadhaan ururrin u dhaqaaqaan, ma hawlyara in Dhaglas wax laga helo. Yaasiin ayaa loo soo maraa oo marrarna wax ka qaada, marmarna ka quusta. Taas ka soo horjeedkeeda, Yaasiin isagu safka hore ayuu hawlahaas oo dhan kaga jiraa. Wuu isdiraa oo wuu  u hagarbaxaa, marrar badanna isaga ayaaba ah maskaxda arrimaha istaageersigu ay ka soo unkamaan. 

Marka la gaadho bisha ugu danbaysa ee sanadka oo badiba ajnabiga shirkadda ka shaqeeyaa fasax galaan, Dhaglas hayntiisa wuu farraqaa. Dib wax uma dhigto ee wuu kharash gareeyaa wixii uu kaydinayay oo dhan. Waxa ugu mudan noloshiisu waa inuu dunida soo dalxiiso. Diiwaankiisa socodku wuxuu tilmaamayaa in ilaa imika uu 46 dal soo booqday. Sanadkii hore Jasiiradaha Bahamas ayuu bil ku soo qaatay. Sanadkii ka sii horeeyey jasiiradaha Indooniisiya ayuu dalxiis dhinaca badda ah ku maray. Doorkan wuxuu ku taamayaa inuu labo goobood waqtigiisa u kala qaybiyo; waa goob dalxiiseedka "The Blue Lagoon" ee dalkaasi Iceland iyo buuralayda dalxiisayaashu jecel yihiin ee dhaca dalkaasi Peru. Halbeeggiisu waa inuu indhaha soo saaro dhul inta badan dhaayaha ka qarsoon oo aan la tagin, dalxiisayaashuna ku yar yihiin. Goobaha aan aad loo aqoon ayuu ugu jecel yahay. Sawirro kummanaan ah iyo muuqaalo aan ka yarayn oo uu goobahaas ka soo duubo ayuu daawashadooda weheshadaa. Inta sanadka danbe la gaadhayo ee uu goob dalxiiseed soo jiidasho leh ka helayo, xusuustaas ayuu la nool yahay.

Yaasiin isagu doonistaas ma qabo, xiisonna uma hayo. Waa marre, wuxuu qabaa inaanu haleel u hayn oo ganacsiyo kala duwan ayaa u kala daadsan. Waa mar labaad iyo mid ka mudane, waqti lumis iyo dhaqaale burburrin ayuu u arkaa safarradan dalxiis ee saaxiibkii caashaqsan yahay. Waa mar saddexaade, dhaqanka ah in la socdo oo dhulka la maro ama la soo dalxiiso noloshii lagu soo koriyey kuma jirin. Sabab dhaqan-dhaqaale oo guun ah in fikirkiisu salka ku hayo ayay u badan tahay. 

Maan rag waa mudacyo afkoode, Dhaglas wuxuu dedaal ku bixinayaa inuu mar uun saaxiibkii Yaasiin ilbixiyo (sida uu u arko), fadhiga ka kiciyo, dalxiis geeyo, indhihiisa wax soo tuso oo ay is raacaan. Wuxuu ku dhiirrigaliyaa inuu waqtiga ka faa'iidaysto oo dhul cusub, dad cusub iyo deegaan cusub soo barto oo dalxiis tago. Wuxuu ku boorrinayaa in nolosha adduunyada ee gaaban uu ka faa'iidaysto, inta uu awoodo ka raaxaysto oo uu nafiso. Ma mooganna xaaladda ku xeerran Yaasiin, balse waxa uu iswaydiinayaa sababta uu mas'uuliyadda culus isku saaray. Ma ku qanacsanna sababta Yaasiin bil walba biilal badan u bixiyo, arday dugsiyo uga bixiyo, kharashka noloshoodana u daboollo. Taas ka soo horjeedkeeda, wuxuu aaminsan yahay in Yaasiin abuurayo dhaqan tacabdiid iyo isku dul noolaansho ah. Iyada oo xaal halkaa marayo ayuu saaxiibkii la wadaagayaa, muuqaalo laga soo qaaday buuralayda Peru, waxaanu rabaa bal inuu maankiisa raadeeyo. Ha yeeshee, Yaasiin uma muuqdo nin si fudud safar hanti badani ku baxdo looga gadi karo. Dhaglas inuu halkaasi sii jilciyo oo saaxiibkii qanciyo ayuu ku dedaalayaa. Isaga oo isku dayaya inuu saaxiibkii fahamsiiyo inuu shaqada waxoogaa fasaxa ka qaato, naftana la soo shawro,  ayuu odhanayaa:

"Waryaa waad u baahan tahay inaad fasax qaadato oo aad safar dalxiis gasho. Waa marka koowaade, muddo dheer ayaad shaqaynaysay ee naftaadan garawshiiyaha kaaga baahan ayaad abaalmarin uga dhigaysaa. Waa marka labaade, dhul aanad hore u arag iyo dhaqanno cusub ayaad soo baranaysaa. Ku darsoo, dadkaasi siday u nool yihiin; waxay cunaan, waxay cabaan, siday u cabaan intaba lagaaga sheekayn maayo" ayuu ku doodayaa Dhaglas

Yaasiin isaga waxa u xisaabsan lacagta uu dalxiiska saaxiibkii ku bixinayo halka ay gufayn karto. Haddii ganacsi la galiyo, faa'iidada ka dhalan lahayd ayuu ka fiirrinayaa. 

"Aniga oo aan tagin, safar dheerna u galin, lacagna kharash garayn, sow intaa aad sheegtay ba ma ogaan karo" ayuu su'aal ahaan ugu celinayaa

Dhaglas wuxuu la yaaban yahay sida hagar la'aanta ah ee Yaasiin dad ay qaraabo yihiin biilal iyo dhaqaale kaleba ugu roon yahay, ha yeeshee marka ay naftiisa noqoto - safar hawo gedis ah oo uu galona ha noqotee - haynta inuu hurraa siday ugu adag tahay. 

"Haddii aad u jeedo wax aad buug ka akhrido ama muuqaal aad ka daawato, i aamin oo uma dhigmayso xiisaha iyo xalladda ku lammaan muuqaalada ashqaraarka leh ee aad dhaayahaaga ku soo arkaysid" ayuu ku jawaab celiyey Dhaglas. Wuu sii wataa oo su'aal doc kale abbaaraysa ayuu miiska soo dhigayaa

" Waar ninyahow, wax bixini kuguma yara oo waan ku ogahaye, marka ay naftaada noqoto, horta waa maxay waxan kugu soo degaa? Sowdiga mar walba dad kale u dirran ee danahooga fullinaya? ayuu sii raacinayaa. 

