Ardaynimada: Shalay iyo Maanta


Xammaasad gaar ah ayay lahayd markaad aragto ku dhawaad kontomeeye arday oo marka ay basaska ka degaan ba, orod isqaadaya oo maktabada ku qammaamaya. Waxa tartanka loogu jiraa maaha filim la fiirsanayo, ciyaar la daawanayo ama borotan kale. Waa waxbarasho iyo wax akhris waxa loo baratamayaa.Waa ku sinnaan labaatan gu' ka hor, isla bilihii hayaanka tacliinta sare, dalka ka hanaqaaday. Jaamacadda Cammuud ayaan arday ka nahay, sanadkii koowaad ee waxbarashada ayaanan ku jirnaa. Saddex koorso oo kaliya ayaan kalkan qaadanaa, saddex  macalin ayaana noo kala dhiga oo kala ah Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid  oo loo yaqaanay “Faarax Shuun", Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee, Prof. Abokor Sh. Abdi iyo Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed, iyagana Ilaahay cimriga ha u barakeeyee.

Saddexda koorso mid ka mid ah (Introduction to Psychology) oo Prof. Sulaymaan markaa noo dhigo wax buug ah (text book) oo koorsadan ku sahabsan saddex midh oo kaliya ayaa yaalla maktabadda. Tirada ardayda saxda ah markan intaan nahay ma hubo- waayo tiradu si joogta ah ayay hoos ugu socotay- laakiin qiyaastii kama yarayn 50 arday. Saddex buug sidii ay konton arday uga wada faa’iidaysan lahaayeen ayaa xujo noqotay. Ku darsoo, saddexdii buug mid macalinka ayaa la siiyey si uu duruusta uga soo diyaariyo. Midna hablaha aan isku fasalka ahayn oo markaa tiradoodu 7-8 ahayd ayaan u qoondaynay, si ay uga nabad galaan isriixriixa helitaanka buugga loogu jiro. Waxay dani ka tegi wayday in intii soo hadhay oo dhami hal buug wadaagto.

Jaamacaddu way nugu cusub tahayoo, ruux walba oon ama harraad gooni ah ayuu qabaa. Xiise kale inuu noo dheeraana la arkee! Hawli haddaba waxay ka timiday sidii halkaasi buug loo wada wadaagi lahaa. Isfahanka ardayda fasalka laftooda ayaa markaas uun abuurmaya, maxaa yeelay, arday hore isku soo baratay inta badan lama ahayn. Guud ahaan, ardaydu saddex hormo ayay ka koobnayd. Koox iyaga oo Jaamacadihii Muqdisho ku jira dagaaladu qarxeen. Koox iyaga oo dugsiyada sare dhigta, dalka lagu kala yaacay; iyo waliba kuwo iyagu aan dugsi sare ba gaadhin balse dadaal shakhsi ah ku  meelmaray. Arday dhawr ah oo dibada ama dalalka dariska ah ka yimi ayaa intaa tarraxa. Halkii buug ee kali ahaa in lagu heshiiyaa way adkaatay. Waxay noqotay in maalin ba ruuxa ku danbeeya ee ku dhafraa qarsado oo meel isaga uuni og yahay, Alle ka sokow, ku hubsado. Kummanaankun oo buug oo maktabadda taalay in tilmaan la’aan laga soo dhex saaraana, ma sahlanayn, haddii aanay ahayn ba wax mustaxiil ah.

Taasi ka soo horjeedkeeda, ardayga maanta waxbaranayaa hubaal ahaan waa laga haqabtiraa buugta duruusta laga daalacdo. Haqabtir kaliya maahee, kuwa kale oo   tixraac ahaan loogu talagalay ayaa waliba kuwa aasaasiga ah u dheer. Maktabaddii oo cammiran; buug cayn walba leh laga helayo ayaa iyadna halkeer ah. Intaasi oo dhan waxa dheer nimcooyinka Ilaahay inagu galaday, balse in badan aan la dhaadan ama si qalad ah loo adeegsado ee shabakadaha internetku ka mid yihiin. Laan kasta oo cilmiga ka mid ah, sahal iyo hawl yaraan ayaa looga haqab beeli karaa, marka aaladdan si sax ah oo sugan loo adeegsado. Waase ruuxii rabitaan rasmi ah la yimaada, meel sare higsanaya, soo jeeda, baraarugsan ee dadaalkana joogteeya.

In kasta oo ay duruufaha waxbarashadu adkaayeen, tas-hiilaadkuna yaraayeen, haddana ma xiise yarayn, haddaanay tacliintu waayahaas ba ka xallad badnayn. Tayada lafteedu, inkasta oo hadal ka iman karo, ugu yaraan ta maanta kama hoosayn, haddaanay la sinayn amaba ka sarayn. Waase xaajo lagu kala aragti duwan yahoo, waa hadba dacalka aad ka joogsato. Nafhurkaas iyo xiisahaas gaarka ah sababtooda ma hubo, waxaanse u badiyaa qoddobo dhawr ah; isku darkoogu inuu sal u yahayna la arkee. Qoddobadaas waxa ka mid ah, duruufihii adkaa oo isbeddel degdeg ah dan ma hurto ah ka dhigay, dib u yagleelkii waxbarashada iyo xiise gaar ah oo ku lammaanaa, ardayda oo inta badan muddakar u badnayd, gaar ahaan dhinaca  da’da, hillaw gooni ah oo loo qabay hayaanka tacliinta sare oo gayiga ku cusbaa (iska dhaaf tacliin saree, inaad baska Jaamacadda raacdo, runtii darajo ayay ahayd)

