Hirdan iyo Hilow

 

Nafqaybsi

Libdhe maalmihii nafqaybsiga lahaa ee gacanta wax la wada galin jiray. Maalmihii dadku isku wareegi jiray ee jaarka wax la la soo cuni jiray ama ba la la soo seexan jiray. Maalmihii ducada iyo Allebariga la iskugu yeedhi jiray. Waa beryihii nin quud jecel oo malaha cabbiraya farxadda, laga sheegay inuu yidhi, “Waxaan ugu farxad badanahay, marka meel duco ah la joogo, cuntada la soo dhigayo ee qofka wax qaybinayaa nagu amro inaan afar afar u fadhiisano!”

Laakiin, dadku wali sow isma taageeraan. Wali sow, iyaga oo kala fog, haddanna sidii iskuma saacidaan. Sow qaabab cusub oo istaageersi bulsho ahi ma soo ifbixin oo ma hirgalin. Sow nin iska qayilaya oo badh go’ ahi, isaga oo aan isba dhibin, telefoonkiisa gacanta garraaci maayo oo mid tol ah, ama garasho ah, inta uu mirqaanku tuso, aayar uun toban doolar ku soo shub iska odhan maayo. Sow ruuxaasina, ilayn waa qof wax la soo moodee, wax uun u diri maayo xarriifkaas faarta mirqaanku u shaqaysay!

Bar-kulan

Tage maalmihii geedka xaafadda hortiisu ahaa bar-kulanka ugu mudan ee lagu kala warqaadan jiray. Ku daaye maalmihii firaaqada badan la haystay ee maanta oo dhan haddii aad doonto aad geedkaa ka hoos sheekayn jirtay. Beryihii, marka lagu raagsado ee aad sheekada geedka isku ilawdo, ileen telefoon ma jirine, mid kaa yar laguu soo diri jiray ee qadadii way qabawdaye, soo kac uu ku odhan jiray.

Balse imikadanba, sow halkii geedka, goob kale uuni ma beddelin. Bar-kulankaas cusub maqaaxi inay tahay, u badi. Wali marka aad sidii sheekada iskugu ilawdid, halkii hooyo cid kaaga soo diri jirtay, sow hadda xaasku farriin gaaban oo qoraal ah kuuma soo qorto, amaba telka kaama soo wacdo.

Oo heedhe adigu ma soo ma hoyde ayaad tahay? Miyaa mar walba laguu yeedhayaa? Mar walba waa lagu raadinayaa miyaa? Mar qof lagaa soo daba diro iyo mar telka lagaa soo wacaba, ma kuu raadco uun baa? Way jirtaa, balse mooyi sheeko jacayl, danseeg, gole ka muuqasho iyo wahsi waxay kaa tahay.

Dad is xaal og

Ku daaye waayihii bulshadu iska wada warhaysay ee is-xaal-ogayd. Waayihii reerka dariskiina ah, waxa ku soo kordha, khayr iyo shar aad xog-ogaal u ahayd. Maalmihii la iska war hayey ee ka dhibtu soo gaadho iyo ka badhaadhe helaba la la ogaa ee aan oodda la kala rogan jirin. Waa ka hor inta aan aqalada waaweyn ama sarraha dhaadheer, ganjeelada gaadh la dhigan. Maalmihii, marka waagu beryo ee daarada la xaadhayo, maxaad ku barideen, iyo barinaye, ma barideen ama ma soo toosteen la isku salaami jiray. Weedhahani salaan kaliya maahee, waa bariido xeeldheer oo bedqabka xubnaha qoyska lagu hubinayo. Waa isku san-banaani, lexejeclo iyo is- ahaansho bulsho. Imisaa iyaga oo hurda ay ka haaday!

