S. A. Guuleed: Geeddiga Guusha

 


 


S. A Guuleed: Geeddiga Guusha

Qormadan koobani dhawr ujeeddo ayay daaran tahay. In la aqoonsado dadaalkii iyo nafhurkii uu Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed ku soo bixiyey hanaqaadka aqoonta bulshadiisa. Qofka aan dadka u mahadniqin, Allena uma mahadnaqee, in la yidhaahdo macallin mahadsanid. Intan koobani waa xurmayn iyo maamuus uu ku mutaystay adeegga dadweyne ee uu sida sharafta leh u soo gutay. Dhinac kale, waa maan godol carinaya garashada ardaydii uu macallinku wax soo baray, kuwo hore iyo kuwo danbeba, si ay iyagunna markooda, ugu yaraan qawl iyo qoraal, hadba kii suurtagal ah, ugu sharfaan.   

Prof. Sulaymaan muddo 50+ sanno ah ayuu dalkiisa u soo shaqeeyey, walina waa ma-daale heegan ah oo u adeegayaa dadkiisa. 53 sanno oo uu macallinnimo ummadiisa ugu soo adeegayey ilaa maanta, tacliinta Soomaalida wuxuu uga dhigan yahay, tiir aan liicin iyo ilays jahliga lagu iftiinsho.  Muddadaas nus qarniga waxyar kor uga badan, dadkiisa aqoon ayuu ku habayay, wuxuuna ku astaysan yahay hormuud hirgalliyey hayaanka tacliinta sare. Cawadiisa’e jiilashii uu soo aflixiyey waayahaas shanta-tobanle ka badan ayaa maanta daafaha dunida ku kala baahsan, iyaga oo jaad kasta oo aqoon ah ay wax uga bilaaban yihiin. Qaarkood waa hoggaamiyayaal bulsho, madaxweynayaal, barreyaal jaamacadeed, macallimiin, dhakhaatiir, maamulayaal, ganacsato iyo xirfadlayaal wax ka bartay laan kasta oo cilmi ah. 

Waxbaris iyo aqoon baahin kaliya maaha ee yididiilo ayuu u abuuray jiilal badan oo ku soo hagaagay xilli talo adkaatay, rajo xumo baahsanna faaftay. Dadaalkii Sulaymaan iyo ragga la midka ahi horseedeen, wuxuu dhalay, goor arrinxumo arlada aafaysay, in tamarta bulshada dib loogu jiheeyo dhinaca samaha iyo tognaanta. Sidaas ayay waxbarashadu, tayo kastaba ha lahaatee, ku soo labakaclaysay oo uu ku dhashay baraarug bulsho oo samadoon ah, wax dhisid iyo horumar leh. 

23 kii sanno ee u danbeeyey, Prof. Sulaymaan waxa uu hormuud u ahaa Jaamacadda Cammuud, surgunno oodan iyo dhadhaabo culusna waa ka soo jidbixiyey. Aragtida Prof. Sulaymaan iyo kooxdii hormuudka u ahayd unkida jaamacaddu, waxay Cammuud ka dhigtay xarun waxbarasho oo magac weyn leh, lagu soo hirto oo aqoonta tarmisa. Waxay suurtagalisay in dugsigii sare ee hoyga Cammuud ay u beddesho jaamacad weyn oo gayiga Soomaali meel walba looga soo waxbarasho doonto. Ammintan aan joogno Cammuudi waa hay’ad waxbarasho sare oo ay dhigtaan arday aan ka yarayn 5, 000 oo arday, kana kooban 15[i] kulliyadood. Waa shaqo abuure iyo shaqo bixiye weyn oo ay hadda ka hawlgalaan 302[ii] macallin. Bishii waxay mushaar u bixisaa adduun isku-darkiisu yahay rubuc malyuun doolar[iii].

