Dhakhtarkii Hal-adayga lahaa

Waxaan dhawr jeer booqasho shaqo ku tegay magaalada Kampala ee dalka Uganda, mar walbana waxa i dhaqaajinayey sheekada dhiirigalinta leh ee Hibo Maxamed Yusuf, ardayad culuumta caafimaadka ka barata, Jaamacadda KIU, xarunteeda, Ishaka, Galbeedka Uganda. Nasiib daro, intii aan safaradaasi ku jiray fursad aan kulo kulmo Hibo ma aan helin, maxaa yeelay safaradaydu waxa ay ku koobnaa magaalada xarunta ah. Ha yeeshee aqoon hore ayaan u lahaa Hibo, waxaanan kula xidhiidhay telefoonka iyo e-mailka. Sheekadeedu runtii way i soo jiidatay, waxaanan jeclaystay inaan akhristayaasha ku sooro!

Shan sano ka hor, ayay Hibo ka heshay deeq-waxbarasho hay’ada UNESCO, waxaana ay go’aan ku gaadhay inay gasho kulliyada caafimaadka, iyada oo si buuxda uga war qabta in kulliyadani ay u baahan tahay ugu yaraan lix sano oo deeq-waxbarasho ah, ama isku halayn kale oo dhaqaale ay jirto. Iyada oo arinkaasi ka go’an yahay, waxna aanay ka qarsoonayn, ayay go’aankaasi qaadatay. Dugsigeedii sare, waxa ay darajo sare kaga soo baxday dugsiga sare ee Al-Aqsa, Borama. Dhinaca hawlaha waxbarashada ka baxsan, hadii aynu jaleecno, Hibo waxa ay ka mid ahayd hablihii aasaasay Ururka Hablaha ee Moonlight, kaasi oo ka mid ah ururada bulshada ee ka hirgalay, gaar ahaan Borama, guud ahaana Somaliland.

Sidi la filayey, ayay Hibo waxbarashadii uga soo dhalaashay, waxaanay si isku mid ah u soo jiidatay quluubta ardaydii ay wax wada dhiganayeen, macalimintii iyo maamulkii Jaamacadda. Si kastaba ha ahaatee, durbadiiba, deeqdii-waxbarasho way idlaatay, Hibona waa inay heshaa hab sugan oo ay waxbarashadeeda ku sii wadan karto. Tani waxa ay dhacaysaa, xili ay sheeda uun ka bidhaansatay, kuna baraarugtay, muhiimada ay leedahay duruusta ay dhiganayso, iyo mustaqbalka wacan ee hore ku sugaya hadii ay tacliinteeda dhamaysato. Maadaama ay xog-ogaal buuxa u tahay duruufaha dhaqaale ee aan sahlanayn ee qoyskooda ku gedaaman, waxa lama huraan noqotay inay la timaado talo wax-ku-ool ah oo u suurto galisa inay tacliinteeda dhamaysato. Hadaba, waxa ay daaha ka fayday, karti kale oo u qarsoonayd, waxaanay la soo baxday hal-abuur ay ku hindistay meherad baahi loo qabay oo ay ka dhex yagleeltay kambaska Jaamacadda. Maalin kasta saacado badan ayay u horeysay sidii ay ugu adeegi lahayd macaamiisha maqaaxida, isla markaana ay nolosha qurbaha iyo waxbrashadeeduba si guul le ugu dhamaan lahaayeen.

Waagii baryaba, waxa meheradeeda baadi-sooc u noqday, daryeelka macaamiisha, helitaanka  cunto dhadhan leh oo qiima macquul ah taagan. Arinta xiisaha lihi waxa weeyi, in aanay meheradani saamayn taban ku yeelan heerkii ay waxbarshada ka taagnayd, in kasta oo la malayn karo, dadaalka sugaya arday kulliyad caafimaad dhigta. Waxa ay sii waday inay fasalkeeda hormuud dhinaca aqoonta ah u ahaato, waxana ay xajisatay kaalinteedii hogaamineed ee dhinaca imtixaanada.

Meheradii way kortay oo kobocday, waxana lama huraan noqotay inay Hibo shaqaale kale qoroto si baahida ardayda jaamacadda loo daboolo. Sidaasi ayay hadaba Hibo xal rasmi ah ugu heshay inay daboosho kharashkii waxbarasho ee ay u baahnayd. Fikirkii wanaagsanaa ee ay la timidna, waxa uu u suurto galiyey inay si guul ah u soo dhamaysato waxbarashadeedii jaamacadeed.

Gunaandkii, gabadhani dhiganaysay kulliyada caafimaadka, ee sida guusha ah u maaraysay caqabadihii ku dayrnaa waxbarashadeeda, waxa ay ina baraysaa darsi muhiim ah; kaasi oo ah ardayga ay ka go’an tahay inuu wax barto, lab iyo dhedig kuu doono ha noqdee, inuu guulaysan karo, xataa hadii duruufuhu ay yihiin kuwo aan saacidayn. Intaasi waxa dheer, Hibo waxa ay xaalada jiq kaga dhigaysaa ardayda waxbarashada ku maqan ee reerahoogu sida gacanta furan leh biilka iyo waxay u baahdaanba ula daba taagan yihiin, ee hadana guul-daraysanaya. Hambalyo ayaan leenahay Dr. Hibo Maxamed Yusuf, waxaaan ku bogaadinaynaa dhabar-adayga iyo go’aan-qaadashada ay la timi iyo waliba hal-abuurka ay samaysay.


FG: Hibo Maxamed Yusuf hada way dhamaysatay waxbarashadii dhinaca caafimaadka ee ay ka waday Jaamacadda Kampala international University, ee ku taala dalka Uganda, waxana ay hada ka hawl gashaa Isbitaalka Guud ee magaalada Borama.


Abdirahman Adan Mohamoud
abdirahman.adan@gmail.com



No comments:

Brutal Fighting in Sudan- The Forgotten Tragedy

Fighting broke out between the warring factions in Sudan exactly one year ago. What started out as a disagreement over the merge of paramili...