Dhinaca kale, si kasta oo loo kala fogaaday oo daafaha dunida loo kala tegay, sow dadku qaabab cusub iskuguma xidhna. Sow aalado casri ah oo dadka xidhiidhiyaa ma soo bixin. Maalin walba, marka aad booqato Faysbuugga, sow aroos ama tacsi cid aad garanayso uguma tegtid. Iska daa degmadda aad ka soo jeedee, sow lama socotid wixii ku soo kordha ehelka, qaraabada iyo macaariifta, meeshay doonaanba ha joogaane. Sow markaaba kuma soo gaadho geerida cid garasho ah haleesha, hadday doonto haba ka dhacdo Lima, Peru ama Manila, Filibiine. Sow markaaba ma ogaatid arooska qoys garasho ah oo ka qabsoomay Cape town, Koonfur Afrika, ama Lisbon, Boortaqiiska. Isku wareegga iyo is booqashadu, hoosba ha u dhacdee, sow adduunweynihii iskuma soo dhawaan oo si weyn iskuguma xidhmin.

Isku xidhka waalidka

Heer shakhsi, sow hooyo marka aad WhatsApp-ka ku sheekaysanaysaan, wax la xidhiidha ehel, qaraabo iyo  jaar, mar walba sow tii warka ku soo darta maaha. Jeer oo aad isku haysato inaad dadka kala taqaan, sow mar walba dad aanad aad u saxayn, ama tohoyasho dheer ka dib uun aad garataa, sheekada ma soo galaan.

“Islaantii heblaayo ee yarkii ina hebel dhashay. Tii dee ay ayeeyo labada ilma adeerta ahi kala dhaleen, anigana habaryarta ii ahayd, adigana mocooyda kuugu beegnayd miyaad ilawday?”

Hooyo islaantaa aad uma xasuusto.

Waar ma waxaanad garanayn, yarkii Cabdikaafi ee markaad yaryaraydeen aad malcaamadda wada dhigan jirteen. Waa hooyadii dee qofka aan kuu sheegayaa.

Sow markaas, sidaadii qof maahsanaa oo hadda soo baraarrugay magicii xaajiyadda ma heshid. Sow waliba kuma sii dartid, haa inankeedii kalena, waa kuwii hebel (shoodhahaaga), iskuulka wada dhigan jiray.  Ninkaasi waa kii dhoofay oo Maraykan buu joogaa. Kii ka weynaa, Allah ha u naxariistee, waa kii dhintay. Sow markaa sidaadii iskama daldalantid!

Sow ma xaqiiqsatid, in la hadalkaa hooyo mar walba dib kuugu xidho, duni iyo xusuus sii libdhaysa. Marar badan sow hilow iyo muhasho kuguma beero. Sow mar kale ma yaqiinsatid kaalinta waalidka ee isku xidhka ehelka, qaraabadda iyo macaariiftii hore iyo kuwa imikaba.

Fikir iyo waydiimo darandoorri ahi sow markaa kuguma dhashaan. Inaad  adigu kaalintaadii ka gaabisay, sow ma dareentid, gaar ahaan, markaad dhuuxdo sida kuwan aad dhashay ay halkaa ugu liitaan. Dee laakiin horta iyagu canaan ma leeyihiin  ilayn gaabiyaha u weyniba waa adigee. Kaalintii waalidkaaga ee xidhiidhinta, sida aad xarriiqa uga hoos martay sow markaa kuuma cadaato. Ma iskugu laab qaboojisaa in jiilba jiilka uu ka horreeyey uu ka dad jeclaa. Ma is tustaa  in facba, faca uu ka danbeeyo u sii dhurranayo kaligii noole, kaligii quute ah. Deegaanka iyo duruufaha is beddelay tolow kaalin intee leeg bay saameyn arrintan ku leeyihiin.

Waar waxba deegaan iyo waayo ha ku meeraysane, qir kolayba kaalintii waalidkaa ee xidhiidhinta iyo ka warheynta dadka inaanad gaadhayn. Fahan in kuwa aad dhashayna, ay adigaagan isla yaaban, kaalintaadii ka sii gaabinayaan. Kuwa ay sii dhaleena, hadda waa kuwa ay sii dhaleen, dee mooyi kuwaasi si ay noqon doonaan.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

abdirahman.adan@gmail.com

 

Xasuusta Macallin Faarax Shuun


 

