Ha soo dhawaysan lahaydaa!

Nin karti iyo dadaal badan baan ku ogaa. Nin faraxsan oo weji furan baan ku aqaanay. Ha yeeshee maalin dhawayd baan la kulmay isaga oo wajigiisa murugo badani ka muuqato. Welwel buu qabay qariyey wajifurnaantii looga bartay. Bariido ka dib, siday wax u jiraan haddaan warsadayna sheekadan buu iiga dhacay. 

“Xafiiska soo dhaaf, muftaaxanna iska wareeji iyada oo la i leeyahay uun baan ku war helay.” ayuu ku bilaabayaa. “Maamulaha guud ee shirkada ee sidan ku dhawaaqaya, waxa barbar taagnaa wiil kuray ah oo markan u diyaar ah inuu shaqada igala wareego.” ayuu ku sii daray. 

Afartii sanno ee u danbaysay ganacsi gaar loo leeyahay ayuu mas’uul ka ahaa ninkan ii warramayaa, waana lagu badhaadhay. Muddo markii ganacsigu furnaa balse dhib badan laga la kulmay la qabsiga suuqa ayaa xilka ninkan loo tiriyey. Inkasta oo suuqxumo badani jirtay, mas’uulkani ma dadaal yaraysan. Shaqo badan, tacab, karti iyo aaminaad ayuu soo bandhigay. Shaqada ayuu dardargaliyey, shaqaalaha ayuu tayeeyey, macmiil badan ayuu soo xidhay, faa’iido fiicanna waa soo saaray. Horumar fiican ayaa la xaqiijiyey. Waa lagu reeyey, isagunna waa ku reeyey.

Toban bilood ka hor uun buu guursaday; ilmihii curad ayuu naawilayaa oo dariiqa ku soo jira. Shaqada oo meel fiican haysata, ayuu maamulaha guud keenayaa kurayga cusub oo marka hore lagu sheegay gacanyare, shaqada inuu bartana la rabo.

Ninkan oo aan aqoon fiican isku leenahay ayaa ii balballaadhiyey sida uu shaqadiisii ku waayey. Waan ogaa marka hore in shaqo wanaag astaan u ahayd, isla markaana laga jeclaa goobaha shaqada. Balse, kuray uu tababaray ayaa haddeer lagu beddelay.

Kurayga laftiisa, jeer oo aan shaqo xumaan laga ga soo caban, saa tababarihiisa ayuu la dhaqan yahaye, sida la sheegay, dadka warka badan ayuu ahaa. Inta badan sheekooyin iyo war ayuu kala gudbiyaa. Dabakaayo meheradda ku xidhnaa muddo dheer, ha yeeshee markii danbe kuwo kale u wareegay, inuu isagu u sheekoxumeeyey ayaa gadaal laga soo ogaaday. Go’aanka shaqo ka fadhiisinta ee maamulaha guud qaatay waxa la isku raacay inuu salka ku hayo warxumo is urursatay, inteeda badanna dhinaca wiilkan ka tagtay.

Ninkii ganacsiga hore mas’uulka uga ahaa amakaag ayaa ka soo hadhay. Waxa isku qaban la’ sida uu u soo dhaweeyey shakhsigan, u tababaray, ugu hagarbaxay iyo dhabarjabinta uu ku kacay. Mar aan dheerayn oo xaalad dhaqaalexumo la soo gudboonaatay kurayga, taageero dhinaca saaxiibkiisa shaqada ka timi, jirtoo aanu wax buuran ku dhaamin, inay dhiidhida ka saartay ayaa la soo weriyey. Kii sidaa ahaa ayaa dabin kuu loogay oo in dibadda laguu tuuro ka danbeeyey ayuu la dhakafaarsan yahay. Ha soo dhawaysan lahaydaa! Booraan haddimo ha qodin, haddii aad qodanna ha dheerayn, ku dhici doontaanna mooyee, ayaa maankiisa ku soo dhacday. Kuraygu inuu booraan haddimo qoday way u muuqataa, inuu ku dhici doonaana wuu u badinayaa. Kaliya goorta uu ku dhici doono ayuun buuna hubin.

Markii aan dhegaystay warkiisa, xog hore oo aan hayayna ku darsaday, hadal waano iyo dejin u  badan ayaan dabada u qabtay. Waxaan xasuusiyey mar haddii uu shaqadiisa sidii ugu wacnayd ee suurtagal ahayd u gutay, shaqoxumo iyo tuugonna aan lagu soo eedayn, waxba inaanay ka xumaan doonin, gaar ahaan imika oo uu aad u fahmay sida suuqu u shaqeeyo. Waxaan ugu daray inuu yahay nin dun fiican oo dadnimo wacan, sidaas darteedna uu liibaani doono. Haa sidaas ayaan ugu qalbiqaboojiyey. 

“Wanaag aad ruux kale u samayn kartid, waligaa ha yaraysan. Dhib aad dadka ka dhawrto ayaa adigana samaan oo dhan kuu horseedaysa ee ogow” ayaan ugu sii daray.

“Ruux aad wanaag u fashay, balse isagu xumaan kuugu doorshay, wax uu isyeello ma ogiye, wax kale taransan maayo” ayaan mar kale caloosha ugu sii adkeeyey. Tusaalayaal tiisa la xaal ah, goobjoog aan u soo ahaa oo waayoaragnimadu i bartay ayaan isku daba galiyey. Dareemay inuu hadaladaas ku diirsaday oo yididdiilo cusubi ku dhalatay. 

In kasta oo kuraygu xumeeyey, shirqool shaqo ka saarid ahna u soo maleegay, mas’uulkii hore hadeer ma niyad xuma. Dabcan wuu ka xumaaday in ruux uu ku soo tabcay sidaa abaal laawe u noqdo. Abaal laawe kaliya maahee, waliba xaasidnimonna ku darsado. Balse wuxuu ku niyadsan yahay in mustaqbalkiisu iftiimayo. Anna waxaan ugu sii daray, inaanay la yaab ahayn, in mararka qaar, ruux dadaalkii xagaldaaco, laakiin aanay inta badan dhicin in ruux hungoobo inta daacadnimadu mabda’a aan salguurayn u tahay dhammaan hindisayaashiisa iyo habdhaqankiisa ba.

Isaga oo farxadda iyo dhoolacadaynta wajigiisa ka muuqataa aanay qarsoomi karin, ayuu ii xaqiijiyey inaanu hadda wixii dhacay  isku sii shuqlinayne, hore uu uga sii soconayo. Wixii horena uu ku dhaafayo; sida kuraygu ku danbeeyo, ciddii waqti ku simo, sannado way ka sheekayn.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

Email: abdirahman.adan@gmail.com

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...