Diyaaraddii Malaysia MH370 ee la waayey

 


Buugga “The Vanishing of Flight MH370”, cinwaan- hoosaadkiisuna yahay “The story of the hunt for the missing Malaysian plane”, waxa qoray nin lagu magacaabo Richard Quest. Waa buug ku sahabsan diyaaraddii la waayey ee Malaysia ee tirsigeedu ahaa MH370. Qoraaggu waxa uu miisaanka saarayaa, raadcadii la galay si loo helo diyaaraddaas la waayey. Qoraaggu waa wariye ka tirsan telefishanka CNN una qaabilsanaa wararka la xidhiidha duulimaadyada hawada. Muddo 25 sanno ah ayuu shabakadaas warbaahineed ugu xilsaarnaa soo saarida barnaamijyada la xidhiidha diyaaradaha, duulimaadyada iyo guud ahaan socdaalka hawada. 

 

MH370 

 

Sida uu qoraaggu tibaaxayo, MH370 waxay ahayd diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Malaysia Airlines. Diyaaraddan oo nooceedu ahaa Boeing 777-200ER, waxay siday 239 qof oo iskugu jiray 227 rakaab ah iyo 12 shaqaalihii diyaaradda ah. Rakaabku waxay ka soo kala jeedeen 15 dal; 152 qof oo Shiinaha u dhashay iyo 50 ruux oo reer Malaysia ah. Labadan dal ayay dadka ugu badani ku abtirsanayeen. 

 

Diyaaraddu waxay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur, caasimadda Malaysia habeenimadii March 8, 2014, iyada oo u sii jeeda Beijing, xarunta Shiinaha. Waqtiga duulimaadku waxa lagu qiyaasay lix saacadood. Ha yeeshee, markii ugu danbaysay ee diyaaradda war laga helo waxay ahayd 01:19 subaxnimo, afartan daqiiqo markii ay sii maqnayd, goortaas oo ruux loo malaynayo kabtanka diyaaradu qoladii dhulka ka hagaysay macasalaameeyey, maadaama uu ka gudbayay xadka Malaysia, una gudbayay dhinaca Vietnam. Ha yeeshee intaas wixii ka danbeeyey diyaaradda wax war ah lagama helin. Haddii la la xidhiidhayna wax jawaab ah laga waa. Diyaaradda oo ah nooc casri, qalab kala duwan oo dhinaca xidhiidhka ahina ku rakibnaa, dhammaantood waxay u muuqdeen inay hawada ka baxeen, ama laga saaray. Qorraagu wuxuu leeyahay, maaha wax caadi ah oo iska dhaca in dhammaan agab-xidhiidheedku mar kaliya sidan oo kale hawada uga wada baxaan. Sida qoraaggu uu ku nuuxnuusanayo, diyaaraddan iyo nuuceedu, waxay ku qalabaysan yihiin aalado kala duwan, aad u casri ah oo ugu yaraan shantii daqiiqaba hal mar warbixin soo gudbiya. Warbixinahaas waxa ay noqon karaan, joogga ay diyaaraddu ku duulayso, xawaaraha ay ku socoto, xaddiga shidaalka u hadhay iwm. 

 

Warar isburinaya

 

Qoraaggu wuxuu soo tebinayaa warar sheegaya in markii diyaaraddu xidhiidhkii ay dhulka la lahayd go’ay, inay beddeshay jihadii ay u socotay. Dhinaca Malaysia inay u soo noqotay ayaa la sheegay. Raadaarada ciidanka cirka ee Malaysia ayaa la soo wariyey inay qabteen diyaaradda oo hawada Malaysia dul maraysa. Sida qoraaggu qabo, sababo loo badinayo dayac iyo xilgudasho la’aan ka yimi dhinaca ciidanka cirka ee Malaysia ayaa u suurtagalisay diyaarad aan la hubin, xidhiidhna la lahayn xafiisyada hawada laga maamulo inay hawada dalkaas ku jirto. Khubaradu waxay qabaan buu leeyahay in diyaaraddo dagaal la kiciyo oo lagu qasbo inay soo fadhiisato. Dunidan maantu, gaar ahaan wixii ka danbeeyey weeraradii 9/11 ee Maraykan, diyaarad aan la hubin oo hawada iskaga jirta, khatar amni oo wayn in loo aqoonsan yahay ayuu carrabka ku adkaynayaa. 

