Shiine, Awood Soo Baxday
China, an emerging new power
Maxamed Faarax Cilmi
Wax badan ayay adduunyadu ka faalootey awooda dhaqaale ee wadanka Shiinaha oo si xawli ah kusocata, marka la eego xadiga korodhka dhaqaaaha sanadkiiba, iyo ganacsiga uu adduunyada la sameeyay soddonkii sanadood ee ugu danbaysay, wax badan oo laga qorey iyo buugaag faro badan oo ka faaloonaya wadanka shiinaha ayaa tilmaamay isbadelka dhaqaale, siyaasadeed iyo saamaynta uu adduunyada ku yeelan doono, aniga oo uga faaiidaysanaya fursadan qaaliga ah, ayaan rabaa in aan la wadaaqo akhristayaasha maqaalkan aan kaga falanqoonayo wadanka Shiinaha, oo aan filayo in ay ka faaidaysan doonaan akhristayaal faro badan.

Seddexdii boqol ee sono ee ugu danbaysay waxa ka dhacay dunidan aan kudul noolnahay isbadalo, isbadelkii koowaad wuxuu ahaa soo bixitaankii quwadii yurub oo uu hogaaminayay wadanka Ingiriisku, kaas oo lasoo baxay awood waxsoosaar warshadeed, xaga beeraha, dhaqaale, tiknoolojiyad iyo mid siyaasadeedba, waxa ay wax kabadaleen nolosha dad badan oo aad u raysay halka kuwo kalena ay saamayn togan ku yeelatey, dhul balaadhsigii gumaystaha ee qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo Waqooyiga qaarada America ayaa u sahashay in uu dhaqaalahoodu aad u kordhi, hantidii iyo khayraadkii qaaradahaasi yaalayna ay ka faaidaysteen si wax soosaarkoogu u kobco, jaantus hadaan usoo qaadano wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka wadarta isku darka waxsoosaarkooga inta ay ka ahaayeen boqalkiiba dunida qarniyadii 19aad iyo ki 20aad, ayaa waxa ay ahayd sida tan, 1820kii wadarkta iskudarka waxsoosaarka Ingiriiska 5.2% boloqkiiba dunida, Jermalka 3.9% boqolkiiba dunida, Maraykanka 1.8% boqolkiiba dunida, sanadkii 1870 waxa maraykanka wadarta waxsoosaarkiisu ahaa 8.8% bolqolkiiba dunida, Ingiriiska 9.0% boqolkiiba dunida, Jarmalka 6.5% boqolkiiba dunida, isla sidoo kale sanadkii 1914 waxa Maraykanku uu kordhay xadi dhan 17.9% boqolkiiba uu u dhiganta 18.9%, Ingiriiska 8.2% boqolkiiba dunida, Jarmalka 8.7% boqolkiiba dunida, sanadkii 1950 dagaalkii labaad ee dunida oo saamayn wayn ku yeeshay qaarada yurub kaas oo naf iyo maalba ku baabiiyay ayaad dareemi kartaa raadkii uu kaga tagey, waxaa wadarta waxsoosaarka Maraykanku noqotey 27.3% boqolkiiba, halka Ingiriiska ay ahayd 6.5%, Jarmalkana 5.0%, hadaba sida aad ka dheehan karto tusaalaha iyo xogta kor ku xusan waxaad dareemi kartaa sida Yurub gaar ahaan Ingiriisku ugu raaxasanayay dhaqaalaha iyo wax soo saarkooda. Sharaxaada isbadelka ka dhacay adduunyada waxay hordhac u tahay ujeedada qoraalka, waxaan se gudo gali doonaa dulucda maqaalka.

