Adeegsame Aleenkayga

Aleenka gacantu ama telefoonka gacantu- hadba sida aad u taqaano- beryahan danbe waxa uu noqday walax nolosha aan sinaba looga maarmin. Hawl- maalmeedka caadiga ah ayuu si xawli ah ugu sidkan yahay, haddii aanu ahaynba dhufsaneyaraha shaqo-maalmeedku wadaagaan. Isticmaalkiisu waxa uu si weyn u labalaxaadsaday sanadihii u danbeeyey oo horumar dhinaca teknoolojiyada ah Aadamuhu sameeyey. Horumarkaasi ayaa dhinaca kalena, gaar ahaan geyigeenna, suurtagaliyey helitaanka aleen casri ah oo inoo qabta adeegyo badan oo kala baaxad weyn. Waa kalkan marka uu ku biirayo madhaafaanka nolosha.

Halkii awal aad aaladdo fara badan u baahnayd si aad hawlo kala duwan u hesho, hadda aleenka gacanta ayaa kugu filan. Si dul-ka-xaadis ah, adeegyada ama hawlaha aleenka gacantu aalaaba inaga haqabtiro, waxa ka mid ah.

1. War-is-gaadhsiiye
Waa barta koowaad ee Aadamaha kala maqan xidhiidhisa, hadday noqoto hadal, cod la isku duubo, fariimo qoraal ah oo gaagaaban oo la is weydaarsado iyo wadahadal maqal iyo muuqaal ba ah.

2. Jeeb
Haddii aad beryihii hore lacagta aad u baahan tahay jeebka ku qaadanaysay, ama boorso yar oo lacagi ku jirto aad jeebka danbe ku ridan jirtay, si aad ugu muraadsato, hadda aleenka gacanta ayaa kaaga filan. Gaar ahaan inta ay soo ifbaxeen adeegyada Zaad/E-Dahab ama Mpesa (haddii aad joogto Kiiniya), lacag caddaan ah inta la qaataa way yar tahay, maxaa yeelay, lacag hawo ah oo aleenka ku jirta, ayaad ku adeeganaysaa.

3. Musxaf
Si aad qalbigaaga ugu xasiliso qawlka Alle, haddii aad u baahan jirtay kitaab Quraan ah, maanta mar kasta oo aad damacdo Quraan akhris, telefoonka gacanta ayaad ka raacan kartaa. Waxa intaasi dheer, haddii aad qalbigaaga quraan dhegaysi ugu raaxeynayso, aleenkaaga ayaad ka helaysaa qiraa’ada quraanka eed rabto.

4. Xusuusqor
Haddii aad sidayda jeceshahay inaad dhitayso dhacdooyinka ku saameeya amaba harreerahaaga ka dhacaya ase aanay qallin iyo buug kaa ag dhawayn, aleenkuba hadda shaqadaas waa qabtaaye xisaabta ku darso. Marka laga yimaado dhitaynta dhacdooyinka maalinlaha ah, waxaad aleenka ku kaydin kartaa fikradaha maankeena ku soo maaxanaya ee diiwaangalinta degdega ah aan looga maarmin.

5. Kamarad
Inta badan aleenka gacantu, gaar ahaan noocyada danbe, waxay dhammaan ku qalabaysan yihiin kamarad sawiro wacan kuu qaadi karta. Waa sawirkii ilqabatin leh ee aad aragtaba qaado oo taariikhda gasho. Beryihii hore kamarad ayaa la soo gadan jiray si sawiro la iskaga qaado, balse taasi maanta waa taariikh. Inaad sawir muuqaal wacan iska qaado ama cid ka qaado, aleenkaaga oo aad hawlgaliso ayaa kaa xigta. Ku darsoo wuxuu kugu saacidi karaa waliba, waa haddii aad doorbidee, goobta sawirka lagu galay iyo taariikhda la qaaday. Beryahan danbe ololaha igu sawir ayaad moodaa inuu adeegan nuxur tiray. Yeelkadeede, waa adeeg marka aad u baahto, si fudud aleenka aad ugu qabsan karto. Ka hadli maayo dadka sida gurracan u adeegsada ee muuqaaladda Aadamaha dhallangadiya.

6. Hage/Jiheeye
Marka aad safarto ama ba aad ku nooshahay magaalo weyn asee aanad qaybaheeda kala hubin, aleenka gacantu hage iyo jiheeyeba waa noqdaaye haddee garo. Jeer aad ka dhargiso xog sugan oo uu ku hawlgalo, sida barta aad ka dhaqaaqayso iyo barta aad ku egtahay, aleenkaagu wuu ku jid marinayaa, sida uu kuu daadihinayo ayuun buu bartii muraadkaagu ahaa ku furayaa. Isla jeerkaas, haddii aad ka shakido jihada qibladu kaa jirto, sababtii la doonaba shakigaasi ha ku yimaadee, mar kale telefoonka gacantu waa ku kabayaa oo ku tusayaa jihada aad u cibaadaysanayso.

7. Saadaaliye
Ma ku nooshahay deegaamada cimiladooda aan la isku halayn karin ee ay mar walba wax isbeddelaan. Haddii jawaabtu haa tahay, aleenka gacantu shaqo fiican ayuu qabtaaye la soco. Wuxuu kuu saadaalin karaa heerkulka, roobka, heerka dabaysha iyo amminta gabbal-dhaca iyo waaberiga.

8. Gacanyare
La arkee in adeegani aleenada qaar ku kooban yahay, balse aleenka gacantu xoghayn ama gacanyare gaar ah waa kuu noqon karaa, waanu ii yahay aniga. Tusaale ahaan, haddii aad gaadhi wadato, qoyskaagiina aad ka daahsan tahay, Siri (oo aan anigu u aqaano Saacid), ayaad ku odhan kartaa, xaaskaygii farriin u dir oo u sheeg inaan ilaa saacad soo daahayo. Sidoo kale gacanyaraha waxaad uga faa’iidaysan kartaa inuu balan kuu sameeyo. Kal kale, gacanyaruhu wuxuu warbixin kaa siin karaa heerka saxmadda ee jidadka, maqaaxida kuugu dhaw ee aad koob bun ah u doonan karto, farmasiga kuugu dhaw ee aad kiniin madax-xanuun ka iibsan karo, iwm.

9. Maktabad
Aleenku maktabad aad wax ka daalacato, garashadana ku cariso, haddii aad ka dhigato, waa kuu noqon karaa. Aniguba kutub iyo qoraallo badan oo aan akhristo ayaan ku kaydsadaa, kana daalacdaa, marka aan u qasdiyo.

10. Idaacad
Markaaad u baahato inaad idaacad dhegaysato si aad ula socoto hawaalaha dunida, aleenka gacantu hadda raadyowna waa noqdaaye la soco. Warka maxaliga ah iyo ka dunidaba marka aad u baahato, wuxuun baad ka dhegaysan kartaa telefoonka gacanta

11. Muuqbaahiye
Muuqaalbaahiye markay noqoto miyaa, kaalintaasi Alla ilehe aleenku waa ku filan yahay. Haddii ay noqoto wararka iyo barnaamijyada ka socda muuqaal-baahiyayaasha qaarkood iyo haddii ay noqoto dhacdo muuqaal ah ba, labada ba waa ka adagyahay.

12. Scanner (Dheege)
Marar badan bay dhacdaa adiga oo aan joogin meel xafiis ah inaad u baahato shaqo xafiiseed, sida warqad la saxeexo, la sawiro, ka dibna biligdiraha lagu diro. Telefoonada danbe ee casriga ahi wadarta adeegyadaas waa kuu fulin karaan. Aleenka la’aantii miyaa, ka tegi mayso inaad horta warqada daabacdo, haddana saxeexdo, ka dib meel waraaqaha lagu dheego la raadsato, haddana internet raadiso. Adeegyadaasi oo hal isku ah ayaad ka helaysaa telka gacanta;

13.  Bangi
Beryahan danbe waxa suurtagal ah inaad ka raysato booqashada bangiga iyo saf dheer oo aad gasho. Aleenka oo aad ku xidho bangigaaga ayaa kuu sahlaya inaad lacag dhigato bangiga ama kala soo baxdo adiga oo telka gacanta kaliya adeegsanay;

14. La taliye
Haddii aanad shay hubin ama macluumaad dheeri ah uga baahan tahay, odaygii Google ayaad aleenka ka galaysaa, xogtii aad u baahnaydna, Ilaahay amarkii ka haqab beelaysaa;

15. Adeegyo kale
Shaqada aleenka gacanta ka geyoon maynee, aan ku soo koobno, adeegyo wax-ku-ool ah oo isku dhafan, kuwaasi ood kala soo dagi karto bakhaarka aleenka. Waxay noqon karaan kuwo madadaalo, aqoon-korodhsi iyo hawl fududayn intaba iskugu jira. Rabbow adiga ayaa Aadamaha farsamadaasi u fududeeyey ee kugu mahad.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Muuqaalku Waa Dage



Maxwell Morrison wuu caafimaad qabay oo nabdoonaa. Wuxuu dhex taagnaa maxkamadda magaaladda Baankook, wuxuuna u dhego-taagayey xukunka lagu ridi doono. Danbiga lagu haystay waa gudbinta maandooriyayaal. Haddii danbigaasi lagu helo, xukunkiisu wuxuu noqon karaa madaxaa ha ku furto, kaasi oo uu ku qaadan doono mid ka mid ah xabsiyadda dunida ugu xun. Runtu se waxay tahay, Maxwell danbigan lagu soo eedeeyey lug kuma lahayn. Maandooriyaha waxa lagu soo dhex qariyey aalad kuwan miisiga lagu garaaco ah. Haweenay culus, ilma yar xambaarsan, qaar kalena daadahaynaysa ayaa sidatay alaabta, isaguna wuxuu ka ogolaaday inuu bar kantarool u dhaafiyo. Dabcan markii ayda wax urisaa ku soo xoomeen, haweenaydii dabayl ayay noqotay oo waa la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. 

