Warbixin:-Xasuuqii waxshiga ahaa ee taliskii xabashidda ee boorama 30 Janaayo 1984.




Marka hore waxaan ku bilaabayaa magaca Eebe ee naxariista guud iyo mid gaar ahaaneed.

Hadaba, hadaan u gudbo ujeedada igu dhalisay dhanbaalkayga, amaba aan gudagalo ayaa waxay tahay in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii fogaanayso colaadii sooyaalka ahayd ee u dhaxaysay shacabka soomaaliyeed iyo xukuumadaha xabashida, Waana taas aan manta u cuskaday qalinka, jecelna inaan daaha ka qaado taariikh aan marnaba duugoobikarin oo arimahan uun la qotonta in kastoo aanan jeclayn inaan diirqaado naburro gaamuray dibna u xasuusiyo shacabka iyo eheladii dhibanayaasha, balse ay tahay dhacdo xusid mudan oo qudhaydu habeeno ka laddi waayay. Waayo umad kasta oo uunkan ku nooli waxay leedahay dhacdooyin taariikheed oo soo jireen ah oo ay ku dhaataan ama ay ka dhiidhiyaan, waana laba midkood uun,
1taariikh xambaarsan badhaadhe iyo himilooyin wanaagsan oo la hantay 2taariikh xambaarsan tiiraanyo, dhiilo ama dhacdo xusuus reeb xun leh

hadaba dhacdooyinkan is huwan ayaa badanaaba waxa weeleeya maskax kastoo caafimaad qabta taasi oo ku dul suntan, raad-raaca taariikheed ee jiilba jiil uga sii taariikhoodo, arinta aanugoleeyahay ee aan ubanbaxay wax kaqoristeeda islamarkaana aan ushanqadhiyo dhalinta facayga ah ee gayiga degan ayaa ah, akhristow raad-raaca taariikhda ee guunka ah oo maanta iyo naxdin leh u xusaysa bar-baartii, ubixii, sida xun ugu riiqday weeraradii waxshiga ahaa ee aan lookaala aabo yeelin ubax iyo Hadab bulshoweynta reer Awdal yaa ah bulsho ehel u’ah ilbaxnimo iyo aqoon dabo dheeraatay, isla markaan ku dhaadata taariikh guun ah oo soo jireen ah, waxaaana taasi marag ma doon u ah ilbaxnimadii Adal iyo sooyaalkii soomaaliyeed ee kahaqaaday guud ahaan Awdalta maanta taaso ahayd boqortooyo awood cudud iyo ilbaxnimo gaadhay oo xukunkeedu gaadhsiisnaa ilaa shawa(Ethiopia) taas oo la odhankaro waa halka ilbaxnimadii soomalidu ay ka soo dhab qaadatay .",


Hadaba hadii aan ugudo galo dhacdan naxdinta leh ayaa waxay ubilaabmaysaa sidan hoose।

Amintu waa goor barqa ah abaaro 10:30 AM bishii janaayo 1984 kii waana maalin farxad iyo rayn-rayn badan ay dadkuna faras magaalaha Boorama (xarunta iyo caasimada gobalka Awdal) ay tuganyihiin oo raxmaad iyo nimcad illaah ku mashaqeeyay taasi oo ay dheerayd jawi bilan oo ay weheliyaan neecaw iyo reexaan udug badan oo ka soo dhabanaayay dhinaca buuralayda iyo xeebaha Laakiin nasiib daro waayahan faraxa badan u mayna hiilin shacabkii u sacabotumaayay ee u heelanaa, Kadib markii 6 diyaaradood oo nuuca dagaalka ay ka soo gudbeen dhinaca xadka xabashida kuwaas oo bartilmaameed rasmi ah ka dhigtay ubax aan waxba galafsan oo duruus ujoog ku ahaa dugsiyadoodii. Deegaamo xaafadeed iyo xarumo ganacsiba, gardaradaa aan geedna lagula soo gaban ayaa waxaa ku galbaday 37 arday oo da’doodu udhaxaysay (6-14)sano iyo 4 macallin, halka dhaawucuna kor u dhaafay 39 arday iyo 5 macalin kuwaas oo sixun u dhaawacmay ,wxaa kaloo dadka ku nafwaayay kamid haa afar hooyo oo xaamilooyin ahaa kuwaasi uu sugnaa MCH-ka ad dhawaa dudsiyadaasi sida xun loo ataagay.

