Sahanka Raage Q2aad


Hordhac 

Muxaadaradii uu dhawaan jeediyey macallin Raage ayaa dadka, intii ay gaadhay oo dhan xiiso gaar ah u samaysay. Si ka fog sidii uu filayey, dad badan ayay dhaqaajisay.  Sida lexejeclada iyo aftahamada leh ee macallinku arrimo masiirri ah u lafaguray ayay dad badani u madax ruxeen. In kale oo door ahi, sidii uurkubaalaha wax uurkooga jiifay, intuu dooxay inuu bannaanka soo dhigay ayay u qaateen.

Iyada oo laga duulayo falcelinta togan ee ka dhalatay kullankaas dadweyne ee hore, ayaa caawana macallin Raage, madal bulsho oo furan lagu martiqaaday. Marti sharafta ugu mudan ee mar kale loo dhego taagayaa waa isla Raage. Ka soo qaybgalayaashu, badi waa dad kullankii hore seegay, balse hadalhaynta hadhi wayday ay soo kicisay. Qaar kale waa saaxiibo cusub iyo la-dhacsanayaal kullankii koowaad ka dib macallinku kasbaday.

Madashu, inkasta oo tii hore ay ka ballaadhan tahay, ka bilan tahay, kana boqran tahay, haddana Raage isagu boholyow gaar ah uma qabo.  Sababtu tahay, duqu, dabci ahaan waa qunyarsocod aan soo muuqashada faraha badan jeclayn. Kama helo in indhaha dadku ku soo wada jeedsadaan. Ma rabo inuu lumiyo xorriyadda aasaasiga ah ee uu hadda ku naaloonayo. Dooni maayo inuu ku dhaco dabinka dibadyaalnimada, waxba aanay kuu dhawrranayn ee caannimada ku lammaan. Bulshada inuu iskaga dhex qarsoonaado, marka ay munaasib ula muuqatana, intii tamartii ah, hadal iyo ficilba uu dadka taro, ayaa qorshe ahaan u dajisan. Inuu aad bulshada uga dhex muuqdo, wuxuu ka doorbidaa inuu dadkiisa iska dhex socdo. Yeelkiise, qormadii ‘Sahanka Raage’ iyo qaar ka danbeeyey ayaad moodaa inay bannaanka u soo saarayaan. “Nin durbaan tuntay, ilaaq dalbay” murtida ku tiraabta, inay xaalkiisa maanta sifaynayso ayuu arrin hadda ula muuqdaa. Sidaa darteed, codsi dad u hanwayni kala joojin waayeen ayaa macallinka caawa madasha keentay.

Xaaladda Geeska

Si kastaba, faaqidaad iyo fallanqayn ka dib, waydiin iyo warcelin ayaa la gudo galay. Bilawgiiba, ruux inuu isagu muxaadaro jeedinayo iyo inuu su’aal waydiinayo la kala garan waayey ayaa codbaahiyaha qaatay. Xidhiidhiyihii ayaa hadalka ka dhexgalay, ka codsaday inuu su’aasha ku soo dhawaado, isku celcelin dabadeedna weydiinta meesha ka soo baxday waxay noqotay sida Macallin Raage u arko dagaalka Itoobiya iyo xaaladda gobolka ku soo korodhay.

Qodobkani inaanu caawa marna madasha ka maqnaanayn, odaygu waa iska sii malaynayey. Ha yeeshee, hadalkaba waa lagu bilaabi isma uu lahayn.

“Markaan maqlay dagaalka gudaha Itoobiya ka dhacay, gaar ahaan diyaaradaha dagaalka ee Itoobiya ayaa weeraro dhinaca cirka ah ku qaaday qayb ka mid ah isla Itoobiya” ayuu jawaabtii ku bilaabay.

“Waxaan soo xusuustay dhibtii ay diyaaradaha Xabashidu na soo gaadhsiiyeen”, ayuu ku sii daray. Isaga oo hadalka sii wata waxa uu sheegay, in waxa ay nagu sameeyeen nimankaasi aanu ahayn wax la ilaawi karo; dagaal sokeeye oo gobolka ka qarxaana, wax lagu farxo aanu ahayn.

Wuxuu yidhi, waxaan soo xusuustay tuduc ka mid ah maansadii Ergo ee marxuum Gaarriye Allah ha u naxariistee:

Abeesaa laga sheegay,

Markaan aadmiga fiirsho,

Aargudaan is idhaa,

Markaan Eebe jaleecanna,

Awlaadsaan is idhaa;

Wuu sii waday oo waxa uu ku daba ladhay, ‘Imika in la kala adkaaday ayay u muuqataaye, waxaan ka jeclaa, iyaga oo isku mashquula, hore u kala bixi waaya, ka dibna dunidu u gurmato. Ciidan Soomaali ah, koofiyad buluuglayaal ah, nabad ilaallin u socda oo Maqalle iyo Baxardaar fadhiisimo ku leh, jeclaan lahaydaa naftu inay aragto.’

Halkaas marka uu marinayo ayay madashii sacab iyo or isla oogsatay.

Wuu sii wadaa oo waxa uu leeyahay, waxaan si xeeldheer u fahmi lahaa aayaddaha Quraanka ah ee inoo sheegaya sida ayaamuhu isku gedgediyaan, aadamuhuna marar kala duwan, kaalmo kala duwan u qaato. Hooseeye sarree ayaa xaaladda koobsan lahayd.

Intaas markii uu yidhi ayaan iswaydiiyey, hadda miyaanu aayaddaas wadaadku fahamsanayn. Haddana waxaan xasuustay markii Nebi Ibraahim CS, uu yidhi “Rabbi i tus sida ka dhintay aad u soo noolayso”.

Eebe waynena SWT, waa kii su’aallay ee yidhi “Oo miyaanad rumaynin? Nebi Ibraahim CS isna waa kii ku jawaabay, “Waan rumeeyee, wuxuun baan rabaa inaan qalbiga ku dajiyo”. Sidaas oo kale, ayuun buu tusaalaha uu macallinku calmaday qalbiga u sii xasillin lahaa, ayaan iskugu caqliceliyey.

