Damac iyo Dalxiis

Saaxiibow bal sawiradan iyo muuqaaladan ila eeg. Waxa la gaadhay goortii aad dalxiis u bixi lahayd eed ka nasan lahayd shaqooyinkan aad ku daashay, naftaadanna  u hurri lahayd waqti ay jawi degan ku qaadato"  Dhaglas ayaa ku tiraabaya isaga oo sawirro telka gacanta saaxiibkii ka daawadsiin raba?

" Bal horta waxaad ii sheegtaa, waxa aan ka dheefayo, safarkan aad igu boorrinayso, hantida badanna ku kacaya? Yaasiin ayaa ku falcelinaya, isaga oo dhinacna sawiradii ka fiirinaya.

Dhaglas waa shaqaale hawlkar ah. Shirkaddan waxa uu ka hawlgalayay muddo hadda tobanaan sanno kor u dhaafaysa. Waa xirfadle isku kalsoon oo shaqadiisa sida ugu wacan u guta. Wuu u hagarbaxaa oo waxba dib uma dhigto. Waxa ugu mudan ee uu raadiyaa waa shaqo si hufan ugu qabsoonta. Goortaas ayuu farxad kala bataa oo inuu haadka la duullo ku dhawaadaa. Waa goob shaqo iyo xeerkeed oo laga waayi maayo qof si xun u socdee, marka lagu soo xadgudbo, isma dhigtee, wuu iska waabiyaa. Haddii ay halkaa ku joogsan waayaanna, nin wax iska dhicin loo tilmaamo maaha. Markase uu xanaaqo, waa ruux fallaad xun. Waxba iskulama hadho ee wuu is keebraacaa. Wuu furtuuraa oo fatahaa. 

Waxay shirkadda ka wada shaqeeyaan oo ay saaxiib dhow yihiin Yaasiin. Dhawr bilood ayay soo kala horreeyeen, dabeecadaha qaarna  way ka siman yihiin. Dhinaca hawlkarnimada waa iskaga mid oo rag kala dhaca maaha. Labadaba hal-abuur iyo maskax furnaan ayaa lagu yaqaan. Hindise currintooda joogtada ah ayay shirkaddu ku raysay oo qayrkeed kaga horraysaa. Waa laba shakhsi oo hormood ah oo la majeerto.  Dhinaca dad la socodka ayay ku kala fog yihiin. Dhaglas waa nin furfuran oo dad dhexgal leh, halka Yaasiin lagu tilmaamo nin xidhxidhan oo aan dadka soo dhex galin. Dadka in gooni ah uun buu ka raacaa oo ay is fahmaan. Inta kale, waxay badi u yaqaanaan nin gole ka maag leh oo gooni socod ah. Ha yeeshee, hebelada ay is bartaani, kuma hungoobaan. Waa waayo arag aad wax u akriyey oo xog badan haya, sidaa darteed, wuu haasaawiyaa oo hogatusaaleeyaa. Inta badan dadka xurmo ayuu u muujiyaa, kii xummaan rabbana, wuu yaqaan sida loola xaallo.

Doc kale, labadan saaxiib, durruufo aad u kala fog ayaa ku xeerran marka ay noqoto noloshooda gaarka ah ee ka baxsan tan ay wadaagaan ee shaqada. Yaasiin, marka laga yimaado shaqada uu shirkaddan ka hayo, waa ganacsade meherado u shaqeeyaan. Waa mashquul saacaduhu u xisaabsan yihiin.  Firaaqada ayaa sideedaba ku yar. Waqtigiisu wuxuu u qaybsan yahay mar uu shaqada shirkadda ku jiro, mar uu ganacsigiisa gaarka ah ku hawlan yahay iyo mar uu wax akhris iyo aqoonkorodhsi ku foogan yahay. Qoys balaadhan ayuu ka soo jeedaa. Isaga markaad ka timaado, sagaal qof oo kale ayuu la dhashay. Aabihii qarax dad rayid ah lala beegsaday ayuu ku geeriyooday. Hooyadiinna sanaddo ka dib geerida odayga ayay god gashay.  Sidaas darteed, goor hore ayuu mas'uuliyad iska saaray korrinta iyo kaalingalinta xubnaha qoyska. Ehelka kale ee ku tiirsani waa tirobeel. Inta badan dad sabool ah ayay u badan yihiin oo taageeradiisa ayaa noloshooda udub-dhexaad u ah. Qaar badan fursado shaqo ayuu u abuuray, laakiin wali in door ah ayaan taageeradiisa la'aanteed iskood isku taagi karin. 

Dhaglas isagu waa kaligii. Xaas iyo caruur midna ma leh. Dad noloshiisu tiir iyo udub u tahay midna lama sheegin. Aabihii iyo hooyaddii, xirfadlayaal dabaqada dhexe ah bay ahaayeen, haddase waa hawlgab. Dhaqaale ahaan, way isku filan yihiin oo cidna waxba ugama baahna. Faa'iidada hanti ay maalgashadeen markii ay xoogga ahaayeen ayay manaafacsadaan. Gunnada hawlgabka oo si joogto ah ugu soo dhacda ayaa intaasi u dheer. Sidoo kale, wiil iyo gabadh la dhashay Dhaglas, waa dad shaqaysta oo nolosha meel wacan kaga jira. Labadooda waalid marka laga reebo, saddexdoodan wada dhashay, saddex qaaradood ayay kala joogaan oo ay ku kala nool yihiin. Qoys ahaan, xidhiidh adagi ma ka dhexeeyo, marka se wax soo kordhaan waraaqo ayay is dhaafsadaan ama telefoon ayay ku wada hadlaan, haddii loo baahdana, way isa soo booqdaan.

Inta ay wada shaqaynayaan ee ay shirkada wada joogaan, Dhaglas kharashkiisa aad buu u ilaaliyaa. Qadada oo meesha laga wada cuno, shaqaaluhuna lacagta qaybtamaan, Dhaglas isagu qayb kama aha ee qado uu soo karsaday  ayuu la yimaadaa.  Bunka ama shaaha falaas gooni ah ayuu u samaysatay oo arroortii inta aanu guriga ka soo bixin ayuu soo diyaarsadaa. Si kale kuma garatide, intii uu u baahan lahaa ba wuu sitaa. Nin soo diyaar garoobay oo shaqo tag ah weeyi.  Mararka hawl kale soo korodho ee shaqaalaha shirkaddu qaadhaan ururrin u dhaqaaqaan, ma hawlyara in Dhaglas wax laga helo. Yaasiin ayaa loo soo maraa oo marrarna wax ka qaada, marmarna ka quusta. Taas ka soo horjeedkeeda, Yaasiin isagu safka hore ayuu hawlahaas oo dhan kaga jiraa. Wuu isdiraa oo wuu  u hagarbaxaa, marrar badanna isaga ayaaba ah maskaxda arrimaha istaageersigu ay ka soo unkamaan. 

Marka la gaadho bisha ugu danbaysa ee sanadka oo badiba ajnabiga shirkadda ka shaqeeyaa fasax galaan, Dhaglas hayntiisa wuu farraqaa. Dib wax uma dhigto ee wuu kharash gareeyaa wixii uu kaydinayay oo dhan. Waxa ugu mudan noloshiisu waa inuu dunida soo dalxiiso. Diiwaankiisa socodku wuxuu tilmaamayaa in ilaa imika uu 46 dal soo booqday. Sanadkii hore Jasiiradaha Bahamas ayuu bil ku soo qaatay. Sanadkii ka sii horeeyey jasiiradaha Indooniisiya ayuu dalxiis dhinaca badda ah ku maray. Doorkan wuxuu ku taamayaa inuu labo goobood waqtigiisa u kala qaybiyo; waa goob dalxiiseedka "The Blue Lagoon" ee dalkaasi Iceland iyo buuralayda dalxiisayaashu jecel yihiin ee dhaca dalkaasi Peru. Halbeeggiisu waa inuu indhaha soo saaro dhul inta badan dhaayaha ka qarsoon oo aan la tagin, dalxiisayaashuna ku yar yihiin. Goobaha aan aad loo aqoon ayuu ugu jecel yahay. Sawirro kummanaan ah iyo muuqaalo aan ka yarayn oo uu goobahaas ka soo duubo ayuu daawashadooda weheshadaa. Inta sanadka danbe la gaadhayo ee uu goob dalxiiseed soo jiidasho leh ka helayo, xusuustaas ayuu la nool yahay.

Yaasiin isagu doonistaas ma qabo, xiisonna uma hayo. Waa marre, wuxuu qabaa inaanu haleel u hayn oo ganacsiyo kala duwan ayaa u kala daadsan. Waa mar labaad iyo mid ka mudane, waqti lumis iyo dhaqaale burburrin ayuu u arkaa safarradan dalxiis ee saaxiibkii caashaqsan yahay. Waa mar saddexaade, dhaqanka ah in la socdo oo dhulka la maro ama la soo dalxiiso noloshii lagu soo koriyey kuma jirin. Sabab dhaqan-dhaqaale oo guun ah in fikirkiisu salka ku hayo ayay u badan tahay. 

Maan rag waa mudacyo afkoode, Dhaglas wuxuu dedaal ku bixinayaa inuu mar uun saaxiibkii Yaasiin ilbixiyo (sida uu u arko), fadhiga ka kiciyo, dalxiis geeyo, indhihiisa wax soo tuso oo ay is raacaan. Wuxuu ku dhiirrigaliyaa inuu waqtiga ka faa'iidaysto oo dhul cusub, dad cusub iyo deegaan cusub soo barto oo dalxiis tago. Wuxuu ku boorrinayaa in nolosha adduunyada ee gaaban uu ka faa'iidaysto, inta uu awoodo ka raaxaysto oo uu nafiso. Ma mooganna xaaladda ku xeerran Yaasiin, balse waxa uu iswaydiinayaa sababta uu mas'uuliyadda culus isku saaray. Ma ku qanacsanna sababta Yaasiin bil walba biilal badan u bixiyo, arday dugsiyo uga bixiyo, kharashka noloshoodana u daboollo. Taas ka soo horjeedkeeda, wuxuu aaminsan yahay in Yaasiin abuurayo dhaqan tacabdiid iyo isku dul noolaansho ah. Iyada oo xaal halkaa marayo ayuu saaxiibkii la wadaagayaa, muuqaalo laga soo qaaday buuralayda Peru, waxaanu rabaa bal inuu maankiisa raadeeyo. Ha yeeshee, Yaasiin uma muuqdo nin si fudud safar hanti badani ku baxdo looga gadi karo. Dhaglas inuu halkaasi sii jilciyo oo saaxiibkii qanciyo ayuu ku dedaalayaa. Isaga oo isku dayaya inuu saaxiibkii fahamsiiyo inuu shaqada waxoogaa fasaxa ka qaato, naftana la soo shawro,  ayuu odhanayaa:

"Waryaa waad u baahan tahay inaad fasax qaadato oo aad safar dalxiis gasho. Waa marka koowaade, muddo dheer ayaad shaqaynaysay ee naftaadan garawshiiyaha kaaga baahan ayaad abaalmarin uga dhigaysaa. Waa marka labaade, dhul aanad hore u arag iyo dhaqanno cusub ayaad soo baranaysaa. Ku darsoo, dadkaasi siday u nool yihiin; waxay cunaan, waxay cabaan, siday u cabaan intaba lagaaga sheekayn maayo" ayuu ku doodayaa Dhaglas

Yaasiin isaga waxa u xisaabsan lacagta uu dalxiiska saaxiibkii ku bixinayo halka ay gufayn karto. Haddii ganacsi la galiyo, faa'iidada ka dhalan lahayd ayuu ka fiirrinayaa. 

"Aniga oo aan tagin, safar dheerna u galin, lacagna kharash garayn, sow intaa aad sheegtay ba ma ogaan karo" ayuu su'aal ahaan ugu celinayaa

Dhaglas wuxuu la yaaban yahay sida hagar la'aanta ah ee Yaasiin dad ay qaraabo yihiin biilal iyo dhaqaale kaleba ugu roon yahay, ha yeeshee marka ay naftiisa noqoto - safar hawo gedis ah oo uu galona ha noqotee - haynta inuu hurraa siday ugu adag tahay. 

