Waalidka Maanta

Iyada oo ilna isku haysa midna dirqi ku kala qaaday ayay haabanaysaa telefoonkeeda gacanta oo sariirta dacal ka saaran. Waa abbaarihii lixdii subaxnimo. Goortii ubadka dugsiga loo diri lahaa waxba kama hadhin. Salaaddii subax wali way gaadhi kartaa, laakiin iyada xisaabtaba ugu ma jirto. Cabbaar markii ay sariirta dul jiiftay, waata hadda daalacanaysa ee ku mashquulsan qoraalada iyo sawirada baraha bulshada lagu baahiyey. Xalay goor danbe oo ay sii seexanaysay ayay sawir shidan soo dhigtoo, waxay u kulushahay inay aragto falcelinta dadka ay asxaabta ku yihiin dhawr degel oo ka mid ah baraha bulshada. 

Si hal-haleel ah ayay caruurtu baskii dugsiga ku gaadheen. Qaarkood haddii aanay quraaca ka cararin basku waa ka tegi lahaa. Danbaase ku qasabtay inay safrad ku kalahaan. Inta basku ka tegay ee laga daba geeyey ama aanay dugsigaba tagin tiro iyo cadad ma leh. 

Imtixaanaddii sanad dugsiyeedka ayay ku jiraan oo dhiirigalin iyo inay waalidku la sheekaystaan ayay u baahnaayeen. In la dareensiiyo in la barbar taagan yahay ayaa niyada u adkayn lahayd. In taageero iyo duco waalid loo gunto ayaa u noqon lahayd tamar ay ku jiidhaan duruufaha ku xeeran. Ha yeeshee hooyadii qoysku, telefoonkeeda gacanta ayay ku mashquulsan tahay. Daqiiqado inay indhaheegu ka jeestaan ayaa karaahi ku ah. Cabbaar inuu gacanteeda ka baxo ayaa buur ku ah. Way ku dan seegtay, qoyskuna waa ku dan seegay. Baylah badan ayaa ka daranyaysan, ubadkuna way eedeen  telefoonkaas yar ee aanay marnaba gacanteeda ka dhigayn. 

Aabihii reerka miyaad iswaydiinaysaa. Hayaay, isagu wuu jiitay oo waa fog yahay. Duruufta marwada aynu ku sheegnay ayaa sahaala noqonaysa haddii aan isaga xaalkiisa iftiimino. Yeelkadiise, aan daaha ka qaadno wuxuu ku sugan yahay. Shalay ayay saaxiibkii oo isna sidiisa qaad qamax ah is heleenoo, ilaa waa dhawaadkii ayaa la qayilayay. Wax yar waaberiga ka hor ayuun buu dayrka ka soo dhacay, haddana waa gataati dhacsan yahay. Hadal ma rabo saacaddan; haddii la toosiyana, tu la og yahay ayaa ka dhici. Marwada reerku camal xummadiisa ayay taqaanaayoo, badihiisa ma gasho, xataa haddii daad qaadayana. Meelahaas barqada ayuu quraac u kici, ka dibna hurdada ku celin ilaa duhurka. Goortaasi ayuu isaga oo falaad badan qaba soo kici, ka dib na u sii luudi meeshii baasayd ee lagu qaaday ee ay ku qayilayeen. Isagu meertadaas nolosha ee iska daba wareegaysa ayuu ku jiraa. Subax hore intuu kaco waligiiba ma shaqo tagin, mas’uuliyad qoysna ha ba sheegin. Ubadkiisa inta ay is arkaan ayaa yar; xaaladda ay ku jiraana- xummaan iyo sammaan, daryeel iyo darranyo, xanuun iyo caafimaad- wuu moog yahay oo waxba kalama socdo. Hooyaddii oo dhib la og yahay ku soo korisay ayaa haddana ubadkiisa korisa. Goortii ay isaga korisay ee ay kaalin galisay, halkii uu ka nasin lahaa ee uu ka daryeeli lahaa ayay kaalin kale oo uu gabay ku soo banaanaatay. Kuwaas yaryar ee ay ayeeyda u tahay korintooda iyo quudintooda ayay bacadka u fadhiisataa. Maalin- kariska ay ubadka u soo xarbido ayuu isagu dulsaar ku yahay oo waliba qayil ka rabaa.  Qoondo go’an ayuu ku leeyahay si uu qalbigiisa qaadka ku mamay, qeybtiisa ugu helo. Waa qoondo qasab ahoo, haddii la siin waayo, qalalaase ayuu qoyska galinayaa. Marwadu ma moogganna dayaca dhinaca saygeeda ka yimid, waxayse doorbiday inay waayaheega laabteeda ku haysato; ubadkeedana iska korsato. Hooyada lafteedu way garanaysaa inaan xaq loogu lahayn laba korsiin iyo shaqadan dani ku baddayga ah ee ay ku sii talax gabtay, laakiin xil ninkii ku beegnaa gabay ayay buuxi isleedahay. 

Marwadu iyadu waxaan danseeg ahayn way ka ladan tahay. Ubadkeeda daranyada way ka jirtaa balse wax badan oo ay qaban lahayd baraha bulshada oo ay aad ugu xidhan tahay ayaa dhaafiya. Haddii ninkii reerku kaalintiisii gabay, ubadka inay u xoogsato way lahayd; waxayse ka jeceshahay inay faysbuug kala sheekaysato ku ay garanayso iyo dad aanay is garanaynba. Sida sawjdkeedu qoondo qayil uga rabo maalin xarbiga maamada, ayay iyadna  u shaxaadaa biilka maamadu soo xarbido. Si kasta oo duruufuhu qoyska ugu adag yihiin, diyaar uma aha inay kharashka joogtada ah ee  ku baxaya isticmaalka baraha bulshada ubadkeeda dartood uga tanaasusho. Iyada oo guriga dhex joogta ayay haddanna maqane xisaabsan tahay. 

Ubadka halkaasi ku barbaaraya waxa ficil ahaan loogu qurxiyaa inta tiraab ahaan looga waaniyo.  Tacab nacaybka, xilkasnimo darada iyo danseegga  ayay waxbarashada iyo inta mudan oo dhan ka hormarin doonaan.  Qaadka iyo qaadirada ku lammaan ayay ragganimo  la gaadho u arki doonaan; markaasay qayrkood ka hadhi doonaan. Qaran qoysaskiisu sidaa yihiin, ma kula tahay inuu quruumaha horumaray higsan karo. Dal in badan oo ubixii u kici lahaa sidaa u dayacan yihiin, deegaanka ku xeeranna- wax niyad jabiya mooyee, wax qalbiga u dhisaa ku yar yihiin, miyaa  wax lagu diirsado laga sugayaa. Yaryarkaasi kalgacalkii iyo muxibbadii waalidnimo laga duudsiyey, iyada oo aanu wad ka qaadin, eedeeda ayaa iska  leh. Se khasaaraha halkaa ka dhashaa ma qoyska oo kaliya ayuu ku koobnaan mise bulshada ay qoysaskani qaybta ka yihiin ayaa si wadar ah u fashilmi. Mid ay tahay ba taariikhda ayaa sheegi. 

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
Nayroobi



Ardaynimada: Shalay iyo Maanta


Xammaasad gaar ah ayay lahayd markaad aragto ku dhawaad kontomeeye arday oo marka ay basaska ka degaan ba, orod isqaadaya oo maktabada ku qammaamaya. Waxa tartanka loogu jiraa maaha filim la fiirsanayo, ciyaar la daawanayo ama borotan kale. Waa waxbarasho iyo wax akhris waxa loo baratamayaa.Waa ku sinnaan labaatan gu' ka hor, isla bilihii hayaanka tacliinta sare, dalka ka hanaqaaday. Jaamacadda Cammuud ayaan arday ka nahay, sanadkii koowaad ee waxbarashada ayaanan ku jirnaa. Saddex koorso oo kaliya ayaan kalkan qaadanaa, saddex  macalin ayaana noo kala dhiga oo kala ah Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid  oo loo yaqaanay “Faarax Shuun", Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee, Prof. Abokor Sh. Abdi iyo Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed, iyagana Ilaahay cimriga ha u barakeeyee.

Saddexda koorso mid ka mid ah (Introduction to Psychology) oo Prof. Sulaymaan markaa noo dhigo wax buug ah (text book) oo koorsadan ku sahabsan saddex midh oo kaliya ayaa yaalla maktabadda. Tirada ardayda saxda ah markan intaan nahay ma hubo- waayo tiradu si joogta ah ayay hoos ugu socotay- laakiin qiyaastii kama yarayn 50 arday. Saddex buug sidii ay konton arday uga wada faa’iidaysan lahaayeen ayaa xujo noqotay. Ku darsoo, saddexdii buug mid macalinka ayaa la siiyey si uu duruusta uga soo diyaariyo. Midna hablaha aan isku fasalka ahayn oo markaa tiradoodu 7-8 ahayd ayaan u qoondaynay, si ay uga nabad galaan isriixriixa helitaanka buugga loogu jiro. Waxay dani ka tegi wayday in intii soo hadhay oo dhami hal buug wadaagto.

Jaamacaddu way nugu cusub tahayoo, ruux walba oon ama harraad gooni ah ayuu qabaa. Xiise kale inuu noo dheeraana la arkee! Hawli haddaba waxay ka timiday sidii halkaasi buug loo wada wadaagi lahaa. Isfahanka ardayda fasalka laftooda ayaa markaas uun abuurmaya, maxaa yeelay, arday hore isku soo baratay inta badan lama ahayn. Guud ahaan, ardaydu saddex hormo ayay ka koobnayd. Koox iyaga oo Jaamacadihii Muqdisho ku jira dagaaladu qarxeen. Koox iyaga oo dugsiyada sare dhigta, dalka lagu kala yaacay; iyo waliba kuwo iyagu aan dugsi sare ba gaadhin balse dadaal shakhsi ah ku  meelmaray. Arday dhawr ah oo dibada ama dalalka dariska ah ka yimi ayaa intaa tarraxa. Halkii buug ee kali ahaa in lagu heshiiyaa way adkaatay. Waxay noqotay in maalin ba ruuxa ku danbeeya ee ku dhafraa qarsado oo meel isaga uuni og yahay, Alle ka sokow, ku hubsado. Kummanaankun oo buug oo maktabadda taalay in tilmaan la’aan laga soo dhex saaraana, ma sahlanayn, haddii aanay ahayn ba wax mustaxiil ah.

Taasi ka soo horjeedkeeda, ardayga maanta waxbaranayaa hubaal ahaan waa laga haqabtiraa buugta duruusta laga daalacdo. Haqabtir kaliya maahee, kuwa kale oo   tixraac ahaan loogu talagalay ayaa waliba kuwa aasaasiga ah u dheer. Maktabaddii oo cammiran; buug cayn walba leh laga helayo ayaa iyadna halkeer ah. Intaasi oo dhan waxa dheer nimcooyinka Ilaahay inagu galaday, balse in badan aan la dhaadan ama si qalad ah loo adeegsado ee shabakadaha internetku ka mid yihiin. Laan kasta oo cilmiga ka mid ah, sahal iyo hawl yaraan ayaa looga haqab beeli karaa, marka aaladdan si sax ah oo sugan loo adeegsado. Waase ruuxii rabitaan rasmi ah la yimaada, meel sare higsanaya, soo jeeda, baraarugsan ee dadaalkana joogteeya.

In kasta oo ay duruufaha waxbarashadu adkaayeen, tas-hiilaadkuna yaraayeen, haddana ma xiise yarayn, haddaanay tacliintu waayahaas ba ka xallad badnayn. Tayada lafteedu, inkasta oo hadal ka iman karo, ugu yaraan ta maanta kama hoosayn, haddaanay la sinayn amaba ka sarayn. Waase xaajo lagu kala aragti duwan yahoo, waa hadba dacalka aad ka joogsato. Nafhurkaas iyo xiisahaas gaarka ah sababtooda ma hubo, waxaanse u badiyaa qoddobo dhawr ah; isku darkoogu inuu sal u yahayna la arkee. Qoddobadaas waxa ka mid ah, duruufihii adkaa oo isbeddel degdeg ah dan ma hurto ah ka dhigay, dib u yagleelkii waxbarashada iyo xiise gaar ah oo ku lammaanaa, ardayda oo inta badan muddakar u badnayd, gaar ahaan dhinaca  da’da, hillaw gooni ah oo loo qabay hayaanka tacliinta sare oo gayiga ku cusbaa (iska dhaaf tacliin saree, inaad baska Jaamacadda raacdo, runtii darajo ayay ahayd)

Isku soo wada xoorriyoo, duruufaha kor ku xusani waxay xujo cad ku yihiin ardayda maanta wax ku baranaysa jawi kaasi aad uga beddelan, kana horumarsan, gaar ahaan dhinacyadda dhismo-hoosaadyada, manhajka, nidaamka waxbarida, agabka iyo deegaanka waxbarasho. Sida duruufuhu hadda uga fog yihiin kuwii shalaytada dhaw ayay haddaba lama huraan u tahay in tayada maantuna uga tamar badato tii tagtada.


Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Barashadii Teebka

Waa beryihii dalku soo kabashada bilawga ah ku jiray. Waxbarashadu sidii ay nooga kala daadatay bilawgii sagaashamaadkii ayay dugsiyadu wali u xidhan yihiin, marka laga reebo kuwa Hoose/Dhexe oo dadaalka dad is xilqaamay ku socda. Dugsi Sare hadalqaad ba isagu ma leh. Meelo gaar loo leeyahay oo luqada Ingiriisiga kaliya laga barto ayaa noo ah isha kaliya ee aan aqoon ka korodhsano. Haddii laga tegi waayo joornaalka Newsweek ayuu Jabuuti iiga soo diri jiray ina adeerkay Maxamed Xasan Maxamuud, Ilaahay Janatul Firdaws ha ku casuumee. Aqoon guud ayaan ka korodhsaday akhriska joornaalkaas. 

Mashaariic badan oo dib u dhis ah  ayaa dalka ka socda. Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah qaar badan oo ka mid ah Borama ayaa xarun u ah maadaama Hargeysa dagaal ehli ahi markaas ka socday. Beryahaas ayaan shaqo gacanyare ah ka helay xafiiska Hay'adda Samafalka Maxaliga ah ee GUUS. GUUS waxay ka mid ahayd hay’adihii maxaliga ahaa ee ugu horayn ba dalka ka hana qaaday, barnaamijyo wax ku ool ahna arlada ka hirgaliyey. Dayactir iyo dhismo dugsiyo, xarrumo caafimaad iyo biyo balaadhin ayaa u mudnaa mashaariicda GUUS ay beryahaas gacanta ku haysay. 

Xirfad badan ma lihi aan ka ahayn gacanyare aamin ah. Yeelkadeede ugu yaraan waxaan wataa mid ka mid ah labadii sifo ee Nebi Yuusuf (CS) ku hawl galay markii uu Boqorka ka dalbaday inuu ka dhigo Wasiirka arlada maamula isaga oo isku hubay laba sifo oo qiimo badan; karti iyo ammaano. 

Shaqada ugu badan ee aan qabtaa, waa dirasho, wax soo iibin iyo gaadhi xafiiska u kiraysnaa oo aan marar dhif ah kexeeyo, gaar ahaan marka la iiga maarmi waayo.  Xafiiska teeb ayaa yaalla laakin sarkaalka garaacida teebka ku qorani, shaqo kale ayuu haystaa. Marka odayadu ay qoraalada qallin iyo waraaqo ku diyaariyaan, ayaa aniga la i diraa oo aan sarkaalkaasi xafiis kale oo uu ka shaqeeyo ugu tagaa si aan ugu wargaliyo shaqada u taalla. 

"Haye, haye waan imanayaa" ayuu si degdeg ah ii yidhaahdaa, ka dibna waan iska soo luudaa. 

Telefoon- mid xafiis iyo ku gacmeed - midkoodna ma jiro. Sidoo kale gaadiidkan dadweynaha ee maanta aan kala joogsiga lahayn, beryahaas Borama ka ma jirin. Bajaaj na ilayn waa dane, ha ka yaabin. 

Maalintii danbe waan fikiray oo waxaan is tusay shaqadan sarkaalka kale aan maalin walba u doonayo inaan anigu ba qaban karo. Haa maxaan u qaban kari waayey ma ruux baa xirfadaasi ku soo dhashay, sow qof walba mar uun ma baran. Aniguna maanta ayaan fursadaas haystaa ee waa inaan bartaa oo waliba ka midha dhaliyaa!

Aniga oo damacaasi i dirayo ayaan waraysi tagay. Waxa ii daran inaan ogaado sida ugu fudud ee aan teeb ku baran karo iyo halka aan ka baran karo. Waxa la igu kordhiyey in dugsi teebka laga bartaa hore u furnaan jiray, balse uu xidhmay markii loo waayay arday wax ka barata. Sida la ii xaqiijiyey, Hargeysa ayaa loo raray ka hor inta aan Borama dib loogu soo celiin dagaaladdii ka dib. Agabkii dugsigaas ayaa la ii sheegay inay ku  xeraysan yihiin xaafad magaaladda ah, macalinkii  dhigi jirayna uu hadda shaqo kale oo muruqmaal ah magaaladda ku haysto. Macalin Cabdi Barkhad Rayaale oo wax ka bartay Dugsigii CTC ee Hargeysa, ka dib na muddo badan ka shaqeeyey Bangigii Dhexe ee Soomaaliya ayaan raadiyey. Waxaan ka helay suuqa dhexe ee Borama  isaga oo tukaan furan ku haysta. Xirfadle dagaaaladu saameeyeen, balse aan is dhigan oo xoogsada ayuu ahaa. Waraysi ka dib, waxaan ku dhiirigaliyey inuu dugsigaas teebka dib u furo, arday badan oo baahi daran u qabta darteed. Fikrad fiican ayuu macalinkii u arkay, balse wuxuu ka werwersanaa helitaanka tiro arday ah oo la isku halayn karo. Wuxuu markii danbe igu xidhay ugu yaraan labaatan arday inaan keeno. Dhallintii aan isku filka ahayn ayaan fikradii dib ugu la soo laabtay. Liis baan diyaariyey, balse hadda ma xusuusto inaan gaadhnay labaatankii qof ee macalinku codsaday iyo in kale. Waxaan se xusuustaa in dugsigii teebku sidaa dib ugu furmay. 

Xiise badan ayaan u hayay beryahaas barashada teebka. Teebabka dugsiga yaallaa way noocyo badnaayeen; kuwo xuruufta qaar maqan yihiin, kuwo garaacista faruhu kugu daalayaan iyo kuwo cusub oo aad ku raaxaystaba. Laatiin iyo Carabi labada ba way lahaayeen, kuwa danbe haba tira yaraadaane. Tartan ayaa arday ahaan markaa naga dhex bilaabmay oo ruux waliba wuxuu rabaa inuu mid fiican fadhiisto. Waxay ka tagi wayday in salaada Casar aan Geed-Goble oo gacan-fudayd aan ku hubnay, ku sii tukano ka dibna albaabka dugsiga isa sii hor tubno. 

Caadiyan dugsigu afarta galabnimo ayuu furmi jiray. Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee adeer Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse ayaa markuu arkay niyada aan barashada teebka u hayo i siiyey teeb nooca gacanta lagu qaato ah (Portable Typewriter). Ilaahay godka ha u nuuree, teebkaasi beryahaas wuxuu iga dhigay nin aaladdii ugu danbaysay ee casri ah hantiyey. Saaxiibada dhaw intay i soo raacaan ayay saacado dheeri ah layli ahaan u adeegsan jireen. Wax kale kuma garatide, wuxuun baan ka dhignaa nin Ipad ku dhex haysta bulsho aanu kombiyuutarkuba markaas wali si fiican u soo wada gaadhin. 


Dhawr bilood ka dib markii aan bilaabay barashada teebka, xafiiskii aan ka tirsanaa wuu ka maarmay sarkaalkii aan shaqada kale ka dooni jiray. Kaalintii uu ku jirayna waan daboolay. Daboolid oo kaliya uun maahee, mishahar fiican oo beryahaa qoyskayaga biil ahaan ugu filnaa ayaa la ii qoray. 

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q4aad

Iyada oo tallankaas ku jirta, nafteedana la shawraysa, ayay ku soojeedsanaysaa, qofka garabka midig ka taabtay ee haddana magaceeda ugu yeedhaya,dhoolacadaynna ku salaamaya.
Maanta ayuu ka muuq wacan yahay maalintii ugu danbaysay ee ay dharkiisabacda madow ugu gurtay. Ilqabatin soo jiidasho leh oo beryihii uu garoomadacaanka ka ahaa u muuq eg ayaad moodaa inuu dib u soo kasbanayo. Ha yeeshee dibu hanashada haykalkiisii hore waxa halis ku ah miisaan xoogleh oo fuulay. Jidhkiisii dhisnaan jiray, raad ka sii muuqda mooyee, sidii uma habaysna.Gadhka iyo gafuurkuba way cadaadeen oo wuu wada cirraystay. Calool kuusan buuyeeshay; wuxuuna u sibirsaaraa fadhiga badan, jimicsi la’aanta iyo habnololeedkiisa cusub ee nolol-sixeedku ku yar yahay. 
Beryahaaba Beddel dhammac kalgacal ayaa ku shidmaysay. Beerkiisa waxa biyadhigayboholyow ku soo labakacleeyey. Garwaaqsay inuu kalakicinta qoyskiisa mas’uul kaahaa. Xaalmarin ayuu diyaar la yahay. Balse dunidu waa giraane, xaaskiisii horequustii ayay wali ku maqan tahay. Tii ay soo martay ayaan wali maankeeda kabixin, dhayal inuu ku soo xerogalin karana uma eka.  
“Waan fiicanahay” ayay si debecsan ugu jawaabcelisay Beddel iyada ooqaadan la’ in ninkii ay ogayd heerkan uu marayo. Waa lagu xoonsan yahay oodadkii madasha fadhiyey ayaa salaan iyo sagootin saf ugu jira; markaa hadeermunaasib ma aha in sheeko intaa ka badan ay wadaagaan. Dhinaca gabadhana waliis adkayn iyo yasid ayaa ka muuqata. Telkeeda ayuu ka qaatay, intaanu goobta kabixina, wuxuu u sheegay inuu soo wici doono. 
******************************
Masaajidka xaafadda ayaa salaaddii Maqrib markii la tukaday, waxa kaistaagay imaamka masaajidka. Waxa uu jamacii wargaliyey in qaylodhaan la soogaadhsiiyey oo uu xaafadda aad ugu xanuunsanayo nin dadka xaafadda ka mid ah,beryo horena jamaca masaajidka ka tirsanaan jiray. Waxa la soo weriyey inBeddel, ciyaartoygii hore ee caanka ahaa, markii danbena xildhibaanka noqdayaad u jirran yahay. Waxa intaas lagu daray, in ninkaas wax hanti iyo adduunyosoo marayba maanta uu dacdaraysan yahay, gacan sokeeyana u baahan yahay. Waxala xaqiijiyey in xanuunkiisa aan dalka wax ba laga ga qaban karin, balse markauu ugu dhaw yahay Hindiya la geeyo. Imaamkii masaajidka ayaa dadka muxsiniintaah ku dhiirigaliyey in ruux iyo karaankii la isku qoro, oo Ilaahay ayaa waxbadbaadiyee, mas’uulkaas hore la badbaadiyo. Dadkii masaajidka xaafadda kutukanayay, sidii caadada u ahayd ayay deeqsinimo muujiyeen oo qaadhaan kuyabooheen. 
Bal Beddel aynu ka wardoonee, waa kii safarkii dibada ka soo noqday. Waakii ku guuldaraystay isku day uu rabay inuu ku soo ceshado xaaskiisii hore.Beryo markii uu badhbadhaadhnay ku jiray, ugu danbayntii waa kii lagu qaadayqodob distooriya iyo xil gudasho la’aan. Ka dib waa kii lumiyey xubinimadiisiigolaha, markii uu soo xaadiri waayey fadhiyadii caadiga ahaa. Hanti wixii uudhaqday mudaddii uu xilka hayay waa ka ku maalgalinaya hanashada mansab kale oodawladeed. Koox oday dhaqameed iyo siyaasiyiin iskugu jira ayaa shaxda lafahmay oo maalinba mashruuc ula yimaada si loo ebyo magacaabidiisa, oo sida aysheegeen, beryahaaba miiska saarnayd. Isaguna, ilayn xilka dhadhan buu kuhayee, waa ka hindisayaashaas gacan ku rimiska ah hagar la’aan u maalgalinaya.Midhaha laga goostay dadaal ku sheegaasi waxay noqdeen, hantidii uu dhaqday ooka fara baxda iyo xil iyo mansab la’aan. Xaaladaas ayay haddana u raacdaycaafimaad darro culus oo la soo deristay, isla jeerkaasna ka gayn wayday injamaca masaajidka  laga dalbado inay il naxariis leh ku eegaanBeddel. 
Adduunyo! Hadda waa isla ruuxii waayo aan dheerayn cirkaa marayay eeloogu taag waayay inuu dhulka qunyar socdo. Waa isla mas’uulkii shaqaalahadaacada ah ee halganka nolosha la legdamaya karti darro iyo fahmo xumo inayhalkaa dhigtay u qabay.  Dhawaan uun bay ahayd markii qaar ka mid ahasxaabtiisii hore ee ciyaaruhu u soo bandhigeen taakulada saaxiib hore oowaqtigu ciilay. Balse qaadanwaa iyo af kala qaad ayay kala kulmeen markii uu usheegay in saaxiibkaasi sirta nolosha fahmo oo dalku waa nimcaysan yahaye,indhaha furo oo tabaha lagu tanaado barto. Waa isla shakhsigii lagu waaninjiray in shaqada uu haysto ku fara adaygo, subixii soo kaco oo shaqadiisa kaadkaado. Waanu weelayne, dhaaxaa lagu dardaaray inuu dhawrsado, dadkajilicdasanna u dhibirsanaado. Dheg ayaanu jalaq u siine, dhaaxaa la xusuusiyey gedgeddoonka waayaha iyo casharadda laxawga badan ee ku lammaan. Wuu udhegooleeyee, imisaa lagu soo hadal qaaday dharaarihii aan dheerayn ee uu baahnaa,dabiibka nafsaaniga ahina u socday.
Waynu madax adag nahay oo waxbaynaan ku qaadanayne, dharaaaruhu maxaycasharo inoo dhigayaan. Waayuhu muxuu ina barayaa duruus wax ku qaadasho inoogufilan.  Noloshu maxay ina tusaysaanoocyadeeda faraha badan ee cibro iyo wax ku qaadasho ba leh.
Waa ruux iyo garashadiiye, Beddel intaas ba wuxuun buu kaga jawaabayaydafiraad, isdiidsiin iyo isdifaac mutuxan. Wuxuu aaminay oo ka dhaadhacday, amaiska dhaadhiciyey inuu shaqaystay, karti iyo xarfadna  ku hantay furahaguusha. Yeelkadiiye, maanta jamicii masaajidku gobanimo ayay ka yeeleen,dhaqaalihii dibada lagu gayn lahaanna meel ayay saareen. Waa kaas la qaaday eedhakhtarkii loo sii wado isaga oo xaalad caafimaad oo ba’an ku jira. Haddii uu nolol ku gaadho meesha loo wado,  mooyi xaaladiisu si ay ku danbayn doonto!
Dhamaad.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Isbeddelka Beddel Haleelay Q3aad