Tahriibka

Ruux haweenay ah, da’ joogta, midhaa wiilal ka tahriibeen, illinta xajin la’ oo rafaad ka muuqdo ayaa waydiisay dhibaatada tahriibka sida looga gudbi karo.

Erayo qalbiqaboojin u ah hooyadaa qalbigeedu wiilasheedii raaceen inta uu waxoogaa ku dheeraaday ayuu u soo degay dhibta arlada taal. Wuxuu iftiimiyey ciilka iyo culayska ay leedahay marka wiil ugu yaraan labaatan sanno lagu soo tabcayey oo loo hanweynaa, goorta uu jaamacad ka soo baxo ay suuqa isku soo baxsadaan. Qorshe qof, mid qoys iyo ku qaran {oo baahida ka jawaabaya}, dhinacna hubaashii iskuma hawlin. Cidna uma maqna, ceelna uma qodna. Jaangoyn midha-dhal ah oo dhallinta lagu jihaynayo waligeedba cidi lama shir iman. Dhallintuna, inay rag doobinaya qabyaalad ku kala raacaan ma ogiye, waar maxaa inoo dan ah abidkood ismay waydiin. Natiijadii waa ta noqotay suudal, sibiq-dhaqaaaq iyo is-biimayn.

Dhallinyarooy, fadhigan fadhi uga noqda. Inta camal la’aani halkaa idin dhigtay, inta arrinxumo ishaa idiin yeeshay ayaan ka yarayn, haddii aanay kaba badnayn, ayuu ku doodayaa. Inaanay dantooda guud si u wada arag ayuu ku sii axadhayaa. In reernimo gaajo leh, ay wadajir dhereg leh ka doorbideen ayuu ku sii xoojinayaa. In shaqo shaadh cad kaliya la wada raadinayo, mid farsamo oo lacag badanna, in shisheeye looga dhaqaaqay ayuu carrabka ku sii adkaynayaa.

Ta xukuumad ahayna, sida aad dhallinta muruqooda iyo codkooda ugu harraad qabto maalinta aad ku guurayso, mustaqbalkoodana, waad kartaaye ugu hagarbax, ayuu maamulkana u soo jeedinayaa.

Qorsheyaal iskutashi, daacad laga yahay, barbaarta u deji, jihee oo ugu yaraan rajo u abuur.

Ugu danbayn, wuxuu leeyahay laba shay haddii la xoojiyo, cid dalka ka cararaysa, xataa iyaga oo xaaladdu ku adag tahay, la heli maayo. Waa iimaanka iyo wadaniyadda.

Fursadaha Shaqo

Waydiin mawduucan aan ka fogayn ayuu su’aalayaa wiil aan is idhi malaha fursado hore ayay qolyo qurbojoog ahi ka boobeen. Wuxuu warsaday sababta fursadaha kooban ee soo baxa, qurbajoogtu ugu cidhiidhyaan. Astaraajigii (qiyaastii istaraateji ayuu ka wadaaye) laga yeelan lahaa ayuu waydiinayaa.

Marka laga yimaad fursado si gooni ah qurbojoogta loogu xidhay, sida kuwo lagu sheego in aqoonta dalka dib loogu soo celinayo, wixii kale, intaan ogahay tartan ayay u furan yihiin. Waxaan qabaa in ruuxu isku kalsoonaado, dadaallo oo Alle talo saarto. Asalkaba, kartida iyo aqoontu kuma xidhna qofku halka uu ka yimid iyo jaamacadda uu ka soo baxay ee waxa asalka ahi waxa weeyi awooda iyo kartida shakhsiga ah. Marka intaas laga yimaad, dadka dibada ka imanaya shaqooyinka haddii ay u tartamaan ceeb maaha, waxase habboon in xilalka iyo shaqooyinkan intaan lagu tixin lagu xidho shardi ah inay wadanka muddo cayiman (ilaa 3 sanno) joogeen, si ay xog ogaal buuxa ugu noqdaan waayaha dadka iyo dalka.

Doorashada

Gabadh caddaankeeda aan markii hore ruux shisheeye u qaatay, balse markii ay hadashay aan ku baraarugay inay hablihii wadanka tahay ayaa weydiin u hollatay. Waxay tidhi raggii doorasho ayay isku soo wada sharaxeen, daacadnimo, aqoon, karti, hufnaan, sinaan iyo cadaalad nagu doortana waa la soo wada shir tageen. Ku darsoo mid la soo jirabay oo xilgudashadiisii hore la og yahay ma jiro. Arrinkaas sidee looga gudbayaa?

Su’aashaas in la i waydiiyo aad baan ugu faraxsanahay, ayuu jawaabta ku bilaabayaa isaga oo aad moodo inuu waydiintan raagsaday.

“Runta marka aan ka hadlo, werwer weyn baan ka qabaa doorashooyinka soo socda”, ayuu ku sii xigsiinayaa.

Arrinka cabsida igu hayaa waxa weeyi, bulshadii oo aad u sii kala qoqobantay, furfur bulsho oo imika aan dhibba loo arkin, qabyaaladdii oo dastuur wax lagu soo xullo inay noqoto la isku raacay iyo doorasho aan reernimo waxba uga hooseyn.  

Ku darsoo, waxa muuqata inaan waxba laga baran duruustii la soo maray. Dariiqii lagu jabay ayuun baa wali dabada la hayaa, saa reer waliba nin wax soo dhicin kara (hadda maaha mid bulshada wax tari kara) ayuu is hor wadaa. Waxa caado la qabatimay inoo noqotay in maalmahan oo kalena yaa reer hebel wax la qaban kara wax lagu saleeyo, muddo dheerna cataab iyo calaacal la weheshado.