Isbadelkii labaad ee ka hana qaadey adduunyada, horumar kana u horseeday wuxuu ahaa soo if bixii awooda Maraykanka (The rise of United States of America) awoodaas oo si habsami láan ah u hirgashay labaddii boqol ee sano ee u danbaysay, Maraykanku wuxuu adduunyada ku muquuniyay awood dhaqaale, siyaasadeed, Tiknooloji iyo mid ciidanba, waxa intaas dheer awooda aqoonta sayniska, dhaqan iyo xaga warbaahinta, wuxuunu noqday qarnigii ugu danbeeyay wadanka kaliya ee aduunyada ka awood, karti iyo xadaarad batey umadaha kale oo la isku darey dhamaan, wadamada xulafada la ah wuxuu u horseeday horumar dhaqaale oo taban halka kuwii kasoo horjeedayna uu wiiqay dhaqaalohoodii sida Midowgii Soofiyeed iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa kale oo soo raacay wadamada xag jirka noqday waa sida ay ugu yeeraan reer Galbeedku, sida Afgaanistaan oo kale, Ciraaq oo uu burburiyay, iyo waliba sida ay qabaan dad ka indho indheeya arimahaas in uu Maraykanku kasameeyay kaligii taliyayaal wadamada bariga dhexe.

Isbaddelkii Seddexaad oo milaygan xaadirka ah aan madaxiisii ku jirto, walina aan si rasmi ah u dhamaystirmin waa soo kicitaanka wadanka Shiinaha (The rise of the rest) waxa kale oo la sheegaa wadanka Japan oo ah wadanka seddexaad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka marka laga reebo Maraykanka oo kaalinta koowaad ku jira iyo Shiinaha, waxa iyadana in la xuso mudan wadamada Brazil iyo Kuuriyada Koonfureed, isku soo wada duub xadiga korodhka dhaqaale iyo xawliga uu kusocdo wadanka shiinaha ayaan jirin wax la bar bar dhigi karo, isku cel celis boqolkiiba toban (10%) ayuu kordhaa sanadkii, halka Maraykanka uu kobco boqolkiiba seddex dhibic todobo iyo labaatan (3.27%), sida la saadaalinayo wadarta isku darka waxsoosaarka Shiinuhu wuxuu ka kormari doonaa Maraykanka sanadaha soo socda, khubarada dhaqaalaha ka faaloota qaarkood waxay sheegeen ilaa 2019ka, halka qaarna kabadan ay ku qiimeeyeen, waxa hada jirta cadeeymo faro badan oo la taaban karo, waxana ka mid ah;

1.       Shiinaha oo noqday wadanka ugu wayn xaga ganacsiga iyo baayacmushtarka qaarada Afrika, maalgashi badana ku sameeyay
2.       Shiinaha oo ah wadanka labaad ee ugu wayn xaga maalgashiga iyo ganacsiga qaarada Yurub marka laga reebo Maraykan, laakinse laga baqayo in uu Shiinuhu kala wareego Maraykanka
3.       Wadamada Carabta iyo Aasiyada kale oo uu xidhiidh ganacsi oo wanaagsan uu la leeyahay
4.       Shiinaha oo leh siyaasada Arimaha dibada oo ah mid aad u fiican oo aan faro galin wadamada shisheeya, lakin kaliya ku kooban xuduudahooga
5.       Xidhiidhka Ganacsi ee uu la leeyahay Wadamada ku bohoobay BRICS oo loo soo gaabiyay Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ah mid aad u sareeya
6.       Iyo Bangiga ay dhawaan ku dhawaaqeen wadamada ku bahoobay BRICS ee loo yaqaan BRICS Development Bank, oo wax way ka badeli doona dhaqaalahooda maalgashina kusamayndoonaa wadamadas xaga kaabayaasha dhaqaalaha, Bangigan wuxuu la tartami doonaa Baanka Aduunka iyo Bangiga Caalamiga ah ee loo yaqaan IMF International Monetary Fund