Anaga oo kuhadlayna magaca bulshaweynta reer Awdal iyo eheladii dhibanayaasha ayaan ugu baaqaynaa dadyowga nabada jecel in aydhinac uga soo jeestaan ficilada xun ee ay cadaysteen xukuumadahasi xabashidu, arintu sikasta ahaatee dhacdadani waxay fariin ugudbinyasaa bulshoweynta soomaliyeed in ay cadowgooda u foojignadaan waxaana la, arkaa in dhinbiilihii hore ay wali dhab holcinayaan , inkastoo xasuuqaasi naxdin we-wel iyo tiiraanyo ku sogootiyay bulsho weynta reer awdal hadana waxaa xusid mudan in ayna cidna dabooli Karin ubax soo foodhacaaya!! ।Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku hafsatay ?Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin ,balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin ,waan taas ta sobobtay in uu wax kooban noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal uqabeen xukuumadii xilligaasi.",Markasoo ay bulshada caalamkuna ay ku mashquulsanaayeen waa xiligaasiye ka badbaadinta dhalaanka nafaqadarada, macaluusha, xanuunada iyo cidhibtirka jahlinimada, ayay xukuumada xabashiduna ay awoodeeda ku tijaabisay ubad soomaaliyeed oo birimagayda ah ,shikina kuma jiro in xukuumadaha xabashidu ay yihiin xoog u taagan bur-burinta shacabka iyo bar-baarta uhanaqadaysa gayigan.

Balse su’aasha la isweyndiin karo ayaa ah intee ayuu leekaa taageeradii ay ufidisay xukuumadii milatariga ahayd ee siyaad barre dhibanayaashii ay dhacdani ku hafsatay ?
Jawaabta ayaa ah mid cad dadka inta badana ay aaminsanyihiin in wax gar-gaarah oo sidaasi ubuuran ayna dadkaasi helin ,balse wax uun lagudboonaa dowlada in ay shicibaka ka difaacdo duqaynta arxandarada ah balse taasina ma ay dhicin ,waan taas ta sobobtay in uu wax kooban noqdo taageeradii ay bulshoweynta reer Awdal uqabeen xukuumadii xilligaasi.
Iskusoo wad xooriyoo hada waxaa lataaganyahay xiligii dhibanayaasha lagu xusilahaa taalo laga dhex qotamiyo faras magaalaha caasimada gobolka ee Boorama, si aan maanka iyo quluubta ugu hayno ubaxaasi inaga baxay dhamaanteen ,waayo bulsho kastaa waxa ay leedahay calaamad ay kuxusuusato dhacdooyinkan nuucan oo kale ah ।

Gabo-gabada iyo gunaadka qalinkayga urugo qormaaya kuna hadlaya magacayga iyo magaca dhalinta reer awdal iyo magaca qoysaskii dhibtu gaadhayayaan waxaan tacsi tiiraanyo leh ugubinaynaa dhamaan bulshoweynta reer awdal meelkasta oo ay joogaan dal iyo dibadba iyo guud ahaan bulshoweynta soomaaliyeedtaariikhduna way xusi ubaxaasi saxiibadayo ,wehelkayo,kuwaas oo\nala qoondaynlahaa dhabada nolasha waxaase hubal ah in ay rabi ku galaday janatu firdowsa naxariisna, ay hugooga noqotaydhamaanteen Allaah raxmaanka ahi samir iyo iimaan ha inaga siiyo aamiin ..............\
...
Mukhtaar Cige mukhtaar24@hotmail.fr
Source: Boramanews.com

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...