"Saaxiib haddii aad ka waddo reeraha aan dhaqaale ahaan taageero, xil baa iga saaran, iyaga iyo kharash tamashle ku baxaanna, agtayda bog kuma wada qorna" 

" Hagaag, horena waan kuugu sheegaye, ka daa dhaqanxumada aad barayso dadkan. Dad xoogsan kara, dhididkooda maali kara, dhinacna wax ka  baran kara ayaad la soo taagan tahay, xil baa iga saaran" Dhaglas oo jawaabtu ka dagi laada'ay ayaa ku soo rogaal celinaya. 

Yaasiin intan danbe wuu u guuxayaa. Wuu garwaaqsan yahay in ardayda uu waxbarashadooda kafaalo qaaday ay firfircooni intan ka badan la iman kari lahaayeen. Gaar ahaan, qolyaha jaamacadda hadda sii dhamayn rabaa, haddii ay ka go'an tahay, shaqo gallin ah ma waayeen, kol qolyaha ka hooseeya ay laylliyada kala shaqeeyaan, ka dibna kharashkooda waxbarasho wax ka daboolaan. Sidaasi oo ay tahay, is adkayn iyo ha u jabin mid ay ka tahayba doodda Dhaglas ganafka ayuu ku dhufanayaa.

'Saaxiib dee anigu sidaada oo kale kaligii ma nooli, dadkanna xil baa iga saaran. Midda kale, dee sidiina nidaam adagi nooma dhisna, kuwa aan dooranaana xil iskama saaraan daboolida inta ugu mudan ee la wada leeyahay,. Xagayagga xaalku nin walba waa ku ninkiisa" ayuu ku garnaqsanayaa isaga oo dhinacna saaxiibkii waxmataranimo ku eedaynaya, dhinacna is barraxaya. 

Aragtidaasi uma cuntamin Dhaglas, degdeg baanu uga jawaabayaa. 

'Waxyaabaha dhaqaalaha dalku u kobci laaya'ay, shaqo la'aantu u baahsan tahay, saboolnimaduna u xoog badan tahay waa isku darka habdhaqankaagan iyo qaar la mid ah. Intaasi imika aad dhaqanxumada iyo isku dulnoolaanshaha aad baraysaaba waa xoog dihin oo shaqayn lahaa. Waa cududdii dhaqaale ee dalka, balse si ku talagal ah aad hawlgab uga dhigteen" , Dhaglas oo tibaaxaya saamaynta ka dhalata falka saaxiibkii, dhinacna jawaab waafi ah ka bixi is leh eedaynta ah inaanu cidna taageerin, ayaa intan ku garnaqaday isna markiisa. 

"Waar dee imaad fahmin. Anigu shaqo ka joojin maayo dadkan ee waan u carbinayaa. Si waxsoo saarka iyo dhaqaale abuurka ay qayb uga noqdaan, sow horta inay waxbartaan lama rabo? Dee waa taasi ta aan ka shaqaynayaa? Inaad i fahantaa wanaagsan. 

"Waxbarashada lafteeda ayaa la qalad fahmay. Qasab miyaa in qof walba  jaamacad aado. Dalkayga lagu tiriyo kuwa adduunyada ugu horumarsan, 40% kama badna inta waxbarasho aad u saraysa lihi. Waa su'aale ma hubtaa in dhibtu tahay shaqo la'aan ee aanay ahayn tacabdiid. Shaqooyin badan oo mudan, dheefna leh balse dadkiinu ay ka xarragoodaan ayaan kuu ogahay. Maxaa diiday in la xoogsado oo muruqa la maallo inta jaamacad lagu wada ordayo? Maxaa ka hortaagan inay xirfadaha naadirka ah ee suuqa leh bartaan, ka dibna ku xoogsadaan? Maxaa maskaxda loo adeegsan waayey oo fikrado ganacsi iyo hindise  loola iman waayay. Halabuurkii iyo fikrad currintii maxaa helay? Ma ka fikirtay inaad dhibta qayb ka tahay waayo qoysaskan aad fadhiga biilka ugu qortay bari ka maalin sida tacab loogu karaa way adag tahay. Maxay ka daalayaan marlay haddii ay fadhiga ku dheefayaan, xoogsi iyo wax soo saarna aan lagu dhiirigalinayn ama lagula xisaabtamayn"

Yaasiin, mar kale ayuu dooda Dhaglas dhuuxayaa, dhadhansayaa oo wax ka garrawsanayaa. Wuxuu soo xusuustay hebello  uu waalid ugu toosan yahay, da'dii loogu xoogga badnaa ku jira, laakiin xoogsi iyo tacab aan haabka ba ku hayn. Marar uu isagu fursado la raadiyayna, kaalintoodii gabay. Sidaasi oo ay tahay, ninka shisheeye inuu iska dhiciyo oo aanu goldaloollo gudaha ah tusin  ayaa ka go'an

"In qof walbaa farsamo gacmeed barto lafteedu xal maaha oo xirfado kale oo la hurran yahay ayaa iyaguba jiree, sidii la iskugu miisaami lahaa labadaasi ayay sirtu ku jirtaa. Reerahan kale ee aan wax ku tuuranna, waa qayb ka mid ah istaageersiga qaran ee aan duruufo badan kaga soo gudubnay. Miyaa nala arki lahaaba haddii aanaan isgacan qabanayn, gaar ahaan waqtiyada foolka adag"

"In la is gacan qabto waqtiyada foolka adag, waa talaabo fiican oo dadkiinu ku ammaanan yihiin. Laakiin sow kama sii qurux badnaateen in gacanqabadku noqdo qaab qofka ganacsi ama meherad laga saacidayo, ka dib qofkaasinna wixii la daymiyey iska soo celiyo" ayuu su'aal ahaan u soo dhigayaa.

Niyadda ayuu ka qoslayaa Yaasiin oo wuxuu soo xusuustay sida waxbixintu Dhaglas ugu adag tahay. Wuxuu u maleeyey in sababtaas darteed uun daynta uu u door bidayo.

"Waar heedhe waxan aan ka hadlaynaa waa boqol ama laba reeraha loo dhadhaaro, ilayn anagu bangiyo dadka wax daymiya ma nihine" ayuu Yaasiin kaga tiraab celinayaa su'aashii Dhaglas.

Dhaglas imika waxa uu tixraacayaa xusuusqorkiisa. Wuxuu raadinayaa tiradii u danbaysay ee lagu sheegay cadadka lacagta Soomaalida dalka dibadiisa joogtaa gudaha u soo xawisho. Waxa u soo baxaysa in lacagtaasi ka badan tahay isku darka inta deeq ama gargaar dawlado shisheeye ku siiyaan Soomaalida.

