Tusmadii Waasuge "Sheeko Gaaban"



Dhaqanka Soomaalida, ma hawl yara in qofku tolka ka fikir duwanaado, gaar ahaan waqtiyada colaadaha. Maalmaha durbaanada colaadaha la tumayo, xummadda qabiilkuna ay halka u saraysa marayso, qofka cagta inoo dhiga yidhaa, waxa inta badan loo arkaa fulay bilaa damiir ah oo aan dhiig iyo dheecaan toona lahayn. In qofku si dhiiran, tol jibbaysan uga horyimaaddaa, xagal kalena wax ka tusaa, waxay u baahan tahay kalyo adayg, isku kalsoonaan iyo ku dhac, marar badanna jar iska xoornimo ayay ba noqon kartaa, marka aad tixgaliso dabayshu dhinaca ay u socoto. Waxay u baahan tahay in qofku u fikiro si madaxbanaan, ka fikiro meel ka baxsan xayndaabka qabiilka, aakhiradiisana si dhab ah ugu tudho. Ha tiro yaraadaane, way jiraan dad ku dhacaas leh.

"Walaalkay haddii aan waayay, wiilal kale oo loo loogaa, wiilal la'aan uun baa ka abdo ah. Aniga ayaa Ilaahay ku hadhaya, wiilashaa Islaameed ee dilka walaalkay loo haystaana, caf iyo saamax bay iga yihiin. Marwada iyo ubadka sabiga ah ee uu walaalkaygii alaystay ka tagayna, aniga ayaa u nool. Waxaan qabo ayay ila qabayaan, inta madaxaygu xabaal ka sareeyanna, daranyo is arki maayaan. Idinkuna tolkayow sidaas ku calool sammaada oo nabad baa ina wada deeqdee nabadda qaata."

Qofka maanta haddaba badheedhahaa la shir yimi ee haddalka kor ku xusan ka hor odhanaya boqolaal dhallinyar ah oo weerar u heensaysan, waayeel xaalad-abuur ah iyo wadaad-beeleed duulaan reer qiil u raadinayaa, waa Waasuge. Waa oday waayeel ah oo walaalkii niman ka soo jeeda beesha ay wada degaan xabbad madaxa kaga dhifteen, ka dib markii ay ku murmeen ijaarka beerahooga kala xaddeeya. Waasuge waa waayeel madaxa iyo gadhkuba cadaadeen. Waa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha beesha, marar  baddana dagaalo uu xaq u dirir u arkayay ku hoggaamiyay beesha. Ha yeeshee, waa oday nabad iyo colaad ba ka talin kara. Waa nin fahamsan culayska ka dhalan kara go'aamadda ay wadar ahaan u guddoonsadaan. Dilka maanta dhex maray reeraha ay wada yaalaan, in nabad lagu xaliyo oo xab lagu burburiyo ayaa kala aayo wacan inuu aarsado, ka dibna dagaal lagu riiqdaa, halkaa ka aloosmo. Inuu danta guud u tanaasulo oo nabadda dhidibada u taago - nacasnimo iyo daciifnimo ciddii rabtaa haba u aragtee - ayaa isaga kala caaqibo wacan inuu sokeeyaha isku liso oo kala dilo intii iskaashan lahayd ee dhib iyo dheefba wadaagi lahayd. Murtida Soomaaliyeed ee tidhaa oodi ab ka dhaw ayaa macno ahaan uga nuxur badan in isaga iyo tol soo gurmaday oo  bariba noqon doonaa ay birta ka aslaan ismahurtada dantooda isku tolan tahay.

Waasuge sanadkii uu dhashay iyo inta uu jiro bayaan uma yaqaano, laakiin roobkii gayiga maasheeyey gugii uu dhashay, hadda ku dhawaad toddoba iyo lixdan sanno ayaa laga joogaa. Waa samatalis hadalyaqaan ah oo sida geed damal ah dadka deegaanku u hadhsadaan. Xikmaddda iyo murtida ka soo burqanaysa ayaa ka yeeshay mid mar walba la hareero buuxo. Inta uu colaad u soo joogay iyo inta ay gar isaga iyo guurti kale oo waxgarad ahi, geed hoostii ka naqeen ee lagu kala bogsaday, ayay sheekadooda dad badani u soo hilloobaan.