Wakhtigan xaadirka ee aan joogno dhaqaalaha Maraykanka, wadarta wax soo saarka ee afka qalaad loo yaqaan Gross Domestic Product (GDP) waxa weeyi $ 16,800 Trillion, halka uu Shiinuhu yahay $ 9,240,270 Trillion sida aan kasoo xigtey Bangiga Adduunka. Sidaas ay tahay Shiinaha waxa hor yaala arimo badan oo murugsan una baahan in wax laga qabto kasow isbeddelka dhaqaale ee xawaaraha ku socda ee ay sameeyeen tan iyo 1978 kii, arimahan waxa kamid ah ugu yaraan dad ku dhow 98.99 malyuun ayaa ku nool faqri iyo gaajo waxa soo gala dakhli dhan isku celcelis $ 373.5 sanadkii, waana wadanka labaad ee ugu faqriga badan adduunka marka laga yimaad Hindiya, dhanka kale isku celcelis dakhliga soo gala dadka Shiinaha sanadkii waa qayb yar oo ka mid ah wadamada horumaray, doc kale markaan ka fiiriyo waxa korodhka xawliga ah ee dhaqaale uu sababay sinaan laáan dadka shiinaha ah (High inequality), magaalooyinka oo aad u fidiya (rapid urabanization), iyo dadka gaboobaya oo badanaya (aging population), waxa intaas soo raaca cadaadis iyo caqabado xaga biiáda iyo degaanka, hawada oo wasakhoobaysa (Environmental Challenges). Hadaba iyada oo intaas oo caqabadood ay jiraan misana sanadihii lasoo dhaafay Shiinuhu wuxuu kor usoo qaaday ku dhawaad 500 oo malyuun oo qof oo uu kasoo jiiday faqri iyo gaajo una soo jiiday dabaqada dhexe (Middle Class).

Wariye caan ah isla markaana ah qoraa wax ku qora wargyska the New York Times oo la yiraa Thomas Friedman ayaa sheegay in Maraykanka hoos u dhaca ku yimid  Awoodiisa ay tahay mid yar, waxaana uu ku doodayaa in Maraykanku qaaciidadii uu horumarka ku gaadhay ahayd:-
1.       Waxbarashada hose iyo ta sare oo tayo aad usaraysa lahayd, marka lagu daro ta tiknoolojiga ama aalada computerka
2.       In ay Irridada u fureen ajaanibka socdaalka ku imanaya Maraykan kuwo xirfad leh
3.       Kaabayaasha dhaqaale oo ahaa kuwa ugu heer sareeya adduunka
4.       Daraasaad cilmi baadhiseed ay maal galisay dawlada maraykanka xaga sayniska iyo Tiknoolojiga aad u sareysay
5.       Iyo Xeerar aad u wanaagsan oo ay samaysteen oo u horseeday horumar
Hadaba markaad eegto qaacidadaas, wakhtigan xaadirka ah waxa muuqata in wadamo faro badan oo adduunka kamid ah ay kaga horeeyaan, tusaale ahaan xaga waxbarashada imtixaanaadka la qaado ee loo yaqaan PISA Maraykanku wuxuu soo galaa kaalimaha dhexe, iyadoo kaalmaha hore ay soo galaan, Singabuur, Japan, Shiinaha, iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa kusoo xiga Netherland, Belguim, Swizerland, Canada, Ustareeliya iyo Finland, waxa kuwaasna soo raaca koox kale oo Ingiriisku kamidyahay, Ireland iyo Maraykan, dhinaca kaabayaasha dhaqaale markaad eegto waxa hada kahormaray wadamo badan oo ay kamid yihiin Sweden, Netherland iyo Jarmalka, lakin Thomas Friedman wuxuu ku doodayaa in ay intanba iyagu keeneen uguna horeeyeen adduunka intiisa kale la’aanteed, isla markaana ay samayn karaan mar labaad.