" Fiiri, daraasaddii u danbaysay ee Baanka Adduunku soo saaray, waxa lagu sheegay in Soomaalida banaanka joogtaa sanad walba dalka u soo xawisho lacag gaadhaysa 1.6 Bilyan oo Doolarka Marayakan ah. Lacagtaasi waxay ka badan tahay wadarta wax alla waxa gargaar ama deeq loo bixiyo. Markaa saaxiib fahan oo garo in hayntiinu aanay yarayn ee waxoogaa tallo ama farsamo xumo ahi idin hayso" ayuu ku soo xidhayaa Dhaglas isaga oo dhinaca kalena ka taxadiraya inuu ku tiraabo hadal loo arki karo gef uu bulsho dhan ula badheedhay.

Yaasiin waa markii ugu horeysay ee uu xogtan maqlo. Wuu ogaa lacagaha la soo diraa inay xoog u badan yihiin, saamayn badanna ka tagaan. Balse marnaba ma uu filayn inay ka badan yihiin inta dalka loogu deeqo oo dhan.

" Horta dadkayaga banaanka joogaa way dadaaleen, waanay mahadsan yihiin. Balse adiga iyo Baanka Adduunka ee aad sheegaysaa waxaad ilawsan tihiin lacagta dadka gudaha joogaa dibada u diraan"

Dhaglas ma fahmin biyodhaca hadalkan, maankana ma ku hayo lacag buuran oo dalka laga saaro oo dibadda loo diro.

Yaasiin ayaa sii wata hadalka oo sii jilcinaya doodiisa.

" Dadkayaga dibada joogaa inay dadaaleen oo inta baahan ee gudaha joogta soo saacidaan, waa la wada ogyahay, walow aan qabo in aad loo buunbuuniyo. Waxase la ilaaway oo aan la xisaabin qurbajoogga faraha badan ee dalka u soo shaqo tagay inay lacag adag dalka dibadda uga saaraan ama reero banaanka joogga ha biiliyaan ama maalgashi dibadda ah ha sameeyaane"

Dhaglas hadda wuu fahmay halka Yaasiin ka hadlayo, laakiin wuxuu qabaa in tiro iyo tayoba aan taasi la barbar dhigi karin dadaalka qurbajoogga.

"Hagaag, way jiraan dad kooban oo dawladda u shaqeeya ama si kale u xoogsada, dibadanna hanti inay u saaraan waa suurtagal, laakiin taasi marnaba lama barbar dhigi karo Labada milyan ee Soomaalida madaalayaasha ah ee daafaha dunida ku kala firiqsan.

Yaasiin isagu ka eegi maayo dhinaca tirada, balse waxa uu ka fiirinayaa dhinaca cadadka lacagta ah ee dibada loo saaro. Wuxuu qabaa maadaama qurbajoogga dalka ka shaqeeyaa goobo muhiim ah ay joogaan in lacag diristoodu ay aad uga badan tahay ta dibada laga soo xawilo.

" Dibadda lacagta laga soo diraa inta badan waa biil, laakiin qolyaha dalka lacagta ka saaraa, maalgashi iyo hanti urursi ayay u badan yihiin. Markaa inkasta oo tiradoodu aanay badnayn, haddana hayntooda ayaa balaadhan oo adduun badan ayay la baxaan"

Wuu sii wadayaa oo Yaasiin wuxuu rabaa inuu dooddan daba dheeraatay soo afjaro.

"Murti waxaan u baahanahay daraasad aan dhinac ka rarnayn oo dhamaystiran, taasi oo lagu eego maxaa dhaqaale dalkan dibada laga soo galiyaa, maxaase dibadda looga saaraa. Farqiga maaliyadeed ee labadaasi dhaqdhaqaaq in la helo ayay sheekadu ku wacnayd. Sawir dhamaystiran ayaa inoo soo bixi lahaa"

"Taasi waa tallo fiicane, imika ma waxaad kolba qar iskugu qaadaysaa fasax gal, dalxiis u bax oo nafta soo nasi. Waar waa bad xiiqdee, tigidhkaaga iyo kharashkaaga anaa qabee, xagaagga soo diyaar garow saaxiib" ayuu hadalka ku soo jarayaa, Dhaglas oo xammaantiisa sii urursanaya, socodna u hollanaya.





Dawlad Hoose: Dan iyo Dareen

Hordhac

Dawladda Hoose waa hay'adda dawladeed ee dadka ugu dhaw. Waxay u xilsaaran tahay daryeelka iyo u adeega dadka deegaanka. Adeeg bay bixisaa aan laga maarmin. Dadka deegaanka ayaa ku tiirsan adeegyada kala duwan ee ay bixiso, la’aantood na, noloshu ba cidhiidhi bay gali lahayd. Dadweynaha iyo dawladda hoose ma kala maarmaan oo dan baa isku toshay. Dawladda hoose bulshada kama maaranto oo la’aantood jiri mayso, dakhlina soo hoyn mayso, cid ay u shaqeyso oo ay meesha u joogtaana, shacabka la’aantood lama arko. Dadkuna kama maarmaanoo adeegyo muhiim ah oo aanay la’aantood nololi ba suuroobayn ayaa kaga xidhan dawladda hoose. Xaaladdaha adeegga dawladda hoose si wacan u fullo, dadkuna ay dareemaan inay tallada iyo maamulka qayb ka yihiin, sharciyadda maamulka ayaa sii adkaata. Marka lacagtii laga ururiyey shacabka adeeg hufan loogu beddello, qaab isla xisaabtan oo banaanyaal ahna la hirgaliyo, natiijo lagu diirsado ayaa dhalata. Kalsooni iyo is aaminaad ayaa abuurma, isla markaana si hagar la'aan ah ayaa loo wada shaqeeyaa. Nabadda ayaa sii xoogaysata, ka dibna bulsho iyo maamul isku ujeedo ah, dhan u wada jeeda oo xidhiidh adagi ka dhexeeyo ayaa soo baxda.  Isfahankaas iyo wada shaqayntaasi, rukunno sal adag ayay u noqdaan maamulka, dawlad wanaagga iyo adeegbixinta.