Muddo 45 daqiiqo ah ayuu isku dayayaa inuu sharaxo sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee waxa dood adag kala hor yimi xeer ilaalinta. Doodooda waxay sal uga dhigeen, qof dhoohan uun baa sabankan maanta la joogo, isku dayi kara in ruux aanu garanayn alaab u dhaafiyo bar baadhitaan. Gaar ahaan dunidan bacaysan tan iyo wixii ka danbeeyey 9/11. Waxay ku dareen in Maxwell uu degmadiisa ka yahay askari bilays ah. Taasi oo ka dhigaysa khabiir dhinaca amniga u tababaran balse hadda raadinaya cudurdaar uu ku fakado. Ninkii Maxwell isaga falcelinta kaliya ee ilaa imika laga hayaa waa  “Ilayn Muuqaalku Waa Dage". Xaakimkii maxkamadda ayaa si la yaab leh u eegay markii uu Maxwell hadalkaasi ka maqlay.

Xaaladdu waa ku jiq Maxwell. Markhaatiga kaliya ee uu haystaa waa haweenay Ingiriis ah oo u muuqatay qof maankeedu doorsan yahay. Waxay caddaysay inay arkaysay markii haweenaydu alaabta ninkan u dhiibaysay, waxayse ku dartay, inay u muuqdeen dad wada socda. Mar kale difaaca Maxwell wuxuun buu noqday " Waar ilayn muuqaalku waa dage"   

Wuxuu dib u gocday markii u horeysay ee uu maqlo tibaaxda "Muuqaalku Waa Dage". Waa sideetamaadkii. Dhallinyar ayuu ahaa beryhaas, waayo dhallinyaronimana waa ku dhex jiray. Dhar madow ayuu mar walba xidhnaan jiray, marka uu ugu yar yahayna, middi ayuu ku hubaysnaan jiray. Caruurtu dugsiga oo dhami waa ka biqi jireen, waddooyinkana waa uga carari jireen. Galab isaga oo iskaga cadceedsanaya wabiga qarkiisa, heesona iska dhegaysanaya, ayuu qaylo iyo sawaxan maqlay. Mise waa saddex wiil oo yaryar oo  dhibaya arday kale oo ajnabi ah. Waxay rabeen inay wiilka yar wabiga ku ridaan, isaguna wuxuu ku qaylinayay, “Fadlan ha igu ridina, dabaal ma aqaane” Maxwell ayaa u soo gurmaday. Saddexdii yaryaraa waxay bilawgii damceen inay isku taagaan, laakiin Maxwell waa ka wada dheeraa, waana ka xoog badnaa. Waxa intaa u dhiirayd, middi ayuu sitay, waxaanu tusay inuu isticmaali doono, haddii loo baahdo. Markaasay yaryarkii faraha ka qaadeen oo cagaha wax ka dayeen. Maxwell ayaa ku soo dhawaaday wiilkiii oo xaaladdiisa waraystay. Yarkii oo muraayaddiisa indhaha qummaati u fadhiisinaya, ayaa cabbaar ku dheygagay Maxwell, markaasu yidhi,  “Muuqaalku Waa Dage”

“Waayo, maxaad sidaa u tidhi” ayuu ku celiyey Maxwell.

“ Qof kastaa wuxuu u maleeyaa inaad tahay ma naxe. Ardayda qaar waxaabay ku sheekaystaan inaad mar macallin middi galisay. Waxaad ahayd qofka u danbeeya ee aan gargaar ka fili karayey. Balse waad ku mahadsan tahay  sida aad ii badbaadisay. Meesha waan ku qarqoomi lahaa, haddii aanad iga soo gaadhin. Dalka aan ka imi ee Taylaan, qofka naftaada badbaadiya, abaal aan duugoobayn ayuu waligii kugu yeelanayaa. Magacaygu waa Tran Pack, waligayna ilaawi maayo wanaaga aad ii gashay” Wuu gacan qaaday ka dibna wuu iska dhaqaaqay.

Ku soo noqo qolkii maxkamadda ee Baankook, wuu dhoolacadaynayaa ninkii Maxwell ka dib markii maskaxdu u aroorisay xusuustaa dhallaanimo. Ka dib soddon sanno markii uu badbaadiyey nolosha wiilkii reer Taylaan, waakan oo maanta waa 45 jir askari bilays ah, waxaanu khatar ugu jiraa inta noloshiisa ka hadhay inuu ku qaato xabsiyada dalkaasi Taylaand, muuqaal hoosaasiyey dartii. Xusuustaasi dheer ayuu ka soo noqonayaa, marka uu maqlo dawanka jalaska ee xaakimka, si uu xukunka u rido.

Xaakim Tran Pack wuu rumaysan waayay waxa dhaayihiisu arkayaan, markii uu maxkamadda ku dhex arkay Maxwell Morrison. Soddon sanno oo ay ismooganaayeen wax badan kama beddelin muuqaalkiisa, sidaasi darteed, xaakim Tran markiiba wuu aqoonsaday Maxwell. Si dulqaad iyo xiise leh ayuu u dhegaysanayay kiiska Maxwell muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta aanu dubaha saddex jeer ka dhawaajin si uu xukunka ugu dhawaaqo. “Mudane Morrison, dhab weeyi, muuqaalku waa dage. Danbi ma lihid. Daqiiqaddaa laga bilaabana xor baad tahay”

Sheekadani waxay bilawgii ku soo baxday; https://afterjujuman.com/?s=maxwell+morrison
Waxa haltebiyey Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Bal Muxuu ku Dhintay?



Qaylo iyo sawaxan ka soo yeedhaya qoys aan sidaa uga fogayn ayuu ku soo baraarugay Aw Jaamac oo caadi ahaan marka uu qadeeyo dhinaca dhulka yara dhiga, ilaa laga gaadhayo salaadda Casar. Baroorta iyo sawaxanka ayaa marba marka ka danbeysa sii xoogaysanaya. Ruux dumar ah ayaa qaylo dhawaaqaysa, gargaarna dalbanaysa. Cod carruur argagaxsan ayaa iyaguna la maqlayaa. Oohintooda ayaa qofka maqla qalbigiisa qoomaysa. Markii hore wuu yara dheelalawsanaa oo waxa uu Aw Jaamac u qaatay in guryaha jaarka mid ka mid ah uu dab qabsaday. Balse ilbidhiqsiyo gudahood ayuu ku xaqiiqsanayaa in qayladu ay ka soo yeedhayso dhinaca reer Dulyar. Ceebtood maaha ee waa caadadood ayuu hoos ahaan iskugu odhanayaa isaga oo dhinacna macawista gurmad u giijisanaya. Waa runtii oo qoyska uu horjoogaha u yahay Dulyar, mar walba war dhiillo leh lagama waayo. Sannado dhawr ah oo ay Aw Jaamac jaar ahaayeen, arrinkooga isaga iyo jaarka kale uun baa ku kala dhex jiray.

Dulyar waa odayga qoyska. Waa waayeel da’diisu ay lixdameeyihii madaxa la gashay, balse hab-dhaqankiisa aad moodo kuray aan qaangaadhin. Muuqiisu waa lafo isa sudhan oo balwad baa dubatay. Aroorta hore ayuu ijabbane raadco tagaa, ilaa inta uu waa-dhawaadka dhinaca dhulka dhigayana jeebkiisa iyo afkiisa qaad lagama waayo. Mas’uuliyadda qoyska waa hore ayuu gabay, xaaskiisa ayayna dantu badday in ay la kacaakufto. Iyada ayaa meel aan xaafadda ka dheerayn khudrad ku iibisa, wixii ay ka soo heshana badhna carruurta dabka u saarta, inta kalena Dulyar iskaga jeedisa. Haddii ay sidaa yeeli waydo, bakooradda ayuu u roganayaa. Qayladan maanta dhacaysaana arrintan ayay ka dhalatay oo carruurtii oo aan dheriba loo dhadhaarin ayuu Dulyar garaadkiisa xaajiyadda qaad ka rabaa.

Waa xasarad-u-joog mar walba jecel inuu helo sabab uu ugu gacan qaado xaaskiisa. Hadda garo oo xilkii saarnaa ayay ka furatay oo sida ciyaala-iskuulka ayuu nusa-saace qaataa. Isla jeerkaas haddanna waa kan marka uu ka waayo budka saaraya. Oday jaarka ah oo dhawr jeer galay xallinta muranka reerkan, ayaa ku dhejiyey naaneystan naasibtay ee Dulyar, ka dib markii uu ka yaabay hab-dhaqankiisa dulqaadka ka arradan.

Dulyar inta badan jabhadihii geyiga Soomaalida ka abuurmay wuu ka soo wada qayb qaatay, mid walbana halis ayuu naftiisa u galiyey. Dagaalladii sokeeye ciidamadii reeraha ayuu ka mid ahaa, wixii dagan ee uu arkanna dabka ayuu saarayay. Aw Jaamac oo xaaladdiisa aad uga dheregsan ayaa mar walba ku canaanta inuu xisaabtamo oo maskaxda ka shaqaysiiyo. Xilka reerka iyo ubadka ka saaran ayuu goor walba xusuusiyaa. Ruuxdan Dulyar ee rabshadaha jecel ayuu ku waaniyaa inay dib iskugu noqoto oo bal dib isku xisaabiso.