 

Sida diyaaraddan war looga waayey maadaama ay tahay si aan looga baran shilalka diyaaradaha, waxa soo baxay warar badan oo kutiri-kuteen ah. Waxa ka mid ah in diyaaradda la toogtay oo la soo riday; in diyaaradda la afduubay, dadkana madaxfurasho meel loogu haysto iwm. Dood kale oo dadka qaar qabaan ayaa waxa ay tahay in labada duuliye midkood fal ismiidaamin ah ku kacay, agabka isgaadhsiinta oo dhanna si ogaan ah u damiyey. Ha yeeshee, qoraagga oo adeegsanaya khibradiisa soo tabinta shilalka diyaaraduhu, wararkaas oo dhan gaashaanka ayuu u daruurrayaa. 

Falcinta Malaysia

Qoraaggu wuxuu aad ugu dhaleecaynayaa shirkadda diyaaradaha iyo dawladda Malaysiyaba sida ay u maamuleen kiiskan. Ugu horayn, wuxuu ku dhaliilayaa in warkoogu gaabis ahaa, is burinayey oo iska hor iyo daba imanayey. In dadka ehelkoodu diyaaradda ku jireen si xun loola dhaqmay oo warbaahintu nifaas aanay siin goor ay u baahnaayeen inay ehelkood u baroortaan oo aqbalaan culayska soo waajahay. 

 

Marka uu ka hadlayo isburinta wararka, wuxuu tusaale u soo qaadanayaa warka tirada dadka diyaaradda saarnaa. Sida aan kor ku soo sheegnay, diyaaraddu 239 qof ayay siday. Kontameeyo kursi ayaa banaanaa. Ha yeeshee, waxa jiray afar qof oo aan magcyadooda la hubin. Magacyadii iyo baasabooradii ay siteen ayaa dadkii lahaa ay hadleen oo la hubiyey inay nool yihiin. Dib ayaa laga ogaaday in baasaboorada la soo xaday. Tani waxay sii xoojisay tuhunka ah in fal afduub ama argagixiso aan meesha laga saari karin. Gadaal ayaa se laga hubsaday, in wiilasha baasaboorada la soo xaday ku socdaalayey aanay argagixiso iyo afduub midna shuqul ku lahayn ee laftoodu, sida rakaabka kale, dhibbanayaal u yihiin sabab aan wali si wacan loo fahmin. 

 

Saraakiisha reer Malaysia markii kiiska wiilashan warbaahintu qodqoday, jawaab lagu maadsado, marna muran kale dhalisay ayay ka bixiyeen. Sida wariyaha qoraagga ahi inoo soo tebinayo, iyaga oo malaha is leh muujiya inaanay dadkani u muuq ekayn reer Asia, ayay warbaahinta doc kale isla aadeen. Mas’uul arrinkan warbaahinta kala hadlayaa, wuxuu yidhi:

 

Ma maqasheen ciyaartoyga la yidhaa Balotelli? Sida uu u eg yahay, ma aragteen? Dee ninkaas baa Talyaani ahe, ka warrama? 

 

Wariye ayaa markiiba su’aal kale la soo booday oo waydiiyey inuu u jeedo, inay madow ahaayeen?

 

Markan wuxuu ku gaabsaday, inaanu rabin inuu halkaa hoos uga sii dhaadhaco, laakiin wuxuu ku adkaystay in aanay nimankaasi dadka reer Asia u muuq ekayn. 

 

Qoraagga iyo Malaysia Airlines

 

Shirkadda diyaaradaha ee Malaysia Airlines oo la aasaasay sannadkii 1947, waxay tartan saddex geesood ah oo adag kala kulantay, AirAsia oo fadhigeedu yahay Bangkok, Thailand iyo shariikadaha diyaaradaha ee Khaliijka laga leeyahay: Emirates, Etihad iyo Qatar Airways. Afartuba waa shirkado ka waaweyn, ka hayn badan, ka maamul wacan, kana macaash badan. 

