Isbeddel Duleed

Wax kasta oo aad aragtaa, xasuus fog buu kugu celiyaa. Goobta aad marto, halka aad ka laabto, luuqluuqyada xaafadaha, gidaarada iyo waddooyinku ba, maskaxda - qaybta xasuusta fog - aad bay uga shaqaysiiyaan. Waa xaalad dhacda marka ruux ku noqdo arladii uu marxaladaha hore ee korriinka  ku soo qaatay. Halkani waa garoonkii aad dhallaanimo kubadda ku dheeli jirtay. Haddeer guryo ayaa laga dhisay. Marka horeba garoon ma ahayn ee balloodho xaqa-naas ayaad ku dhex ciyaari jirteen. In sidiisii loo daayaa wacnaydaa. In goobtani xasuustaas astaan u sii ahaataa, wanaagsanaydaa.

Xog sugan

Imisa ayaad kobtan guul kala carawday; meeqa jeer ayaad sharad ku badiseen; imisa ayaad halkan ku damaashaadeen; maxaad fursad beerdarraysay oo aad lumisay. Markaas ma jirin - walina gayigeena kama jirtee - sida imika dunida ciyaaruhu u nidaamsan tahay; u horumartay, xog sugan ayay adeegsiga tiknoolajiyaddu inagu saacidi kari lahayd. Waxa la diiwaangalin lahaa inta ciyaarood ee ruux saftay, inta uu gool dhalliyey, inta uu gool saaciday iyo qiimayn ahaan halka uu taagnaa!

Alla, halkaasi bartii aad berigii ku dhaawacantay miyaanay ahayn. Quraaradii ku kala jartay suulka ee aad cammuudda uun nabarkii gadhka u galisay, wali tilmaantii cagta waa ka sii muuqataa. Dhankan kale, waa halkii saaxiibkaa gacanta kaga jabay. Halkaasi waa bartii gool ku laadka xorta ah aad ku tababaran jirteen. Dhinacaasi, waa goobtii dhuumadhuumayda lagu ciyaari jiray. Geed Hindigii halkan ku ooli jiray, la jare mar hore. Kii gobka ahaa, laami baa la tagtay. Geedkii fiitamiinka ahaa ee aad midhihiisa subaxa hore sida tuugada ah ku guran jirteen waa qaadhay oo qalalay. Nafaqodarro, daryeel la’aan, dunidan sii kululaanaysa iyo doorsoonka cimilada wax kaga dar. Halkeer xero-digaag baa ahaan jirtay. Nijiaar-yarihii dhisay baad xitaa garanaysaa. Ninku farsamo fiicnaayaa! Sidaas ayay geedaha, dhagaxda iyo carrada meesha taal kuula hadlayaan. Tilmaan, tibaax iyo xasuus ayay gudbinayaan. Waa halkii Abwaan Gaarriye Allah ha u naxariistee:

Dhulku wuu tiraabaa

Tuska roobka dayruhu

Onkod buu ku taamaa

 

Qalqaalisanaayaa!

Dhanka kale, marka aad meelahaa iska mushaaxayso, dadka kaa soo horbaxaa, sow wax badan maskaxdaada kama fikirsiiyaan. Ninkaasi sow hebel maaha; ismaba beddelin. Waa tabtiisii. Kan kale, sow hebel isna maaha. Alla muxuu gaboobay. Kani dhutinayaa, isna ninkii odaygii miyaanu ahayn. Kan kursiga ku tukanaya fiiri. Da’ ma haysee, jilbaha ayaa laga galoo, dabada dhulka ma saari karo. Markii aad korayseen, qof kursi ku tukanaya abid ma aad arag. Xaajigii u horreeyey ee isaga oo kursi ku tukanaya aad aragto ayaad xitaa xasuusan tahay. Haddeer, masaajid bilaa kuraas ah, la soo heli maayo. Ugu yaraan, horta indhaha ma aan saarin.

Ninkani isagu waa tadhahay oo tanaaday. Aad buu u ladan yahay. Gaadiid, guryo, hanti-ma-guurto ah, dad iyo duunyaba waa buux.

Askarigani ma garanaysaa? Sow ninkii rabshada badnaan jiray maaha. Ninku dhib badnaayaa. Qalqaalisanaayaa! Miskiinkan eeg; faalig baa ku dhuftoo, haddeer socodka ayaa ku dhib ah. Bal kan kale fiiri, waa ilka beelay, wada ciraystay; dirqi baa lagu sii garanayaa. Dhibta dalka taalla qaadka ayaa ka mid ah, haddii aanu ahaynba mushkiladda ijtimaaciga ah ee sebenkan ugu qardaafadda kulul. Qaad baa dalkii iyo dadkii halakeeyey. Xooggii buu dabray, sharaftii buu laaley, qoysaskii buu isa sudhay, xiskii buu la tegay! Bahalkaasi muxuu dhib na baday!

Doorsoon Duleed

Doc kale, maxaa dad dunida ka huleellay. Odayadii sharfanaa ee masaajidada safal-awalka ahaa cidi kama joogto. Jaarkii, waayeel iyo dhallin ba, in badani hoyatay. In kale oo door ahi, dibadda u dalandooshay. Maamooyinkii halkan sariimadda aad ku mari jirtay, nusa-saacaha ku siin jiray, badi wada god-gale. In fara ku tiris ahi; hawlgab noqde. Dadkaasi inta gabaw iyo da’ u god gashay, waxay u badan tahay inay ka badan yihiin inta dhakhtarxumo, xanuun iyo daryeel la’aan sababsatay.

Sidaas oo ay tahay, waxa jira dad ama midhadh ilaa berigaa aanu xiskoogu joogin, rafaad ku nool ahaa oo wali neefsanaya. Waa caqli aadame iyo garashadiiye, waxay maskaxdu baadigoob u galaysaa xikmadda ku duugan in hore loo oofsado hebello waxtar qofeed iyo mid bulsho lahaa, xili ay ku jireen da’da loogu awoodda badan yahay iyo in masaakiin kadeed ku nool ahi, waqti dheer dabaysha sii joogaan. Qaddar iyo qoraal Rabbi in hawlahani yihiin, haddana markiiba garawsatay. Allow tooba. Asalka banaanba, xikmadda Rabbi waxa sarjara garasho teena indhawgaradka ah in badan ka korraysa.

Isbeddelka duleed ee muuqda ka kimikaad ee abadiga ahi kama dhumuc iyo dhadhan yara. Si fudud haddii aan u dhigo, doorsoonka dhulka iyo deegaanka ka muuqda, waxa aan ka yarayn, ka dadka iyo habdhaqankooda la soo dersay. Kaliya dhaadasho ayuu rabaa!

Qalinka: Abdirahman Adan Mohamoud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com


No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...