Xasiloonida Xamar



Waa maalin Ramadaan, taariikhda miilaadiguna waxay ku beegan tahay 23/07/2014. Ummadda Islaamka ahi way sooman yihiin, cibaado iyo Allebari na waa loo xadhko xidhay. Sideeda ba, bisha Ramadaan waa mararka loogu cibaado badan yahay ee Ilaahay loogu dhaw yahay, lagana fogaado fal iyo ficil kasta oo Eebe iyo khalqigiisu dhibsadaan. Iyada oo xaalku sidaa yahay, ayaa war dhiillo leh laga soo sheegay Muqdisho. Waa dil loo gaystay marxuumad Saado Cali Warsame oo ahayd fanaanad Soomaaliyeed oo caan ah, cod cuddoon leh oo la wada yaqaanay.  Marxuumad Saado sannadihii u danbeeyey ee nolosheeda, waxay ka tirsanayd baarlamaanka Soomaaliya. Gaadhi ay la socotay inta mid kale lagu horjaray ayaa rasaas lagu shaandheeyey. Halkaasi ayay ku qudh baxday. Haa sidaasi ayaa nolosha astaantii dhiirranaanta gacan ka xaqdarani u soo afjartay.

Muqdisho way soo martay maalmo badan oo madow. Maalmahaas oo aan xitaa la xeerin xurmada bisha barakaysan. Maalmo aan la dhawrin birimagaydada iyo lama-taabtaanka. Dharaaro aan loo meel dayin meesha madfacu ku dhacayo iyo dhibta uu gaysan karo. In kasta oo aanan qof ahaan u dhex joogin, haddana niyad ahaan ayaan ula socday. Dhibta Xamar iyo dhulka kale ee Soomaaliyeed ka dhacdaa, way i taabataa. Jidhka ayaa u damqada oo u dubaaxiya. Muxuu ugu damqan waayey oo ugu dubaaxin waayay sow dadkaygii maaha oo jiidhku iiguma yaalo. Ummad ahaan, sow hilbo wada dhashay iyo hal qudha ma aanu nihin. Sow tuducyo la yaab leh hore uguma uu maansoonin macallinkaygii abwaan Gaarriye AHN markii uu lahaa:

Meeshiyo Hargeysiyo Juubba,
Qoriyahow halkaad cuskataaba,
Waa haar korkayga ku taalla,
Waa meel jidhkayga habaysa,
Dhaawaca anaa u hafeefta,
Giddi waa halboowle i qooman (Hagar-laawe 1984)

Sidaasi ayaan mar walba si dhaw ula socday saxariirka iyo silica la soo mariyey dadka Muqdisho. Waxaa jirtay in kadeedkaasi sii labakaclayn jiray bisha barakaysan ee Ramadaanta. Haa wuu ku sii laba laxaadsanayay bisha naxariista iyo dembi-dhaafka. Kooxahaa kacdoonka dhiigga badani ku daatay wadaa ayaa u arka waqti la barakeeyo camalka, waxayse illowsan yihiin in aanu ahayn camal kasta, se uu yahay mid kasta oo wanaag laga dheefayo. Waa shaqada dhiirigalinaysa wadajirka, nabad ku wada noolaanshaha iyo jacaylka bulshada. Balse maaha, ta nacaybka iyo cadhadu ka buuxdo. Maaha ta xinjiraha tufaysa ee dhiigu tifiqlaynayo, booguhuna inay sii qudhmaan oo qarxaan ma ogiye, aanay marnaba ka soo kabanahayn. 

