Dunidani sida xawliga ah u koraysa, waxaynu inta badan maqalnaa sheekooyin dareen-taabad leh oo dhiiga dhaqaajinaya. Waxaynu akhrinaa sheekooyin ku saabsan dad noloshooda meel hoose ka bilaabay, hadana figta sare fuulay, hindisay barnaamijyo lagu guulaystay, qaarkoodna ay noqdeen maareeyayaal sare iyo waliba madaxweynayaal. Sheekadani hoos ku xusani, kama xiiso yara, nuxur ahaana kama macno yara, sida aan filayo, sheekooyinka ku soo baxa bogaga hore ee Joornaalada Caalamiga ah iyo buugta loogu iibsiga badan yahay.
Dr. Hodan Jamac waa hooyo dhashay todoba caruur ah, waxana ay si farxad leh iyada iyo qoyskeeduba ugu nool yihiin magaalada Borama. Maadaama aanay dhaqaale buuran haysan, waxay ka gayn wayday in iyada iyo saygeeduba ay wada shaqo-tagaan, si ay duruufaha nolosha si wada-jir ah uga dabaashaan. Sidaasi darteed, ayay Dr. Hodan shaqooyin kala duwan u qabatay, si ay xoogsiga reerka gacan uga geysato.
Iyada oo ay ka go’an tahay inay xal waara u hesho mushkilada dhaqaale ee qoyskeeda, ayay Dr. Hodan go’aansatay inay dar-dar galiso dadaalkii ay ugu jirtay sidii qoyskeedu nolol wacan ugu noolaan lahaayeen. Si ujeedadaasi ay u gaadho, halgankii ay bilawday wuxuu u jiitay dhinacyo badan oo nolosha ah. Waxa uu u horseeday shaqooyin cul-culus iyo duruufo ad-adag. Si ay hadaba, u awoodo inay caruurteeda iskuul ugu dirto, waxa ay shaqo kal-kaaliso caafimaad ah ka bilawday Isbitaalka TB-da ee Annallena Tonneli, iyo Isbitaalka Guud ee Borama. Mudadii ay ka shaqaynaysay Isbitaalka ayay dar-dar galisay ka midho-dhalinta riyadeedii dhallaanimo; inay noqoto dhakhtarad, dumarka iyo caruurtana ka caawiso helitaanka adeegyo caafimaad.
Laakiin dakhligii halkaasi ka soo galayey wuu ku filaan waayey inuu daboolo baahidii reerka. Sidaasi darteed iyada oo wali ku guda jirta xaqiijinta hadafkeedii, waxa ay bilawday ka ganacsiga jaadka. Iibinta jaadku (gaar ahaan haweenku) waa dani ku baday, waxaana ku lammaan sharaf dhac, macaamil xumo iyo dayn aan soo noqod lahayn, Hodana kama reebanayn dhibaatooyinkaas. Sifooyinkaasi wada kakan oo dhan waxa ay ugu dul qaadatay danta qoyskeeda.
In kasta oo waqtigeeda inta ugu badan ay ku bixinaysay caawinta saygeeda si ay ula soo baxaan nolol-maalmeedkooda, hadana marnaba kama rajo dhigin rabitaankeedii ahaa inay aqoonteeda sii korodhsato. Si ay xifradeeda u kobciso, dugsiyo kala duwan ayay is qortay. Waxa ay gashay Dugsiga Beeraha ee Camuud, kaasi oo markaasi diblooma bixinayey, hay’ad shisheeyana ay gacanta ku haysay. Mar kale, waxa ay diblooma kale ka qaadatay Iskuulka Maamulka Ganacsiga ee Jaamacadda Camuud. Waxa kale oo ay xubin ka ahayd bud-dhigayaashii Ururka AYODA, oo ka mid ah ururada dhalinyaro ee ugu waxtarka badan, uguna caansan magaalada Boorama. Sidaasi oo ay tahay, is bedelkii ugu weynaa ee nolosheeda ku dhaca waxa uu yimid markii ay ku guulsaysatay inay ka mid noqoto ardayda loo qaadanayo Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud. Ardayda ugu darajada saraysa kaliya ayaa loo ogola yahay inay iska diiwaan-galiyaan kulliyadan, sida la qiyaasi karona, tartanku waxa uu ahaa mid kulul.
Dhinaca kale, caqliga wanaagsani ka habaabi maayo inuu si qumman u qiyaaso culayska saaran ardayga ama ardayada caafimaadka baranaysa, iska dhaaf, dhibta iyo rafaadka u dheer hooyo dhiiran oo mas’uuliyadii reerkana dhinaceed ka gudanaysee. Sidaasi oo ay tahay, waxa ay si xirfadaysan isku mar si guul ah ugu maaraysay daryeelka reerkeeda iyo daboolida baahida waxbarasho.