Waano dhalad baa ka adage waxa la soo xaqiijiyey in Dulyar, isaga oo dhawaan difaacayay dhul ganacsade reerka ahi sheeganayay, uu dil toogasho ah qudha kaga jaray askari bilays ah. Ciidammada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay, xabsiga ayaana loo taxaabay. Baadhitaan dheer ka dib, waxa caddaatay in Dulyar askariga bilayska ah si badheedh ah xabbad madaxa ugaga dhiuftay, isla goobtaasna marxuumku ku qudh baxay. Maxkamaddihii kala duwanaa ee dilkan ka garnaqay waxa u caddaatay in kiiskanni badheedh yahay. Sidaasi darteed, waxay iska daba xukumeen in la qisaaso eedaysanaha.

Ninkii ganacsadaha ahaa ee uu u dagaalamayay, maantana uu godobtiisa u god galayaa, iska dhaaf inuu wax ku taree, war kama hayo (waligiina xog-ogaal uma noqon) xaaladda reerka uu ka tagayo Dulyar. Mar dhawaan ganacsadahan taageero dhaqaale loo waydiiyay reerkii ninkaa uu sahayday, ka dib markii curadka qoyska xaalad caafimaad darro cisbitaalka loo jiifiyey, fara madhnaan ayaa lagala soo noqday. Ku darsoo, ubadka rafaadka iyo silica ku koraya tol xaaladdooda ogi ma jiro. Xaajiyadda qoyska ayuu Alle baday noloshan qaadaa-ma-dhergaanka ah. Waligeedba iyada ayaa culays kasta u soo dhabar adaygaysay. Jaar wanaagsan oo Aw Jaamac u horeeyo ayaa iyaguna -mahadi ha ka gaadhee- inta duruufuhu saamixi waayaan kabayay. Maantana taasi uun baa hurran. Haddii laga tagi waayo, nacabkii arragiisa kaga gabban jiray ayay geerida Dulyar hillin u furaysaa.

Marwadu si dhab ah ayay maanta u walaacsan tahay. Qaddarka iyo qorshaha Rabbi way ogoshahay balse kasheeda ayaa warsanaysa oo jawaab u raadinaysa sababta odaygu ku baxayo. Waligeed nolol xasilloon oo deggan ma ay arag, maantase waxa kaga daran gar iyo mag la’aanta uu ninkeedu ku dhimanayo. Sababta ay asayda uu qaadayso, ubadkeeduna ku agoomoobayaan ayay u aragtaa fidno hurudday oo nin dan lihi toosiyey. Mar Dulyar ayay ku tuhmaysaa inuu macno la’aan qori la booday oo qiiro dhaqaaqay. Mar kalena ganacsadaha duqeeda magaca reerka ku marin-habaabiyey haatanna garabkooda ka baxay ayay hiifaysaa. Mid ay tahayba, Dulyar tiirka ayaa lala tiigsan doonaa. Cidda kaliya ee uu ka baxayaana waa xaaskiisa iyo ubadkiisa. Ganacsadihii baasaa ee hallaaga u horseedayna, abaabulka wiilal hor leh oo reerka ah ayuu wali ku hawlan yahay, si uu u xasiliyo mulkiyadda dhulka uu sheeganayo!

W.Q: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud




Fellow Africans Suffer in South Africa


A wave of xenophobic attacks on African immigrants claimed the lives of many immigrants in South Africa. Angry men equipped with machetes, knives and other sharp devices targeted and attacked businesses owned by foreigners, specifically immigrants from the rest of the continent. What started in the locations outside Durban area soon spread like a wild fire into other regions of the country. The affected refugees suffered harshly but absurdly at the hands of fellow Africans. The properties of African immigrants -who were struggling to make ends meet- were looted and immigrants savagely beaten to death and in other cases burnt alive. To add insult to injury, the horrific scenes of mob-killings were recorded and then posted on the Internet, without little remorse.

Migrants from Zimbabwe, Mozambique, Malawi, Somalia and Ethiopia are reported to have paid the highest price in financial and human losses. Police were accused in their failure to protect the targeted marginalized immigrants amid intensified xenophobic raids in South Africa.

Somali Immigrants in South Africa

Aftermath the internal conflict that destroyed the once strong and proud African country of Somalia, millions of its people fled to every corner of the world. The vast majority of these refugees crossed the border and sought refuge in Ethiopia and Kenya. Many others crossed the Gulf of Aden and went to Yemen and beyond. Consequently, you can find a sizable Somali Diaspora community in Middle East, most of the Western Europe and North America as well.

As Somalis are business-minded people and do have remarkable entrepreneurial skills, they have made visible contributions to the economies of some of the hosting countries, mainly in the East African ones. This is quite true in Nairobi, Kenya, where an active Somali community further rejuvenated the local economy. This investment is obviously visible in Eastliegh, often dubbed as “little Mogadishu” for Somalis turned it into an economic hub where diversified goods and services, destined to different parts of the region, are traded at competitive prices.

Some of the Somali refugees made their way to South Africa where they thought to be a safe haven. Hence, thousands of them, fleeing from the fighting in their homeland and seeking better economic opportunities, headed there, hoping to find jobs and better living conditions. They established small businesses in the neighbourhoods mainly dominated by citizens of low-income. However, instead of getting the much-dreamt better living conditions, some of them who invested in small businesses only to find themselves massacred one after another, often in a brutal manner.

Before the current xenophobic attacks aiming at fellow Africans, Somalis in South Africa suffered from series of similar and organized raids for the past ten years. There were however, some very barbaric murders which went down into the history books, with the ugliest memories. These sparked off public outcry, at least in the social media outlets where the issue was utterly discussed. Many people will not forget the story of Abdinasir Mahmoud Good, a 25 year –old Somali businessman who was stoned to death by a mob in 2014. He was mob-killed and lynched to death.

The brutal killing of the late Abdinasir was preceded by another equally disgusting crime where a nine-month pregnant Somali mother was raped and then killed in Cape Town. Surprisingly, both acts were not isolated cases but just reveal the pain and panic that many African immigrants, including the Somalis were going through for many years. To make matters worse, these chauvinistic raids are taking place in a country that many African countries not only solidly stand behind their struggle during the apartheid period, but also contributed immensely to their liberation.

It is a well-known and documented fact that Somalia was among the African countries that stood beside the people of South Africa in their hour of need. The then Somali government did not only provide diplomatic support to ANC but provided technical and military training to help end the apartheid regime. Unfortunately, it is pity that the same South Africans, for which other Africans sacrificed a lot and whose people they were always ready to welcome and host as exiles, could be so ungrateful.

Finally, it is a high time for the government and people of South Africa to intervene and stop the ongoing xenophobic attacks and immediately restore their already distorted regional and international reputation.

Abdirahman Adan Mohamoud



Gorfayn Buugga Laba Kala Leexday


Inkastoo akhrisku gaar ahan kuwa sheekoyinku aheyd waxan aad u jecelaa, haddanna way yareyd inaan helo buugaag ku qoran Af-Soomali oo xiiso badan, Ilaa buugga LABA KALA LEEXDAY markaan akhriyey uu ii noqdey buuggii ugu xiiso badnaa Gugan. Waxba ka sheegi maayo hab qoraalka buugga waayo ma ihi tifaffire, laakiin waxaan la dhacay sida quruxda badan ee ereyada buuggu isku raacsan yihin.  Meelo dhawr ah ayaan ereyo af-qalaad ah kula kulmay, waanan ka jeclaan lahaa in dhigooda oo Af-Soomaalli ah ay ku qornaan lahaayeen, waanse ogahay in luqadeennu dayacan tahay oo aaney jirin ereybixinta aaladaha casriga ah iyo ereyo badan oo la socda wakhtiga is bedelaya. Laba Kala Leexday waa buug aan uu bogey runtii. Waxa la yaabka leh ee aan sida gaarka ah ugu arkey waxa weeyi sida qoraagu uu sheeko kaliya ugu soo wadda koobey waxa bulshadeena dhib jirta oo dhan. Inkasta oo tahriibku yahay dhibta ugu  weyn ee sheekadu ku dul wareegayso, haddanna waxaan arkey kontameeyo dhib oo haysta bulshadeenna dhamaana ku xusan sheekada. Tahriibka, daryeelid la’aanta xuquuqda dadkeena gaar ahana danyarta, qabyaaladda iyo sunteeda, dhibaatooyinka dhalinyarada, u raxleynta qurbajooga, qaadka iyo hawlgabka abaayasha cuna uu ka dhigo iyo qaar badan oo kale ayaa ka mid ah dhibaatooyinka buugga ku xusan.