Magaaladda ay ku taal ee Boorama, Cammuudi, waa u il-dhaqaale oo dakhli xoog leh ayaa ka soo gala. Waxa lagu qiyaasaa in 35%[iv] ardayda jaamacaddu ay ka yimaadeen meel ka baxsan Boorama iyo Gobolka Awdal. Joogitaanka ardaydaasi, isdhexgalka bulsho marka laga yimaado, dhaqdhaqaaq dhaqaale oo ganacsigii xaammi ka dhigay ayay magaaladda ku soo kordhiyeen. Dad badan oo dibadda ka soo noqday, hore aan gobolka deegaan ugu ahayn, balse jawiga iyo waxbarashada magaaladdu soo jiidatay, ayay Boorama imika hoy u tahay. Dadkaasi, soo degitaankooda ay Cammuudi sababta u tahay, magaaladda maalgashade, ganacsiyo furte, shaqo abuur iyo tartan ganacsinna abuure.

Maraykanka iyo Muritaaniya

Ka hor Jaamacadda Cammuud, Prof. Sulaymaan waxa uu muddo xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaraddii waxbarashada ee Soomaaliya. Waxa uu soo noqday hormuudkii Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole. Dugsigii sare ee Cammuud ayuu macallin iyo maamuleba ka soo noqday.

Anigu qof ahaan, sagaashamaadkii ayaan bartay. Goor galab ah ayaan dhegta la helay idaacaddii af-Soomaaliga ku hadli jirtay ee Itoobiya, mise ruux aanan markaa garanayn ayaa qudbad yaab leh jeedinaya. La ashqaraaray codkarnimada iyo aftahamada mas'uulka hadlaya. Aniga oo is waydiinaya qofka uu noqon karo mudanahan hore codkiisa aanan u maqlin balse ku guulaystay inuu markiiba si buuxda u hanto dareemayaasha maqalka, ayaa qudbaddii la jaray. Wariye Maxamed Xuseen Giirre (AHN) oo malahayga galabtaa idaacadda daadihinayay ayaa soo galay isaga oo codkiisii dananayay kaga dayaaminaya. Wuxuu ku tiraabay weedh aan maankayga ilaa imika ka tirtirmin. Laye, “Intaa aan kaga gudubno qudbadda Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed oo aan hadalka waxna dhimin, waxna dhaafin" Maalintaas ayaa horta maqalka codkiisa iigu horeysay. 

Waxa ii xigtay, aragti ahaan, maalmihii uu socday shirwaynihii nabadaynta ee Boorama, bilawgii 1993-kii. Wargeyskii Horyaalka Saxaafadda oo beryahaas Boorama ka soo bixi jiray ayaan kala socon jirnay geedisocodka shirka. Qudbad xiiso leh oo Prof. Sulaymaan shirka ka jeediyey ayuu joornaalku noo soo gudbiyey. Qiyaastii adkaynta nabadda iyo hub-ka-dhigista ayuu markan ka hadlayey. Erayadii uu madasha ka jeediyey, balse aan joornaalka ka akhriyey, qaybta xusuusta fog ee maankaygana ku dhegay, waxaa ka mid ahaa:

"Saddexda boqol ee wiil ee hubka sitaa, waa saddex boqol oo dawladood ee taas ogaada. Ka qoriga AK-ga ah sita iyo ka gaadhiga tiknikada ah wataanna, wuxuun bay awood ahaan u kala dhigmaan Maraykanka iyo Muritaaniya”

Isbarbardhig xiise leh ayuu hadalkani iila muuqday. Wuxuu igu dhalliyey inaan dhuuxo oo sii baadho kala duwanaanshaha weyn ee labada dal, dhinac walba. Ayaandarro, waayahaas kansho uma aanu haysan agab cilmibaadhis kaa saacidi kara. Haddii laga tagi waayo, dhegaysiga barnaamijyada idaacadaha ayaa xog laga korodhsan karayey.

Furitaankii Jaamacadda Cammuud

Sanadkii 1997-kii markii u horraysay ee aan u fadhiisannay imtixaankii lagu galayay Jaamacadda Cammuud, Prof. Xasan Cali Cismaan ayaa na marsiiyey jirrabkii u horeeyey, ha yeeshee dib ayaan imtixaan kale u galnay. Markan waxa hawsha waday oo mas'uul guud ahaa Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed. Markiiba kaftan, dhiirrigallin, niyad-dhis iyo baraarujin ayuu ku caanbaxay. Jaamacaddu way cusbayd oo su’aallo badan ayay dadku iska waydiinayeene, wuxuu ku guulaystay inuu noo hillaadiyo mustaqbal kii maalintaasi ka qurux badan. Inta badan, dhallintii markaa aan jaamacadda ku galnay oo dhan ayuu qalbiyadooda kasbaday.