Ka dib todoba sano oo ay si farsamaysan u dheeli-tiraysay culayska saaran hooyo todoba caruur ah haysata iyo dadaalka aan yarayn ee laga filayo ardayad caafimaad dhiganaysa, waxa ay ku guulasatay inay waxbarashadii si guul ah u soo af-meerto. Xafladii qalin-jabinta, iyada oo ku labisan dirayskii qalin jabinta, ayay si la yaab leh u soo jiidatay dareenkii dadweynaha bacdamaa caruurteedii iyo saygeedii oo si fiican u wada labisani, si habsami leh u hareero fadhiyeen, iyada oo farxada foolashooda laga akhrisan karayey. Waxa ay ahayd daqiiqad ay dhab ahaantii nafteedu u baahnayd inay aragto, kuna laab-qabawsato! Dadweynihii maxfalka joogay, iyaga oo la dhacsan guusha ay gaadhay gabadhani, ayay sara joog iyo sacab aan kala go’ lahayn ku maamuuseen.
Waa dhif in la arko hooyo da’ yar oo guulo sidatan isku barkan hal mar wada gaadhay. Kartida iyo dadaalka ay la timi weeyi, tilmaamaha sida bir-labta oo kale quluubta dadkii madasha fadhiyey ama sheekadeeda maqlay u soo wada jiitay. Saygeeda ayaa si ka duwan sida inta badan raga Soomaaliyeed looga bartay, muujiyey dareen waalidnimo oo dhab ah iyo samir xoog leh maadaama uu in badan duruufo adag ugu dul-qaatay. Waxa taasi ka muhiimsan, isaga oo mar walba la garab taagnaa, guubaabo iyo gargaar aan kala go’ lahayn.
Ma dhacdo inta badan in bulshadeena lagu dhex arko haweenay todoba caruur ah dhashay oo hadana waxbaranaysa, iskaba dhaaf hooyo sida Dr. Hodan oo kale mas’uuliyado iyo guulo badan la shir timide. Xaalada la yaabka leh ee aan ka hadlaynaa, waa ardayad culuunta caafimaadka baranaysay, mar nolol-maalmeedka qoyskeeda jaad ka soo saaraysay, mar kalena gacan weyn ka geysatay daboolida nolol-maalmeedka qoyskeeda balaadhan; waa ficilo fariidnimo ku dheehan tahay, fal-galkooduna mar la arag yahay!
Gebogabadii, arintani cid walba baraarujiin ayay u tahay, gaar ahaan haweenka. Dr. Hodan waa xidig lagu hirto iyo astaan u taagan dhiiranaanta iyo kalyo-adayga. Safarkeedu waa mid baadi-sooc gooni ah leh, laakin la samayn karo. Waxay ina bartay, waxa ugu weyn ee is-bedel nafeed dhalin karaa inuu yahay, yool sugan oo aad yeelato, dabadeedna xaqiijiintiisa si aan nasasho lahayn loogu hawl-galo. Qof kastaaba wuu yeeli karaa sidaa, waa hadii ay si dhab ah uga go’an tahaye!
Riyadeeda mustaqbalka dhowi waa inay taageero xoog leh u muujiso dadka baahan, gaar ahaan, dumarka iyo caruurta. Si ay u gaadho ujeedadaas, waxa ay mar kale waxbarasho sare oo takhasus ah ka bilawday Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud, taasi oo ay hada ku guda jirto!
1. Waxaan jecelahay inaan halkan mahad-naq balaadhan uga celiyo Dr. Hodan Jaamac oo naga ogolaatay inaan sheekadeeda uumiyaha u soo bandhigno, si loogu daydo. Waxa kale oo aan abaal u hayaa, Maxamed-Deeq Cumar oo waraysiga soo qaaday, isku-xidh loo baahnaana sameeyey.
2. Sheekadani waxa ay qayb ka tahay, taxanaha “Sheekooyinka aan la Shaacin” ee qoraaga sheekadani, mudo marka la joogaba, mar baahiyo si daaha looga faydo, halyeeyada aan la xusin. Maqaalada kale ee qaybta ka ah taxanahan waxa ka mid ah, Hormuudka Baalashleyaasha iyo Dhakhtarkii Hal-adayga lahaa. Sheekooyinkani waa taxane ku soo baxa labada luqadood ee Soomaaliga iyo Ingiriisiga, waxana laga daalacan karaa, mareegta www.horusocod.blogspot.com
Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
abdirahman.adan@gmail.com