Muddo ayuu la soo
shaqeeyey maamulladii xukuumadihii rayidka ahaa, ka hor inta aanu Jaamacaddii
Ummadda macalin ka noqon. Raage intii danbe oo dhan waxbarashada ayuu u go’ay
oo heersare ka gaadhay. Ku dhawaad saddex tobanle iyo badh ayuu macalin ka ahaa
jaamacaddo kala duwan oo dalka iyo dibadda ah isaga oo dhigayay maadooyinka
dhaqaalaha, qaanuunka iyo siyaasadda. Intan danbe odayga sheeko iyo fadhi wadaag
ayaan nahay, caawase muxaadaro caam ah ayuu qabtay. Dad door ah
ayaa ka soo qayb galay, qoddobo waaweyn oo masiiri ahna- intii
waqtigu ku simay- dhayda ayuu ka caddeeyey. Gebagebadii
su’aallo tiro badan ayaa la waydiiyey.
Hoggaaminta iyo Adeegga Guud
Qofka hoggaamiyaha ah iyo sifaha laga rabo
ayuu ugu horeynba ku bilaabayaa:
Qofka la odhan karo waa hoggaamiye, waa inuu
leeyahay awood uu bulshada ku jihayn karo; dhinaca ay u socdaan maahee, jiho
kale u dhaqaajin karo, ama hal-abuur uu hindisay ka midha dhallintiisa bulshada
u adeegsan kara. Madaxweynihii hore ee Maraykan Ronald Reagan
ayaa mar uu ka hadlayey hoggaaminta laga soo sheegay inuu yidhi, ‘Hogaamiyuhu
maaha ka wax weyn isagu hirgaliya, balse waa ka dhaqaajiya dadka si ay wax
weyn iyagu u fulliyaan’Markaa si kooban, hoggaamiyuhu waa inuu
hiraal, karti iyo saameyn yeeshaa.
Hoggaaminta in sideedaba la barto iyo in loo
dhasho ayuu su’aalay nin oday ah oo boorso wayn xambaarsanaa oo safka u horeeeya fadhiyey.
“Way jiraan dad leh haybad iyo karti
hoggaamineed oo dabiici ah, balse dadkaa laftooda waxa u furan inay aqoonneeyaan oo
sii xoojiyaan. Qolyaha dugsiyada aaday laftooda waxa laga rabaa inay
daraaseeyaan oo naaqishaan hoggaaminta dhaladka ah si wax looga baran karo”
ayuu mawduuca ku sii darayaaRaage.
“Hoggaamintu waa shay lagu
tababarto oo la sii horumarin karo. Markaa waxna waa hibo iyo u dhalasho, waxna
waa tababar iyo barasho” ayuu ku sii kabayaa.
Gabadh ardayad ah oo qof codkar ah u
muuqatay ayaa su’aalaysa shaqada xafiisyada dawladda iyo
adeegyada guud - aragtidiisa- sida loo sii horumarin
karo.
“Xafiisyada dawladdu waa inay dhidibo adag ku
taagnaadaan, xirfadyaqaanada ka hawlgalaa, waa inay siyaasadda ka madaxbanaan
yihiin. Waa in dabaylaha isbeddelada ku sidkani aanay ruxi karin. Waa in la la
xisaabtami karaa. Si fudud, waa inay adeegyo loo siman yahay bixiyaan, karti
iyo adkaysi u leeyihiin ka jawaabida baahiyaha dadkooda goor iyo xaalad
walba”
Xeerarka, Garsoorka iyo
Warbaahinta
Dastuur iyo xeerar qeexani waa tiir weyn oo
aanay dawladnimo ka maarmin. Si loo helo xeerar iyo qawaaniin lagu kala socdo,
imika wuxuu Raage iftiiminayaa ahmiyadda goleyaasha xeer-curinta u
xilsaaran.
Saddex sifo oo uu u arko ma-dhaafaan ayuu
shaqadooda ku qeexayaa: sharci samayn, metelaad iyo la xisaabtanka xukuumadda.
Ta u danbaysa ayuu carrabka ku xejinayaa oo wuxuu tilmaamayaa sida ay darruuri
u tahay in dheelliga laga jiro hay’adaha xukuumiga ah.
“Si aan naxariis lahayn
waa inay xubnaha fullinta ugula xisaabtamaan ku shaqaynta sharciga iyo
hirgalinta siyaasadda ay iyagu marka horeba soo curiyeen” ayuu ku sii ladhayaa.
Garsoorka oo lagu tilmaamo
udub-dhexaadka deganaan iyo horukac bulsho ayuu mawduucan ku xidhiidhinayaa. Garsoorku
waa halkay u dhimatayba. Ummad aan garsoor hagaagsan lahayni, mar ay noqotaba,
kolay waa tii dunta. Waa halkii Harrison Ford’ e ‘Nabadgelyadu
maaha colaad la’aanta, waa sugida cadaaladda’.
Garsoorku waa inuu
madaxbanaan yahay, loo siman yahay, eex ka madhnaadaa, hufnaantu astaan u tahay,
cadaalad-na lagu majeertaa. Si intaasba loo helo, bahda garsoorka, waa in
baahiyahooga aasaasiga ah qaranku daboolaa, aqoontoodana si joogto ah loo
kobciyaa”
Warbaahinta oo lagu tilmaamo aalad saameyn
togan iyo mid taban ba leh inuu dhawr eray ka yidhaa ayuu ka dalbaday ruux
aan magaciisa iyo mihnadiisa midna sheegin, balse su’aasha uun toos u abbaaray.
“Warbaahin haddii aan ka hadlayno, maaha tan
laguma dhaamee dhaqaaqda ahe, kaalin weyn ayaa u banaan. Meelaha qaar
waxaba la gaadhsiiyey in la yidhaa, “Cida warbaahinta hagta ayaa
qalbiyadana hanata”. Markaa waa inay warka tebisaa, dadka wax bartaa,
isla markaana madadaalisaa. Uma baahnin warbaahin iskudir iyo nacayb beerta.
Uma baahnin warbaahin aan wax baadhin, wax qodqodin oo warkoogu dul-ka-xaadis
iyo ku-tidhi-kuteen aanu dhaafsiineyn. Waxaan u baahanahay warbaahin
aqoonaysan, mas’uul ah oo wax toosisa.
Kaalinta Bulshada
Ilaa imika dawladda iyo laamaheeda uun buu ka
hadlayee, gabadh kale ayaa xasuusisey shacabka laftooda kaalinta
looga baahan yahay.
“Shacabku waa inuu ul iyo diirkeed noqdaa,
kala gartaa qoddobada lagu kala aragti duwanaan karo iyo kuwa u baahan midnimo
guud. Waa inuu tacab ogol yahay, fadhiidnimo diidan yahay, xoogsi iyo
wax-soo-saar ku foogan yahay”
Wuu sii wadaa oo mawaaqiifta muwaadinka laga filan karo ayuu
tilmaamayaa.
“Xumuumaddu marka ay dhabbo sax ah haysato,
waa inay taageeraan, haddii kooxda xilka haysaa, tallo-maroorsi la timaadna, ka joog waryaa
waa inay odhan karaan”
Tacliinta iyo
Suugaanta
Bulsho in lagu doorin karo
waxbarasho iyo tacliin tayaysan ayuu si adag u rumeysan yahay. Wuxuu mar
walba ku halqabsadaa hadalkii Nelson Mandela ee macnihiisu ahaa, ‘Tacliintu
waa hubka ugu awood badan ee aad ku dhalin karto isbeddel bulsho’
Tacliinta uu is leeyahay way ina
anfacaysaa, ayaan fursaddii aan su’aalaha u helay, faahfaahin kaga dalbaday.
“Marka hore waxaan u baahanahay manhaj ama
muqarrar ku sar-go’an durrufaheena iyo himillooyinkeena ummadeed” ayuu ku
bilaabayaa.
“Nidaam waxbarasho oo soo saara arday
baraarugsan, dal-jecel, ku hubaysan aqoon heersare ah oo aan la loodin karin,
qab wadaninimo xambaarsan oo horusocod ah”
Manhajkaas macallinkii gudbin lahaa oo
tababaran in la helaa, waa kama tegto. Waliba tacliinta aasaasiga ah inaan
culayska saarno weeyi, waayo iyada ayaa ah unuga iyo salka aqoonta.
Wiilal iyo hablo in loo sinnaado ayaa la rabaa oo aan hablaha la duudsiyin,
Soomaalidu dumarka guud ahaan way gacan-bidixeeyaane.
Waan iska sii qiyaasay inaanu
mawduucan ka baxayn isaga oo aan kaalinta haweenka wax ka odhan, waayo sida uu
u godlado marka mawduucaa la soo hadal qaado ayaan ogahay.
“Xaalkeena markaad daristo, farsamada gacanta,
sayniska iyo hal-abuurka inaan culayska saarno ayaa inoo dan ah
ayaan is leeyahay” ayuu ku sii axadhayaa.
