30 Janaayo 1984- Sheekada markhaati goobjoog ahaa

Subax degan oo waa samaad noo baryey ayay ahayd. Subax dhulka ceeryaan qarisay oo aragtidu aanay wacnayn. Maalmuhu kala tilmaamane, waa Isniin, oo ah ayaantii suubanaha nnkha uunka la keenay. Waa 30/01/1984. Fasalka shanaad ee dugsiga hoose dhexe ee Wiilasha Boorama- beryahaas Dheyga ayaa loo aqoon ogaaye- ayaan ku jiray. Al-Aqsa ayaa dugsigaas hadda loo yaqaan. 5X ayaan ahaa markaa, bilo ka hor ayaanan ka soo wareegay dugsiga hoose ee Aloog (Qasabka) oo aan 1aad ilaa 4aad ku soo qaatay.

Nusasaacihii markii aan ka soo noqonay, ayaan mar kaliya guux iyo sawaxan wada socda maqalnay. Mise muraayadihii daaqadaha ee fasalkii aan ku jirnay ayaaba soo daatay. Waa diyaarade ka yaaca ayaa xigtay. Allow kula baxso. Arday waliba halka uu is lahaa waad ku badbaadi kartaa ayuu u cararray. Carruurnimadii waxaan maqli jirnay, diyaaraduhu waxay rabaan inay qarxiyaan kaalmaha/kaydka shidaalka si magaalada oo dhammi u olosho. Aniga oo taa maanka ku haya ayaan is idhi dhinaca duurka u carar. Qiiqii, siigadii iyo uuradii qaraxyada ka dhashay ayaa dhulka oo dhan wada qariyey oo jihooyinkii ayaa iga qasmay. Ninkaygii is lahaa dhinaca barraxa u baxso, waxaan is arkay saacado badan ka dib, aniga oo horjiifa xanaanada dhexe ee hooyada iyo dhallaanka, isla markaana wax ka yar konton mitir u jirta dugsiga Sh. Cabdiraxmaan Qaadi oo ah halka dhibta ugu badani ka dhacday. Mar danbe oo qiiqii iyo uuradii kala yaraadeen oo aan kacay, dhaqaaqna is idhi, ayaan waa isla doonasho Allee, la kulmay hooyaday oo xaruntaas hooyada iyo dhallaanka ka soo baxaysa. Gacanta ayay i qabatay oo i soo kaxaysay. Mar alla markii aan gurigii soo gaadhnay, gaadhi ordaya ayaa yimid. Mee carruurtii, fuula gaadhigan. Hooyo iyadu show markiiba dhinaca dhakhtarka ayay u oroday markii loo sheegay in aabahay ku jiro dadka dhibtu soo gaadhay. Gabadha iga wayn, walaashay Caasha Aadan iyadu waa diiday inay na raacdo oo waxay tidhi, aabahay waxa ku dhacay oo aan ogaado ma ahine, tegi maayo. Sidaa ayaa intii aan anigu ugu weynaa na loo qaaday oo Faaraxyo na loo geeyey. 

Habeenkii ayaa gurigii la nagu soo celiyey. Markiiba waxaan arkay sariirta maydka lagu qaado oo banaanka taal. Dad dumar u badan oo guriga jooga. Wax baan isku wada gaysgaystay oo war dhiilo lihi inuu naga horreeyo waan iska maleeyey. Gurigii mar kaliya waa ka oohin is qabsaday markii aan soo galnay. Habaryartay, hooyaday la dhalatay, Xasna Caateeye Qayaad AHN  ayaa gacanta i qabatay, "Habo ha ooyin ee quraanka akhri" ayaan hadalkeedii ka sii xasuustaa. Kitaab quraan ah oo sideed jisle ah oo aabo Allah ha u naxariistee ii soo furay ayay ii dhiibtay. "Sow Yaasiinka ma aad gaadhin habo, Yaasiinka akhri" ayay iigu sii dartay. Habeenkii hurdo la sheego ma aanu seexan. Fikir iyo waayaha soo kordhay ayaa hurdada ii diiday. Cabsina meesha kama madhnayn. 