Isku soo wada xoorriyoo, duruufaha kor ku xusani waxay xujo cad ku yihiin ardayda maanta wax ku baranaysa jawi kaasi aad uga beddelan, kana horumarsan, gaar ahaan dhinacyadda dhismo-hoosaadyada, manhajka, nidaamka waxbarida, agabka iyo deegaanka waxbarasho. Sida duruufuhu hadda uga fog yihiin kuwii shalaytada dhaw ayay haddaba lama huraan u tahay in tayada maantuna uga tamar badato tii tagtada.


Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Barashadii Teebka

Waa beryihii dalku soo kabashada bilawga ah ku jiray. Waxbarashadu sidii ay nooga kala daadatay bilawgii sagaashamaadkii ayay dugsiyadu wali u xidhan yihiin, marka laga reebo kuwa Hoose/Dhexe oo dadaalka dad is xilqaamay ku socda. Dugsi Sare hadalqaad ba isagu ma leh. Meelo gaar loo leeyahay oo luqada Ingiriisiga kaliya laga barto ayaa noo ah isha kaliya ee aan aqoon ka korodhsano. Haddii laga tegi waayo joornaalka Newsweek ayuu Jabuuti iiga soo diri jiray ina adeerkay Maxamed Xasan Maxamuud, Ilaahay Janatul Firdaws ha ku casuumee. Aqoon guud ayaan ka korodhsaday akhriska joornaalkaas. 

Mashaariic badan oo dib u dhis ah  ayaa dalka ka socda. Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah qaar badan oo ka mid ah Borama ayaa xarun u ah maadaama Hargeysa dagaal ehli ahi markaas ka socday. Beryahaas ayaan shaqo gacanyare ah ka helay xafiiska Hay'adda Samafalka Maxaliga ah ee GUUS. GUUS waxay ka mid ahayd hay’adihii maxaliga ahaa ee ugu horayn ba dalka ka hana qaaday, barnaamijyo wax ku ool ahna arlada ka hirgaliyey. Dayactir iyo dhismo dugsiyo, xarrumo caafimaad iyo biyo balaadhin ayaa u mudnaa mashaariicda GUUS ay beryahaas gacanta ku haysay. 

Xirfad badan ma lihi aan ka ahayn gacanyare aamin ah. Yeelkadeede ugu yaraan waxaan wataa mid ka mid ah labadii sifo ee Nebi Yuusuf (CS) ku hawl galay markii uu Boqorka ka dalbaday inuu ka dhigo Wasiirka arlada maamula isaga oo isku hubay laba sifo oo qiimo badan; karti iyo ammaano. 

Shaqada ugu badan ee aan qabtaa, waa dirasho, wax soo iibin iyo gaadhi xafiiska u kiraysnaa oo aan marar dhif ah kexeeyo, gaar ahaan marka la iiga maarmi waayo.  Xafiiska teeb ayaa yaalla laakin sarkaalka garaacida teebka ku qorani, shaqo kale ayuu haystaa. Marka odayadu ay qoraalada qallin iyo waraaqo ku diyaariyaan, ayaa aniga la i diraa oo aan sarkaalkaasi xafiis kale oo uu ka shaqeeyo ugu tagaa si aan ugu wargaliyo shaqada u taalla. 

"Haye, haye waan imanayaa" ayuu si degdeg ah ii yidhaahdaa, ka dibna waan iska soo luudaa. 

Telefoon- mid xafiis iyo ku gacmeed - midkoodna ma jiro. Sidoo kale gaadiidkan dadweynaha ee maanta aan kala joogsiga lahayn, beryahaas Borama ka ma jirin. Bajaaj na ilayn waa dane, ha ka yaabin. 

Maalintii danbe waan fikiray oo waxaan is tusay shaqadan sarkaalka kale aan maalin walba u doonayo inaan anigu ba qaban karo. Haa maxaan u qaban kari waayey ma ruux baa xirfadaasi ku soo dhashay, sow qof walba mar uun ma baran. Aniguna maanta ayaan fursadaas haystaa ee waa inaan bartaa oo waliba ka midha dhaliyaa!

