Nafqaybsi
Libdhe maalmihii nafqaybsiga lahaa ee gacanta wax la wada
galin jiray. Maalmihii dadku isku wareegi jiray ee jaarka wax la la soo cuni
jiray ama ba la la soo seexan jiray. Maalmihii ducada iyo Allebariga la iskugu
yeedhi jiray. Waa beryihii nin quud jecel oo malaha cabbiraya farxadda, laga
sheegay inuu yidhi, “Waxaan ugu farxad badanahay, marka meel duco ah la joogo,
cuntada la soo dhigayo ee qofka wax qaybinayaa nagu amro inaan afar afar u
fadhiisano!”
Laakiin, dadku wali sow isma taageeraan. Wali sow, iyaga oo
kala fog, haddanna sidii iskuma saacidaan. Sow qaabab cusub oo istaageersi
bulsho ahi ma soo ifbixin oo ma hirgalin. Sow nin iska qayilaya oo badh go’
ahi, isaga oo aan isba dhibin, telefoonkiisa gacanta garraaci maayo oo mid tol
ah, ama garasho ah, inta uu mirqaanku tuso, aayar uun toban doolar ku soo shub
iska odhan maayo. Sow ruuxaasina, ilayn waa qof wax la soo moodee, wax uun u
diri maayo xarriifkaas faarta mirqaanku u shaqaysay!
Bar-kulan
Tage maalmihii geedka xaafadda hortiisu ahaa bar-kulanka ugu
mudan ee lagu kala warqaadan jiray. Ku daaye maalmihii firaaqada badan la
haystay ee maanta oo dhan haddii aad doonto aad geedkaa ka hoos sheekayn
jirtay. Beryihii, marka lagu raagsado ee aad sheekada geedka isku ilawdo, ileen
telefoon ma jirine, mid kaa yar laguu soo diri jiray ee qadadii way qabawdaye,
soo kac uu ku odhan jiray.
Balse imikadanba, sow halkii geedka, goob kale uuni ma
beddelin. Bar-kulankaas cusub maqaaxi inay tahay, u badi. Wali marka aad sidii
sheekada iskugu ilawdid, halkii hooyo cid kaaga soo diri jirtay, sow hadda
xaasku farriin gaaban oo qoraal ah kuuma soo qorto, amaba telka kaama soo
wacdo.
Oo heedhe adigu ma soo ma hoyde ayaad tahay? Miyaa mar walba
laguu yeedhayaa? Mar walba waa lagu raadinayaa miyaa? Mar qof lagaa soo daba
diro iyo mar telka lagaa soo wacaba, ma kuu raadco uun baa? Way jirtaa, balse
mooyi sheeko jacayl, danseeg, gole ka muuqasho iyo wahsi waxay kaa tahay.
Dad is xaal og
Ku daaye waayihii bulshadu iska wada warhaysay ee is-xaal-ogayd.
Waayihii reerka dariskiina ah, waxa ku soo kordha, khayr iyo shar aad xog-ogaal
u ahayd. Maalmihii la iska war hayey ee ka dhibtu soo gaadho iyo ka badhaadhe
helaba la la ogaa ee aan oodda la kala rogan jirin. Waa ka hor inta aan aqalada
waaweyn ama sarraha dhaadheer, ganjeelada gaadh la dhigan. Maalmihii, marka
waagu beryo ee daarada la xaadhayo, maxaad ku barideen, iyo barinaye, ma
barideen ama ma soo toosteen la isku salaami jiray. Weedhahani salaan kaliya
maahee, waa bariido xeeldheer oo bedqabka xubnaha qoyska lagu hubinayo. Waa
isku san-banaani, lexejeclo iyo is- ahaansho bulsho. Imisaa iyaga oo hurda ay
ka haaday!