Aniga oo si xiiso leh u dhegaysanaya
falanqeyntan ayuu mid kale oo dadkii su’aalaha waydiiyey ahi dalbaday
in markan diirada la saaro qayb wayn oo bulshada ka mid ah, eraygooguna
saameyn ballaadhan leeyahay. Waa bahda suugaanleyda, qallinleyda iyo
hal-abuurka.
Kaalin weyn ayaa uga bannaan dhisida dal iyo
dad dhab u madaxbanaan, isku filan oo is neef ogol. Garaadka bulshada waa
inay ku habaan suugaan iyo dhiganayaal hodan ah oo qaranimada godliya,
garashada kobciya, dadkana isku soo dhaweeya.
Waa inay u taagnaadaan la dirirka xumaanta
iyo iftiiminta samaanta. Hadii ay gartaan xilka saaran oo aanay
inta talada haysa halku-dhegyadooda ka daba jiibin, bulshada fahamkooda
way korin karaan, una riixi karaan dhinaca danta qowmiga ahi jirto. Se waa
haddii bulshada lafteedu soo jeedo, wax akhrido/maqlayso oo baraarugsan
tahay.
Diinta iyo Akhlaaqda Ganacsiga
Culimada diinta oo aan looga maarmin dhisida
ruux degan iyo is-jacayl bulsho ayay haddanna su’aalihii ku dul
hakadeen.Nin oday ah oo wajigiisa raadkii sujuuddu ka muuqato ayaa
su’aashan keenay.
Culimada waxa laga rabaa inay u dabran yihiin
quwaynta iimaanka, dhisida ruuxda, isjaclaysiinta shacabka iyo la dagaalanka
xannuunadda bulshada damiirka ka asiiba. Dadka waa inay u
dhibriyaan oo si dabacsan wax ugu sheegaan, maxaa yeelay Ilaahay (SWT) markii
uu Muuse iyo Haaruun(CS) u dirayay Fircoon oo kibirkiisa la ogaa, waxa uu u
sheegay inay si debecsan ula hadlaan, la arkee inuu waantoobo ama Alle
ka cabsadee (Quraan 20:44)
Bulshada waa inay xaqa u caddeeyaan, jahliga
kala dagaalaan, si xun wax u sheegga diinta ku hoos gabanayanna, waa in dhinac
laga wada joogsadaa.
Fasirka iyo fatwada diiniga ahi maaha inay
noqoto jaantaa-rogan. Sidaas waa lagu jabaa. Waa in la helaa gole sare
oo culimadu ku midaysan yihiin, iftiiminta arrimaha diintana looga
danbeeyaa.
Qof arraarta ku dheeraaday ayaa warsaday si
aanu daldawladda wax walba uga sugin, ganacsiga gaarka ahi kaalinta
uu qaadan karo?
Ganacsatadu kaalin door ah ayay dal walba ugu
jiraan. Haddii ay dadaalaan, way noqon karaan shaqo-dhaliyaha ugu weyn iyo
dhaqaajiyaha dhaqaalaha maxalliga ah.
Ganacsigu edeb ayaanu ka madhnaan. Ha ku
tartamaan hindise iyo hal-abuur dadka iyo deegaanka wax uu u soo kordhiyo ma
ogiye, aan waxba u dhimin. Ta dawlad ahina, ha abuurto jawigii
ganacsigaasi ku hanaqaadi lahaa, maalgalin shisheeyana soo dhiirrin
lahaa.
Hufnaanta
Wax is daba marintu in ay tahay cudur
qarannimada hagaasiya aad buu ula socdaa. Markaa inuu hadalkiisan astaan ugu
sameeyo ayuu rabaa.
“In la cidhibtiro wax is daba marinta,
mudadda fog waa in laga dhigtaa himillo la higsado, imikase, waqtiga la
joogo waa in dagaal adag lagu qaado. Iimaanka iyo wadaniyaddu waa
laba hub oo awood badan ee ha la adeegsado oo ha la xoojiyo.
Dadka danta guud loo diray, qaranku wuu bixin
karaaye, wax ay ku noolaan karaan ha u qoro. Intaa dabadeed, ruuxii xadgudba ee
nafta laylyi kari waaya, ciqaab adag ha la marsiiyo.
Ruux kale ayaa ka dhex galay oo mar kale
xasuusiyey in qaddiyadahan waaweyn ee uu ka hadlay ay inta badan yihiin kuwo
caalami ah, dalal badanna isku dayayaan hirgalintooda -itaal meel uu dhigaba. Qoddobadaas waxa
ka mid ah isla xisaabtanka, dejinta xeerar anfac leh, daahfurnaanta, suuqa
xorta ah iyo warbaahin xilkas ah. Wuxuu waydiiyey sida
arrimahanni dal walba looga hirgalin karo, haddii aan la tixgalin kala
duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee shucuubta dunida iyo waayaha dal walba gaar
ahaan ugu xeeran.