Sannadkii 1997-kii, markii aan diyaargarowga ugu jirnay bilawga waxbarashada sare ayaan xogwaraysi tagay, si aan u ogaado macallimiinta wax noo dhigi doonta. Ka hor inta aanay duruustu si rasmi ah noogu bilaabmin, hal macallin ayuu magaciisu aad iigu soo noqnoqday. Waa bare sare Faarax Cabdillaahi Fariid oo loo garan ogaa “Faarax Shuun”, Rabbi naxariiso janno ha ugu deeqee.  Anigu markaa, arag ha danbeeyee, maqalkiisa ayaa xataa kow ii ahaa. Cabdillaahi Xaaji Indhanuur (hadda madaxda Telesom ka tirsan) oo iga xog-ogaalsanaa, qiyaastiina Muqdisho macallinka ku yaqaanay, ayaan u waraysi tegay. Kuye waa macallin weyn oo jaamacaddo badan wax ka soo dhigay.

 “Ayaan baad leedihiin haddii macallinkaasi wax idiin dhigo,” ayuu niyada iigu sii qaboojiyey.

 “كل أمر لا يبدأ باسم الله الرحمن الرحيم فهو أبتر

Xadiiska kor ku qoran ayuu macallin Faarax far aad u qurux badan sabuurada ugu qoray, maalintii u horaysay ee uu fasal noo soo galo, goor aan malaynayo inay ahayd maalin ka mid ah bishii Octoober ee sannadkii 1997-kii. Sidaas ayuu macallinkii inta badan aan magaciisa maqlayay fasalkii u horreeyey magaca Alle ugu bilaabay. Fasalka sidaas ku bilaabmay, la yaab ma leh inuu noqday mid jid fiican jideeyey oo barako badan.  Xadiiskaasna maalintaas ayaan bartay.

Sida uu noo sheegay macallin Faarax, dugsiga hoose waxa laga qoray degmadda Saylac. Kooxdii labaad ee dugsiga halkaas ka bilawda ayuu ahaa. Ardaydii u horreysay ee dugsiga Saylac lagu furo, sida uu macallin Faarax noo sheegay, waxa ka mid ahaa, Xuseen Ceelaabe Faahiye (AHN) oo muddo dheer wasiir ka soo ahaa dawladihii kala danbeeyey ee Soomaaliya. Sannadkii 2019 ayuu qarax ugu dhintay Muqdisho. Dugsiga dhexe iyo sare, macallin Faarax hoygii Cammuud ayuu ku qaatay ka hor inta aanu waxbarasho jaamacadeed oo heerar kala duwan ah ugu bixin dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.

Waxbarasho sare

Maraykan markii uu waxbarashada u joogay bilawgii lixdamaadka sheekooyin badan oo qosol leh ayaa ka soo maray. Waxay ku beegnayd goor ardayda madow oo dhan la la yaabi jiray, mararna gobolada ay waxbarashada u joogeen wiirsi ay kala kulmi jireen. Wuxuu nooga warbixiyey qiso ka soo martay cuntadan loo yaqaan "hot dogs-ka", (hilib la farsameeyey oo saandwayj iyo soos laga sameeyo) Laakiin isaga iyo nin ay saaxiib ahaayeen Soomaali ahaan uun bay u micnaysteen oo qiyaastii way qaladfahmeen. Waxay u qaateen in hotdogs-ka laga sameeyey hilibka eyda, ka dibna shigni iyo basbaas lagu xawaasheeyey! Wuxuu yidhi meesha aan ku aragno ‘hotdogs’, mayl baan ka fogaan jirnay! 

Lama yaabin in macallin Faarax ‘hotdogs’ qaladfahmo bilawgii lixdamaadka, aniguba qarnigan kow iyo labaatanaad, haddii aanu oday “Google” i saacidin, hubaal uma sheegeen!

Maalintii toogashada lagu dilay madaxweyne John. F Keneddy, inuu si wacan u xusuusto ayuu noo sheegay. Waa Noofamber 22, 1963-kii, maalmahaas oo uu Maraykan waxbarashada u joogay.

NTEC iyo Lafoole

Ka hor intii aan la furin kulliyaddii macallimiinta ee Lafoole, National Teacher Education Centre oo NTEC loo soo gaabin jiray ayaa macallimiinta lagu tababari jiray. Faarax macallimiintii NTEC wax ka dhigi jirtay ee dalka barayaasha u soo saari jirtay ayuu ka mid ahaa. Markii danbe ee kulliyaddii macallimiinta ee Lafoole la furaynna, sannadkii 1968-kii, halkaasi ayuu shaqadiisii barrenimo ka sii watay, ka hor inta aanu dalka ka dhoofin.