Aniga oo damacaasi i dirayo ayaan waraysi tagay. Waxa ii daran inaan ogaado sida ugu fudud ee aan teeb ku baran karo iyo halka aan ka baran karo. Waxa la igu kordhiyey in dugsi teebka laga bartaa hore u furnaan jiray, balse uu xidhmay markii loo waayay arday wax ka barata. Sida la ii xaqiijiyey, Hargeysa ayaa loo raray ka hor inta aan Borama dib loogu soo celiin dagaaladdii ka dib. Agabkii dugsigaas ayaa la ii sheegay inay ku  xeraysan yihiin xaafad magaaladda ah, macalinkii  dhigi jirayna uu hadda shaqo kale oo muruqmaal ah magaaladda ku haysto. Macalin Cabdi Barkhad Rayaale oo wax ka bartay Dugsigii CTC ee Hargeysa, ka dib na muddo badan ka shaqeeyey Bangigii Dhexe ee Soomaaliya ayaan raadiyey. Waxaan ka helay suuqa dhexe ee Borama  isaga oo tukaan furan ku haysta. Xirfadle dagaaaladu saameeyeen, balse aan is dhigan oo xoogsada ayuu ahaa. Waraysi ka dib, waxaan ku dhiirigaliyey inuu dugsigaas teebka dib u furo, arday badan oo baahi daran u qabta darteed. Fikrad fiican ayuu macalinkii u arkay, balse wuxuu ka werwersanaa helitaanka tiro arday ah oo la isku halayn karo. Wuxuu markii danbe igu xidhay ugu yaraan labaatan arday inaan keeno. Dhallintii aan isku filka ahayn ayaan fikradii dib ugu la soo laabtay. Liis baan diyaariyey, balse hadda ma xusuusto inaan gaadhnay labaatankii qof ee macalinku codsaday iyo in kale. Waxaan se xusuustaa in dugsigii teebku sidaa dib ugu furmay. 

Xiise badan ayaan u hayay beryahaas barashada teebka. Teebabka dugsiga yaallaa way noocyo badnaayeen; kuwo xuruufta qaar maqan yihiin, kuwo garaacista faruhu kugu daalayaan iyo kuwo cusub oo aad ku raaxaystaba. Laatiin iyo Carabi labada ba way lahaayeen, kuwa danbe haba tira yaraadaane. Tartan ayaa arday ahaan markaa naga dhex bilaabmay oo ruux waliba wuxuu rabaa inuu mid fiican fadhiisto. Waxay ka tagi wayday in salaada Casar aan Geed-Goble oo gacan-fudayd aan ku hubnay, ku sii tukano ka dibna albaabka dugsiga isa sii hor tubno. 

Caadiyan dugsigu afarta galabnimo ayuu furmi jiray. Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee adeer Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse ayaa markuu arkay niyada aan barashada teebka u hayo i siiyey teeb nooca gacanta lagu qaato ah (Portable Typewriter). Ilaahay godka ha u nuuree, teebkaasi beryahaas wuxuu iga dhigay nin aaladdii ugu danbaysay ee casri ah hantiyey. Saaxiibada dhaw intay i soo raacaan ayay saacado dheeri ah layli ahaan u adeegsan jireen. Wax kale kuma garatide, wuxuun baan ka dhignaa nin Ipad ku dhex haysta bulsho aanu kombiyuutarkuba markaas wali si fiican u soo wada gaadhin. 


Dhawr bilood ka dib markii aan bilaabay barashada teebka, xafiiskii aan ka tirsanaa wuu ka maarmay sarkaalkii aan shaqada kale ka dooni jiray. Kaalintii uu ku jirayna waan daboolay. Daboolid oo kaliya uun maahee, mishahar fiican oo beryahaa qoyskayaga biil ahaan ugu filnaa ayaa la ii qoray. 