Adeegbixin

Xeerarku waxay dawladda hoose ku waajibiyeen bixinta adeegyo badan oo nolosha aan looga maarmin. Waxa ka mid ah basrinta qashinka,  xoojinta iyo kor u qaadista nabadda, wanaajinta xukunka dawliga ah, bixinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, horumarinta deegaanka, dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha iwm. Intii aan dawlad uga baahnayd ba, waxa laga rabaa inaad ka hesho dawladda hoose ee kuugu dhaw. Falsafada ka danbaysaa waa maamuldaadejin iyo in adeegyada  aasaasiga ah laga fuliyo xafiiska dawladeed ee dadka ugu dhaw, loo fuliyo, sida ugu kharash yar ee ugu wax ku oolsan (subsidiarity principle). Ha yeeshee awooddii (tamar iyo dhaqaaleba) lagu fulin lahaa adeegyadaasi  oo dhammi ma cadda, xeerarkuna way ka aamusan yihiin. Kabka oo ah il dhaqaale oo muhiim ah oo laga maalgalin lahaa adeegyada dadweynuhu, ayaandarro ma u nidaamsana qaab saacidaya adeegbixin isku dheelitiran.

Isfahandarro

Beryahan danbe, awoodda dawladaha hoose aad bay u soo kobcaysaa. Dakhliga ay soo saaraani aad buu kor ugu kacay, adeegbixnitu way ka soo raynaysaa, nidaamyo iyo qaabab shaqo oo casri ah ayaa la hirgaliyey. Waxa kale oo dhab ah in dhaliil badani jirto, halka la joogo meel ka wacanna la gaadhi kari lahaa haddii tab iyo xeelad inta hadda la adeegsaday ka xikmad badan la la yimaado. Yeelkeede, isfahandarro wayn ayaa haddanna wali jirta, tabasho ayaana la kala qabaa. Adigu, ka muwaadin ahaan, kolay cabasho adeeg xummo ah baad qabtaa. In lacag uun lagaa qaado oo aan waxba laguu gu qaban ayaad aaminsan tahay. Inaanad biyo nadiif ah helin, qashinka lagaa basrin, waxbarasho tayo leh oo bilaa lacag ah aanad helin ayaad ka cabanaysaa. Inaanad si  fudud u heli karin saraakiishii aad dooratay ayaad ka cabanaysaa, haddii aad heshana ay qiimo sare kugu kacayso. Waxaad aaminsan tahay marka aad adeeg uga baahato xafiisyada dawladda hoose, kaadhka dhalashada oo aad la sooo baxaysana ha noqotee, inaanad si fudud u helayn ilaa aad wax dhaqdhaqaajiso. Inaan tallada xaafadaada waxba lagaa waydiin ayaad ka boodsan tahay; in maamulka maxaliga ahi cashuurta uun kaa qaado ee halka lagu bixinayo waxba kaa tala galin ayaad ka xanaaqsan tahay. Wax waydiini ha danbaysee, inaanay waxba iskaga kaa tirin ayaad la dhakafaarsan tahay. Xisaabcelin iyada hadalkeedaba daa. Waxaad u qabtaa inaad xaq u leedahay inaad odoroska iyo jaangoynta miisaaniyada ka tala bixiso, hadhawna xisaabcelin hesho, ama ugu yaraan ruux kaa wakiil ahi helo. Isku soo wada xoorriyoo xafiiska dawladda hoose kama maarantid, haddana xero jin baad u taqaan.

Dhinaca kale, saraakiisha dawladda hoose markaad la sheekaysato, muwaadinka cabasho ayay ka qabaan oo wax bay ka tirsanayaan. Cashuur inaanad bixin ayay kugu eedaynayaan. Marka biilka cashuurta laguu keeno inaad shaqaalaha sanka lacag ka marmariso si aad cashuurta kugu waajibtay uga muquurato ayay kugu dhaliilayaan. Inaad qashinka gurigaaga ka soo qaado haddana shaaricyada dhigto ayay kaaga cabanayaan. In bulaacaddii meheradaada aad dariiqa ku rushaysay oo hawadii iyo deegaankiiba aad sadhaysay ayay kaa tirsanayaan. Inaad dhawr mitir dariiqii gurigaaga hormarayay sifo sharci darro ah u soo gashay ayaa lagugu haystaa. Mararka dhifka ah ee sharciga lagu gu fulliyana inaad galaangal badan tahay oo aan lagaa nasan ayay ka cabanayaan. Waxay qabaan inaad raadinayso danaysi gaar ah oo aan dabar lahayn haddanna loo fuliyo si danta guud lid ku ah. Haa fikradaas ayay dad badan ka haystaan. Iyaguna kaama maarmaan haddana xadhig lama sitaan ayay kuu arkaan. Labadiina dhinacba cabasho waad kala qabtaan, garawshiiyana ma muuqdo. Inaad wada fadhiisataan, wada hadashaan oo aad is xaal waraysataan, waxaad ka jeceshihiin inaad is eedaysaan. Isku soo dhawaansho aan caggo adag ku taagnayn isaga meesha ha ka saarin.

Hay'ad-dhis

Mid ay wax ka jiraanba,  asalka dhibtu wuxuun buu ku qotomaa qaab fikir qaldan iyo qaran-dhis qaloocday. Milil korkii ayaa la dhayayaa, ma se la rabo in naburka si wacan loo bogsiiyo. Madaxda laga cabanayo muwaadiniinta uun baa reernimo ku keenay. Codbixiyaha ayaan ka fiirsan cidda ay tallada u dhiibanayaan. Shicibka ayaa gacanta u galiyay awood ay ku go’aamiyaan qarraarro nolosha dhabta ah taabanaya, marka ololku gaadhana calaacal ku danbaynaya. Haa sow  codbixiyuhu reero kuma dooran halkii uu ka qiimayn lahay kartida, hufnaanta iyo ammaanada xubnaha damaca leh. Sow bulshadu aqoontii iyo kartidii kamay dhigin wax aan waqtiga la socon karin. Boobkii iyo afmiishaarnimadiina sow looma fahmin ragganimo la is dheer yahay. Ma bulshada ayaan ahayn mid ninka daacadda ah ducuf u aragta; ka digdigta badan ee xaqa daaha saarayana halyey u taqaan. Ma in badan oo dadka ah ayaanu halyey u ahayn ruux xoolihii ummadda dhacay, indhahooga oo shan ah na ka hodmay. Sow la iskuma dhiirigaliyo dhaca iyo boobka; ruuxa ka dhawrsadana sow wax ma tare liita looma yaqaano. Sow dadku ma qiimo ridaan oo kuma digtaan ninka aaminka ah, aakhiradiisa u tudha ee tolka inta la wada leeyahay geed kaga xidha. Doorashadu sow xaraash oo kale ma noqon, ka ugu jeebka wayni guulaysto. Sow hadalka iyo ficilku ma kala foga. Cadaalad sow lama wada rabo, haddana ruux wal baa sow in gooni loogu raxeeyo dooni maayo. Horta ma la rabaa in la la xisaabtano saraakiisha xilka loo dhiibay, haddii ay wax ku soo baxaanna, dhab ma  tahay inay cadaaladda waajahaan. Ma la hubaa inaan hadhow reero la  kala noqon oo qaar difaac mutuxan isla soo taagin goorta (iyo haddiiba) la soo golejoojiyo hebelo la wada ogyahay in ay yihiin waxmatarayaal wax badani ku maqan yihiin?

