Magaalowga dunida ee sida xawliga ah u socda, inta badanna ay sababaan raadinta fursado shaqo, adeegyo dawlo, nolol raadis iyo haraatida doorsoonka cimilada ayaa sandule ka dhigaya in maamulada maxalliga ahi adkaysi iyo farsamo la falgal u lahaadaan gedgeddoonka waayaha hadba soo kordha. Waqtiga ayaa qasbaya inay gufeeyaan nuglaanshaha oo adkaysiga la xoojiyo. Guud ahaan, beryahan danbe, waxa soo noqnoqday tumaati ka dhalata masiibooyin ama dad samee ah (dagaalada, barakaca iwm) ama dabiici ah (abaaraha, fatahaada, dabka iqb). Intuba waa cadaw oo nolosha aadamaha u wada daran. Haddana la wada baajin kari maayo. Markaas waxa qasab ah in tab iyo xeelad looga hortago; lagula falgalo, khasaaraha na lagu yareeyo la helo. Marka ay sidaa tahay, waxa halkan soo galaya jaangoynta u adkaysiga ammuurahan. Waa waxa afka qalaad loo yaqaan ‘Resilience Planning’. Adkaynta kartida hay’adaha maxalliga ah ee ka jawaabida aafooyinka aan si guud u nidhaahno.
Kalyo adkaytan jaangoyntooda afar walxood ayaa asal u ah:
1. Odorasidda iyo fahmidda khataraha soo wajahan. U gundodegga iyo dhuuxida jaadka khatareed ee deegaan halis ugu jiro weeyi.
2. Haddii la fahmo, sidii loola tacaali lahaa in wax la iska waydiiyaa oo meel wax la isla dhigaa waa daruuri. Halkan waxa aad u muhiim ah in la kala qalo oo la kala caddeeyo kaalmaha iyo xilalka hay’daha dawliga ah ee ka jawaabida u xilsaaran. Sidan waxa loo yeelayaa in laga gaashaanto fawdo iyo isdhexyaac dhaca aminta dhibtu taagan tahay. Aminta gurmadka iyo jawaabta loogu baahi badan yahay.
3. Qorshayaasha ku talagal ee ka hortag leh, la falgal leh, hoos u dhig khasaare leh in maalgalin ku filan loo raadiyo oo loo helo waa lamahuraan si jawaabtu wax ku ool u noqoto.
4. Ka soo kabashada mashaqadu waa inay noqotaa mid si hufnaan leh loo maamulay, maxsuulka soo baxaana, kii hore ka adkaysi iyo tayo wacan yahay. Waa halka ay ka yidhaahdaan “Build back better”
Si afartan qoddob u fulaan, afar kale in la helaa ama la hirgaliyaa waa lagama maarmaan.
1. Unugyo, waaxyo iyo xafiisyo dawladeed oo u xilsaaran, una dabran, ka hortag iyo ka jawaabida xaaladdaha kor ku xusan. Xeerarkii iyo habraacyadii maamul waa inay jiraan oo la isla ogol yahay.
2. Xirfad, awood iyo karti qorshayaasha lagu fuliyo.
3. Habdhaqan bulsheed isa saacida, isku damqada oo istaageersada.
4. Iyo dhaqaale u dhabar adayga mawjadaha ku lammaan dhibaatooyinkan soo noqnoqday.
Agabyo caalami ah oo la fududeeyey oo hawlahan loo samaystayna waa jiraan, waana aqoon guud oo la wadaago ama la kala ergisto. Deegaamayn ayay se mar walba u baahanayaan. Waxa ka mid ah Sendai Framework, CityRAP, Sponge Cities.
Isku darkan qoddobadan ayaa dal ka dhiga mid markaaba ka jawaabi kara dhibaatooyinka soo wajaha. Tusaale, magaalooyinka dunida qaar marka dhib soo gaadho dhismo-hoosaadka dhaqaalaha (adeegga korontada iyo jidadka halbawlaha ah), maalmo gudahood ayay ku soo celiyaan adeegyadaas. Sabab. Waa u diyaargarow, qorshayn iyo karti.
Maqnaanshaha inta badan qoddobadan sare ayaa dal iyo dad ka dhiga mid nugul. Maqnaanshahan oo lagu daray, is dhigasho, qorshe la’aan iyo haynta oo aad u kooban ayaa dal ama dad (sida Soomaalida oo kale) ka dhiga kuwo nugul, qaxar u joog ah, tumaatidu ku soo noqnoqoto, hadba haraati kululna horusocod u diido. Hayntu ha koobnaatee, laakiin inta farsamoxumo baddo ayaa leeg, haddii aanay ka badnayn ba inta itaal la’aani yeesho.
Qalinka: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com
No comments:
Post a Comment