Waasuge goobtan uu degan yahay ee beerahoodu  ku yaalaan, walaalkiina hadda lagu bireeyey ayuu awoow ka awoow deegaan ku ahaa. Waa beeralay xoolodhaqato ah oo marar xoolaha la la daaqsinraaco mooyee aan meel kale u diga rogan. Magaaladdu kama dheera oo maalin galinkeed ayaa lagu gaadhaa, balse sannooyin badanba gaadhi xammuul ah ayaa dadka iyo magaaladda isku xidha. Waasuge maalinta uu damco inuu magaaladda ka soo adeegto, isagu cagtiisa ayuu maalaa oo ma jecla siifadda iyo guuxa moodhadhka.

Badheedhaha uu dhiibtay Waasuge dad  badan oo beesha ah lama filaan iyo wax aan la liqi karin ayay ku noqotay. Wiilasha hubaysan ee la isku keenay, rag baa habeeno u soo jeeday, u saamalaylay oo u qayilayay, iyagana qayilsiiyey. Qolyo xaalad abuur ah oo xummaan aloos ah ayaa taariikhda dib u raacay oo kiisas hore oo run ah (iyo kuwo bug ahba) la shir yimi si ay dadka u kiciyaan. Niman ganacsato ah ayaa intaasi qaad, raashin iyo rasaas ba soo daabulaya si reerka wiilasha dhibta gaystay  cashar lama ilaawaan ah loogu dhigo. Wadaado ayaa ragga hubaysan intaas dhex jooga oo aayado u marinaya, una fatwoonaya in cidda iyaga ka dhimataa toos Janaddii Fardawsa u aadayaan, inta ka dhimata reerkan ay iska soo horjeedaanna, Jahanama hoy u tahay. Haween ayaa guubaabo la garab taagan oo ku buraanburaya in hablahoogu gummoobayaan haddii aan jawaab waafi ah laga bixin wax ay u arkaan gardarro si guud loo soo wada maleegay, kuwo sharwadayaal ahna fullinteeda loo saaray.  Haa haweenku waxay si hawlkarnimo leh u qaadanayaan kaalintii Hadraawi ku xusay heestiisii "Hablaha Geeska"

"Gurmashada dagaalkiyo;
Gulufkiyo colaadaha;
Goobaha naf waagiyo;
Halka laysku gowroco;
Marka gorodda lays daro;
Haddaan dumarku goonyaha;
Guubaabo kicinayn;
Sida galowga dhiilloon;
Illayn geesi qayrkii;
Birta kuma gumaadeen" Hadraawi

Qurbojoog ayaa intaasi shirar dibada ka wada, is abaabulaya oo qaadhaan ururis ku jira. Ha yeeshee caddadka dhaqaale ee ay soo diraan iyo cidda ay u soo diraan cid hubaal ahaan u ogi ma jirto. Wiilasha wada degan ee xadka beerta isku qabtay, ka dibna nasiibdaradu ka adeegtay ee shilka keentay, ayuu kiiskoodu badaha waawayn ka talaabay oo caloolxumada iyo dhiilada laga dareemayaa shanta qaaradood ee waaweynba. Shirarka jaraa'id iyo dagaalka afku waa tirabeel oo alaadaha casriga ah agabkooga kala duwan ayaa si buuxda la iskugu adeegsaday. Ma cunsurka qabiilka ayaa sidaasi u saamayn badan oo cid walba dhaqaajinaya, ma wiilka hoyday ayaa ahaa halyay madi ah oo aan dib u dhalan doonin, ma gardarro ka dhiidhi baa, mise mar hadduu la dhashay Waasuge, waa laandheere abtirsaday oo lama taabtaan ah. Mid ay tahayba, xarraarada kiiskan ka dhalatay, miyo iyo magaalo, bad iyo berri, gude iyo dibadba way saamaysay.