Nidaamka dhisani sow ma dhiirigaliyo kala tag bulsho, dabaqado iyo kala sarrayn bulsho. Sow caado lagama dhigan si ka duwan sida ay u dhaqmaan quruumaha qaangaadhay ee ku dadaala inay bulshada isku wadaan, sinaanta hirgaliya isla markaana sugga nidaam loo dhan yahay oo qayb laga wada yahay. Sow lagama wada dharagsana in nidaam  xumaddu ay nacab ku tahay qarandhiska, nuglaan qaranimo iyo xasarad aloosna horseed u tahay, haddanna sow heshiis laguma aha ku sii socodka dariiqaas. 

Gunaanad

In gole deegaan oo la soo doortay ku metelaa, waa astaan ilbaxnimo iyo horusocodnimo. Waa maamuldaadejin iyo ka qaybgal bulsho. In dib loo noqdaa, waa dib u gurasho, tirtirida raadadka qarandhiska iyo maamulwanaagga. In sida ay yihiin lagu daystaanna, kob doog leh reerka furi mayso. Xeerkii lagu dhaqayay dawladaha hoose mar haddii maanta dib u eegis lagu samaynayo, garashadu waxay ina faraysaa in wixii qaloocday, maanta la toosiyo. Waayoaragnimadii la kasbaday in laga faa'iidaysto oo qaladaadkii hore laga leexdaa waa lama hurraan. Waa in la iska jiraa in raad arooryo dib loo raaco. Intan hoos ku taxan haddii ilgaar ah lagu eego, la arkee inay inoogu badiso:


  • Tirada golaha deegaanka ee faraha badan waxba lagama dheefee, waa in aad loo dhimaa. Magaalooyinka waawayn oo dhan, toddoba xubnood oo dalka lexejeclo ka hayso ayaa ku fillan. Xubnahaasi waa inaanay noqon xubno soo shaqa tagaye, ha lagu dadaalo inay noqdaan dad isku fillan, danta iyo horumarka magaaladda ka talinaya. Maalin walba inay soo shaqo tagaan ma loo baahna, balse ha ku koobnaadaan, maalmaha ansixinta qorshe-hawleedka, miisaaniyadda iyo isla xisaabtanka. Gunno fadhi ayay xaq u yeelanayaan. 



  • Duqa magaaladda iyo ku xigeenkiisa toos ha loo soo doorto oo cod dadweyne ha ku yimaadaan. Xubnaha doorasho ku yimaadda kalsooni dadweyne ayay siinaysaa, isla xisaabtanku xubnaha la doortay iyo dadweynaha ayuu ka dhaxaynayaa, xubno aqoon, karti iyo damac lihina inay tartanka soo galaan la arkee. 



  • Xoghayaha dawladda hoose ha laga daayo soo magacwga oo ha loo tartamo. Waa hawlbawlaha shaqada wada'e qofka kaalintan loo xulanayaa karti, aqoon iyo khibrad ha ku soo baxo. Tartan furan ha ku yimaado shakhsiga kaalintan buuxinyaa, maamul ahaanna, mas'uulka degmadda ee tooska loo soo doortay ha hoos tago. shaqsiga tartanka ku guulaysta, wasaaradda arrimaha  guduhu wareegto ha ku soo saarto. 



  • Dadweynuhu cashuurta kuShaqsiga tartanka furan ku guulaysta, wasaaradda arrimaha guduhu  wareegto ha ku soo magacawdo waajibtay ha bixiyaan, wasaaradda maaliyadda iyo arrimaha guduhuna ha hubiyaan in miisaaniyadda loo soo gudbiyey ay ka jawaabayso baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Degmooyinka darajada koowaad (A), waa in lagula xisaabtamaa in kabku boqolkiiba boqol horumar galaa ee aan loo isticmaali karin kharashka joogtada ah. Wasaaradda maaliyaduna waa inay kabkaa ka dhigtaa mid daahfuran, la sii ogyahay, lagu xisaabtami karo, goortiisana la helaa.



  • Hantidhawrka gudaha waa in la xoojiyaa. Maaha uun dabagalka lacagta'e, waa inuu hubiyaa in qorshe hawleedkii iyo miisaaniyaddii la ansixiyey sidii loo ansixiyey loo fulliyey. Ha madaxbanaanaado, warbixin sanadeed dadka degmadda la la wadaagana waa inuu soo saaraa.



  • Magaalooyin badan qashinka shirkado ganacsi ayay ku wareejiyeen. Ha yeeshee shirkadahaasi sida lagu qaatay, heshiiska la la galay iyo sida loo kormeeraaba inta badan wax cad maaha. Waxaanay u muuqataa in dawladaha hoose kaga baxsanayaan mas'uuliyaddii aasaasiga ahayd ee ka saarnayd fayadhawrka deegaanka. Fashilka maaraynta qashinku waa cunsurka u muhiimsan ee sii kala dilla maamulka degmada iyo dadweynaha. Markaa waxa lamahurraan ah, haddii dawladda hoose basrinta qashinka cid gaar ah ku wareejinayso in loo maamulo si banaanyaal ah, cidda lagu wareejinayaa ay leedahay awooddii ay ku wadi lahayd hawsha, diyaar u tahay inay maalgalin samayso, dawladda hoosena kormeer joogto ah ku haysaa. 



  • Mashaariicda horumarku dabagal iyo dayactir ha yeeshaan. Waa la awoodaaye, ha loo hagarbaxo oo jidka lagu dhisay boqol kun oo dollar, marka uu konton doolar oo dayactir ah u baahan yahay ha loo hurro ka hor inta aanu boqol kun oo kale kaa doonin.



  • Dhulka ganacsiga noqday, gacanta maamulka ha lagu soo celiyo. Muwaadin walbaa xaq ayuu u leeyahay inuu helo dhul uu dego, inuuse arlo dhan weegaarto oo dadka degsiimada u baahana ku dhiigmiirto xaq uma laha. Dawladda hoose dadka dhulkaa ka ganacsada amar ha ku siiso inay sanad gudihii ku dhistaan, waanay ahayn cashuurta dhulka la iska ootay, aad ha uga sarayso, ta guryaha la degan yahay, tanaasulna ayaanu ka furnaan.



