Shiine, Awood Soo Baxday
China, an emerging new power
Maxamed Faarax Cilmi
Wax badan ayay adduunyadu ka faalootey awooda
dhaqaale ee wadanka Shiinaha oo si xawli ah kusocata, marka la eego xadiga
korodhka dhaqaaaha sanadkiiba, iyo ganacsiga uu adduunyada la sameeyay
soddonkii sanadood ee ugu danbaysay, wax badan oo laga qorey iyo buugaag faro
badan oo ka faaloonaya wadanka shiinaha ayaa tilmaamay isbadelka dhaqaale,
siyaasadeed iyo saamaynta uu adduunyada ku yeelan doono, aniga oo uga faaiidaysanaya
fursadan qaaliga ah, ayaan rabaa in aan la wadaaqo akhristayaasha maqaalkan aan
kaga falanqoonayo wadanka Shiinaha, oo aan filayo in ay ka faaidaysan doonaan
akhristayaal faro badan.
Seddexdii
boqol ee sono ee ugu danbaysay waxa ka dhacay dunidan aan kudul noolnahay
isbadalo, isbadelkii koowaad wuxuu ahaa soo bixitaankii quwadii yurub oo uu
hogaaminayay wadanka Ingiriisku, kaas oo lasoo baxay awood waxsoosaar warshadeed,
xaga beeraha, dhaqaale, tiknoolojiyad iyo mid siyaasadeedba, waxa ay wax kabadaleen
nolosha dad badan oo aad u raysay halka kuwo kalena ay saamayn togan ku
yeelatey, dhul balaadhsigii gumaystaha ee qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo
Waqooyiga qaarada America ayaa u sahashay in uu dhaqaalahoodu aad u kordhi,
hantidii iyo khayraadkii qaaradahaasi yaalayna ay ka faaidaysteen si wax
soosaarkoogu u kobco, jaantus hadaan usoo qaadano wadamada Maraykanka,
Ingiriiska iyo Jarmalka wadarta isku darka waxsoosaarkooga inta ay ka ahaayeen
boqalkiiba dunida qarniyadii 19aad iyo ki 20aad, ayaa waxa ay ahayd sida tan,
1820kii wadarkta iskudarka waxsoosaarka Ingiriiska 5.2% boloqkiiba dunida, Jermalka
3.9% boqolkiiba dunida, Maraykanka 1.8% boqolkiiba dunida, sanadkii 1870 waxa
maraykanka wadarta waxsoosaarkiisu ahaa 8.8% bolqolkiiba dunida, Ingiriiska 9.0%
boqolkiiba dunida, Jarmalka 6.5% boqolkiiba dunida, isla sidoo kale sanadkii
1914 waxa Maraykanku uu kordhay xadi dhan 17.9% boqolkiiba uu u dhiganta 18.9%,
Ingiriiska 8.2% boqolkiiba dunida, Jarmalka 8.7% boqolkiiba dunida, sanadkii
1950 dagaalkii labaad ee dunida oo saamayn wayn ku yeeshay qaarada yurub kaas
oo naf iyo maalba ku baabiiyay ayaad dareemi kartaa raadkii uu kaga tagey,
waxaa wadarta waxsoosaarka Maraykanku noqotey 27.3% boqolkiiba, halka
Ingiriiska ay ahayd 6.5%, Jarmalkana 5.0%, hadaba sida aad ka dheehan karto
tusaalaha iyo xogta kor ku xusan waxaad dareemi kartaa sida Yurub gaar ahaan
Ingiriisku ugu raaxasanayay dhaqaalaha iyo wax soo saarkooda. Sharaxaada
isbadelka ka dhacay adduunyada waxay hordhac u tahay ujeedada qoraalka, waxaan
se gudo gali doonaa dulucda maqaalka.