 

Dadaal dib u habayneed oo lagu sameeyey shirkaddan Malaysia Airlines ayuu qayb ka noqday barnaamijka ganacsiga socdaalka ee CNN. Waa halka ay iska soo galayaan qoraagga buugan Richard Quest iyo shirkadda Malaysia Airlines. Qoraagga iyo koox uu hoggaaminayo ayaa la duulay duulimaadka MH9185 ee Hong Kong iyo Kuala Lumpur, bilo uun ka hor dhacdadii MH370. Qoraagga iyo kooxdiisu, waxay fursad u heleen in duulimaadka gudihiisa muuqaalo kala duwan ay duubtaan, isla markaana fasax loo siiyo inay galaaan halka diyaaradda laga dirawalliyo(Cockpit). 

 

Sarkaal Fariq Hamid ayaa ka ahaa sarkaalka koowaad ee caawinayey kabtanka diyaaradda. Fariq Hamid waa isla sarkaalka koowaad ee diyaaradda la waayey ee MH370. Isaga iyo kabtan Zaharie Ahmad Shah ayaa duulimaadkan la waayey duulinayey. Qoraagga buugga iyo sarkaal Fariq Ahmed sawir ay ku wada galeen diyaaradda hore guudkeeda ayaa markii danbe baahay oo baraha bulshada qabsaday. Sida qoraaggu sheegayo, dadka qaar waxaabay gaadheen inay yidhaahdaan wariyahani wax buu ka ogaa shirqoolka diyaaradda

 

Raadco iyo Raad la’aan

Dawladda Malaysia iyo dalal badan oo kale waxa ay galeen raadco xoog leh. Raq iyo ruux in diyaaraddii iyo rakaabkii saarnaa meel uun lagu sheego ayaa waysada loo biyaystay. Malaysia diyaaradda ayay lahayd, qaanuun ahaanna iyada ayay mas’uuliyadda koowaad ee raadcadu saaran tahay. Shiinaha, rakaabka u badan ayaa dalkooda ka soo jeeday. Iyagana culays wayn ayaa saarnaa oo ah in dadkaas nolol iyo geeri meel uun lagu sheego. Australia, waxa ay ku dhawdahay biyaha caalamiga ah ee koonfurta badweynta Hindiya, halkaas oo loo badinayo in diyaaraddu ku dhacday. Maraykanku isna maadaama diyaaradda lagu sameeyey dalkiisa, dawladda Maraykan iyo shirkadda diyaaradaha ee Boeing, xiise gaar ah bay u qabaan in la ogaado sababta burburka ama cillada ba keentay. 

 

Dunida maanta waxa ka shaqeeya 1200 oo diyaaradood oo ah noocaas la waayey ee Boeing 777. Bedqabka diyaaradahan iyo rakaabka ay xambaaraan ayaa ku jira in la fahmo dhibta dhacday iyo waxa ay salka ku hayso. Sidoo kale, dalal badan oo saaxiib iyo jaar ba leh, ayaa gacan ka gaystay raadcada raqda diyaaraddan. Markii ay ugu badnayd, 34 diyaaradood iyo 40 markab oo ka kala socda 26 dal ayaa ka qayb qaatay helida diyaaraddan qiimaheegu taagnaa $250 milyan, isla markaana shaqaynaysay 11 sanno, 9 bilood iyo 9 cisho. 

 