Ta kale ee aan buugga sida gaarka ah uga arkey waxa ay tahay rajadda ay sheekadu ku abuureyso akhristaha sida  hodanimada dalkeenna, ku dhiiranaanta u adeega dadkeena, baraaruga dhalinteena, koboca waxbarashada dalkeenna, dadaalka iyo midho dhalkiisa, go’aan qaadashada saxsan iyo waxtarkeeda iyo qoyska ka dhisma lammaane toosan inuu abuuro farxad buuxda oo uu barbaariyo awlaad toosan. Waxa kale oo I soo jiitay sida Waayeel u soo waayo arakay, una yaqiinsaday in dalka hooyo uu yahay lamahuraan ka dib markii uu Barri iyo Galbeedba tagay.  Awooda qallinka qoraagga waxa lagu gartaa sida uu qoraagu u kasban karo wacyiga akhristaha, run baan idiin sheegayaaye intii aan akhrinayay sheekada marar badan ma aan xakameyn karayn dareenkayga. Waxan is arki jirey anigoo la qosleya markaan akhrinayo farxadda guulaha Wacays, la murugeysan dhibaatoyinka Waayeel, ka ooyaya burburkii ku yimid xiidhiidhki Ladan iyo Wacays, kolkolna quus qaadeya markaan arko dhibaatooyinka badan ee haysta dadkaan ka dhashay. Waxan wali ka fikiraa haddu wacays jiri lahaa hambalyo ayaan qoraagga ugu dhiibi lahaa.  Wax kastaa waxa uu ugu fiican yahay inta wax ka fiicani aanay jirin. Sidaa darteed. Buugan LABA KALA LEEXDAY-na waa buugii maanta ugu fiicnaa ee ay helaan dadkeenu, waanna sheeko mudan ina dhamaan la wada akhriyo,  waayo waxa ay sidaa dhanbaallo dhamanteen ina khuseeya. Qoraaganna waxa farxad iyo faan ugu filan inuu gudbiyay fariin timid xilligii loogu baahi badnaa. Alle ha barakeeyo qalinka qoraagga oo ah Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud.

Hambalyo.
Wa Jazaakumulaahu Khyran
Umayma Good


Shiine, Awood Soo Baxday
China, an emerging new power
Maxamed Faarax Cilmi
Wax badan ayay adduunyadu ka faalootey awooda dhaqaale ee wadanka Shiinaha oo si xawli ah kusocata, marka la eego xadiga korodhka dhaqaaaha sanadkiiba, iyo ganacsiga uu adduunyada la sameeyay soddonkii sanadood ee ugu danbaysay, wax badan oo laga qorey iyo buugaag faro badan oo ka faaloonaya wadanka shiinaha ayaa tilmaamay isbadelka dhaqaale, siyaasadeed iyo saamaynta uu adduunyada ku yeelan doono, aniga oo uga faaiidaysanaya fursadan qaaliga ah, ayaan rabaa in aan la wadaaqo akhristayaasha maqaalkan aan kaga falanqoonayo wadanka Shiinaha, oo aan filayo in ay ka faaidaysan doonaan akhristayaal faro badan.

Seddexdii boqol ee sono ee ugu danbaysay waxa ka dhacay dunidan aan kudul noolnahay isbadalo, isbadelkii koowaad wuxuu ahaa soo bixitaankii quwadii yurub oo uu hogaaminayay wadanka Ingiriisku, kaas oo lasoo baxay awood waxsoosaar warshadeed, xaga beeraha, dhaqaale, tiknoolojiyad iyo mid siyaasadeedba, waxa ay wax kabadaleen nolosha dad badan oo aad u raysay halka kuwo kalena ay saamayn togan ku yeelatey, dhul balaadhsigii gumaystaha ee qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo Waqooyiga qaarada America ayaa u sahashay in uu dhaqaalahoodu aad u kordhi, hantidii iyo khayraadkii qaaradahaasi yaalayna ay ka faaidaysteen si wax soosaarkoogu u kobco, jaantus hadaan usoo qaadano wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka wadarta isku darka waxsoosaarkooga inta ay ka ahaayeen boqalkiiba dunida qarniyadii 19aad iyo ki 20aad, ayaa waxa ay ahayd sida tan, 1820kii wadarkta iskudarka waxsoosaarka Ingiriiska 5.2% boloqkiiba dunida, Jermalka 3.9% boqolkiiba dunida, Maraykanka 1.8% boqolkiiba dunida, sanadkii 1870 waxa maraykanka wadarta waxsoosaarkiisu ahaa 8.8% bolqolkiiba dunida, Ingiriiska 9.0% boqolkiiba dunida, Jarmalka 6.5% boqolkiiba dunida, isla sidoo kale sanadkii 1914 waxa Maraykanku uu kordhay xadi dhan 17.9% boqolkiiba uu u dhiganta 18.9%, Ingiriiska 8.2% boqolkiiba dunida, Jarmalka 8.7% boqolkiiba dunida, sanadkii 1950 dagaalkii labaad ee dunida oo saamayn wayn ku yeeshay qaarada yurub kaas oo naf iyo maalba ku baabiiyay ayaad dareemi kartaa raadkii uu kaga tagey, waxaa wadarta waxsoosaarka Maraykanku noqotey 27.3% boqolkiiba, halka Ingiriiska ay ahayd 6.5%, Jarmalkana 5.0%, hadaba sida aad ka dheehan karto tusaalaha iyo xogta kor ku xusan waxaad dareemi kartaa sida Yurub gaar ahaan Ingiriisku ugu raaxasanayay dhaqaalaha iyo wax soo saarkooda. Sharaxaada isbadelka ka dhacay adduunyada waxay hordhac u tahay ujeedada qoraalka, waxaan se gudo gali doonaa dulucda maqaalka.

Isbadelkii labaad ee ka hana qaadey adduunyada, horumar kana u horseeday wuxuu ahaa soo if bixii awooda Maraykanka (The rise of United States of America) awoodaas oo si habsami láan ah u hirgashay labaddii boqol ee sano ee u danbaysay, Maraykanku wuxuu adduunyada ku muquuniyay awood dhaqaale, siyaasadeed, Tiknooloji iyo mid ciidanba, waxa intaas dheer awooda aqoonta sayniska, dhaqan iyo xaga warbaahinta, wuxuunu noqday qarnigii ugu danbeeyay wadanka kaliya ee aduunyada ka awood, karti iyo xadaarad batey umadaha kale oo la isku darey dhamaan, wadamada xulafada la ah wuxuu u horseeday horumar dhaqaale oo taban halka kuwii kasoo horjeedayna uu wiiqay dhaqaalohoodii sida Midowgii Soofiyeed iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa kale oo soo raacay wadamada xag jirka noqday waa sida ay ugu yeeraan reer Galbeedku, sida Afgaanistaan oo kale, Ciraaq oo uu burburiyay, iyo waliba sida ay qabaan dad ka indho indheeya arimahaas in uu Maraykanku kasameeyay kaligii taliyayaal wadamada bariga dhexe.

Isbaddelkii Seddexaad oo milaygan xaadirka ah aan madaxiisii ku jirto, walina aan si rasmi ah u dhamaystirmin waa soo kicitaanka wadanka Shiinaha (The rise of the rest) waxa kale oo la sheegaa wadanka Japan oo ah wadanka seddexaad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka marka laga reebo Maraykanka oo kaalinta koowaad ku jira iyo Shiinaha, waxa iyadana in la xuso mudan wadamada Brazil iyo Kuuriyada Koonfureed, isku soo wada duub xadiga korodhka dhaqaale iyo xawliga uu kusocdo wadanka shiinaha ayaan jirin wax la bar bar dhigi karo, isku cel celis boqolkiiba toban (10%) ayuu kordhaa sanadkii, halka Maraykanka uu kobco boqolkiiba seddex dhibic todobo iyo labaatan (3.27%), sida la saadaalinayo wadarta isku darka waxsoosaarka Shiinuhu wuxuu ka kormari doonaa Maraykanka sanadaha soo socda, khubarada dhaqaalaha ka faaloota qaarkood waxay sheegeen ilaa 2019ka, halka qaarna kabadan ay ku qiimeeyeen, waxa hada jirta cadeeymo faro badan oo la taaban karo, waxana ka mid ah;

1.       Shiinaha oo noqday wadanka ugu wayn xaga ganacsiga iyo baayacmushtarka qaarada Afrika, maalgashi badana ku sameeyay
2.       Shiinaha oo ah wadanka labaad ee ugu wayn xaga maalgashiga iyo ganacsiga qaarada Yurub marka laga reebo Maraykan, laakinse laga baqayo in uu Shiinuhu kala wareego Maraykanka
3.       Wadamada Carabta iyo Aasiyada kale oo uu xidhiidh ganacsi oo wanaagsan uu la leeyahay
4.       Shiinaha oo leh siyaasada Arimaha dibada oo ah mid aad u fiican oo aan faro galin wadamada shisheeya, lakin kaliya ku kooban xuduudahooga
5.       Xidhiidhka Ganacsi ee uu la leeyahay Wadamada ku bohoobay BRICS oo loo soo gaabiyay Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ah mid aad u sareeya
6.       Iyo Bangiga ay dhawaan ku dhawaaqeen wadamada ku bahoobay BRICS ee loo yaqaan BRICS Development Bank, oo wax way ka badeli doona dhaqaalahooda maalgashina kusamayndoonaa wadamadas xaga kaabayaasha dhaqaalaha, Bangigan wuxuu la tartami doonaa Baanka Aduunka iyo Bangiga Caalamiga ah ee loo yaqaan IMF International Monetary Fund

Wakhtigan xaadirka ee aan joogno dhaqaalaha Maraykanka, wadarta wax soo saarka ee afka qalaad loo yaqaan Gross Domestic Product (GDP) waxa weeyi $ 16,800 Trillion, halka uu Shiinuhu yahay $ 9,240,270 Trillion sida aan kasoo xigtey Bangiga Adduunka. Sidaas ay tahay Shiinaha waxa hor yaala arimo badan oo murugsan una baahan in wax laga qabto kasow isbeddelka dhaqaale ee xawaaraha ku socda ee ay sameeyeen tan iyo 1978 kii, arimahan waxa kamid ah ugu yaraan dad ku dhow 98.99 malyuun ayaa ku nool faqri iyo gaajo waxa soo gala dakhli dhan isku celcelis $ 373.5 sanadkii, waana wadanka labaad ee ugu faqriga badan adduunka marka laga yimaad Hindiya, dhanka kale isku celcelis dakhliga soo gala dadka Shiinaha sanadkii waa qayb yar oo ka mid ah wadamada horumaray, doc kale markaan ka fiiriyo waxa korodhka xawliga ah ee dhaqaale uu sababay sinaan laáan dadka shiinaha ah (High inequality), magaalooyinka oo aad u fidiya (rapid urabanization), iyo dadka gaboobaya oo badanaya (aging population), waxa intaas soo raaca cadaadis iyo caqabado xaga biiáda iyo degaanka, hawada oo wasakhoobaysa (Environmental Challenges). Hadaba iyada oo intaas oo caqabadood ay jiraan misana sanadihii lasoo dhaafay Shiinuhu wuxuu kor usoo qaaday ku dhawaad 500 oo malyuun oo qof oo uu kasoo jiiday faqri iyo gaajo una soo jiiday dabaqada dhexe (Middle Class).