Isbadelkii labaad ee ka hana qaadey adduunyada,
horumar kana u horseeday wuxuu ahaa soo if bixii awooda Maraykanka (The rise of
United States of America) awoodaas oo si habsami láan ah u hirgashay labaddii
boqol ee sano ee u danbaysay, Maraykanku wuxuu adduunyada ku muquuniyay awood
dhaqaale, siyaasadeed, Tiknooloji iyo mid ciidanba, waxa intaas dheer awooda
aqoonta sayniska, dhaqan iyo xaga warbaahinta, wuxuunu noqday qarnigii ugu
danbeeyay wadanka kaliya ee aduunyada ka awood, karti iyo xadaarad batey
umadaha kale oo la isku darey dhamaan, wadamada xulafada la ah wuxuu u
horseeday horumar dhaqaale oo taban halka kuwii kasoo horjeedayna uu wiiqay
dhaqaalohoodii sida Midowgii Soofiyeed iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa kale oo soo
raacay wadamada xag jirka noqday waa sida ay ugu yeeraan reer Galbeedku, sida
Afgaanistaan oo kale, Ciraaq oo uu burburiyay, iyo waliba sida ay qabaan dad ka
indho indheeya arimahaas in uu Maraykanku kasameeyay kaligii taliyayaal
wadamada bariga dhexe.
Isbaddelkii
Seddexaad oo milaygan xaadirka ah aan madaxiisii ku jirto, walina aan si rasmi
ah u dhamaystirmin waa soo kicitaanka wadanka Shiinaha (The rise of the rest) waxa
kale oo la sheegaa wadanka Japan oo ah wadanka seddexaad ee ugu dhaqaalaha
badan aduunka marka laga reebo Maraykanka oo kaalinta koowaad ku jira iyo
Shiinaha, waxa iyadana in la xuso mudan wadamada Brazil iyo Kuuriyada
Koonfureed, isku soo wada duub xadiga korodhka dhaqaale iyo xawliga uu kusocdo
wadanka shiinaha ayaan jirin wax la bar bar dhigi karo, isku cel celis
boqolkiiba toban (10%) ayuu kordhaa sanadkii, halka Maraykanka uu kobco
boqolkiiba seddex dhibic todobo iyo labaatan (3.27%), sida la saadaalinayo
wadarta isku darka waxsoosaarka Shiinuhu wuxuu ka kormari doonaa Maraykanka sanadaha
soo socda, khubarada dhaqaalaha ka faaloota qaarkood waxay sheegeen ilaa
2019ka, halka qaarna kabadan ay ku qiimeeyeen, waxa hada jirta cadeeymo faro
badan oo la taaban karo, waxana ka mid ah;
1. Shiinaha oo noqday wadanka ugu wayn xaga
ganacsiga iyo baayacmushtarka qaarada Afrika, maalgashi badana ku sameeyay
2. Shiinaha oo ah wadanka labaad ee ugu wayn
xaga maalgashiga iyo ganacsiga qaarada Yurub marka laga reebo Maraykan,
laakinse laga baqayo in uu Shiinuhu kala wareego Maraykanka
3. Wadamada Carabta iyo Aasiyada kale oo uu
xidhiidh ganacsi oo wanaagsan uu la leeyahay
4. Shiinaha oo leh siyaasada Arimaha dibada oo
ah mid aad u fiican oo aan faro galin wadamada shisheeya, lakin kaliya ku
kooban xuduudahooga
5. Xidhiidhka Ganacsi ee uu la leeyahay Wadamada
ku bohoobay BRICS oo loo soo gaabiyay Brazil, Russia, India, China iyo South
Afrika (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ah mid
aad u sareeya
6. Iyo Bangiga ay dhawaan ku dhawaaqeen wadamada
ku bahoobay BRICS ee loo yaqaan BRICS Development Bank, oo wax way ka badeli
doona dhaqaalahooda maalgashina kusamayndoonaa wadamadas xaga kaabayaasha
dhaqaalaha, Bangigan wuxuu la tartami doonaa Baanka Aduunka iyo Bangiga