Nimanka aad sheegtay ee halkudhegga isku wada midka ah boodhadhka ku soo xardhay, waxay ogyihiin in kalmadahani aanay warqadda lagu qoray dhaafsanayn, tigidhka kursiga geyn karaanna yahay: reernimo, lacag iyo balan afka baarkiisa ah. Intaasi marka ay xil kuu goyn karaan, waliba si degdeg ah, karti iyo hufnaan maxaa looga baahan yahay?

Mar walba qofaf wanaagsan waa la helayaa, waxase aan ka dardaarwerinayaa, waa inta badan iyo saansaanta muuqata. Marka xaal sidaa yahay, ruux kasta oo isbeddel barakaysan naawilayow, candhuuftaada dib u liq.

Marka aan isla soo miyirsano, een isla fahanno in dheefta u badani danta guud inoogu wada jirto ha inoo ahaato. Markaas ayaan isla faaqidaynaa bartilmaameedyo leh halbeegyo cadcad oo la cabbiri karo oo sal u noqda doorashada dadka aan maanta hadyad u siinayno inay ku galgashaan mustaqbalkeena iyo ka ubadkeena. Inta ka horaysa, haddii aad degdegsan tahay, waxaan kugula tallin lahaa inaad akhrisato buugga Dan iyo Dareen, cutubka 3aad, qormada 22aad ee cinwaankeedu yahay: “Dawlad Hoose, Dan iyo Dareen”.

Ugu danbayn, siba si ayay dhaantaaye, si kasta oo loo talo-xumaado, waa la ladan yahay inta arrin gacanta kuugu jirto, inta amnigaaga aanad shisheeye marti uga ahayn; inta, ayaandarro, lixdan sanno ka dib, xaal dhaafi la’ yahay diin god gal, god goray gal, goray god gal, god diin gal.

Halkaas ayuu kullankii dadweyne ku soo xidhmay. Saaxiibkaygii aan isku cag dari jirnay ayaan annaga oo jidka sii hayna ku idhi, su’aashii u danbaysay ee gabadhu waydiisay, rajo xummo weyn ayay abuurtaye, malaha inuu odaygu sidaa niyadda inooga dilo ma ahayn.

Kuye dee ma in been lagu gu maaweeliyo ayaad ka jeclayd; waxa uu sheegayaa, waa dhabe.

Maya, xitaa inuu waxoogaa yididiillo ah noo abuuro wuu diiday, ilayn dadka dalka joogaa wada quus maahee.

Waa runtaa, dadku waxmatarayaal ma wada aha, laakiin waa daawadayaal fiican oo sidii wax ay amuurahanni shaashaan ka dhacayaan ayay shaashada uun kala socdaan.

“Waar habeen wanaagsan, adiga ayaanba ka sokeyn duqii aan la yaabanaaye” ayaan saaxiibkay ku sii sagootiyey.


WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

Hiil Haween

 

Marka dal muddo dagaallo ku soo jiray, waliba kuwa sokeeye, kaliya daaraha iyo kaabayaasha-dhaqaale ma burburaane, damiirka dadka ayaa qoonma. Dhibaatooyinka muuqda ee dagaaladda laga dhaxlo - qaxa, qoxootiga, gaajada, cudurka, abaarta iyo colaadda- waxa aan ka saamayn yarayn, haddii aanay kaba raad kululeyn, aafada macnawiga ah ee ku habsata bulshooyinka dagaaladu ragaadiyeen. Adduun-arragga bulshada ayaa si aan la dhaadanayn isku beddella oo waayaha dagaalku keenay ayaa saameyn taban ku yeesha. Duruufaha dagaalka ka dhashay ayaa aragtiyaha dadka si qalafsan u qaabeeya.

Waxa horteena yaalla halbeegyo waaweyn oo iftiiminaya doorsoonka diinta, dhaqanka iyo is-ahaanshaha bulsho ku yimi. Maaha ujeedada qallinka iyo qormadan inay diiwaangaliyaan ama taxaan ifafaalayaasha ina tusaya nabaadguurka ku habsaday waxyaabihihii beryaha qaar lama-taabtaanka ahaa ama birimageydada ku astaysnaa. Eraygani waa hiil haween oo ka yimi wiil hooyo dhashay, la dhashay hablo, marwo haween xaas u tahay, isaguna hablo dhalay. Waa ka dhiidhi xadgudubka aan xadka lahayn ee hablaheena la soo dersay.

Beryahan danbe si aad u ogaato tacaddiga haweenka loo geysto, gaar ahaan kufsiga xadhkaha goostay, waxa kugu filan kaliya inaad la socota wararka ka soo yeedhaya deegaamada Soomaalida. Kiisaska kufsi ee la soo warrinayo waa tirabeel, waxaanay xadgudubkan u ekaysiinayaan wax la aqbalay, ama ugu yaraan loo arko, danbi aan sidaa u sii ridnayn. Waliba intan danbe, kufsi kaliya maaha falalka soo noqnoqday ee waa kufsi iyo qudhgoyn wada socda. Dhacdooyinka argagaxa leh ee dhiilada dhawaaqoodu dhegeheena ku soo noqnoqdeen, haddii uu jiro hal shay oo ay ka wada marag kacayaani, waa in dadnimo daba yar tahay oo bahalnimo loo dhurtay.

Waxa jirta aragti dadka qaar ay qabaan; taasi oo ah in awalba tacaddiga haweenku, gaar ahaan kufsigu bulshadeena ku badnaa. Ha yeeshee waxa isbeddelay uu yahay horumarka laga sameeyey xaga wartebinta. Dadka aragtidan qabaa waxay ku doodayaan in horeba haweenka kufsi loogu gaysan jiray, laakiin maanta dunida isku soo dhawaatay iyo adeegsiga internetku, gaar ahaan warbaahinta bulshadu, ay qudhun la huursan jiray daaha ka fayday. Foolxumadan bannaanka loo soo saaray waa ta sababtay in qaylodhaan weyni beryahan danbe, si aan kala joogsi lahayn isku qabsato.