Weedhaha suuqa la isla dhex marayey hubaal la’aan badan ayay ku furayeen arday waxbarasho u oomanayd, ha yeeshee aan hubin jidka ay qaadeen halka uu ku dhammaan doono. Dad badani, si qayaxan ayay noogu sheegi jireen inaanan waqti iskaga lumin waxa ay ugu yeedheen “NGO-ga Saleebaan.” Xoogagaas si-xun-wax-u-arragga ahi candhuuftooda dib bay u liqeen markay arkeen dadaalka maamulka iyo rabitaanka aan la loodin karin ee ardayda intooda badan, daba-ka-walwal ha ba iska jiree.

Midhaha Nabadda

Gugii 1999-kii ayaa waxa jaamacadda nagu soo booqday wefti odayaal ah oo aan filayo inay ka yimaadeen gobolka Togdheer. Allah ha u naxariistee Suldaan Sh.Muuse Jaamac Goodaad ayaa gadhwadeen u ahaa. Waayeel iyo hoggaamiyayaal dhaqan ayay u badnaayeen. Sida mar danbe aan ogaan doonno, socdaalku nabadayntii gobollada Bari ayuu qayb ka ahaa, weftiguna waxay u socdeen inay dhaayaha soo saaraan nabadda Galbeed ka hanaqaaday iyo heerka waxbarasho halka la marayo. Xubnihii weftigu si qiiro leh ayay noola hadleen. 

Intaas ka dib ayay koox aan ka mid ahaa ku dhalatay fikrad ah inaan safar ardaynimo ku tagno Burco iyo Yiroowe. Burco markaas laguma soo wada noqon oo Yiroowe ayaa cammiran. Faarax Cali Ciid (Allah ha u naxariistee) oo Yiroowe ka yimid, kana mid ahaa ardayda aan wax wada baranno, ayaan rabnay inuu noo sii gogolxaadho.   Barnaamij wacyigalin u badan ayaan isku dubaridnay oo Prof. Sulaymaan ayaan ula tagnay. Waxaan u sharraxnay ujeedada safarkayaga, iyo sida aan u rabno in ardayda deegaamadaasi aan ku dhiirigelino inay dugsiyada aadaan si ay midhaha nabadda iyagunna markooda u gurtaan. In socdaalkayagu nabadaynta qayb weyn ka yahay ayaan ku tiiqtiiqsanay. Gaadiid iyo shidaal ayaan waydiisannay, wixii kale ee sahay ah annaga ayaa arday ahaan isa saarnay. 

Sheeko dheer bay ahayde, wuu nagu bogaadiyey hindhisahayaga dareenka wadaninnimo ka dhashay. Ha yeeshee wuxuu noo muujiyey walaaca uu qabo; in dhulku wali miinaysan yahay, isla markaana aanu rabin in jaamiciyiintii u horaysay ee dalka u soo bixi lahayd, ay miino la kacdo! Annaga oo candhuuftayadii dib u liqnay, balse qanacsan ayaan ka soo baxnay xafiiskiisa. 

Kullankii Cigaal

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sannadihii u horeeyey ee jaamacadda si joogto ah noo soo booqan jiray, waxna noo dhigi jiray, ayaa na soo siyaartay mar aan filayo inay ku beegnayd dabayaaqadii 1999-kii. Ka hor imaatinkiisa waxa safar Boorama ku yimid madaxweynihii Somaliland ee waayahaas AHN marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Sidoo kale, Cigaal jaamacadda ayuu soo booqday. Prof. Cabdi Samatar booqashada Cigaal ee Cammuud iyo kulanka Prof. Sulaymaan aad buu u xiisaynayay inuu wax ka ogaado. Sidii kulankaasi u dhacay ayaan uga warbixinnay, ka dib markii uu naga warsaday.