Wariye caan ah isla markaana ah qoraa wax ku qora wargyska the New York Times oo la yiraa Thomas Friedman ayaa sheegay in Maraykanka hoos u dhaca ku yimid  Awoodiisa ay tahay mid yar, waxaana uu ku doodayaa in Maraykanku qaaciidadii uu horumarka ku gaadhay ahayd:-
1.       Waxbarashada hose iyo ta sare oo tayo aad usaraysa lahayd, marka lagu daro ta tiknoolojiga ama aalada computerka
2.       In ay Irridada u fureen ajaanibka socdaalka ku imanaya Maraykan kuwo xirfad leh
3.       Kaabayaasha dhaqaale oo ahaa kuwa ugu heer sareeya adduunka
4.       Daraasaad cilmi baadhiseed ay maal galisay dawlada maraykanka xaga sayniska iyo Tiknoolojiga aad u sareysay
5.       Iyo Xeerar aad u wanaagsan oo ay samaysteen oo u horseeday horumar
Hadaba markaad eegto qaacidadaas, wakhtigan xaadirka ah waxa muuqata in wadamo faro badan oo adduunka kamid ah ay kaga horeeyaan, tusaale ahaan xaga waxbarashada imtixaanaadka la qaado ee loo yaqaan PISA Maraykanku wuxuu soo galaa kaalimaha dhexe, iyadoo kaalmaha hore ay soo galaan, Singabuur, Japan, Shiinaha, iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa kusoo xiga Netherland, Belguim, Swizerland, Canada, Ustareeliya iyo Finland, waxa kuwaasna soo raaca koox kale oo Ingiriisku kamidyahay, Ireland iyo Maraykan, dhinaca kaabayaasha dhaqaale markaad eegto waxa hada kahormaray wadamo badan oo ay kamid yihiin Sweden, Netherland iyo Jarmalka, lakin Thomas Friedman wuxuu ku doodayaa in ay intanba iyagu keeneen uguna horeeyeen adduunka intiisa kale la’aanteed, isla markaana ay samayn karaan mar labaad.

Haddaba isbeddelkaa dhacaya waxa uu sababay in awoodihii caalamka ee inta badan u gaarka ahayd wadamada reer Galbeedka lala qaybsanayno, taas waxaa kamid ah doorka uu Shiinuhu ku yeelan doono Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, lacagta Doolarka ee caalamiga ah (The Dollar as an International Currency) iyo Luuqada/Afka Ingiriiska (English as an International Language) saamaynta ay ku yeelanayso, waxaan rabaa inaan is dul taago sharaxaadna ka bixiyo labada qodob ee ugu danbeeya ee kala ah Lacagta iyo Luuqada kuna soo gabo gabeeyo nuxurka maqaalkan.

1.     Lacagta Doolarka (The Dollar as an International Currency)
Sida aad kawada warqabtaan, dagaalkii labaad ee adduunku waxa uu burburiyay, khasaare maal iyo nafba lehna uu ugaystay wadamada Yurub iyo Aasiya, halka Maraykanka uu kor u qaaday dhaqaalihiisa, waxa markaa wadamada Yurub ku baaba’ay maal iyo hantidoodii, sidaas darteed waxa ay deyn baden ka qaateen Mareykanka iyaga oo kubadashay kaydkii dahabkooda (Reserve Gold) ahaa si ay sahnad iyo agab ciidan oo ay ku dagaal galaan usoo iibsadaan, tani waxay kor uqaaday kaydka dahabka Maraykanka, iyo qiimaha lacagta Doolarka, waxa kale oo ay awoodaysay dhaqaalaha iyo Siyaasada Maraykanka, isagoo noqday quwad, kadib xulafadii ku guulaysatey dagaalkii labaad ee dunida oo ay kamid ahaayeen Maraykanka iyo Ingiriiska oo hogaaminayay Yurub inteeda kale marka laga reebo wadamadii Jarmalka ay isku xulafada ahaayeen iyo Ruushka oo dagaalkii qaboobaa la la galay lagagana adkaadey, waxay seeska u dhigeen una gogol xaadheen, ayna hirgaliyaan, hana qaadayna ilaa maanta nimaadka lacageed ee caalamka iyo ka dhaqaaleba iyagoo sameeyay xeerar iyo nidaam dhaqaaleed oo caalami ah, laga soo bilaabo milaygaas ilaa maanta lacagta Doolarka waxay noqotey astaan ama lacagta ay adduunyadu wax ku kala gadeto kuna qiimayso, sayladaha adduunyada, lacagaha kaydka ah ee ugu badan, badeecadahana lagu kala gato, tani waxay door laxaad leh ka qaadatey korodhka dhaqaalaha Maraykanka, waxa jira sabobo badan, waa marka koowaad ee baaxada uu yeeshay dhaqaalaha Maraykanka oo aad u balaartey, degan, noqday mid lagu kalsoonyahay, waa marka labaad ee lacagta Doolarka oo ah mid degan oo sixir barar lahayn inta badan. Hadaba sanadihii 2002da ayaa waxaa soo baxdey lacagta Yuurada (Euro) oo run ahaantii loo arkeyey in ay tahay mid badeli karta Doolarka, sanadkii 2006 lacagta Yuuradu waxay noqotey boqolokiiba 24% lacagaha kaydka sayladaha waxanay kudhawaatey  lacagta doolarka, nasiibdaro se wali ma ay suurto galin dhaqoolo xumaddii ka dhacday adduunka 2008 dii awgeed. Hadaba waa maxay ujeedada aan ka leenahay in aan ogaano lacagta Doolarka? Ujeedada ugu wayni waxa weeyi inkastoo dhaqaalaha wadanka Shiinuhu uu aad u kobcay, xawlina uu kusocdo, maxay tahay saamaynta u ku yeelan karo lacagta Doolarka?, halkan waxan jeclaystey in aan ku muujiyo daliilo iyo cadeymo farobadan oo ina tusinaya isbedelka ku dhici kara lacagta doolarka.

        I.            Sida khubarada qaar saadaaliyeen waxa dhaqaalaha shiinuhu uu kabadan doonaa ugu yaraan labo jeer dhaqaalaha Maraykanka sanadka 2040ka
      II.            Sanadkii 2013ka waxa wadanka labaad iyo ka seddexaad ee ugu dhaqaale badan dunida Shiine iyo Japan ku heshiiyeen in ay isticmaalaan lacatooda marka ay wax kala iibsanayaan, isla markaana uu Doolarku meesha ka baxayo oo marka hore ay ahayd in ay lacagahooda Doolar u badalaan kahor inta aanay wax iibsan
   III.            Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika) (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku heshiiyay in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecada,
    IV.            Labada hogaamiye ee Shiinaha iyo Ruushka oo mudo badan u ololoynayay isticmaalka lacagahooda, iyo doolarka oo meesha laga saarayo ayaa ku heshiiyay in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecadaha
      V.            Shiinuhu waa wadanka ugu wayn ee ganacsi la leh qaarada Afrika, Afrika in ay lacagta Shiinaha wax ku iibsato waa mid meesha ku jirta Shiinuhuna uu aad ugu ololaynayo, maxaa yeelay maalgashi balaaran oo uu kusameeyay awgeed, waxaana la rajaynayaa in maalgashigu uu gaaro $ 100 billion sanadka 2015 China-Africa Trade, ugu yaraana in kabadan 70,000 oo shirkadood Shiine ah ayaa isticmaala lacagta Shiinaha marka ay ganacsanayaan
    VI.            Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta oo ku hesheeyay in ay lacagahooda isticmaalan marka shiinuhu batroolka ka iibsanayo Imaaraadka
 VII.            Iraan waa wadan inta badan ay iska soo horjeedaan Maraykan, hadaba Hindiya marka ay Iiraan kasoo iibsanayso Saliida oo ay isticmaali doonto Dahab
VIII.            Wadanka Saliida ugu badan kasoo gata Sucuudiga maaha Maraykanka lakin waa shiinaha sidaas darteed waxa meesha kabxaysay lacagta Petrodollarka
    IX.            Sida hal warbixin ay soo saartey Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay sheegtey waxa lagu baaqay in la helo lacag kale oo u dhiganta kaydka lacagta doolarka
      X.            Laanta lacagaha adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IMF oo kubaaqday in la helo lacag badasha ta Maraykanka
    XI.            Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika) (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku dhawaaqay Bangi cusub dhawaan intii ay socdeen ciyaaraha kubada cagta adduunka wadanka Baraasiil, oo la magac baxay Bangiga horumarinta BRICS ama BRICS Development Bank oo la tartami doona ama noqon doona mid udhigma bangiga adduunka (World Bank) iyo laanta lacagaha (IMF), bangigan oo lagu bilaabay lacag dhigaal ah oo gaadhaysa $ 50 Billion, laguna kordhin doono xadi intaa leeg, ilaa $ 100 Billion, bangigu wuxuu wax katari doonaa maalgalinta kaabayaasha dhaqaale ee wadamadaas
 XII.            Ugu danbayn, nacaybka loo qabo maraykanka oo sii kordhaya meelo badan oo adduunka kamid ah, marka lagu daro Yurub.
Sidaas aan kor ku sheegney, ama qodobadaas aan kor kuxusnay waxay cadayn xoogan iyo markhaati marag madoon ah u tahay isbeddelka ku dhici doona lacagta Doolarka oo ay sababtey awoodaha adduunyada isku dheeli tirmaya wakhtigan xaadirka ah.