La arkee inay aragtidan wax ka jiraan, ha yeeshee xeeldheerayaashu waxay qabaan in isbeddelka ugu wayni uu ka dhashay doorsoonka ku yimi habdhaqanka bulsho ee dib u qeexay waxyaabo awal birimageydo ku suntanaa. Waa isla doorsoonka dhallangediyey waxyaabihii laga yaqyaqsoon jiray ama laga dhiidhiyi jiray, balse imika, gadood bulsho ha inoo danbeeyee, aan didmo dhallinayn.

Waxa ka sii daran, falcelinta ka dhalata kiisaska kooban ee laga garnaqo. Qaar badan oo kiisaskaas ah jujuub iyo afduub ayaa ka dhasha. Dhibbanihii ayaa abaalmarin looga dhigaa kuwo waraaboobay oo ku mamay hanaqgoynta mataanahooga nolosha. Gabadh la faraxumeeyey, la xoogay oo la qalbijabiyey marka lagu jujuubo inay marwo u noqoto isla kii waxba xeerin waayay, miyaanay abaalmarin ahayn? Miyaanay la micno ahayn xariir la huwiyey ruux ay ahayd in la la xisaabtamo oo guudka loo saaro tacabka gedaafadda uu ku kacay? Marka sidan la yeelayo, gabadhii dulmanayd ee lagu xadgudbay, sow gef abadiya oo kii hore ka gundheer looma gaysan? Miyaan loo fahmayn in gabadh la kufsadaa aanay wax weyn ahayn, mar haddiiba ruuxa falkaa ku kaca lagu qaadayo xeer-jajab aan dadnimo, diin iyo dhaqan midna la haysan.

Xeerjajabka la sheego in lagu soo afmeero kiisaska kufsiga, waxa inta badan gadhwadeen ka ah hoggaanka dhaqanka. Ilaa imikana, xeerjajabkaasi, xaaladda oo uu sii dacareeyo mooyee, xal waara ma keenin. Sidaa darteed, waxa la gaadhay goortii aan ka dhiidhiyi lahayn dhaqanxumada iyo arxandarada lagu hayo hablaheena. Waxa la joogaa amintii aan cod dheer ku wada odhan lahayn, maya ma aqbali karno boqnagoynta hablahayaga. Aan ka wada qayb qaadano in si adag loo ciqaabo mid kasta oo ku kaca kufsi iyo nooc kasta oo xadgudub jinsi ah. Aan ka korno xeerjajabka iyo caado-dhaqameedka dadnimo iyo damqashaba ka arradan.

Allow dhawr hablaheena uu abwaan Hadraawi mar hore maansadiisa Hablaha Geeska Afrika sidan xeesha dheer ugu sifeeyey:

Gabigeed adduunyada

Gobol-gobol u qaadoo

Hablo weerar geli kara

Hablo geela dhicin kara

Hablo geesi dili kara

Gobonimana hanan kara

Hablo talada goyn kara

Garta madal ka niqi kara

Garashana iskaga mida

Quruxdana ka wada gob ah

Geesteena mooyee

Gayi kale ma joogaan

 

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

 

Lahashada Laba Fac

 

Waa subax hore oo Khamiis ah. Bishan dhammaan rabta ee sideedaad oo dhan roobkii Karanta ayaa si wacan beledka ugu hoorray. Xareedda ayaa jidka labadiisa dhinac wadhan, meel kasta oo godanna walacleynaysa. Rayska iyo cosobka is qabsaday, udugga dhirta ka soo carfaya iyo iftiinka falaadhaha cadceedu, dhaayaha dheymo iyo indho-doogsi ugu filan. Isku milanka xaaladahani, waxay deegaanka ka dhigayaan jawi soo jiidasho iyo ashqaraar leh. 

Quruxdaas dabiiciga ah saaka waxa noo dheer safar degan oo aan ku jirno. Basaska magaalooyinka u kala socdaala mid ka mid ah ayaan la soconnaa. Waqtigii na loo sheegay ee lixda subaxnimo oo buurra ah ayuu basku dhaqaaqay. Adeegyada qolyahanni bixiyaan waa kuwa la isku hallayn karo oo lagu reeyey. Beryahan danbe qaarkood waabay sii casriyeeyeen oo barnaamij telka laga la soo dego ayaan shalay safarka ku sii dalbaday. Lacagta Saad baan ku bixiyey, kursiga aan fadhiyana sidii diyaaradaha ayaan dhinaca internetka ku sii qabsaday.

Nin oday ah, caato-xigeen ah, misanna wada cirro ah oo aan is idhi badhtamihii lixdamaadka ayuu ku jiraa ayaan isku kursi xignaa. 10-kii daqiiqo ee safarka u horreeyey telefoon ayuu ku hadlayey, waliba si cod dheer oo dadka baska saaran idilkood wada maqlayeen. Ruux wax badan kala dabarraya ayuu u muuqdaa. Ha yeeshee codkiisa dheer iyo qayladiisa ayaan karahsaday. Waan hubaa in dad badan oo kalena dhibsadeen. Waxaan is idhi, muu hoos isaga hadlo, kolayba qofka dhinaca kale khadka kaga soo jiraa, hadalkiisu wuu gaadhiye. 

Codkiisa dhegta maqashaa dhibsanaysaa wuxuu i xasuusiyey nin u dhashay Koonfurta Kuuriya, oo aan mar wada shaqayn jirnay. Ninkaasi, doc kasta oo aad ka eegtaba, dabeecadaha wuu kaga duwanaa shakhsigan aan maanta wada safrayno.  Inta badan muraadkiisa oo dhan, waa Kuuriyaankee, wuxuu ku fushan jiray farriimaha gaagaaban ee qoraalka ah. Dhaqan buu u lahaa inaanu telefoonka kuba hadlin, balse uu farriin uun diro. Dadka inta uu la macaamilaa, xubnaha qoyskiisa iyo asxaabtiisa gaarka ah ha u badnaadeene, qoraal ayay wax kasta ku kala dhamaysan jireen. Yaraydaa inta aan arkay telkiisa oo soo dhacaya ama uu ku hadlayo. Kuuriyaanka iyo ninkan odayga ahi, inkasta oo ay isku gedo dhaw yihiin, laba ilbaxnimo oo aad u kala fog ayay ka soo kala jeedaan. Sida hab-dhaqankooda qofeed u kala fog yahay ayay labadooda bulshana u kala dhaqan-dhaqaale duwan yihiin. Qolo aamusan oo waxsoosaar badan iyo qolo shaqo yar oo hadal badan ayay ku kala abtirsadaan. 