Haddaba isbeddelkaa dhacaya waxa uu sababay in awoodihii caalamka ee inta badan u gaarka ahayd wadamada reer Galbeedka lala qaybsanayno, taas waxaa kamid ah doorka uu Shiinuhu ku yeelan doono Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, lacagta Doolarka ee caalamiga ah (The Dollar as an International Currency) iyo Luuqada/Afka Ingiriiska (English as an International Language) saamaynta ay ku yeelanayso, waxaan rabaa inaan is dul taago sharaxaadna ka bixiyo labada qodob ee ugu danbeeya ee kala ah Lacagta iyo Luuqada kuna soo gabo gabeeyo nuxurka maqaalkan.

1.     Lacagta Doolarka (The Dollar as an International Currency)
Sida aad kawada warqabtaan, dagaalkii labaad ee adduunku waxa uu burburiyay, khasaare maal iyo nafba lehna uu ugaystay wadamada Yurub iyo Aasiya, halka Maraykanka uu kor u qaaday dhaqaalihiisa, waxa markaa wadamada Yurub ku baaba’ay maal iyo hantidoodii, sidaas darteed waxa ay deyn baden ka qaateen Mareykanka iyaga oo kubadashay kaydkii dahabkooda (Reserve Gold) ahaa si ay sahnad iyo agab ciidan oo ay ku dagaal galaan usoo iibsadaan, tani waxay kor uqaaday kaydka dahabka Maraykanka, iyo qiimaha lacagta Doolarka, waxa kale oo ay awoodaysay dhaqaalaha iyo Siyaasada Maraykanka, isagoo noqday quwad, kadib xulafadii ku guulaysatey dagaalkii labaad ee dunida oo ay kamid ahaayeen Maraykanka iyo Ingiriiska oo hogaaminayay Yurub inteeda kale marka laga reebo wadamadii Jarmalka ay isku xulafada ahaayeen iyo Ruushka oo dagaalkii qaboobaa la la galay lagagana adkaadey, waxay seeska u dhigeen una gogol xaadheen, ayna hirgaliyaan, hana qaadayna ilaa maanta nimaadka lacageed ee caalamka iyo ka dhaqaaleba iyagoo sameeyay xeerar iyo nidaam dhaqaaleed oo caalami ah, laga soo bilaabo milaygaas ilaa maanta lacagta Doolarka waxay noqotey astaan ama lacagta ay adduunyadu wax ku kala gadeto kuna qiimayso, sayladaha adduunyada, lacagaha kaydka ah ee ugu badan, badeecadahana lagu kala gato, tani waxay door laxaad leh ka qaadatey korodhka dhaqaalaha Maraykanka, waxa jira sabobo badan, waa marka koowaad ee baaxada uu yeeshay dhaqaalaha Maraykanka oo aad u balaartey, degan, noqday mid lagu kalsoonyahay, waa marka labaad ee lacagta Doolarka oo ah mid degan oo sixir barar lahayn inta badan. Hadaba sanadihii 2002da ayaa waxaa soo baxdey lacagta Yuurada (Euro) oo run ahaantii loo arkeyey in ay tahay mid badeli karta Doolarka, sanadkii 2006 lacagta Yuuradu waxay noqotey boqolokiiba 24% lacagaha kaydka sayladaha waxanay kudhawaatey  lacagta doolarka, nasiibdaro se wali ma ay suurto galin dhaqoolo xumaddii ka dhacday adduunka 2008 dii awgeed. Hadaba waa maxay ujeedada aan ka leenahay in aan ogaano lacagta Doolarka? Ujeedada ugu wayni waxa weeyi inkastoo dhaqaalaha wadanka Shiinuhu uu aad u kobcay, xawlina uu kusocdo, maxay tahay saamaynta u ku yeelan karo lacagta Doolarka?, halkan waxan jeclaystey in aan ku muujiyo daliilo iyo cadeymo farobadan oo ina tusinaya isbedelka ku dhici kara lacagta doolarka.

