Fasax iyo Fiirsasho

Bil fasax ah oo aan Boorama ku qaadannay, iyo laba usbuuc oo aan Hargeysa shaqo ka hayey, qoyskuna ila socday ayaa soo idlaaday. Allaa ilehe fasax iyo safar fiican buu ahaa. Fasax buu ahaa ku soo aaday, goor aan arlada ka raagay, dhulku cagaaran yahay, roobku da’ay oo Karantii curatay. Wuxuu ahaa fasax ku soo beegmay, amin loo baahnaa; mar dunidu si gaabis ah, balse ka soo raynaysa uga soo kabanayso aafadda Koofidh iyo kadeedka ku lammaanaa. Ka soo kabashadaas ayaa suurtagalisay in dad badan oo labadii talaal soo qaatay, arladana ka raagay, dalka soo booqdaan. Isla furfurnaantaas ayaa sahashay inaan la kulmo dad aanan muddo dheer is arag. Qaarkood oo aan arday hore isku ahayn, malaha 30 sanno la isma arag.

Ganacsi Xaami ah

Isbeddel weyn ayaa ka muuqda magaalada Boorama. Aad bay u balaadhatay, walina xawli ayay ku socotaa. Way fiday oo faaftay. Awal waxbarasho uun baa loo soo raadsan jiraye, hadda suuq ganacsi oo xaami ah ayaanay dardartiisu yareyn. Meel walba meherad baa laga furay, qaarkood waa casri waqtiga la socda. Habeenkii ilaa saacaddo dambe, magaaladu way cammiran tahay, subixiise, qolyaha ganacsigu gaar ahaan, hore uma furaan. Hargeysa iyada waa la iskugu yimid oo tartan kuma jirto. Xaafadaha qaarkood oo la deganaan jiray ayaa iyada mar hore suuqyo loo geddiyey. Ganacsi cayn walba leh, heersare ah oo shidan ayaa ka hirgalay. Xoogsato iyo xirfadlayaal shaqeeya, karti leh oo la isku halayn karo markii la waayey, shisheeye ayaa suuqa ganacsiga daf ka soo noqday oo aad meelo badan ugu tegaysaa. Hadda waxaynu ka hadlaynaa, dal dadkiisa inta ugu badani, inay camal la’aan yihiin la sheego. Xirfaddii loo baahnaa oo aan jirin iyo dhaqanka shaqo ee dadka oo aan la jaanqaadi karin baahida suuq xawli ku socda ayaa ganacsato badan ku dirqiday inay shisheeye xirfad iyo adkaysi shaqo leh dibada ka raadsadaan.

Kala iibsiga dhulka iyo dhismaha guryuhu waa suuq dardar badan. Ka hore, faa’iido buuran oo degdeg ah ayaa laga raadiyaa, taasina dadka nolosha way ku adkaysay. Ka danbe laftiisu waa macaash doon, laakiin guriyeyn, xoog shaqo iyo dhaqdhaqaaq ganacsi ayaa ka dhasha. Sidaas oo ay tahay, ma fududa inaad guri kiro ah oo banaan heshaa. Seeska marka la jeexo, ayaa meelaha qaarkood carbuun la dul dhigaa.

Wada Mastar!

Waxbarashadu sidii bay u dardar badan tahay. Dugsiyadda Sare ee magaaladda Boorama gudaheeda ku yaaal, waa labaataneeyo. Jaamacadaha oo Cammuud iyo Eelo ku kooban (muddadii hore/dhexe) haddii aad ogayd, maanta way tiro bateen. Toban armay ku dhow yihiin. Haddii aad awal ogayd, dadka Boorama jooga- bilaa camalku haba ku batee oo tirada jaamiciyiintu ku badan tahay, maanta la isma waydiiyo jaamici ee digriiga labaad bay sheekadu taagan tahay. Midhaa dadkii waa wada Mastar! Yacnii digriiga labaad ayay dad badani qaateen. Taas oo jirta, tayada tacliinta su’aal ayaa la iska waydiiyaa. Inay hoos u dhacday, halkii ay ka sii adkaan lahayd ayaa loo badiyaa. Se waa arrin mudan in si weyn loo daraaseeyo.

Caafimaadka.

Tiro badan oo dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal ah ayaa jaamacadaha gudaha ka soo baxay. Baahi weyn runtii way dabooleen, laakiin ganacsiyaynta adeegga caafimaad ayaa khidmaddan aan laga maarmin ka dhigay, mid inyar oo koobani ay goyn karaan. Guud ahaan, weli sidii baa banaanka daawo iyo caafimaad loogu doontaa. Wali sidii baa halka Addis ugu dhawdahay, Hindiyana ugu dheer tahay, adeegyo caafimaad oo qiime sara ku kaca loogu raadsadaa.

Koofidh oo dunida farobaas ku haya, 18-kii bilood ee u danbeeyey, Ilaahay dalka waa uga naxariistay. Beryahan danbe, cid uu ku dhacay iyo cid hadal haysa maqli maysid. Dad kooban, xirfadlayaal caafimaad u badan ayuu weli taxadir ka sii muuqdaa. Aniga ruux ahaan, bil iyo badh xorriyad aan ku naaloonayey ayay iiga dhignayd. Afsaab, heerkul la iska cabbiro, kalafogaansho iyo masaajid sijaayad loo sii qaato, wax aan muddo ka nastay ayay ii ahayd. Galladaasi waa mid Guulle arladeena ku manaystaye, yaan laga abaalka dhicine, Rabbi ha loogu mahadnaqo. Alxamdulilaah. 

Jidxumo

Waddooyinku way burbureen markii ay waayeen dayactir joogto ah. Qofkii aan xog-ogaal ahayni, is odhan maayo jidadkan ayaa hore loo dhisay. Mar bay laami ahaan jireen boholahani, is odhan maysid. Wallay ka tahay! La yaab ma leh oo heerka burbur baa gaadhay mid aan la malaysan karin.

Qashinka iyo eyda wax la qabatimay, in laga soo qaaday baad moodaa. Meel walba si basarxun ayaa xashiish loo dhigaa. Dadweynaha oo maamulka uun canaanta saara ayaan laftoodu dhaamin oo qashin basrin xilkasnimaysan aan marna laga arag. Dad Muslim ah, og nadaafaddu halka ay iimaanka kaga jirto, haddana qashinku aanu dhibin, waa Allow sahal. Biyaha wasakhda ah ee  guryaha hortooda iska dareeraya ha ilaawine ku dar foolxumadda la qaayibay. Guryo sidii sebi sankiisa siin ka dareerayo, goor walba hortoodu qoyan tahay, wax la dhawrto ka weyn. Yeelkeede, imika ahaan, ugu yaraan baraarug guud baa maamulada cusub la dhashaye, bal aan dhawrno dharaarraha.

Baraha Bulshada 

Dadku waxa ugu badan ee ay ka sheekeeyaan waa siyaasad reeraysan. Iyadba waa yaabe, waxa ugu weyn ee maamulideeda aan meel wanaagsan wali la saarina, waa isla iyada. Tamarta intan leeg haddii bahasha la galinayo, horumar intan ka weyn sow in maareynta danta guud laga arkaa ma habbooneyn? Haa laakiin, ayaandarro, sida looga hadlaa, waa ku dibirodhacsi, qofayn, reerayn iyo qaayotir.

Adeegsiga baraha bulshada, qof ahaan inaan ku haftay baan isku qabay oo aan ku danseegaye, duul iga daran baan arkay. Ugu yaraan anigu, haddii aan dad la fadhiyana ku mashquuli maayo, inta aan shaqo ku jirana waan aqaan hawshayda, masaajid haddii aan galana, telka gacanta shaqo iskuma lihin. Dad badan oo waxaan arkay intaasi aanay u kala qalnayn. Hadday kula fadhiyaan, Facebook bay ku fooraraan, haddii ay masaajid ku jiraanna, faruhu inay cuncunayaan oo salaaxidda shaashada ay ku dabiibayaan baad moodaa. Waxa ka sii daran, mid aanad hal baadi ah waydiiseen, wuxuu soo feegaray (oo naxli u badan) ayay war ama ajande, rag waaweyni kaaga dhigayaan. 

Si xun u adeegsiga teknoolajiyada casriga ah ayaa halis ku ah, is-ahaanshihii bulsho, habfikirka dadka iyo wadajirka guud. Duul aan adduunaragoogu fogayn ayaad moodaa inay hab-fikirka bulshada hadba dhan danta guud ka madhan ula caaryayaan. Dadkuna, si hogseeg iyo fiirsasho la’aan ah ayay hagardaamadaas guri-ku-korka ah, ugu lumaan.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...