TACSI ABWAAN XASAN SHEEKH MUUMIN

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

Maamulka Mareegaha Horusocod.blogspot.com waxa uu tacsi u gudbinayaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii, asxaabtii iyo dhamaan umada ku hadasha Af-ka Soomaaliga ee Abwanku ka baxay.
Allah ha u naxariistee Abwaanku waxa uu ahaa foolaadka fanka Somaliyeed iyo bud-dhigayaashii suugaanta casriga ah ee Umada ku hadasha Af-ka Soomaaliga। Waxa uu ahaa mufakir iyo faylasuuf aragti fog oo umada uu la nool yahay ku hoga tusaaleeya suugaan hodan ah oo ay ku dheehan tahay aqoon fog oo uu lahaa Af-ka Somaliga. Mahadhooyinkii marxuumka waxa ka mid ahaa Riwaayada Soomaliyeed ee kaliya ee af shisheeye lagu tarjumay, waa masrixiyadii caan baxday ee “Shabeel Naagood”

Alla ha u naxariistee marxuumka waxa maskaxdiisa ka soo maaxatay su’aalaha hoga-tusaaleynta hal-xidhaaleysan ah ee ay ka mid yihiin: DAB DHAXMOODAY, DAWO BUKOOTAY, DUR DUR OOMAY IYO DUFAN BASAASAY! Waa murti u taagan tilmaanta iyo toosinta cid walba oo kaalintii looga fadhiyey gabtay.
Allah ha u naxariisto Marxuumka, janadii fardawsana ha ka waraabiyo, umada Somaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ha ka siiyo.
Aamin

Abdirahman Adan

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...