Doorashada Kiiniya 2022 iyo duruusta ku lammaan

 

Dadweynaha dalka Kiiniya ayaa saaka u dareeray doorashada guud, taasi oo shantii sanno ba hal mar la qabto. Dad tiradoodu dhan tahay 22 milyan oo qof ayaa isku diiwaangaliyey inay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan madaxdooda. Sida ay ku warbixisay hay’adda u xilsaaran doorashooyinku, marka laga yimaad madaxweynaha iyo kuxigeenka oo isku lammaan, codbixiyayaasha maantu, waxa kale oo ay soo xulanayaan 47 badhasaab, 47 senator, 47 wakiil haween, 290 xildhibaan oo wakiilada ah iyo 1450 xubnood oo ah xubin gole deegaan ah. Dadka u tartamaya kuraasta kala duwan guud ahaan tiradoodu waa 16,100 qof. Dhaqaalaha ku baxaya doorashadan ee baarlamaanku ansixiyey waa adduun dhan $349 milyan, taasi oo sida la sheegay ka dhigaysay doorashada ugu qaalisan ee gobolkan ka dhacda.

Tartanka madaxnimo

Afar musharax ayaa ka soo gudbay isreebreebkii la soo maray oo hadda u taagan tartanka madaxweynaha. Afar ku xigeen ayaa ku lammaan. Waxa ugu saamayn badan labada isbahaysi ee Asimio la Umoja iyo Kwanza Alliance. Labada isbahaysi waxa calanka u kala sida Raila Odinga (77) iyo William Ruto (55). Labada nin ee u ordaya inay kursiga kala wareegaan Uhuru Kenyatta oo dhammaystay laba xili doorasho (10 sanno), waxay ku ololeeyeen barnaamijyo aan aad u kala fogayn. Raila waxa ugu weyn ee uu codbixiyeyaasha u balanqaaday waxa ka mid ah inuu ka dhiso gobol walba warshad waxsoosaarka xoojisa, lacag caddaan ah ($50) oo uu u qoro dad lagu qiyaasay laba milyan oo aad faqiir u ah, caymis caafimaad oo dadweynaha oo dhan ah, waxbarashada aasaasiga ah oo bilaash ah, waxsoosaarka oo uu ka dhigo udubdhexaadka dhaqaalaha iyo inuu dhiirigaliyo maalgalinta ganacisga haweenku ay hoggaamiyaan. Ruto dhankiisa, waxa ugu waaweyn dhaqaale-abuur hoos ka soo unkama, maalgalin xoog leh oo lagu sameeyo waxsoosaarka beeraha, dhiirigalinta noocyada kala duwan ee ganacsiga, gaar ahaan ka xoogsatada muruqmaalka ah, guriyeynta, adeeg caafimaad oo loo dhan yahay, tiknoolojiyada, adeegbixinta iyo la tacaalida isbeddelka cimilada.

Raila, markii shanaad ayuu u ordayaa kursiga madaxweyne, isbeddelka u weyn ee muuqdaana, waa madaxweyanaha xilka ka degaya, oo labadii doorasho ee u danbeeyey 2013 iyo 2017 ka guulaystay oo maanta si weyn u taageersan. Raila wuxuu isku dhegaa shakhsi isbeddeldoon soo jireen ah, muddo dheer soo hoggaamiyey mucaaridka, haddii la doortana, Kiiniya u horseedi doona barwaaqo iyo horumar. Ruto, si ka duwan ragga saaxadda siyaasadda horbooda, wuxuu isku sawiraa shakhsi nolosha meel hoose ka soo bilaabay, muruqmaal ahaa, kana warqaba nolosha inta badan ee dadka Kiiniya.

Raila waxa uu u soo xushay ku xigeen haweenayda lagu magacaabo Martha Karua oo wasiirka cadaaladda ka soo ahayd xukuumaddii Kibaki. Sida uu ku xusay buuggiisa “The flame of Freedom”, waxa uu Raila sheegayaa in markii lagu jiray wadahadaladii lagu soo dhisayay xukuumaddii wadaagga ahayd, ka dib doorashaddii dhiigga badani ku daatay ee 2007, ay haweenaydaasi ahayd qofka ugu mayalka adag ee ka socday dhinaca Kibaki. Waxa xusid mudan in Ruto oo isna ugu firfircoonaa, uguna mayal adkaa dhinaca Raila uu maanta yahay shakhsiga ugu weyn ee hoggaaminaya isbahaysiga loolanku ka dhexeeyo.

Ruto, isna waxa uu ku xigeen u soo xushay Rigathi Gachagua, 57 jir xubin baarlamaan ahaa. Ninkan ayaa lagu sheegay inuu aad ugu wacan yahay abaabulka iyo iskudubaridka. Labada tartame ee jagada ku xigeen, labaduba waxay ka soo jeedaan gobolka codadka qaniga ku ah ee Mount Kenya.

Marka laga yimaad barnaamijyada siyaasadeed ee ay soo bandhigeen ragga ugu cadcad hoggaamintu, waxa xaqiiq ah in bulshadu u abaabulan tahay qaab qabali ah, codbixintuna ay ku salaysan tahay dano reereed iyo matalaad deegaan. Madaxweynaha xilka ka sii degaya iyo deegaanka uu ka soo jeedo, inta badan iyaga ayaa saamayn wayn ku lahaan jiray go’aaminta maxsuulka doorasho, tirada dadkooda iyo dhaqanka isku duubnida, ha yeeshee doorashadan, qof deegaankaas ka soo jeedaa u ordi maayo kursiga u sarreeya, taasina waxay sii xoojinaysaa hubaal la’aanta ku gedaaman dhinaca miisaanku u ciiri karo.

Ragga kale ee u tartamaya kursiga madaxweyna waxa ka mid ah George Wajackoyah iyo David Waihiga. Labada midna looma arko tartame saamayn weyn leh. Ha yeeshee, Wajackoyah ayaa soo bandhigay barnaamij la yaableh oo si walba uga duwan kuwa ragga kale ee tartamaya. Qorshihiisa waxa ugu mudan inuu sharciyeeyo beerashada iyo ka ganacsiga xashiishka; abuuro beero lagu dhaqo masaska, waabayda masaskana la dhoofiyo si looga sameeyo dawada lagu mudo ruuxa halaq qaniino, la deldelo ruuxa musuq lagu helo iwm.

Guddiga Doorashada

Culays badan ayaa saaran hay’adda u xilsaaran doorashooyinka Kiiniya. In kasta oo intooda badani ay yihiin xubnihii ka garnaqay doorashadii 2017, haddana waxa laga filayaa inay hirgaliyaan doorasho hufan oo ka madhan qaladaadkii sababay in maxkamadda sare natiijadii doorashada madaxweyne ee 2017 ka dhigto waxba kama jiraan. Taasi oo jirta, durba qaladaad iyo farsamoxumo ayaa soo baxaya. Tartanka badhasaab ee gobolada Mombasa iyo Kakamega ayaa la hakiyey xalay ka dib markii ay soo baxeen qaladaad dhinaca farsamada ah, gaar ahaan iswaydaar waraaqaha codaynta ah. Sidaas oo ay tahay, kalsooni ayaa lagu qabaa in guddigani ay doorkan awood u yeelan doonaan ka garnaqa doorashada si walba iskugu sidkan ee dalka ugu dhaqaalaha wayn Bariga Afrika!

Abdirahman Adan Mohamoud 09/08/2022

abdirahman.adan@gmail.com  

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...