Caalamiga ah ee loo yaqaan IMF International Monetary Fund
Wakhtigan
xaadirka ee aan joogno dhaqaalaha Maraykanka, wadarta wax soo saarka ee afka
qalaad loo yaqaan Gross Domestic Product (GDP) waxa weeyi $ 16,800 Trillion,
halka uu Shiinuhu yahay $ 9,240,270 Trillion sida aan kasoo xigtey Bangiga
Adduunka. Sidaas ay tahay Shiinaha waxa hor yaala arimo badan oo murugsan una
baahan in wax laga qabto kasow isbeddelka dhaqaale ee xawaaraha ku socda ee ay
sameeyeen tan iyo 1978 kii, arimahan waxa kamid ah ugu yaraan dad ku dhow 98.99
malyuun ayaa ku nool faqri iyo gaajo waxa soo gala dakhli dhan isku celcelis $
373.5 sanadkii, waana wadanka labaad ee ugu faqriga badan adduunka marka laga
yimaad Hindiya, dhanka kale isku celcelis dakhliga soo gala dadka Shiinaha
sanadkii waa qayb yar oo ka mid ah wadamada horumaray, doc kale markaan ka
fiiriyo waxa korodhka xawliga ah ee dhaqaale uu sababay sinaan laáan dadka
shiinaha ah (High inequality), magaalooyinka oo aad u fidiya (rapid
urabanization), iyo dadka gaboobaya oo badanaya (aging population), waxa intaas
soo raaca cadaadis iyo caqabado xaga biiáda iyo degaanka, hawada oo wasakhoobaysa
(Environmental Challenges). Hadaba iyada oo intaas oo caqabadood ay jiraan
misana sanadihii lasoo dhaafay Shiinuhu wuxuu kor usoo qaaday ku dhawaad 500 oo
malyuun oo qof oo uu kasoo jiiday faqri iyo gaajo una soo jiiday dabaqada dhexe
(Middle Class).
Wariye caan
ah isla markaana ah qoraa wax ku qora wargyska the New York Times oo la yiraa Thomas Friedman ayaa
sheegay in Maraykanka hoos u dhaca ku yimid Awoodiisa ay tahay mid yar, waxaana uu ku
doodayaa in Maraykanku qaaciidadii uu horumarka ku gaadhay ahayd:-
1.
Waxbarashada hose iyo ta sare oo tayo aad usaraysa lahayd, marka lagu daro
ta tiknoolojiga ama aalada computerka
2.
In ay Irridada u fureen ajaanibka socdaalka ku imanaya Maraykan kuwo xirfad
leh
3.
Kaabayaasha dhaqaale oo ahaa kuwa ugu heer sareeya adduunka
4.
Daraasaad cilmi baadhiseed ay maal galisay dawlada maraykanka xaga sayniska
iyo Tiknoolojiga aad u sareysay
5.
Iyo Xeerar aad u wanaagsan oo ay samaysteen oo u horseeday horumar
Hadaba markaad eegto qaacidadaas, wakhtigan xaadirka ah waxa
muuqata in wadamo faro badan oo adduunka kamid ah ay kaga horeeyaan, tusaale
ahaan xaga waxbarashada imtixaanaadka la qaado ee loo yaqaan PISA Maraykanku
wuxuu soo galaa kaalimaha dhexe, iyadoo kaalmaha hore ay soo galaan, Singabuur,
Japan, Shiinaha, iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa kusoo xiga Netherland, Belguim,
Swizerland, Canada, Ustareeliya iyo Finland, waxa kuwaasna soo raaca koox kale
oo Ingiriisku kamidyahay, Ireland iyo Maraykan, dhinaca kaabayaasha dhaqaale
markaad eegto waxa hada kahormaray wadamo badan oo ay kamid yihiin Sweden,
Netherland iyo Jarmalka, lakin Thomas Friedman wuxuu ku doodayaa in ay intanba
iyagu keeneen uguna horeeyeen adduunka intiisa kale la’aanteed, isla markaana
ay samayn karaan mar labaad.
