Milicsiga Buugga Laba Kala Leexday


Laba Kala Leexday, waa buug xiiso badan oo afka Soomaaliga ku qoran oo uu qalinka u qaatay  aqoonyahan Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud oo dalka gudahiisa wax ku bartay. Waa buug xambaarsaan qisooyin  dhaxalgal ah oo casharo badan laga baranayo. Waa buug wax badan ka iftiiminaya waayaha maanta ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Waa buug koobsanaya farshaxanimo iyo hodannimo dhinaca afka ah oo bahda akhriska jecel  ku dhiirigalinaya inay ka bogtaan arimo badan oo uu qoraagu isku barbardhigayo  meertada adduunyada. Waa buug  xambaarsan waayo aragnimada bulsho ee waayaha maanta ee dhinacyada barbaarinta iyo dhaqanka, Jacaylka, hayaanka go’aan qaadashada wanaagsan iyo qisooyinka ay waayo araga u yihiin dhalinta dalka gudihiisa ku sugan iyo kuwa dunida hore u martay haybsanaya ama hadeerba jooga.

Waa buug qisooyin xanuun badan iyo sooyaal lama ilaawaan ah ka soo warinaya diiwaanka xusuuseed ee xanunka kulul ee wehelka u ah dhalinta Soomaaliyeed ee dalka hooyo ka hayaamaysa. Waa buug si xeel dheer daboolka uga uga faydaya rajada quusta ah iyo duruufaha ay dhalinta hayaamaysaa kala kulmaan jidka halaaga ee la iska daba maray ee u dhexeeya dalka hooyo, Itoobiya, Sudan, Saxaraha Galbeed, Liibiya, Badda Mediterranean-ka iyo gudaha xeryaha qaxooytiga ee Yurub.

Waa buug ifafaalo iyo yididiilo hor leh ka bixinaya fursadaha waxbarsho, shaqo iyo bulsho ee dalka gudihiisa jira, sidoo kalena diirad liishaan dheer leh dul saaraya xanuunada bulshadan ku habsaday ee saamaynta taban ku yeeshay nolosha qof kasta, horukaca bulshada iyo qarankaba.

Waa buug dood cilmiyeed dhinacyo badan taabanaysa ka furaya mawduucyo dhawr ah  oo ay ka mid yihiin, wadaniyada, tahriibta, shaqo la’aanta iyo shaqo abuurka, isla markaana uu qoraagu ugu talo galay in doodahaas ay ka soo dhex baxaan xalka fogaaday ee ay bulshadu u bukto ee dawada u ah mushkiladaha maanta jira.

Abdale Ali Yusuf
Borama

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...