Dugsiga Dhegoolayaasha Borama




Dugsiga ay wax ku bartaan ardayda dhegaha la' ee Magaalada Borama waxa iridaha loo furay sanadkii 1997-kii. Waxa bud-dhiga dugsigaasi gaarka ah kaalin hormoodnimo ka cayaartay haweenaydii Talyaaniga ahayd ee Annallena Tonnelli. Dugsiga Dhagoolayaasha Borama waa dugsigii u horeeyey ee noociisa ah ee laga hiragaliyo dalka tan iyo qaran jabkii. Koox arday ah oo tiradoodu dhan tahay shan arday ayaa qol ka mid ah gurigii ay deganayd Annallena loogu bilaabay duruusta gaarka ah ee ku salaysan suul dhabaalayska Soomaliyeysan.

Naxariistii Jano Alle ha ka waraabiyee Marxuum Maxamuud Abdi oo wax ku soo bartay dalka Kenya isla markaana ay barbaarintiisii iyo waxbarashadiisiiba kaalin mug leh ka geysatay haweenaydani Talyaaniga ahayd ayaa bilawgiiba ka hawl galay dugsigani. Ka sokow ardayda dhegaha la' ee uu Marxuum Maxamuud wax ku barayey dugsigaasi waxa bar-bar socotay tabobar iyo layli uu ku carbinayey macalimiinta hada wax ka dhiga dugsigani.

Waqti bilawgii dareenka iyo fal-celinta ay ka bixiyeen dadweynaha ku dhaqan magaalada Borama waxa uu ahaa mid isku dhafan. Kooxo ka mid ah dadweynuhu si weyn ayay ganafka ugu dhufteen aasaaska dugsigani iyaga oo diidmadooda gun-dhig uga dhigayey in haweenayda ajnabiga ah ee aasaaska dugsigani gacanta weyn ku lihi ay ka leedahay ujeedoyin qarsoon oo daaran khal-khal galinta ictiqaadka ubadka dhegaha la' ee dugsigani loo furay. Kooxo kale oo ka tirsan shacabku waxa ay u muujinayeen mashruucani taageero mabda'iyan ah, ha yeeshee waxa ay hoosta ka xariiqayeen in agabkii daruuriga u ahaa ee dugsi caynkan oo kale ahi uu baahnaa aanu jaahis ahayn, halka isla kooxo kale ay taageero mutuxan isla garab taageen hanaqaadka dugsigani. Si kastaba ha ahaatee, aragtidani leexsan waxa lagu toosiyey olole wacyigalineed abaabulan oo diirada saaray fahamsiinta iyo dhacsiinta waxtarka dugsigani u yeelan karo dadweyanaha.

Dhaqan ahaan umada Somaliyeed aqoon iyo waxtar toona ma bidaan ardayda iinta ku dhalata isla markaana dugsiyada looma diro, halkaasi oo xoogii iyo maskaxdii dihinayd ee ardaydaasi da'da yar lagu dayacay oo aan laga faa'iideysan.

Hawl fudud ma ahayn in bulshada la dhacsiiyo in ubadka sidaa loo soo dayici jiray boqolaal sano maanta dugsi loo diro. Eebe mahadii ha ka gaadhee, maanta wacyiga waalid badani aad buu u koray, waxana ay fahmeen in iinta ay ku dhasheen caruurta qaarkood aanay ka horjoogsanayn in ay waxbartaan oo lafahooga, waalidkooda iyo wadankoodaba anfacaan. Tani waa mid ka mid guulaha tirada badan ee uu dugsigani u soo hooyay guud ahaanba dadka afka Somaliga ku hadla..

Maanta oo laga joogo furitaankii dugsigan toban sano ku dhowaad, Dugsiga Dhegoolayaasha Borama, waxa uu marayaa kaalin hanoqaadnimo isaga oo dugsigu soo gardaadiyey ugu yaraan laba dufcadood oo arday ah kuwaasi oo maanta kaalin fir-fircon kaga jira horumarka bulshada. Waxa kale oo dugsigani kaalin hormoodnimo ka qaatay hirgalinta dugsiyo dhawr ah oo ka hirgalay magaaloyin Somaliyeed oo dhawr ah ka dib bilikeedintii dugsigani Dhegoolayaasha Ee Borama.

Dhinaca kale dil-quudheedkii iyo shirqoolkii loo geystay haweenaydii Talyaniga ahayd ee dugsigani hirgalintiisa muruq iyo maalba u hurtay, ayaa saameyn ba'an ku yeeshay dugsigani. Inkasta oo caa'iladii haweenaydaasi ay wali bixiyaan nafaqaadka ku baxa macalimiinta wax ka dhigta dugsigaasi, hadana waxa meesha ka baxay horuscodnimadii ay haweenaydaasi ku hagaysay dugsigaasi iyo waliba dadaalkii dhifka ahaa ee ay hadh iyo habeenba ku bixinaysay horumarinta ardayda, agabka iyo aqoonta macaliniminta ka hawl gala dugsigaasi.

Guntii iyo gunaanadkii, Dugsiga Dhegoolayaasha Borama waxa uu kaalin hormoodnimo kaga jiraa kobcinta maanka iyo aqoonta ardayda iinta leh ee fursadihii ay wax ku baran lahaayeen ay ka horjoogsadeen caqabadaha dhaqan-dhaqaale xumo ee isbarkan, waxana durba muuqata in midhihiisii la gurtay. Sidaa darted, waxa uu istaahilaa in lala garab joogsado taageero hiil iyo hooba leh.

Abdirahman Adan Mohamoud







4 comments:

Anonymous said...

Dear Abdirahman,

Waad ku mahadsan tahay sida joogtada ah ee aad akhristayaasha ula socodsiiso horumarka gobolka. Dugsiga Dhegooluhu waa dugsi magac u soo jiiday Borama, runtiina waxa uu inagamudan yahayinaan tagerno, gaar ahaan xiliganoo meesha ay ka baxday haweenaydii taageri jirtay.

Anonymous said...

Thanks Abdirahman for the good job and updating the Audience. Infact Borama School for the Deaf is one of the best premises of the region.

Anonymous said...

Mohamed Farah
Thanks Abdirahman for the good job and updating the Audience. Infact Borama School for the Deaf is one of the best premises of the region.

Anonymous said...

Dear Abdurahman,

Thanks for your mindful article. We have now been alerted by the text.

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...