Yeelkoode ninkan odayga ah een is ag fadhino waan is fahannay markii danbe. Magiciisa Barre ayuu iigu sheegay. Waa kooxihii markii ay dugsiyada sare ka baxeen waxbarasho dibadeed Jarmalkii Galbeed loogu diray. Markii uu soo noqdayna waa la meeleeyey oo dawladda ayaa shaqo gaysay, ka hor inta aanu shaqadii dawladda ka ruqsaysan bilawgii siddeetamaadkii.

“Waad naga nasiib badan tihiin oo guryaha hooyadiin idinka oo jooga ayaad ilaa jaamacad dalkiina kaga baxaysaan” ayuu leeyahay isaga oo ku halqabsanaya Warsame oo kursiga nagu xiga fadhiya, sida uu noo sheegayna sannadkii hore waxbarashada jaamacadda soo afmeeray.

“Annaga tacliintii sare dal shisheeye oo aynaan isku af, diin iyo dhaqan midnaba ahayn ayaa na loo diray” ayuu ku sii daray. 

Warsame ayaa ka dhex galay oo waydiinaya in uu deeq waxbarasho helay oo ku baxay iyo in qoyskiisu direen. In dawladdu dirtay oo Jarmalka Galbeedna deeq waxbarasho uga soo heshay ayuu Barre xaqiijinayaa. 

Warsame ayaa ka soo horjeedsanaya inay iyagu ka nasiib badan yihiin jiilkii Barre ku jiray ee waxbarashada bilaashka ah helay. Ku darsoo Barre iyo faciisii, markii ay soo guryo noqdeenna, hore ayaa laga shaqo geeyey. Taas lidkeed, Warsame kharashka waxbarashadiisa hooyadii oo suuqa meherad ku haysata ayaa dhabarka u ridatay. Tan iyo sannadkii hore, markii uu jaamacadda ka baxayna, wali waa shaqo raadis. Saakadaa uu safrayo, imtixaan ayuu boos shaqo u galayaa. Tobanaan jeer oo hore ayuu imtixaanno u fadhiistay, kan maantanna wax ka soo bixi, Rabbi uun baa og. Sidaas oo jirta, wuu niyadsan yahay. 

“U malayn maayo in cid kooxihiinaa ka nasiib wacnayd ay jirto. Faca aan ka tirsanahay, waxaan ku soo hagaagnay waqti wax walba ay iib yihiin. Biyuhu waa lacag, laydhku waa lacag, tacliintu waa iib, caafimaadkuna waa lacag. Adeeg aan bilaash ku helnaa ha inoo danbeeyee, qashinka qaadidiisa ayaan lacag ku bixinaa. Imikana waxaba soo korodhay si aad kubad u ciyaarto, inaad lacag bixiso. Sidaas oo ay tahay, cashuuri naguma baaqato” ayuu tibaaxayaa Warsame oo sawir ka bixinaya kala duwanaanshaha labada waqti. 

“Way jirtaa in wax badani maanta iib yihiin, laakiin ka waran adiga oo lacagtiina haysta adeegii aad u baahnaydna aan heli karin” ayuu ku soo celinayaa Barre. 

Isaga oo aan jawaab ka sugin Warsame ayuu iska sii wataa dooda ah in qolyaha danbe hoodo iyo nasiib dheer yihiin kooxihii ka horeeyey, tusaalayaal dhawr ah oo kalena waa bixinayaa.

In door ah markii waydiimo iyo warcelin la isku tuurtuuray ayuu ruux kale oo isku dhegaysanayay soo dhex galay oo waydiiyey Barre iyo aragtidiisa xaaladda dalka. 

Barre sida uu u qaylo dheer yahay, uma aragti gaabna.  Ugu yaraan wuxuu u muuqdaa qof fikirkiisa si xor iyo daacad ah u cabbiraya. Isaga oo ka jawaabaya waydiinta, wuxuu ku war celiyey:

“Waxaa soo baxay ifafaalayaal aan dhakafaar ka qaaday. Ma waxaad aragteen shacab intii wax bay u barteen la yidhi ay hagradeen ama hoojiyeen; aragtiyo daaqsin-raac ah iyo kooxaysi reeraysan oo meel uu ka caaggan yahay -masaajidadana ku daroo- ay yar tahay; hodanimo degdeg ah oo tacab la’aan la raadinayo; hab-dhaqanno dhawaan soo bax ah oo aan dabar iyo damqasho toona lahayn; dad aad moodid colmoog wixii la soo maray iyo tii la soo mutayba mooggan ama degdeg u ilaaway; camal la’aan wax caadi ah iska noqotay, baahi-maalna dheer tahay. Intaas oo jirta dadku waa faraxsan yihiin”  

“Oo adeer waxsanba indhahaagu miyaanay qaban” ayuu Warsame ku soo tuurayaa.

“Wax lagu diirsadaa way jiraan, laakiin inta inaga qaloocantay inaan ku toosno ayaa ka door roon inta kolayba inoo qabsoontay inaan isku dul ilawno.” Barre ayaa ku falcelinaya. 

Goor aan anigu fikir dheer ku jiro oo aan la fal-galay lahashada laba fac iyo lurka ku lammaan ayaan ku war helay rakaabkii oo baskii ka degaya; show degmaddii aan u soconay ayaa la soo gaadhay. Nabadgelyo. 