Jiilaal bilawgii ayaa lagu jiraa. Jawigu aad buu u qabaw yahay. Hadda uun buu barafkii bilaabay. Dadku way wada rarran yihiin oo qabawga ayaa laga gaashaantay. Beddel isagu hore waa kii ugu noolaan jiray dalalkan Galbeedka ee hadda ay booqanayaan, markaa qabawga ay ka cabanayaan xubnaha kale ee waftigu isaga shiddo badan kuma hayo. 

Kooxdan dalkii ay ka wada yimaadeen waxay u qabaan in isagu dalmar yahay, ugu waayo aragsan yahay, dhulkanna aad u kala garanayo. Waxay markaa ka filayaan inuu jid mariyo oo  hoggaamiyo. Waxay mooggan yihiin in mudadii uu dalkan ku noolaa isaga laftiisa abbaan laga ahaa, kaligiina aanu waligii si madaxbanaan u soo muraadsan. Inuu xaaskiisa dulsaar ku ahaa, kaligiina aanu marnaba istaagi jirin ayayna ogayn. Goor danbe ayay candhuufta dib u liqayaan marka ay arkaan sida uu u oodan yahay, dal aqoonna aanu u ahayn. Taas ka soo horjerdkeeda isaga ayaa ba la hagayay, la hoggaaminayay oo la horsocday. 

Weftigii dawlada oo la sheegay inay dhamaysteen shaqadii ay u yimaadeen ayaa caawa jaaliyadda la balansan. Maxfal weyn oo qoobkaciyaar iyo heeso waqtiga ugu badan lagu lumiyey ayaa la joogaa. Dadka caawa madasha soo cammiray,  weftigana warbixin dalkii hooyo ku sahabsan ka sugaya waxa ka mid ah marwadii hore ee Beddel. Indhaha ayay marmaranaysaa marka codbaahiyaha lagu soo dhaweeyo xildhibaan Beddel. Inay riyoonayso iyo in waxa dhaayaheegu arkayaan, dhegaheeduna maqlayaan dhab yahay ayay ku murmaysaa. Nin waayeel ah oo dhinaca midig ka xigay ayay waydinaysaa magaca mas’uulka hadlaya. Kuye Beddel ayaa la yidhaa oo waa mid ka mid ah mas’uuliyiinta dalkii inooga yimi! Inta ay ku kalsoonaan waydo jawaabta la siiyey ayay haweenay kale oo dhinaca bidix ka fadhiday isla su’aashii ka xaqiijinaysaa. Haweenaydan danbe magaca mas’uulkan ma hubto, balse inuu dalkii ka yimi, weftiga meesha marayanna xubin ka yahay ayay odaygii hore ku raacday. Hubaal la’aantii iyo dhakafaarkii ayay jawaabta danbe ku sii laba jibbaaraysaa. Beddelkii ay taqaanay ayaa xil ummadeed qaaday ayay liqi laada’ay. Maxay u liqi waydaa sow ninkii ay ogayd ee naftiisa maamuli kari waayey maaha. Sow ninkii markii hore ay rag oo dhan ka dooratay maaha, markii danbe ee ay aragtay karti daradiisana ka tashatay maaha. Ma kaas ayaa inta uu xilqaado, dadka hor iman kara oo hadal  deeqa u sheegi kara. Wax aan dhici karin ayay ula muqataa. 
  
“Armuu isagii yahay, muuqa iyo magaca ba wuu la wadaagaaye. Oo isaga ayaa neef baadi ah waydiinaya? Soomaalidu ninka ay maqasha kala quustaan ayay geela u diraane, bilaw ninkii ismaamuli kari waayay dal maamul la yidhi? Haddii ay sidaasi dhab tahay oo ninkii aad ogayd ummad u taliyo, Allaa i lehe arladaas talo-qabeen ma joogo. Laakiin kaalay maxaad sidaa u odhanaysaa, miyaanu isbeddeli karin, waxbaran karin, naftiisa horumarin karin, karti iyo awood soo bandhigi karin, cid kasta oo hoos u eegi jirtayna, indhahooga oo shan ah, ka yaabin karin. Maya, intaasi iyo ka badan ba way dhici karaan laakiin ninkaan ogaa damacaas iyo dabcigaas midna ma lahayn. Haddii fariidnimadaasi ku jirtay miyuu la soo baxo markii uu nolosha cusub, arladan fursadaha miidhan ah uu ka bilaabay. Haa markaasi ayuu soo bandhigi lahaa haddii hibo hoggaamin bulsho uu leeyahay. Horta bulsho ha ba ii danbaysee, naftiisa ayuu ka adkaan lahaa, ka dibna qoyskiisa ayuu hawlaha adduunyada dhan uun kaga beegmi lahaa”

Iyada oo tallankaas ku jirta, nafteedana la shawraysa, ayay ku soo jeedsanaysaa, qofka garabka midig ka taabtay ee haddana magaceeda ugu yeedhaya, dhoolacadaynna ku salaamaya.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q2aad


Waa maalmihii golaha uu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa badnaa. Sida caadiga ah Beddel waa dhif inta uu xaadiro kalfadhiyada gollaha. Maalinta uu ugu horeeyo ayuu kacaa Laba iyo Tobanka Duhurnimo, sidaasi ayaanay saacadaha shaqadu ku dhaafaan. Kalfadhiyada farakutiriska ah ee uu ka qaybgalo, way yar tahay inta uu dood ka qayb qaataa. Deegaanka uu kursigooda ku fadhiyo, waligii ma booqan, baahida rasmiga ah ee ay qabaanna wax ba ka ma oga. Wuxuu ugu jecel yahay, marka ajanadaha lagu soo daro, hindise la isku maandhaafsan yahay. Xiisaha doodda iyo xamaasadda ku lammaan danayn maayee, fursadda dhaqaale ee laga samayn karo ayaa micno weyn u samaysa. Xeeldheere ayuu ku noqday sida fursadahaas loo kala fidiyo ee faa'iido adduunyo loogu beddelo. 

Saaka waa mid ka mid ah subaxyadii u tirsanaa. Waa maalmihii aan laga maarmayn xubin kasta oo gollaha ka tirsan. Qolyo hawsha gollaha hortaal dabada ka riixaya, ayay wax isku ogyihiin Beddel. Kooxdaasi kama welwel qabaan inuu isbeddelo oo dhinaca kale raaco, waayo dheef weyn ayaa meel loo saaray. Balse waxay ka walaacsan yihiin inuu codkiisa la seexdo, sidaa darteed, rag baa loo qaybiyey arroorta hore soo kiciya oo ku hubsada kursiga uu codka ka dhiiban doono. 
Guyaal ka hor,  markii dalka lagu soo celiyey, yoolka ugu weyn ee la higsanayay wuxuu ahaa baxnaaninta naftiisa. Cidina maalintaasi haabka kuma hayn in Beddel xil ummadeed qaban doono. Ruuxna ma sawiran karayn isbeddelka la yaabkal leh ee ku yimi hab-nololeedkiisa. Haddii shalay isaga baxnaano nafeed la la rabay, maanta waa laga soo gudbay taasi oo masiirka ummada halka lagu gooyo ayuu fadhiyaa. Tartan qabiileed xanaf badan  oo isma hurtada  isku lisay ayaa dadka ka indho saabay inay ka fiirsadaan cidda ay xil ummadeed ku aaminayaan.  Beelaha oodwadaagta ah ka cod badsada mooyee, ka tala wacnaada ba la isma odhan. Tala-qabeen dalka iyo dadka u damqanaya xil ma dhibin, dadkuna ma raadin.  

Beddelkii soo guryo noqday isaga oo aan waxba tabcan maanta waa hantiile daaro dhaadheer iyo hanti ma guurto ah leh. Waa mid ka mid ah dabaqada sare ee sida ka badbadiska ah u nool. Muddo kooban oo uu gollaha ka tirsanaa ayuu ka hodmay oo ka xoolaystay. Saacadaha ugu yar ee Aadame shaqeeyo ayuu shaqeeyaa, haddana hantida ugu badan ayuu dhaqday. Wuxuu aaminay inuu ka karti iyo maskax badan yahay in badan oo shaqaale ah, subax walba kalaha, goor danbe oo galabtii ahna soo noqda, ugu yaraan lix cisho toddobaadkii. Sidaasi oo ay tahay, shaqaalahaasi waa qaadaa ma dhargaan. Guryo kiro ah ayay degan yihiin, ubadkooduna daryeel caafimaad iyo waxbarasho hagaagsan ma haystaan. Marar  la  soo hadal qaaday heerka maciishada ee sii adkaanaya, waxa laga hayey inuu yidhi qofka shaqaale dawladeed ah ee ka faraqabsan waayey inuu yahay liid aan dhiig iyo dheecaan toona lahayn. 

Beddel in kasta oo aanu reerayn, guurkiisii hore ee fashilmay ka dib, noloshiisu isaga way isa saaran tahay. Daba ka welwel ma qabo oo hantidiisa ayaa bangiyada buuxda, halhayskiisuna waa dhulkeena nincaa fadhida. Dabagal iyo cadaalad ka daba timaada- ugu yaraan inta dunida la joogo- ka biqi maayo, saa isla xisaabtankaba waxa arlada looga yaqaanaa fikrado qalaad oo dibada laga soo waariday!

Isbeddelka Beddel Haleelay!

Isbeddelka Beddel Haleelay!

Beddel afar iyo siddeetan bilood iyo maalmo ayuu dalka ka maqnaa oo uu qurbaha jiray. Xagaagii dhawaa ayuu nasiib u helay inuu dhulkii hooyo ku soo guryo noqdo. Intii aanu dhoofin wiil firfircooni iyo karti badnaan lagu majeerto ayuu ahaa. Labadiisa waalid oo awlaadu ka noqon jireen ayaa magaca Beddel ugu wal-qalay, iyaga oo aaminsan inuu yahay beddelkii ubadkii ka saqiiray.

Kooxda kubadda cagta ee degmada isaga ayaa waligiiba hormood u ahaa. Mas’uuliyadda waxa u dheerayd farsamo-ciyaareed sare oo uu ku soo bandhigi jiray garoomada kubadda. Nasiibka ayaan sidoo kale ka eexan, ciyaar  kastana ugu yaraan hal gool ayuu kooxdiisa u dhallin jiray, haddii aanu ka badsan ba. Xirfaddiisa dhinaca kubadda cagtu waxay ahayd mid carro-ka-waa ah. Fursadaha goolal lagu dhalin karo ee uu abuuri jiray; difaaca kooxda ka soo horjeedda ee uu kala daadin jiray iyo kubadaha uu sida xirfadda sare ku lammaan tahay u daba marin jiray goolhayayaashu, waxay ka dhigeen shakhsi caan ah oo aad loo wada jecel yahay. Magaciisu waa hore ayuu duulay oo dabaylaha raacay. Marka laga yimaado guulaha isdabajoogga ah ee uu kooxdiisa u horseeday, waxa intaasi u dheerayd hoggaamin iyo dhabar-adayg uu muujiyey mudadii uu kooxda kabtanka ka ahaa. Intaasi oo la isku daray ayaa magaciisa ka dhigtay mid meel walba ka dhacay oo ay caruuraha yar-yari ku hadaaqaan.