"Haddii aad u jeedo wax aad buug ka akhrido ama muuqaal aad ka daawato, i aamin oo uma dhigmayso xiisaha iyo xalladda ku lammaan muuqaalada ashqaraarka leh ee aad dhaayahaaga ku soo arkaysid" ayuu ku jawaab celiyey Dhaglas. Wuu sii wataa oo su'aal doc kale abbaaraysa ayuu miiska soo dhigayaa

" Waar ninyahow, wax bixini kuguma yara oo waan ku ogahaye, marka ay naftaada noqoto, horta waa maxay waxan kugu soo degaa? Sowdiga mar walba dad kale u dirran ee danahooga fullinaya? ayuu sii raacinayaa. 

"Saaxiib haddii aad ka waddo reeraha aan dhaqaale ahaan taageero, xil baa iga saaran, iyaga iyo kharash tamashle ku baxaanna, agtayda bog kuma wada qorna" 

" Hagaag, horena waan kuugu sheegaye, ka daa dhaqanxumada aad barayso dadkan. Dad xoogsan kara, dhididkooda maali kara, dhinacna wax ka  baran kara ayaad la soo taagan tahay, xil baa iga saaran" Dhaglas oo jawaabtu ka dagi laada'ay ayaa ku soo rogaal celinaya. 

Yaasiin intan danbe wuu u guuxayaa. Wuu garwaaqsan yahay in ardayda uu waxbarashadooda kafaalo qaaday ay firfircooni intan ka badan la iman kari lahaayeen. Gaar ahaan, qolyaha jaamacadda hadda sii dhamayn rabaa, haddii ay ka go'an tahay, shaqo gallin ah ma waayeen, kol qolyaha ka hooseeya ay laylliyada kala shaqeeyaan, ka dibna kharashkooda waxbarasho wax ka daboolaan. Sidaasi oo ay tahay, is adkayn iyo ha u jabin mid ay ka tahayba doodda Dhaglas ganafka ayuu ku dhufanayaa.

'Saaxiib dee anigu sidaada oo kale kaligii ma nooli, dadkanna xil baa iga saaran. Midda kale, dee sidiina nidaam adagi nooma dhisna, kuwa aan dooranaana xil iskama saaraan daboolida inta ugu mudan ee la wada leeyahay,. Xagayagga xaalku nin walba waa ku ninkiisa" ayuu ku garnaqsanayaa isaga oo dhinacna saaxiibkii waxmataranimo ku eedaynaya, dhinacna is barraxaya. 

Aragtidaasi uma cuntamin Dhaglas, degdeg baanu uga jawaabayaa. 

'Waxyaabaha dhaqaalaha dalku u kobci laaya'ay, shaqo la'aantu u baahsan tahay, saboolnimaduna u xoog badan tahay waa isku darka habdhaqankaagan iyo qaar la mid ah. Intaasi imika aad dhaqanxumada iyo isku dulnoolaanshaha aad baraysaaba waa xoog dihin oo shaqayn lahaa. Waa cududdii dhaqaale ee dalka, balse si ku talagal ah aad hawlgab uga dhigteen" , Dhaglas oo tibaaxaya saamaynta ka dhalata falka saaxiibkii, dhinacna jawaab waafi ah ka bixi is leh eedaynta ah inaanu cidna taageerin, ayaa intan ku garnaqaday isna markiisa. 

"Waar dee imaad fahmin. Anigu shaqo ka joojin maayo dadkan ee waan u carbinayaa. Si waxsoo saarka iyo dhaqaale abuurka ay qayb uga noqdaan, sow horta inay waxbartaan lama rabo? Dee waa taasi ta aan ka shaqaynayaa? Inaad i fahantaa wanaagsan. 

"Waxbarashada lafteeda ayaa la qalad fahmay. Qasab miyaa in qof walba  jaamacad aado. Dalkayga lagu tiriyo kuwa adduunyada ugu horumarsan, 40% kama badna inta waxbarasho aad u saraysa lihi. Waa su'aale ma hubtaa in dhibtu tahay shaqo la'aan ee aanay ahayn tacabdiid. Shaqooyin badan oo mudan, dheefna leh balse dadkiinu ay ka xarragoodaan ayaan kuu ogahay. Maxaa diiday in la xoogsado oo muruqa la maallo inta jaamacad lagu wada ordayo? Maxaa ka hortaagan inay xirfadaha naadirka ah ee suuqa leh bartaan, ka dibna ku xoogsadaan? Maxaa maskaxda loo adeegsan waayey oo fikrado ganacsi iyo hindise  loola iman waayay. Halabuurkii iyo fikrad currintii maxaa helay? Ma ka fikirtay inaad dhibta qayb ka tahay waayo qoysaskan aad fadhiga biilka ugu qortay bari ka maalin sida tacab loogu karaa way adag tahay. Maxay ka daalayaan marlay haddii ay fadhiga ku dheefayaan, xoogsi iyo wax soo saarna aan lagu dhiirigalinayn ama lagula xisaabtamayn"

Yaasiin, mar kale ayuu dooda Dhaglas dhuuxayaa, dhadhansayaa oo wax ka garrawsanayaa. Wuxuu soo xusuustay hebello  uu waalid ugu toosan yahay, da'dii loogu xoogga badnaa ku jira, laakiin xoogsi iyo tacab aan haabka ba ku hayn. Marar uu isagu fursado la raadiyayna, kaalintoodii gabay. Sidaasi oo ay tahay, ninka shisheeye inuu iska dhiciyo oo aanu goldaloollo gudaha ah tusin  ayaa ka go'an

"In qof walbaa farsamo gacmeed barto lafteedu xal maaha oo xirfado kale oo la hurran yahay ayaa iyaguba jiree, sidii la iskugu miisaami lahaa labadaasi ayay sirtu ku jirtaa. Reerahan kale ee aan wax ku tuuranna, waa qayb ka mid ah istaageersiga qaran ee aan duruufo badan kaga soo gudubnay. Miyaa nala arki lahaaba haddii aanaan isgacan qabanayn, gaar ahaan waqtiyada foolka adag"

"In la is gacan qabto waqtiyada foolka adag, waa talaabo fiican oo dadkiinu ku ammaanan yihiin. Laakiin sow kama sii qurux badnaateen in gacanqabadku noqdo qaab qofka ganacsi ama meherad laga saacidayo, ka dib qofkaasinna wixii la daymiyey iska soo celiyo" ayuu su'aal ahaan u soo dhigayaa.

Niyadda ayuu ka qoslayaa Yaasiin oo wuxuu soo xusuustay sida waxbixintu Dhaglas ugu adag tahay. Wuxuu u maleeyey in sababtaas darteed uun daynta uu u door bidayo.

"Waar heedhe waxan aan ka hadlaynaa waa boqol ama laba reeraha loo dhadhaaro, ilayn anagu bangiyo dadka wax daymiya ma nihine" ayuu Yaasiin kaga tiraab celinayaa su'aashii Dhaglas.

Dhaglas imika waxa uu tixraacayaa xusuusqorkiisa. Wuxuu raadinayaa tiradii u danbaysay ee lagu sheegay cadadka lacagta Soomaalida dalka dibadiisa joogtaa gudaha u soo xawisho. Waxa u soo baxaysa in lacagtaasi ka badan tahay isku darka inta deeq ama gargaar dawlado shisheeye ku siiyaan Soomaalida.

" Fiiri, daraasaddii u danbaysay ee Baanka Adduunku soo saaray, waxa lagu sheegay in Soomaalida banaanka joogtaa sanad walba dalka u soo xawisho lacag gaadhaysa 1.6 Bilyan oo Doolarka Marayakan ah. Lacagtaasi waxay ka badan tahay wadarta wax alla waxa gargaar ama deeq loo bixiyo. Markaa saaxiib fahan oo garo in hayntiinu aanay yarayn ee waxoogaa tallo ama farsamo xumo ahi idin hayso" ayuu ku soo xidhayaa Dhaglas isaga oo dhinaca kalena ka taxadiraya inuu ku tiraabo hadal loo arki karo gef uu bulsho dhan ula badheedhay.

Yaasiin waa markii ugu horeysay ee uu xogtan maqlo. Wuu ogaa lacagaha la soo diraa inay xoog u badan yihiin, saamayn badanna ka tagaan. Balse marnaba ma uu filayn inay ka badan yihiin inta dalka loogu deeqo oo dhan.

" Horta dadkayaga banaanka joogaa way dadaaleen, waanay mahadsan yihiin. Balse adiga iyo Baanka Adduunka ee aad sheegaysaa waxaad ilawsan tihiin lacagta dadka gudaha joogaa dibada u diraan"

Dhaglas ma fahmin biyodhaca hadalkan, maankana ma ku hayo lacag buuran oo dalka laga saaro oo dibadda loo diro.

Yaasiin ayaa sii wata hadalka oo sii jilcinaya doodiisa.

" Dadkayaga dibada joogaa inay dadaaleen oo inta baahan ee gudaha joogta soo saacidaan, waa la wada ogyahay, walow aan qabo in aad loo buunbuuniyo. Waxase la ilaaway oo aan la xisaabin qurbajoogga faraha badan ee dalka u soo shaqo tagay inay lacag adag dalka dibadda uga saaraan ama reero banaanka joogga ha biiliyaan ama maalgashi dibadda ah ha sameeyaane"

Dhaglas hadda wuu fahmay halka Yaasiin ka hadlayo, laakiin wuxuu qabaa in tiro iyo tayoba aan taasi la barbar dhigi karin dadaalka qurbajoogga.

"Hagaag, way jiraan dad kooban oo dawladda u shaqeeya ama si kale u xoogsada, dibadanna hanti inay u saaraan waa suurtagal, laakiin taasi marnaba lama barbar dhigi karo Labada milyan ee Soomaalida madaalayaasha ah ee daafaha dunida ku kala firiqsan.

Yaasiin isagu ka eegi maayo dhinaca tirada, balse waxa uu ka fiirinayaa dhinaca cadadka lacagta ah ee dibada loo saaro. Wuxuu qabaa maadaama qurbajoogga dalka ka shaqeeyaa goobo muhiim ah ay joogaan in lacag diristoodu ay aad uga badan tahay ta dibada laga soo xawilo.

" Dibadda lacagta laga soo diraa inta badan waa biil, laakiin qolyaha dalka lacagta ka saaraa, maalgashi iyo hanti urursi ayay u badan yihiin. Markaa inkasta oo tiradoodu aanay badnayn, haddana hayntooda ayaa balaadhan oo adduun badan ayay la baxaan"

Wuu sii wadayaa oo Yaasiin wuxuu rabaa inuu dooddan daba dheeraatay soo afjaro.

"Murti waxaan u baahanahay daraasad aan dhinac ka rarnayn oo dhamaystiran, taasi oo lagu eego maxaa dhaqaale dalkan dibada laga soo galiyaa, maxaase dibadda looga saaraa. Farqiga maaliyadeed ee labadaasi dhaqdhaqaaq in la helo ayay sheekadu ku wacnayd. Sawir dhamaystiran ayaa inoo soo bixi lahaa"

"Taasi waa tallo fiicane, imika ma waxaad kolba qar iskugu qaadaysaa fasax gal, dalxiis u bax oo nafta soo nasi. Waar waa bad xiiqdee, tigidhkaaga iyo kharashkaaga anaa qabee, xagaagga soo diyaar garow saaxiib" ayuu hadalka ku soo jarayaa, Dhaglas oo xammaantiisa sii urursanaya, socodna u hollanaya.