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q4aad

Iyada oo tallankaas ku jirta, nafteedana la shawraysa, ayay ku soojeedsanaysaa, qofka garabka midig ka taabtay ee haddana magaceeda ugu yeedhaya,dhoolacadaynna ku salaamaya.
Maanta ayuu ka muuq wacan yahay maalintii ugu danbaysay ee ay dharkiisabacda madow ugu gurtay. Ilqabatin soo jiidasho leh oo beryihii uu garoomadacaanka ka ahaa u muuq eg ayaad moodaa inuu dib u soo kasbanayo. Ha yeeshee dibu hanashada haykalkiisii hore waxa halis ku ah miisaan xoogleh oo fuulay. Jidhkiisii dhisnaan jiray, raad ka sii muuqda mooyee, sidii uma habaysna.Gadhka iyo gafuurkuba way cadaadeen oo wuu wada cirraystay. Calool kuusan buuyeeshay; wuxuuna u sibirsaaraa fadhiga badan, jimicsi la’aanta iyo habnololeedkiisa cusub ee nolol-sixeedku ku yar yahay. 
Beryahaaba Beddel dhammac kalgacal ayaa ku shidmaysay. Beerkiisa waxa biyadhigayboholyow ku soo labakacleeyey. Garwaaqsay inuu kalakicinta qoyskiisa mas’uul kaahaa. Xaalmarin ayuu diyaar la yahay. Balse dunidu waa giraane, xaaskiisii horequustii ayay wali ku maqan tahay. Tii ay soo martay ayaan wali maankeeda kabixin, dhayal inuu ku soo xerogalin karana uma eka.  
“Waan fiicanahay” ayay si debecsan ugu jawaabcelisay Beddel iyada ooqaadan la’ in ninkii ay ogayd heerkan uu marayo. Waa lagu xoonsan yahay oodadkii madasha fadhiyey ayaa salaan iyo sagootin saf ugu jira; markaa hadeermunaasib ma aha in sheeko intaa ka badan ay wadaagaan. Dhinaca gabadhana waliis adkayn iyo yasid ayaa ka muuqata. Telkeeda ayuu ka qaatay, intaanu goobta kabixina, wuxuu u sheegay inuu soo wici doono. 
******************************
Masaajidka xaafadda ayaa salaaddii Maqrib markii la tukaday, waxa kaistaagay imaamka masaajidka. Waxa uu jamacii wargaliyey in qaylodhaan la soogaadhsiiyey oo uu xaafadda aad ugu xanuunsanayo nin dadka xaafadda ka mid ah,beryo horena jamaca masaajidka ka tirsanaan jiray. Waxa la soo weriyey inBeddel, ciyaartoygii hore ee caanka ahaa, markii danbena xildhibaanka noqdayaad u jirran yahay. Waxa intaas lagu daray, in ninkaas wax hanti iyo adduunyosoo marayba maanta uu dacdaraysan yahay, gacan sokeeyana u baahan yahay. Waxala xaqiijiyey in xanuunkiisa aan dalka wax ba laga ga qaban karin, balse markauu ugu dhaw yahay Hindiya la geeyo. Imaamkii masaajidka ayaa dadka muxsiniintaah ku dhiirigaliyey in ruux iyo karaankii la isku qoro, oo Ilaahay ayaa waxbadbaadiyee, mas’uulkaas hore la badbaadiyo. Dadkii masaajidka xaafadda kutukanayay, sidii caadada u ahayd ayay deeqsinimo muujiyeen oo qaadhaan kuyabooheen. 
Bal Beddel aynu ka wardoonee, waa kii safarkii dibada ka soo noqday. Waakii ku guuldaraystay isku day uu rabay inuu ku soo ceshado xaaskiisii hore.Beryo markii uu badhbadhaadhnay ku jiray, ugu danbayntii waa kii lagu qaadayqodob distooriya iyo xil gudasho la’aan. Ka dib waa kii lumiyey xubinimadiisiigolaha, markii uu soo xaadiri waayey fadhiyadii caadiga ahaa. Hanti wixii uudhaqday mudaddii uu xilka hayay waa ka ku maalgalinaya hanashada mansab kale oodawladeed. Koox oday dhaqameed iyo siyaasiyiin iskugu jira ayaa shaxda lafahmay oo maalinba mashruuc ula yimaada si loo ebyo magacaabidiisa, oo sida aysheegeen, beryahaaba miiska saarnayd. Isaguna, ilayn xilka dhadhan buu kuhayee, waa ka hindisayaashaas gacan ku rimiska ah hagar la’aan u maalgalinaya.Midhaha laga goostay dadaal ku sheegaasi waxay noqdeen, hantidii uu dhaqday ooka fara baxda iyo xil iyo mansab la’aan. Xaaladaas ayay haddana u raacdaycaafimaad darro culus oo la soo deristay, isla jeerkaasna ka gayn wayday injamaca masaajidka  laga dalbado inay il naxariis leh ku eegaanBeddel. 
Adduunyo! Hadda waa isla ruuxii waayo aan dheerayn cirkaa marayay eeloogu taag waayay inuu dhulka qunyar socdo. Waa isla mas’uulkii shaqaalahadaacada ah ee halganka nolosha la legdamaya karti darro iyo fahmo xumo inayhalkaa dhigtay u qabay.  Dhawaan uun bay ahayd markii qaar ka mid ahasxaabtiisii hore ee ciyaaruhu u soo bandhigeen taakulada saaxiib hore oowaqtigu ciilay. Balse qaadanwaa iyo af kala qaad ayay kala kulmeen markii uu usheegay in saaxiibkaasi sirta nolosha fahmo oo dalku waa nimcaysan yahaye,indhaha furo oo tabaha lagu tanaado barto. Waa isla shakhsigii lagu waaninjiray in shaqada uu haysto ku fara adaygo, subixii soo kaco oo shaqadiisa kaadkaado. Waanu weelayne, dhaaxaa lagu dardaaray inuu dhawrsado, dadkajilicdasanna u dhibirsanaado. Dheg ayaanu jalaq u siine, dhaaxaa la xusuusiyey gedgeddoonka waayaha iyo casharadda laxawga badan ee ku lammaan. Wuu udhegooleeyee, imisaa lagu soo hadal qaaday dharaarihii aan dheerayn ee uu baahnaa,dabiibka nafsaaniga ahina u socday.
Waynu madax adag nahay oo waxbaynaan ku qaadanayne, dharaaaruhu maxaycasharo inoo dhigayaan. Waayuhu muxuu ina barayaa duruus wax ku qaadasho inoogufilan.  Noloshu maxay ina tusaysaanoocyadeeda faraha badan ee cibro iyo wax ku qaadasho ba leh.
Waa ruux iyo garashadiiye, Beddel intaas ba wuxuun buu kaga jawaabayaydafiraad, isdiidsiin iyo isdifaac mutuxan. Wuxuu aaminay oo ka dhaadhacday, amaiska dhaadhiciyey inuu shaqaystay, karti iyo xarfadna  ku hantay furahaguusha. Yeelkadiiye, maanta jamicii masaajidku gobanimo ayay ka yeeleen,dhaqaalihii dibada lagu gayn lahaanna meel ayay saareen. Waa kaas la qaaday eedhakhtarkii loo sii wado isaga oo xaalad caafimaad oo ba’an ku jira. Haddii uu nolol ku gaadho meesha loo wado,  mooyi xaaladiisu si ay ku danbayn doonto!
Dhamaad.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Isbeddelka Beddel Haleelay Q3aad