Hubaal ahaan haddii uu Beddel ku noolaan lahaa dunida tanaaday ee kubadda cagta cisaysa, dhaqaalahana u hurta, cagtiisa ayuu ku ciilbixi lahaa. Naadiyada kubadda cagta ee dalalka horumaray ayaa helitaankiisa ku loollami lahaa. Ayaandarro qaranka qalfoofka ah ee uu ku abtirsado ayaan u saamaxayn inuu ku xisaabstamo dhaqaalaha baaxadda leh ee ay qayrkii qaataan. Waqtigii ay xirfaddiisu halka ugu sarraysa maraysay, curuqyadiisuna cuddoonaayeen, fursad uma helin uu ugu soo bandhigo dunida ciyaaraha jecel qaab-ciyaareedkiisa lama-aragga ah. Maanta oo uu joogo dalalkii hore u maraynna tartan ma gali karo maxaa yeelay xirfaddiisu sidii uma xooganna, cimrigiisuna wuu cararay.

Gabadh qurbaha ka timid oo dalka fasax ku soo gaadhay ayaa ka heshay magaciisa meelmaray iyo cabqarinimadiisa dhinaca kubadda cagta. Ka dib waxay dadaal u gashay sidii ay u hantiyi lahayd qalbiga wiilkan caanka ah. Qorshihii ay dajisatay ayaa u shaqeeyay oo durba wataasi gacanta ku soo dhigtay. Sidaasi ayay isku guursadeen muddo ka dibna uu qurbaha kaga daba tagay xaaskiisa.

Waqti aan badnayn markii ay raaxo adduunyo ku jireen ayaa albaab kale oo nolosha ahi ku furmay. Dalka uu tagay dhaqan ahaan, diin ahaan iyo af ahaan midna ulama falgali karo. Wiil dhalinyar ah oo degmadii uu ku dhashay aan dhinacna u dhaafin ayuu ahaa. Xaaskiisa ayaa u indho iyo dhegaba ahayd. Odaygu show kubadda ayuun buu cimlaaq ku ahaaye jirrabka kale ee nolosha kowba ma joogin! Sida gadaal ka soo baxday, dugsi ma aadin taasina turunturro uu tabaalaheeda dib ka dareemay ayay noqotay.  Yeelkeede haddii uu si uun xoogsi diyaar ugu noqon lahaa wuu ka lib keeni lahaaye, dhaqan tacab nacayb ah oo u qarsoonaa ayaa ka soo mudh baxay. Waxa taasi u raacday dabeecad xumo aanay ruuxna geedkaa isla gaadhayn.

Gabadhu way shaqaysaa oo aroorta hore ayay guriga orod kaga baxdaa, goor danbe oo habeen galayna way soo hoyataa. Ubad iyo cid kale oo imika ahaan daryeel uga baahani ma jirto, ha yeeshee inuu  si edeb iyo madaxbanaani leh isku maamulo ayay doodi ka taagan tahay. Caqabado aan tiro yarayn ayaa kaga gudboon inuu u badheedho halganka nolosha. Luqad shisheeye fahankeed ha sheegin, fikir guud oo uu ka haystay nolosha dunidan uu soo hayaamayna ha ka yaabin. Nin maskax adag ma ahayne, hore ayaanu iskuguba dayin, maantana waxa uu u arkaa in waagu gadaashiisa ka baryay. Arrinkiisu waxa uu ka dhigan yahay nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raadcee. Waxa intaasi oo dhan ka daran isaga oo aan haabkaba ku hayn in uu is abaabulo oo kifaaxa nolosha waajaho. Taas ka soo horjeedkeeda, waxa uu ka doorbiday inuu xaqiiqada nolosha kaga dhuunto marfash qolo ay dhawaan isbarteen ku qayilaan. Halkaas ayuu ku qaataa waqtigiisa inta ugu badan. Beryihii danbe waxa uu bilaabay inuu dhaxo oo habeenno isku xiga aanu xaaskiisa ka soo ag wareegin ba.

Dhinaca xaaskiisa, muxubbadii badnayd ee ay u qabtay Beddel way soo gudhay oo hungo madhan ayay joogtaa. Waxay iswaydiinaysaa kala duwanaanshaha magacii ay ka daba dhacday iyo shakhsiyaddan tacab ha joogee, si basar leh u noolow ay ugu maaro laada’ay. Niyadjab weyn ayaa la soo dersay. Waxay xaqiiqsatay in sal-fudayd qaaday oo ay magac madhan raacday. Hadallo wada qalafsan iyo inay la joogiisa ka qashaafto ayay bilawday. Qaabdarro aan la qiyaasi karin ayaa kalgacalkii iyo isku kalsoonidii kobteedii beddelay. Isfahan darro weyn oo qunyar qunyar u soo gaamuraysay ayaa farxaddii ay filaysay oof-wareen iyo firkanax ku noqotay. Markii ay aragtay in xaalkiisu aanu ka soo raynayn, go’aan ayay qaadanaysaa oo waata dharkiisii bac madow ugu guraysa ee iska eryaysa!

Ninkii Beddel ahaa arladii ballaadhnayd ayaa ku soo koobmaysa, afarta jiho dhinac uu u dhaqaaqo waa ka garanwaayaya. Mar danbe ha soo xusuusto marfashkii uu arlada dhan ba ka yaqaanay. Halkaasi meel u dhaanta waa ka garan waayey ee isaga oo bacdiisii madoobayd xambaarsan, si rasmi ah iskaga dhiibaya qolkaasi asxaabta fadhi-ku-dirirka ah xarrunta u ah. Kuma cusba oo meeshu waa halkii laga qaniinay. Saaxiibadiisii mijiliska rukunnadda u ahaa si ballaadhan meesha ha ugu soo dhaweeyeen.

Waayaha dunida ee isdaba marayaa waa kuwa irrid kale oo nolosha ah u furay. Si uu kifaaxa nolosha ugu guulaysto, waaka isku dayaya inuu la qabsado dhallinta mijiliskan fadhiisata. Waa kuwa abaabulaya ee caydha soo qoraya, dabadeedna marfash jaad ku balaminaya si uu halkaasi uga macmiisho. Noloshii waa ta isku sarjarantay ee soo qaad oo dhiib dhaafi wayday. Asxaabta meesha ku kulantaa waa niman balwada badane,   isna waa ka si fiican ula qabsaday ee god walba oo ay galaan si indho la’aan ah uga daba galay.

Sidaasi ayaa toddoba sanno kadib, Beddel dalka loogu soo celiyey. Ninkii furfurnaa ee fariidka ahaa maanta maaha. Ninkii kubadda cagta magaca weyn ku lahaa maaha. Ninkii carruurta magaalada loogu magac dari jirayna maaha. Waa nin doorsoon oo aamusnaan iyo maahsanaani ka soo hadhay. Waa nin gole-ka-maag ah oo cidlada iyo faqa naftiisa wehel ka dhigtay. Muuqu waa Beddel kii  caanka ahaa, ruuxduse waa tu si kalaysan oo dhuumasho kaga jirta tabaalaha adduunyada.

Saaxiibadiisii isboortigu marka ay maqlaan soo laabashada xiddigoodii hore, hillow iyo farxad ayay ku qaabilayaan bishaaradaasi. Waxay qorshaysteen inay kooxaha ugu waaweyn mid ka mid ah maamulkeeda u dhiibaan. Ha yeeshee markiiba waxay arkeen in ruuxan soo laabtay uu silloon yahay, kana beddelan yahay  halyaygii baryaha qaar laga daba dhacay. Qaar asxaabtiisii hore ka mid ah oo ay hormood u yihiin rag ay isku naadi ahaan jireen ayaa ka damqanaya xaaladda murugada leh ee uu ku sugan yahay saaxiibkoodii carruurnimo, marar badanna guulo isdabajoog ah u horseeday. Dhaqancelin ayay u samaynayaan oo koox Tabliiqa ayay ku darayaan, dhawr odayna si gaar ah ayay ugala dardaarmayaan. Marka uu ugu yar yahay afartan cisho oo isku xidhiidhsan ayaa loo jaraa, haddii aanu laba biloodba bixin. Muddadii uu culimada faafinta diinta la socday, isbeddel sal iyo baar leh ayaa laga dareemay.  Balwadihii uu qabatimay ayaa dhiigiisa si qunyar-qunyar ah uga soo baxaya. Ruuxdiisii abaadday ayaa dib u soo biqlaysa; iimaankiisiina waa kaa quwaystay. Maanta oo uu toddoba bilood dalka joogo si weyn ayuu xaalkiisu uga soo reeyey. Ha yeeshee, weli Beddel kii la yaqaanay maaha,  ammuumihii silloonaa ee soo noqdaynna maaha.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Adeegsame Aleenkayga

Aleenka gacantu ama telefoonka gacantu- hadba sida aad u taqaano- beryahan danbe waxa uu noqday walax nolosha aan sinaba looga maarmin. Hawl- maalmeedka caadiga ah ayuu si xawli ah ugu sidkan yahay, haddii aanu ahaynba dhufsaneyaraha shaqo-maalmeedku wadaagaan. Isticmaalkiisu waxa uu si weyn u labalaxaadsaday sanadihii u danbeeyey oo horumar dhinaca teknoolojiyada ah Aadamuhu sameeyey. Horumarkaasi ayaa dhinaca kalena, gaar ahaan geyigeenna, suurtagaliyey helitaanka aleen casri ah oo inoo qabta adeegyo badan oo kala baaxad weyn. Waa kalkan marka uu ku biirayo madhaafaanka nolosha.

Halkii awal aad aaladdo fara badan u baahnayd si aad hawlo kala duwan u hesho, hadda aleenka gacanta ayaa kugu filan. Si dul-ka-xaadis ah, adeegyada ama hawlaha aleenka gacantu aalaaba inaga haqabtiro, waxa ka mid ah.

1. War-is-gaadhsiiye
Waa barta koowaad ee Aadamaha kala maqan xidhiidhisa, hadday noqoto hadal, cod la isku duubo, fariimo qoraal ah oo gaagaaban oo la is weydaarsado iyo wadahadal maqal iyo muuqaal ba ah.

2. Jeeb
Haddii aad beryihii hore lacagta aad u baahan tahay jeebka ku qaadanaysay, ama boorso yar oo lacagi ku jirto aad jeebka danbe ku ridan jirtay, si aad ugu muraadsato, hadda aleenka gacanta ayaa kaaga filan. Gaar ahaan inta ay soo ifbaxeen adeegyada Zaad/E-Dahab ama Mpesa (haddii aad joogto Kiiniya), lacag caddaan ah inta la qaataa way yar tahay, maxaa yeelay, lacag hawo ah oo aleenka ku jirta, ayaad ku adeeganaysaa.

3. Musxaf
Si aad qalbigaaga ugu xasiliso qawlka Alle, haddii aad u baahan jirtay kitaab Quraan ah, maanta mar kasta oo aad damacdo Quraan akhris, telefoonka gacanta ayaad ka raacan kartaa. Waxa intaasi dheer, haddii aad qalbigaaga quraan dhegaysi ugu raaxeynayso, aleenkaaga ayaad ka helaysaa qiraa’ada quraanka eed rabto.

4. Xusuusqor
Haddii aad sidayda jeceshahay inaad dhitayso dhacdooyinka ku saameeya amaba harreerahaaga ka dhacaya ase aanay qallin iyo buug kaa ag dhawayn, aleenkuba hadda shaqadaas waa qabtaaye xisaabta ku darso. Marka laga yimaado dhitaynta dhacdooyinka maalinlaha ah, waxaad aleenka ku kaydin kartaa fikradaha maankeena ku soo maaxanaya ee diiwaangalinta degdega ah aan looga maarmin.

5. Kamarad
Inta badan aleenka gacantu, gaar ahaan noocyada danbe, waxay dhammaan ku qalabaysan yihiin kamarad sawiro wacan kuu qaadi karta. Waa sawirkii ilqabatin leh ee aad aragtaba qaado oo taariikhda gasho. Beryihii hore kamarad ayaa la soo gadan jiray si sawiro la iskaga qaado, balse taasi maanta waa taariikh. Inaad sawir muuqaal wacan iska qaado ama cid ka qaado, aleenkaaga oo aad hawlgaliso ayaa kaa xigta. Ku darsoo wuxuu kugu saacidi karaa waliba, waa haddii aad doorbidee, goobta sawirka lagu galay iyo taariikhda la qaaday. Beryahan danbe ololaha igu sawir ayaad moodaa inuu adeegan nuxur tiray. Yeelkadeede, waa adeeg marka aad u baahto, si fudud aleenka aad ugu qabsan karto. Ka hadli maayo dadka sida gurracan u adeegsada ee muuqaaladda Aadamaha dhallangadiya.

6. Hage/Jiheeye
Marka aad safarto ama ba aad ku nooshahay magaalo weyn asee aanad qaybaheeda kala hubin, aleenka gacantu hage iyo jiheeyeba waa noqdaaye haddee garo. Jeer aad ka dhargiso xog sugan oo uu ku hawlgalo, sida barta aad ka dhaqaaqayso iyo barta aad ku egtahay, aleenkaagu wuu ku jid marinayaa, sida uu kuu daadihinayo ayuun buu bartii muraadkaagu ahaa ku furayaa. Isla jeerkaas, haddii aad ka shakido jihada qibladu kaa jirto, sababtii la doonaba shakigaasi ha ku yimaadee, mar kale telefoonka gacantu waa ku kabayaa oo ku tusayaa jihada aad u cibaadaysanayso.