Dawlad Hoose: Dan iyo Dareen

Hordhac

Dawladda Hoose waa hay'adda dawladeed ee dadka ugu dhaw. Waxay u xilsaaran tahay daryeelka iyo u adeega dadka deegaanka. Adeeg bay bixisaa aan laga maarmin. Dadka deegaanka ayaa ku tiirsan adeegyada kala duwan ee ay bixiso, la’aantood na, noloshu ba cidhiidhi bay gali lahayd. Dadweynaha iyo dawladda hoose ma kala maarmaan oo dan baa isku toshay. Dawladda hoose bulshada kama maaranto oo la’aantood jiri mayso, dakhlina soo hoyn mayso, cid ay u shaqeyso oo ay meesha u joogtaana, shacabka la’aantood lama arko. Dadkuna kama maarmaanoo adeegyo muhiim ah oo aanay la’aantood nololi ba suuroobayn ayaa kaga xidhan dawladda hoose. Xaaladdaha adeegga dawladda hoose si wacan u fullo, dadkuna ay dareemaan inay tallada iyo maamulka qayb ka yihiin, sharciyadda maamulka ayaa sii adkaata. Marka lacagtii laga ururiyey shacabka adeeg hufan loogu beddello, qaab isla xisaabtan oo banaanyaal ahna la hirgaliyo, natiijo lagu diirsado ayaa dhalata. Kalsooni iyo is aaminaad ayaa abuurma, isla markaana si hagar la'aan ah ayaa loo wada shaqeeyaa. Nabadda ayaa sii xoogaysata, ka dibna bulsho iyo maamul isku ujeedo ah, dhan u wada jeeda oo xidhiidh adagi ka dhexeeyo ayaa soo baxda.  Isfahankaas iyo wada shaqayntaasi, rukunno sal adag ayay u noqdaan maamulka, dawlad wanaagga iyo adeegbixinta.

Adeegbixin

Xeerarku waxay dawladda hoose ku waajibiyeen bixinta adeegyo badan oo nolosha aan looga maarmin. Waxa ka mid ah basrinta qashinka,  xoojinta iyo kor u qaadista nabadda, wanaajinta xukunka dawliga ah, bixinta adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada, caafimaadka, horumarinta deegaanka, dhismayaasha kaabayaasha dhaqaalaha iwm. Intii aan dawlad uga baahnayd ba, waxa laga rabaa inaad ka hesho dawladda hoose ee kuugu dhaw. Falsafada ka danbaysaa waa maamuldaadejin iyo in adeegyada  aasaasiga ah laga fuliyo xafiiska dawladeed ee dadka ugu dhaw, loo fuliyo, sida ugu kharash yar ee ugu wax ku oolsan (subsidiarity principle). Ha yeeshee awooddii (tamar iyo dhaqaaleba) lagu fulin lahaa adeegyadaasi  oo dhammi ma cadda, xeerarkuna way ka aamusan yihiin. Kabka oo ah il dhaqaale oo muhiim ah oo laga maalgalin lahaa adeegyada dadweynuhu, ayaandarro ma u nidaamsana qaab saacidaya adeegbixin isku dheelitiran.

Isfahandarro

Beryahan danbe, awoodda dawladaha hoose aad bay u soo kobcaysaa. Dakhliga ay soo saaraani aad buu kor ugu kacay, adeegbixnitu way ka soo raynaysaa, nidaamyo iyo qaabab shaqo oo casri ah ayaa la hirgaliyey. Waxa kale oo dhab ah in dhaliil badani jirto, halka la joogo meel ka wacanna la gaadhi kari lahaa haddii tab iyo xeelad inta hadda la adeegsaday ka xikmad badan la la yimaado. Yeelkeede, isfahandarro wayn ayaa haddanna wali jirta, tabasho ayaana la kala qabaa. Adigu, ka muwaadin ahaan, kolay cabasho adeeg xummo ah baad qabtaa. In lacag uun lagaa qaado oo aan waxba laguu gu qaban ayaad aaminsan tahay. Inaanad biyo nadiif ah helin, qashinka lagaa basrin, waxbarasho tayo leh oo bilaa lacag ah aanad helin ayaad ka cabanaysaa. Inaanad si  fudud u heli karin saraakiishii aad dooratay ayaad ka cabanaysaa, haddii aad heshana ay qiimo sare kugu kacayso. Waxaad aaminsan tahay marka aad adeeg uga baahato xafiisyada dawladda hoose, kaadhka dhalashada oo aad la sooo baxaysana ha noqotee, inaanad si fudud u helayn ilaa aad wax dhaqdhaqaajiso. Inaan tallada xaafadaada waxba lagaa waydiin ayaad ka boodsan tahay; in maamulka maxaliga ahi cashuurta uun kaa qaado ee halka lagu bixinayo waxba kaa tala galin ayaad ka xanaaqsan tahay. Wax waydiini ha danbaysee, inaanay waxba iskaga kaa tirin ayaad la dhakafaarsan tahay. Xisaabcelin iyada hadalkeedaba daa. Waxaad u qabtaa inaad xaq u leedahay inaad odoroska iyo jaangoynta miisaaniyada ka tala bixiso, hadhawna xisaabcelin hesho, ama ugu yaraan ruux kaa wakiil ahi helo. Isku soo wada xoorriyoo xafiiska dawladda hoose kama maarantid, haddana xero jin baad u taqaan.

Dhinaca kale, saraakiisha dawladda hoose markaad la sheekaysato, muwaadinka cabasho ayay ka qabaan oo wax bay ka tirsanayaan. Cashuur inaanad bixin ayay kugu eedaynayaan. Marka biilka cashuurta laguu keeno inaad shaqaalaha sanka lacag ka marmariso si aad cashuurta kugu waajibtay uga muquurato ayay kugu dhaliilayaan. Inaad qashinka gurigaaga ka soo qaado haddana shaaricyada dhigto ayay kaaga cabanayaan. In bulaacaddii meheradaada aad dariiqa ku rushaysay oo hawadii iyo deegaankiiba aad sadhaysay ayay kaa tirsanayaan. Inaad dhawr mitir dariiqii gurigaaga hormarayay sifo sharci darro ah u soo gashay ayaa lagugu haystaa. Mararka dhifka ah ee sharciga lagu gu fulliyana inaad galaangal badan tahay oo aan lagaa nasan ayay ka cabanayaan. Waxay qabaan inaad raadinayso danaysi gaar ah oo aan dabar lahayn haddanna loo fuliyo si danta guud lid ku ah. Haa fikradaas ayay dad badan ka haystaan. Iyaguna kaama maarmaan haddana xadhig lama sitaan ayay kuu arkaan. Labadiina dhinacba cabasho waad kala qabtaan, garawshiiyana ma muuqdo. Inaad wada fadhiisataan, wada hadashaan oo aad is xaal waraysataan, waxaad ka jeceshihiin inaad is eedaysaan. Isku soo dhawaansho aan caggo adag ku taagnayn isaga meesha ha ka saarin.

Hay'ad-dhis

Mid ay wax ka jiraanba,  asalka dhibtu wuxuun buu ku qotomaa qaab fikir qaldan iyo qaran-dhis qaloocday. Milil korkii ayaa la dhayayaa, ma se la rabo in naburka si wacan loo bogsiiyo. Madaxda laga cabanayo muwaadiniinta uun baa reernimo ku keenay. Codbixiyaha ayaan ka fiirsan cidda ay tallada u dhiibanayaan. Shicibka ayaa gacanta u galiyay awood ay ku go’aamiyaan qarraarro nolosha dhabta ah taabanaya, marka ololku gaadhana calaacal ku danbaynaya. Haa sow  codbixiyuhu reero kuma dooran halkii uu ka qiimayn lahay kartida, hufnaanta iyo ammaanada xubnaha damaca leh. Sow bulshadu aqoontii iyo kartidii kamay dhigin wax aan waqtiga la socon karin. Boobkii iyo afmiishaarnimadiina sow looma fahmin ragganimo la is dheer yahay. Ma bulshada ayaan ahayn mid ninka daacadda ah ducuf u aragta; ka digdigta badan ee xaqa daaha saarayana halyey u taqaan. Ma in badan oo dadka ah ayaanu halyey u ahayn ruux xoolihii ummadda dhacay, indhahooga oo shan ah na ka hodmay. Sow la iskuma dhiirigaliyo dhaca iyo boobka; ruuxa ka dhawrsadana sow wax ma tare liita looma yaqaano. Sow dadku ma qiimo ridaan oo kuma digtaan ninka aaminka ah, aakhiradiisa u tudha ee tolka inta la wada leeyahay geed kaga xidha. Doorashadu sow xaraash oo kale ma noqon, ka ugu jeebka wayni guulaysto. Sow hadalka iyo ficilku ma kala foga. Cadaalad sow lama wada rabo, haddana ruux wal baa sow in gooni loogu raxeeyo dooni maayo. Horta ma la rabaa in la la xisaabtano saraakiisha xilka loo dhiibay, haddii ay wax ku soo baxaanna, dhab ma  tahay inay cadaaladda waajahaan. Ma la hubaa inaan hadhow reero la  kala noqon oo qaar difaac mutuxan isla soo taagin goorta (iyo haddiiba) la soo golejoojiyo hebelo la wada ogyahay in ay yihiin waxmatarayaal wax badani ku maqan yihiin?

Nidaamka dhisani sow ma dhiirigaliyo kala tag bulsho, dabaqado iyo kala sarrayn bulsho. Sow caado lagama dhigan si ka duwan sida ay u dhaqmaan quruumaha qaangaadhay ee ku dadaala inay bulshada isku wadaan, sinaanta hirgaliya isla markaana sugga nidaam loo dhan yahay oo qayb laga wada yahay. Sow lagama wada dharagsana in nidaam  xumaddu ay nacab ku tahay qarandhiska, nuglaan qaranimo iyo xasarad aloosna horseed u tahay, haddanna sow heshiis laguma aha ku sii socodka dariiqaas. 

Gunaanad

In gole deegaan oo la soo doortay ku metelaa, waa astaan ilbaxnimo iyo horusocodnimo. Waa maamuldaadejin iyo ka qaybgal bulsho. In dib loo noqdaa, waa dib u gurasho, tirtirida raadadka qarandhiska iyo maamulwanaagga. In sida ay yihiin lagu daystaanna, kob doog leh reerka furi mayso. Xeerkii lagu dhaqayay dawladaha hoose mar haddii maanta dib u eegis lagu samaynayo, garashadu waxay ina faraysaa in wixii qaloocday, maanta la toosiyo. Waayoaragnimadii la kasbaday in laga faa'iidaysto oo qaladaadkii hore laga leexdaa waa lama hurraan. Waa in la iska jiraa in raad arooryo dib loo raaco. Intan hoos ku taxan haddii ilgaar ah lagu eego, la arkee inay inoogu badiso:


  • Tirada golaha deegaanka ee faraha badan waxba lagama dheefee, waa in aad loo dhimaa. Magaalooyinka waawayn oo dhan, toddoba xubnood oo dalka lexejeclo ka hayso ayaa ku fillan. Xubnahaasi waa inaanay noqon xubno soo shaqa tagaye, ha lagu dadaalo inay noqdaan dad isku fillan, danta iyo horumarka magaaladda ka talinaya. Maalin walba inay soo shaqo tagaan ma loo baahna, balse ha ku koobnaadaan, maalmaha ansixinta qorshe-hawleedka, miisaaniyadda iyo isla xisaabtanka. Gunno fadhi ayay xaq u yeelanayaan. 



  • Duqa magaaladda iyo ku xigeenkiisa toos ha loo soo doorto oo cod dadweyne ha ku yimaadaan. Xubnaha doorasho ku yimaadda kalsooni dadweyne ayay siinaysaa, isla xisaabtanku xubnaha la doortay iyo dadweynaha ayuu ka dhaxaynayaa, xubno aqoon, karti iyo damac lihina inay tartanka soo galaan la arkee. 



  • Xoghayaha dawladda hoose ha laga daayo soo magacwga oo ha loo tartamo. Waa hawlbawlaha shaqada wada'e qofka kaalintan loo xulanayaa karti, aqoon iyo khibrad ha ku soo baxo. Tartan furan ha ku yimaado shakhsiga kaalintan buuxinyaa, maamul ahaanna, mas'uulka degmadda ee tooska loo soo doortay ha hoos tago. shaqsiga tartanka ku guulaysta, wasaaradda arrimaha  guduhu wareegto ha ku soo saarto. 