Haddaba isbeddelkaa dhacaya waxa uu sababay in awoodihii
caalamka ee inta badan u gaarka ahayd wadamada reer Galbeedka lala qaybsanayno,
taas waxaa kamid ah doorka uu Shiinuhu ku yeelan doono Jimciyada Quruumaha ka
dhaxaysa, lacagta Doolarka ee caalamiga ah (The Dollar as an International
Currency) iyo Luuqada/Afka Ingiriiska (English as an International Language)
saamaynta ay ku yeelanayso, waxaan rabaa inaan is dul taago sharaxaadna ka
bixiyo labada qodob ee ugu danbeeya ee kala ah Lacagta iyo Luuqada kuna soo
gabo gabeeyo nuxurka maqaalkan.
1. Lacagta Doolarka (The Dollar as an International Currency)
Sida aad kawada warqabtaan, dagaalkii labaad ee adduunku
waxa uu burburiyay, khasaare maal iyo nafba lehna uu ugaystay wadamada Yurub
iyo Aasiya, halka Maraykanka uu kor u qaaday dhaqaalihiisa, waxa markaa
wadamada Yurub ku baaba’ay maal iyo hantidoodii, sidaas darteed waxa ay deyn
baden ka qaateen Mareykanka iyaga oo kubadashay kaydkii dahabkooda (Reserve
Gold) ahaa si ay sahnad iyo agab ciidan oo ay ku dagaal galaan usoo iibsadaan,
tani waxay kor uqaaday kaydka dahabka Maraykanka, iyo qiimaha lacagta Doolarka,
waxa kale oo ay awoodaysay dhaqaalaha iyo Siyaasada Maraykanka, isagoo noqday
quwad, kadib xulafadii ku guulaysatey dagaalkii labaad ee dunida oo ay kamid
ahaayeen Maraykanka iyo Ingiriiska oo hogaaminayay Yurub inteeda kale marka
laga reebo wadamadii Jarmalka ay isku xulafada ahaayeen iyo Ruushka oo
dagaalkii qaboobaa la la galay lagagana adkaadey, waxay seeska u dhigeen una
gogol xaadheen, ayna hirgaliyaan, hana qaadayna ilaa maanta nimaadka lacageed
ee caalamka iyo ka dhaqaaleba iyagoo sameeyay xeerar iyo nidaam dhaqaaleed oo
caalami ah, laga soo bilaabo milaygaas ilaa maanta lacagta Doolarka waxay
noqotey astaan ama lacagta ay adduunyadu wax ku kala gadeto kuna qiimayso, sayladaha
adduunyada, lacagaha kaydka ah ee ugu badan, badeecadahana lagu kala gato, tani
waxay door laxaad leh ka qaadatey korodhka dhaqaalaha Maraykanka, waxa jira
sabobo badan, waa marka koowaad ee baaxada uu yeeshay dhaqaalaha Maraykanka oo
aad u balaartey, degan, noqday mid lagu kalsoonyahay, waa marka labaad ee
lacagta Doolarka oo ah mid degan oo sixir barar lahayn inta badan. Hadaba
sanadihii 2002da ayaa waxaa soo baxdey lacagta Yuurada (Euro) oo run ahaantii
loo arkeyey in ay tahay mid badeli karta Doolarka, sanadkii 2006 lacagta
Yuuradu waxay noqotey boqolokiiba 24% lacagaha kaydka sayladaha waxanay
kudhawaatey lacagta doolarka, nasiibdaro
se wali ma ay suurto galin dhaqoolo xumaddii ka dhacday adduunka 2008 dii
awgeed. Hadaba waa maxay ujeedada aan ka leenahay in aan ogaano lacagta
Doolarka? Ujeedada ugu wayni waxa weeyi inkastoo dhaqaalaha wadanka Shiinuhu uu
aad u kobcay, xawlina uu kusocdo, maxay tahay saamaynta u ku yeelan karo
lacagta Doolarka?, halkan waxan jeclaystey in aan ku muujiyo daliilo iyo
cadeymo farobadan oo ina tusinaya isbedelka ku dhici kara lacagta doolarka.
I.