Isla maalintaas marxuumad Saado Cali la qatalay ayaan la hadlay nin aan saaxiib nahay oo Xamar joogay. Waxa i damqay dhagarta loo gaystay gabadha fanaanadda ah iyo goorta dilka loo gaystay, oo labadaba xeerarka dagaalka Soomaalida ee aan qornayni reebayaan, birimagaydana ugu astaysan. Ninkii saaxiibkey dareenkii aan ka filayay mid ka sokeeya ayaan kala kulmay. Ugu yaraan sidii aan rabay, iilama uu baroordiiqin. Yaabay aniga oo waliba u tirinaya in marxuumadda iyo isagu iskaga kay aqoon badnaayeen, maadaama ay shaqo wadaag ahaayeen. Waydiiyey sababta aanay sidayda dhiillo badani uga muuqan. Ismaba dhibine, kuye, ‘Cabdiraxmaanow annagu geerrina kama naxno, aroosna aad uguma faraxno’’

Hadal sarbeeb ah ayuu ahaa, balse muujinaya qotodheerida qoonka bulshada gaadhay. Hadal weeyi ka tarjumaya sida bulshadu ula falgashay dhibta iyo dhimashada ayaan walba joogta. Weedh weeyi maskaxda ka fikirsiinaysa, bulshadana dabiib-wadareed u baadi goobaysa.


Huteel Shaamow

Saddexdii Diisambar, Laba Kun iyo Sagaal ayaa sidoo kale taariikhda ku gashay maalin kale oo madow. Maalmaha madoobi ma yarayne, waa subax loo diyaar garoobayo in la maamuuso koox arday ah oo dhakhtarnimo Xamar ku baratay. Waa koox u joojin wayday madfaca, qaraxa iyo qaxarka ku lammaan. Koox bay ahaayeen iska diiday inay niyadjabaan ama dhacdooyinka bilaa barakada ah ee ayaan walba joogaa ay niyadjabiyaan. Waa koox loo hanweynaa inay adeeg caafimaad u fidiyaan dadka reer Muqdisho ee qaxa iyo qaraxu noloshooda wehelka u noqday. Ha yeeshee, arxanlaawe marin-habowsan oo aanay waxaasi u muuqan ayaa naftiisa halligay, nafo kale oo aan waxba galabsana aakhiro u diray. Maxfalkii daqiiqado ka hor farxadda iyo niyad sammaantu buuxisay ayuu dhagarqabe, naftii-hallige ahi u beddelay xerodhiig, dhaayaha arkaa xannuun nafsaani ah halis u yihiin. Ardaydii faraxsanayd ee is lahaa gurta midhihii guusha ayaa noloshoodii la soo gaabiyey. Waalidkii is lahaa markhaati ka noqda guusha awlaadiinnu ka soo hoysay kifaaxa nolosha ayaa- inta badnaaday- laga dafay farxaddii iyo raynrayntii ay filanayeen. Tiiraanyo iyo uur-ku-taallo ayaana looga tegay. Macalimiintii ardaydan wax soo baray, oo qaarkood xirfadoodu carro-ka-waa ahayd ayaa isla goobtaas lagu gummaaday. Dibadda way u bixi karayeen, saa waaba farsamoyaqaano xirfadooda ku xoogsan karee, balse naftooda waxay u hureen dadkooda si ay uga la dagaalamaan laba cadaw oo soo jireen ah: jahli iyo cudur.

Mas’uuliyiintii dawladda ee is lahaa ardaydiina la farxa oo la dabaaldega, ayaa iyagana goobtaas lagu xasuuqay. Waa halkii heestii Qayladhaane, Qamar na (Wasiirkii Caafimaadka oo ah mas’uul birimagaydo ah) may dhaafin.

Hargaha iyo Saamaha

Taariikhdu markay ahayd 04/10/2011, ayaa sidoo kale gaadhi wayn oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray xaruntii Hargaha iyo Saamaha, halkaas oo ay ku sugnaayeen arday rajo ka qabay deeq waxbarasho oo dalka Turkigu bixiyey. In ka badan boqol ruux oo ardaydaasi u badan ayaa halkaasi lagu gummaaday. Ka hor qarixii Soobe, wuxuu u diiwaan gashanaa mid ka mid ah weerarradii ugu khasaaraha badnaa ee hal mar khasaare baahsan geysta.