  • Dadweynuhu cashuurta kuShaqsiga tartanka furan ku guulaysta, wasaaradda arrimaha guduhu  wareegto ha ku soo magacawdo waajibtay ha bixiyaan, wasaaradda maaliyadda iyo arrimaha guduhuna ha hubiyaan in miisaaniyadda loo soo gudbiyey ay ka jawaabayso baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada. Degmooyinka darajada koowaad (A), waa in lagula xisaabtamaa in kabku boqolkiiba boqol horumar galaa ee aan loo isticmaali karin kharashka joogtada ah. Wasaaradda maaliyaduna waa inay kabkaa ka dhigtaa mid daahfuran, la sii ogyahay, lagu xisaabtami karo, goortiisana la helaa.



  • Hantidhawrka gudaha waa in la xoojiyaa. Maaha uun dabagalka lacagta'e, waa inuu hubiyaa in qorshe hawleedkii iyo miisaaniyaddii la ansixiyey sidii loo ansixiyey loo fulliyey. Ha madaxbanaanaado, warbixin sanadeed dadka degmadda la la wadaagana waa inuu soo saaraa.



  • Magaalooyin badan qashinka shirkado ganacsi ayay ku wareejiyeen. Ha yeeshee shirkadahaasi sida lagu qaatay, heshiiska la la galay iyo sida loo kormeeraaba inta badan wax cad maaha. Waxaanay u muuqataa in dawladaha hoose kaga baxsanayaan mas'uuliyaddii aasaasiga ahayd ee ka saarnayd fayadhawrka deegaanka. Fashilka maaraynta qashinku waa cunsurka u muhiimsan ee sii kala dilla maamulka degmada iyo dadweynaha. Markaa waxa lamahurraan ah, haddii dawladda hoose basrinta qashinka cid gaar ah ku wareejinayso in loo maamulo si banaanyaal ah, cidda lagu wareejinayaa ay leedahay awooddii ay ku wadi lahayd hawsha, diyaar u tahay inay maalgalin samayso, dawladda hoosena kormeer joogto ah ku haysaa. 



  • Mashaariicda horumarku dabagal iyo dayactir ha yeeshaan. Waa la awoodaaye, ha loo hagarbaxo oo jidka lagu dhisay boqol kun oo dollar, marka uu konton doolar oo dayactir ah u baahan yahay ha loo hurro ka hor inta aanu boqol kun oo kale kaa doonin.



  • Dhulka ganacsiga noqday, gacanta maamulka ha lagu soo celiyo. Muwaadin walbaa xaq ayuu u leeyahay inuu helo dhul uu dego, inuuse arlo dhan weegaarto oo dadka degsiimada u baahana ku dhiigmiirto xaq uma laha. Dawladda hoose dadka dhulkaa ka ganacsada amar ha ku siiso inay sanad gudihii ku dhistaan, waanay ahayn cashuurta dhulka la iska ootay, aad ha uga sarayso, ta guryaha la degan yahay, tanaasulna ayaanu ka furnaan.



  • Magaalooyinkii waa lagu soo qulqulayaa, si xawli ahna way u fidiyaan, adeegyadiina inay hoos u dhacaan mooyee, la kori maayaan magaalooyinka. Halkan qorshayn magaalo oo lagu ladhay qorshe adeegbixin oo dheelitiran ayaa lamahurraan noqonaya. 


Ugu danbayn dadku ha fahmeen maalinta codkoodu mustaqblkooda sarjarayo. Meel ma wada gali karaane, hala kala daayo in marka horena caadifad wax lagu doorto,  marka xannuunku cid walba taabtanna, cataw lagu danbeeyo. Aragti qabyaaladdi sal u tahay iyo cod xaraash ah midhahoogii la aragye, armaa la joogaa goortii wax ka aayo roon looga wareegi lahaa. Armaa la gaadhay goortii waxtar iyo waxqabad wax lagu kala xulan lahaa. Karti iyo hufnaanta hebelada borotamayaa hal-muceed caaqibo leh sow ma noqdeen? Alle ka cabsi iyo ammaano sow ma habboona in laga horaysiiyo xigtanimada? Dhismaha hay'ado dawladeed oo dhidibo adag ku taagan, sharcigu sal u yahay, ogol isla xisaabtan, aragti lagu haggo ma la samayn kari waayay, mise waan loo hagarbixin? Ma la dhiirigalin karaa oo halbeeg ma laga dhigan karaa hoggaan la soo jirrabay, lagu hirto oo hiraal iyo aragti leh? Saw lama heli karo dawlad hoose oo u dabacsan dadkeeda, diyaar u ah inay ka jawaabto baahiyaha bulshada, yoolkeeduna yahay  adeegbixin loo siman yahay.

Intan isku darkoodu sida loo helaa ma hawlyara oo caqabado badan ayaa ku gudban, waase la qaban karaa hadii loo guntado.

Afeef: fikradaha uu qorraalkani xambaarsan yahay waa arragtidayda shakhsiga ah, xafiis, koox iyo urur toona looma nisbayn karo.

Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Ali's Steady Swings- A short Story

Before Ali assumed his current post, he was leading a very rudimentary life. With his extended family, they were all living in a small, over-crowded, two-roomed house. Ali had no decent job in the last five years, but he has an ambition to become a successful businessman. His aim was to get a short cut out of poverty. After tireless efforts, through unscrupulous means, he finally managed to get a post at a well-resourced entity. In the first month of his new assignment, he immediately moved to a much more spacious and furnished maisonette. The monthly rent of this new house is almost equal- if not greater- than his monthly income and that of staff with a same grade. Yet, he lavishly spends and lives in such an expensive rented house. Distant and close relatives from rural areas, other towns and overseas countries, all permanently live together there – a sign showing he has become a big and powerful man. Indeed, there are rooms reserved for special guests. In it, there are salons specifically designed for Kat-chewing and like-minded fellows. Ali wasn’t among those regular Kat chewers until recently, but now he is of the opinion of making sound judgement over chewing sessions. Without it, time would have been so tight, as he often argues lately.

Now it is a little bit over one year since Ali has assumed the new position. The two-story building in which they presently live in, isn’t a rented one as was the case before. Rather, it is one of his newly-acquired properties. Last year, he was married to another wife (polygamy is common practice in this part of the world) and the new-established family equally lives in a just refurbished new villa. The personal wealth of this officer is increasingly growing, notably with an accelerated pace. In the North side of the town, where the city is vastly expanding to, he developed elegant, concrete-built two-story flats. A Chinese company was awarded the contract through a single source and non-competitive bid. He equally developed similar properties in other major towns of the country. As for entrepreneurship and business development, he isn’t a big fan of retailing transactions. Conversely, he has heavily invested in stocks in carefully selected and promising business entities. He bought sizeable shares from such thriving businesses. Stock selling and buying transactions of such companies is not transparently done, but for someone with his influence, it is easily arranged, often under dodgy deals. Ironically, all this upward social mobility is registered within the very short period he is enjoying the privileges of this position with modest earnings.

Ali’s influence in his constituency has equally witnessed unprecedented and positive improvement. In fact, he is now considered a very powerful and influential king maker. He calls community meetings, often through Kat chewing salons, where any issue is chaotically debated. His home, in fact became a center where clan politics is cooked. The Sultan and some other powerful elders, along with him, jointly set strategies for their community, often controversial but effectively serving their egos. It was Ali who played a pivotal role when his clansmen last month decided to grab a large unsettled land but reserved for grazing purposes during drought and unfavorable conditions. It was him who mobilized resources and made huge pledges. He was the one who single-handedly and generously funded excavation of water reservoirs and cutting off decades-old trees in the forest-turned dessert. He even recruited and armed unemployed young men from the area, mostly under-nourished and under-age, just in case they face any possible resistance from neighboring communities. Interestingly, many of the traditional elders who hitherto were not even aware of his existence, now surprisingly hold him high.

Still, such an energetic figure with controversial practices frequents to a local mosque. Unless he is out of the town, he never misses congregations. But many are puzzled with his uncompromising praying practices and discounted values which clearly can’t cohabit. While Ali is extremely obsessed with this weeks’ top agenda -land grabbing, an old acquaintance approaches him and seeks assistance. Halimo is a widower of a former and long-serving civil servant. She has been harshly and negatively affected by the deteriorating living conditions. Her son is expelled from high school due to accumulated school fees and she had no other option rather than turning to this man. Her late husband, Abdi, was a principled civil servant who headed different departments and recruited many intakes. His former colleagues described him as a hard worker, honest and a man with integrity. Almost everyone who knew Abdi agreed that he was a very quiet, soft-spoken, and good-mannered man. It was even reported that he never used office-provided vehicle after official working hours, no matter how much he needed it. He rigorously ensured that all his income is from halal and acceptable sources. While alive, Abdi was on top of all his family affairs, even under trying circumstances.
There were no cases where he needed financial assistance, externally. He briefly fell sick last year and unfortunately passed away prematurely. Hence, today the family misses his wisdom, leadership and financial protection. He was a confident and proud officer and yet content with his financial position. He looked down such a people that his wife is now forced to plea. In his books, they were simply recorded as inept and crooked cartels. He always considered them as morally bankrupt and greedy. In short, to him, they were very mean and losers.

On the other hand, while he was alive, many of Abdi’s close friends and relatives disassociated with him as he was not ready to indulge and embezzle public goods. To some, his principled approach and degree of high integrity, was a sign of inability and a weakness. After he passed on, there was no established pension system in which his family could at least rely on to survive. His exceptional service to the nation for over fifty years did not yield any benefit for his survivors. A single recognition to his outstanding service could have been a dividend to cash at trying moments. It could have also encouraged other men and women still on duty. The result of this institutional weakness only left Abdi’s wife and children at the mercy of the cartels in which he despised all along.

On the other hand, Ali continued to climb the success ladder quickly and steadily. But one thing that consistently remained the same is his religious performance. He still maintains praying regularly at the local mosque. In addition, he now travels to Mecca twice a year to perform Umra. This is, however, where the dilemma lies. This is where the knowledgeable people fail to reconcile, knowing being a good Muslim does not warrant to indulge in immoral activities but conversely prevents one from fraud and misappropriation of public properties. For scholars, frequency to local mosque and doing deceitful acts are two extreme pieces that can’t cohabit in one’s heart. Such elements can’t and will not stay together in a religious and pious personality. Finally, there will be a day where such irony will be exposed, explained and clear picture is depicted. Sooner or later, such a day is surely inevitable.

Abdirahman Adan Mohamoud
Email: abdirahman.adan@gmail.com

Tusmadii Waasuge "Sheeko Gaaban"



Dhaqanka Soomaalida, ma hawl yara in qofku tolka ka fikir duwanaado, gaar ahaan waqtiyada colaadaha. Maalmaha durbaanada colaadaha la tumayo, xummadda qabiilkuna ay halka u saraysa marayso, qofka cagta inoo dhiga yidhaa, waxa inta badan loo arkaa fulay bilaa damiir ah oo aan dhiig iyo dheecaan toona lahayn. In qofku si dhiiran, tol jibbaysan uga horyimaaddaa, xagal kalena wax ka tusaa, waxay u baahan tahay kalyo adayg, isku kalsoonaan iyo ku dhac, marar badanna jar iska xoornimo ayay ba noqon kartaa, marka aad tixgaliso dabayshu dhinaca ay u socoto. Waxay u baahan tahay in qofku u fikiro si madaxbanaan, ka fikiro meel ka baxsan xayndaabka qabiilka, aakhiradiisana si dhab ah ugu tudho. Ha tiro yaraadaane, way jiraan dad ku dhacaas leh.

"Walaalkay haddii aan waayay, wiilal kale oo loo loogaa, wiilal la'aan uun baa ka abdo ah. Aniga ayaa Ilaahay ku hadhaya, wiilashaa Islaameed ee dilka walaalkay loo haystaana, caf iyo saamax bay iga yihiin. Marwada iyo ubadka sabiga ah ee uu walaalkaygii alaystay ka tagayna, aniga ayaa u nool. Waxaan qabo ayay ila qabayaan, inta madaxaygu xabaal ka sareeyanna, daranyo is arki maayaan. Idinkuna tolkayow sidaas ku calool sammaada oo nabad baa ina wada deeqdee nabadda qaata."

