Maxwell Morrison wuu caafimaad qabay oo
nabdoonaa. Wuxuu dhex taagnaa maxkamadda magaaladda Baankook, wuxuuna u dhego-taagayey
xukunka lagu ridi doono. Danbiga lagu haystay waa gudbinta maandooriyayaal.
Haddii danbigaasi lagu helo, xukunkiisu wuxuu noqon karaa madaxaa ha ku furto,
kaasi oo uu ku qaadan doono mid ka mid ah xabsiyadda dunida ugu xun. Runtu se
waxay tahay, Maxwell danbigan lagu soo eedeeyey lug kuma lahayn. Maandooriyaha
waxa lagu soo dhex qariyey aalad kuwan miisiga lagu garaaco ah. Haweenay culus,
ilma yar xambaarsan, qaar kalena daadahaynaysa ayaa sidatay alaabta, isaguna
wuxuu ka ogolaaday inuu bar kantarool u dhaafiyo. Dabcan markii ayda wax urisaa
ku soo xoomeen, haweenaydii dabayl ayay noqotay oo waa la waayey meel ay jaan
iyo cidhib dhigtay.
Muddo 45 daqiiqo ah ayuu isku
dayayaa inuu sharaxo sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee waxa dood adag kala
hor yimi xeer ilaalinta. Doodooda waxay sal uga dhigeen, qof dhoohan uun baa
sabankan maanta la joogo, isku dayi kara in ruux aanu garanayn alaab u dhaafiyo
bar baadhitaan. Gaar ahaan dunidan bacaysan tan iyo wixii ka danbeeyey 9/11.
Waxay ku dareen in Maxwell uu degmadiisa ka yahay askari bilays ah. Taasi oo ka
dhigaysa khabiir dhinaca amniga u tababaran balse hadda raadinaya cudurdaar uu
ku fakado. Ninkii Maxwell isaga falcelinta kaliya ee ilaa imika laga hayaa
waa “Ilayn Muuqaalku Waa Dage".
Xaakimkii maxkamadda ayaa si la yaab leh u eegay markii uu Maxwell hadalkaasi ka
maqlay.
Xaaladdu waa ku jiq Maxwell.
Markhaatiga kaliya ee uu haystaa waa haweenay Ingiriis ah oo u muuqatay qof
maankeedu doorsan yahay. Waxay caddaysay inay arkaysay markii haweenaydu
alaabta ninkan u dhiibaysay, waxayse ku dartay, inay u muuqdeen dad wada socda.
Mar kale difaaca Maxwell wuxuun buu noqday " Waar ilayn muuqaalku waa
dage"
Wuxuu dib u gocday markii u
horeysay ee uu maqlo tibaaxda "Muuqaalku Waa Dage". Waa sideetamaadkii. Dhallinyar
ayuu ahaa beryhaas, waayo dhallinyaronimana waa ku dhex jiray. Dhar madow ayuu
mar walba xidhnaan jiray, marka uu ugu yar yahayna, middi ayuu ku hubaysnaan
jiray. Caruurtu dugsiga oo dhami waa ka biqi jireen, waddooyinkana waa uga carari
jireen. Galab isaga oo iskaga cadceedsanaya wabiga qarkiisa, heesona iska
dhegaysanaya, ayuu qaylo iyo sawaxan maqlay. Mise waa saddex wiil oo yaryar
oo dhibaya arday kale oo ajnabi ah.
Waxay rabeen inay wiilka yar wabiga ku ridaan, isaguna wuxuu ku qaylinayay,
“Fadlan ha igu ridina, dabaal ma aqaane” Maxwell ayaa u soo gurmaday. Saddexdii
yaryaraa waxay bilawgii damceen inay isku taagaan, laakiin Maxwell waa ka wada
dheeraa, waana ka xoog badnaa. Waxa intaa u dhiirayd, middi ayuu sitay, waxaanu
tusay inuu isticmaali doono, haddii loo baahdo. Markaasay yaryarkii faraha ka
qaadeen oo cagaha wax ka dayeen. Maxwell ayaa ku soo dhawaaday wiilkiii oo
xaaladdiisa waraystay. Yarkii oo muraayaddiisa indhaha qummaati u fadhiisinaya,
ayaa cabbaar ku dheygagay Maxwell, markaasu yidhi, “Muuqaalku Waa Dage”
“Waayo, maxaad sidaa u tidhi”
ayuu ku celiyey Maxwell.
“ Qof kastaa wuxuu u maleeyaa
inaad tahay ma naxe. Ardayda qaar waxaabay ku sheekaystaan inaad mar macallin
middi galisay. Waxaad ahayd qofka u danbeeya ee aan gargaar ka fili karayey.
Balse waad ku mahadsan tahay sida aad ii
badbaadisay. Meesha waan ku qarqoomi lahaa, haddii aanad iga soo gaadhin. Dalka
aan ka imi ee Taylaan, qofka naftaada badbaadiya, abaal aan duugoobayn ayuu
waligii kugu yeelanayaa. Magacaygu waa Tran Pack, waligayna ilaawi maayo
wanaaga aad ii gashay” Wuu gacan qaaday ka dibna wuu iska dhaqaaqay.
Ku soo noqo qolkii maxkamadda
ee Baankook, wuu dhoolacadaynayaa ninkii Maxwell ka dib markii maskaxdu u
aroorisay xusuustaa dhallaanimo. Ka dib soddon sanno markii uu badbaadiyey
nolosha wiilkii reer Taylaan, waakan oo maanta waa 45 jir askari bilays ah,
waxaanu khatar ugu jiraa inta noloshiisa ka hadhay inuu ku qaato xabsiyada
dalkaasi Taylaand, muuqaal hoosaasiyey dartii. Xusuustaasi dheer ayuu ka soo
noqonayaa, marka uu maqlo dawanka jalaska ee xaakimka, si uu xukunka u rido.
Xaakim Tran Pack wuu rumaysan
waayay waxa dhaayihiisu arkayaan, markii uu maxkamadda ku dhex arkay Maxwell
Morrison. Soddon sanno oo ay ismooganaayeen wax badan kama beddelin muuqaalkiisa,
sidaasi darteed, xaakim Tran markiiba wuu aqoonsaday Maxwell. Si dulqaad iyo
xiise leh ayuu u dhegaysanayay kiiska Maxwell muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta
aanu dubaha saddex jeer ka dhawaajin si uu xukunka ugu dhawaaqo. “Mudane
Morrison, dhab weeyi, muuqaalku waa dage. Danbi ma lihid. Daqiiqaddaa laga
bilaabana xor baad tahay”
Sheekadani
waxay bilawgii ku soo baxday; https://afterjujuman.com/?s=maxwell+morrison
Waxa haltebiyey
Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud