Taariikh Nololeedkii Abwaan Xasan Sh।Muumin Gorod oo kooban iyo Qeybo ka Mid ah Suugaantiisii Qiimiga Badnayd.



Taariikhda Xasan Sheekh Muunin Waa taariikh nool, Amaantiisuna maaha tii dhimashada Ee waa tii dhabta ahayd.


Martibaan ku nahay

Oo adduun maalmo lagu sheeg

।Qof waliba waa malag suge,

Oo mowd la huriwaaye,

Maantana mallaga meershay

Macalinkii weynaa

Bye Jawhar



Bisinkaan ku bilaabay.
ALAAHU AKBAR: Alle ha unaxriistee Abwaan Xasan Sheekh Muumin wuxu ka mid ahaa odayaasha ugu fac iyo magaca weyn fanka Somalida.Wuxu ahaa Philosopher iyo abwaan isku jira.Wuxu ahaa taariikh yahan ku xeel dheer dhaqamada khaasatan qoomiyadaha ku dhaqan Afrikada bari. Abwaan Xasan sh.Muumin wuxu ahaa maskaxdii dunidoo malaasan.Xaqiiqdii waa Maktabad ka gubatay umadda Af-soomiga ku hadasha.Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga siiyo dhammaanteen isagana Eebbe Janadii haka waraabiyo.Amiiiiiiiiiiiin


Marxuumku isagoo nool waxay Soomalidu isku raacday inuu yahay Abwaanka Abwaanada iyo astaanta suugaanta Soomalida taas oo uu ku muteystay cabqarinimadii iyo hibadii uu ulahaa fanka iyo suugaanta।


Abwaan Xasan Sheekh Muumin oo aan odhan karno wuxu ahaa macalin loo soo saaray umada afka soomaliga ku hadasha, waxaynu ku xasuusan doonnaa suugaantii dhaxal galka ahayd ee uuinooga tegay oynaan weligeen dhamayn doonin।


Hadii alaha awooda lihi ogolaado waxa la ururin doonaa oo daabacaad lagu samayn doonaa wixii suugaantiisii ka mid ahaa ee aan qornayn marka laga reebo riwaayadii qiimaha badnayd ee Shabeel naagood oo iyadu nasiib uheshay inay noqoto riwaayad soomaliyeed oo la qoro tii ugu horeysay।Murtida iyo macnaha ay riwaayadaasi xambaarsanayd iyo xigmadihii ku jirey ee abwaanka maskaxdiisa kasoo burqaday waxay noqdeen qaar cilmi ahaan loo barto,si taasi usuurto gasho waxa lagu qorey luqada koowaad ee xiligan (engllish).


Hadii allaha awooda lihi ogolaado waxa marxuumka loo samayn doonaa munaabad weyn oo lagu xuso taariikh nololeedkiisii iyo halkii uu kaga jiray fanka Soomaliyeed.Amaanta Marxuum Xasan Sheekh Muumin maaha tii dhimashada ee waa tii dhabtii sidaas awgeed qalin kuma soo koobi karno maanta oo kali ah ee waxay ubaahantahay madal iyo munaasabad wayn oo lagu xuso.
Alle ha unaxariistee abwaan xasan Sheekh Muumin wuxu nasiib uyeeshay dhowr amuurood oo la xidhiidha fanka iyo doorkiisa oo aan lala wadaagin।


1- Wuxu wax ka jiley riwaayadii ugu horeysay ee dalka Somaliya lagu dhigo.
2- Wuxu lahaa riwaayadii lagu furey Tiyaatarka wayn ee muqdisho((National Theatre)
3- Wuxu allufay riwaayadii u horeysay ee la qoro.
4- Wuxu allifay riwaayadii noqotey horyaalka riwaaydaha Soomlida। 5- Wuxu lahaa heesta astaanta riwaayadaha Somaliya (Halkan waxad utimaadeen caawaad naga helaysaan) 6- Wuxu ahaa abwaankii Sameeyey heesta astaanta ee calanka Somaliland.