Qofka maanta haddaba badheedhahaa la shir yimi ee haddalka kor ku xusan ka hor odhanaya boqolaal dhallinyar ah oo weerar u heensaysan, waayeel xaalad-abuur ah iyo wadaad-beeleed duulaan reer qiil u raadinayaa, waa Waasuge. Waa oday waayeel ah oo walaalkii niman ka soo jeeda beesha ay wada degaan xabbad madaxa kaga dhifteen, ka dib markii ay ku murmeen ijaarka beerahooga kala xaddeeya. Waasuge waa waayeel madaxa iyo gadhkuba cadaadeen. Waa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha beesha, marar  baddana dagaalo uu xaq u dirir u arkayay ku hoggaamiyay beesha. Ha yeeshee, waa oday nabad iyo colaad ba ka talin kara. Waa nin fahamsan culayska ka dhalan kara go'aamadda ay wadar ahaan u guddoonsadaan. Dilka maanta dhex maray reeraha ay wada yaalaan, in nabad lagu xaliyo oo xab lagu burburiyo ayaa kala aayo wacan inuu aarsado, ka dibna dagaal lagu riiqdaa, halkaa ka aloosmo. Inuu danta guud u tanaasulo oo nabadda dhidibada u taago - nacasnimo iyo daciifnimo ciddii rabtaa haba u aragtee - ayaa isaga kala caaqibo wacan inuu sokeeyaha isku liso oo kala dilo intii iskaashan lahayd ee dhib iyo dheefba wadaagi lahayd. Murtida Soomaaliyeed ee tidhaa oodi ab ka dhaw ayaa macno ahaan uga nuxur badan in isaga iyo tol soo gurmaday oo  bariba noqon doonaa ay birta ka aslaan ismahurtada dantooda isku tolan tahay.

Waasuge sanadkii uu dhashay iyo inta uu jiro bayaan uma yaqaano, laakiin roobkii gayiga maasheeyey gugii uu dhashay, hadda ku dhawaad toddoba iyo lixdan sanno ayaa laga joogaa. Waa samatalis hadalyaqaan ah oo sida geed damal ah dadka deegaanku u hadhsadaan. Xikmaddda iyo murtida ka soo burqanaysa ayaa ka yeeshay mid mar walba la hareero buuxo. Inta uu colaad u soo joogay iyo inta ay gar isaga iyo guurti kale oo waxgarad ahi, geed hoostii ka naqeen ee lagu kala bogsaday, ayay sheekadooda dad badani u soo hilloobaan.

Waasuge goobtan uu degan yahay ee beerahoodu  ku yaalaan, walaalkiina hadda lagu bireeyey ayuu awoow ka awoow deegaan ku ahaa. Waa beeralay xoolodhaqato ah oo marar xoolaha la la daaqsinraaco mooyee aan meel kale u diga rogan. Magaaladdu kama dheera oo maalin galinkeed ayaa lagu gaadhaa, balse sannooyin badanba gaadhi xammuul ah ayaa dadka iyo magaaladda isku xidha. Waasuge maalinta uu damco inuu magaaladda ka soo adeegto, isagu cagtiisa ayuu maalaa oo ma jecla siifadda iyo guuxa moodhadhka.

Badheedhaha uu dhiibtay Waasuge dad  badan oo beesha ah lama filaan iyo wax aan la liqi karin ayay ku noqotay. Wiilasha hubaysan ee la isku keenay, rag baa habeeno u soo jeeday, u saamalaylay oo u qayilayay, iyagana qayilsiiyey. Qolyo xaalad abuur ah oo xummaan aloos ah ayaa taariikhda dib u raacay oo kiisas hore oo run ah (iyo kuwo bug ahba) la shir yimi si ay dadka u kiciyaan. Niman ganacsato ah ayaa intaasi qaad, raashin iyo rasaas ba soo daabulaya si reerka wiilasha dhibta gaystay  cashar lama ilaawaan ah loogu dhigo. Wadaado ayaa ragga hubaysan intaas dhex jooga oo aayado u marinaya, una fatwoonaya in cidda iyaga ka dhimataa toos Janaddii Fardawsa u aadayaan, inta ka dhimata reerkan ay iska soo horjeedaanna, Jahanama hoy u tahay. Haween ayaa guubaabo la garab taagan oo ku buraanburaya in hablahoogu gummoobayaan haddii aan jawaab waafi ah laga bixin wax ay u arkaan gardarro si guud loo soo wada maleegay, kuwo sharwadayaal ahna fullinteeda loo saaray.  Haa haweenku waxay si hawlkarnimo leh u qaadanayaan kaalintii Hadraawi ku xusay heestiisii "Hablaha Geeska"

"Gurmashada dagaalkiyo;
Gulufkiyo colaadaha;
Goobaha naf waagiyo;
Halka laysku gowroco;
Marka gorodda lays daro;
Haddaan dumarku goonyaha;
Guubaabo kicinayn;
Sida galowga dhiilloon;
Illayn geesi qayrkii;
Birta kuma gumaadeen" Hadraawi

Qurbojoog ayaa intaasi shirar dibada ka wada, is abaabulaya oo qaadhaan ururis ku jira. Ha yeeshee caddadka dhaqaale ee ay soo diraan iyo cidda ay u soo diraan cid hubaal ahaan u ogi ma jirto. Wiilasha wada degan ee xadka beerta isku qabtay, ka dibna nasiibdaradu ka adeegtay ee shilka keentay, ayuu kiiskoodu badaha waawayn ka talaabay oo caloolxumada iyo dhiilada laga dareemayaa shanta qaaradood ee waaweynba. Shirarka jaraa'id iyo dagaalka afku waa tirabeel oo alaadaha casriga ah agabkooga kala duwan ayaa si buuxda la iskugu adeegsaday. Ma cunsurka qabiilka ayaa sidaasi u saamayn badan oo cid walba dhaqaajinaya, ma wiilka hoyday ayaa ahaa halyay madi ah oo aan dib u dhalan doonin, ma gardarro ka dhiidhi baa, mise mar hadduu la dhashay Waasuge, waa laandheere abtirsaday oo lama taabtaan ah. Mid ay tahayba, xarraarada kiiskan ka dhalatay, miyo iyo magaalo, bad iyo berri, gude iyo dibadba way saamaysay.


Reerkii oo waxaas oo abaabul ah gude iyo dibadba galay ayuu Waasuge aayar uun leeyahay nabad baan qaatay. Taasi ayaa ka dagi la' koox isku dhaca reeraha ka macaashta oo xaaladda sii hurisa, ka dibna macaash ka samaysa. Wiilal maangaabnimo iyo gacan fudayd lagu ogaa inta ay gooni ula baxeen, maalmo meel lagu hayay oo la qayilsiiyey ayaa farta loogu fiiqay laba nin oo socoto ah, deegaankana aan ahayn, balse la hayb ah nimankii Waasuge walaalkii qatalay. Iyaguna awalba ma hubsadayaal gacanfudud ayay ahaayeene, waa kuwa dhegta dhiigga u daray nimankii safarka ahaa. Waata xaaladdii degmadu cakirantay ee cirka isku shareertay. Reerkii dilka hore u gaystay oo awal is gaabinayay, hadda markii laba nin laga wadhay, iyaguna waa kuwa guluf colaadeed qaaday.


Ayaandarro, waa ta xaaladdii faraha ka baxday ee dagaal sokeeye oo aan waxba la iskula hadhin gayigii ka qarxay. Ismahurtaddii waa ta la isku lisay; iyaguna waa kuwa birta iska aslay. Tiro ma leh inta curraddo dalka ciidan u noqon lahaa, macno darro dagaalkaas laga fursan karayay, ku qudhbaxay. Kummanaan ka badan inta hooyooyin wiilashoodii waayay. Intaas in la mid ahi, waa kuwo asay qaaday ka dib markii raggoodii ay is boqno gooyeen. Tiro taas toban jibaarkeed ah oo caruur ahi waa kuwa agoomoobay ee aabo beelay. Ummulo dooxa iyo boqnogoyska meesha ka dhacay waa oday ka sheekee. Boqolaal kun oo labadii qolo ee isdilayay ah iyo bulshadii kale ee deegaankuba, waa kuwa xeryo qoxooti loo ooday ee shisheeye ku masruufo. Deegaankii beeraha iyo xoolaha caanka ku ahaa, wax soo saarka dalkana kaalin muuqata kaga jiray, colaadda gayigaasi ka aloosani waa ta u rogtay gegi cidlo ah, geyi abaareed, omos iyo arlo lagu riiqday.


Waasuge wuu hawlgabay oo da' baa ka daba timid. Wuxuun buu hadda ku dadaalaa in makasta xerada qoxootiga ku jirtaa nabad ku wada noolaadaan. Maalmaha war dhiilo leh laga keeno deegaamaddii ay ka soo bara kaceen, intan shisheeyuhu sida wadarta ah u quudinayo ee xerada ku oodan ayaan is bixinihayn. Isaga iyo qolyo kooban oo la aragti ahi, nabadaynta dadkan baahan ee haddanna xummadda qabiilku madaxmartay ayay ku hawlan yihiin. Waasuge isaga oo dadaalkaas ku jira ayay tii Alle ugu timid xerada barakacayaasha. Maanta oo ay aaskiisii joogaan ayay labadii qoloba ilmadii yaxaaska qubayaan. Kulaylka iyo dhibta soo gaadhay waxay dib u xusuusinaysaa taladiisii waayeelnimo ee ay ku dagi lahaayeen, balse aan la solansiin. Way hibataynayaan oo waa kuwaas xabaashiisa maanta ka dul barooranay ee qiraya taladiisii wacnayd ee seegtay. Sidaasi oo ay tahay, iyadba waa yaabka yaabkiise, ficil dagaalka sii huriya mooyee, ma leh karti ay nabad ku dhaliyaan. Keeni kari waaye tallo inta nool badbaadisa, xabbadda ka joojisa, xeryaha barakacayaasha ka saarta, dib u dejisa arladii ay ka soo qaxeen, beer falasho, iyo xoolo-dhaqid na dib ugu celisa. Midka kaliya ee ay heshiiska ku yihiin, labada dhinac ee is dilay ba, waa guurtinimadii iyo samataliskii Waasuge. Maxayse ugu taal maanta mar haddii wixii haad arladda joogay gayigoogan u soo guuray, galowgu wali aamus diidan yahay, maydku duleedada wadhan yahay, ubadkuna sidii u  dacdaraysan yihiin.

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Waalidka Maanta

Iyada oo ilna isku haysa midna dirqi ku kala qaaday ayay haabanaysaa telefoonkeeda gacanta oo sariirta dacal ka saaran. Waa abbaarihii lixdii subaxnimo. Goortii ubadka dugsiga loo diri lahaa waxba kama hadhin. Salaaddii subax wali way gaadhi kartaa, laakiin iyada xisaabtaba ugu ma jirto. Cabbaar markii ay sariirta dul jiiftay, waata hadda daalacanaysa ee ku mashquulsan qoraalada iyo sawirada baraha bulshada lagu baahiyey. Xalay goor danbe oo ay sii seexanaysay ayay sawir shidan soo dhigtoo, waxay u kulushahay inay aragto falcelinta dadka ay asxaabta ku yihiin dhawr degel oo ka mid ah baraha bulshada. 

Si hal-haleel ah ayay caruurtu baskii dugsiga ku gaadheen. Qaarkood haddii aanay quraaca ka cararin basku waa ka tegi lahaa. Danbaase ku qasabtay inay safrad ku kalahaan. Inta basku ka tegay ee laga daba geeyey ama aanay dugsigaba tagin tiro iyo cadad ma leh. 