  • Magaalooyinkii waa lagu soo qulqulayaa, si xawli ahna way u fidiyaan, adeegyadiina inay hoos u dhacaan mooyee, la kori maayaan magaalooyinka. Halkan qorshayn magaalo oo lagu ladhay qorshe adeegbixin oo dheelitiran ayaa lamahurraan noqonaya. 


Ugu danbayn dadku ha fahmeen maalinta codkoodu mustaqblkooda sarjarayo. Meel ma wada gali karaane, hala kala daayo in marka horena caadifad wax lagu doorto,  marka xannuunku cid walba taabtanna, cataw lagu danbeeyo. Aragti qabyaaladdi sal u tahay iyo cod xaraash ah midhahoogii la aragye, armaa la joogaa goortii wax ka aayo roon looga wareegi lahaa. Armaa la gaadhay goortii waxtar iyo waxqabad wax lagu kala xulan lahaa. Karti iyo hufnaanta hebelada borotamayaa hal-muceed caaqibo leh sow ma noqdeen? Alle ka cabsi iyo ammaano sow ma habboona in laga horaysiiyo xigtanimada? Dhismaha hay'ado dawladeed oo dhidibo adag ku taagan, sharcigu sal u yahay, ogol isla xisaabtan, aragti lagu haggo ma la samayn kari waayay, mise waan loo hagarbixin? Ma la dhiirigalin karaa oo halbeeg ma laga dhigan karaa hoggaan la soo jirrabay, lagu hirto oo hiraal iyo aragti leh? Saw lama heli karo dawlad hoose oo u dabacsan dadkeeda, diyaar u ah inay ka jawaabto baahiyaha bulshada, yoolkeeduna yahay  adeegbixin loo siman yahay.

Intan isku darkoodu sida loo helaa ma hawlyara oo caqabado badan ayaa ku gudban, waase la qaban karaa hadii loo guntado.

Afeef: fikradaha uu qorraalkani xambaarsan yahay waa arragtidayda shakhsiga ah, xafiis, koox iyo urur toona looma nisbayn karo.

Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Ali's Steady Swings- A short Story

Before Ali assumed his current post, he was leading a very rudimentary life. With his extended family, they were all living in a small, over-crowded, two-roomed house. Ali had no decent job in the last five years, but he has an ambition to become a successful businessman. His aim was to get a short cut out of poverty. After tireless efforts, through unscrupulous means, he finally managed to get a post at a well-resourced entity. In the first month of his new assignment, he immediately moved to a much more spacious and furnished maisonette. The monthly rent of this new house is almost equal- if not greater- than his monthly income and that of staff with a same grade. Yet, he lavishly spends and lives in such an expensive rented house. Distant and close relatives from rural areas, other towns and overseas countries, all permanently live together there – a sign showing he has become a big and powerful man. Indeed, there are rooms reserved for special guests. In it, there are salons specifically designed for Kat-chewing and like-minded fellows. Ali wasn’t among those regular Kat chewers until recently, but now he is of the opinion of making sound judgement over chewing sessions. Without it, time would have been so tight, as he often argues lately.

Now it is a little bit over one year since Ali has assumed the new position. The two-story building in which they presently live in, isn’t a rented one as was the case before. Rather, it is one of his newly-acquired properties. Last year, he was married to another wife (polygamy is common practice in this part of the world) and the new-established family equally lives in a just refurbished new villa. The personal wealth of this officer is increasingly growing, notably with an accelerated pace. In the North side of the town, where the city is vastly expanding to, he developed elegant, concrete-built two-story flats. A Chinese company was awarded the contract through a single source and non-competitive bid. He equally developed similar properties in other major towns of the country. As for entrepreneurship and business development, he isn’t a big fan of retailing transactions. Conversely, he has heavily invested in stocks in carefully selected and promising business entities. He bought sizeable shares from such thriving businesses. Stock selling and buying transactions of such companies is not transparently done, but for someone with his influence, it is easily arranged, often under dodgy deals. Ironically, all this upward social mobility is registered within the very short period he is enjoying the privileges of this position with modest earnings.

Ali’s influence in his constituency has equally witnessed unprecedented and positive improvement. In fact, he is now considered a very powerful and influential king maker. He calls community meetings, often through Kat chewing salons, where any issue is chaotically debated. His home, in fact became a center where clan politics is cooked. The Sultan and some other powerful elders, along with him, jointly set strategies for their community, often controversial but effectively serving their egos. It was Ali who played a pivotal role when his clansmen last month decided to grab a large unsettled land but reserved for grazing purposes during drought and unfavorable conditions. It was him who mobilized resources and made huge pledges. He was the one who single-handedly and generously funded excavation of water reservoirs and cutting off decades-old trees in the forest-turned dessert. He even recruited and armed unemployed young men from the area, mostly under-nourished and under-age, just in case they face any possible resistance from neighboring communities. Interestingly, many of the traditional elders who hitherto were not even aware of his existence, now surprisingly hold him high.

Still, such an energetic figure with controversial practices frequents to a local mosque. Unless he is out of the town, he never misses congregations. But many are puzzled with his uncompromising praying practices and discounted values which clearly can’t cohabit. While Ali is extremely obsessed with this weeks’ top agenda -land grabbing, an old acquaintance approaches him and seeks assistance. Halimo is a widower of a former and long-serving civil servant. She has been harshly and negatively affected by the deteriorating living conditions. Her son is expelled from high school due to accumulated school fees and she had no other option rather than turning to this man. Her late husband, Abdi, was a principled civil servant who headed different departments and recruited many intakes. His former colleagues described him as a hard worker, honest and a man with integrity. Almost everyone who knew Abdi agreed that he was a very quiet, soft-spoken, and good-mannered man. It was even reported that he never used office-provided vehicle after official working hours, no matter how much he needed it. He rigorously ensured that all his income is from halal and acceptable sources. While alive, Abdi was on top of all his family affairs, even under trying circumstances.
There were no cases where he needed financial assistance, externally. He briefly fell sick last year and unfortunately passed away prematurely. Hence, today the family misses his wisdom, leadership and financial protection. He was a confident and proud officer and yet content with his financial position. He looked down such a people that his wife is now forced to plea. In his books, they were simply recorded as inept and crooked cartels. He always considered them as morally bankrupt and greedy. In short, to him, they were very mean and losers.

On the other hand, while he was alive, many of Abdi’s close friends and relatives disassociated with him as he was not ready to indulge and embezzle public goods. To some, his principled approach and degree of high integrity, was a sign of inability and a weakness. After he passed on, there was no established pension system in which his family could at least rely on to survive. His exceptional service to the nation for over fifty years did not yield any benefit for his survivors. A single recognition to his outstanding service could have been a dividend to cash at trying moments. It could have also encouraged other men and women still on duty. The result of this institutional weakness only left Abdi’s wife and children at the mercy of the cartels in which he despised all along.