7. Saadaaliye
Ma ku nooshahay deegaamada cimiladooda aan la isku halayn karin ee ay mar walba wax isbeddelaan. Haddii jawaabtu haa tahay, aleenka gacantu shaqo fiican ayuu qabtaaye la soco. Wuxuu kuu saadaalin karaa heerkulka, roobka, heerka dabaysha iyo amminta gabbal-dhaca iyo waaberiga.

8. Gacanyare
La arkee in adeegani aleenada qaar ku kooban yahay, balse aleenka gacantu xoghayn ama gacanyare gaar ah waa kuu noqon karaa, waanu ii yahay aniga. Tusaale ahaan, haddii aad gaadhi wadato, qoyskaagiina aad ka daahsan tahay, Siri (oo aan anigu u aqaano Saacid), ayaad ku odhan kartaa, xaaskaygii farriin u dir oo u sheeg inaan ilaa saacad soo daahayo. Sidoo kale gacanyaraha waxaad uga faa’iidaysan kartaa inuu balan kuu sameeyo. Kal kale, gacanyaruhu wuxuu warbixin kaa siin karaa heerka saxmadda ee jidadka, maqaaxida kuugu dhaw ee aad koob bun ah u doonan karto, farmasiga kuugu dhaw ee aad kiniin madax-xanuun ka iibsan karo, iwm.

9. Maktabad
Aleenku maktabad aad wax ka daalacato, garashadana ku cariso, haddii aad ka dhigato, waa kuu noqon karaa. Aniguba kutub iyo qoraallo badan oo aan akhristo ayaan ku kaydsadaa, kana daalacdaa, marka aan u qasdiyo.

10. Idaacad
Markaaad u baahato inaad idaacad dhegaysato si aad ula socoto hawaalaha dunida, aleenka gacantu hadda raadyowna waa noqdaaye la soco. Warka maxaliga ah iyo ka dunidaba marka aad u baahato, wuxuun baad ka dhegaysan kartaa telefoonka gacanta

11. Muuqbaahiye
Muuqaalbaahiye markay noqoto miyaa, kaalintaasi Alla ilehe aleenku waa ku filan yahay. Haddii ay noqoto wararka iyo barnaamijyada ka socda muuqaal-baahiyayaasha qaarkood iyo haddii ay noqoto dhacdo muuqaal ah ba, labada ba waa ka adagyahay.

12. Scanner (Dheege)
Marar badan bay dhacdaa adiga oo aan joogin meel xafiis ah inaad u baahato shaqo xafiiseed, sida warqad la saxeexo, la sawiro, ka dibna biligdiraha lagu diro. Telefoonada danbe ee casriga ahi wadarta adeegyadaas waa kuu fulin karaan. Aleenka la’aantii miyaa, ka tegi mayso inaad horta warqada daabacdo, haddana saxeexdo, ka dib meel waraaqaha lagu dheego la raadsato, haddana internet raadiso. Adeegyadaasi oo hal isku ah ayaad ka helaysaa telka gacanta;

13.  Bangi
Beryahan danbe waxa suurtagal ah inaad ka raysato booqashada bangiga iyo saf dheer oo aad gasho. Aleenka oo aad ku xidho bangigaaga ayaa kuu sahlaya inaad lacag dhigato bangiga ama kala soo baxdo adiga oo telka gacanta kaliya adeegsanay;

14. La taliye
Haddii aanad shay hubin ama macluumaad dheeri ah uga baahan tahay, odaygii Google ayaad aleenka ka galaysaa, xogtii aad u baahnaydna, Ilaahay amarkii ka haqab beelaysaa;

15. Adeegyo kale
Shaqada aleenka gacanta ka geyoon maynee, aan ku soo koobno, adeegyo wax-ku-ool ah oo isku dhafan, kuwaasi ood kala soo dagi karto bakhaarka aleenka. Waxay noqon karaan kuwo madadaalo, aqoon-korodhsi iyo hawl fududayn intaba iskugu jira. Rabbow adiga ayaa Aadamaha farsamadaasi u fududeeyey ee kugu mahad.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Muuqaalku Waa Dage



Maxwell Morrison wuu caafimaad qabay oo nabdoonaa. Wuxuu dhex taagnaa maxkamadda magaaladda Baankook, wuxuuna u dhego-taagayey xukunka lagu ridi doono. Danbiga lagu haystay waa gudbinta maandooriyayaal. Haddii danbigaasi lagu helo, xukunkiisu wuxuu noqon karaa madaxaa ha ku furto, kaasi oo uu ku qaadan doono mid ka mid ah xabsiyadda dunida ugu xun. Runtu se waxay tahay, Maxwell danbigan lagu soo eedeeyey lug kuma lahayn. Maandooriyaha waxa lagu soo dhex qariyey aalad kuwan miisiga lagu garaaco ah. Haweenay culus, ilma yar xambaarsan, qaar kalena daadahaynaysa ayaa sidatay alaabta, isaguna wuxuu ka ogolaaday inuu bar kantarool u dhaafiyo. Dabcan markii ayda wax urisaa ku soo xoomeen, haweenaydii dabayl ayay noqotay oo waa la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. 

Muddo 45 daqiiqo ah ayuu isku dayayaa inuu sharaxo sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee waxa dood adag kala hor yimi xeer ilaalinta. Doodooda waxay sal uga dhigeen, qof dhoohan uun baa sabankan maanta la joogo, isku dayi kara in ruux aanu garanayn alaab u dhaafiyo bar baadhitaan. Gaar ahaan dunidan bacaysan tan iyo wixii ka danbeeyey 9/11. Waxay ku dareen in Maxwell uu degmadiisa ka yahay askari bilays ah. Taasi oo ka dhigaysa khabiir dhinaca amniga u tababaran balse hadda raadinaya cudurdaar uu ku fakado. Ninkii Maxwell isaga falcelinta kaliya ee ilaa imika laga hayaa waa  “Ilayn Muuqaalku Waa Dage". Xaakimkii maxkamadda ayaa si la yaab leh u eegay markii uu Maxwell hadalkaasi ka maqlay.

Xaaladdu waa ku jiq Maxwell. Markhaatiga kaliya ee uu haystaa waa haweenay Ingiriis ah oo u muuqatay qof maankeedu doorsan yahay. Waxay caddaysay inay arkaysay markii haweenaydu alaabta ninkan u dhiibaysay, waxayse ku dartay, inay u muuqdeen dad wada socda. Mar kale difaaca Maxwell wuxuun buu noqday " Waar ilayn muuqaalku waa dage"   

Wuxuu dib u gocday markii u horeysay ee uu maqlo tibaaxda "Muuqaalku Waa Dage". Waa sideetamaadkii. Dhallinyar ayuu ahaa beryhaas, waayo dhallinyaronimana waa ku dhex jiray. Dhar madow ayuu mar walba xidhnaan jiray, marka uu ugu yar yahayna, middi ayuu ku hubaysnaan jiray. Caruurtu dugsiga oo dhami waa ka biqi jireen, waddooyinkana waa uga carari jireen. Galab isaga oo iskaga cadceedsanaya wabiga qarkiisa, heesona iska dhegaysanaya, ayuu qaylo iyo sawaxan maqlay. Mise waa saddex wiil oo yaryar oo  dhibaya arday kale oo ajnabi ah. Waxay rabeen inay wiilka yar wabiga ku ridaan, isaguna wuxuu ku qaylinayay, “Fadlan ha igu ridina, dabaal ma aqaane” Maxwell ayaa u soo gurmaday. Saddexdii yaryaraa waxay bilawgii damceen inay isku taagaan, laakiin Maxwell waa ka wada dheeraa, waana ka xoog badnaa. Waxa intaa u dhiirayd, middi ayuu sitay, waxaanu tusay inuu isticmaali doono, haddii loo baahdo. Markaasay yaryarkii faraha ka qaadeen oo cagaha wax ka dayeen. Maxwell ayaa ku soo dhawaaday wiilkiii oo xaaladdiisa waraystay. Yarkii oo muraayaddiisa indhaha qummaati u fadhiisinaya, ayaa cabbaar ku dheygagay Maxwell, markaasu yidhi,  “Muuqaalku Waa Dage”

“Waayo, maxaad sidaa u tidhi” ayuu ku celiyey Maxwell.

“ Qof kastaa wuxuu u maleeyaa inaad tahay ma naxe. Ardayda qaar waxaabay ku sheekaystaan inaad mar macallin middi galisay. Waxaad ahayd qofka u danbeeya ee aan gargaar ka fili karayey. Balse waad ku mahadsan tahay  sida aad ii badbaadisay. Meesha waan ku qarqoomi lahaa, haddii aanad iga soo gaadhin. Dalka aan ka imi ee Taylaan, qofka naftaada badbaadiya, abaal aan duugoobayn ayuu waligii kugu yeelanayaa. Magacaygu waa Tran Pack, waligayna ilaawi maayo wanaaga aad ii gashay” Wuu gacan qaaday ka dibna wuu iska dhaqaaqay.

Ku soo noqo qolkii maxkamadda ee Baankook, wuu dhoolacadaynayaa ninkii Maxwell ka dib markii maskaxdu u aroorisay xusuustaa dhallaanimo. Ka dib soddon sanno markii uu badbaadiyey nolosha wiilkii reer Taylaan, waakan oo maanta waa 45 jir askari bilays ah, waxaanu khatar ugu jiraa inta noloshiisa ka hadhay inuu ku qaato xabsiyada dalkaasi Taylaand, muuqaal hoosaasiyey dartii. Xusuustaasi dheer ayuu ka soo noqonayaa, marka uu maqlo dawanka jalaska ee xaakimka, si uu xukunka u rido.

Xaakim Tran Pack wuu rumaysan waayay waxa dhaayihiisu arkayaan, markii uu maxkamadda ku dhex arkay Maxwell Morrison. Soddon sanno oo ay ismooganaayeen wax badan kama beddelin muuqaalkiisa, sidaasi darteed, xaakim Tran markiiba wuu aqoonsaday Maxwell. Si dulqaad iyo xiise leh ayuu u dhegaysanayay kiiska Maxwell muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta aanu dubaha saddex jeer ka dhawaajin si uu xukunka ugu dhawaaqo. “Mudane Morrison, dhab weeyi, muuqaalku waa dage. Danbi ma lihid. Daqiiqaddaa laga bilaabana xor baad tahay”

Sheekadani waxay bilawgii ku soo baxday; https://afterjujuman.com/?s=maxwell+morrison
Waxa haltebiyey Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Bal Muxuu ku Dhintay?



Qaylo iyo sawaxan ka soo yeedhaya qoys aan sidaa uga fogayn ayuu ku soo baraarugay Aw Jaamac oo caadi ahaan marka uu qadeeyo dhinaca dhulka yara dhiga, ilaa laga gaadhayo salaadda Casar. Baroorta iyo sawaxanka ayaa marba marka ka danbeysa sii xoogaysanaya. Ruux dumar ah ayaa qaylo dhawaaqaysa, gargaarna dalbanaysa. Cod carruur argagaxsan ayaa iyaguna la maqlayaa. Oohintooda ayaa qofka maqla qalbigiisa qoomaysa. Markii hore wuu yara dheelalawsanaa oo waxa uu Aw Jaamac u qaatay in guryaha jaarka mid ka mid ah uu dab qabsaday. Balse ilbidhiqsiyo gudahood ayuu ku xaqiiqsanayaa in qayladu ay ka soo yeedhayso dhinaca reer Dulyar. Ceebtood maaha ee waa caadadood ayuu hoos ahaan iskugu odhanayaa isaga oo dhinacna macawista gurmad u giijisanaya. Waa runtii oo qoyska uu horjoogaha u yahay Dulyar, mar walba war dhiillo leh lagama waayo. Sannado dhawr ah oo ay Aw Jaamac jaar ahaayeen, arrinkooga isaga iyo jaarka kale uun baa ku kala dhex jiray.

Dulyar waa odayga qoyska. Waa waayeel da’diisu ay lixdameeyihii madaxa la gashay, balse hab-dhaqankiisa aad moodo kuray aan qaangaadhin. Muuqiisu waa lafo isa sudhan oo balwad baa dubatay. Aroorta hore ayuu ijabbane raadco tagaa, ilaa inta uu waa-dhawaadka dhinaca dhulka dhigayana jeebkiisa iyo afkiisa qaad lagama waayo. Mas’uuliyadda qoyska waa hore ayuu gabay, xaaskiisa ayayna dantu badday in ay la kacaakufto. Iyada ayaa meel aan xaafadda ka dheerayn khudrad ku iibisa, wixii ay ka soo heshana badhna carruurta dabka u saarta, inta kalena Dulyar iskaga jeedisa. Haddii ay sidaa yeeli waydo, bakooradda ayuu u roganayaa. Qayladan maanta dhacaysaana arrintan ayay ka dhalatay oo carruurtii oo aan dheriba loo dhadhaarin ayuu Dulyar garaadkiisa xaajiyadda qaad ka rabaa.