Abwaanka waxan ku xasuusan doonnaa Murtidii,Maaweeladii,Maansadii,Mullaaxdii,Midhihihii Miiddii iyo mahadhooyinkii uu macalinka inoogu ahaa iyo waliba sugantiisii cusleyd iyo riwaayadihii qiimiga badnaa ee uu allufay।Sida:Riyawaayadihii ay ka mid ahaayeen Hubsiimo Hal baa la siistaa, Shabeel-naagood, Gaaraabidhaan,Ehelunaarka Adduunka,Dunidu maskaxdey magan u tahay


Alla ha unaxariistee abwaan Xasan Sheekh Muumin Gorod Wuxu ku dhashay magaalada Boorama 1930kii halkaas oo uu ku barbaaray kana bilaabay waxbarashadiisii aasaasiga ahayd।Abwaan Muumin wuxu noloshiisa inta badan ku soo qaatay Somaliya.


Fiiro gaar ah:Sidaan cinwaanka ku xusnay qormadani waa taariikh kooban oon ka wada turjumi karin noloshiisii: Sanadkii 1968- 1976kii wuxu hal abuur iyo daadiye ka noqday Radio Muqdisho,wuxu samayn jirey barnaamujkii caanka ahaa ee hidaha iyo dhaqanka Somaliyeed।Wuxu ka mid ahaa shaqaalihii wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta.Abwaan Xasan sheekh Muumin wuxu maareeye guud ka noqday golaha murtida iyo madadaalada ee Hargeysa.


Abwaan Muumin wuxu dabayaaqadii todobaatanaadkii suugaan baaris utegay machadka "Institut Superieur d’Etudes et de recherche Scienntifiques" oo ku yaal Dalka Jabuuti।Maansadii faraha badnayd ee uu abwaanku afllifay waxa dadweynaha loogu soo gudbin jiray idaacadda ama masraxa.


Abwaan Xasan Sh।Muumin wuxu ahaa qof macaan oo shakhsiyad leh,ehelu karam ah.Anigu abwaanka lama soo macaamilin oo isku maqaam iyo isku mileyba mannaan ahayn,marka laga reebo aragti iyo aqoon guud oon isku lahayn.Hadaan laga tegin sanadkii udanbeeyey noloshiisa ayaan xidhiidh telefoon oo joogto ah la lalahaa si aan wax uga korodhsado.


Run ahaantii wuxu iisoo dhaweyn jirey sidii wiilkiisa oo kale aniguna waxan xidhiidhkiisa u xiiseyn jirey si wayn।Waayo wuxu ahaa Philosopher maqaam sare kaga jira bulshada oo cilmi rabaani ah la cokan.Dhanka kalana wuxu nagala qeyb qaadan jirey hawsha qaadhaan ururinta iyo qeylo dhaanta ah ee ururka Gurmad ugu jiro dhismaha garoonka loogu magac daray isagoo qayb libaax ka qaatay dhiirri galinta iyo dhaqaajinta hawsha garoonka.Abwaanku wuxu nagala soo qeyb gali jirey kulamada telefoonka( Teleconfernce)


Abwaanka waxa qorshaha ugu jirtay inuu wadamo badan oo yurub ka mid ah iyo wadanka Amerikaba socod kusoo maro si uu muxaadarooyin ama lucture uga jeediyo.
Abwaanku Wuxu ku talo jirey inuu Ka jawaabo su’aalihii sarbeebta ahaa ee xikmadda wayn ku fadhiyey ee ku jirey riwaayadiisii Shabeel naagood।Kuwaas oo uu iisheegay inuu 40 sano ka hor dadweynaha waydiiyey.


Waxa kale oo uu iishegay abwaanku inuu diyaariyey riwaayad uu ugu magacdarey Nabi Daayeer iyo qaar kale. Isku soo wada duuboo tii Allaa ka sokeysay" Hamatul baciid mowtul qariib"
Alle ha unaxariistee abwaanku Arbaca Jan-16-2008।Abaara 7:00 fiidnimo saacada yurub wuxu ku geeriyooday caasimada dalka Norwey ee Oslo.


