Inkastoo akhrisku gaar ahan
kuwa sheekoyinku aheyd waxan aad u jecelaa, haddanna way yareyd inaan helo
buugaag ku qoran Af-Soomali oo xiiso badan, Ilaa buugga LABA KALA LEEXDAY
markaan akhriyey uu ii noqdey buuggii ugu xiiso badnaa Gugan. Waxba ka sheegi maayo
hab qoraalka buugga waayo ma ihi tifaffire, laakiin waxaan la dhacay sida
quruxda badan ee ereyada buuggu isku raacsan yihin. Meelo dhawr ah ayaan ereyo af-qalaad ah kula
kulmay, waanan ka jeclaan lahaa in dhigooda oo Af-Soomaalli ah ay ku qornaan
lahaayeen, waanse ogahay in luqadeennu dayacan tahay oo aaney jirin ereybixinta
aaladaha casriga ah iyo ereyo badan oo la socda wakhtiga is bedelaya. Laba Kala
Leexday waa buug aan uu bogey runtii. Waxa la yaabka leh ee aan sida gaarka ah
ugu arkey waxa weeyi sida qoraagu uu sheeko kaliya ugu soo wadda koobey waxa
bulshadeena dhib jirta oo dhan. Inkasta oo tahriibku yahay dhibta ugu weyn ee sheekadu ku dul wareegayso, haddanna
waxaan arkey kontameeyo dhib oo haysta bulshadeenna dhamaana ku xusan sheekada.
Tahriibka, daryeelid la’aanta xuquuqda dadkeena gaar ahana danyarta, qabyaaladda
iyo sunteeda, dhibaatooyinka dhalinyarada, u raxleynta qurbajooga, qaadka iyo
hawlgabka abaayasha cuna uu ka dhigo iyo qaar badan oo kale ayaa ka mid ah
dhibaatooyinka buugga ku xusan.
Ta kale ee aan buugga sida gaarka
ah uga arkey waxa ay tahay rajadda ay sheekadu ku abuureyso akhristaha sida hodanimada dalkeenna, ku dhiiranaanta u adeega
dadkeena, baraaruga dhalinteena, koboca waxbarashada dalkeenna, dadaalka iyo
midho dhalkiisa, go’aan qaadashada saxsan iyo waxtarkeeda iyo qoyska ka dhisma
lammaane toosan inuu abuuro farxad buuxda oo uu barbaariyo awlaad toosan. Waxa
kale oo I soo jiitay sida Waayeel u soo waayo arakay, una yaqiinsaday in dalka
hooyo uu yahay lamahuraan ka dib markii uu Barri iyo Galbeedba tagay. Awooda qallinka qoraagga waxa lagu gartaa sida
uu qoraagu u kasban karo wacyiga akhristaha, run baan idiin sheegayaaye intii
aan akhrinayay sheekada marar badan ma aan xakameyn karayn dareenkayga. Waxan is
arki jirey anigoo la qosleya markaan akhrinayo farxadda guulaha Wacays, la
murugeysan dhibaatoyinka Waayeel, ka ooyaya burburkii ku yimid xiidhiidhki
Ladan iyo Wacays, kolkolna quus qaadeya markaan arko dhibaatooyinka badan ee
haysta dadkaan ka dhashay. Waxan wali ka fikiraa haddu wacays jiri lahaa
hambalyo ayaan qoraagga ugu dhiibi lahaa. Wax kastaa waxa uu ugu fiican yahay inta wax
ka fiicani aanay jirin. Sidaa darteed. Buugan LABA KALA LEEXDAY-na waa buugii
maanta ugu fiicnaa ee ay helaan dadkeenu, waanna sheeko mudan ina dhamaan la
wada akhriyo, waayo waxa ay sidaa
dhanbaallo dhamanteen ina khuseeya. Qoraaganna waxa farxad iyo faan ugu filan
inuu gudbiyay fariin timid xilligii loogu baahi badnaa. Alle ha barakeeyo qalinka
qoraagga oo ah Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud.
Hambalyo.
Wa Jazaakumulaahu Khyran
Umayma Good