Lahashada Laba Fac

 

Waa subax hore oo Khamiis ah. Bishan dhammaan rabta ee sideedaad oo dhan roobkii Karanta ayaa si wacan beledka ugu hoorray. Xareedda ayaa jidka labadiisa dhinac wadhan, meel kasta oo godanna walacleynaysa. Rayska iyo cosobka is qabsaday, udugga dhirta ka soo carfaya iyo iftiinka falaadhaha cadceedu, dhaayaha dheymo iyo indho-doogsi ugu filan. Isku milanka xaaladahani, waxay deegaanka ka dhigayaan jawi soo jiidasho iyo ashqaraar leh. 

Quruxdaas dabiiciga ah saaka waxa noo dheer safar degan oo aan ku jirno. Basaska magaalooyinka u kala socdaala mid ka mid ah ayaan la soconnaa. Waqtigii na loo sheegay ee lixda subaxnimo oo buurra ah ayuu basku dhaqaaqay. Adeegyada qolyahanni bixiyaan waa kuwa la isku hallayn karo oo lagu reeyey. Beryahan danbe qaarkood waabay sii casriyeeyeen oo barnaamij telka laga la soo dego ayaan shalay safarka ku sii dalbaday. Lacagta Saad baan ku bixiyey, kursiga aan fadhiyana sidii diyaaradaha ayaan dhinaca internetka ku sii qabsaday.

Nin oday ah, caato-xigeen ah, misanna wada cirro ah oo aan is idhi badhtamihii lixdamaadka ayuu ku jiraa ayaan isku kursi xignaa. 10-kii daqiiqo ee safarka u horreeyey telefoon ayuu ku hadlayey, waliba si cod dheer oo dadka baska saaran idilkood wada maqlayeen. Ruux wax badan kala dabarraya ayuu u muuqdaa. Ha yeeshee codkiisa dheer iyo qayladiisa ayaan karahsaday. Waan hubaa in dad badan oo kalena dhibsadeen. Waxaan is idhi, muu hoos isaga hadlo, kolayba qofka dhinaca kale khadka kaga soo jiraa, hadalkiisu wuu gaadhiye. 

Codkiisa dhegta maqashaa dhibsanaysaa wuxuu i xasuusiyey nin u dhashay Koonfurta Kuuriya, oo aan mar wada shaqayn jirnay. Ninkaasi, doc kasta oo aad ka eegtaba, dabeecadaha wuu kaga duwanaa shakhsigan aan maanta wada safrayno.  Inta badan muraadkiisa oo dhan, waa Kuuriyaankee, wuxuu ku fushan jiray farriimaha gaagaaban ee qoraalka ah. Dhaqan buu u lahaa inaanu telefoonka kuba hadlin, balse uu farriin uun diro. Dadka inta uu la macaamilaa, xubnaha qoyskiisa iyo asxaabtiisa gaarka ah ha u badnaadeene, qoraal ayay wax kasta ku kala dhamaysan jireen. Yaraydaa inta aan arkay telkiisa oo soo dhacaya ama uu ku hadlayo. Kuuriyaanka iyo ninkan odayga ahi, inkasta oo ay isku gedo dhaw yihiin, laba ilbaxnimo oo aad u kala fog ayay ka soo kala jeedaan. Sida hab-dhaqankooda qofeed u kala fog yahay ayay labadooda bulshana u kala dhaqan-dhaqaale duwan yihiin. Qolo aamusan oo waxsoosaar badan iyo qolo shaqo yar oo hadal badan ayay ku kala abtirsadaan. 

Yeelkoode ninkan odayga ah een is ag fadhino waan is fahannay markii danbe. Magiciisa Barre ayuu iigu sheegay. Waa kooxihii markii ay dugsiyada sare ka baxeen waxbarasho dibadeed Jarmalkii Galbeed loogu diray. Markii uu soo noqdayna waa la meeleeyey oo dawladda ayaa shaqo gaysay, ka hor inta aanu shaqadii dawladda ka ruqsaysan bilawgii siddeetamaadkii.

“Waad naga nasiib badan tihiin oo guryaha hooyadiin idinka oo jooga ayaad ilaa jaamacad dalkiina kaga baxaysaan” ayuu leeyahay isaga oo ku halqabsanaya Warsame oo kursiga nagu xiga fadhiya, sida uu noo sheegayna sannadkii hore waxbarashada jaamacadda soo afmeeray.