        I.            Sida khubarada qaar saadaaliyeen waxa dhaqaalaha shiinuhu uu kabadan doonaa ugu yaraan labo jeer dhaqaalaha Maraykanka sanadka 2040ka
      II.            Sanadkii 2013ka waxa wadanka labaad iyo ka seddexaad ee ugu dhaqaale badan dunida Shiine iyo Japan ku heshiiyeen in ay isticmaalaan lacatooda marka ay wax kala iibsanayaan, isla markaana uu Doolarku meesha ka baxayo oo marka hore ay ahayd in ay lacagahooda Doolar u badalaan kahor inta aanay wax iibsan
   III.            Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika) (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku heshiiyay in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecada,
    IV.            Labada hogaamiye ee Shiinaha iyo Ruushka oo mudo badan u ololoynayay isticmaalka lacagahooda, iyo doolarka oo meesha laga saarayo ayaa ku heshiiyay in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecadaha
      V.            Shiinuhu waa wadanka ugu wayn ee ganacsi la leh qaarada Afrika, Afrika in ay lacagta Shiinaha wax ku iibsato waa mid meesha ku jirta Shiinuhuna uu aad ugu ololaynayo, maxaa yeelay maalgashi balaaran oo uu kusameeyay awgeed, waxaana la rajaynayaa in maalgashigu uu gaaro $ 100 billion sanadka 2015 China-Africa Trade, ugu yaraana in kabadan 70,000 oo shirkadood Shiine ah ayaa isticmaala lacagta Shiinaha marka ay ganacsanayaan
    VI.            Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta oo ku hesheeyay in ay lacagahooda isticmaalan marka shiinuhu batroolka ka iibsanayo Imaaraadka
 VII.            Iraan waa wadan inta badan ay iska soo horjeedaan Maraykan, hadaba Hindiya marka ay Iiraan kasoo iibsanayso Saliida oo ay isticmaali doonto Dahab
VIII.            Wadanka Saliida ugu badan kasoo gata Sucuudiga maaha Maraykanka lakin waa shiinaha sidaas darteed waxa meesha kabxaysay lacagta Petrodollarka
    IX.            Sida hal warbixin ay soo saartey Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay sheegtey waxa lagu baaqay in la helo lacag kale oo u dhiganta kaydka lacagta doolarka
      X.            Laanta lacagaha adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IMF oo kubaaqday in la helo lacag badasha ta Maraykanka
    XI.            Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika) (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku dhawaaqay Bangi cusub dhawaan intii ay socdeen ciyaaraha kubada cagta adduunka wadanka Baraasiil, oo la magac baxay Bangiga horumarinta BRICS ama BRICS Development Bank oo la tartami doona ama noqon doona mid udhigma bangiga adduunka (World Bank) iyo laanta lacagaha (IMF), bangigan oo lagu bilaabay lacag dhigaal ah oo gaadhaysa $ 50 Billion, laguna kordhin doono xadi intaa leeg, ilaa $ 100 Billion, bangigu wuxuu wax katari doonaa maalgalinta kaabayaasha dhaqaale ee wadamadaas
 XII.            Ugu danbayn, nacaybka loo qabo maraykanka oo sii kordhaya meelo badan oo adduunka kamid ah, marka lagu daro Yurub.
Sidaas aan kor ku sheegney, ama qodobadaas aan kor kuxusnay waxay cadayn xoogan iyo markhaati marag madoon ah u tahay isbeddelka ku dhici doona lacagta Doolarka oo ay sababtey awoodaha adduunyada isku dheeli tirmaya wakhtigan xaadirka ah.