Maalintaas iyo booqashadaas si weyn baan u xusuusnahay. Miiska u horreeya, safka dhexe ayaan fadhiyaa. Madaxweyne Cigaal iyo weftigiisuna, waa naga soo horjeedaan oo wax aan laba mitir dhammayn ayaa noo dhexeeya.

Prof. Sulaymaan oo soo dhawaynaya madaxweyne Cigaal ayaa hadalka ku furaya;

“Mudane madaxweyne ku soo dhawaw Jaamacadda Cammuud. Labadeenu hore halkan waan iskugu aragnay adiga oo Raysal Wasaarihii Soomaaliya ah iyo aniga oo maamulihii Dugsiga Sare ee Cammuud ah. Intaa ka dib, labadeenuba min hal darajo ayaan kor u dallacnay oo adiguna madaxweyne dal ayaad noqotay anna guddoomiye jaamacadeed ayaan noqday ee hambalyo labadeenaba”. Madaxweyne Cigaal, ereyadaas soo dhawaynta ahi aad bay uga qosliyeen, ilaa uu ku saxday beebkii uu sigaarka ku cabayay (haa shalay uun bay ahayd markii madaxdu sigaarka ku dhex qiijin jirtay shirarka iyo hoolasha dhexdooda).

Prof. Cabdi Samatar wuxuu nooga sheekeeyey kulankaas Prof. Sulaymaan sheegayo ee labada mas’uul ku dhex maray Cammuud dabayaaqaddii lixdamaadka oo uu goobjoog u ahaa. Wuxuu yidhi, isaga oo noo warramaya. “Arday baan ahaa markaas sidiina oo kale ah. Halkaa aad soo fadhidaan oo kale ayaan fadhiyey. Prof. Sulaymaan oo markaas Maraykan ka soo noqday, dhallinyar ah oo aad u firfircoon ayaa wax noo dhigi jiray. Luqada Ingiriisiga sida uu u yaqaano ayay ardayda oo dhammi jeclayd. Inaan mar uun heerkiisaas gaadhno oo sidiisa wax u baranno ayaan ku hammiyi jirnay. Heer baan gaadhnay, sidii aan ugu dayanaynnay, aan xitaa sida uu u socdo, u soconno”

Wuu sii waday oo wuxuu u dhaadhacayaa jawigii ay labada mas’uul ku kulmeen iyo waliba, ta ka sii xiiso badan, weedhihii ay is waydaarsadeen:

 “Maalin annaga oo fasalka ku jirna, oo waliba Sulaymaan noo dhigayo cashar Ingiriisi ah oo ku sahabsan sarbeebta, ayaa wefti socdaa na soo galeen. Mise waa ba raysal wasaarihii Soomaaliya, mudane Maxamed Ibraahim Cigaal oo kormeer u socda. Fasalkii ayaabu noogu soo galay. Waan xasuustaa oo sabuurada waxa markaa ku qornayd oo macallinku noo sharaxayaa weedha Ingiriisiga ah ee: “A wolf in a sheep’s clothing.”

Cigaal luqada Ingiriisiga ah aad buu u yaqaanay, nin weyn oo siyaasi ah na waa ahaa, balse Prof. Sulaymaan ayaa u faahfaahiyey in cashar taxanne ah ay qayb ka ahayd ee aanay isaga wax xidhiidh ah, haba yaraatee, la lahayn” ayuu ku soo afmeerayaa Prof. Cabdi Samatar. 

Dadaalla oo waxbarta

1997-kii markii jaamacadda la noo diyaarinayay ee luqada Ingiriisiga oo kaliya aan ku dhigan jirnay dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar, ayaan maalin ka codsanay macallinkayagii Carab Cabdilaahi Bulaalle (AHN) inuu Prof. Sulaymaan noo soo casuumo, si uu muxaadaro noo siiyo. Carab, macallin waayo arag ah oo awoodda iyo heerka aqoonta ee ardayda fahansan buu ahaayoo, wuxuu si kaftan ah noogu yidhi:

“Waar horta dadaalla oo waxbarta, odayga isba af garan maysaane”.