Sogsogley

Subixii waxa noo yimid Allah ha u naxariistee adeer Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo gaadhigiisii sabaaxa ahaa wata. Diyaargarooba waa la idin kaxaynayaaye ayaa la yidhi. Aniga oo quraac la ii soo dhigay u fadhiya, ayaan isha ku dhuftay, dharkii aabahay AHN xidhnaa shalay ka hor intii aanu geeriyoon. Maryihii oo raadkii qaraxyadu ka sii muuqdaan ayaan arkay. Waxba way iga degi waayeen oo halkaas ayaan kaga kacay.

Waxa la na geeyey Sogsogley oo beerihii awoowo ay ku yaalaan, reero qoyska ka mid ahina ay degan yihiin. Seben barwaaqo ah oo beeruhu baxeen ayay ahayd. Xasiid la noogu dubay dacar inaan in badan cunnay waan xusuusnahay. Saddex habeen inaan halkaas joognay ayaan filayaa.

Xasuuq Dadweyne

Ku soo noqo xasuuqii dadweyne. Diyaaradaha Xabashidu dad ilaa 70 qof ku dhaw ayay dileen. Dadka ugu badan ee meesha ku dhammaaday, arday yaryar oo dugsi hoose dhigta ayay ahaayeen.  12 jirro ayaa ugu waynaa. Dad kale oo waayeel ahina waa ku jireen. Ardaydu  waxay u badnaayeen dugsiga hoose ee Elementeriga. Saaxiibbo badan oo aan si fiican u garanayo ayaa halkaa ku hoyday.

Sida uu mar danbe iiga sheekeeyey adeerkay Axmed Muxumed Xirsi (Baahsane) AHN, aabahay dhaawac ayaa bilawgii soo gaadhay. Safar ayuu ahaa subaxaas oo Jabuuti ayuu u socday. Istaanka baabuurta oo dugsigaas hortiisa ah ayuu joogay. Bawdada iyo luqunta ayay laba filidh ka galeen. Baahsane waxa uu ii sheegay in go’ii shaalka ahaa ee aabahay uu huwanaa uu ku xidhay bawdada si uu dhiiga u joojiyo. Ayaandarrose, markii isbitaalka la geeyeyba waa qudhbaxay. 

Dadkii diyaaraddu ay laysay waxa lagu aasay xabaal wadareed waqooyiga magaaladda ku yaal. Ha yeeshee, aabahay AHN ehelkii markaa joogay waxay go’aansadeen inay gooni u aasaan. Xabaalihii hore ee seeraha Borama ayay ku aaseen. Waxaan qiyaasayaa inay xabaalwadareedka u diideen dareen la xidhiidha inaan meytida loo aasayn si waafaqsan milgihii ay mudnaayeen.

Dhaawac maskaxeed

Dad waa nabadeed u beryey oo aan dagaal ku jirin ayaa subaxaas la xasuuqay. Dad rayid ah, aan hubaysnayn, dugsi jooga oo waxbarasho ku foogan in diyaaraddo dagaal, iyaga oo nabad ku waabariistay  iska gumaadaan, wax si fudud loo ilaawi karo maaha. Waa taariikh mudan in jiilba jiil u gudbiyo oo quluubteena ay ku dhex noolaato. Dadka sida gardarada ah loo laayey, waalid iyo arday ba iyo daaraha burburay marka laga yimaad, waxa aan fududayn dhaawaca maskaxeed ee ardaydii aan ka midka ahaa ee ka badbaaday xasuuqaasi soo gaadhay. Waxaan xusuustaa, in sannadkaas intiisii danbe oo dhan, haddii foosto la riixo aan dugsiga ka soo cararri jirnay. Haddii shanqadh wayni dhacdo, aan judhaba xaafadda joognay. Ardayda waaweyn, gaar ahaan kuwa fasalka 8aad, farsamo ay carruurta kaga cabsiiyaan ayay soo saareen. Inta ay saddex farrood kor u taagaan, sidii wax ay cirka tilmaamayaan, ayay ku dhawaaqi jireen, “Wallaahi waa saddex’. Garro oo hadda saddexdooda farood ayay sheegayaan. Ardayda yaryar ee diyaaradduhu raadka xun ee maskaxiyanka ah u ku reebeen, saddex diyaaradood oo duulaan ah ayay u qaadan jireen. Markaaba waa yaaci jireen oo guryaha ayay gabbood ka deyi jireen.