Fartii shaqo galisay

Waxaan xusuusnahay mar uu nooga warramay shaqo uu ka helay shirkad fadhigeedu ahaa dalkaasi Liibiya. Codsi baan u qortay buu yidhi macallinimo ah. Sarkaal Falastiini ah ayaa shirkadda ka madax ahaa. Aqoondarro ama cunsurinimo mid ay ka ahaydba, sarkaalkii ha yidhaahdo codsigan cid baa kuu soo qortay, adigu af Carabigan ma qori kartid. “Aniga ayaa qoray” ayaan si kalsooni leh ugu tiraabceliyey buu yidhi. Inta uu qalin iyo warqad ii dhiibay ayuu yidhi halkan hortayda fadhiiso oo hadda qor. Dhawrkii sadar ee u horreeyey markaan qoray ayuu yidhi, bes intaasi inagu filan. Sidii ayaanan shaqadii ku helay. Waxaan shaqadaasi ku helay baan dadka, kaftan ahaan ugu odhan jiray buu yidhi, kaliya khadkayga (fartayda) Carabiga ah.

Luqad fudud oo la wada fahmi karo 

Mudaddii uu macallinka noo ahaa Faarax, wuxuu isku dayey inuu aasaaska luqadda na baro. Wuxuu aad u necbaa oo dagaal weyn la galay, dadka kelmadaha waaweyn iska raadraadiya. Luqad fudud oo la wada fahmi karo ayuu dhiirigalin jiray. In si dhab ah qofku wax u barto oo aan tirada sannadaha uun la tirsan ayuu nagu boorrin jiray. Buugtan waaweyn ee aad xambaarsan tihiin la falgalla oo dhuuxa ayuu odhan jiray.

Buugta uu wax nooga dhigi jiray, rag door ah ayaa saluugay oo ka xanaaqay. Iyaga oo ka cadhaysan buugtaas, waxay ku doodeen in buugtani yihiin kuwii atlasta lagu dhigan jiray, jaamacadna aanay u qalmin. Isaguse nuxurkiisu wuxuu ahaa in ardayga hadalka iyo qoraalka uu ka saacido, oo waliba luqad qurux badan, sahal ah oo la wada fahmi karo ardayda baro.

“Anigu xitaa boqoradda Ingiriis waan la kulmay, luqad fudud bay igula hadashay” ayuu mar noo sheegay. “Waxan waaweyn ee dirqiga idinkaga soo baxaya, dadku ma yaqaanaan ee iska dhaafa” ayuu mar walba odhan jiray. Ardayga kalmado waaweyn oo aan daruurri ahayn iska raadiya, qora ama adeegsada marka uu hadlayo, wuu qabsan jiray oo ku boodi jiray. Sidoo kale wuxuu si adag noogu leyli jiray xeerka astaamaynta qoraalka. Hakad, joogsi, in xaraf weyn lagu bilaabo eray kasta oo sadar ku bilaabmo, kicinta codadka ama hoos u dhigooda, dhawaqa saxda ah ee erayada iwm. Xeerarkaasi lama dhaafaan bay agtiisa ka ahaayeen. Qofka ilaalin waaya, waa loo kala baxayey. Maanta oo dhan ayuu hadduu doono ka sheekayn karayey gefka aan loo dulqaadan karin ee qofkaasi galay! Ka si fiican u ilaaliya miyaa, cirka ayuu gayn jiray, cid walbana wuu uga sheekayn jiray. Labada midna uma waayi jirin eray maad ah, lagu qoslo; xaqiiqadana ku salaysan. Hadaladii mahadhada reebay ee uu nagu sifayn jiray- canaan, carin iyo cisayn- ilaa maanta oo dhawr iyo labaatan gu’ ka soo wareegtay, marka ardaydii berrigaasi is hesho, wali waa mawduuc xiise leh oo waqti lagu qaato.