Sida khubarada qaar saadaaliyeen waxa dhaqaalaha shiinuhu uu kabadan doonaa
ugu yaraan labo jeer dhaqaalaha Maraykanka sanadka 2040ka
II.
Sanadkii 2013ka waxa wadanka labaad iyo ka seddexaad ee ugu dhaqaale badan
dunida Shiine iyo Japan ku heshiiyeen in ay isticmaalaan lacatooda marka ay wax
kala iibsanayaan, isla markaana uu Doolarku meesha ka baxayo oo marka hore ay
ahayd in ay lacagahooda Doolar u badalaan kahor inta aanay wax iibsan
III.
Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika)
(Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku heshiiyay
in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecada,
IV.
Labada hogaamiye ee Shiinaha iyo Ruushka oo mudo badan u ololoynayay
isticmaalka lacagahooda, iyo doolarka oo meesha laga saarayo ayaa ku heshiiyay
in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecadaha
V.
Shiinuhu waa wadanka ugu wayn ee ganacsi la leh qaarada Afrika, Afrika in
ay lacagta Shiinaha wax ku iibsato waa mid meesha ku jirta Shiinuhuna uu aad
ugu ololaynayo, maxaa yeelay maalgashi balaaran oo uu kusameeyay awgeed,
waxaana la rajaynayaa in maalgashigu uu gaaro $ 100 billion sanadka 2015
China-Africa Trade, ugu yaraana in kabadan 70,000 oo shirkadood Shiine ah ayaa
isticmaala lacagta Shiinaha marka ay ganacsanayaan
VI.
Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta oo ku hesheeyay in ay lacagahooda
isticmaalan marka shiinuhu batroolka ka iibsanayo Imaaraadka
VII.
Iraan waa wadan inta badan ay iska soo horjeedaan Maraykan, hadaba Hindiya
marka ay Iiraan kasoo iibsanayso Saliida oo ay isticmaali doonto Dahab
VIII.
Wadanka Saliida ugu badan kasoo gata Sucuudiga maaha Maraykanka lakin waa
shiinaha sidaas darteed waxa meesha kabxaysay lacagta Petrodollarka
IX.
Sida hal warbixin ay soo saartey Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay
sheegtey waxa lagu baaqay in la helo lacag kale oo u dhiganta kaydka lacagta
doolarka
X.
Laanta lacagaha adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IMF oo kubaaqday
in la helo lacag badasha ta Maraykanka
XI.
Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika)
(Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku dhawaaqay
Bangi cusub dhawaan intii ay socdeen ciyaaraha kubada cagta adduunka wadanka
Baraasiil, oo la magac baxay Bangiga horumarinta BRICS ama BRICS Development
Bank oo la tartami doona ama noqon doona mid udhigma bangiga adduunka (World
Bank) iyo laanta lacagaha (IMF), bangigan oo lagu bilaabay lacag dhigaal ah oo
gaadhaysa $ 50 Billion, laguna kordhin doono xadi intaa leeg, ilaa $ 100
Billion, bangigu wuxuu wax katari doonaa maalgalinta kaabayaasha dhaqaale ee
wadamadaas
XII.
Ugu danbayn, nacaybka loo qabo maraykanka oo sii kordhaya meelo badan oo
adduunka kamid ah, marka lagu daro Yurub.
Sidaas aan kor ku sheegney, ama qodobadaas aan kor
kuxusnay waxay cadayn xoogan iyo markhaati marag madoon ah u tahay isbeddelka
ku dhici doona lacagta Doolarka oo ay sababtey awoodaha adduunyada isku dheeli
tirmaya wakhtigan xaadirka ah.