Abwaan Xasan sheekh Muumin wuxu ka mid ahaa macalimiintii fanka dhidibada u taagay wuxu ahaa Hal abuur,Fanaan,jilaa,gabayaa, Ganacsade,iyo Macalin aad looga ixtiraamo bulshada dhexdeeda.Sida taariikhdu xustay Abwaan Muumin wuxu fanka bilaabay isagoo yar,wakhtigii gobanimo doonka heesihii ugu horeeyey ee uu kaga qayb galay oo ahaa bilowgii iyo baraarujintii gobanimada waxay ahayeen kuwo Af carabi iyo Afsomali isugu jira.Hees wadani ah
1)-Yaa ayuuha soomaliyu
Saluu calaa Nabi wa aalihii wasaxbihii Yaa taabical wadanii। Nin islaana oo Aqalkuu lahaa Eeyar loogu soo galayoo,Iiga baxa yiri baan ahayoo Aflagaado loo rogayee.


Abwaan Xasan Sheekh Muumin wuxu jilaa ka noqday Riwaayadii ugu horeysay ee laga dhigey goboladii waqooyi ee soomaliya (Somlilnad) iy guud ahaaba Soomaliya Riwaayadaas oo la oran jiray Qaadi Mowlaana waxana lagu dhigay Af-carabi.Riwaayadaa waxa sameeyey abwaan Bullaale Boorama.Riwaayada Qaadi Mowlaana waxa laga dhigay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco.
Abwaan Xasan Sheekh Muumin wuxu lahaa suugaan aad u tiro badan iyo waliba sheekooyin xiiso leh। Anigu ma soo koobi karo hadii aan kun maalmood qalinka kor uhayo.Laakiin inta aan ka xasuusto bal aan qaar ka mid ah soo qaadano.


2)- Aqoon la’aani waa iftiin la’aane waa aqal iyo ileys la’aane Ogaada ogaada dugsiyada ogaada!Oo aada oo aada wlaalayaal oo aada!Waa oomanaa iyo abaare, Omos iyo oon biyo la’aaneOgaada, ogaada dugsiyada ogaadaOo aada oo aada walaalayaal oo aada.Indhaha aan kala qaadnee,Ifka aan ugu ilbaxsanaaneeOgaaga ogaada dugsiyada ogaadaOo aada oo aada walaalayaal oo aada.
(Heestan Waxa allifay Xasan sheekh Muumin 1961kii.Waxa ku luuqeyn jirey Alle ha unaxariistee hoobalkii weynaa ee Cabdilaahi Qarshe). 3)- Wakhtigu waa hillaac ordayee
Aad u dheeho intaad yartahooEreygaad barataad akhridaaAnfaca, Anfaca abidkaaye ogowKa adkow,Ka adkowDugsigaaga ka adkow darsigaaga ka adkow! (Waa murtidii,waa midhihii,waa mullaaxdii iyo maansadii Ilaahay ha unaxariistee Xasan Sheekh Muumin waana hees ardeyda ku baraarujinaysa tacliinta iyo dadaalka)।


4)- Waxaan ahay waadiga dugsiyadaa Waxaaan ahay waanada macalinkaaWaagii baryaba, Ubax laga waraabshooWaxan ku warwereynaa Wadankiina wax ubartaOo xambaraara wajibkiisa Wahsan mayno Waaban maynoWarwareegi mayno Weec weecan mayno Guul wacan Cadow ka waabtoNolol wanaagsan iyo barwaaqoNabad lagu wadaagoHaku waaro wadankeennu Waddankeennu waa Wadnihii jidhkeenaWaraabinaayey dhiigoo Waan ku wardiyeynaa। Waxan wacad ku qaadnay Gayigiina wax ubarta Oo ka jira waxyeelada ।Ma dhamaystirna heestani (heestan waxa miraheeda curiyey Xasan Sheekh Muumin 1970kii।Waxa ku luuqeyn jirey Alla ha unaxariistee Abwaan Maxamed Mooge)


5)- Waa madal hadhweyniyoCeeel maaxanaayee Macalinkeen Allow kaal Maskaxda iyo maankiyo Waa ka muruqa laylyeeMacalinkeen Allow kaal Dunidoo madow ooMugdi iyo cabsi lehOo mici ku dhiigliyo Masdilaa ay joogaanWaa ka marinka nuureeMinan janno Allow geeMidho Janno Allow siiMacalinkeen Allow kaal


(Heestan waxa curiyey Abwaan Xasan sheekh Muumin.Waa hees ardayda dugsi quraanka dhigataa ay qaadi jireen oo caan ah).
6)- Ereyada an kuu qoroQumaati uga bogooFartii qalaad ha moodinCarrabku qaldi maayeeSidii caanaha qudh-qudhiya! Murtideenii quusateeaawanayd quruxsanaaSumadda loo qalqaaliyeeLagu qorey qummanaaMaantuu qabweyn iyo Qosolku ii xalaal yahayooMaanku iqaboobayaaQalinkaaga ii dhiib!