“Annaga tacliintii sare dal shisheeye oo aynaan isku af, diin iyo dhaqan midnaba ahayn ayaa na loo diray” ayuu ku sii daray. 

Warsame ayaa ka dhex galay oo waydiinaya in uu deeq waxbarasho helay oo ku baxay iyo in qoyskiisu direen. In dawladdu dirtay oo Jarmalka Galbeedna deeq waxbarasho uga soo heshay ayuu Barre xaqiijinayaa. 

Warsame ayaa ka soo horjeedsanaya inay iyagu ka nasiib badan yihiin jiilkii Barre ku jiray ee waxbarashada bilaashka ah helay. Ku darsoo Barre iyo faciisii, markii ay soo guryo noqdeenna, hore ayaa laga shaqo geeyey. Taas lidkeed, Warsame kharashka waxbarashadiisa hooyadii oo suuqa meherad ku haysata ayaa dhabarka u ridatay. Tan iyo sannadkii hore, markii uu jaamacadda ka baxayna, wali waa shaqo raadis. Saakadaa uu safrayo, imtixaan ayuu boos shaqo u galayaa. Tobanaan jeer oo hore ayuu imtixaanno u fadhiistay, kan maantanna wax ka soo bixi, Rabbi uun baa og. Sidaas oo jirta, wuu niyadsan yahay. 

“U malayn maayo in cid kooxihiinaa ka nasiib wacnayd ay jirto. Faca aan ka tirsanahay, waxaan ku soo hagaagnay waqti wax walba ay iib yihiin. Biyuhu waa lacag, laydhku waa lacag, tacliintu waa iib, caafimaadkuna waa lacag. Adeeg aan bilaash ku helnaa ha inoo danbeeyee, qashinka qaadidiisa ayaan lacag ku bixinaa. Imikana waxaba soo korodhay si aad kubad u ciyaarto, inaad lacag bixiso. Sidaas oo ay tahay, cashuuri naguma baaqato” ayuu tibaaxayaa Warsame oo sawir ka bixinaya kala duwanaanshaha labada waqti. 

“Way jirtaa in wax badani maanta iib yihiin, laakiin ka waran adiga oo lacagtiina haysta adeegii aad u baahnaydna aan heli karin” ayuu ku soo celinayaa Barre. 

Isaga oo aan jawaab ka sugin Warsame ayuu iska sii wataa dooda ah in qolyaha danbe hoodo iyo nasiib dheer yihiin kooxihii ka horeeyey, tusaalayaal dhawr ah oo kalena waa bixinayaa.

In door ah markii waydiimo iyo warcelin la isku tuurtuuray ayuu ruux kale oo isku dhegaysanayay soo dhex galay oo waydiiyey Barre iyo aragtidiisa xaaladda dalka. 

Barre sida uu u qaylo dheer yahay, uma aragti gaabna.  Ugu yaraan wuxuu u muuqdaa qof fikirkiisa si xor iyo daacad ah u cabbiraya. Isaga oo ka jawaabaya waydiinta, wuxuu ku war celiyey:

“Waxaa soo baxay ifafaalayaal aan dhakafaar ka qaaday. Ma waxaad aragteen shacab intii wax bay u barteen la yidhi ay hagradeen ama hoojiyeen; aragtiyo daaqsin-raac ah iyo kooxaysi reeraysan oo meel uu ka caaggan yahay -masaajidadana ku daroo- ay yar tahay; hodanimo degdeg ah oo tacab la’aan la raadinayo; hab-dhaqanno dhawaan soo bax ah oo aan dabar iyo damqasho toona lahayn; dad aad moodid colmoog wixii la soo maray iyo tii la soo mutayba mooggan ama degdeg u ilaaway; camal la’aan wax caadi ah iska noqotay, baahi-maalna dheer tahay. Intaas oo jirta dadku waa faraxsan yihiin”  

“Oo adeer waxsanba indhahaagu miyaanay qaban” ayuu Warsame ku soo tuurayaa.

“Wax lagu diirsadaa way jiraan, laakiin inta inaga qaloocantay inaan ku toosno ayaa ka door roon inta kolayba inoo qabsoontay inaan isku dul ilawno.” Barre ayaa ku falcelinaya. 

Goor aan anigu fikir dheer ku jiro oo aan la fal-galay lahashada laba fac iyo lurka ku lammaan ayaan ku war helay rakaabkii oo baskii ka degaya; show degmaddii aan u soconay ayaa la soo gaadhay. Nabadgelyo. 

 

 

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...