Maalmihii iskugu kaaya horraysay ayaan eray Ingiriisi ah, si qalad ah ugu dhawaaqay. Wuu iga saxay oo dhawr jeer ku celceliyey. Show inaan ka daba idhaahdo ayuu doonayay. Cabdikariim Cabdiraxmaan Aw Gamboole (hadda Kanada ayuu degan yahaye) oo i ag fadhiyey ayuu si lagu wada qoslay u waydiiyey: “Ninkani miyuu dhego laaya’ay!”. Aad baa la iigu wada qoslay!

Quraanka barta

Wuxuu odhan jiray haddii aad rabtaan in qoraalkiina aan laga xiiso dhicin oo dadku jeclaadaan Quraanka barta. Wuxuu ku celcelin jiray sida Quraanku u qoran yahay, waa la yaab iyo farsamo aan cidi keeni karin. Maalin dhan baan xusuustaa oo habqoraalka hagaagsan aan ku qaadanay suuradda “Al-Infidaar”. Waxa uu ku dabbaqayey qawaacidda habqoraalka toolmoon. Sida fikrad loo dhiso, loo soo bandhigo, haddana si asluubaysan oo xoog badan loo raaciyo weedho xoojinaya doodda ayuu ku nuuxnuuxsan jiray. Humaagyo aan maankayga ka bixin, walina i anfaca ayaan casharadaas ka dheefay.

Eray margi noqday

Macallin shaqo badan oo aan fasalka uun iska iman ee soo diyaargarooba ayuu ahaa. Ardaydanna sidoo kale waa ka shaqaysiin jiray. Cannaani kuma yarayn, oo dad badani cabsi ay ka qabeen ayay uga baaqdeen fasaladiisa, halka kuwa kalena, markii uu ka shaqaysiiyey, si wacan wax uga barteen.

Inkasta oo uu markaa 40 sanno iyo ka badan mihnadda macallinimada heerar kala duwan, meelo kala duwan, kaga soo shaqeeyey, haddanna bare aan is dhigan oo diyaarinta darsiga u hagarbaxa ayuu ahaa. Maalmuhu ma yarayne, subax uu cashar noo dhigayey ayaa weedh margi noqotay ka soo horbaxday.  Kalmaddan “Chlorafluaracarbons” ayaa ku soo baxday. Sida dadka qaar, ma qardajeexin, mana qarsan eraygan aanu hore u arag.

“Kalmadanni way iga danbaysay, waan se soo baadhayaa’ ayuu si daacad ah u yidhi. 

Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee, marxuum Cabdiqaadir Cige Mataan oo fasalkayaga ahaa ayaa gacanta taagay. “Macallin waa ereybixin ay u istimcaalaan gaasaska walxaha qaar sii daayaan, isla markaana ka qayb qaata  fiditaanka dilaaca dahaadhka Ozone ka" ayuu yidhi isaga oo sharraxaya macnaha iyo nuxurka eraygan fahamkiisu adkaaday. (Cabdiqaadir, AHN nin wax akhriya, idaacadaha iyo barnaamijyadoodana aad ula socda ayuu ahaa).

"Oo yaa kuu sheegay” ayuu waydiiyey Cabdiqaadir (isagu Jibriil ayuu ugu yeedhi jiraye), isaga oo la amakaagsan jawaabta waafiga ah ee ardayga ka soo baxday. 

"Isagu waa abwaan oo wuu garanayaa" ayuu haddana macallin Faarax iskugu jawaabay. Erayga "Abwaan" waxa uu siin jiray ama uu ugu yeedhi jiray ardayda uu fahamkooda la dhacsan yahay. 

Kulliyadda luqadaha

Goor aan filayo inay ahayd 2012 ayaa gabadh ardayad Cammuud ka ahi ila soo xidhiidhay. Mugga dhawr qoraal oo aan feegaray oo Af-Ingiriisi ah ayay akhriday. Laye “Waxaan maqlay inaad Cammuud ka baxday, luqadaaduna aad bay u fiican tahaye, siday u dhacday?” Annaga taayadu hadda heerkaas ma gaadhsiisna, ayay ku sii kabtay!

