Somaliland: Maxaad ka taqaan Rays HOtel


Rays hotel waa hudheelka ugu casriyaysan magaalada Borama. Hotelka oo la furay 18/8/2004 waxa uu ka kooban yahay laba qaybood oo kala ah qaybta hurdada iyo qaybta cuntada. Qaybta hurdada oo guud ahaan ah 24 qol waxay ka kooban tahay 3 qaybood oo kala ah qolal keliya (single), wadar ah (double) iyo qaybta martida ama VIP da loo yaqaano. Mid kasta oo ka mid ah qolalkaasina waa self-container oo musqushiisu gudaha ayay ugu taalaa iyadoo qol walba uu yaalo TV u gaar ah iyo telephone baa ad kula xidhiidhi karto meelkasta oo caalam ka ah.
Hudheelka oo dhismihiisu qaatay ugu yaraan muddo sannad ah waxa uu markiiba noqday kan ugu horeeya uguna caansan Boramada casriga ah ee maanta। Waxa inta badan ku soo dega madaxda dowlada, hay’adaha iyo dadka kele ee hawlaha kala geddisan u imanaya magaalada Borama.


Marka ugu horaysa ee aad gasho hudheelka waxa ku soo jiidanaya beerta aadka u quruxda badan ee uu hudheelku dheeryahay hudheelada kele ee dalka iyadoo aad moodo in si gaar ah oo casriyaysan oo farshaxannimo ku dheehan tahay loo beeray doogga iyo dhirta kala duwan iyadoo marka aad dhex fadhido aad ilaawayso inaad Africa joogto.

Qofka hudheelka deggeni wuxa kele oo uu ka heli karaa:

a Internet and email access
b Dry cleaner
c Hot/cold water (shower)
d Telephone
e Wedding/conferences facilities



Waxa hudheelka ka baxa geedka loo yaqaano Passion ka oo aan wadanka intiisa kele ka bixin kaas oo uu maamulaha hudheelku ii sheegay in debedda ay ka keensadee midhihiisa.
Waraysi aan la yeeshay maamulaha hudheelka Mr। Ibrahim Xasan Daahir waxa uu ii sheegay inay mustaqbalka hudheelka ku soo kordhinayaan qaybo cusub oo ay ka mid yihiin hool dheeraad ah oo loogu talagalay aroosyada iyo xafladaha, qayb xayawaanka lagu xanaaneeyo (zoo) iyo qayb kele oo loogu talagalay inay caruurtu ku ciyaaraan iyadoo la keeni doono dhamaan agabkii lagu ciyaari lahaa.



Ibraahim waxa uu ii sheegay inay mar walba heegan u yihiin sidii ay macaamiishooda u raalli gellin lahaayeen meel kasta oo ay ka yimaadaan isla markaana ay mar walba u heellan yihiin sidii ay hudheelka uga dhigi lahaayeen mid aduunka oo dhami ku soo hirto.

Rooble Mohamed
Hargeisa, Somaliland

Source:www.sdwo.com

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...