Waa xasarad-u-joog mar walba jecel inuu helo sabab uu ugu gacan qaado xaaskiisa. Hadda garo oo xilkii saarnaa ayay ka furatay oo sida ciyaala-iskuulka ayuu nusa-saace qaataa. Isla jeerkaas haddanna waa kan marka uu ka waayo budka saaraya. Oday jaarka ah oo dhawr jeer galay xallinta muranka reerkan, ayaa ku dhejiyey naaneystan naasibtay ee Dulyar, ka dib markii uu ka yaabay hab-dhaqankiisa dulqaadka ka arradan.

Dulyar inta badan jabhadihii geyiga Soomaalida ka abuurmay wuu ka soo wada qayb qaatay, mid walbana halis ayuu naftiisa u galiyey. Dagaalladii sokeeye ciidamadii reeraha ayuu ka mid ahaa, wixii dagan ee uu arkanna dabka ayuu saarayay. Aw Jaamac oo xaaladdiisa aad uga dheregsan ayaa mar walba ku canaanta inuu xisaabtamo oo maskaxda ka shaqaysiiyo. Xilka reerka iyo ubadka ka saaran ayuu goor walba xusuusiyaa. Ruuxdan Dulyar ee rabshadaha jecel ayuu ku waaniyaa inay dib iskugu noqoto oo bal dib isku xisaabiso.

Waano dhalad baa ka adage waxa la soo xaqiijiyey in Dulyar, isaga oo dhawaan difaacayay dhul ganacsade reerka ahi sheeganayay, uu dil toogasho ah qudha kaga jaray askari bilays ah. Ciidammada ammaanka ayaa gacanta ku dhigay, xabsiga ayaana loo taxaabay. Baadhitaan dheer ka dib, waxa caddaatay in Dulyar askariga bilayska ah si badheedh ah xabbad madaxa ugaga dhiuftay, isla goobtaasna marxuumku ku qudh baxay. Maxkamaddihii kala duwanaa ee dilkan ka garnaqay waxa u caddaatay in kiiskanni badheedh yahay. Sidaasi darteed, waxay iska daba xukumeen in la qisaaso eedaysanaha.

Ninkii ganacsadaha ahaa ee uu u dagaalamayay, maantana uu godobtiisa u god galayaa, iska dhaaf inuu wax ku taree, war kama hayo (waligiina xog-ogaal uma noqon) xaaladda reerka uu ka tagayo Dulyar. Mar dhawaan ganacsadahan taageero dhaqaale loo waydiiyay reerkii ninkaa uu sahayday, ka dib markii curadka qoyska xaalad caafimaad darro cisbitaalka loo jiifiyey, fara madhnaan ayaa lagala soo noqday. Ku darsoo, ubadka rafaadka iyo silica ku koraya tol xaaladdooda ogi ma jiro. Xaajiyadda qoyska ayuu Alle baday noloshan qaadaa-ma-dhergaanka ah. Waligeedba iyada ayaa culays kasta u soo dhabar adaygaysay. Jaar wanaagsan oo Aw Jaamac u horeeyo ayaa iyaguna -mahadi ha ka gaadhee- inta duruufuhu saamixi waayaan kabayay. Maantana taasi uun baa hurran. Haddii laga tagi waayo, nacabkii arragiisa kaga gabban jiray ayay geerida Dulyar hillin u furaysaa.

Marwadu si dhab ah ayay maanta u walaacsan tahay. Qaddarka iyo qorshaha Rabbi way ogoshahay balse kasheeda ayaa warsanaysa oo jawaab u raadinaysa sababta odaygu ku baxayo. Waligeed nolol xasilloon oo deggan ma ay arag, maantase waxa kaga daran gar iyo mag la’aanta uu ninkeedu ku dhimanayo. Sababta ay asayda uu qaadayso, ubadkeeduna ku agoomoobayaan ayay u aragtaa fidno hurudday oo nin dan lihi toosiyey. Mar Dulyar ayay ku tuhmaysaa inuu macno la’aan qori la booday oo qiiro dhaqaaqay. Mar kalena ganacsadaha duqeeda magaca reerka ku marin-habaabiyey haatanna garabkooda ka baxay ayay hiifaysaa. Mid ay tahayba, Dulyar tiirka ayaa lala tiigsan doonaa. Cidda kaliya ee uu ka baxayaana waa xaaskiisa iyo ubadkiisa. Ganacsadihii baasaa ee hallaaga u horseedayna, abaabulka wiilal hor leh oo reerka ah ayuu wali ku hawlan yahay, si uu u xasiliyo mulkiyadda dhulka uu sheeganayo!

W.Q: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud




Fellow Africans Suffer in South Africa


A wave of xenophobic attacks on African immigrants claimed the lives of many immigrants in South Africa. Angry men equipped with machetes, knives and other sharp devices targeted and attacked businesses owned by foreigners, specifically immigrants from the rest of the continent. What started in the locations outside Durban area soon spread like a wild fire into other regions of the country. The affected refugees suffered harshly but absurdly at the hands of fellow Africans. The properties of African immigrants -who were struggling to make ends meet- were looted and immigrants savagely beaten to death and in other cases burnt alive. To add insult to injury, the horrific scenes of mob-killings were recorded and then posted on the Internet, without little remorse.

Migrants from Zimbabwe, Mozambique, Malawi, Somalia and Ethiopia are reported to have paid the highest price in financial and human losses. Police were accused in their failure to protect the targeted marginalized immigrants amid intensified xenophobic raids in South Africa.

Somali Immigrants in South Africa

Aftermath the internal conflict that destroyed the once strong and proud African country of Somalia, millions of its people fled to every corner of the world. The vast majority of these refugees crossed the border and sought refuge in Ethiopia and Kenya. Many others crossed the Gulf of Aden and went to Yemen and beyond. Consequently, you can find a sizable Somali Diaspora community in Middle East, most of the Western Europe and North America as well.

As Somalis are business-minded people and do have remarkable entrepreneurial skills, they have made visible contributions to the economies of some of the hosting countries, mainly in the East African ones. This is quite true in Nairobi, Kenya, where an active Somali community further rejuvenated the local economy. This investment is obviously visible in Eastliegh, often dubbed as “little Mogadishu” for Somalis turned it into an economic hub where diversified goods and services, destined to different parts of the region, are traded at competitive prices.

Some of the Somali refugees made their way to South Africa where they thought to be a safe haven. Hence, thousands of them, fleeing from the fighting in their homeland and seeking better economic opportunities, headed there, hoping to find jobs and better living conditions. They established small businesses in the neighbourhoods mainly dominated by citizens of low-income. However, instead of getting the much-dreamt better living conditions, some of them who invested in small businesses only to find themselves massacred one after another, often in a brutal manner.

Before the current xenophobic attacks aiming at fellow Africans, Somalis in South Africa suffered from series of similar and organized raids for the past ten years. There were however, some very barbaric murders which went down into the history books, with the ugliest memories. These sparked off public outcry, at least in the social media outlets where the issue was utterly discussed. Many people will not forget the story of Abdinasir Mahmoud Good, a 25 year –old Somali businessman who was stoned to death by a mob in 2014. He was mob-killed and lynched to death.

The brutal killing of the late Abdinasir was preceded by another equally disgusting crime where a nine-month pregnant Somali mother was raped and then killed in Cape Town. Surprisingly, both acts were not isolated cases but just reveal the pain and panic that many African immigrants, including the Somalis were going through for many years. To make matters worse, these chauvinistic raids are taking place in a country that many African countries not only solidly stand behind their struggle during the apartheid period, but also contributed immensely to their liberation.

It is a well-known and documented fact that Somalia was among the African countries that stood beside the people of South Africa in their hour of need. The then Somali government did not only provide diplomatic support to ANC but provided technical and military training to help end the apartheid regime. Unfortunately, it is pity that the same South Africans, for which other Africans sacrificed a lot and whose people they were always ready to welcome and host as exiles, could be so ungrateful.

Finally, it is a high time for the government and people of South Africa to intervene and stop the ongoing xenophobic attacks and immediately restore their already distorted regional and international reputation.

Abdirahman Adan Mohamoud



Gorfayn Buugga Laba Kala Leexday


Inkastoo akhrisku gaar ahan kuwa sheekoyinku aheyd waxan aad u jecelaa, haddanna way yareyd inaan helo buugaag ku qoran Af-Soomali oo xiiso badan, Ilaa buugga LABA KALA LEEXDAY markaan akhriyey uu ii noqdey buuggii ugu xiiso badnaa Gugan. Waxba ka sheegi maayo hab qoraalka buugga waayo ma ihi tifaffire, laakiin waxaan la dhacay sida quruxda badan ee ereyada buuggu isku raacsan yihin.  Meelo dhawr ah ayaan ereyo af-qalaad ah kula kulmay, waanan ka jeclaan lahaa in dhigooda oo Af-Soomaalli ah ay ku qornaan lahaayeen, waanse ogahay in luqadeennu dayacan tahay oo aaney jirin ereybixinta aaladaha casriga ah iyo ereyo badan oo la socda wakhtiga is bedelaya. Laba Kala Leexday waa buug aan uu bogey runtii. Waxa la yaabka leh ee aan sida gaarka ah ugu arkey waxa weeyi sida qoraagu uu sheeko kaliya ugu soo wadda koobey waxa bulshadeena dhib jirta oo dhan. Inkasta oo tahriibku yahay dhibta ugu  weyn ee sheekadu ku dul wareegayso, haddanna waxaan arkey kontameeyo dhib oo haysta bulshadeenna dhamaana ku xusan sheekada. Tahriibka, daryeelid la’aanta xuquuqda dadkeena gaar ahana danyarta, qabyaaladda iyo sunteeda, dhibaatooyinka dhalinyarada, u raxleynta qurbajooga, qaadka iyo hawlgabka abaayasha cuna uu ka dhigo iyo qaar badan oo kale ayaa ka mid ah dhibaatooyinka buugga ku xusan.

Ta kale ee aan buugga sida gaarka ah uga arkey waxa ay tahay rajadda ay sheekadu ku abuureyso akhristaha sida  hodanimada dalkeenna, ku dhiiranaanta u adeega dadkeena, baraaruga dhalinteena, koboca waxbarashada dalkeenna, dadaalka iyo midho dhalkiisa, go’aan qaadashada saxsan iyo waxtarkeeda iyo qoyska ka dhisma lammaane toosan inuu abuuro farxad buuxda oo uu barbaariyo awlaad toosan. Waxa kale oo I soo jiitay sida Waayeel u soo waayo arakay, una yaqiinsaday in dalka hooyo uu yahay lamahuraan ka dib markii uu Barri iyo Galbeedba tagay.  Awooda qallinka qoraagga waxa lagu gartaa sida uu qoraagu u kasban karo wacyiga akhristaha, run baan idiin sheegayaaye intii aan akhrinayay sheekada marar badan ma aan xakameyn karayn dareenkayga. Waxan is arki jirey anigoo la qosleya markaan akhrinayo farxadda guulaha Wacays, la murugeysan dhibaatoyinka Waayeel, ka ooyaya burburkii ku yimid xiidhiidhki Ladan iyo Wacays, kolkolna quus qaadeya markaan arko dhibaatooyinka badan ee haysta dadkaan ka dhashay. Waxan wali ka fikiraa haddu wacays jiri lahaa hambalyo ayaan qoraagga ugu dhiibi lahaa.  Wax kastaa waxa uu ugu fiican yahay inta wax ka fiicani aanay jirin. Sidaa darteed. Buugan LABA KALA LEEXDAY-na waa buugii maanta ugu fiicnaa ee ay helaan dadkeenu, waanna sheeko mudan ina dhamaan la wada akhriyo,  waayo waxa ay sidaa dhanbaallo dhamanteen ina khuseeya. Qoraaganna waxa farxad iyo faan ugu filan inuu gudbiyay fariin timid xilligii loogu baahi badnaa. Alle ha barakeeyo qalinka qoraagga oo ah Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud.

Hambalyo.
Wa Jazaakumulaahu Khyran
Umayma Good


Shiine, Awood Soo Baxday
China, an emerging new power
Maxamed Faarax Cilmi
Wax badan ayay adduunyadu ka faalootey awooda dhaqaale ee wadanka Shiinaha oo si xawli ah kusocata, marka la eego xadiga korodhka dhaqaaaha sanadkiiba, iyo ganacsiga uu adduunyada la sameeyay soddonkii sanadood ee ugu danbaysay, wax badan oo laga qorey iyo buugaag faro badan oo ka faaloonaya wadanka shiinaha ayaa tilmaamay isbadelka dhaqaale, siyaasadeed iyo saamaynta uu adduunyada ku yeelan doono, aniga oo uga faaiidaysanaya fursadan qaaliga ah, ayaan rabaa in aan la wadaaqo akhristayaasha maqaalkan aan kaga falanqoonayo wadanka Shiinaha, oo aan filayo in ay ka faaidaysan doonaan akhristayaal faro badan.

Seddexdii boqol ee sono ee ugu danbaysay waxa ka dhacay dunidan aan kudul noolnahay isbadalo, isbadelkii koowaad wuxuu ahaa soo bixitaankii quwadii yurub oo uu hogaaminayay wadanka Ingiriisku, kaas oo lasoo baxay awood waxsoosaar warshadeed, xaga beeraha, dhaqaale, tiknoolojiyad iyo mid siyaasadeedba, waxa ay wax kabadaleen nolosha dad badan oo aad u raysay halka kuwo kalena ay saamayn togan ku yeelatey, dhul balaadhsigii gumaystaha ee qaaradaha Afrika, Aasiya, iyo Waqooyiga qaarada America ayaa u sahashay in uu dhaqaalahoodu aad u kordhi, hantidii iyo khayraadkii qaaradahaasi yaalayna ay ka faaidaysteen si wax soosaarkoogu u kobco, jaantus hadaan usoo qaadano wadamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Jarmalka wadarta isku darka waxsoosaarkooga inta ay ka ahaayeen boqalkiiba dunida qarniyadii 19aad iyo ki 20aad, ayaa waxa ay ahayd sida tan, 1820kii wadarkta iskudarka waxsoosaarka Ingiriiska 5.2% boloqkiiba dunida, Jermalka 3.9% boqolkiiba dunida, Maraykanka 1.8% boqolkiiba dunida, sanadkii 1870 waxa maraykanka wadarta waxsoosaarkiisu ahaa 8.8% bolqolkiiba dunida, Ingiriiska 9.0% boqolkiiba dunida, Jarmalka 6.5% boqolkiiba dunida, isla sidoo kale sanadkii 1914 waxa Maraykanku uu kordhay xadi dhan 17.9% boqolkiiba uu u dhiganta 18.9%, Ingiriiska 8.2% boqolkiiba dunida, Jarmalka 8.7% boqolkiiba dunida, sanadkii 1950 dagaalkii labaad ee dunida oo saamayn wayn ku yeeshay qaarada yurub kaas oo naf iyo maalba ku baabiiyay ayaad dareemi kartaa raadkii uu kaga tagey, waxaa wadarta waxsoosaarka Maraykanku noqotey 27.3% boqolkiiba, halka Ingiriiska ay ahayd 6.5%, Jarmalkana 5.0%, hadaba sida aad ka dheehan karto tusaalaha iyo xogta kor ku xusan waxaad dareemi kartaa sida Yurub gaar ahaan Ingiriisku ugu raaxasanayay dhaqaalaha iyo wax soo saarkooda. Sharaxaada isbadelka ka dhacay adduunyada waxay hordhac u tahay ujeedada qoraalka, waxaan se gudo gali doonaa dulucda maqaalka.

Isbadelkii labaad ee ka hana qaadey adduunyada, horumar kana u horseeday wuxuu ahaa soo if bixii awooda Maraykanka (The rise of United States of America) awoodaas oo si habsami láan ah u hirgashay labaddii boqol ee sano ee u danbaysay, Maraykanku wuxuu adduunyada ku muquuniyay awood dhaqaale, siyaasadeed, Tiknooloji iyo mid ciidanba, waxa intaas dheer awooda aqoonta sayniska, dhaqan iyo xaga warbaahinta, wuxuunu noqday qarnigii ugu danbeeyay wadanka kaliya ee aduunyada ka awood, karti iyo xadaarad batey umadaha kale oo la isku darey dhamaan, wadamada xulafada la ah wuxuu u horseeday horumar dhaqaale oo taban halka kuwii kasoo horjeedayna uu wiiqay dhaqaalohoodii sida Midowgii Soofiyeed iyo Kuuriyada Waqooyi, waxa kale oo soo raacay wadamada xag jirka noqday waa sida ay ugu yeeraan reer Galbeedku, sida Afgaanistaan oo kale, Ciraaq oo uu burburiyay, iyo waliba sida ay qabaan dad ka indho indheeya arimahaas in uu Maraykanku kasameeyay kaligii taliyayaal wadamada bariga dhexe.

Isbaddelkii Seddexaad oo milaygan xaadirka ah aan madaxiisii ku jirto, walina aan si rasmi ah u dhamaystirmin waa soo kicitaanka wadanka Shiinaha (The rise of the rest) waxa kale oo la sheegaa wadanka Japan oo ah wadanka seddexaad ee ugu dhaqaalaha badan aduunka marka laga reebo Maraykanka oo kaalinta koowaad ku jira iyo Shiinaha, waxa iyadana in la xuso mudan wadamada Brazil iyo Kuuriyada Koonfureed, isku soo wada duub xadiga korodhka dhaqaale iyo xawliga uu kusocdo wadanka shiinaha ayaan jirin wax la bar bar dhigi karo, isku cel celis boqolkiiba toban (10%) ayuu kordhaa sanadkii, halka Maraykanka uu kobco boqolkiiba seddex dhibic todobo iyo labaatan (3.27%), sida la saadaalinayo wadarta isku darka waxsoosaarka Shiinuhu wuxuu ka kormari doonaa Maraykanka sanadaha soo socda, khubarada dhaqaalaha ka faaloota qaarkood waxay sheegeen ilaa 2019ka, halka qaarna kabadan ay ku qiimeeyeen, waxa hada jirta cadeeymo faro badan oo la taaban karo, waxana ka mid ah;

1.       Shiinaha oo noqday wadanka ugu wayn xaga ganacsiga iyo baayacmushtarka qaarada Afrika, maalgashi badana ku sameeyay
2.       Shiinaha oo ah wadanka labaad ee ugu wayn xaga maalgashiga iyo ganacsiga qaarada Yurub marka laga reebo Maraykan, laakinse laga baqayo in uu Shiinuhu kala wareego Maraykanka
3.       Wadamada Carabta iyo Aasiyada kale oo uu xidhiidh ganacsi oo wanaagsan uu la leeyahay
4.       Shiinaha oo leh siyaasada Arimaha dibada oo ah mid aad u fiican oo aan faro galin wadamada shisheeya, lakin kaliya ku kooban xuduudahooga
5.       Xidhiidhka Ganacsi ee uu la leeyahay Wadamada ku bohoobay BRICS oo loo soo gaabiyay Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ah mid aad u sareeya
6.       Iyo Bangiga ay dhawaan ku dhawaaqeen wadamada ku bahoobay BRICS ee loo yaqaan BRICS Development Bank, oo wax way ka badeli doona dhaqaalahooda maalgashina kusamayndoonaa wadamadas xaga kaabayaasha dhaqaalaha, Bangigan wuxuu la tartami doonaa Baanka Aduunka iyo Bangiga Caalamiga ah ee loo yaqaan IMF International Monetary Fund

Wakhtigan xaadirka ee aan joogno dhaqaalaha Maraykanka, wadarta wax soo saarka ee afka qalaad loo yaqaan Gross Domestic Product (GDP) waxa weeyi $ 16,800 Trillion, halka uu Shiinuhu yahay $ 9,240,270 Trillion sida aan kasoo xigtey Bangiga Adduunka. Sidaas ay tahay Shiinaha waxa hor yaala arimo badan oo murugsan una baahan in wax laga qabto kasow isbeddelka dhaqaale ee xawaaraha ku socda ee ay sameeyeen tan iyo 1978 kii, arimahan waxa kamid ah ugu yaraan dad ku dhow 98.99 malyuun ayaa ku nool faqri iyo gaajo waxa soo gala dakhli dhan isku celcelis $ 373.5 sanadkii, waana wadanka labaad ee ugu faqriga badan adduunka marka laga yimaad Hindiya, dhanka kale isku celcelis dakhliga soo gala dadka Shiinaha sanadkii waa qayb yar oo ka mid ah wadamada horumaray, doc kale markaan ka fiiriyo waxa korodhka xawliga ah ee dhaqaale uu sababay sinaan laáan dadka shiinaha ah (High inequality), magaalooyinka oo aad u fidiya (rapid urabanization), iyo dadka gaboobaya oo badanaya (aging population), waxa intaas soo raaca cadaadis iyo caqabado xaga biiáda iyo degaanka, hawada oo wasakhoobaysa (Environmental Challenges). Hadaba iyada oo intaas oo caqabadood ay jiraan misana sanadihii lasoo dhaafay Shiinuhu wuxuu kor usoo qaaday ku dhawaad 500 oo malyuun oo qof oo uu kasoo jiiday faqri iyo gaajo una soo jiiday dabaqada dhexe (Middle Class).

Wariye caan ah isla markaana ah qoraa wax ku qora wargyska the New York Times oo la yiraa Thomas Friedman ayaa sheegay in Maraykanka hoos u dhaca ku yimid  Awoodiisa ay tahay mid yar, waxaana uu ku doodayaa in Maraykanku qaaciidadii uu horumarka ku gaadhay ahayd:-
1.       Waxbarashada hose iyo ta sare oo tayo aad usaraysa lahayd, marka lagu daro ta tiknoolojiga ama aalada computerka
2.       In ay Irridada u fureen ajaanibka socdaalka ku imanaya Maraykan kuwo xirfad leh
3.       Kaabayaasha dhaqaale oo ahaa kuwa ugu heer sareeya adduunka
4.       Daraasaad cilmi baadhiseed ay maal galisay dawlada maraykanka xaga sayniska iyo Tiknoolojiga aad u sareysay
5.       Iyo Xeerar aad u wanaagsan oo ay samaysteen oo u horseeday horumar
Hadaba markaad eegto qaacidadaas, wakhtigan xaadirka ah waxa muuqata in wadamo faro badan oo adduunka kamid ah ay kaga horeeyaan, tusaale ahaan xaga waxbarashada imtixaanaadka la qaado ee loo yaqaan PISA Maraykanku wuxuu soo galaa kaalimaha dhexe, iyadoo kaalmaha hore ay soo galaan, Singabuur, Japan, Shiinaha, iyo Kuuriyada Koonfureed, waxa kusoo xiga Netherland, Belguim, Swizerland, Canada, Ustareeliya iyo Finland, waxa kuwaasna soo raaca koox kale oo Ingiriisku kamidyahay, Ireland iyo Maraykan, dhinaca kaabayaasha dhaqaale markaad eegto waxa hada kahormaray wadamo badan oo ay kamid yihiin Sweden, Netherland iyo Jarmalka, lakin Thomas Friedman wuxuu ku doodayaa in ay intanba iyagu keeneen uguna horeeyeen adduunka intiisa kale la’aanteed, isla markaana ay samayn karaan mar labaad.

Haddaba isbeddelkaa dhacaya waxa uu sababay in awoodihii caalamka ee inta badan u gaarka ahayd wadamada reer Galbeedka lala qaybsanayno, taas waxaa kamid ah doorka uu Shiinuhu ku yeelan doono Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, lacagta Doolarka ee caalamiga ah (The Dollar as an International Currency) iyo Luuqada/Afka Ingiriiska (English as an International Language) saamaynta ay ku yeelanayso, waxaan rabaa inaan is dul taago sharaxaadna ka bixiyo labada qodob ee ugu danbeeya ee kala ah Lacagta iyo Luuqada kuna soo gabo gabeeyo nuxurka maqaalkan.

1.     Lacagta Doolarka (The Dollar as an International Currency)
Sida aad kawada warqabtaan, dagaalkii labaad ee adduunku waxa uu burburiyay, khasaare maal iyo nafba lehna uu ugaystay wadamada Yurub iyo Aasiya, halka Maraykanka uu kor u qaaday dhaqaalihiisa, waxa markaa wadamada Yurub ku baaba’ay maal iyo hantidoodii, sidaas darteed waxa ay deyn baden ka qaateen Mareykanka iyaga oo kubadashay kaydkii dahabkooda (Reserve Gold) ahaa si ay sahnad iyo agab ciidan oo ay ku dagaal galaan usoo iibsadaan, tani waxay kor uqaaday kaydka dahabka Maraykanka, iyo qiimaha lacagta Doolarka, waxa kale oo ay awoodaysay dhaqaalaha iyo Siyaasada Maraykanka, isagoo noqday quwad, kadib xulafadii ku guulaysatey dagaalkii labaad ee dunida oo ay kamid ahaayeen Maraykanka iyo Ingiriiska oo hogaaminayay Yurub inteeda kale marka laga reebo wadamadii Jarmalka ay isku xulafada ahaayeen iyo Ruushka oo dagaalkii qaboobaa la la galay lagagana adkaadey, waxay seeska u dhigeen una gogol xaadheen, ayna hirgaliyaan, hana qaadayna ilaa maanta nimaadka lacageed ee caalamka iyo ka dhaqaaleba iyagoo sameeyay xeerar iyo nidaam dhaqaaleed oo caalami ah, laga soo bilaabo milaygaas ilaa maanta lacagta Doolarka waxay noqotey astaan ama lacagta ay adduunyadu wax ku kala gadeto kuna qiimayso, sayladaha adduunyada, lacagaha kaydka ah ee ugu badan, badeecadahana lagu kala gato, tani waxay door laxaad leh ka qaadatey korodhka dhaqaalaha Maraykanka, waxa jira sabobo badan, waa marka koowaad ee baaxada uu yeeshay dhaqaalaha Maraykanka oo aad u balaartey, degan, noqday mid lagu kalsoonyahay, waa marka labaad ee lacagta Doolarka oo ah mid degan oo sixir barar lahayn inta badan. Hadaba sanadihii 2002da ayaa waxaa soo baxdey lacagta Yuurada (Euro) oo run ahaantii loo arkeyey in ay tahay mid badeli karta Doolarka, sanadkii 2006 lacagta Yuuradu waxay noqotey boqolokiiba 24% lacagaha kaydka sayladaha waxanay kudhawaatey  lacagta doolarka, nasiibdaro se wali ma ay suurto galin dhaqoolo xumaddii ka dhacday adduunka 2008 dii awgeed. Hadaba waa maxay ujeedada aan ka leenahay in aan ogaano lacagta Doolarka? Ujeedada ugu wayni waxa weeyi inkastoo dhaqaalaha wadanka Shiinuhu uu aad u kobcay, xawlina uu kusocdo, maxay tahay saamaynta u ku yeelan karo lacagta Doolarka?, halkan waxan jeclaystey in aan ku muujiyo daliilo iyo cadeymo farobadan oo ina tusinaya isbedelka ku dhici kara lacagta doolarka.