2.      Luuqada Ingiriiska (English as an International Language)
Luuqada Ingiriiska waxa Isticmaala adduunyada, si ay ugu fudadayso is fahmakooga iyo isdhexgalka haday tahay xag waxbarasho iyo xag ganacsi, ugu yaraan hal bilyan oo qof ayaa ku hadla ama isticmaala luuqada Ingiriiska maalinkasta, qaar badan oo udhashay ayaa ku hadla, inkaloo badan oo baratey ayaa ku hadasha, hadaba suáashu waxay tahay mansabkan ay maanta luuqada Ingiriisku joogta siday ku heshay ama ku timid? Su’aasha kale ee iswaydiinta mudan ayaa iyana ah isbaddelkaas dhacaya een kor kusoo xusnay saamayn intee leeg ayuu ku yaalan karaa? Malaga yabaa Luuqada Shiinuhu inay badasho tan Ingiriiska? Dhamaan waa suáalo macquul ah ayna haboon tahay in la is waydiiyo, si aan uga jawaabno suáalahaas bal hada aan yara jaleecno taariikhda sida luuqadan kusoo gaartey kaalinta maanta ay kujirto. Aanooyinka ugu waawayn waxa kamid ah isbeddalkii warshahada ee ka dhacay Yurub ee uu hogaaminayay wadanka Ingiriisku, waxa kale oo saamaynta wayn sii dadajisay nimaadkii dhul qaybsiga iyo gumaystaha ee Waqooyiga America, Asiya iyo Afrika, oo sababay in wadamada yurub keenaan dhaqankoodii, nidaamkoodii, waxbarashadoodii, fikirkoodii iyo Siyaasadoodii, gaar ahaan wadanka Ingiriiska oo ahaa wadanka ugu saamaynta wayn, wadamo faro badan way ku faaiideen sida Waqooyiga Amerika oo noqday tafiirtii boqortooyada Ingiriiska kana dhaxlay awoodii iyo saamayntii ay ku lahaayeen adduunka, halka kuwo kale oo ugub ah ay kuleedeen sida wadamo faro badan oo ku yaal qaarada Afrika iyo Bariga dhexe, isku soo wada duub waxa hirgashay in luuqadu ay noqoto luuqada adduunyada, waxaana sii taraarixiyay luuqadaas wadanka Maraykanka oo si qoto dheer saamayn ugu yeeshay adduunyada. Hadaba madaama saamayntaas ay sabab u ahayd awooda dhaqaale, maxaa is beddeli kara haddii awood kale oo dhaqaale soo baxdo? Luuqada shiinaha waxa ku hadla dad kor u dhaafaya 1.3 Billion, Hal Bilyan iyo Seddex boqol oo milyan oo qof, inkabadan inta ku hadasha luuqada ingiriiska, hase ahaatee 1.3 Bilyankaasi waxay ku noolyihiin isku xuduud ama wadan, halka Ingiriiska ay kuhadlaan umado kala duduwan, dhinac kale hadaan ka eegno, koboca dhaqalaha Shiinaha wuxuu bilaabay in ay durba luuqadiisa bartaan dad badan, gaar aahan dhawaan waxa la bilaabay in luuqada Shiinaha lagu daro luuqadaha lagu barto dugsiyada hoose/dhexe ee wadanka Holaand, marka hore ardyadu waxay baran jireen luuqadaha Spaanishka, Faransiis iyo Jarmal, halka Ingiriisku uu ku jiro kaalinta koowaad, waxa soo ifbaxaya in Jaamacadaha yurub lagu dhigo luuqada Shiinaha aadna loogu hanwaynyahay in la barto si cilaaqaad ganacsi oo wanaagsan u dhexmaro, arintan luuqada waxaa dedajinaysa, kow, Shiine waa wadanka ugu koboc badan xadiga korodhka dhaqaale adduunyada sidaan horey usoo sheegney, labo, wuxuu qani ku yahay hido iyo dhaqan iyo habka maamulka ganacsiga oo loogu bogay walow galdaloolo ay jiraan, seddex, iyo Waliba wadamada uu ganacsiga ugu wayn adduunyada la sameeyay sida qaarada Afrika oo cid kula tartantaa ayaanay jirin oo dirawalinaysa saamayn uu ku yeesho, inkastoo ay jiraan isbeddelkaas iyo horumarkaa kasoo iftiimaya wadanka Shiinaha hadana waxaad arkeysaa in wali luuqada Ingiriisku sii kordhayso siina xoogaysanayso isticmaalkeedu, Ruushku waa wadan fac wayn wuxuu bilaabay in ay bartaan luuqada Ingiriiska iyagoo mudo diidanaa in Saamayn lagu yeesho, Hindiya luuqadooda labaad waa Ingiriis, Jarmalka oo ah wadanka ugu wayn xaga dhaqaalaha qaarada yurub, wax soo saar ahaan iyo Horumarna Ingiriiska cidhiidhi galiya waxa luuqada Ingiriiska lagu waajibey in lagu bilaabo fasalka seddexaad ee dugsiga hoose, tacliinta sare waa muhiim, shaqooyinka shirkadaha (Corporate Jops) waa lagama maarmaan in uu qofku sifican u yaqaan luuqada ingiriiska, arintan waxaa keenay kow, saamaynta ay luuqada ingiriisku ku yeelatey adduunka oo halkan oo kale hadaan tusaale usoo qaadano Jarmalka ardeyda wax barasho u timaad waxay ku hadlaan luuqada Ingiriiska, markaa waa in la helo Jaamacado Ingiriiska lagu dhigo, sidaas darteed ayay dhawaan Jarmalku bilaabaan in lagu dhigo luuqada Ingiriiska seddex meeloodow meel tacliinta sare, sidoo kale ardeyda Jarmalka ee wax ku baranaysa wadamada Yurub iyo Waqooyiga Amerika oo iyakna ay waajib tahay in ay Afka Ingiriiska si fiican u bartaan, doc kale hadaan ka qoraasano dadka dalxiisayaasha yimaad wadanka Jarmalka iyo Jarmalka aada wadamada kale dhamaan waxay u baahan yihiin in ay ku hadlaan luuqada Ingiriiska, shirkadaha waawayn ee Yurub, ama ha noqdaan kuwo laga leeyahay Jarmalka ama yurubta kale oo inta badan ay tahay in luuqada ingiriiska ku hadlaan si isfahamkoodu ufududaado, Afrika iyo Aasiya sida aad kawada warhaysaan waxa lagaga hadlaa luuqada Ingiriiska Faransiiskuna uusoo labeeyo, wadamada iyaka ay tahay afkoodii hooyo hadalkoodaba daa sida Canada, Scotland, New Zealand, Australia, Wales, Ireland, iyo kuwo kale.