2.      Luuqada Ingiriiska (English as an International Language)
Luuqada Ingiriiska waxa Isticmaala adduunyada, si ay ugu fudadayso is fahmakooga iyo isdhexgalka haday tahay xag waxbarasho iyo xag ganacsi, ugu yaraan hal bilyan oo qof ayaa ku hadla ama isticmaala luuqada Ingiriiska maalinkasta, qaar badan oo udhashay ayaa ku hadla, inkaloo badan oo baratey ayaa ku hadasha, hadaba suáashu waxay tahay mansabkan ay maanta luuqada Ingiriisku joogta siday ku heshay ama ku timid? Su’aasha kale ee iswaydiinta mudan ayaa iyana ah isbaddelkaas dhacaya een kor kusoo xusnay saamayn intee leeg ayuu ku yaalan karaa? Malaga yabaa Luuqada Shiinuhu inay badasho tan Ingiriiska? Dhamaan waa suáalo macquul ah ayna haboon tahay in la is waydiiyo, si aan uga jawaabno suáalahaas bal hada aan yara jaleecno taariikhda sida luuqadan kusoo gaartey kaalinta maanta ay kujirto. Aanooyinka ugu waawayn waxa kamid ah isbeddalkii warshahada ee ka dhacay Yurub ee uu hogaaminayay wadanka Ingiriisku, waxa kale oo saamaynta wayn sii dadajisay nimaadkii dhul qaybsiga iyo gumaystaha ee Waqooyiga America, Asiya iyo Afrika, oo sababay in wadamada yurub keenaan dhaqankoodii, nidaamkoodii, waxbarashadoodii, fikirkoodii iyo Siyaasadoodii, gaar ahaan wadanka Ingiriiska oo ahaa wadanka ugu saamaynta wayn, wadamo faro badan way ku faaiideen sida Waqooyiga Amerika oo noqday tafiirtii boqortooyada Ingiriiska kana dhaxlay awoodii iyo saamayntii ay ku lahaayeen adduunka, halka kuwo kale oo ugub ah ay kuleedeen sida wadamo faro badan oo ku yaal qaarada Afrika iyo Bariga dhexe, isku soo wada duub waxa hirgashay in luuqadu ay noqoto luuqada adduunyada, waxaana sii taraarixiyay luuqadaas wadanka Maraykanka oo si qoto dheer saamayn ugu yeeshay adduunyada. Hadaba madaama saamayntaas ay sabab u ahayd awooda dhaqaale, maxaa is beddeli kara haddii awood kale oo dhaqaale soo baxdo? Luuqada shiinaha waxa ku hadla dad kor u dhaafaya 1.3 Billion, Hal Bilyan iyo Seddex boqol oo milyan oo qof, inkabadan inta ku hadasha luuqada ingiriiska, hase ahaatee 1.3 Bilyankaasi waxay ku noolyihiin isku xuduud ama wadan, halka Ingiriiska ay kuhadlaan umado kala duduwan, dhinac kale hadaan ka eegno, koboca dhaqalaha Shiinaha wuxuu bilaabay in ay durba luuqadiisa bartaan dad badan, gaar aahan dhawaan waxa la bilaabay in luuqada Shiinaha lagu daro luuqadaha lagu barto dugsiyada hoose/dhexe ee wadanka Holaand, marka hore ardyadu waxay baran jireen luuqadaha Spaanishka, Faransiis iyo Jarmal, halka Ingiriisku uu ku jiro kaalinta koowaad, waxa soo ifbaxaya in Jaamacadaha yurub lagu dhigo luuqada Shiinaha aadna loogu hanwaynyahay in la barto si cilaaqaad ganacsi oo wanaagsan u dhexmaro, arintan luuqada waxaa dedajinaysa, kow, Shiine waa wadanka ugu koboc badan xadiga korodhka dhaqaale adduunyada sidaan horey usoo sheegney, labo, wuxuu qani ku yahay hido iyo dhaqan iyo habka maamulka ganacsiga oo loogu bogay walow galdaloolo ay jiraan, seddex, iyo Waliba wadamada uu ganacsiga ugu wayn adduunyada la sameeyay sida qaarada Afrika oo cid kula tartantaa ayaanay jirin oo dirawalinaysa saamayn uu ku yeesho, inkastoo ay jiraan isbeddelkaas iyo horumarkaa kasoo iftiimaya wadanka Shiinaha hadana waxaad arkeysaa in wali luuqada Ingiriisku sii kordhayso siina xoogaysanayso isticmaalkeedu, Ruushku waa wadan fac wayn wuxuu bilaabay in ay bartaan luuqada Ingiriiska iyagoo mudo diidanaa in Saamayn lagu yeesho, Hindiya luuqadooda labaad waa Ingiriis, Jarmalka oo ah wadanka ugu wayn xaga dhaqaalaha qaarada yurub, wax soo saar ahaan iyo Horumarna Ingiriiska cidhiidhi galiya waxa luuqada Ingiriiska lagu waajibey in lagu bilaabo fasalka seddexaad ee dugsiga hoose, tacliinta sare waa muhiim, shaqooyinka shirkadaha (Corporate Jops) waa lagama maarmaan in uu qofku sifican u yaqaan luuqada ingiriiska, arintan waxaa keenay kow, saamaynta ay luuqada ingiriisku ku yeelatey adduunka oo halkan oo kale hadaan tusaale usoo qaadano Jarmalka ardeyda wax barasho u timaad waxay ku hadlaan luuqada Ingiriiska, markaa waa in la helo Jaamacado Ingiriiska lagu dhigo, sidaas darteed ayay dhawaan Jarmalku bilaabaan in lagu dhigo luuqada Ingiriiska seddex meeloodow meel tacliinta sare, sidoo kale ardeyda Jarmalka ee wax ku baranaysa wadamada Yurub iyo Waqooyiga Amerika oo iyakna ay waajib tahay in ay Afka Ingiriiska si fiican u bartaan, doc kale hadaan ka qoraasano dadka dalxiisayaasha yimaad wadanka Jarmalka iyo Jarmalka aada wadamada kale dhamaan waxay u baahan yihiin in ay ku hadlaan luuqada Ingiriiska, shirkadaha waawayn ee Yurub, ama ha noqdaan kuwo laga leeyahay Jarmalka ama yurubta kale oo inta badan ay tahay in luuqada ingiriiska ku hadlaan si isfahamkoodu ufududaado, Afrika iyo Aasiya sida aad kawada warhaysaan waxa lagaga hadlaa luuqada Ingiriiska Faransiiskuna uusoo labeeyo, wadamada iyaka ay tahay afkoodii hooyo hadalkoodaba daa sida Canada, Scotland, New Zealand, Australia, Wales, Ireland, iyo kuwo kale.

Isku soo wada duub, aniga iima muuqato wali in Afka Shiinuhu uu dhawaanahan badeli doono Afka Ingiriiska, ugu yaraan 100ka sanadood ee soo socda ayay ku qaadan hadaanay ka badanba, waa haddii shiinuhu kobaca awoodiisu ay sidaas kusii socoto, waayo waxa hor yaala arimo badan oo ay adagtahay in la baddelo mudada dhow.

Waxaan kusoo gabogabaynayaa, Soomaaliya halkay maanta maraysaa? Isbeddelkaas ka dhacaya adduunyadu siduu u saamayn karaa baabuurkeenan gadaal gadaal uscoda? Mala fahamsanyahay waxa dhacaya? Dhibtii iyo rafaadkii malaga daalay? Ma la bislaaday? Maloo diyaar garoobayaa maalgashigaas Shiinaha iyo Tartanka uu Maraykanku hada dardar galinayo dhinaca maal gashiga qaarada Afrika sida aad ka dheehan kartaan Shirka Waashinton uga socda madaxda Afrika iyo Maraykanka? Mise halkii hore ayay sheekadu kasii soconaysaa?

Wabilahi Tawfiiq
Maxamed Sheekh Faarax Cilmi
Tilburg, Netherlands
+31649798800
mfarahilmi@live.nl

Wixii su’aal ah waxaad kusoo hagaajin kartaas emailka kore


Milicsiga Buugga Laba Kala Leexday


Laba Kala Leexday, waa buug xiiso badan oo afka Soomaaliga ku qoran oo uu qalinka u qaatay  aqoonyahan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud oo dalka gudahiisa wax ku bartay. Waa buug xambaarsaan qisooyin  dhaxalgal ah oo casharo badan laga baranayo. Waa buug wax badan ka iftiiminaya waayaha maanta ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Waa buug koobsanaya farshaxanimo iyo hodannimo dhinaca afka ah oo bahda akhriska jecel  ku dhiirigalinaya inay ka bogtaan arimo badan oo uu qoraagu isku barbardhigayo  meertada adduunyada. Waa buug  xambaarsan waayo aragnimada bulsho ee waayaha maanta ee dhinacyada barbaarinta iyo dhaqanka, Jacaylka, hayaanka go’aan qaadashada wanaagsan iyo qisooyinka ay waayo araga u yihiin dhalinta dalka gudihiisa ku sugan iyo kuwa dunida hore u martay haybsanaya ama hadeerba jooga.