 

 

Sahanka Raage


Muddo ayuu la soo shaqeeyey maamulladii xukuumadihii rayidka ahaa, ka hor inta aanu Jaamacaddii Ummadda macalin ka noqon. Raage intii danbe oo dhan waxbarashada ayuu u go’ay oo heersare ka gaadhay. Ku dhawaad saddex tobanle iyo badh ayuu macalin ka ahaa jaamacaddo kala duwan oo dalka iyo dibadda ah isaga oo dhigayay maadooyinka dhaqaalaha, qaanuunka iyo siyaasadda. Intan danbe odayga sheeko iyo fadhi wadaag ayaan nahay, caawase muxaadaro caam ah ayuu qabtay. Dad door ah ayaa ka soo qayb galay, qoddobo waaweyn oo masiiri ahna- intii waqtigu ku simay- dhayda ayuu ka caddeeyey. Gebagebadii su’aallo tiro badan ayaa la waydiiyey. 

Hoggaaminta iyo Adeegga Guud

 

Qofka hoggaamiyaha ah iyo sifaha laga rabo ayuu ugu horeynba ku bilaabayaa:

 

Qofka la odhan karo waa hoggaamiye, waa inuu leeyahay awood uu bulshada ku jihayn karo; dhinaca ay u socdaan maahee, jiho kale u dhaqaajin karo, ama hal-abuur uu hindisay ka midha dhallintiisa bulshada u adeegsan kara. Madaxweynihii hore ee Maraykan Ronald Reagan ayaa mar uu ka hadlayey hoggaaminta laga soo sheegay inuu yidhi, ‘Hogaamiyuhu maaha ka wax weyn isagu hirgaliya, balse waa ka dhaqaajiya dadka si ay wax weyn iyagu u fulliyaan’Markaa si kooban, hoggaamiyuhu waa inuu hiraal, karti iyo saameyn yeeshaa.

 

Hoggaaminta in sideedaba la barto iyo in loo dhasho ayuu su’aalay nin oday ah oo boorso wayn xambaarsanaa oo safka u horeeeya fadhiyey.  

 

“Way jiraan dad leh haybad iyo karti hoggaamineed oo dabiici ah, balse dadkaa laftooda waxa u furan inay aqoonneeyaan oo sii xoojiyaan. Qolyaha dugsiyada aaday laftooda waxa laga rabaa inay daraaseeyaan oo naaqishaan hoggaaminta dhaladka ah si wax looga baran karo” ayuu mawduuca ku sii darayaaRaage. 

 

“Hoggaamintu waa shay lagu tababarto oo la sii horumarin karo. Markaa waxna waa hibo iyo u dhalasho, waxna waa tababar iyo barasho” ayuu ku sii kabayaa. 

Gabadh ardayad ah oo qof codkar ah u muuqatay ayaa su’aalaysa shaqada xafiisyada dawladda iyo adeegyada guud - aragtidiisa- sida loo sii horumarin karo. 

 

“Xafiisyada dawladdu waa inay dhidibo adag ku taagnaadaan, xirfadyaqaanada ka hawlgalaa, waa inay siyaasadda ka madaxbanaan yihiin. Waa in dabaylaha isbeddelada ku sidkani aanay ruxi karin. Waa in la la xisaabtami karaa. Si fudud, waa inay adeegyo loo siman yahay bixiyaan, karti iyo adkaysi u leeyihiin ka jawaabida baahiyaha dadkooda goor iyo xaalad walba” 

 

Xeerarka, Garsoorka iyo Warbaahinta

 

Dastuur iyo xeerar qeexani waa tiir weyn oo aanay dawladnimo ka maarmin. Si loo helo xeerar iyo qawaaniin lagu kala socdo, imika wuxuu Raage iftiiminayaa ahmiyadda goleyaasha xeer-curinta u xilsaaran. 

 

Saddex sifo oo uu u arko ma-dhaafaan ayuu shaqadooda ku qeexayaa: sharci samayn, metelaad iyo la xisaabtanka xukuumadda. Ta u danbaysa ayuu carrabka ku xejinayaa oo wuxuu tilmaamayaa sida ay darruuri u tahay in dheelliga laga jiro hay’adaha xukuumiga ah. 

 

“Si aan naxariis lahayn waa inay xubnaha fullinta ugula xisaabtamaan ku shaqaynta sharciga iyo hirgalinta siyaasadda ay iyagu marka horeba soo curiyeen” ayuu ku sii ladhayaa.

Garsoorka oo lagu tilmaamo udub-dhexaadka deganaan iyo horukac bulsho ayuu mawduucan ku xidhiidhinayaa. Garsoorku waa halkay u dhimatayba. Ummad aan garsoor hagaagsan lahayni, mar ay noqotaba, kolay waa tii dunta. Waa halkii Harrison Ford’ e ‘Nabadgelyadu maaha colaad la’aanta, waa sugida cadaaladda’. 

Garsoorku waa inuu madaxbanaan yahay, loo siman yahay, eex ka madhnaadaa, hufnaantu astaan u tahay, cadaalad-na lagu majeertaa. Si intaasba loo helo, bahda garsoorka, waa in baahiyahooga aasaasiga ah qaranku daboolaa, aqoontoodana si joogto ah loo kobciyaa”

Warbaahinta oo lagu tilmaamo aalad saameyn togan iyo mid taban ba leh inuu dhawr eray ka yidhaa ayuu ka dalbaday ruux aan magaciisa iyo mihnadiisa midna sheegin, balse su’aasha uun toos u abbaaray. 

 

“Warbaahin haddii aan ka hadlayno, maaha tan laguma dhaamee dhaqaaqda ahe, kaalin weyn ayaa u banaan. Meelaha qaar waxaba la gaadhsiiyey in la yidhaa, “Cida warbaahinta hagta ayaa qalbiyadana hanata”. Markaa waa inay warka tebisaa, dadka wax bartaa, isla markaana madadaalisaa. Uma baahnin warbaahin iskudir iyo nacayb beerta. Uma baahnin warbaahin aan wax baadhin, wax qodqodin oo warkoogu dul-ka-xaadis iyo ku-tidhi-kuteen aanu dhaafsiineyn. Waxaan u baahanahay warbaahin aqoonaysan, mas’uul ah oo wax toosisa.

