Soonka iyo Ferenjiga

 

John iyo Olol waxay ka wada hawlgalaan shirkad ka shaqaysa soo saarida shidaalka. John ayaa madax ka ah. Shaqaale door ah ayuu maamulaa oo la shaqeeya. Qaar badan oo ka mid ahi way sooman yihiin, maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Olol isagu waax buu madax ka yahay, si dhow ayayna John u wada shaqeeyaan.

Maalin dheer oo shaqo ayay u ahayd Olol. Aan idhaahdo maalmo shaqo oo hawl badan, sababta oo ah, beryahaaba, culays shaqo ayaa saarnaa. Koox loo xilsaaray inay soo diyaariyaan warbixin sannadeed ayuu Olol madax u ahaa. Waxa laga rabaa inay warbixin ka keenaan waxsoosaarka shirkadda, koboca maalgashiga, saamiga shirkadda ee suuqa, tayaynta shaqaalaha, caqabadaha maamul, hirgalinta talobixintii hantidhawrka madaxabannaan, hirgalinta siyaasadda casriyeynta iyo u guurida qaabxisaabeed adeegsadaha la saaxiib ah, tartanka suuqa, iyo waayo-aragnimada sannadkaas la kasbaday.

John waxa uu mar walba iswaydiiyaa Olol iyo dadka la mid ah ee sooman, balse shaqadoodu aanay wax la sheego isdhimin. Dadkan sooman, afka aan waxba marinayn biyona ku dhahoo, haddana firfircoon ee shaqaynaya ayaa ka fikirsiiya. Wuxuu ogyahay inay sidaa ku jiraan maalintii 13 saacadood iyo saa’id, muddo bil ah. Dareenqaybsi si uu u muujiyo, wuxuu ku dhaqaaqay inaanu wax cunin inta ay la joogaan jaalayaashiisa soomani. Maalmahan, wuxuu aad u rabaa inuu ka warkeeno oo bal horta soomo, ugu yaraan hal maalin.

Waayo-aragnimadiisii soonka halka maalin ahaa ayuu maanta John ka warbixinayaa. Waa marka koowaade, waxa uu dhib aan yarayn ka mutay u kicida suxuurta. 4:30 subaxnimo inuu kaco ayaa lagula taliyey; saa habeenkii ayuu soojeedka ku raagaa oo abiidaba kallahaadda arooryaad way dhibtaa. Dhawr subax markii uu suxuurtii seegay ayuu maalintii danbe si cagojiid ah u kacay oo suxuur u samaystay.

Waa marka labaade, waxa kale oo uu sheegay inuu dareemay gaajo wax la mid ah aanu waligii arkin. Dareen iyo baahi noocaas ah abid inaanu soo marin ayuu hoosta ka xarriiqay.

“Wax kaleba ha joogee, harraadka i helay, wax loo adkaysan karo wuu ka weynaa” ayuu leeyahay isaga oo ka warramaya oonkii soo maray. Wuu sii wadaa oo waxa uu ka hadlayaa sida dadka Muslimiinta ahi ula qabsadeen.

“Idinku waxaan filayaa, yaraan ayaad ku bilawdeen oo waad la barateen oo la qabsateene, qofka aniga oo kale ah, dhayal wax uu u adkaysan karo ma ahayn”

Intaas waxa uu ku daray, casharka ugu weyn ee uu ka bartay soonkiisii halka maalin ahaa: waa adkaysiga shaqaalaha sooman, shaqaynaya ee aan haddana waxsoosaarkoogu isbeddelayn. Il gaar ah inuu maanta ka dib ku eegi doono, garawshiiyo iyo ixtiraamna ay ka mutaysteen ayuu sheegay.

Olol ayaa uga mahadnaqaya dareenwadaagga, uguna daraya inuu soo jirrabay oo ka warkeenay waayo-maalmeedka malaayiin qof oo Muslimiin ah, gaar ahaan maalmaha soonka. Sidoo kale inuu hadda wax ka malayn karo nolosha ay dadka saboolka ahi joogto ugu nool yihiin, ayuu u raaciyey. Wuxuu si kaftan dhable ah ugu sii darayaa:

“Kaliya waxaa kaa maqnaa uun dhadhanka iyo macaanka ruuxiga ah ee ay dareemaan Muslimiinta soomani, gaar ahaan carbinta ruuxda, jadiidinta iimaanka, sabirka, Alle u dhawaanshaha iyo ta ka wada muhiimsan, rajaynta abaalgud wax loo dhigaa aanu jirin”

FG: Qormadani waxay ka dhalatay wada sheekaysi na dhexmaray dhowr qof oo sifaha John leh.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Email:abdirahman.adan@gmail.com


 

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...