Dhinaca kale, si kasta oo loo kala fogaaday oo daafaha dunida
loo kala tegay, sow dadku qaabab cusub iskuguma xidhna. Sow aalado casri ah oo
dadka xidhiidhiyaa ma soo bixin. Maalin walba, marka aad booqato Faysbuugga,
sow aroos ama tacsi cid aad garanayso uguma tegtid. Iska daa degmadda aad ka
soo jeedee, sow lama socotid wixii ku soo kordha ehelka, qaraabada iyo
macaariifta, meeshay doonaanba ha joogaane. Sow markaaba kuma soo gaadho
geerida cid garasho ah haleesha, hadday doonto haba ka dhacdo Lima, Peru ama
Manila, Filibiine. Sow markaaba ma ogaatid arooska qoys garasho ah oo ka
qabsoomay Cape town, Koonfur Afrika, ama Lisbon, Boortaqiiska. Isku wareegga
iyo is booqashadu, hoosba ha u dhacdee, sow adduunweynihii iskuma soo dhawaan
oo si weyn iskuguma xidhmin.
Isku xidhka waalidka
Heer shakhsi, sow hooyo marka aad WhatsApp-ka ku
sheekaysanaysaan, wax la xidhiidha ehel, qaraabo iyo jaar, mar walba sow tii warka ku soo darta
maaha. Jeer oo aad isku haysato inaad dadka kala taqaan, sow mar walba dad
aanad aad u saxayn, ama tohoyasho dheer ka dib uun aad garataa, sheekada ma soo
galaan.
“Islaantii heblaayo ee yarkii ina hebel dhashay. Tii dee ay
ayeeyo labada ilma adeerta ahi kala dhaleen, anigana habaryarta ii ahayd,
adigana mocooyda kuugu beegnayd miyaad ilawday?”
Hooyo islaantaa aad uma xasuusto.
Waar ma waxaanad garanayn, yarkii Cabdikaafi ee markaad
yaryaraydeen aad malcaamadda wada dhigan jirteen. Waa hooyadii dee qofka aan
kuu sheegayaa.
Sow markaas, sidaadii qof maahsanaa oo hadda soo baraarrugay
magicii xaajiyadda ma heshid. Sow waliba kuma sii dartid, haa inankeedii
kalena, waa kuwii hebel (shoodhahaaga), iskuulka wada dhigan jiray. Ninkaasi waa kii dhoofay oo Maraykan buu
joogaa. Kii ka weynaa, Allah ha u naxariistee, waa kii dhintay. Sow markaa
sidaadii iskama daldalantid!
Sow ma xaqiiqsatid, in la hadalkaa hooyo mar walba dib kuugu
xidho, duni iyo xusuus sii libdhaysa. Marar badan sow hilow iyo muhasho kuguma
beero. Sow mar kale ma yaqiinsatid kaalinta waalidka ee isku xidhka ehelka,
qaraabadda iyo macaariiftii hore iyo kuwa imikaba.
Fikir iyo waydiimo darandoorri ahi sow markaa kuguma
dhashaan. Inaad adigu kaalintaadii ka
gaabisay, sow ma dareentid, gaar ahaan, markaad dhuuxdo sida kuwan aad dhashay
ay halkaa ugu liitaan. Dee laakiin horta iyagu canaan ma leeyihiin ilayn gaabiyaha u weyniba waa adigee.
Kaalintii waalidkaaga ee xidhiidhinta, sida aad xarriiqa uga hoos martay sow
markaa kuuma cadaato. Ma iskugu laab qaboojisaa in jiilba jiilka uu ka
horreeyey uu ka dad jeclaa. Ma is tustaa
in facba, faca uu ka danbeeyo u sii dhurranayo kaligii noole, kaligii
quute ah. Deegaanka iyo duruufaha is beddelay tolow kaalin intee leeg bay saameyn
arrintan ku leeyihiin.
Waar waxba deegaan iyo waayo ha ku meeraysane, qir kolayba
kaalintii waalidkaa ee xidhiidhinta iyo ka warheynta dadka inaanad gaadhayn.
Fahan in kuwa aad dhashayna, ay adigaagan isla yaaban, kaalintaadii ka sii gaabinayaan.
Kuwa ay sii dhaleena, hadda waa kuwa ay sii dhaleen, dee mooyi kuwaasi si ay
noqon doonaan.
WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
No comments:
Post a Comment