Isbeddelka Beddel Haleelay Q3aad


Jiilaal bilawgii ayaa lagu jiraa. Jawigu aad buu u qabaw yahay. Hadda uun buu barafkii bilaabay. Dadku way wada rarran yihiin oo qabawga ayaa laga gaashaantay. Beddel isagu hore waa kii ugu noolaan jiray dalalkan Galbeedka ee hadda ay booqanayaan, markaa qabawga ay ka cabanayaan xubnaha kale ee waftigu isaga shiddo badan kuma hayo. 

Kooxdan dalkii ay ka wada yimaadeen waxay u qabaan in isagu dalmar yahay, ugu waayo aragsan yahay, dhulkanna aad u kala garanayo. Waxay markaa ka filayaan inuu jid mariyo oo  hoggaamiyo. Waxay mooggan yihiin in mudadii uu dalkan ku noolaa isaga laftiisa abbaan laga ahaa, kaligiina aanu waligii si madaxbanaan u soo muraadsan. Inuu xaaskiisa dulsaar ku ahaa, kaligiina aanu marnaba istaagi jirin ayayna ogayn. Goor danbe ayay candhuufta dib u liqayaan marka ay arkaan sida uu u oodan yahay, dal aqoonna aanu u ahayn. Taas ka soo horjerdkeeda isaga ayaa ba la hagayay, la hoggaaminayay oo la horsocday. 

Weftigii dawlada oo la sheegay inay dhamaysteen shaqadii ay u yimaadeen ayaa caawa jaaliyadda la balansan. Maxfal weyn oo qoobkaciyaar iyo heeso waqtiga ugu badan lagu lumiyey ayaa la joogaa. Dadka caawa madasha soo cammiray,  weftigana warbixin dalkii hooyo ku sahabsan ka sugaya waxa ka mid ah marwadii hore ee Beddel. Indhaha ayay marmaranaysaa marka codbaahiyaha lagu soo dhaweeyo xildhibaan Beddel. Inay riyoonayso iyo in waxa dhaayaheegu arkayaan, dhegaheeduna maqlayaan dhab yahay ayay ku murmaysaa. Nin waayeel ah oo dhinaca midig ka xigay ayay waydinaysaa magaca mas’uulka hadlaya. Kuye Beddel ayaa la yidhaa oo waa mid ka mid ah mas’uuliyiinta dalkii inooga yimi! Inta ay ku kalsoonaan waydo jawaabta la siiyey ayay haweenay kale oo dhinaca bidix ka fadhiday isla su’aashii ka xaqiijinaysaa. Haweenaydan danbe magaca mas’uulkan ma hubto, balse inuu dalkii ka yimi, weftiga meesha marayanna xubin ka yahay ayay odaygii hore ku raacday. Hubaal la’aantii iyo dhakafaarkii ayay jawaabta danbe ku sii laba jibbaaraysaa. Beddelkii ay taqaanay ayaa xil ummadeed qaaday ayay liqi laada’ay. Maxay u liqi waydaa sow ninkii ay ogayd ee naftiisa maamuli kari waayey maaha. Sow ninkii markii hore ay rag oo dhan ka dooratay maaha, markii danbe ee ay aragtay karti daradiisana ka tashatay maaha. Ma kaas ayaa inta uu xilqaado, dadka hor iman kara oo hadal  deeqa u sheegi kara. Wax aan dhici karin ayay ula muqataa. 
  
“Armuu isagii yahay, muuqa iyo magaca ba wuu la wadaagaaye. Oo isaga ayaa neef baadi ah waydiinaya? Soomaalidu ninka ay maqasha kala quustaan ayay geela u diraane, bilaw ninkii ismaamuli kari waayay dal maamul la yidhi? Haddii ay sidaasi dhab tahay oo ninkii aad ogayd ummad u taliyo, Allaa i lehe arladaas talo-qabeen ma joogo. Laakiin kaalay maxaad sidaa u odhanaysaa, miyaanu isbeddeli karin, waxbaran karin, naftiisa horumarin karin, karti iyo awood soo bandhigi karin, cid kasta oo hoos u eegi jirtayna, indhahooga oo shan ah, ka yaabin karin. Maya, intaasi iyo ka badan ba way dhici karaan laakiin ninkaan ogaa damacaas iyo dabcigaas midna ma lahayn. Haddii fariidnimadaasi ku jirtay miyuu la soo baxo markii uu nolosha cusub, arladan fursadaha miidhan ah uu ka bilaabay. Haa markaasi ayuu soo bandhigi lahaa haddii hibo hoggaamin bulsho uu leeyahay. Horta bulsho ha ba ii danbaysee, naftiisa ayuu ka adkaan lahaa, ka dibna qoyskiisa ayuu hawlaha adduunyada dhan uun kaga beegmi lahaa”

Iyada oo tallankaas ku jirta, nafteedana la shawraysa, ayay ku soo jeedsanaysaa, qofka garabka midig ka taabtay ee haddana magaceeda ugu yeedhaya, dhoolacadaynna ku salaamaya.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

No comments:

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...