Waanu ku adkaysanay oo ka hadhi waynay. Maalin danbe ayaa la noogu yeedhay oo uu casharkii noo galay. Muxaadarro cilmi nafsiga ku sahabsan ayay ahayd. Markii casharkii dhammaaday ayaan arday ahaan is warraysanay. Waxa soo baxday in boqolkiiba konton wax ka yar aan ka fahannay muxaadaraddii. In hawl badanni noo taal, jid dheerna na sugayo ayaan garwaaqsanay. Macallin Carab Cabdilaahi (AHN) oo aan maalinta hore hadalkiisa ka xanaaqnay annaga oo u qaadanay inuu hoos noo dhigayo ayaan u garaabnay. Rabbi ha janneeyo macallinkaas gartay awoodda ardaydiisa. 

Dersi iyo Deeq

Annigu, qof ahaan, markii danbe ee aan jaamacadda ka shaqo galay sannadkii 2003, waxaan fursad u helay inaan Prof. Sulaymaan si dhaw ula shaqeeyo. Waxa caado u ahayd (welina u dhaqan ah, sidaan warka ku hayo) inuu subaxa hore kallaho oo Cammuud ku waabariisto. 7:30 subaxnimo marka aan tagno, durba tiro waraaqo ah ayuu diyaariyay oo uu rabaa in kombiyuutarka loogu garaaco. Xoghayn gaar ah markaas muu lahayne, wuu ii keeni jiray waraaqaha. Kalsooni badan ayuu i siin jiray oo waxa uu igu odhan jiray wixii ka qaldan sax. Sixid ha joogtee, qoraalkiisa aad baan u jeclaa oo cashar iyo darsi aan habqoraalka toolmoon ka barto ayuu ii ahaa. 

Waxaan markan xogogaal u ahaa in mushaarkiisa qayb weyn oo ka mid ah uu arday kaga bixin jiray lacagta jaamacadda lagu dhigto. Ardaydaasi waliba waxay u badnaayeen inta ka timaad meelaha Gobolka Awdal ka baxsan. Ku darsoo beryahaas jaamacaddu bilaw bay ahayd oo cid lacag joogto u qaadataa ma jirin. Marka mushaarku ilaa lix billood iyo ka badan is gaadho ee jaaliyadaha dibaddu wax soo diraan, ayaa macallimiintu siday u kala baahi badan yihiin, waxoogaa dhiigjoojin ah loo siin jiray. 

Raggan ka warhay

2016 ayaa nin aan asxaab iyo shaqowadaag nahay uu ii sheegay in Prof. Sulaymaan magaalada Nayroobi nala joogo. Wuxuu soo jeediyey inaan soo raadiyo, casuunno oo aan la cashaynno. Saaxiibkey waa dadka dedaalka iyo nafhurka Prof. Sulaymaan aad ula dhacsan. Ilaa markii uu Lafoole joogay ayuu dusha ka yaqaanay. Telefoonka ayaa ku raadiyey oo waan is helnay. Wuxuu ii sheegay inay ilaa sagaal guddoomiye jaamacadood ku wada socdaan oo ay magaalada tan Nayroobi safar shaqo ku joogaan. Soo jeedintaydii ayaan u qaddimay, isaguna sidii aan uga bartay ee qadarinta mudnayd ayuu u aqbalay. 

Isaga iyo guddoomiyeyaashii jaamacadaha ayaan fadhi tilmaaman, waqti wacan wada qaadannay. Prof. Sulaymaan oo u warramaya guddoomiyeyaashii kale, anigana igu soo halqabsanaya ayaa ka warbixiyey bilawgii hayaanka waxbarasho ee Cammuud. Wuxuu si gaar ah u dul istaagay maalin gabadh fasalkayaga ahayd oo dalka dibadda uga baxaysay ay na sii dardaartay. Iyada oo isaga markaa la hadlaysa, waxay u sheegtay inuu raggayagaa ku faro adaygo, maadaama, waa sida ay hadalka u dhigtaye, maalmo ka hor la arkay wiilasha qaar oo qoryo baayacaya oo hub iibsan raba. Haa qoryaha iyo hubka fudud sida badeecadaha ayaa suuqa si furan loogu iibin jiray!