Isgoyska Soobe

14-kii Octoobar, 2017, waxa weerar lagu hoobtay lagu qaaday isgoyska Soobe oo ah caadiyan meel saxmad badan. Gaadhi weyn oo walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa suuqa kaga dayaamiyay. Natiijo la eeday ayaa ka dhalatay. Mid ka mid ah weerarradii argagixiso ee ugu dhiigga badnaa abid taariikhda dunida soo mara ayaa halkaa ka dhacay. Dad kor u dhaafay lix boqol oo qof ayaa halkaasi lagu gawracay. Taariikh madow oo jiil ka jiil aan la ilaawi doonin ayaa goobtaas diiwaanka gashay.

Maxaa dad nabadqab guryahoogii kaga soo baxay, heddoodii halkaa ku gashay. Maxaa hooyooyin agoomo-koris ah oo agagaarkaa ganacsi nafi ku badday ah ku haystay, hillibkoodii haadda loo wadhay. Maxaa masaakiin u soo kallahay quutal daruuriga qoysaskooda bartaas lagu qatalay. Tiro ma leh inta ubad subaxaas la agoomeeyey. Inta mid ka mid ah labadoodii waalid hore u waayey ee haddanna subaxaas tilmaaman kii kali ah ee u hadhanaa birta laga aslay ayaan tiro lagu hayn. Dadka aan waxba galabsan ee goobtaas ka ag dhawaa balse hilbahoogii la wadhay oo sidii neef ayaan odxiya ah la qashay gaadhi-gacan lagu guray ayaan maskaxda qofkii damiir leh ka go’ayn. Xusuusqorkayga, weerarkii Soobe wuxuu ugu diiwaan gashan yahay maalin weerar ba’an lagu soo qaaday isirka Soomaalinimo iyo jiritaanka aadamaha.

Kismaayo iyo Muqdisho

Jimce, 12/07/2019 ayaa sidoo kale rag hubaysani weerar ku qaadeen huteel ku yaalla magaaladda Kismaayo. Ugu yaraan 26 qof ayaa halkaasi lagu laayey. Hodan Naaleeye oo ahayd gabadh Soomaaliyeed oo qurbaha ka soo noqotay ayaa ka mid ahayd dadkii halkaas gacanta ka xaqdarani ku dishay. Hodan oo ahayd qof furfuran, dhoolacadayn badan ayaa rabtay inay wax ka bedesho sawirka dalkeeda laga haysto. Xirfadeeda ayay adeegsatay si ay u abuurto warbaahin mas’uul ah oo soo tabisa warar rajo abuuraya.

Arbaca 24-kii Luulyo, 2019 ayaa haddana xafiiskiisa lagu dhex dilay marxuum Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo loo aqoon ogaa Eng. Yariisow, duqii hore ee Muqdisho. Eng. Yariisow oo markaa shaqo rasmi ah ku jiray, ayaa u god galay dhaawac ka soo gaadhay qarax iismiidaamin ah oo sida la sheegay ruux nafteeda halligtay, nafo kalena galaafatay ay gaysatay. Isaga uun maahine, tobaneeyo mas’uul oo ay ku jiraan guddoomiyeyaal degmo iyo madax-waaxeedyo ka tirsan Dawladda Hoosee ee Muqdisho ayaa halkaas ku qudhbaxay. Guddoomiye Cabdiraxmaan oo aan shakhsi ahaan la soo shaqeeyey, aqoonna u lahaa ayaa ahaa mas’uul hawlkar ah, ixtiraam badan, karti badan iyo xirfadle garanaya shaqada uu ummaddiisa u qabanayo.  Qof niyadsan oo nolosha dadka Muqdisho inuu wax ka beddelo rabay ayaa mar kale weerarkaas lagu waayey.