 

Kaalinta Bulshada   

Ilaa imika dawladda iyo laamaheeda uun buu ka hadlayee, gabadh kale ayaa xasuusisey shacabka laftooda kaalinta looga baahan yahay. 

 

“Shacabku waa inuu ul iyo diirkeed noqdaa, kala gartaa qoddobada lagu kala aragti duwanaan karo iyo kuwa u baahan midnimo guud. Waa inuu tacab ogol yahay, fadhiidnimo diidan yahay, xoogsi iyo wax-soo-saar ku foogan yahay”

Wuu sii wadaa oo mawaaqiifta muwaadinka laga filan karo ayuu tilmaamayaa. 

 

“Xumuumaddu marka ay dhabbo sax ah haysato, waa inay taageeraan, haddii kooxda xilka haysaa, tallo-maroorsi la timaadna, ka joog waryaa waa inay odhan karaan”

 

Tacliinta iyo Suugaanta 

Bulsho in lagu doorin karo waxbarasho iyo tacliin tayaysan ayuu si adag u rumeysan yahay. Wuxuu mar walba ku halqabsadaa hadalkii Nelson Mandela ee macnihiisu ahaa, ‘Tacliintu waa hubka ugu awood badan ee aad ku dhalin karto isbeddel bulsho’

Tacliinta uu is leeyahay way ina anfacaysaa, ayaan fursaddii aan su’aalaha u helay, faahfaahin kaga dalbaday. 

 

“Marka hore waxaan u baahanahay manhaj ama muqarrar ku sar-go’an durrufaheena iyo himillooyinkeena ummadeed” ayuu ku bilaabayaa. 

 

“Nidaam waxbarasho oo soo saara arday baraarugsan, dal-jecel, ku hubaysan aqoon heersare ah oo aan la loodin karin, qab wadaninimo xambaarsan oo horusocod ah”

 

Manhajkaas macallinkii gudbin lahaa oo tababaran in la helaa, waa kama tegto. Waliba tacliinta aasaasiga ah inaan culayska saarno weeyi, waayo iyada ayaa ah unuga iyo salka aqoonta. Wiilal iyo hablo in loo sinnaado ayaa la rabaa oo aan hablaha la duudsiyin, Soomaalidu dumarka guud ahaan way gacan-bidixeeyaane.  

 

Waan iska sii qiyaasay inaanu mawduucan ka baxayn isaga oo aan kaalinta haweenka wax ka odhan, waayo sida uu u godlado marka mawduucaa la soo hadal qaado ayaan ogahay. 

 

“Xaalkeena markaad daristo, farsamada gacanta,  sayniska iyo hal-abuurka inaan culayska saarno ayaa inoo dan ah ayaan is leeyahay” ayuu ku sii axadhayaa. 

 

Aniga oo si xiiso leh u dhegaysanaya falanqeyntan ayuu mid kale oo dadkii su’aalaha waydiiyey ahi dalbaday in markan diirada la saaro qayb wayn oo bulshada ka mid ah, eraygooguna saameyn ballaadhan leeyahay. Waa bahda suugaanleyda, qallinleyda iyo hal-abuurka.

 

Kaalin weyn ayaa uga bannaan dhisida dal iyo dad dhab u madaxbanaan, isku filan oo is neef ogol. Garaadka bulshada waa inay ku habaan suugaan iyo dhiganayaal hodan ah oo qaranimada godliya, garashada kobciya, dadkana isku soo dhaweeya. 

 

Waa inay u taagnaadaan la dirirka xumaanta iyo iftiiminta samaanta. Hadii ay gartaan xilka saaran oo aanay inta talada haysa halku-dhegyadooda ka daba jiibin, bulshada fahamkooda way korin karaan, una riixi karaan dhinaca danta qowmiga ahi jirto. Se waa haddii bulshada lafteedu soo jeedo, wax akhrido/maqlayso oo baraarugsan tahay. 

 

Diinta iyo Akhlaaqda Ganacsiga 

Culimada diinta oo aan looga maarmin dhisida ruux degan iyo is-jacayl bulsho ayay haddanna su’aalihii ku dul hakadeen.Nin oday ah oo wajigiisa raadkii sujuuddu ka muuqato ayaa su’aashan keenay. 

 

Culimada waxa laga rabaa inay u dabran yihiin quwaynta iimaanka, dhisida ruuxda, isjaclaysiinta shacabka iyo la dagaalanka xannuunadda bulshada damiirka ka asiiba. Dadka waa inay u dhibriyaan oo si dabacsan wax ugu sheegaan, maxaa yeelay Ilaahay (SWT) markii uu Muuse iyo Haaruun(CS) u dirayay Fircoon oo kibirkiisa la ogaa, waxa uu u sheegay inay si debecsan ula hadlaan, la arkee inuu waantoobo ama Alle ka cabsadee (Quraan 20:44)

 

Bulshada waa inay xaqa u caddeeyaan, jahliga kala dagaalaan, si xun wax u sheegga diinta ku hoos gabanayanna, waa in dhinac laga wada joogsadaa. 

 

Fasirka iyo fatwada diiniga ahi maaha inay noqoto jaantaa-rogan. Sidaas waa lagu jabaa. Waa in la helaa gole sare oo culimadu ku midaysan yihiin, iftiiminta arrimaha diintana looga danbeeyaa. 

 

Qof arraarta ku dheeraaday ayaa warsaday si aanu daldawladda wax walba uga sugin, ganacsiga gaarka ahi kaalinta uu qaadan karo?

Ganacsatadu kaalin door ah ayay dal walba ugu jiraan. Haddii ay dadaalaan, way noqon karaan shaqo-dhaliyaha ugu weyn iyo dhaqaajiyaha dhaqaalaha maxalliga ah. 