Reerkii oo waxaas oo abaabul ah gude iyo dibadba galay ayuu Waasuge aayar uun leeyahay nabad baan qaatay. Taasi ayaa ka dagi la' koox isku dhaca reeraha ka macaashta oo xaaladda sii hurisa, ka dibna macaash ka samaysa. Wiilal maangaabnimo iyo gacan fudayd lagu ogaa inta ay gooni ula baxeen, maalmo meel lagu hayay oo la qayilsiiyey ayaa farta loogu fiiqay laba nin oo socoto ah, deegaankana aan ahayn, balse la hayb ah nimankii Waasuge walaalkii qatalay. Iyaguna awalba ma hubsadayaal gacanfudud ayay ahaayeene, waa kuwa dhegta dhiigga u daray nimankii safarka ahaa. Waata xaaladdii degmadu cakirantay ee cirka isku shareertay. Reerkii dilka hore u gaystay oo awal is gaabinayay, hadda markii laba nin laga wadhay, iyaguna waa kuwa guluf colaadeed qaaday.


Ayaandarro, waa ta xaaladdii faraha ka baxday ee dagaal sokeeye oo aan waxba la iskula hadhin gayigii ka qarxay. Ismahurtaddii waa ta la isku lisay; iyaguna waa kuwa birta iska aslay. Tiro ma leh inta curraddo dalka ciidan u noqon lahaa, macno darro dagaalkaas laga fursan karayay, ku qudhbaxay. Kummanaan ka badan inta hooyooyin wiilashoodii waayay. Intaas in la mid ahi, waa kuwo asay qaaday ka dib markii raggoodii ay is boqno gooyeen. Tiro taas toban jibaarkeed ah oo caruur ahi waa kuwa agoomoobay ee aabo beelay. Ummulo dooxa iyo boqnogoyska meesha ka dhacay waa oday ka sheekee. Boqolaal kun oo labadii qolo ee isdilayay ah iyo bulshadii kale ee deegaankuba, waa kuwa xeryo qoxooti loo ooday ee shisheeye ku masruufo. Deegaankii beeraha iyo xoolaha caanka ku ahaa, wax soo saarka dalkana kaalin muuqata kaga jiray, colaadda gayigaasi ka aloosani waa ta u rogtay gegi cidlo ah, geyi abaareed, omos iyo arlo lagu riiqday.


Waasuge wuu hawlgabay oo da' baa ka daba timid. Wuxuun buu hadda ku dadaalaa in makasta xerada qoxootiga ku jirtaa nabad ku wada noolaadaan. Maalmaha war dhiilo leh laga keeno deegaamaddii ay ka soo bara kaceen, intan shisheeyuhu sida wadarta ah u quudinayo ee xerada ku oodan ayaan is bixinihayn. Isaga iyo qolyo kooban oo la aragti ahi, nabadaynta dadkan baahan ee haddanna xummadda qabiilku madaxmartay ayay ku hawlan yihiin. Waasuge isaga oo dadaalkaas ku jira ayay tii Alle ugu timid xerada barakacayaasha. Maanta oo ay aaskiisii joogaan ayay labadii qoloba ilmadii yaxaaska qubayaan. Kulaylka iyo dhibta soo gaadhay waxay dib u xusuusinaysaa taladiisii waayeelnimo ee ay ku dagi lahaayeen, balse aan la solansiin. Way hibataynayaan oo waa kuwaas xabaashiisa maanta ka dul barooranay ee qiraya taladiisii wacnayd ee seegtay. Sidaasi oo ay tahay, iyadba waa yaabka yaabkiise, ficil dagaalka sii huriya mooyee, ma leh karti ay nabad ku dhaliyaan. Keeni kari waaye tallo inta nool badbaadisa, xabbadda ka joojisa, xeryaha barakacayaasha ka saarta, dib u dejisa arladii ay ka soo qaxeen, beer falasho, iyo xoolo-dhaqid na dib ugu celisa. Midka kaliya ee ay heshiiska ku yihiin, labada dhinac ee is dilay ba, waa guurtinimadii iyo samataliskii Waasuge. Maxayse ugu taal maanta mar haddii wixii haad arladda joogay gayigoogan u soo guuray, galowgu wali aamus diidan yahay, maydku duleedada wadhan yahay, ubadkuna sidii u  dacdaraysan yihiin.

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...