Waa buug qisooyin xanuun badan iyo sooyaal lama ilaawaan ah ka soo warinaya diiwaanka xusuuseed ee xanunka kulul ee wehelka u ah dhalinta Soomaaliyeed ee dalka hooyo ka hayaamaysa. Waa buug si xeel dheer daboolka uga uga faydaya rajada quusta ah iyo duruufaha ay dhalinta hayaamaysaa kala kulmaan jidka halaaga ee la iska daba maray ee u dhexeeya dalka hooyo, Itoobiya, Sudan, Saxaraha Galbeed, Liibiya, Badda Mediterranean-ka iyo gudaha xeryaha qaxooytiga ee Yurub.

Waa buug ifafaalo iyo yididiilo hor leh ka bixinaya fursadaha waxbarsho, shaqo iyo bulsho ee dalka gudihiisa jira, sidoo kalena diirad liishaan dheer leh dul saaraya xanuunada bulshadan ku habsaday ee saamaynta taban ku yeeshay nolosha qof kasta, horukaca bulshada iyo qarankaba.

Waa buug dood cilmiyeed dhinacyo badan taabanaysa ka furaya mawduucyo dhawr ah  oo ay ka mid yihiin, wadaniyada, tahriibta, shaqo la’aanta iyo shaqo abuurka, isla markaana uu qoraagu ugu talo galay in doodahaas ay ka soo dhex baxaan xalka fogaaday ee ay bulshadu u bukto ee dawada u ah mushkiladaha maanta jira.

Abdale Ali Yusuf
Borama

Jaadley ilaa Dhakhtarad: Astaanta Hal-adayga iyo Dhiiranaanta



Dunidani sida xawliga ah u koraysa, waxaynu inta badan maqalnaa sheekooyin dareen-taabad leh oo dhiiga dhaqaajinaya. Waxaynu akhrinaa sheekooyin ku saabsan dad noloshooda meel hoose ka bilaabay, hadana figta sare fuulay, hindisay barnaamijyo lagu guulaystay, qaarkoodna ay noqdeen maareeyayaal sare iyo waliba madaxweynayaal. Sheekadani hoos ku xusani, kama xiiso yara, nuxur ahaana kama macno yara, sida aan filayo, sheekooyinka ku soo baxa bogaga hore ee Joornaalada Caalamiga ah iyo buugta loogu iibsiga badan yahay. 

Dr. Hodan Jamac waa hooyo dhashay todoba caruur ah, waxana ay si farxad leh iyada iyo qoyskeeduba ugu nool yihiin magaalada Borama. Maadaama aanay dhaqaale buuran haysan, waxay ka gayn wayday in iyada iyo saygeeduba ay wada shaqo-tagaan, si ay duruufaha nolosha si wada-jir ah uga dabaashaan. Sidaasi darteed, ayay Dr. Hodan shaqooyin kala duwan u qabatay, si ay xoogsiga reerka gacan uga geysato.

  
Iyada oo ay ka go’an tahay inay xal waara u hesho mushkilada dhaqaale ee qoyskeeda, ayay Dr. Hodan go’aansatay inay dar-dar galiso dadaalkii ay ugu jirtay sidii qoyskeedu nolol wacan ugu noolaan lahaayeen. Si ujeedadaasi ay u gaadho, halgankii ay bilawday wuxuu u jiitay dhinacyo badan oo nolosha ah. Waxa uu u horseeday shaqooyin cul-culus iyo duruufo ad-adag. Si ay hadaba, u awoodo inay caruurteeda iskuul ugu dirto, waxa ay shaqo kal-kaaliso caafimaad ah ka bilawday Isbitaalka TB-da ee Annallena Tonneli, iyo Isbitaalka Guud ee Borama. Mudadii ay ka shaqaynaysay Isbitaalka ayay dar-dar galisay ka midho-dhalinta riyadeedii dhallaanimo; inay noqoto dhakhtarad, dumarka iyo caruurtana ka caawiso helitaanka adeegyo caafimaad.  

Laakiin dakhligii halkaasi ka soo galayey wuu ku filaan waayey inuu daboolo baahidii reerka. Sidaasi darteed iyada oo wali ku guda jirta xaqiijinta hadafkeedii, waxa ay bilawday ka ganacsiga jaadka. Iibinta jaadku (gaar ahaan haweenku) waa dani ku baday, waxaana ku lammaan sharaf dhac, macaamil xumo iyo dayn aan soo noqod lahayn, Hodana kama reebanayn dhibaatooyinkaas. Sifooyinkaasi wada kakan oo dhan waxa ay ugu dul qaadatay danta qoyskeeda. 

In kasta oo waqtigeeda inta ugu badan ay ku bixinaysay caawinta saygeeda si ay ula soo baxaan nolol-maalmeedkooda, hadana marnaba kama rajo dhigin rabitaankeedii ahaa inay aqoonteeda sii korodhsato. Si ay xifradeeda u kobciso, dugsiyo kala duwan ayay is qortay. Waxa ay gashay Dugsiga Beeraha ee Camuud, kaasi oo markaasi diblooma bixinayey, hay’ad shisheeyana ay gacanta ku haysay. Mar kale, waxa ay diblooma kale ka qaadatay Iskuulka Maamulka Ganacsiga ee Jaamacadda Camuud. Waxa kale oo ay xubin ka ahayd bud-dhigayaashii Ururka AYODA, oo ka mid ah ururada dhalinyaro ee ugu waxtarka badan, uguna caansan magaalada Boorama. Sidaasi oo ay tahay, is bedelkii ugu weynaa ee nolosheeda ku dhaca waxa uu yimid markii ay ku guulsaysatay inay ka mid noqoto ardayda loo qaadanayo Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud. Ardayda ugu darajada saraysa kaliya ayaa loo ogola yahay inay iska diiwaan-galiyaan kulliyadan, sida la qiyaasi karona, tartanku waxa uu ahaa mid kulul. 

Dhinaca kale, caqliga wanaagsani ka habaabi maayo inuu si qumman u qiyaaso culayska saaran ardayga ama ardayada caafimaadka baranaysa, iska dhaaf, dhibta iyo rafaadka u dheer hooyo dhiiran oo mas’uuliyadii reerkana dhinaceed ka gudanaysee. Sidaasi oo ay tahay, waxa ay si xirfadaysan isku mar si guul ah ugu maaraysay daryeelka reerkeeda iyo daboolida baahida waxbarasho.   

Ka dib todoba sano oo ay si farsamaysan u dheeli-tiraysay culayska saaran hooyo todoba caruur ah haysata iyo dadaalka aan yarayn ee laga filayo ardayad caafimaad dhiganaysa, waxa ay ku guulasatay inay waxbarashadii si guul ah u soo af-meerto. Xafladii qalin-jabinta, iyada oo ku labisan dirayskii qalin jabinta, ayay si la yaab leh u soo jiidatay dareenkii dadweynaha bacdamaa caruurteedii iyo saygeedii oo si fiican u wada labisani, si habsami leh u hareero fadhiyeen, iyada oo farxada foolashooda laga akhrisan karayey. Waxa ay ahayd daqiiqad ay dhab ahaantii nafteedu u baahnayd inay aragto, kuna laab-qabawsato! Dadweynihii maxfalka joogay, iyaga oo la dhacsan guusha ay gaadhay gabadhani, ayay sara joog iyo sacab aan kala go’ lahayn ku maamuuseen. 

Waa dhif in la arko hooyo da’ yar oo guulo sidatan isku  barkan hal mar wada gaadhay. Kartida iyo dadaalka ay la timi weeyi, tilmaamaha sida bir-labta oo kale quluubta dadkii madasha fadhiyey ama sheekadeeda maqlay u soo wada jiitay. Saygeeda ayaa si ka duwan sida inta badan raga Soomaaliyeed looga bartay, muujiyey dareen waalidnimo oo dhab ah iyo samir xoog leh maadaama uu in badan duruufo adag ugu dul-qaatay. Waxa taasi ka muhiimsan, isaga oo  mar walba la garab taagnaa, guubaabo iyo gargaar aan kala go’ lahayn. 

Ma dhacdo inta badan in bulshadeena lagu dhex arko haweenay todoba caruur ah dhashay oo hadana waxbaranaysa, iskaba dhaaf hooyo sida Dr. Hodan oo kale mas’uuliyado iyo guulo badan la shir timide. Xaalada la yaabka leh ee aan ka hadlaynaa, waa ardayad culuunta caafimaadka baranaysay,  mar nolol-maalmeedka qoyskeeda jaad ka soo saaraysay,  mar kalena gacan weyn ka geysatay daboolida nolol-maalmeedka qoyskeeda balaadhan; waa ficilo fariidnimo ku dheehan tahay, fal-galkooduna mar la arag yahay!