        I.            Sida khubarada qaar saadaaliyeen waxa dhaqaalaha shiinuhu uu kabadan doonaa ugu yaraan labo jeer dhaqaalaha Maraykanka sanadka 2040ka
      II.            Sanadkii 2013ka waxa wadanka labaad iyo ka seddexaad ee ugu dhaqaale badan dunida Shiine iyo Japan ku heshiiyeen in ay isticmaalaan lacatooda marka ay wax kala iibsanayaan, isla markaana uu Doolarku meesha ka baxayo oo marka hore ay ahayd in ay lacagahooda Doolar u badalaan kahor inta aanay wax iibsan
   III.            Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika) (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku heshiiyay in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecada,
    IV.            Labada hogaamiye ee Shiinaha iyo Ruushka oo mudo badan u ololoynayay isticmaalka lacagahooda, iyo doolarka oo meesha laga saarayo ayaa ku heshiiyay in ay lacagahooda ku kala iibsadaan badeecadaha
      V.            Shiinuhu waa wadanka ugu wayn ee ganacsi la leh qaarada Afrika, Afrika in ay lacagta Shiinaha wax ku iibsato waa mid meesha ku jirta Shiinuhuna uu aad ugu ololaynayo, maxaa yeelay maalgashi balaaran oo uu kusameeyay awgeed, waxaana la rajaynayaa in maalgashigu uu gaaro $ 100 billion sanadka 2015 China-Africa Trade, ugu yaraana in kabadan 70,000 oo shirkadood Shiine ah ayaa isticmaala lacagta Shiinaha marka ay ganacsanayaan
    VI.            Shiinaha iyo Imaaraadka Carabta oo ku hesheeyay in ay lacagahooda isticmaalan marka shiinuhu batroolka ka iibsanayo Imaaraadka
 VII.            Iraan waa wadan inta badan ay iska soo horjeedaan Maraykan, hadaba Hindiya marka ay Iiraan kasoo iibsanayso Saliida oo ay isticmaali doonto Dahab
VIII.            Wadanka Saliida ugu badan kasoo gata Sucuudiga maaha Maraykanka lakin waa shiinaha sidaas darteed waxa meesha kabxaysay lacagta Petrodollarka
    IX.            Sida hal warbixin ay soo saartey Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ay sheegtey waxa lagu baaqay in la helo lacag kale oo u dhiganta kaydka lacagta doolarka
      X.            Laanta lacagaha adduunka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan IMF oo kubaaqday in la helo lacag badasha ta Maraykanka
    XI.            Wadamada ku bahoobay BRICS (Brazil, Russia, India, China iyo South Afrika) (Baraasiil, Ruushka, Hindiya, Shiinaha, iyo Koonfurta Afrika) oo ku dhawaaqay Bangi cusub dhawaan intii ay socdeen ciyaaraha kubada cagta adduunka wadanka Baraasiil, oo la magac baxay Bangiga horumarinta BRICS ama BRICS Development Bank oo la tartami doona ama noqon doona mid udhigma bangiga adduunka (World Bank) iyo laanta lacagaha (IMF), bangigan oo lagu bilaabay lacag dhigaal ah oo gaadhaysa $ 50 Billion, laguna kordhin doono xadi intaa leeg, ilaa $ 100 Billion, bangigu wuxuu wax katari doonaa maalgalinta kaabayaasha dhaqaale ee wadamadaas
 XII.            Ugu danbayn, nacaybka loo qabo maraykanka oo sii kordhaya meelo badan oo adduunka kamid ah, marka lagu daro Yurub.
Sidaas aan kor ku sheegney, ama qodobadaas aan kor kuxusnay waxay cadayn xoogan iyo markhaati marag madoon ah u tahay isbeddelka ku dhici doona lacagta Doolarka oo ay sababtey awoodaha adduunyada isku dheeli tirmaya wakhtigan xaadirka ah.

2.      Luuqada Ingiriiska (English as an International Language)
Luuqada Ingiriiska waxa Isticmaala adduunyada, si ay ugu fudadayso is fahmakooga iyo isdhexgalka haday tahay xag waxbarasho iyo xag ganacsi, ugu yaraan hal bilyan oo qof ayaa ku hadla ama isticmaala luuqada Ingiriiska maalinkasta, qaar badan oo udhashay ayaa ku hadla, inkaloo badan oo baratey ayaa ku hadasha, hadaba suáashu waxay tahay mansabkan ay maanta luuqada Ingiriisku joogta siday ku heshay ama ku timid? Su’aasha kale ee iswaydiinta mudan ayaa iyana ah isbaddelkaas dhacaya een kor kusoo xusnay saamayn intee leeg ayuu ku yaalan karaa? Malaga yabaa Luuqada Shiinuhu inay badasho tan Ingiriiska? Dhamaan waa suáalo macquul ah ayna haboon tahay in la is waydiiyo, si aan uga jawaabno suáalahaas bal hada aan yara jaleecno taariikhda sida luuqadan kusoo gaartey kaalinta maanta ay kujirto. Aanooyinka ugu waawayn waxa kamid ah isbeddalkii warshahada ee ka dhacay Yurub ee uu hogaaminayay wadanka Ingiriisku, waxa kale oo saamaynta wayn sii dadajisay nimaadkii dhul qaybsiga iyo gumaystaha ee Waqooyiga America, Asiya iyo Afrika, oo sababay in wadamada yurub keenaan dhaqankoodii, nidaamkoodii, waxbarashadoodii, fikirkoodii iyo Siyaasadoodii, gaar ahaan wadanka Ingiriiska oo ahaa wadanka ugu saamaynta wayn, wadamo faro badan way ku faaiideen sida Waqooyiga Amerika oo noqday tafiirtii boqortooyada Ingiriiska kana dhaxlay awoodii iyo saamayntii ay ku lahaayeen adduunka, halka kuwo kale oo ugub ah ay kuleedeen sida wadamo faro badan oo ku yaal qaarada Afrika iyo Bariga dhexe, isku soo wada duub waxa hirgashay in luuqadu ay noqoto luuqada adduunyada, waxaana sii taraarixiyay luuqadaas wadanka Maraykanka oo si qoto dheer saamayn ugu yeeshay adduunyada. Hadaba madaama saamayntaas ay sabab u ahayd awooda dhaqaale, maxaa is beddeli kara haddii awood kale oo dhaqaale soo baxdo? Luuqada shiinaha waxa ku hadla dad kor u dhaafaya 1.3 Billion, Hal Bilyan iyo Seddex boqol oo milyan oo qof, inkabadan inta ku hadasha luuqada ingiriiska, hase ahaatee 1.3 Bilyankaasi waxay ku noolyihiin isku xuduud ama wadan, halka Ingiriiska ay kuhadlaan umado kala duduwan, dhinac kale hadaan ka eegno, koboca dhaqalaha Shiinaha wuxuu bilaabay in ay durba luuqadiisa bartaan dad badan, gaar aahan dhawaan waxa la bilaabay in luuqada Shiinaha lagu daro luuqadaha lagu barto dugsiyada hoose/dhexe ee wadanka Holaand, marka hore ardyadu waxay baran jireen luuqadaha Spaanishka, Faransiis iyo Jarmal, halka Ingiriisku uu ku jiro kaalinta koowaad, waxa soo ifbaxaya in Jaamacadaha yurub lagu dhigo luuqada Shiinaha aadna loogu hanwaynyahay in la barto si cilaaqaad ganacsi oo wanaagsan u dhexmaro, arintan luuqada waxaa dedajinaysa, kow, Shiine waa wadanka ugu koboc badan xadiga korodhka dhaqaale adduunyada sidaan horey usoo sheegney, labo, wuxuu qani ku yahay hido iyo dhaqan iyo habka maamulka ganacsiga oo loogu bogay walow galdaloolo ay jiraan, seddex, iyo Waliba wadamada uu ganacsiga ugu wayn adduunyada la sameeyay sida qaarada Afrika oo cid kula tartantaa ayaanay jirin oo dirawalinaysa saamayn uu ku yeesho, inkastoo ay jiraan isbeddelkaas iyo horumarkaa kasoo iftiimaya wadanka Shiinaha hadana waxaad arkeysaa in wali luuqada Ingiriisku sii kordhayso siina xoogaysanayso isticmaalkeedu, Ruushku waa wadan fac wayn wuxuu bilaabay in ay bartaan luuqada Ingiriiska iyagoo mudo diidanaa in Saamayn lagu yeesho, Hindiya luuqadooda labaad waa Ingiriis, Jarmalka oo ah wadanka ugu wayn xaga dhaqaalaha qaarada yurub, wax soo saar ahaan iyo Horumarna Ingiriiska cidhiidhi galiya waxa luuqada Ingiriiska lagu waajibey in lagu bilaabo fasalka seddexaad ee dugsiga hoose, tacliinta sare waa muhiim, shaqooyinka shirkadaha (Corporate Jops) waa lagama maarmaan in uu qofku sifican u yaqaan luuqada ingiriiska, arintan waxaa keenay kow, saamaynta ay luuqada ingiriisku ku yeelatey adduunka oo halkan oo kale hadaan tusaale usoo qaadano Jarmalka ardeyda wax barasho u timaad waxay ku hadlaan luuqada Ingiriiska, markaa waa in la helo Jaamacado Ingiriiska lagu dhigo, sidaas darteed ayay dhawaan Jarmalku bilaabaan in lagu dhigo luuqada Ingiriiska seddex meeloodow meel tacliinta sare, sidoo kale ardeyda Jarmalka ee wax ku baranaysa wadamada Yurub iyo Waqooyiga Amerika oo iyakna ay waajib tahay in ay Afka Ingiriiska si fiican u bartaan, doc kale hadaan ka qoraasano dadka dalxiisayaasha yimaad wadanka Jarmalka iyo Jarmalka aada wadamada kale dhamaan waxay u baahan yihiin in ay ku hadlaan luuqada Ingiriiska, shirkadaha waawayn ee Yurub, ama ha noqdaan kuwo laga leeyahay Jarmalka ama yurubta kale oo inta badan ay tahay in luuqada ingiriiska ku hadlaan si isfahamkoodu ufududaado, Afrika iyo Aasiya sida aad kawada warhaysaan waxa lagaga hadlaa luuqada Ingiriiska Faransiiskuna uusoo labeeyo, wadamada iyaka ay tahay afkoodii hooyo hadalkoodaba daa sida Canada, Scotland, New Zealand, Australia, Wales, Ireland, iyo kuwo kale.

Isku soo wada duub, aniga iima muuqato wali in Afka Shiinuhu uu dhawaanahan badeli doono Afka Ingiriiska, ugu yaraan 100ka sanadood ee soo socda ayay ku qaadan hadaanay ka badanba, waa haddii shiinuhu kobaca awoodiisu ay sidaas kusii socoto, waayo waxa hor yaala arimo badan oo ay adagtahay in la baddelo mudada dhow.

Waxaan kusoo gabogabaynayaa, Soomaaliya halkay maanta maraysaa? Isbeddelkaas ka dhacaya adduunyadu siduu u saamayn karaa baabuurkeenan gadaal gadaal uscoda? Mala fahamsanyahay waxa dhacaya? Dhibtii iyo rafaadkii malaga daalay? Ma la bislaaday? Maloo diyaar garoobayaa maalgashigaas Shiinaha iyo Tartanka uu Maraykanku hada dardar galinayo dhinaca maal gashiga qaarada Afrika sida aad ka dheehan kartaan Shirka Waashinton uga socda madaxda Afrika iyo Maraykanka? Mise halkii hore ayay sheekadu kasii soconaysaa?

Wabilahi Tawfiiq
Maxamed Sheekh Faarax Cilmi
Tilburg, Netherlands
+31649798800
mfarahilmi@live.nl

Wixii su’aal ah waxaad kusoo hagaajin kartaas emailka kore


How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...