On the other hand, Ali continued to climb the success ladder quickly and steadily. But one thing that consistently remained the same is his religious performance. He still maintains praying regularly at the local mosque. In addition, he now travels to Mecca twice a year to perform Umra. This is, however, where the dilemma lies. This is where the knowledgeable people fail to reconcile, knowing being a good Muslim does not warrant to indulge in immoral activities but conversely prevents one from fraud and misappropriation of public properties. For scholars, frequency to local mosque and doing deceitful acts are two extreme pieces that can’t cohabit in one’s heart. Such elements can’t and will not stay together in a religious and pious personality. Finally, there will be a day where such irony will be exposed, explained and clear picture is depicted. Sooner or later, such a day is surely inevitable.

Abdirahman Adan Mohamoud
Email: abdirahman.adan@gmail.com

Tusmadii Waasuge "Sheeko Gaaban"



Dhaqanka Soomaalida, ma hawl yara in qofku tolka ka fikir duwanaado, gaar ahaan waqtiyada colaadaha. Maalmaha durbaanada colaadaha la tumayo, xummadda qabiilkuna ay halka u saraysa marayso, qofka cagta inoo dhiga yidhaa, waxa inta badan loo arkaa fulay bilaa damiir ah oo aan dhiig iyo dheecaan toona lahayn. In qofku si dhiiran, tol jibbaysan uga horyimaaddaa, xagal kalena wax ka tusaa, waxay u baahan tahay kalyo adayg, isku kalsoonaan iyo ku dhac, marar badanna jar iska xoornimo ayay ba noqon kartaa, marka aad tixgaliso dabayshu dhinaca ay u socoto. Waxay u baahan tahay in qofku u fikiro si madaxbanaan, ka fikiro meel ka baxsan xayndaabka qabiilka, aakhiradiisana si dhab ah ugu tudho. Ha tiro yaraadaane, way jiraan dad ku dhacaas leh.

"Walaalkay haddii aan waayay, wiilal kale oo loo loogaa, wiilal la'aan uun baa ka abdo ah. Aniga ayaa Ilaahay ku hadhaya, wiilashaa Islaameed ee dilka walaalkay loo haystaana, caf iyo saamax bay iga yihiin. Marwada iyo ubadka sabiga ah ee uu walaalkaygii alaystay ka tagayna, aniga ayaa u nool. Waxaan qabo ayay ila qabayaan, inta madaxaygu xabaal ka sareeyanna, daranyo is arki maayaan. Idinkuna tolkayow sidaas ku calool sammaada oo nabad baa ina wada deeqdee nabadda qaata."

Qofka maanta haddaba badheedhahaa la shir yimi ee haddalka kor ku xusan ka hor odhanaya boqolaal dhallinyar ah oo weerar u heensaysan, waayeel xaalad-abuur ah iyo wadaad-beeleed duulaan reer qiil u raadinayaa, waa Waasuge. Waa oday waayeel ah oo walaalkii niman ka soo jeeda beesha ay wada degaan xabbad madaxa kaga dhifteen, ka dib markii ay ku murmeen ijaarka beerahooga kala xaddeeya. Waasuge waa waayeel madaxa iyo gadhkuba cadaadeen. Waa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha beesha, marar  baddana dagaalo uu xaq u dirir u arkayay ku hoggaamiyay beesha. Ha yeeshee, waa oday nabad iyo colaad ba ka talin kara. Waa nin fahamsan culayska ka dhalan kara go'aamadda ay wadar ahaan u guddoonsadaan. Dilka maanta dhex maray reeraha ay wada yaalaan, in nabad lagu xaliyo oo xab lagu burburiyo ayaa kala aayo wacan inuu aarsado, ka dibna dagaal lagu riiqdaa, halkaa ka aloosmo. Inuu danta guud u tanaasulo oo nabadda dhidibada u taago - nacasnimo iyo daciifnimo ciddii rabtaa haba u aragtee - ayaa isaga kala caaqibo wacan inuu sokeeyaha isku liso oo kala dilo intii iskaashan lahayd ee dhib iyo dheefba wadaagi lahayd. Murtida Soomaaliyeed ee tidhaa oodi ab ka dhaw ayaa macno ahaan uga nuxur badan in isaga iyo tol soo gurmaday oo  bariba noqon doonaa ay birta ka aslaan ismahurtada dantooda isku tolan tahay.

Waasuge sanadkii uu dhashay iyo inta uu jiro bayaan uma yaqaano, laakiin roobkii gayiga maasheeyey gugii uu dhashay, hadda ku dhawaad toddoba iyo lixdan sanno ayaa laga joogaa. Waa samatalis hadalyaqaan ah oo sida geed damal ah dadka deegaanku u hadhsadaan. Xikmaddda iyo murtida ka soo burqanaysa ayaa ka yeeshay mid mar walba la hareero buuxo. Inta uu colaad u soo joogay iyo inta ay gar isaga iyo guurti kale oo waxgarad ahi, geed hoostii ka naqeen ee lagu kala bogsaday, ayay sheekadooda dad badani u soo hilloobaan.

Waasuge goobtan uu degan yahay ee beerahoodu  ku yaalaan, walaalkiina hadda lagu bireeyey ayuu awoow ka awoow deegaan ku ahaa. Waa beeralay xoolodhaqato ah oo marar xoolaha la la daaqsinraaco mooyee aan meel kale u diga rogan. Magaaladdu kama dheera oo maalin galinkeed ayaa lagu gaadhaa, balse sannooyin badanba gaadhi xammuul ah ayaa dadka iyo magaaladda isku xidha. Waasuge maalinta uu damco inuu magaaladda ka soo adeegto, isagu cagtiisa ayuu maalaa oo ma jecla siifadda iyo guuxa moodhadhka.