Gebogabadii, arintani cid walba baraarujiin ayay u tahay, gaar ahaan haweenka. Dr. Hodan waa xidig lagu hirto  iyo astaan u taagan dhiiranaanta iyo kalyo-adayga. Safarkeedu waa mid baadi-sooc gooni ah leh, laakin la samayn karo. Waxay ina bartay, waxa ugu weyn ee is-bedel nafeed dhalin karaa inuu yahay, yool sugan oo aad yeelato, dabadeedna xaqiijiintiisa si aan nasasho lahayn loogu hawl-galo. Qof kastaaba wuu yeeli karaa sidaa, waa hadii ay si dhab ah uga go’an tahaye! 

Riyadeeda mustaqbalka dhowi waa inay taageero xoog leh u muujiso dadka baahan, gaar ahaan,  dumarka iyo caruurta. Si ay u gaadho ujeedadaas, waxa ay mar kale waxbarasho sare oo takhasus ah ka bilawday Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud, taasi oo ay hada ku guda jirto!

FG:
1. Waxaan jecelahay inaan halkan mahad-naq balaadhan uga celiyo Dr. Hodan Jaamac oo naga ogolaatay inaan sheekadeeda uumiyaha u soo bandhigno, si loogu daydo. Waxa kale oo aan abaal u hayaa, Maxamed-Deeq Cumar oo waraysiga soo qaaday, isku-xidh loo baahnaana sameeyey. 

2. Sheekadani waxa ay qayb ka tahay, taxanaha “Sheekooyinka aan la Shaacin” ee qoraaga sheekadani, mudo marka la joogaba, mar baahiyo si daaha looga faydo, halyeeyada aan la xusin. Maqaalada kale ee qaybta ka ah taxanahan waxa ka mid ah, Hormuudka Baalashleyaasha  iyo Dhakhtarkii Hal-adayga lahaa. Sheekooyinkani waa taxane ku soo baxa labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriisiga, waxana laga daalacan karaa, mareegta www.horusocod.blogspot.com 

Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
abdirahman.adan@gmail.com

From Kat-Seller to a Medical Doctor: A Model of Determination and Courage


In this vastly-growing world, we often hear stories about inspiring people. We read tales from rags to riches, from school drop outs to highly successful software programmers, to chief executives and presidents. The below story, is not less interesting, I hope, than those heralded in the leading Newspapers and best seller books.

Dr. Hodan Jama is a mother of 7 children and she happily lives with her husband along with their children in Borama town. As they were a low-income family, both Hodan and her husband had to work together to win against the odds of life and hence Dr. Hodan had to go out and do petty activities to help her family survive.

Determined to come up with a long lasting solution to her family’s financial constraints, Dr. Hodan decided to continue and intensify her struggle towards a decent living for the family. To achieve this goal, this struggle took her to many spectrums of life. It took her to tough occupations and trying circumstances. In order to help meet basic education needs of her children, she started to work at Annallena Tonneli TB Hospital as a focal point for the fight against Female Genital Mutilation and then Borama Regional Hospital as an auxiliary nurse. While she was there, she intensified the realization of her childhood dream in which she fantasized about becoming a medical doctor and helping  women and children obtain access to health services.

However, still her earning could not suffice her family basic needs; therefore, she opted for selling Kat in the streets of Borama to supplement their meager income. Generally, female-headed families are often involved in Kat- selling and they are repeatedly subjected to bad debt, countless mal-treatment as well as discrediting one’s dignity and Hodan was not an exception. She nevertheless tolerated all these unscrupulous and humiliating acts for the sake of her family.

Though her time was primarily preoccupied with helping her husband secure livelihood of her family, she never gave up her strong desire for further education. In an effort to enhance her competency, she consequently joined different schools. She registered a Diploma program at Amoud Agriculture School, which was at the time supported by a foreign NGO. Later on, she would also earn another Diploma in Business Administration from Amoud University. Interestingly, she earned these certificates while she was selling Kat! As an extra-curricular activity, she was also a founding member of Africa Youth Development Association (AYODA), one of the most successful and prominent local organizations in Borama. However, the fundamental change of her life took place when she managed to enroll at the medical school of Amoud University. Students with high grades are only eligible to register in this faculty, thus competition was understandably high.

Furthermore, one would not miss to realistically assess the burden shouldered on a normal medical student, not to mention the additional family responsibilities left on such a daring and determined parent. Yet, she skillfully managed to simultaneously continue her studies successfully and take care of her family to the best of her ability.

After seven years of successfully balancing the complex pressure of a mother with seven children and the challenging and demanding study schedule, she succeeded to graduate with honor. In the graduation ceremony, dressed in graduation gowns, she attracted the hearts and minds of the attendees as her well-dressed children and her husband, were proudly sitting next to her in a cheerful mood. It was a moment she truly deserved to see! Ceremony attendees, perhaps admiring her accomplishment, honored her with standing ovation and prolonged applause.

It is, nevertheless, very rare to see a young mother with these wonderful achievements. Her resilience and determination are the magnet-like features that engrossed the attention of those who were present or have heard her story. Unlike many Somali fathers, her husband truly demonstrated a sense of parenthood and seriousness as he encouraged her to continue  studies and more importantly, provided the required material and moral support to her.

It is very unusual to see a mother with seven children but yet going to school, let alone a mother like Dr. Hodan, with her multiple responsibilities and achievements. Paradoxically, in this case, we have a female medical student who was once making her families’ earnings from Kat-selling and at the same time was the second bread-winner of her relatively extended family; a combination seldom observed.

In conclusion, this is a wake-up call to everyone particularly to women. Dr. Hodan is a model of courage and determination. Her journey is unique but doable by others too. And this is a good lesson to all. Above all, we have learnt from her, what matters to make change in your life is to have a well-defined target, persistent determination and hard work.  Anyone can replicate this and do the same if they are committed!
Her fantasy in the near future is to offer greater help to the needy people, predominantly women and children and as such contribute to the betterment of health services. For this reason, she is presently doing her specialization in Family Medicine at Amoud’s Medical School.

Ps:
1. I would like to express my gratitude to Dr. Hodan Jama for accepting our request to publish her story and share it with readers. My appreciation also goes to Mohamed-Deeq Omer for conducting the interview and providing coordination support.

2. This story is part of a series of “Untold Stories” that the afore-mentioned writer periodically publishes to unveil the local unsung talents. Other articles of this series include, The Dean of Shoe-shiners and The Resilient Medical Student. Untold stories are a bilingual series that can be available at www.horusocod.blogspot.com, both in Somali and English languages.

Abdirahman Adan Mohamoud
abdirahman.adan@gmail.com


Bulsho Waxay Tanaadaa


Bulsho waxay tanaadaaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balysimaa wanaaguna
Marka baahsanaantiyo
Laga baydho qudhunkee
Laga baxo qabyaalade
Midnimo la bineeyo ee
Tacab kiyo wax biirsiga
Loo wada biyaystee
Tacliintana la biirshee
Ubadka lagu barbaarsho

              ***
Bulsho waxay tanaadaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balaysimaa wanaaguna
Bulshadeedu goortay
Wanaaga isku biirisee
Baadilka iska leexisee
Khayraadka badihiyo
Berrigeeda soo dihin
Soo dhigto banaankee
Sinaan loo bismilaysto

             ***
Bulsho waxay tanaadaaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balaysimaa wanaaguna
Marka ay hogaan billan
Baxsan oo cadaali ah
Halyey diran boqraanoo
Hiraal iyo beegsi loo
Bar markii la gaadhaba
Xariiq kale bayaanshoo
Misna ogol baratiniyo
Arin lagu badhaadhiyo
Talo baaxadloo culus
Lagu biirsho labadaba
Bulshaduna markaasay
Tanaadaa badhaadhaa

               ***
Bulsho waxay tanaadaaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Markay buuga qaataan
Bogga qalin ku haystaan
Barashada ay xoojaan
Aqoonyahan bogaadshan
Barashada ciseeyaan
Dhalaankiyo barbaartana
Culuumta ku barbaarshaan
Bulsho wayn dhamanted
Lagu beero dhaqan-same
Barashiyo aqoon jecel

              ***
Bulsho waxay tanaadaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balaysimaa wanaaguna
Baladkeeda goortay
Ku qunuucdo bilicdiis
Hanqal taaga bii'ad kale
Marka ay ka boodaan
Burji wixii ay leedahay
Baaxadooda goortay
isku biiryaaneey
Wadaninimo bislaatiyo
Dal-tabyiyo boholyow
Lagu beero curadada

             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Misna xabaalo badataa
Goortay bar-baartiyo
Siyaasiyiin bakoorale
Waayeel bukaan qaba
Barahiyo aqoonyahan
Beel-beel ku faanaan
Baaq-baaqa qoysaska
Iyo baane reeraad
Dhaafi waydo baylahdu

             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Asaageed ka baydhaa
Tacab iyo wax biirsi
Marka ay ka baydhee
Laga bi'iyo caqligee
Lagu beero aragtiyo
Burinaaya garashada
Godlinaaya baahida

             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Misna xabaalo badisaa
Markay jaahil boqraanee
Taladiyo baawarkana
Bidixdaa ka saaraan
Ee boqol af-miishaar
Been iyo balaayiyo
Hafar iyo bahalo-galin
Madaxa uga buuxshaan
Kolkaasay bulsho saqiirtaa
Asaageed ka baydhaa
Nacabkiyo bakhaylkuna
Bakhtigeeda goortaa
Si weyn uga dul botoriyaan
         
             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Misna xabaalo badisaa
Baaqyadii Islaamkiyo
Bishaaradii Rasuulkiyo (CSW)
Sunihiisa biidka ah
Goortay ka baydhaan
Qunyar la iska baal maro

Abdirahman Adan 

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...