Isku soo wada duub, aniga iima muuqato wali in Afka Shiinuhu uu dhawaanahan badeli doono Afka Ingiriiska, ugu yaraan 100ka sanadood ee soo socda ayay ku qaadan hadaanay ka badanba, waa haddii shiinuhu kobaca awoodiisu ay sidaas kusii socoto, waayo waxa hor yaala arimo badan oo ay adagtahay in la baddelo mudada dhow.

Waxaan kusoo gabogabaynayaa, Soomaaliya halkay maanta maraysaa? Isbeddelkaas ka dhacaya adduunyadu siduu u saamayn karaa baabuurkeenan gadaal gadaal uscoda? Mala fahamsanyahay waxa dhacaya? Dhibtii iyo rafaadkii malaga daalay? Ma la bislaaday? Maloo diyaar garoobayaa maalgashigaas Shiinaha iyo Tartanka uu Maraykanku hada dardar galinayo dhinaca maal gashiga qaarada Afrika sida aad ka dheehan kartaan Shirka Waashinton uga socda madaxda Afrika iyo Maraykanka? Mise halkii hore ayay sheekadu kasii soconaysaa?

Wabilahi Tawfiiq
Maxamed Sheekh Faarax Cilmi
Tilburg, Netherlands
+31649798800
mfarahilmi@live.nl

Wixii su’aal ah waxaad kusoo hagaajin kartaas emailka kore


1 comment:

Anonymous said...

Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...