Qaylo
iyo sawaxan ka soo yeedhaya qoys aan sidaa uga fogayn ayuu ku soo baraarugay Aw
Jaamac oo caadi ahaan marka uu qadeeyo dhinaca dhulka yara dhiga, ilaa laga
gaadhayo salaadda Casar. Baroorta iyo sawaxanka ayaa marba marka ka danbeysa
sii xoogaysanaya. Ruux dumar ah ayaa qaylo dhawaaqaysa, gargaarna dalbanaysa.
Cod carruur argagaxsan ayaa iyaguna la maqlayaa. Oohintooda ayaa qofka maqla
qalbigiisa qoomaysa. Markii hore wuu yara dheelalawsanaa oo waxa uu Aw Jaamac u
qaatay in guryaha jaarka mid ka mid ah uu dab qabsaday. Balse ilbidhiqsiyo
gudahood ayuu ku xaqiiqsanayaa in qayladu ay ka soo yeedhayso dhinaca reer
Dulyar. Ceebtood maaha ee waa caadadood ayuu hoos ahaan iskugu odhanayaa isaga
oo dhinacna macawista gurmad u giijisanaya. Waa runtii oo qoyska uu horjoogaha
u yahay Dulyar, mar walba war dhiillo leh lagama waayo. Sannado dhawr ah oo ay
Aw Jaamac jaar ahaayeen, arrinkooga isaga iyo jaarka kale uun baa ku kala dhex
jiray.
Dulyar waa odayga qoyska. Waa waayeel da’diisu ay lixdameeyihii
madaxa la gashay, balse hab-dhaqankiisa aad moodo kuray aan qaangaadhin.
Muuqiisu waa lafo isa sudhan oo balwad baa dubatay. Aroorta hore ayuu ijabbane
raadco tagaa, ilaa inta uu waa-dhawaadka dhinaca dhulka dhigayana jeebkiisa iyo
afkiisa qaad lagama waayo. Mas’uuliyadda qoyska waa hore ayuu gabay, xaaskiisa
ayayna dantu badday in ay la kacaakufto. Iyada ayaa meel aan xaafadda ka
dheerayn khudrad ku iibisa, wixii ay ka soo heshana badhna carruurta dabka u
saarta, inta kalena Dulyar iskaga jeedisa. Haddii ay sidaa yeeli waydo,
bakooradda ayuu u roganayaa. Qayladan maanta dhacaysaana arrintan ayay ka
dhalatay oo carruurtii oo aan dheriba loo dhadhaarin ayuu Dulyar garaadkiisa
xaajiyadda qaad ka rabaa.
Waa xasarad-u-joog mar walba jecel inuu helo sabab uu ugu gacan
qaado xaaskiisa. Hadda garo oo xilkii saarnaa ayay ka furatay oo sida
ciyaala-iskuulka ayuu nusa-saace qaataa. Isla jeerkaas haddanna waa kan marka
uu ka waayo budka saaraya. Oday jaarka ah oo dhawr jeer galay xallinta muranka
reerkan, ayaa ku dhejiyey naaneystan naasibtay ee Dulyar, ka dib markii uu ka
yaabay hab-dhaqankiisa dulqaadka ka arradan.
Dulyar
inta badan jabhadihii geyiga Soomaalida ka abuurmay wuu ka soo wada qayb
qaatay, mid walbana halis ayuu naftiisa u galiyey. Dagaalladii sokeeye
ciidamadii reeraha ayuu ka mid ahaa, wixii dagan ee uu arkanna dabka ayuu
saarayay. Aw Jaamac oo xaaladdiisa aad uga dheregsan ayaa mar walba ku canaanta
inuu xisaabtamo oo maskaxda ka shaqaysiiyo. Xilka reerka iyo ubadka ka saaran
ayuu goor walba xusuusiyaa. Ruuxdan Dulyar ee rabshadaha jecel ayuu ku waaniyaa
inay dib iskugu noqoto oo bal dib isku xisaabiso.
Waano dhalad baa ka adage waxa la soo xaqiijiyey in Dulyar, isaga oo
dhawaan difaacayay dhul ganacsade reerka ahi sheeganayay, uu dil toogasho ah
qudha kaga jaray askari bilays ah. Ciidammada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay,
xabsiga ayaana loo taxaabay. Baadhitaan dheer ka dib, waxa caddaatay in Dulyar
askariga bilayska ah si badheedh ah xabbad madaxa ugaga dhiuftay, isla
goobtaasna marxuumku ku qudh baxay. Maxkamaddihii kala duwanaa ee dilkan ka
garnaqay waxa u caddaatay in kiiskanni badheedh yahay. Sidaasi darteed, waxay
iska daba xukumeen in la qisaaso eedaysanaha.
Ninkii ganacsadaha ahaa ee uu u dagaalamayay, maantana uu godobtiisa
u god galayaa, iska dhaaf inuu wax ku taree, war kama hayo (waligiina xog-ogaal
uma noqon) xaaladda reerka uu ka tagayo Dulyar. Mar dhawaan ganacsadahan
taageero dhaqaale loo waydiiyay reerkii ninkaa uu sahayday, ka dib markii
curadka qoyska xaalad caafimaad darro cisbitaalka loo jiifiyey, fara madhnaan
ayaa lagala soo noqday. Ku darsoo, ubadka rafaadka iyo silica ku koraya tol
xaaladdooda ogi ma jiro. Xaajiyadda qoyska ayuu Alle baday noloshan
qaadaa-ma-dhergaanka ah. Waligeedba iyada ayaa culays kasta u soo dhabar
adaygaysay. Jaar wanaagsan oo Aw Jaamac u horeeyo ayaa iyaguna -mahadi ha ka
gaadhee- inta duruufuhu saamixi waayaan kabayay. Maantana taasi uun baa hurran.
Haddii laga tagi waayo, nacabkii arragiisa kaga gabban jiray ayay geerida
Dulyar hillin u furaysaa.
Marwadu si dhab ah ayay maanta u walaacsan tahay. Qaddarka iyo
qorshaha Rabbi way ogoshahay balse kasheeda ayaa warsanaysa oo jawaab u
raadinaysa sababta odaygu ku baxayo. Waligeed nolol xasilloon oo deggan ma ay
arag, maantase waxa kaga daran gar iyo mag la’aanta uu ninkeedu ku dhimanayo.
Sababta ay asayda uu qaadayso, ubadkeeduna ku agoomoobayaan ayay u aragtaa
fidno hurudday oo nin dan lihi toosiyey. Mar Dulyar ayay ku tuhmaysaa inuu
macno la’aan qori la booday oo qiiro dhaqaaqay. Mar kalena ganacsadaha duqeeda
magaca reerka ku marin-habaabiyey haatanna garabkooda ka baxay ayay hiifaysaa. Mid
ay tahayba, Dulyar tiirka ayaa lala tiigsan doonaa. Cidda kaliya ee uu ka
baxayaana waa xaaskiisa iyo ubadkiisa. Ganacsadihii baasaa ee hallaaga u
horseedayna, abaabulka wiilal hor leh oo reerka ah ayuu wali ku hawlan yahay,
si uu u xasiliyo mulkiyadda dhulka uu sheeganayo!
W.Q:
Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail:
abdirahman.adan@gmail.com