Jiilaal bilawgii ayaa lagu jiraa. Jawigu aad buu u qabaw yahay. Hadda uun buu barafkii bilaabay. Dadku way wada rarran yihiin oo qabawga ayaa laga gaashaantay. Beddel isagu hore waa kii ugu noolaan jiray dalalkan Galbeedka ee hadda ay booqanayaan, markaa qabawga ay ka cabanayaan xubnaha kale ee waftigu isaga shiddo badan kuma hayo. 

Kooxdan dalkii ay ka wada yimaadeen waxay u qabaan in isagu dalmar yahay, ugu waayo aragsan yahay, dhulkanna aad u kala garanayo. Waxay markaa ka filayaan inuu jid mariyo oo  hoggaamiyo. Waxay mooggan yihiin in mudadii uu dalkan ku noolaa isaga laftiisa abbaan laga ahaa, kaligiina aanu waligii si madaxbanaan u soo muraadsan. Inuu xaaskiisa dulsaar ku ahaa, kaligiina aanu marnaba istaagi jirin ayayna ogayn. Goor danbe ayay candhuufta dib u liqayaan marka ay arkaan sida uu u oodan yahay, dal aqoonna aanu u ahayn. Taas ka soo horjerdkeeda isaga ayaa ba la hagayay, la hoggaaminayay oo la horsocday. 

Weftigii dawlada oo la sheegay inay dhamaysteen shaqadii ay u yimaadeen ayaa caawa jaaliyadda la balansan. Maxfal weyn oo qoobkaciyaar iyo heeso waqtiga ugu badan lagu lumiyey ayaa la joogaa. Dadka caawa madasha soo cammiray,  weftigana warbixin dalkii hooyo ku sahabsan ka sugaya waxa ka mid ah marwadii hore ee Beddel. Indhaha ayay marmaranaysaa marka codbaahiyaha lagu soo dhaweeyo xildhibaan Beddel. Inay riyoonayso iyo in waxa dhaayaheegu arkayaan, dhegaheeduna maqlayaan dhab yahay ayay ku murmaysaa. Nin waayeel ah oo dhinaca midig ka xigay ayay waydinaysaa magaca mas’uulka hadlaya. Kuye Beddel ayaa la yidhaa oo waa mid ka mid ah mas’uuliyiinta dalkii inooga yimi! Inta ay ku kalsoonaan waydo jawaabta la siiyey ayay haweenay kale oo dhinaca bidix ka fadhiday isla su’aashii ka xaqiijinaysaa. Haweenaydan danbe magaca mas’uulkan ma hubto, balse inuu dalkii ka yimi, weftiga meesha marayanna xubin ka yahay ayay odaygii hore ku raacday. Hubaal la’aantii iyo dhakafaarkii ayay jawaabta danbe ku sii laba jibbaaraysaa. Beddelkii ay taqaanay ayaa xil ummadeed qaaday ayay liqi laada’ay. Maxay u liqi waydaa sow ninkii ay ogayd ee naftiisa maamuli kari waayey maaha. Sow ninkii markii hore ay rag oo dhan ka dooratay maaha, markii danbe ee ay aragtay karti daradiisana ka tashatay maaha. Ma kaas ayaa inta uu xilqaado, dadka hor iman kara oo hadal  deeqa u sheegi kara. Wax aan dhici karin ayay ula muqataa. 
  
“Armuu isagii yahay, muuqa iyo magaca ba wuu la wadaagaaye. Oo isaga ayaa neef baadi ah waydiinaya? Soomaalidu ninka ay maqasha kala quustaan ayay geela u diraane, bilaw ninkii ismaamuli kari waayay dal maamul la yidhi? Haddii ay sidaasi dhab tahay oo ninkii aad ogayd ummad u taliyo, Allaa i lehe arladaas talo-qabeen ma joogo. Laakiin kaalay maxaad sidaa u odhanaysaa, miyaanu isbeddeli karin, waxbaran karin, naftiisa horumarin karin, karti iyo awood soo bandhigi karin, cid kasta oo hoos u eegi jirtayna, indhahooga oo shan ah, ka yaabin karin. Maya, intaasi iyo ka badan ba way dhici karaan laakiin ninkaan ogaa damacaas iyo dabcigaas midna ma lahayn. Haddii fariidnimadaasi ku jirtay miyuu la soo baxo markii uu nolosha cusub, arladan fursadaha miidhan ah uu ka bilaabay. Haa markaasi ayuu soo bandhigi lahaa haddii hibo hoggaamin bulsho uu leeyahay. Horta bulsho ha ba ii danbaysee, naftiisa ayuu ka adkaan lahaa, ka dibna qoyskiisa ayuu hawlaha adduunyada dhan uun kaga beegmi lahaa”

Iyada oo tallankaas ku jirta, nafteedana la shawraysa, ayay ku soo jeedsanaysaa, qofka garabka midig ka taabtay ee haddana magaceeda ugu yeedhaya, dhoolacadaynna ku salaamaya.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q2aad


Waa maalmihii golaha uu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa badnaa. Sida caadiga ah Beddel waa dhif inta uu xaadiro kalfadhiyada gollaha. Maalinta uu ugu horeeyo ayuu kacaa Laba iyo Tobanka Duhurnimo, sidaasi ayaanay saacadaha shaqadu ku dhaafaan. Kalfadhiyada farakutiriska ah ee uu ka qaybgalo, way yar tahay inta uu dood ka qayb qaataa. Deegaanka uu kursigooda ku fadhiyo, waligii ma booqan, baahida rasmiga ah ee ay qabaanna wax ba ka ma oga. Wuxuu ugu jecel yahay, marka ajanadaha lagu soo daro, hindise la isku maandhaafsan yahay. Xiisaha doodda iyo xamaasadda ku lammaan danayn maayee, fursadda dhaqaale ee laga samayn karo ayaa micno weyn u samaysa. Xeeldheere ayuu ku noqday sida fursadahaas loo kala fidiyo ee faa'iido adduunyo loogu beddelo. 

Saaka waa mid ka mid ah subaxyadii u tirsanaa. Waa maalmihii aan laga maarmayn xubin kasta oo gollaha ka tirsan. Qolyo hawsha gollaha hortaal dabada ka riixaya, ayay wax isku ogyihiin Beddel. Kooxdaasi kama welwel qabaan inuu isbeddelo oo dhinaca kale raaco, waayo dheef weyn ayaa meel loo saaray. Balse waxay ka walaacsan yihiin inuu codkiisa la seexdo, sidaa darteed, rag baa loo qaybiyey arroorta hore soo kiciya oo ku hubsada kursiga uu codka ka dhiiban doono. 
Guyaal ka hor,  markii dalka lagu soo celiyey, yoolka ugu weyn ee la higsanayay wuxuu ahaa baxnaaninta naftiisa. Cidina maalintaasi haabka kuma hayn in Beddel xil ummadeed qaban doono. Ruuxna ma sawiran karayn isbeddelka la yaabkal leh ee ku yimi hab-nololeedkiisa. Haddii shalay isaga baxnaano nafeed la la rabay, maanta waa laga soo gudbay taasi oo masiirka ummada halka lagu gooyo ayuu fadhiyaa. Tartan qabiileed xanaf badan  oo isma hurtada  isku lisay ayaa dadka ka indho saabay inay ka fiirsadaan cidda ay xil ummadeed ku aaminayaan.  Beelaha oodwadaagta ah ka cod badsada mooyee, ka tala wacnaada ba la isma odhan. Tala-qabeen dalka iyo dadka u damqanaya xil ma dhibin, dadkuna ma raadin.  

Beddelkii soo guryo noqday isaga oo aan waxba tabcan maanta waa hantiile daaro dhaadheer iyo hanti ma guurto ah leh. Waa mid ka mid ah dabaqada sare ee sida ka badbadiska ah u nool. Muddo kooban oo uu gollaha ka tirsanaa ayuu ka hodmay oo ka xoolaystay. Saacadaha ugu yar ee Aadame shaqeeyo ayuu shaqeeyaa, haddana hantida ugu badan ayuu dhaqday. Wuxuu aaminay inuu ka karti iyo maskax badan yahay in badan oo shaqaale ah, subax walba kalaha, goor danbe oo galabtii ahna soo noqda, ugu yaraan lix cisho toddobaadkii. Sidaasi oo ay tahay, shaqaalahaasi waa qaadaa ma dhargaan. Guryo kiro ah ayay degan yihiin, ubadkooduna daryeel caafimaad iyo waxbarasho hagaagsan ma haystaan. Marar  la  soo hadal qaaday heerka maciishada ee sii adkaanaya, waxa laga hayey inuu yidhi qofka shaqaale dawladeed ah ee ka faraqabsan waayey inuu yahay liid aan dhiig iyo dheecaan toona lahayn. 

Beddel in kasta oo aanu reerayn, guurkiisii hore ee fashilmay ka dib, noloshiisu isaga way isa saaran tahay. Daba ka welwel ma qabo oo hantidiisa ayaa bangiyada buuxda, halhayskiisuna waa dhulkeena nincaa fadhida. Dabagal iyo cadaalad ka daba timaada- ugu yaraan inta dunida la joogo- ka biqi maayo, saa isla xisaabtankaba waxa arlada looga yaqaanaa fikrado qalaad oo dibada laga soo waariday!

Isbeddelka Beddel Haleelay!

Isbeddelka Beddel Haleelay!

Beddel afar iyo siddeetan bilood iyo maalmo ayuu dalka ka maqnaa oo uu qurbaha jiray. Xagaagii dhawaa ayuu nasiib u helay inuu dhulkii hooyo ku soo guryo noqdo. Intii aanu dhoofin wiil firfircooni iyo karti badnaan lagu majeerto ayuu ahaa. Labadiisa waalid oo awlaadu ka noqon jireen ayaa magaca Beddel ugu wal-qalay, iyaga oo aaminsan inuu yahay beddelkii ubadkii ka saqiiray.

Kooxda kubadda cagta ee degmada isaga ayaa waligiiba hormood u ahaa. Mas’uuliyadda waxa u dheerayd farsamo-ciyaareed sare oo uu ku soo bandhigi jiray garoomada kubadda. Nasiibka ayaan sidoo kale ka eexan, ciyaar  kastana ugu yaraan hal gool ayuu kooxdiisa u dhallin jiray, haddii aanu ka badsan ba. Xirfaddiisa dhinaca kubadda cagtu waxay ahayd mid carro-ka-waa ah. Fursadaha goolal lagu dhalin karo ee uu abuuri jiray; difaaca kooxda ka soo horjeedda ee uu kala daadin jiray iyo kubadaha uu sida xirfadda sare ku lammaan tahay u daba marin jiray goolhayayaashu, waxay ka dhigeen shakhsi caan ah oo aad loo wada jecel yahay. Magaciisu waa hore ayuu duulay oo dabaylaha raacay. Marka laga yimaado guulaha isdabajoogga ah ee uu kooxdiisa u horseeday, waxa intaasi u dheerayd hoggaamin iyo dhabar-adayg uu muujiyey mudadii uu kooxda kabtanka ka ahaa. Intaasi oo la isku daray ayaa magaciisa ka dhigtay mid meel walba ka dhacay oo ay caruuraha yar-yari ku hadaaqaan.

Hubaal ahaan haddii uu Beddel ku noolaan lahaa dunida tanaaday ee kubadda cagta cisaysa, dhaqaalahana u hurta, cagtiisa ayuu ku ciilbixi lahaa. Naadiyada kubadda cagta ee dalalka horumaray ayaa helitaankiisa ku loollami lahaa. Ayaandarro qaranka qalfoofka ah ee uu ku abtirsado ayaan u saamaxayn inuu ku xisaabstamo dhaqaalaha baaxadda leh ee ay qayrkii qaataan. Waqtigii ay xirfaddiisu halka ugu sarraysa maraysay, curuqyadiisuna cuddoonaayeen, fursad uma helin uu ugu soo bandhigo dunida ciyaaraha jecel qaab-ciyaareedkiisa lama-aragga ah. Maanta oo uu joogo dalalkii hore u maraynna tartan ma gali karo maxaa yeelay xirfaddiisu sidii uma xooganna, cimrigiisuna wuu cararay.

Gabadh qurbaha ka timid oo dalka fasax ku soo gaadhay ayaa ka heshay magaciisa meelmaray iyo cabqarinimadiisa dhinaca kubadda cagta. Ka dib waxay dadaal u gashay sidii ay u hantiyi lahayd qalbiga wiilkan caanka ah. Qorshihii ay dajisatay ayaa u shaqeeyay oo durba wataasi gacanta ku soo dhigtay. Sidaasi ayay isku guursadeen muddo ka dibna uu qurbaha kaga daba tagay xaaskiisa.

Waqti aan badnayn markii ay raaxo adduunyo ku jireen ayaa albaab kale oo nolosha ahi ku furmay. Dalka uu tagay dhaqan ahaan, diin ahaan iyo af ahaan midna ulama falgali karo. Wiil dhalinyar ah oo degmadii uu ku dhashay aan dhinacna u dhaafin ayuu ahaa. Xaaskiisa ayaa u indho iyo dhegaba ahayd. Odaygu show kubadda ayuun buu cimlaaq ku ahaaye jirrabka kale ee nolosha kowba ma joogin! Sida gadaal ka soo baxday, dugsi ma aadin taasina turunturro uu tabaalaheeda dib ka dareemay ayay noqotay.  Yeelkeede haddii uu si uun xoogsi diyaar ugu noqon lahaa wuu ka lib keeni lahaaye, dhaqan tacab nacayb ah oo u qarsoonaa ayaa ka soo mudh baxay. Waxa taasi u raacday dabeecad xumo aanay ruuxna geedkaa isla gaadhayn.

Gabadhu way shaqaysaa oo aroorta hore ayay guriga orod kaga baxdaa, goor danbe oo habeen galayna way soo hoyataa. Ubad iyo cid kale oo imika ahaan daryeel uga baahani ma jirto, ha yeeshee inuu  si edeb iyo madaxbanaani leh isku maamulo ayay doodi ka taagan tahay. Caqabado aan tiro yarayn ayaa kaga gudboon inuu u badheedho halganka nolosha. Luqad shisheeye fahankeed ha sheegin, fikir guud oo uu ka haystay nolosha dunidan uu soo hayaamayna ha ka yaabin. Nin maskax adag ma ahayne, hore ayaanu iskuguba dayin, maantana waxa uu u arkaa in waagu gadaashiisa ka baryay. Arrinkiisu waxa uu ka dhigan yahay nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raadcee. Waxa intaasi oo dhan ka daran isaga oo aan haabkaba ku hayn in uu is abaabulo oo kifaaxa nolosha waajaho. Taas ka soo horjeedkeeda, waxa uu ka doorbiday inuu xaqiiqada nolosha kaga dhuunto marfash qolo ay dhawaan isbarteen ku qayilaan. Halkaas ayuu ku qaataa waqtigiisa inta ugu badan. Beryihii danbe waxa uu bilaabay inuu dhaxo oo habeenno isku xiga aanu xaaskiisa ka soo ag wareegin ba.

Dhinaca xaaskiisa, muxubbadii badnayd ee ay u qabtay Beddel way soo gudhay oo hungo madhan ayay joogtaa. Waxay iswaydiinaysaa kala duwanaanshaha magacii ay ka daba dhacday iyo shakhsiyaddan tacab ha joogee, si basar leh u noolow ay ugu maaro laada’ay. Niyadjab weyn ayaa la soo dersay. Waxay xaqiiqsatay in sal-fudayd qaaday oo ay magac madhan raacday. Hadallo wada qalafsan iyo inay la joogiisa ka qashaafto ayay bilawday. Qaabdarro aan la qiyaasi karin ayaa kalgacalkii iyo isku kalsoonidii kobteedii beddelay. Isfahan darro weyn oo qunyar qunyar u soo gaamuraysay ayaa farxaddii ay filaysay oof-wareen iyo firkanax ku noqotay. Markii ay aragtay in xaalkiisu aanu ka soo raynayn, go’aan ayay qaadanaysaa oo waata dharkiisii bac madow ugu guraysa ee iska eryaysa!

Ninkii Beddel ahaa arladii ballaadhnayd ayaa ku soo koobmaysa, afarta jiho dhinac uu u dhaqaaqo waa ka garanwaayaya. Mar danbe ha soo xusuusto marfashkii uu arlada dhan ba ka yaqaanay. Halkaasi meel u dhaanta waa ka garan waayey ee isaga oo bacdiisii madoobayd xambaarsan, si rasmi ah iskaga dhiibaya qolkaasi asxaabta fadhi-ku-dirirka ah xarrunta u ah. Kuma cusba oo meeshu waa halkii laga qaniinay. Saaxiibadiisii mijiliska rukunnadda u ahaa si ballaadhan meesha ha ugu soo dhaweeyeen.

Waayaha dunida ee isdaba marayaa waa kuwa irrid kale oo nolosha ah u furay. Si uu kifaaxa nolosha ugu guulaysto, waaka isku dayaya inuu la qabsado dhallinta mijiliskan fadhiisata. Waa kuwa abaabulaya ee caydha soo qoraya, dabadeedna marfash jaad ku balaminaya si uu halkaasi uga macmiisho. Noloshii waa ta isku sarjarantay ee soo qaad oo dhiib dhaafi wayday. Asxaabta meesha ku kulantaa waa niman balwada badane,   isna waa ka si fiican ula qabsaday ee god walba oo ay galaan si indho la’aan ah uga daba galay.

Sidaasi ayaa toddoba sanno kadib, Beddel dalka loogu soo celiyey. Ninkii furfurnaa ee fariidka ahaa maanta maaha. Ninkii kubadda cagta magaca weyn ku lahaa maaha. Ninkii carruurta magaalada loogu magac dari jirayna maaha. Waa nin doorsoon oo aamusnaan iyo maahsanaani ka soo hadhay. Waa nin gole-ka-maag ah oo cidlada iyo faqa naftiisa wehel ka dhigtay. Muuqu waa Beddel kii  caanka ahaa, ruuxduse waa tu si kalaysan oo dhuumasho kaga jirta tabaalaha adduunyada.

Saaxiibadiisii isboortigu marka ay maqlaan soo laabashada xiddigoodii hore, hillow iyo farxad ayay ku qaabilayaan bishaaradaasi. Waxay qorshaysteen inay kooxaha ugu waaweyn mid ka mid ah maamulkeeda u dhiibaan. Ha yeeshee markiiba waxay arkeen in ruuxan soo laabtay uu silloon yahay, kana beddelan yahay  halyaygii baryaha qaar laga daba dhacay. Qaar asxaabtiisii hore ka mid ah oo ay hormood u yihiin rag ay isku naadi ahaan jireen ayaa ka damqanaya xaaladda murugada leh ee uu ku sugan yahay saaxiibkoodii carruurnimo, marar badanna guulo isdabajoog ah u horseeday. Dhaqancelin ayay u samaynayaan oo koox Tabliiqa ayay ku darayaan, dhawr odayna si gaar ah ayay ugala dardaarmayaan. Marka uu ugu yar yahay afartan cisho oo isku xidhiidhsan ayaa loo jaraa, haddii aanu laba biloodba bixin. Muddadii uu culimada faafinta diinta la socday, isbeddel sal iyo baar leh ayaa laga dareemay.  Balwadihii uu qabatimay ayaa dhiigiisa si qunyar-qunyar ah uga soo baxaya. Ruuxdiisii abaadday ayaa dib u soo biqlaysa; iimaankiisiina waa kaa quwaystay. Maanta oo uu toddoba bilood dalka joogo si weyn ayuu xaalkiisu uga soo reeyey. Ha yeeshee, weli Beddel kii la yaqaanay maaha,  ammuumihii silloonaa ee soo noqdaynna maaha.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...