Bulsho Waxay Tanaadaa


Bulsho waxay tanaadaaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balysimaa wanaaguna
Marka baahsanaantiyo
Laga baydho qudhunkee
Laga baxo qabyaalade
Midnimo la bineeyo ee
Tacab kiyo wax biirsiga
Loo wada biyaystee
Tacliintana la biirshee
Ubadka lagu barbaarsho

              ***
Bulsho waxay tanaadaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balaysimaa wanaaguna
Bulshadeedu goortay
Wanaaga isku biirisee
Baadilka iska leexisee
Khayraadka badihiyo
Berrigeeda soo dihin
Soo dhigto banaankee
Sinaan loo bismilaysto

             ***
Bulsho waxay tanaadaaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balaysimaa wanaaguna
Marka ay hogaan billan
Baxsan oo cadaali ah
Halyey diran boqraanoo
Hiraal iyo beegsi loo
Bar markii la gaadhaba
Xariiq kale bayaanshoo
Misna ogol baratiniyo
Arin lagu badhaadhiyo
Talo baaxadloo culus
Lagu biirsho labadaba
Bulshaduna markaasay
Tanaadaa badhaadhaa

               ***
Bulsho waxay tanaadaaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Markay buuga qaataan
Bogga qalin ku haystaan
Barashada ay xoojaan
Aqoonyahan bogaadshan
Barashada ciseeyaan
Dhalaankiyo barbaartana
Culuumta ku barbaarshaan
Bulsho wayn dhamanted
Lagu beero dhaqan-same
Barashiyo aqoon jecel

              ***
Bulsho waxay tanaadaa
Oy barwaaqo gaadhaa
Dalkooduna bilnaadaa
Balaysimaa wanaaguna
Baladkeeda goortay
Ku qunuucdo bilicdiis
Hanqal taaga bii'ad kale
Marka ay ka boodaan
Burji wixii ay leedahay
Baaxadooda goortay
isku biiryaaneey
Wadaninimo bislaatiyo
Dal-tabyiyo boholyow
Lagu beero curadada

             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Misna xabaalo badataa
Goortay bar-baartiyo
Siyaasiyiin bakoorale
Waayeel bukaan qaba
Barahiyo aqoonyahan
Beel-beel ku faanaan
Baaq-baaqa qoysaska
Iyo baane reeraad
Dhaafi waydo baylahdu

             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Asaageed ka baydhaa
Tacab iyo wax biirsi
Marka ay ka baydhee
Laga bi'iyo caqligee
Lagu beero aragtiyo
Burinaaya garashada
Godlinaaya baahida

             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Misna xabaalo badisaa
Markay jaahil boqraanee
Taladiyo baawarkana
Bidixdaa ka saaraan
Ee boqol af-miishaar
Been iyo balaayiyo
Hafar iyo bahalo-galin
Madaxa uga buuxshaan
Kolkaasay bulsho saqiirtaa
Asaageed ka baydhaa
Nacabkiyo bakhaylkuna
Bakhtigeeda goortaa
Si weyn uga dul botoriyaan
         
             ***
Bulsho waxay hagaastaa
Oy bah-dilantaa
Misna xabaalo badisaa
Baaqyadii Islaamkiyo
Bishaaradii Rasuulkiyo (CSW)
Sunihiisa biidka ah
Goortay ka baydhaan
Qunyar la iska baal maro

Abdirahman Adan 

No comments:

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...