Badheedhaha uu dhiibtay Waasuge dad  badan oo beesha ah lama filaan iyo wax aan la liqi karin ayay ku noqotay. Wiilasha hubaysan ee la isku keenay, rag baa habeeno u soo jeeday, u saamalaylay oo u qayilayay, iyagana qayilsiiyey. Qolyo xaalad abuur ah oo xummaan aloos ah ayaa taariikhda dib u raacay oo kiisas hore oo run ah (iyo kuwo bug ahba) la shir yimi si ay dadka u kiciyaan. Niman ganacsato ah ayaa intaasi qaad, raashin iyo rasaas ba soo daabulaya si reerka wiilasha dhibta gaystay  cashar lama ilaawaan ah loogu dhigo. Wadaado ayaa ragga hubaysan intaas dhex jooga oo aayado u marinaya, una fatwoonaya in cidda iyaga ka dhimataa toos Janaddii Fardawsa u aadayaan, inta ka dhimata reerkan ay iska soo horjeedaanna, Jahanama hoy u tahay. Haween ayaa guubaabo la garab taagan oo ku buraanburaya in hablahoogu gummoobayaan haddii aan jawaab waafi ah laga bixin wax ay u arkaan gardarro si guud loo soo wada maleegay, kuwo sharwadayaal ahna fullinteeda loo saaray.  Haa haweenku waxay si hawlkarnimo leh u qaadanayaan kaalintii Hadraawi ku xusay heestiisii "Hablaha Geeska"

"Gurmashada dagaalkiyo;
Gulufkiyo colaadaha;
Goobaha naf waagiyo;
Halka laysku gowroco;
Marka gorodda lays daro;
Haddaan dumarku goonyaha;
Guubaabo kicinayn;
Sida galowga dhiilloon;
Illayn geesi qayrkii;
Birta kuma gumaadeen" Hadraawi

Qurbojoog ayaa intaasi shirar dibada ka wada, is abaabulaya oo qaadhaan ururis ku jira. Ha yeeshee caddadka dhaqaale ee ay soo diraan iyo cidda ay u soo diraan cid hubaal ahaan u ogi ma jirto. Wiilasha wada degan ee xadka beerta isku qabtay, ka dibna nasiibdaradu ka adeegtay ee shilka keentay, ayuu kiiskoodu badaha waawayn ka talaabay oo caloolxumada iyo dhiilada laga dareemayaa shanta qaaradood ee waaweynba. Shirarka jaraa'id iyo dagaalka afku waa tirabeel oo alaadaha casriga ah agabkooga kala duwan ayaa si buuxda la iskugu adeegsaday. Ma cunsurka qabiilka ayaa sidaasi u saamayn badan oo cid walba dhaqaajinaya, ma wiilka hoyday ayaa ahaa halyay madi ah oo aan dib u dhalan doonin, ma gardarro ka dhiidhi baa, mise mar hadduu la dhashay Waasuge, waa laandheere abtirsaday oo lama taabtaan ah. Mid ay tahayba, xarraarada kiiskan ka dhalatay, miyo iyo magaalo, bad iyo berri, gude iyo dibadba way saamaysay.


Reerkii oo waxaas oo abaabul ah gude iyo dibadba galay ayuu Waasuge aayar uun leeyahay nabad baan qaatay. Taasi ayaa ka dagi la' koox isku dhaca reeraha ka macaashta oo xaaladda sii hurisa, ka dibna macaash ka samaysa. Wiilal maangaabnimo iyo gacan fudayd lagu ogaa inta ay gooni ula baxeen, maalmo meel lagu hayay oo la qayilsiiyey ayaa farta loogu fiiqay laba nin oo socoto ah, deegaankana aan ahayn, balse la hayb ah nimankii Waasuge walaalkii qatalay. Iyaguna awalba ma hubsadayaal gacanfudud ayay ahaayeene, waa kuwa dhegta dhiigga u daray nimankii safarka ahaa. Waata xaaladdii degmadu cakirantay ee cirka isku shareertay. Reerkii dilka hore u gaystay oo awal is gaabinayay, hadda markii laba nin laga wadhay, iyaguna waa kuwa guluf colaadeed qaaday.


Ayaandarro, waa ta xaaladdii faraha ka baxday ee dagaal sokeeye oo aan waxba la iskula hadhin gayigii ka qarxay. Ismahurtaddii waa ta la isku lisay; iyaguna waa kuwa birta iska aslay. Tiro ma leh inta curraddo dalka ciidan u noqon lahaa, macno darro dagaalkaas laga fursan karayay, ku qudhbaxay. Kummanaan ka badan inta hooyooyin wiilashoodii waayay. Intaas in la mid ahi, waa kuwo asay qaaday ka dib markii raggoodii ay is boqno gooyeen. Tiro taas toban jibaarkeed ah oo caruur ahi waa kuwa agoomoobay ee aabo beelay. Ummulo dooxa iyo boqnogoyska meesha ka dhacay waa oday ka sheekee. Boqolaal kun oo labadii qolo ee isdilayay ah iyo bulshadii kale ee deegaankuba, waa kuwa xeryo qoxooti loo ooday ee shisheeye ku masruufo. Deegaankii beeraha iyo xoolaha caanka ku ahaa, wax soo saarka dalkana kaalin muuqata kaga jiray, colaadda gayigaasi ka aloosani waa ta u rogtay gegi cidlo ah, geyi abaareed, omos iyo arlo lagu riiqday.


Waasuge wuu hawlgabay oo da' baa ka daba timid. Wuxuun buu hadda ku dadaalaa in makasta xerada qoxootiga ku jirtaa nabad ku wada noolaadaan. Maalmaha war dhiilo leh laga keeno deegaamaddii ay ka soo bara kaceen, intan shisheeyuhu sida wadarta ah u quudinayo ee xerada ku oodan ayaan is bixinihayn. Isaga iyo qolyo kooban oo la aragti ahi, nabadaynta dadkan baahan ee haddanna xummadda qabiilku madaxmartay ayay ku hawlan yihiin. Waasuge isaga oo dadaalkaas ku jira ayay tii Alle ugu timid xerada barakacayaasha. Maanta oo ay aaskiisii joogaan ayay labadii qoloba ilmadii yaxaaska qubayaan. Kulaylka iyo dhibta soo gaadhay waxay dib u xusuusinaysaa taladiisii waayeelnimo ee ay ku dagi lahaayeen, balse aan la solansiin. Way hibataynayaan oo waa kuwaas xabaashiisa maanta ka dul barooranay ee qiraya taladiisii wacnayd ee seegtay. Sidaasi oo ay tahay, iyadba waa yaabka yaabkiise, ficil dagaalka sii huriya mooyee, ma leh karti ay nabad ku dhaliyaan. Keeni kari waaye tallo inta nool badbaadisa, xabbadda ka joojisa, xeryaha barakacayaasha ka saarta, dib u dejisa arladii ay ka soo qaxeen, beer falasho, iyo xoolo-dhaqid na dib ugu celisa. Midka kaliya ee ay heshiiska ku yihiin, labada dhinac ee is dilay ba, waa guurtinimadii iyo samataliskii Waasuge. Maxayse ugu taal maanta mar haddii wixii haad arladda joogay gayigoogan u soo guuray, galowgu wali aamus diidan yahay, maydku duleedada wadhan yahay, ubadkuna sidii u  dacdaraysan yihiin.

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...