Imtixaanaddii sanad dugsiyeedka ayay ku jiraan oo dhiirigalin iyo inay waalidku la sheekaystaan ayay u baahnaayeen. In la dareensiiyo in la barbar taagan yahay ayaa niyada u adkayn lahayd. In taageero iyo duco waalid loo gunto ayaa u noqon lahayd tamar ay ku jiidhaan duruufaha ku xeeran. Ha yeeshee hooyadii qoysku, telefoonkeeda gacanta ayay ku mashquulsan tahay. Daqiiqado inay indhaheegu ka jeestaan ayaa karaahi ku ah. Cabbaar inuu gacanteeda ka baxo ayaa buur ku ah. Way ku dan seegtay, qoyskuna waa ku dan seegay. Baylah badan ayaa ka daranyaysan, ubadkuna way eedeen  telefoonkaas yar ee aanay marnaba gacanteeda ka dhigayn. 

Aabihii reerka miyaad iswaydiinaysaa. Hayaay, isagu wuu jiitay oo waa fog yahay. Duruufta marwada aynu ku sheegnay ayaa sahaala noqonaysa haddii aan isaga xaalkiisa iftiimino. Yeelkadiise, aan daaha ka qaadno wuxuu ku sugan yahay. Shalay ayay saaxiibkii oo isna sidiisa qaad qamax ah is heleenoo, ilaa waa dhawaadkii ayaa la qayilayay. Wax yar waaberiga ka hor ayuun buu dayrka ka soo dhacay, haddana waa gataati dhacsan yahay. Hadal ma rabo saacaddan; haddii la toosiyana, tu la og yahay ayaa ka dhici. Marwada reerku camal xummadiisa ayay taqaanaayoo, badihiisa ma gasho, xataa haddii daad qaadayana. Meelahaas barqada ayuu quraac u kici, ka dibna hurdada ku celin ilaa duhurka. Goortaasi ayuu isaga oo falaad badan qaba soo kici, ka dib na u sii luudi meeshii baasayd ee lagu qaaday ee ay ku qayilayeen. Isagu meertadaas nolosha ee iska daba wareegaysa ayuu ku jiraa. Subax hore intuu kaco waligiiba ma shaqo tagin, mas’uuliyad qoysna ha ba sheegin. Ubadkiisa inta ay is arkaan ayaa yar; xaaladda ay ku jiraana- xummaan iyo sammaan, daryeel iyo darranyo, xanuun iyo caafimaad- wuu moog yahay oo waxba kalama socdo. Hooyaddii oo dhib la og yahay ku soo korisay ayaa haddana ubadkiisa korisa. Goortii ay isaga korisay ee ay kaalin galisay, halkii uu ka nasin lahaa ee uu ka daryeeli lahaa ayay kaalin kale oo uu gabay ku soo banaanaatay. Kuwaas yaryar ee ay ayeeyda u tahay korintooda iyo quudintooda ayay bacadka u fadhiisataa. Maalin- kariska ay ubadka u soo xarbido ayuu isagu dulsaar ku yahay oo waliba qayil ka rabaa.  Qoondo go’an ayuu ku leeyahay si uu qalbigiisa qaadka ku mamay, qeybtiisa ugu helo. Waa qoondo qasab ahoo, haddii la siin waayo, qalalaase ayuu qoyska galinayaa. Marwadu ma moogganna dayaca dhinaca saygeeda ka yimid, waxayse doorbiday inay waayaheega laabteeda ku haysato; ubadkeedana iska korsato. Hooyada lafteedu way garanaysaa inaan xaq loogu lahayn laba korsiin iyo shaqadan dani ku baddayga ah ee ay ku sii talax gabtay, laakiin xil ninkii ku beegnaa gabay ayay buuxi isleedahay. 

Marwadu iyadu waxaan danseeg ahayn way ka ladan tahay. Ubadkeeda daranyada way ka jirtaa balse wax badan oo ay qaban lahayd baraha bulshada oo ay aad ugu xidhan tahay ayaa dhaafiya. Haddii ninkii reerku kaalintiisii gabay, ubadka inay u xoogsato way lahayd; waxayse ka jeceshahay inay faysbuug kala sheekaysato ku ay garanayso iyo dad aanay is garanaynba. Sida sawjdkeedu qoondo qayil uga rabo maalin xarbiga maamada, ayay iyadna  u shaxaadaa biilka maamadu soo xarbido. Si kasta oo duruufuhu qoyska ugu adag yihiin, diyaar uma aha inay kharashka joogtada ah ee  ku baxaya isticmaalka baraha bulshada ubadkeeda dartood uga tanaasusho. Iyada oo guriga dhex joogta ayay haddanna maqane xisaabsan tahay. 

Ubadka halkaasi ku barbaaraya waxa ficil ahaan loogu qurxiyaa inta tiraab ahaan looga waaniyo.  Tacab nacaybka, xilkasnimo darada iyo danseegga  ayay waxbarashada iyo inta mudan oo dhan ka hormarin doonaan.  Qaadka iyo qaadirada ku lammaan ayay ragganimo  la gaadho u arki doonaan; markaasay qayrkood ka hadhi doonaan. Qaran qoysaskiisu sidaa yihiin, ma kula tahay inuu quruumaha horumaray higsan karo. Dal in badan oo ubixii u kici lahaa sidaa u dayacan yihiin, deegaanka ku xeeranna- wax niyad jabiya mooyee, wax qalbiga u dhisaa ku yar yihiin, miyaa  wax lagu diirsado laga sugayaa. Yaryarkaasi kalgacalkii iyo muxibbadii waalidnimo laga duudsiyey, iyada oo aanu wad ka qaadin, eedeeda ayaa iska  leh. Se khasaaraha halkaa ka dhashaa ma qoyska oo kaliya ayuu ku koobnaan mise bulshada ay qoysaskani qaybta ka yihiin ayaa si wadar ah u fashilmi. Mid ay tahay ba taariikhda ayaa sheegi. 

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
Nayroobi



Ardaynimada: Shalay iyo Maanta


Xammaasad gaar ah ayay lahayd markaad aragto ku dhawaad kontomeeye arday oo marka ay basaska ka degaan ba, orod isqaadaya oo maktabada ku qammaamaya. Waxa tartanka loogu jiraa maaha filim la fiirsanayo, ciyaar la daawanayo ama borotan kale. Waa waxbarasho iyo wax akhris waxa loo baratamayaa.Waa ku sinnaan labaatan gu' ka hor, isla bilihii hayaanka tacliinta sare, dalka ka hanaqaaday. Jaamacadda Cammuud ayaan arday ka nahay, sanadkii koowaad ee waxbarashada ayaanan ku jirnaa. Saddex koorso oo kaliya ayaan kalkan qaadanaa, saddex  macalin ayaana noo kala dhiga oo kala ah Prof. Faarax Cabdilaahi Fariid  oo loo yaqaanay “Faarax Shuun", Rabbi naxariistii Janno ha ka waraabiyee, Prof. Abokor Sh. Abdi iyo Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed, iyagana Ilaahay cimriga ha u barakeeyee.

Saddexda koorso mid ka mid ah (Introduction to Psychology) oo Prof. Sulaymaan markaa noo dhigo wax buug ah (text book) oo koorsadan ku sahabsan saddex midh oo kaliya ayaa yaalla maktabadda. Tirada ardayda saxda ah markan intaan nahay ma hubo- waayo tiradu si joogta ah ayay hoos ugu socotay- laakiin qiyaastii kama yarayn 50 arday. Saddex buug sidii ay konton arday uga wada faa’iidaysan lahaayeen ayaa xujo noqotay. Ku darsoo, saddexdii buug mid macalinka ayaa la siiyey si uu duruusta uga soo diyaariyo. Midna hablaha aan isku fasalka ahayn oo markaa tiradoodu 7-8 ahayd ayaan u qoondaynay, si ay uga nabad galaan isriixriixa helitaanka buugga loogu jiro. Waxay dani ka tegi wayday in intii soo hadhay oo dhami hal buug wadaagto.

Jaamacaddu way nugu cusub tahayoo, ruux walba oon ama harraad gooni ah ayuu qabaa. Xiise kale inuu noo dheeraana la arkee! Hawli haddaba waxay ka timiday sidii halkaasi buug loo wada wadaagi lahaa. Isfahanka ardayda fasalka laftooda ayaa markaas uun abuurmaya, maxaa yeelay, arday hore isku soo baratay inta badan lama ahayn. Guud ahaan, ardaydu saddex hormo ayay ka koobnayd. Koox iyaga oo Jaamacadihii Muqdisho ku jira dagaaladu qarxeen. Koox iyaga oo dugsiyada sare dhigta, dalka lagu kala yaacay; iyo waliba kuwo iyagu aan dugsi sare ba gaadhin balse dadaal shakhsi ah ku  meelmaray. Arday dhawr ah oo dibada ama dalalka dariska ah ka yimi ayaa intaa tarraxa. Halkii buug ee kali ahaa in lagu heshiiyaa way adkaatay. Waxay noqotay in maalin ba ruuxa ku danbeeya ee ku dhafraa qarsado oo meel isaga uuni og yahay, Alle ka sokow, ku hubsado. Kummanaankun oo buug oo maktabadda taalay in tilmaan la’aan laga soo dhex saaraana, ma sahlanayn, haddii aanay ahayn ba wax mustaxiil ah.

Taasi ka soo horjeedkeeda, ardayga maanta waxbaranayaa hubaal ahaan waa laga haqabtiraa buugta duruusta laga daalacdo. Haqabtir kaliya maahee, kuwa kale oo   tixraac ahaan loogu talagalay ayaa waliba kuwa aasaasiga ah u dheer. Maktabaddii oo cammiran; buug cayn walba leh laga helayo ayaa iyadna halkeer ah. Intaasi oo dhan waxa dheer nimcooyinka Ilaahay inagu galaday, balse in badan aan la dhaadan ama si qalad ah loo adeegsado ee shabakadaha internetku ka mid yihiin. Laan kasta oo cilmiga ka mid ah, sahal iyo hawl yaraan ayaa looga haqab beeli karaa, marka aaladdan si sax ah oo sugan loo adeegsado. Waase ruuxii rabitaan rasmi ah la yimaada, meel sare higsanaya, soo jeeda, baraarugsan ee dadaalkana joogteeya.

In kasta oo ay duruufaha waxbarashadu adkaayeen, tas-hiilaadkuna yaraayeen, haddana ma xiise yarayn, haddaanay tacliintu waayahaas ba ka xallad badnayn. Tayada lafteedu, inkasta oo hadal ka iman karo, ugu yaraan ta maanta kama hoosayn, haddaanay la sinayn amaba ka sarayn. Waase xaajo lagu kala aragti duwan yahoo, waa hadba dacalka aad ka joogsato. Nafhurkaas iyo xiisahaas gaarka ah sababtooda ma hubo, waxaanse u badiyaa qoddobo dhawr ah; isku darkoogu inuu sal u yahayna la arkee. Qoddobadaas waxa ka mid ah, duruufihii adkaa oo isbeddel degdeg ah dan ma hurto ah ka dhigay, dib u yagleelkii waxbarashada iyo xiise gaar ah oo ku lammaanaa, ardayda oo inta badan muddakar u badnayd, gaar ahaan dhinaca  da’da, hillaw gooni ah oo loo qabay hayaanka tacliinta sare oo gayiga ku cusbaa (iska dhaaf tacliin saree, inaad baska Jaamacadda raacdo, runtii darajo ayay ahayd)

Isku soo wada xoorriyoo, duruufaha kor ku xusani waxay xujo cad ku yihiin ardayda maanta wax ku baranaysa jawi kaasi aad uga beddelan, kana horumarsan, gaar ahaan dhinacyadda dhismo-hoosaadyada, manhajka, nidaamka waxbarida, agabka iyo deegaanka waxbarasho. Sida duruufuhu hadda uga fog yihiin kuwii shalaytada dhaw ayay haddaba lama huraan u tahay in tayada maantuna uga tamar badato tii tagtada.


Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Barashadii Teebka

Waa beryihii dalku soo kabashada bilawga ah ku jiray. Waxbarashadu sidii ay nooga kala daadatay bilawgii sagaashamaadkii ayay dugsiyadu wali u xidhan yihiin, marka laga reebo kuwa Hoose/Dhexe oo dadaalka dad is xilqaamay ku socda. Dugsi Sare hadalqaad ba isagu ma leh. Meelo gaar loo leeyahay oo luqada Ingiriisiga kaliya laga barto ayaa noo ah isha kaliya ee aan aqoon ka korodhsano. Haddii laga tegi waayo joornaalka Newsweek ayuu Jabuuti iiga soo diri jiray ina adeerkay Maxamed Xasan Maxamuud, Ilaahay Janatul Firdaws ha ku casuumee. Aqoon guud ayaan ka korodhsaday akhriska joornaalkaas. 

Mashaariic badan oo dib u dhis ah  ayaa dalka ka socda. Hay'adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah qaar badan oo ka mid ah Borama ayaa xarun u ah maadaama Hargeysa dagaal ehli ahi markaas ka socday. Beryahaas ayaan shaqo gacanyare ah ka helay xafiiska Hay'adda Samafalka Maxaliga ah ee GUUS. GUUS waxay ka mid ahayd hay’adihii maxaliga ahaa ee ugu horayn ba dalka ka hana qaaday, barnaamijyo wax ku ool ahna arlada ka hirgaliyey. Dayactir iyo dhismo dugsiyo, xarrumo caafimaad iyo biyo balaadhin ayaa u mudnaa mashaariicda GUUS ay beryahaas gacanta ku haysay. 

Xirfad badan ma lihi aan ka ahayn gacanyare aamin ah. Yeelkadeede ugu yaraan waxaan wataa mid ka mid ah labadii sifo ee Nebi Yuusuf (CS) ku hawl galay markii uu Boqorka ka dalbaday inuu ka dhigo Wasiirka arlada maamula isaga oo isku hubay laba sifo oo qiimo badan; karti iyo ammaano. 

Shaqada ugu badan ee aan qabtaa, waa dirasho, wax soo iibin iyo gaadhi xafiiska u kiraysnaa oo aan marar dhif ah kexeeyo, gaar ahaan marka la iiga maarmi waayo.  Xafiiska teeb ayaa yaalla laakin sarkaalka garaacida teebka ku qorani, shaqo kale ayuu haystaa. Marka odayadu ay qoraalada qallin iyo waraaqo ku diyaariyaan, ayaa aniga la i diraa oo aan sarkaalkaasi xafiis kale oo uu ka shaqeeyo ugu tagaa si aan ugu wargaliyo shaqada u taalla. 

"Haye, haye waan imanayaa" ayuu si degdeg ah ii yidhaahdaa, ka dibna waan iska soo luudaa. 

Telefoon- mid xafiis iyo ku gacmeed - midkoodna ma jiro. Sidoo kale gaadiidkan dadweynaha ee maanta aan kala joogsiga lahayn, beryahaas Borama ka ma jirin. Bajaaj na ilayn waa dane, ha ka yaabin. 

Maalintii danbe waan fikiray oo waxaan is tusay shaqadan sarkaalka kale aan maalin walba u doonayo inaan anigu ba qaban karo. Haa maxaan u qaban kari waayey ma ruux baa xirfadaasi ku soo dhashay, sow qof walba mar uun ma baran. Aniguna maanta ayaan fursadaas haystaa ee waa inaan bartaa oo waliba ka midha dhaliyaa!

Aniga oo damacaasi i dirayo ayaan waraysi tagay. Waxa ii daran inaan ogaado sida ugu fudud ee aan teeb ku baran karo iyo halka aan ka baran karo. Waxa la igu kordhiyey in dugsi teebka laga bartaa hore u furnaan jiray, balse uu xidhmay markii loo waayay arday wax ka barata. Sida la ii xaqiijiyey, Hargeysa ayaa loo raray ka hor inta aan Borama dib loogu soo celiin dagaaladdii ka dib. Agabkii dugsigaas ayaa la ii sheegay inay ku  xeraysan yihiin xaafad magaaladda ah, macalinkii  dhigi jirayna uu hadda shaqo kale oo muruqmaal ah magaaladda ku haysto. Macalin Cabdi Barkhad Rayaale oo wax ka bartay Dugsigii CTC ee Hargeysa, ka dib na muddo badan ka shaqeeyey Bangigii Dhexe ee Soomaaliya ayaan raadiyey. Waxaan ka helay suuqa dhexe ee Borama  isaga oo tukaan furan ku haysta. Xirfadle dagaaaladu saameeyeen, balse aan is dhigan oo xoogsada ayuu ahaa. Waraysi ka dib, waxaan ku dhiirigaliyey inuu dugsigaas teebka dib u furo, arday badan oo baahi daran u qabta darteed. Fikrad fiican ayuu macalinkii u arkay, balse wuxuu ka werwersanaa helitaanka tiro arday ah oo la isku halayn karo. Wuxuu markii danbe igu xidhay ugu yaraan labaatan arday inaan keeno. Dhallintii aan isku filka ahayn ayaan fikradii dib ugu la soo laabtay. Liis baan diyaariyey, balse hadda ma xusuusto inaan gaadhnay labaatankii qof ee macalinku codsaday iyo in kale. Waxaan se xusuustaa in dugsigii teebku sidaa dib ugu furmay. 

Xiise badan ayaan u hayay beryahaas barashada teebka. Teebabka dugsiga yaallaa way noocyo badnaayeen; kuwo xuruufta qaar maqan yihiin, kuwo garaacista faruhu kugu daalayaan iyo kuwo cusub oo aad ku raaxaystaba. Laatiin iyo Carabi labada ba way lahaayeen, kuwa danbe haba tira yaraadaane. Tartan ayaa arday ahaan markaa naga dhex bilaabmay oo ruux waliba wuxuu rabaa inuu mid fiican fadhiisto. Waxay ka tagi wayday in salaada Casar aan Geed-Goble oo gacan-fudayd aan ku hubnay, ku sii tukano ka dibna albaabka dugsiga isa sii hor tubno. 

Caadiyan dugsigu afarta galabnimo ayuu furmi jiray. Rabbi Naxariistii Janno ha ugu deeqee adeer Cabdiraxmaan Maxamuud Muuse ayaa markuu arkay niyada aan barashada teebka u hayo i siiyey teeb nooca gacanta lagu qaato ah (Portable Typewriter). Ilaahay godka ha u nuuree, teebkaasi beryahaas wuxuu iga dhigay nin aaladdii ugu danbaysay ee casri ah hantiyey. Saaxiibada dhaw intay i soo raacaan ayay saacado dheeri ah layli ahaan u adeegsan jireen. Wax kale kuma garatide, wuxuun baan ka dhignaa nin Ipad ku dhex haysta bulsho aanu kombiyuutarkuba markaas wali si fiican u soo wada gaadhin. 


Dhawr bilood ka dib markii aan bilaabay barashada teebka, xafiiskii aan ka tirsanaa wuu ka maarmay sarkaalkii aan shaqada kale ka dooni jiray. Kaalintii uu ku jirayna waan daboolay. Daboolid oo kaliya uun maahee, mishahar fiican oo beryahaa qoyskayaga biil ahaan ugu filnaa ayaa la ii qoray. 

Qallinkii: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q4aad

Iyada oo tallankaas ku jirta, nafteedana la shawraysa, ayay ku soojeedsanaysaa, qofka garabka midig ka taabtay ee haddana magaceeda ugu yeedhaya,dhoolacadaynna ku salaamaya.
Maanta ayuu ka muuq wacan yahay maalintii ugu danbaysay ee ay dharkiisabacda madow ugu gurtay. Ilqabatin soo jiidasho leh oo beryihii uu garoomadacaanka ka ahaa u muuq eg ayaad moodaa inuu dib u soo kasbanayo. Ha yeeshee dibu hanashada haykalkiisii hore waxa halis ku ah miisaan xoogleh oo fuulay. Jidhkiisii dhisnaan jiray, raad ka sii muuqda mooyee, sidii uma habaysna.Gadhka iyo gafuurkuba way cadaadeen oo wuu wada cirraystay. Calool kuusan buuyeeshay; wuxuuna u sibirsaaraa fadhiga badan, jimicsi la’aanta iyo habnololeedkiisa cusub ee nolol-sixeedku ku yar yahay. 
Beryahaaba Beddel dhammac kalgacal ayaa ku shidmaysay. Beerkiisa waxa biyadhigayboholyow ku soo labakacleeyey. Garwaaqsay inuu kalakicinta qoyskiisa mas’uul kaahaa. Xaalmarin ayuu diyaar la yahay. Balse dunidu waa giraane, xaaskiisii horequustii ayay wali ku maqan tahay. Tii ay soo martay ayaan wali maankeeda kabixin, dhayal inuu ku soo xerogalin karana uma eka.  
“Waan fiicanahay” ayay si debecsan ugu jawaabcelisay Beddel iyada ooqaadan la’ in ninkii ay ogayd heerkan uu marayo. Waa lagu xoonsan yahay oodadkii madasha fadhiyey ayaa salaan iyo sagootin saf ugu jira; markaa hadeermunaasib ma aha in sheeko intaa ka badan ay wadaagaan. Dhinaca gabadhana waliis adkayn iyo yasid ayaa ka muuqata. Telkeeda ayuu ka qaatay, intaanu goobta kabixina, wuxuu u sheegay inuu soo wici doono. 
******************************
Masaajidka xaafadda ayaa salaaddii Maqrib markii la tukaday, waxa kaistaagay imaamka masaajidka. Waxa uu jamacii wargaliyey in qaylodhaan la soogaadhsiiyey oo uu xaafadda aad ugu xanuunsanayo nin dadka xaafadda ka mid ah,beryo horena jamaca masaajidka ka tirsanaan jiray. Waxa la soo weriyey inBeddel, ciyaartoygii hore ee caanka ahaa, markii danbena xildhibaanka noqdayaad u jirran yahay. Waxa intaas lagu daray, in ninkaas wax hanti iyo adduunyosoo marayba maanta uu dacdaraysan yahay, gacan sokeeyana u baahan yahay. Waxala xaqiijiyey in xanuunkiisa aan dalka wax ba laga ga qaban karin, balse markauu ugu dhaw yahay Hindiya la geeyo. Imaamkii masaajidka ayaa dadka muxsiniintaah ku dhiirigaliyey in ruux iyo karaankii la isku qoro, oo Ilaahay ayaa waxbadbaadiyee, mas’uulkaas hore la badbaadiyo. Dadkii masaajidka xaafadda kutukanayay, sidii caadada u ahayd ayay deeqsinimo muujiyeen oo qaadhaan kuyabooheen. 
Bal Beddel aynu ka wardoonee, waa kii safarkii dibada ka soo noqday. Waakii ku guuldaraystay isku day uu rabay inuu ku soo ceshado xaaskiisii hore.Beryo markii uu badhbadhaadhnay ku jiray, ugu danbayntii waa kii lagu qaadayqodob distooriya iyo xil gudasho la’aan. Ka dib waa kii lumiyey xubinimadiisiigolaha, markii uu soo xaadiri waayey fadhiyadii caadiga ahaa. Hanti wixii uudhaqday mudaddii uu xilka hayay waa ka ku maalgalinaya hanashada mansab kale oodawladeed. Koox oday dhaqameed iyo siyaasiyiin iskugu jira ayaa shaxda lafahmay oo maalinba mashruuc ula yimaada si loo ebyo magacaabidiisa, oo sida aysheegeen, beryahaaba miiska saarnayd. Isaguna, ilayn xilka dhadhan buu kuhayee, waa ka hindisayaashaas gacan ku rimiska ah hagar la’aan u maalgalinaya.Midhaha laga goostay dadaal ku sheegaasi waxay noqdeen, hantidii uu dhaqday ooka fara baxda iyo xil iyo mansab la’aan. Xaaladaas ayay haddana u raacdaycaafimaad darro culus oo la soo deristay, isla jeerkaasna ka gayn wayday injamaca masaajidka  laga dalbado inay il naxariis leh ku eegaanBeddel. 
Adduunyo! Hadda waa isla ruuxii waayo aan dheerayn cirkaa marayay eeloogu taag waayay inuu dhulka qunyar socdo. Waa isla mas’uulkii shaqaalahadaacada ah ee halganka nolosha la legdamaya karti darro iyo fahmo xumo inayhalkaa dhigtay u qabay.  Dhawaan uun bay ahayd markii qaar ka mid ahasxaabtiisii hore ee ciyaaruhu u soo bandhigeen taakulada saaxiib hore oowaqtigu ciilay. Balse qaadanwaa iyo af kala qaad ayay kala kulmeen markii uu usheegay in saaxiibkaasi sirta nolosha fahmo oo dalku waa nimcaysan yahaye,indhaha furo oo tabaha lagu tanaado barto. Waa isla shakhsigii lagu waaninjiray in shaqada uu haysto ku fara adaygo, subixii soo kaco oo shaqadiisa kaadkaado. Waanu weelayne, dhaaxaa lagu dardaaray inuu dhawrsado, dadkajilicdasanna u dhibirsanaado. Dheg ayaanu jalaq u siine, dhaaxaa la xusuusiyey gedgeddoonka waayaha iyo casharadda laxawga badan ee ku lammaan. Wuu udhegooleeyee, imisaa lagu soo hadal qaaday dharaarihii aan dheerayn ee uu baahnaa,dabiibka nafsaaniga ahina u socday.
Waynu madax adag nahay oo waxbaynaan ku qaadanayne, dharaaaruhu maxaycasharo inoo dhigayaan. Waayuhu muxuu ina barayaa duruus wax ku qaadasho inoogufilan.  Noloshu maxay ina tusaysaanoocyadeeda faraha badan ee cibro iyo wax ku qaadasho ba leh.
Waa ruux iyo garashadiiye, Beddel intaas ba wuxuun buu kaga jawaabayaydafiraad, isdiidsiin iyo isdifaac mutuxan. Wuxuu aaminay oo ka dhaadhacday, amaiska dhaadhiciyey inuu shaqaystay, karti iyo xarfadna  ku hantay furahaguusha. Yeelkadiiye, maanta jamicii masaajidku gobanimo ayay ka yeeleen,dhaqaalihii dibada lagu gayn lahaanna meel ayay saareen. Waa kaas la qaaday eedhakhtarkii loo sii wado isaga oo xaalad caafimaad oo ba’an ku jira. Haddii uu nolol ku gaadho meesha loo wado,  mooyi xaaladiisu si ay ku danbayn doonto!
Dhamaad.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Isbeddelka Beddel Haleelay Q3aad