Qoddobo aan is lahaa waa kuwo sal u ah kala duwanaanta ay sheegtay ayaan la wadaagay. Ha yeeshee qodobka ugu muhiisman waxaan u qabaa inuu ahaa fursaddii aan u helnay in macallin Faarax wax na baro. Dufcadihii u horreeyey ayaa doobir gaar ah u helay waxbarista macallin Faarax.

Markii sannadkii 1aad noo dhammaaday ee la kala dooranayay kulliyadaha la galayo, koox arday ah ayuu macallin Faarax si gaar ah u xushay. Sida laga warqabo labo kulliyadood oo kaliya ayaa markaasi la furi rabay: 1. Kulliyadda Tababarka Macallimiinta iyo 2. Kulliyadda Maamulka Ganacsiga. Culays xoogleh ayaa na lagu saarayey inaan galno kulliyada macallimiinta, laakiin waxaan maamulkii ka codsannay bal in cid kulliyadda maamulka warbixin naga siisa na loogu yeedho, maadaama macallimiintii markaa wax noo dhigaysay takhasuskoodu macallinimo u badnaa. Xasan Cumar Hallas oo aan markaa wali macallin/hormuud noo noqon ayaa na loogu yeedhay. Isaga ayaa fikrad naga siiyey oo nala wadaagay koorsooyinka lagu qaato kulliyada maamulka ganacsiga. Markii uu sabuurada ku qoray liiska koorsooyinka la qaato ayaa arday dhinaca danbe gacanta ka taagay.

“Macallin, koorsadaa waad laba jeer qortay” ayuu yidhi, isaga oo is leh macallinku malaha waa ilduufaye baraaruji.

Sida muuqata, ardaygaasi wuxuu isku qaldayey labada koorso ee ‘Macroeconomics iyo Microeconomics’.

Inta uu macallin Xasan qoslay, waxoogaa neeftuuray ayuu si kaftan ah u yidhi, “Waar shaqo iskuma leh; waa laba koorso oo aad u kala fog. Waad baran doontaan.”

Faarax ardaydaas uu la soo baxay waxa uu u rabay inay galaan kulliyadda luqadaha, si gaar ahna luqadda iyo suugaanta Ingiriisiga u bartaan. Ha yeeshee markii danbe kulliyadda maamulka ganacsiga ayay ku danbeeyeen intoodii badnayd.

Macallinimada ka sokow, arday ay aad iskugu xidhnaayeen macallin Faarax Allah ha u naxariistee ayaan ku jiray. Maalintii iskugu kaaya danbaysay, aniga oo Hargeysa ka tegay ayaan is aragnay. Si kalgacal, qiimeyn iyo qadarin leh ayaan isku qaabilnay. Shaqadii markii uu iga waraystay, ayuu ii raaciyey: “Madaamadii ka waran adeer”. Kelmadda ‘madaamad’ ayaan hore u soo saari waayey. Awal waan ogaa inuu xaaskayga aqoon u lahaa, balse mar danbe ayaan fahmay inuu xaajiyo Ifraax iga warsannayo.

“Waan idiin duceeyey ee salaan iga gaadhsii adeer” ayuu sii raaciyey.

Allah ha u naxariistee, macallin Faarax waxa uu xaqii haleellay 10/06/2009, isaga oo 72 jir ah. Si fiican oo milgo leh ayaa loogu sii galbiyey hoygiisii rasmiga ahaa. Tacabkii uu waxbarashada ku soo bixiyey awgii, waxa uu u qalmaa in meel muuqata loogu magacdarro, sida mid ka mid ah hoolasha waaweyn ee Jaamacadda Cammuud.

Rabbi ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha bare sare Faarax Cabdillaahi Fariid oo ku magac dheeraa “Faarax Shuun”

Mahadnaq:

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa asxaabta hoos ku qoran oo qayb ahaan, xogta qormadan aan ka xaqiijiyey:

1.     Cabdixakiim Axmed Faarax

2.     Cabdikariim Sh. Cabdiraxmaan Cismaan (Aw-Gamboole)

3.     Ifraax Maxamed Cabdi (Galbeedi)

4.     Barkhad Maxamed Diiriye (Dhiisidoon)

XsXuquuqda sawirka; Ifraax Galbeedi

X

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com 

 

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...