Ereyada an kuu qoro Qumaati uga bogoFartii qalaad ha moodinCarrabku qaldi maayeesidii caanihii qudh-qudhiyaSidii caanihii qudh-qudhiya (Heestu ma dhamaystirna)
Heestan waxa miraheeda curiyey abwaan Xasan Sheekh Muumin1972kii oo ahayd xiligii lagu dhawaaqay qoraalka afka hooyo


7)- Marxab marxabYaa RamadaanWa yaa marxaban bika Yaa Ramadaan
Bishii magaceedu bilaha umudnaaMacbuudku amaanay yaa RamadaanMarxab marxabYaa Ramadaan
Miskiin iyo taajir bishii la misoobayIslaamku midoobay yaa RamadaanMarxab marxabYaa Ramadaan
Sidii mayey hoorey Bishii mu’miniintaKa maydhay dunuubta Yaa RamadaanMarxab marxabyaa Ramadaanwa ayaa marxaban bikaYaa Ramadan (heesani ma dhamaystirna)
Heestani waxay ka mid tahay heesaha laqaado wakhtiga soonka ah।Aadbay muslimiinta soomani ugu raaxaystaan marka fananiintu isku jiibinyaan.Heesta waxa miraheeda allifey Alle ha unaxariistee abwaan Xasan Sh.Muumin 1965 waxana ku luuqeyn jirey isla abwaanka sameeey.


8)- Dadkaaga dhinac ka raacHooy,hooy dhinac ka raacYaanad limine dhinac ka raac। Heestu madhamaystirna(Xasan sheekh Muumin)


8-Dab iy dhagax La islkuma dhiftee Kala dhawraay ( Waa murtidii Xasan Sheekh Muumin)
9)- Reer guuraayiyoGabadh tima tidcaniWaa waxa dadkeena Ugaarahee la inagu gartaa,Maantey galadi noo toostayeGabanimadayada Guullow adkee (waa midhihii Xasan sh.Muumin)
10-Dadweynahaan hanuuninaa
Haasaawinaa, Danta u hagnaaMa hagranee waan u hawl gallaa! (Waa midhihii iyo mullaaxdii Xasan Sh.Muumin) tixdan gaaban wuxu abwaanku ku muujinayey kaalinta ay abwaanada iyo fanaaniintu ka qaataan dhismaha dalka iyo horumarinta.
11)- Gorayadu ilmaheedaAroobibay dhigtaayooAboodigu ku laayaaShimbirtuna aroos ay ila xidhooAmaanabay ubadkeeda seexisaaKala awran labaduye Edebtiyo aqoontiyo Asluubtay isku dhaafeen! ।Heestani ma dhamaystirna (Allow kuu naxariiso waxa curiyey Xasan sheekh Muumin)। Waxa ku luqeysa fanaanada wayn ee Hibo Nuura.


12- Walaalaha hanuunsanowWaan idinla haynaaHalkan waxad utimaadeenOon hagar lahaynCaawaad naga helaysaanCaawaad naga helaysaan! (Waa midhihii Xasan sheekh Muumin)Heestani waa heestii muftaaxa ahayd waa halku dhigii riwaayadaha soomaalida ee marka ay fananintu masraxa soo istaagaan ay qaadi jireen ama ilaa imikaba ay qaadaan। Ilaahybaa mahadleh fari kama qodna fanka Xasan Sh।Muumin intaasina waxan odhankaraa waa hordhac।Waxa inoo xigi doona Xabaala qodka iyo murtidiisii Dab dhaxmooday oo aynu iyada tixgalin gaar ah siin doonno hadii Ilaah yiraa Fadlan wixii aad ka heyso Murtidii,Maansadii,Mullaaxdii,Miiddii,iyo Midhihii Marxuum Xasan Sheekh Muumin kusoo hagaaji emailkan (


korwaayeel@hotmail.com) Waxa soo diyaariyey
Mudane Jawhar Cabdisamad Qalinle
Gurmad coordinator
Email: korwaayeel@hotmail.com

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...