Halka dadka dal iyo dawlad wadaaga lagu sheego dhinacyo heshiis bulsho ku wada jira, una wada hoggaansan xeerar ay isla qaateen, innagu tamar badan waxaynu ku bixinaa tororrogta aan ku xiiqno, maalinta magac ahaan mid reerka ahi mindida daabkeeda hayo; manfac ahaanse laga qatan yahay. Marka laga yimaad adeegbixinta lamahurraanka ah ee ay tahay in dadka laga haqabtiro, maamulada mas’uulka ahi waxay xaqiijiyaan sugnaanshaha wadareed ee bulsho. Waxay dadkooda u abuuraan is-ahaansho guud iyo baadisooc dhaxalgal ah. Waa kuwo dadka iskudubarida, haga ee hadba hawl cayiman, waqti muddaysan ku jiheeya.
Innagase guuli waa wali inta adiga oo difaaca qolyaha guudka u baxay ku ambaday, haddana shaqo walba socodsiinteedu madaxaaga saaran tahay. Qashinka basrintiisa lacag gaar ah baad ku bixisaa; wiilkaagu garoonka uu kubadda ku ciyaarayo, lacag inaad ka shubto weeyi; dugsiga uu tago iyo agabka waxbarashada mid walba adduun baad dhaafsataa. Biyo si aad u heshid, ma firixfirix yarid ee addimo isdhaafay baad ku oonbaxdaa. Caafimaadku waa bayc, ruuxii dalka lagu dabiibi kari waayana, dibadda ayaad ula daaduuntaa; adduunkaas oo dhammina adiga dumaddaada weeyi. Hadda xusuusnow oo intaaba nabadgelyada kow baad ka tahay, qarandhiska qeyb baad ka tahay, sharciga waad u hoggaansan tahay; cashuurbixiyana waad tahay.
Wiilkii aad tacliintiisa shillin kasta oo ku baxa aad dusha u ridatay, ayaanta uu jaamacad ka soo baxo, shaqogeyntiisu wali adiga ayay ku sugaysaa ee la soco; saa ma jiro hanaan shaqogalin loo siman yahay, banaanyaal ah oo awood u leh meelayn micno leh. Hagarbax ma muuqdo, adigana saddex kuuma kala qalna: itaaldarro, gaabis iyo xilgudasho la’aan. Marka xaal sidaas yahay, hawlgalinta wiilkaasi waa dushaada. Tukaan u furtayaa, ina adeerkaa u baryo tagtayaa, tahriibisayaa, waa yeelkadaa. Waa halkaad isdhigtay!
Adeegyadii ay ahayd inaan helitaankooda gorgortanba la gelin, balse haddeer hadii la helo in badan iib ah, haddana aan iskaga iimaan qabno, waxaaba ka sii daran micnotirka iyo maydhaanka aan xilgudashadii badnay. Innaga oo sidaas cidlo u taagan, kana faramadhan intii aan xaqa u lahayn, misana, iyadba waa ibtilee, mar haddii kursiga mid reerka ahi ku fadhiyo, waxba inagama maqna. Inay kalkeenii tahay kaliya ayaa inaga farabadan. Warkeenu waa dhammays inta aan maqaaxiyaha iyo goobaha fadhikudirirka, intan danbena baraha warbaahinta, ka botorin karno. Ayaamahaas tirsan, wax walba waxa inooga mudan difaaca kursiga uu ku fadhiyo ruux aan hayb wadaagnaa. Magacaas guud iyo difaacaas aan la inoo ogayn ee aan ku xiiqnay, inteena badan waxba inoogama hooseeyaan. Waxa inoo dheer, marka ninka rakada fuuli raba uu damac wado ama dantiisa teena lagu deday difaacanayo, jeebkeena ayaa lagu soo noqonayaa, innaguna diyaar baan u nahay, hanti wixii aan hayno inaan u hurno sugida jiritaanka hanka reerka!
Haddii xitaa kuraasta ay buuxiyaan kuwa maanta aan u aragno inay ‘kursigeena’ duullaan ku yihiin, adiga iyo aniga nolosheena waxba iska beddeli maayaan; aan ka ahayn, dhammaadka faankii aan meelahaa ka shubi jirnay iyo is-hafarkii aan iska dhigi jirnay in talada dalku gacanteena ku jirto. Sidii uun baan halganka nolosha kelideen ula xarbiyeynaa. Sidii uun baan adeeg aan xaq u lahayn helidiisa, haddiiba uu jiro, adduun door ah ugu doorsanaynaa. Mid sideenii oo kale danseeg ah, balse daanta kale ahina, mar kale iskugu xilsaari doonaa faan iyo difaac, midna aan loo miidaan dayin. Midkaasi oo inala duruuf ah ayaa isna markiisa, sideenii oo kale, ku if iyo aakhiraba seegi deedafaynta fikir iyo la xisaabtan cid isaga iyo aniga uga baahi badan aan la arag. Xaalkeena muhmalka ahina sidaasi ayuu iska ahaanayaa. Cidda ugu weyn ee ku hogseegtayna waa adiga, aniga iyo wadarta bulshada.
Wax ma beddeli karnaa?
Hadii aan habfikirkeenna iyo adduun-arrageena hagaajinno, wax weyn waan beddeli karnaa. Haddii aan maanka ka shaqaysiino, runta xaqiiqsanno oo hagarbaxno, wax way hagaagi karaan. Waliba kalkan maanta ah ee aan hebello talada qayb ka noqon raba kala xulanaynno, kansho mar la-arag ah baa ina hortaal. Jirtoo ay dhinacyo inaga madaxbanaani- xisbiyo, maamul iyo dhaqan- u muuqdaan inay iyagu shaxda degeen, misana kaalinteenu duljoogto kaliya ka badan, midhaa ugu danbaynta fartaada weeyi ta farqiga abadiga ah dhalin kartaa.
Asalkaba, goleyaal doorasho toos ah ku yimaadaa inay kaa wakiil noqdaan waa horusocodnimo. Waa awoodqaybsi iyo fursad aad kaga qaybgali karto samaynta berri maanta ka fiican. Ha yeeshee, doorasho aan isbeddel aayoleh keeni karini, waa tacabkhasaar iyo daal la taransaday uun. Doorasho aan dhaafsanayn baratan beeleed, waxtarkeeda, waxyeeladeeda ayaa ka badan. Sidaas oo ay tahay, oodo dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraaye, bal heer shakhsi ruux walowba ugu yaraan, ayaanta ay kala doorasho joogto, hal su’aal oo masiiri ah uun jawaab waafi ah u raadi. Ayaa mudan oo aan doorkan maanta ah bilikeediyaa, mustaqbalkayga ku aaminaa oo nolosheena raad lagu reeyo ku yeelan kara? Ayaa codkayga sida ugu fiican iigu meteli kara? Ma ka aynaan hubin wuxuu gudo iyo wuxuu galo, amaba aan hore u soo tijaabiney ee aan la mahadin, mise ruuxa karti aan ku tuhmayno, markii uu banaanka joogaynna dhawrsanaa, imikana, ugu yaraan u muuqda mid fahansan waxa laga rabo?
Halkeen higsan karnaa?
Hadii dhaqankeena xulashada ama doorashada aan si dhab ah uga fekerno. Haddii caqligu cugashada hago, caadifadana aan xakame adag ku qabano. Haddii aan dad iyo dawladba ismoodsiiska ka gudubno, geeddi guryasamo horseeda raadkiisa waan ku joogsan karnaa.
Waxa la joogaa amintii doodu noqon lahayd sidee loo abuuri karaa jawi qof walba shaqo heli karo, ganacsi abuuran karo, hoy hanti ahna degi karo, is-ogolaansho bulsho iyo qab ahaansho laabaha dadka buuxin karo. Si fudud, jawi ruux walbaa carruurta ku korsan karo cabsi la’aan, caafimaad, uursamaan iyo yididiilo. Sirta fahanku waa ka go’naan, wax isku geygeyn, is aaminaad iyo dhinac u wada guur. Allow garansii nin moog.
WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com