Waxa la adeegsaday qalab iyo teknoolaji inta ugu saraysa ee aadame maanta haysto, haddii ay tahay, diyaarado, maraakiib, kuwo badda gunteeda quusa oo jabaqda dhegaysta, satalaydho, iyo farsamo kasta oo miciin la biday. Waxa la baadhay dhul baaxad leh iyo badweyn fog oo gaadhideedu aanay sahlanayn. 120,000 km oo isku wareeg ah baa lagu sheegay baaxadda biyaha la baadhay. Wax raad ah ha sheegin. Haddii laga tegi waayo, 16 bilood ka dib musiibaddii MH370, walxo loo maleeyey inay qayb ka ahaayeen burburkii diyaaraddaas ayaa laga helay xeebaha jasiiradda Reunion Island ee badweynta Hindiya. Baadhitaan ka dib, ugu danbayn, August 5, 2015, ayuu Raysalwasaarihii Malaysia Najib Razak, ku dhawaaqay in walxaha la helay, qayb ka yihiin burburkii MH370. Reunion Island, maadaama ay ahayd mustacmarad Faransiis, haddeerna maamulka Faransiis hoos tagto, waxay noqotay in walxihii baadhid dheeri ah loogu qaado Paris. Inkasta oo luqadda Faransiisku adeegsaday ka dabacsanayd tii Malaysia, haddana, baadhis ka dib, waxay qireen, in walxahaasi qayb ka ahaayeen diyaaradda raadcadeedu mucjisada noqotay ee MH370. 

 

Aragtida qoraagga 

 

Qorraagaa oo muddo 25 sanno ah ka soo shaqaynayay warbaahinta, gaar ahaan teeda la xidhiidha diyaaradaha iyo shilalka ka dhasha, waqti badan ayuu galiyey furfurida surginta ku gedaaman diyaaraddan MH370. Laakiin ayaadarro, wax wayn oo la sheego ma soo helin. Kaligii uun maaha ee khubarada hawada iyo diyaaradaha oo dhammi, way furufuri kari la’ yihiin halxidhaalaha diyaaraddan. Jawaabaha ay la shiryimaadeen, su'aallo ka mugweyn jawaabaha ayay dhaliyeen. 

 

Qorraagu wuxuu soo qaadanayaa shilal diyaaradeed oo fara badan oo uu ka soo warramay. Wuxuu soo xiganayaa sahan ay samaysay shirkadda diyaaradaha samaysa ee Boeing. 61% shilalka diyaaraduhu waxay dhacaan marka ay diyaaraddu kacayso ama soo cagadhiganayso. Shilka diyaaradeed ee dhaca marka ay diyaaraddu gaadho jooggii ay ku duulaysay (cruising), ma badna, haddiise ay dhacaan, waxa xisaabta lagu daraa, qarax ama gantaal lagu dhuftay. Shilalka diyaaradeed ee qoraaggu ka soo warramay, isla markaana si wayn u barbardhigayo tani mucjisada noqotay, waxa ka mid ah shilkii Air France 447 oo ku burburtay koonfurta badweynta Atlantic 2009, kuna dhinteen 228 ruux. Korean Airlines 007 oo 1983 Soofiyeetku soo rideen mar ay dul duulaysay badda Japan, kuna dhinteen dhamaan 269kii qof ee saarnaa. Air India A1182 oo bam lagu qarxiyey 1985kii iyada oo dul duulaysa xeebta Ireland, halkaasina ay ku qudh waayeen 329 qof ee saarnaa. Diyaaraddii Pan American PA103 ee lagu dul qarxiyey Lockerbie, naftoodana ku waayeen 259 oo saarnaa. Diyaaraddii lafteeda Malaysia laga lahaa MH17 ee 2014 koonfurta Ukraine lagu dul qarxiyey markii gantaal dhulka laga soo riday la la helay, isla markaana ay ku dhinteen dhamaan 298kii qof ee la socday. Diyaaraddii Germanwings 9525 oo iyada la duuliyihii si ula kac ah buuraha Alps ee Faransiiska ugu dhuftay, halkaasna ku dilay dhammaan 144 rakaab ah iyo 6 shaqaale ah. In duuliyahaas madaxa laga ga jiray ayaa markii danbe la xaqiijiyey. Qoraaggu duulimaadyo ciiddaas ka badan oo ayaanxumaaday ayuu tusaale u soo wada qaadanayaa. Wuxuu dul istaagayaa mid walba inta ay qaadatay in la ogaado shilka dhacay, in la helo sanduuqa madaw iyo guud ahaan sida loo maareeyey. Sidaas oo ay tahay, wuxuu qirayaa oo la isku raacsan yahay, in duulimaadka hawadu yahay ka ugu badbaado badan. Tusaale, sannadkii 2014, 3.6 malyuun oo qof ayaa adeegsaday duulimaad, halka 993 dhimasho oo kaliya la diiwaangaliyey isla sannadkaa.

 

Qoraaggu wuxuu si adag uga hor imanayaa aragtida odhanaysa in labada duuliye midkood ee MH370 diyaaradda afduubay, fal ismiidaamin ahna ku kacay. Kabtanku, Zaharie Ahmed Shah, 53 jir waayo arag ah buu ahaa. Wuxuu duulay 18,365 saacadood. Gacanyarihiisa koowaad Fariq Abdul Hamid, 27 jir 2763 saacadood duulay ayuu ahaa. Ma jirin sabab lagu rumaysto in xaalad caafimaad midkoodna ku jiray. Labada ba waxa lagu sheegay laba ruux oo nolol degan ku jira, ku faraxsan mihnadooda oo aan isku buuq iyo wax la mid ah qabin.

 

Qoraagga isaga aragtidiisu waxay u badan tahay in cilad farsamo oo wayn ay dhacday, taasi oo keenaysa in dhammaan agabkii war-isgaadhsiintu gubtaan ama hawada ka baxaan, duuliyeyaashuna galaan xaalad tamarbeel ah ama miyirdoorsoon oo kale ah. Ha yeeshee, waxa uu qiranayaa inaanu jawaab u hayn sababta ay diyaaraddu, sida la xaqiijiyey, 7 saac oo danbe u sii duulaysay. Isku soo xoori oo, ilaa imika sabab cad oo diyaaradaasi ay ku dhacday ama ay ku maqan tahay, ilaa maanta cid haysaa ma jirto. 

 

Maxaa iiga baxay?

 

Diyaaradaha aad baan u adeegsadaa, qof ahaanna, xiise gaar ah baan u qabay fahanka surgumadan xidhan. Akhriska buuggan ka dib, diyaaradaha samayskooda, siday u duulaan iyo shaqada duuliyayaashu kala qaabilsan yihiiin ba, intii hore wax ka weyn ayaa iiga baxaya. Intaan buuggan akhriskiisa waday oo aan mar safray, dareen aan hore iigu jirin ayaa i galay. Buug kale ayaan maalintaas sii qaatay, kanna hakad ayaan galiyey. Calaashaan sheekadu waa tii dhulka ee maaha tii cirka! Waxaan filayaa, wax badan oo aan iska dhaafi jiray, hadda ka dib inaan u fiirsan doono oo ay macno gaar ah ii samayn doonaan. 

 

Sidoo kale, markaan dhuuxay waxa xoog, tamar, tab iyo xeelad la galiyey raadcada diyaaradda iyo sida faromadhnaan looga joogo. Hadii aan u fiirsaday hantida, waqtiga iyo xoogga la galiyey xal u helida halxidhaalahan, goor waliba aqoonta iyo awooodda aadamuhu meel aad u sarayso marayso, wuxuun baan dhacdadan si weyn uga sii dhex arkay mucjisada abuurka kawnka iyo waynida Ilaahay ee wax la la simaa aan la soo helayn. 

 

Badweyn baaxad leh ayaa la baadhay, qalab noocii ugu danbeeyey ah ayaa la adeegsaday, laakiin buuraha waaweyn, jeexjeeyada iyo waraqyada sagxadda hoose ee badda loogu tagay, waxba waa laga keeni kari waayey. Sida la soo weriyey, horta meel aadame gaadho maaha, haddii uu gaadhana meel lagu negaan karo ma aha. Qalabkii sagxadda badda lagu dajiyayna, buurahaas iyo abuurka juqraafiyeed ee gunta hoose ee badda wax weyn oo lagu go’aan qaato ka keeni waaye. Aadame waa dadaalay, aqoon heersare ahna waa adeegsaday, laakiin ruux kasta oo aqoon badan, Alle oo ka sii wada aqoon badan, ka awood wayn ayaa jira. Xaqiiqadaas ayuun buu akhriska buuggani igu sii baraarujiyey!

 

Qore: Abdirahman Adan Mohamoud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com


 

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...