Fasixii sannadkaas aniga oo Jabuuti jooga, ayaan habeen ku soo baraarugay, iyada oo la igu xoonsan yahay oo la i dejinayo. Show waan sasay oo diyaaradihii dagaalka ee Faransiiska ayaan guuxoodii maqlay, ka dibna, gidaar saddex xagal ah ayaan gabbaad ka deyey. Waxaan maqli jiray, in na loo sheegi jiray, haddii diyaarado ina soo weeraraan, in meel dhufays ah ama gidaar ah aan galno, aayatal kursina aan akhrino. Waa la ii qalbiqaboojiyey, oo inaan Jabuuti joogo la i xasuusiyey, dabadeedna hurdadii ayaan ku noqday. Waa tusaale yar oo muujinaya raadka dagaaladdu ka tagaan. Waa qayb ka mid ah xannuunada laga dabiibo dadka dhacdooyinka argagaxa leh u soo jooga.

Maxaa laga yidhi

Waxaan arkay laba maanso oo ay dhacdadaas u kala tiriyeen abwaan Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’, iyo Prof. Daahir Maxamuud Xaddi. Baroordiiqda iyo dareenwadaagga marka laga yimaad, labadaba waxa laga dheehan karaa xog ku sahansan wixii qulqulato beryahaas dunida ka taagnaa.  Abwaan Idaajaa isaga oo hogatusaalaynaya in ubadkaas iyo rayidkaas la gummaaday aanay sidaas geyin, waa kii lahaa:

Qalbi laawe ba'an iyo, 

Bahal doorsan mooyee,

Nin yaqaani Boorama, 

Bambo kuma garaaceen,

Mar kalena waa kii lahaa,

Bili weeyi samirkuye,

Adna Booramaay garo,

Abwaan Daahir Maxamuud Xaddi, isaga oo sharraxaad juqraafiyeed bixinaya, waa ka intan ku fara-yaraysanaya:

Billi iyo wanaagiyo,

Bashbash iyo barwaaqiyo,

Dhul badhaadhe jiifoo,

Lagu baahi beeliyo,

Barkhad kaydsan baan ahay.

Buqdhadii Dhammuugeed,

Balliyada agteediyo,

Biyaheeda Qoorgaab,

Beeraha Cammuudeed,

Durdurada ka buuxiyo,

Baki seeraheedii,

Buuraha ka soo rogan,

Bulxankeeda Saw iyo,

Baallaha agteeda,

Dhul ballaadhan weeyoo,

Barbarkii aad eegtaba,

Bidix iyo ilaa midig,

Waxa beero teedsane,

Beeshu nabad ku jiiftee,

Barqodharag ku joogtee,

Badarkiyo gallaydii,

Boholaha dhex jiifaa,

Boqolaal kun weeyoo,

Bal qabsoo tilmaambixin,

Kama bogan karaayee.

Abwaanku isaga oo sida muuqata ka mahadhelinaya tacsida iyo dareenqaybsiga, waa ka tixda ku soo gunaanadaya:

Baroordiiqdu maydkaba,

Ka badhkeed inay tahay,

Horaa loo bayaanshee,

Tacsi baaqa heelada,

Bihinbiha walaalnimo,

Wax kastoo baxnaanada,

Badhigooyadayda,

Ciddii baanta taydaa,

Igu booriyaysee,

Boorama haddaan ahay,

Mahad buuran,

Buuxda, iga hoo.


Allah ha u naxariisto dhammaan intii weerarkaas ku nafwayday oo dhan.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 30/01/2022

 

 



No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...