Mararka qaar naftu ma ku dirtaa oo wax qor ma ku tidhaa. Garashadaada ma carisaa oo muuqaal maskaxeedyo ma isku dubarridaa. Ma moodaa in rabitaan xoog badan oo waxsoosaar dhinaca maskaxda ah, naftu kugu dirqiyayso, haddana hiyigu ku hakinayo. Doonistaas xoogga lihi adiga oo uba hoggaansan, misana dhinac aad ka bilawdo ma garan waydaa.
Sideedaba horta sideed wax u qortaa? Sideed qoraal ku soo saartaa? Marka aad go’aansato inaad maskaxda tuujiso, ma inta aad qalin iyo warqad qaadato (ama intan danbe aalad adeegsato) uun baad wax dareerisaa? Ma fikrad ayaad horta dhistaa, ka dibna adhaxdaa oo qortaa? Ma tusmo ayaad horta samaysaa, ku horaysaa oo ku hagta? Mise horta waad fikirtaa, maskaxda maashaa oo qoraalka ku dhex diyaarisaa? Ma weedho uun baad iska dareerisaa, marka danbe isku toosisaa, mise kolba dhibicda kugu soo dhacda ayaad dhitaysaa? Cinwaanka maxaad ka yeeshaa. Marka hore miyaad raadisaa, mise gadaal ayaad ka heshaa?
Qoraal qaayo leh
In lagu kala duwan yahay u badi. Ruux ba inay si ugu badiso la soo weri. Tayda waxaan ku sheegi karaa isku dhaf. Nooca qoraalkuna waa sarjaraha ugu wayne la soco. Isku si u qorshayn maysid haddii aad qorayso qoraal cilmiyeed, maqaal ama sheeko-faneed. Mid waliba qaab gooni ah buu leeyahay. Ha yeeshee, qoraalada qaayaha lihi, wax badan ayay wadaagaan.
Mar baa jirta aan qalinka iska qaato uun oo maskaxdu maaxato oo laga yaabo inay murti dararto. Jeer kale oo waxa jirta aan qoraal hollado, balse aad maskaxda moodo inay mudaharaad ku jirto, oo waxba soo tuujin waydo. Maxsuulka xubnaha jidhka oo aan wada socon tani ku daa. Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan sow ma ahayn murtidii Soomaaliyeed. Sidani, mararka qaar, xitaa hawlaha shaqadayda rasmiga ah la xidhiidha waan kala kulmaa. Mar baa jirta degdeg wax lagaaga rabo, laakiin haddana si uun aad uga maagayso. Markan oo kale, qof ahaan, haddii aanu jirin degdeg ama culays maangal ah, waxay iigu tamarisaa inaan iskaga kaco oo baylah kale ku tooso. Mar danbe oo aad moodo inay wax furfurmeen ayaan sii daayaa wixii aan hayey. Markani aan godlado, necbiyaa ciddii ama ruuxii maskaxdaa irmaanaatay, gaagixisa ee wax kale la soo doonata. Maxaan dhibsadaa ciddii dabuubtaa aan dareerin rabo, hakad galisa ama dhantaasha.
Marar baa jira aan dhib kala muto helida mawduucii aan wax ka qori lahaa. Mawduuc marka aad hesho, marinkii waad haysaa. Mar kale oo waxa dhici karta qoraal habqan ah aad iska dareeriso. Markan waa qabyo. Haddiise la isku dubarido, wax macno leh, waa ka soo bixi karaa. Midhkan ha yaraysan, waxaba dhacda, qormo ujeeddo la’aan iska bilaabantay, in marka danbe, dabcan hawl dabadeed, ta ugu wacan soo baxdo.
Fahan oo faaqid
Mawduuca aad wax ka qorayso, fahan oo dhuux. Akhriska badso, qoraayo kala duwanna waxsoosaarkooda maskaxeed dhugo. U fiirso habqoraalkooda; sida ay weedhaha u dhisayaan, xulashada erayga iyo dulucda hadalka. Qoraalkaaga, inta aanad baahin, kala huf oo kala haadi. Ku noqnoqo oo isha ka gur. Hubi oo tusmee. In cidi isha kaa daba mariso ceeb ha u arkin. Ishaadu wax ay ilduuftay in ta ruuxa kale qabato ayaa suurtagal ah. Sidaas ayaabay u badan tahay. Isku kalsoonow, kaligaana ha is wada mahadin. Labadan isku miisaan.
Aftahamo dhigan
Fududee oo ha adkayn. Erayo sahlan oo la wada fahmi karo adeegso. Xeerarka qoraalka ha u daymo la’aan. Hakad, joogsi, halkii xaraf wayn u baahan, xuruufta laballaabanta, intaba si gaar ah uga feejignow. Adeegso hadal-bilayaasha farshaxamada muujiya sida duurxulka, sarbeebta, qofaynta, halqabsiyada iyo humaagaynta. Isku day in qoraalkaagu hungurimar yeesho. Inuu noqdo kii Xasan Sh. Muumin AHUN sheegayey markuu erayga dhigan ee Soomaaliga ka hadlayey ee uu lahaa: “Carrabku qaldi maayee, Sidii caanaha qudhqudhiya”. Waa halkii macallinkaygii jaamacaddee, Prof. Faarax Cabdillaahi Fariid, ‘Faarax Shuun’, AHUN haddii aad rabto in qoraalkaaga aan laga xiiso dhicin, quraanka aad u akhriso. Waxaad ka dheefi sida fikrad loo soo dhiso, loo soo bandhigo, misana si asluubaysan oo awood badan loogu raaciyo weedho xoojinaya doodda.
Asalka banaanna, dad bay u fududahay inay fikradaha ku gudbiyaan erayga dhigan. Hadda imika abwaan tix ahaan aragti ku soo gudbinaya ka hadli mayno. Waa ruux tiraab wax inoogu sheegaya. Dadkaasi waxay xirfad gaar ah ama hibo u leeyihiin helida ereyo wada dhiibsan oo habdhac iyo baadisooc gaar ah leh. Waa aftahano ku tamarisa gudbinta adduun-arag qoddobaysan, nidaamsan oo akhristaha qunyar uga daadega. Waa farsamo ruux kasta oo ku dadaalaa baran karo oo ka lib keeni karo.
Xilkasnimo ogow
Ogow qoraalku waa mas’uuliyad. Waa shaqo ay tahay in si xilkasnimo ah loo guto. Isagu waliba hadalka la iska yidhi, wuxuu dheer yahay, waa dhaxalgal oo wuu dhigmayaa. Waa halkii hoobalkii Cabdi Sinimoo’e, AHUN, “Wixii la qoraa, quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay.”
Amaanadaas waa in qalinku u guto si xilkasnimo ah. Ruux jeclaysi iyo eex kuma tamariyo. ‘Walee qaaf ujeeddo leh, qiimahayga kuma rido’, waakii ku maansooday macallinkaygii, abwaan Gaarriye AHUN.
Qalinka mas’uulka ah, waxa ka reebban, ruux ku weerar, ku difaac, ku aarsi iyo ku danaysi gaar ah si aad si leexsan dux ugu hesho. Waa xil ay tahay in cidda kartidaas lihi ay qiimigeeda ku baraarugsanaato, ka dibna umadda ugu adeegto hubanti, hufnaan iyo asluub.
WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com