Kantaroolkii hore ee Afgooye

Si la mid ah qarixii Soobe, ayaa goobtanna weerar kale oo bahalnimo ah laga gaystay. Isla tabtii hore ayaa gaadhi miinaysan meesha lagu soo weeraray. Waa subax Sabti ah, 28/12/2019, goor hore oo dadku nolol-maalmeedkoodii caadiga ahaa u soo jarmaadeen. Weerarku bar-tilmaameed la garan karo ma lahayn, wuxuuse u muuqdaa mid looga dan leeyahay inuu gaysto khasaaraha ugu badan ee suurtagal ah, mid lagu hoobtay ayaanu geystay. Dad rayid ah oo aan waxba galabsan ayaa goobtaas lagu xasuuqay. Arday gaadiid saaran oo jaamacaddaha Muqdisho u socda ayaa xasuuq kale oo ba’an loo gaystay. Waa ubixii u soo kacayay bulshada. Waa rejada kali ah ee ay bulshadu leedahay, isbeddel iyo mustaqbal ka maanta dhaama na laga filayay.



Gunaanad

Dhammaan dhacdooyinka aan kor ku soo xusnay waxay tilmaan u yihiin dhagarta dadka Muqdisho ay la nool yihiin. Dhagaruhu ma yarayne, intani waa uun dul ka xaadis. Innaga ayaan dareen lahayne, wixii bulsho ka dhiidhiyi lahayd oo dhammi waa dhaceen. Maalintii ardayda lagu xasuuqay Huteel Shaamow inuu kacdoon bulsho dhasho ayay ahayd. Dadka ayaan jidhkoogu damqanayne, in dhagarqabayaasha waxaas oo dhiilo ah dhigay, cidday doonaan ha noqdeene, dhinac looga soo wada jeesto ayay ahayd. Soomaalida ayaa ilawsho dhawe, qolo-qolo iyo qabyaalad inta meel la iska dhigo, ilayn qabiil gaar ah cadawgu beegsan maayee, in dhaqdhaqaaq bulsho oo isbeddel doon dhab ahi dhasho ayay ahayd. Ma naxayaasha weerarada bahalnimo geysanaya, shisheeye iyo sokeeyaba, kuwa la fikir ah, kuwa la adeegsanayo iyo wixii la hal-maala ba in dagaal aan kala hadh lahayn lagu qaado ayaa habboon.

Isla xisaabtan inuu dhacdooyinkan ka ratibmo ayay garashadu ina faraysaa. Dadka intaas leeg ee maalin walba la xasuuqayo, dhulgariir ku dhiman maayaan, balse shirqool sharwayadaal ay soo maleegeen ayaa lagu gummaadaaye, tacsi kali ahi ma kaafiyaysaa qalbiyada qammuunyada la ololaya? Mas’uuliyadda wixii dhacay inay cidi qaado miyayna ahayn?

Dagaalka lagu jiraa inuu yahay mid bilaa weji ah la ma diidana. Cadawgu meel sugan oo loogu hagaago inaanu marar badan lahayn waa la og yahay. Balse taasi noqon mayso sabab laga ga baxsado isla xisaabtanka. Ayaandarro se waa in weeraradaa, ilaa kuwa maanta dhacaya, wali waxba lagama baran; malaha tacsidaa afka ah ayaa ba dadka deeqda. Dadkii amniga loo igmaday, ayaa hadday hadlaanba, sida weriye shisheeye oo arlo fog waayaheeda faaqidaya u warramaya! Dadkuna, quus iyo qalbijab, mid ay ka tahay ba, waa kuwa markiiba iska ilaawi og. Waxa lagu sabaa ereyo ay ka mid yihiin bulshada Muqdisho waa dad hal-adag oo adkaysi badan. Waxa aan aragnaa adkaysi maahee kadaraa u magac bixin. Miyaanu suubanuhu (NNKHA) ina odhan, ruuxa Muslinka ah god laba jeer laga ma wada qaniino. Meeqa jeer baa Soomaaliyeey god kaliya lagaa qaniinay?

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...