 

Ganacsigu edeb ayaanu ka madhnaan. Ha ku tartamaan hindise iyo hal-abuur dadka iyo deegaanka wax uu u soo kordhiyo ma ogiye, aan waxba u dhimin. Ta dawlad ahina, ha abuurto jawigii ganacsigaasi ku hanaqaadi lahaa, maalgalin shisheeyana soo dhiirrin lahaa. 

 

Hufnaanta

 

Wax is daba marintu in ay tahay cudur qarannimada hagaasiya aad buu ula socdaa. Markaa inuu hadalkiisan astaan ugu sameeyo ayuu rabaa. 

 

“In la cidhibtiro wax is daba marinta, mudadda fog waa in laga dhigtaa himillo la higsado, imikase, waqtiga la joogo waa in dagaal adag lagu qaado. Iimaanka iyo wadaniyaddu waa laba hub oo awood badan ee ha la adeegsado oo ha la xoojiyo. 

 

Dadka danta guud loo diray, qaranku wuu bixin karaaye, wax ay ku noolaan karaan ha u qoro. Intaa dabadeed, ruuxii xadgudba ee nafta laylyi kari waaya, ciqaab adag ha la marsiiyo. 

 

Ruux kale ayaa ka dhex galay oo mar kale xasuusiyey in qaddiyadahan waaweyn ee uu ka hadlay ay inta badan yihiin kuwo caalami ah, dalal badanna isku dayayaan hirgalintooda -itaal meel uu dhigaba. Qoddobadaas waxa ka mid ah isla xisaabtanka, dejinta xeerar anfac leh, daahfurnaanta, suuqa xorta ah iyo warbaahin xilkas ah. Wuxuu waydiiyey sida arrimahanni dal walba looga hirgalin karo, haddii aan la tixgalin kala duwanaanshaha dhaqan-dhaqaale ee shucuubta dunida iyo waayaha dal walba gaar ahaan ugu xeeran. 

 

Caagad biyo ah oo miiska u saarnayd ayuu laba jeer kabbaday, hore u soo tiirsaday oo yara xabeeb tirtay. 

 

Kala duwanaansho deegaanka, dhaqanka iyo dhaqaalaha salka ku hayaa waa jiraa, in la tixgaliyana waa mudan yahay, ha yeeshee sirtu waxay ku jirtaa sida labada la isku qabadsiinayo. Tusaale, dad badan oo aanay dani ugu jirin sarraynta sharciga iyo isla xisaabtanka ayaa ku deedafeeya arrimahan inay yihiin kuwo soo galayti ah balse aanay ahayn carro-dhalad, halka qaar kalena, u adeegsadaan uun inay ku awr-kacsadaan. Markaa arrintu ka maarmi mayso daacadnimo, feejignaan iyo fiiro-dheeri. 

 

Isku duubni

 

Gabadh ilaa mar hore gacangta taagaysay ayaa hadda fursad heshay. Waxay waydiisay sida lagu abuuri karo bulsho isku duuban oo dhan u wada jeeda iyo waxa caqabad ku noqon kara helitaanka bulsho sifahaas leh. Sidii wax aan la fahmin waydiinteeda ayay eraybixin ay soo ergisatay iftiimin ka dayday. ‘Waxan afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo Inclusive Society’ ayaan ka wadaa ayay ku sii xoojisay. 

 

Bulsho isku duuban oo isku dareen ah waa la abuuri karaa haddii la helo tiirarka udub-dhexaadka u ah isku duubnida bulshada - sinaan iyo cadaalad. Waxa sal u ah u sinaanta adeegyada bulshada, si siman ugu xaqsoorka inta la wada leeyahay oo ay ku jirto awood iyo khayraad qaybsigu. Markaas ayay bulshadu noqonaysaa isku dareen ul iyo diirkeed ah. Waxbaa wada damqaya, ka wada farxinaya ama ka wada nixinaya. Haddii aan si kale u dhigno, bulsho isku uursan oo dareen-wadaag ah ayaa dhalanaysa. 

 

Waxa caqabad ku noqda hunguri weynida, awood-maroorsiga  iyo xaqsoor la’aanta. Tabashada daba dheeraata ee xal waara laga gaadhi waayo ayaa isku bedesha gadood bulsho. Taasi waxay dhalisaa, markay ugu sahlantay, kala xigsasho iyo kala dareen, markay ugu daran tahayna, nacayb iyo gacan-ka-hadal. 

 

Hirgalin

 

Wax wada wacan ayaad sheegtaye, sidii lagu hirgalin lahaanna oday noogu yara dar, ayuu su’aalay ruux u muuqday inuu si wacan ula dhacay dood-wadaagta Raage iyo dadweynaha. 

“Isku darka intaa aan soo sheegay oo dhammi waa aasaaska dal iyo dawlad meel sare higsanaya, is neef ogol, isku filan oo ilbax ah. 

 

Intaba waa la heli karaa haddii qaad, wahsi iyo qabyaalada laga baxo oo loo koro tacab, is aaminaad, isku tanaasul  iyo wax wada qabsi. Ta ka wada muhiimsani waxa weeyi, hoggaan inta aan sheegnay aaminsan ayaa isbeddel dhab ah dhallin kara” 

 

“Allow eex ma tiraabine, aqoon ha igu cadaabin” ayuu kaga baxayaa Raage, ka dib marka uu u mahadnaqo ka soo qaybgalayaasha.

Nin aan wada soconay ayaan aragtidiisa dood-wadaaga caawa waydiiyey. 

 

‘Kuye imika ahaan uma badna in doodahani saameyn badan yeeshaan. Yeelkeede, haddii lagu celceliyo, la arkee inay raadeeyaan ajendayaasha siyaasad-dajinta iyo go’aan qaadashada mustaqbalka”

 

Aniga oo ogaalkaygii wax ku kordheen, mar kale dareemaymarinka dheer ee ina sugaya, ha yeeshee aan hubin kaalinta shakhsi ahaan iga ga aaddan - aan ka ahayn imika ahaan -inaan sahanka Raage akhristaha la wadaago, ayaan madashiimacaasalaameeyey!

 

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

abdirahman.adan@gmail.com

 


How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...