2. Luuqada Ingiriiska (English as an International Language)
Luuqada Ingiriiska waxa Isticmaala adduunyada, si ay ugu
fudadayso is fahmakooga iyo isdhexgalka haday tahay xag waxbarasho iyo xag
ganacsi, ugu yaraan hal bilyan oo qof ayaa ku hadla ama isticmaala luuqada
Ingiriiska maalinkasta, qaar badan oo udhashay ayaa ku hadla, inkaloo badan oo
baratey ayaa ku hadasha, hadaba suáashu waxay tahay mansabkan ay maanta luuqada
Ingiriisku joogta siday ku heshay ama ku timid? Su’aasha kale ee iswaydiinta
mudan ayaa iyana ah isbaddelkaas dhacaya een kor kusoo xusnay saamayn intee
leeg ayuu ku yaalan karaa? Malaga yabaa Luuqada Shiinuhu inay badasho tan
Ingiriiska? Dhamaan waa suáalo macquul ah ayna haboon tahay in la is waydiiyo,
si aan uga jawaabno suáalahaas bal hada aan yara jaleecno taariikhda sida
luuqadan kusoo gaartey kaalinta maanta ay kujirto. Aanooyinka ugu waawayn waxa
kamid ah isbeddalkii warshahada ee ka dhacay Yurub ee uu hogaaminayay wadanka
Ingiriisku, waxa kale oo saamaynta wayn sii dadajisay nimaadkii dhul qaybsiga
iyo gumaystaha ee Waqooyiga America, Asiya iyo Afrika, oo sababay in wadamada
yurub keenaan dhaqankoodii, nidaamkoodii, waxbarashadoodii, fikirkoodii iyo
Siyaasadoodii, gaar ahaan wadanka Ingiriiska oo ahaa wadanka ugu saamaynta
wayn, wadamo faro badan way ku faaiideen sida Waqooyiga Amerika oo noqday
tafiirtii boqortooyada Ingiriiska kana dhaxlay awoodii iyo saamayntii ay ku
lahaayeen adduunka, halka kuwo kale oo ugub ah ay kuleedeen sida wadamo faro
badan oo ku yaal qaarada Afrika iyo Bariga dhexe, isku soo wada duub waxa
hirgashay in luuqadu ay noqoto luuqada adduunyada, waxaana sii taraarixiyay
luuqadaas wadanka Maraykanka oo si qoto dheer saamayn ugu yeeshay adduunyada.
Hadaba madaama saamayntaas ay sabab u ahayd awooda dhaqaale, maxaa is beddeli
kara haddii awood kale oo dhaqaale soo baxdo? Luuqada shiinaha waxa ku hadla
dad kor u dhaafaya 1.3 Billion, Hal Bilyan iyo Seddex boqol oo milyan oo qof,
inkabadan inta ku hadasha luuqada ingiriiska, hase ahaatee 1.3 Bilyankaasi
waxay ku noolyihiin isku xuduud ama wadan, halka Ingiriiska ay kuhadlaan umado
kala duduwan, dhinac kale hadaan ka eegno, koboca dhaqalaha Shiinaha wuxuu
bilaabay in ay durba luuqadiisa bartaan dad badan, gaar aahan dhawaan waxa la
bilaabay in luuqada Shiinaha lagu daro luuqadaha lagu barto dugsiyada
hoose/dhexe ee wadanka Holaand, marka hore ardyadu waxay baran jireen luuqadaha
Spaanishka, Faransiis iyo Jarmal, halka Ingiriisku uu ku jiro kaalinta koowaad,
waxa soo ifbaxaya in Jaamacadaha yurub lagu dhigo luuqada Shiinaha aadna loogu
hanwaynyahay in la barto si cilaaqaad ganacsi oo wanaagsan u dhexmaro, arintan
luuqada waxaa dedajinaysa, kow, Shiine waa wadanka ugu koboc badan xadiga
korodhka dhaqaale adduunyada sidaan horey usoo sheegney, labo, wuxuu qani ku
yahay hido iyo dhaqan iyo habka maamulka ganacsiga oo loogu bogay walow
galdaloolo ay jiraan, seddex, iyo Waliba wadamada uu ganacsiga ugu wayn