Caagad biyo ah oo miiska u saarnayd ayuu
laba jeer kabbaday, hore u soo tiirsaday oo yara xabeeb tirtay.
Kala duwanaansho deegaanka, dhaqanka iyo
dhaqaalaha salka ku hayaa waa jiraa, in la tixgaliyana waa mudan yahay, ha
yeeshee sirtu waxay ku jirtaa sida labada la isku qabadsiinayo. Tusaale, dad
badan oo aanay dani ugu jirin sarraynta sharciga iyo isla xisaabtanka ayaa ku
deedafeeya arrimahan inay yihiin kuwo soo galayti ah balse aanay
ahayn carro-dhalad, halka qaar kalena, u adeegsadaan uun inay ku awr-kacsadaan.
Markaa arrintu ka maarmi mayso daacadnimo, feejignaan iyo fiiro-dheeri.
Isku duubni
Gabadh ilaa mar hore gacangta taagaysay ayaa
hadda fursad heshay. Waxay waydiisay sida lagu abuuri karo bulsho isku
duuban oo dhan u wada jeeda iyo waxa caqabad ku noqon kara helitaanka bulsho sifahaas
leh. Sidii wax aan la fahmin waydiinteeda ayay eraybixin ay soo
ergisatay iftiimin ka dayday. ‘Waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo
Inclusive Society’ ayaan ka wadaa ayay ku sii xoojisay.
Bulsho isku duuban oo isku dareen ah waa la
abuuri karaa haddii la helo tiirarka udub-dhexaadka u ah isku duubnida bulshada
- sinaan iyo cadaalad. Waxa sal u ah u sinaanta adeegyada bulshada, si siman
ugu xaqsoorka inta la wada leeyahay oo ay ku jirto awood iyo khayraad qaybsigu.
Markaas ayay bulshadu noqonaysaa isku dareen ul iyo diirkeed ah. Waxbaa wada
damqaya, ka wada farxinaya ama ka wada nixinaya. Haddii aan si kale u
dhigno, bulsho isku uursan oo dareen-wadaag ah ayaa dhalanaysa.
Waxa caqabad ku noqda hunguri weynida,
awood-maroorsiga iyo xaqsoor la’aanta. Tabashada daba dheeraata ee xal
waara laga gaadhi waayo ayaa isku bedesha gadood bulsho. Taasi waxay dhalisaa,
markay ugu sahlantay, kala xigsasho iyo kala dareen, markay ugu daran tahayna,
nacayb iyo gacan-ka-hadal.
Hirgalin
Wax wada wacan ayaad sheegtaye, sidii lagu hirgalin lahaanna
oday noogu yara dar, ayuu su’aalay ruux u muuqday inuu si wacan ula dhacay
dood-wadaagta Raage iyo dadweynaha.
“Isku darka intaa aan soo sheegay oo dhammi
waa aasaaska dal iyo dawlad meel sare higsanaya, is neef ogol, isku filan
oo ilbax ah.
Intaba waa la heli karaa haddii qaad, wahsi iyo
qabyaalada laga baxo oo loo koro tacab, is aaminaad, isku tanaasul
iyo wax wada qabsi. Ta ka wada muhiimsani waxa weeyi, hoggaan inta
aan sheegnay aaminsan ayaa isbeddel dhab ah dhallin kara”
“Allow eex ma tiraabine, aqoon ha igu
cadaabin” ayuu kaga baxayaa Raage, ka dib marka uu u mahadnaqo ka
soo qaybgalayaasha.
Nin aan wada soconay ayaan aragtidiisa
dood-wadaaga caawa waydiiyey.
‘Kuye imika ahaan uma badna in doodahani
saameyn badan yeeshaan. Yeelkeede, haddii lagu celceliyo, la arkee inay
raadeeyaan ajendayaasha siyaasad-dajinta iyo go’aan qaadashada mustaqbalka”
Aniga oo ogaalkaygii wax ku kordheen, mar
kale dareemaymarinka dheer ee ina sugaya, ha yeeshee aan hubin kaalinta shakhsi
ahaan iga ga aaddan - aan ka ahayn imika ahaan -inaan sahanka
Raage akhristaha la wadaago, ayaan madashiimacaasalaameeyey!
WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
No comments:
Post a Comment