Sheeko qosol leh; mar u duurxulaysa khatarta ardayda dul hoganaysay ee ah ka mid noqoshada dhinacyadii hubaysnaa, marna hogatusaalaynaysa waayihii iyo tegtadii laga soo gudbay ayay ahayd. 

Ruux wax dhegaysta

Sannadkii u horreeyey oo dhan, dufcadayada kaliya ayaa jaamacadda dhigan jirtay. Hawlaha waxbarasho inta badan talo-wadaag iyo wadatashi ayay ku socdeen. Kooxdii labaad markii ay soo gashay ayaa la damcay in jadwalkii basaska wax laga beddelo, si gaadiidku noogu filnaado.  Laba bas oo kaliya ayay jaamacaddu markan leedahay wax gaadiid ah. Waxa la soo jeediyey in colkayagii hore aan 6:30 subaxnimo baska soo raacno. Marxabba iyo guddoon ba la yidhi oo waa la isla qaatay. Gabadh fasalka ka mid ahayd ayaa gacanta taagtay.

“Macallin nimankani war ma hayaan oo way iska hadlayaane, waxan ay soo jeediyeen suurtagal maaha.” Si kalsooni leh ha u tidhaa.

Prof. Sulaymaan oo la yaaban hadal-caddaanta iyo dhiirranida gabadha ayaa waydiiyey sida aanay suurtagal u ahayn.

Waxay ku warcelisay;

“Annagu haddii aan hablo nahay arroorta hore ayaan kacnaa si aan qureecdooda (iyada oo annaga farta nagu soo fiiqaysa) u diyaarinno, marka aan wada quraacsiinno ee iyagu ay basaska soo aadaan, ayaan annagu haleelnaa oo aan dib diyaar garow u galnaa, markaa macallin 6:30 waa goor hore oo suurtagal nooma aha”. 

“Hadalku intaas gabadhu sheegtay ayuu ku dhan yahay” ayuu Prof. Sulaymaan ku ayiday. 

Qardhaas balaaya xijaab ah

Dabci ahaan, Prof. Sulaymaan waa ruux kaftan-dhable ah, xarruuri ah oo erayga heli og. Madal aan goobjoog ahaa oo rag ay isku arday ahaan jireen ay is xifaalaynayeen ayaa ina tusi karta sida uu erayga u heli ogyahay, dadkana u haasaawiyo. Mid baa Prof. Sulaymaan da’da ku riixay oo yidhi, “Barafasoore, adiga oo nin weyn ah oo qardhaaso badan xidhan ayaad noo timid”. Sida caadiga ah dadku xaaladdan oo kale isdifaac iyo rogaalcelis bay galaan. Sidaa si ka duwan ayuu uga falceliyey. Inta uu yara muusooday, ayuu si kaftan bilaa turxaan ah u yidhi, “Hal xabbo oo ballaayoxijaab ah ayaan sitay!”

Inta Soomaali murmayso

Prof. Sulaymaan oo booqasho ku maraya dalka Maraykanka ayaa laga reebay weedha caanbaxday ee ah “Inta Soomaali sarajoogga ku murmayso, waxaan rabaa innaan soo saaro kummanyaal jaamiciyiin ah”

Allaylehe hadalkaasi wuu rumoobay, Ilaahay iyo dadkiisuna markhaati ayay ka yihiin. Inta arday, wiilal iyo habloba leh ee, isaga iyo haldoorka la halmaalaa, rajo u abuureen, waxbareen, ee ay soo aflixiyeen ayaa ciiddaas leeg. Waxa ka sii badan, inta higsanaysa ama ka aflaxi doonta marrinka iyo majaraha ay jeexeen Sulaymaan iyo kooxda uu hormoodka u yahay. Rabbi samaha ay noo horkaceen, wanaag ha ugu doorsho.

Ifka samo ku noolow, aakhirona jannada ku waar.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Tixraacyo:



[i] Waraysi Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda Sulaymaan Xasan Cali, 30/12/2020

[ii] Waraysi madaxa waaxda shaqaalaha Siciid Xasan Habane 30/12/2020

[iii] Warbixin Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud https://www.youtube.com/watch?v=uisi8h5zGt0

[iv] Waraysi Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda Sulaymaan Xasan Cali, 30/12/2020

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...