adduunyada la sameeyay sida qaarada Afrika oo cid kula tartantaa ayaanay jirin
oo dirawalinaysa saamayn uu ku yeesho, inkastoo ay jiraan isbeddelkaas iyo
horumarkaa kasoo iftiimaya wadanka Shiinaha hadana waxaad arkeysaa in wali
luuqada Ingiriisku sii kordhayso siina xoogaysanayso isticmaalkeedu, Ruushku
waa wadan fac wayn wuxuu bilaabay in ay bartaan luuqada Ingiriiska iyagoo mudo
diidanaa in Saamayn lagu yeesho, Hindiya luuqadooda labaad waa Ingiriis, Jarmalka
oo ah wadanka ugu wayn xaga dhaqaalaha qaarada yurub, wax soo saar ahaan iyo
Horumarna Ingiriiska cidhiidhi galiya waxa luuqada Ingiriiska lagu waajibey in
lagu bilaabo fasalka seddexaad ee dugsiga hoose, tacliinta sare waa muhiim, shaqooyinka
shirkadaha (Corporate Jops) waa lagama maarmaan in uu qofku sifican u yaqaan
luuqada ingiriiska, arintan waxaa keenay kow, saamaynta ay luuqada ingiriisku
ku yeelatey adduunka oo halkan oo kale hadaan tusaale usoo qaadano Jarmalka
ardeyda wax barasho u timaad waxay ku hadlaan luuqada Ingiriiska, markaa waa in
la helo Jaamacado Ingiriiska lagu dhigo, sidaas darteed ayay dhawaan Jarmalku
bilaabaan in lagu dhigo luuqada Ingiriiska seddex meeloodow meel tacliinta
sare, sidoo kale ardeyda Jarmalka ee wax ku baranaysa wadamada Yurub iyo
Waqooyiga Amerika oo iyakna ay waajib tahay in ay Afka Ingiriiska si fiican u
bartaan, doc kale hadaan ka qoraasano dadka dalxiisayaasha yimaad wadanka
Jarmalka iyo Jarmalka aada wadamada kale dhamaan waxay u baahan yihiin in ay ku
hadlaan luuqada Ingiriiska, shirkadaha waawayn ee Yurub, ama ha noqdaan kuwo
laga leeyahay Jarmalka ama yurubta kale oo inta badan ay tahay in luuqada
ingiriiska ku hadlaan si isfahamkoodu ufududaado, Afrika iyo Aasiya sida aad
kawada warhaysaan waxa lagaga hadlaa luuqada Ingiriiska Faransiiskuna uusoo
labeeyo, wadamada iyaka ay tahay afkoodii hooyo hadalkoodaba daa sida Canada,
Scotland, New Zealand, Australia, Wales, Ireland, iyo kuwo kale.
Isku soo wada duub, aniga iima muuqato wali in Afka
Shiinuhu uu dhawaanahan badeli doono Afka Ingiriiska, ugu yaraan 100ka sanadood
ee soo socda ayay ku qaadan hadaanay ka badanba, waa haddii shiinuhu kobaca
awoodiisu ay sidaas kusii socoto, waayo waxa hor yaala arimo badan oo ay
adagtahay in la baddelo mudada dhow.
Waxaan kusoo gabogabaynayaa, Soomaaliya halkay maanta
maraysaa? Isbeddelkaas ka dhacaya adduunyadu siduu u saamayn karaa
baabuurkeenan gadaal gadaal uscoda? Mala fahamsanyahay waxa dhacaya? Dhibtii
iyo rafaadkii malaga daalay? Ma la bislaaday? Maloo diyaar garoobayaa maalgashigaas
Shiinaha iyo Tartanka uu Maraykanku hada dardar galinayo dhinaca maal gashiga
qaarada Afrika sida aad ka dheehan kartaan Shirka Waashinton uga socda madaxda
Afrika iyo Maraykanka? Mise halkii hore ayay sheekadu kasii soconaysaa?
Wabilahi Tawfiiq
Maxamed Sheekh Faarax Cilmi
Tilburg,
Netherlands
+31649798800
mfarahilmi@live.nl
Wixii su’aal ah waxaad kusoo hagaajin kartaas emailka
kore