Jiilaal bilawgii ayaa lagu jiraa. Jawigu aad buu u qabaw yahay. Hadda uun buu barafkii bilaabay. Dadku way wada rarran yihiin oo qabawga ayaa laga gaashaantay. Beddel isagu hore waa kii ugu noolaan jiray dalalkan Galbeedka ee hadda ay booqanayaan, markaa qabawga ay ka cabanayaan xubnaha kale ee waftigu isaga shiddo badan kuma hayo. 

Kooxdan dalkii ay ka wada yimaadeen waxay u qabaan in isagu dalmar yahay, ugu waayo aragsan yahay, dhulkanna aad u kala garanayo. Waxay markaa ka filayaan inuu jid mariyo oo  hoggaamiyo. Waxay mooggan yihiin in mudadii uu dalkan ku noolaa isaga laftiisa abbaan laga ahaa, kaligiina aanu waligii si madaxbanaan u soo muraadsan. Inuu xaaskiisa dulsaar ku ahaa, kaligiina aanu marnaba istaagi jirin ayayna ogayn. Goor danbe ayay candhuufta dib u liqayaan marka ay arkaan sida uu u oodan yahay, dal aqoonna aanu u ahayn. Taas ka soo horjerdkeeda isaga ayaa ba la hagayay, la hoggaaminayay oo la horsocday. 

Weftigii dawlada oo la sheegay inay dhamaysteen shaqadii ay u yimaadeen ayaa caawa jaaliyadda la balansan. Maxfal weyn oo qoobkaciyaar iyo heeso waqtiga ugu badan lagu lumiyey ayaa la joogaa. Dadka caawa madasha soo cammiray,  weftigana warbixin dalkii hooyo ku sahabsan ka sugaya waxa ka mid ah marwadii hore ee Beddel. Indhaha ayay marmaranaysaa marka codbaahiyaha lagu soo dhaweeyo xildhibaan Beddel. Inay riyoonayso iyo in waxa dhaayaheegu arkayaan, dhegaheeduna maqlayaan dhab yahay ayay ku murmaysaa. Nin waayeel ah oo dhinaca midig ka xigay ayay waydinaysaa magaca mas’uulka hadlaya. Kuye Beddel ayaa la yidhaa oo waa mid ka mid ah mas’uuliyiinta dalkii inooga yimi! Inta ay ku kalsoonaan waydo jawaabta la siiyey ayay haweenay kale oo dhinaca bidix ka fadhiday isla su’aashii ka xaqiijinaysaa. Haweenaydan danbe magaca mas’uulkan ma hubto, balse inuu dalkii ka yimi, weftiga meesha marayanna xubin ka yahay ayay odaygii hore ku raacday. Hubaal la’aantii iyo dhakafaarkii ayay jawaabta danbe ku sii laba jibbaaraysaa. Beddelkii ay taqaanay ayaa xil ummadeed qaaday ayay liqi laada’ay. Maxay u liqi waydaa sow ninkii ay ogayd ee naftiisa maamuli kari waayey maaha. Sow ninkii markii hore ay rag oo dhan ka dooratay maaha, markii danbe ee ay aragtay karti daradiisana ka tashatay maaha. Ma kaas ayaa inta uu xilqaado, dadka hor iman kara oo hadal  deeqa u sheegi kara. Wax aan dhici karin ayay ula muqataa. 
  
“Armuu isagii yahay, muuqa iyo magaca ba wuu la wadaagaaye. Oo isaga ayaa neef baadi ah waydiinaya? Soomaalidu ninka ay maqasha kala quustaan ayay geela u diraane, bilaw ninkii ismaamuli kari waayay dal maamul la yidhi? Haddii ay sidaasi dhab tahay oo ninkii aad ogayd ummad u taliyo, Allaa i lehe arladaas talo-qabeen ma joogo. Laakiin kaalay maxaad sidaa u odhanaysaa, miyaanu isbeddeli karin, waxbaran karin, naftiisa horumarin karin, karti iyo awood soo bandhigi karin, cid kasta oo hoos u eegi jirtayna, indhahooga oo shan ah, ka yaabin karin. Maya, intaasi iyo ka badan ba way dhici karaan laakiin ninkaan ogaa damacaas iyo dabcigaas midna ma lahayn. Haddii fariidnimadaasi ku jirtay miyuu la soo baxo markii uu nolosha cusub, arladan fursadaha miidhan ah uu ka bilaabay. Haa markaasi ayuu soo bandhigi lahaa haddii hibo hoggaamin bulsho uu leeyahay. Horta bulsho ha ba ii danbaysee, naftiisa ayuu ka adkaan lahaa, ka dibna qoyskiisa ayuu hawlaha adduunyada dhan uun kaga beegmi lahaa”

Iyada oo tallankaas ku jirta, nafteedana la shawraysa, ayay ku soo jeedsanaysaa, qofka garabka midig ka taabtay ee haddana magaceeda ugu yeedhaya, dhoolacadaynna ku salaamaya.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Isbeddelka Beddel Haleelay! Q2aad


Waa maalmihii golaha uu ka tirsan yahay dhaqdhaqaaqa badnaa. Sida caadiga ah Beddel waa dhif inta uu xaadiro kalfadhiyada gollaha. Maalinta uu ugu horeeyo ayuu kacaa Laba iyo Tobanka Duhurnimo, sidaasi ayaanay saacadaha shaqadu ku dhaafaan. Kalfadhiyada farakutiriska ah ee uu ka qaybgalo, way yar tahay inta uu dood ka qayb qaataa. Deegaanka uu kursigooda ku fadhiyo, waligii ma booqan, baahida rasmiga ah ee ay qabaanna wax ba ka ma oga. Wuxuu ugu jecel yahay, marka ajanadaha lagu soo daro, hindise la isku maandhaafsan yahay. Xiisaha doodda iyo xamaasadda ku lammaan danayn maayee, fursadda dhaqaale ee laga samayn karo ayaa micno weyn u samaysa. Xeeldheere ayuu ku noqday sida fursadahaas loo kala fidiyo ee faa'iido adduunyo loogu beddelo. 

Saaka waa mid ka mid ah subaxyadii u tirsanaa. Waa maalmihii aan laga maarmayn xubin kasta oo gollaha ka tirsan. Qolyo hawsha gollaha hortaal dabada ka riixaya, ayay wax isku ogyihiin Beddel. Kooxdaasi kama welwel qabaan inuu isbeddelo oo dhinaca kale raaco, waayo dheef weyn ayaa meel loo saaray. Balse waxay ka walaacsan yihiin inuu codkiisa la seexdo, sidaa darteed, rag baa loo qaybiyey arroorta hore soo kiciya oo ku hubsada kursiga uu codka ka dhiiban doono. 
Guyaal ka hor,  markii dalka lagu soo celiyey, yoolka ugu weyn ee la higsanayay wuxuu ahaa baxnaaninta naftiisa. Cidina maalintaasi haabka kuma hayn in Beddel xil ummadeed qaban doono. Ruuxna ma sawiran karayn isbeddelka la yaabkal leh ee ku yimi hab-nololeedkiisa. Haddii shalay isaga baxnaano nafeed la la rabay, maanta waa laga soo gudbay taasi oo masiirka ummada halka lagu gooyo ayuu fadhiyaa. Tartan qabiileed xanaf badan  oo isma hurtada  isku lisay ayaa dadka ka indho saabay inay ka fiirsadaan cidda ay xil ummadeed ku aaminayaan.  Beelaha oodwadaagta ah ka cod badsada mooyee, ka tala wacnaada ba la isma odhan. Tala-qabeen dalka iyo dadka u damqanaya xil ma dhibin, dadkuna ma raadin.  

Beddelkii soo guryo noqday isaga oo aan waxba tabcan maanta waa hantiile daaro dhaadheer iyo hanti ma guurto ah leh. Waa mid ka mid ah dabaqada sare ee sida ka badbadiska ah u nool. Muddo kooban oo uu gollaha ka tirsanaa ayuu ka hodmay oo ka xoolaystay. Saacadaha ugu yar ee Aadame shaqeeyo ayuu shaqeeyaa, haddana hantida ugu badan ayuu dhaqday. Wuxuu aaminay inuu ka karti iyo maskax badan yahay in badan oo shaqaale ah, subax walba kalaha, goor danbe oo galabtii ahna soo noqda, ugu yaraan lix cisho toddobaadkii. Sidaasi oo ay tahay, shaqaalahaasi waa qaadaa ma dhargaan. Guryo kiro ah ayay degan yihiin, ubadkooduna daryeel caafimaad iyo waxbarasho hagaagsan ma haystaan. Marar  la  soo hadal qaaday heerka maciishada ee sii adkaanaya, waxa laga hayey inuu yidhi qofka shaqaale dawladeed ah ee ka faraqabsan waayey inuu yahay liid aan dhiig iyo dheecaan toona lahayn. 

Beddel in kasta oo aanu reerayn, guurkiisii hore ee fashilmay ka dib, noloshiisu isaga way isa saaran tahay. Daba ka welwel ma qabo oo hantidiisa ayaa bangiyada buuxda, halhayskiisuna waa dhulkeena nincaa fadhida. Dabagal iyo cadaalad ka daba timaada- ugu yaraan inta dunida la joogo- ka biqi maayo, saa isla xisaabtankaba waxa arlada looga yaqaanaa fikrado qalaad oo dibada laga soo waariday!

Isbeddelka Beddel Haleelay!

Isbeddelka Beddel Haleelay!

Beddel afar iyo siddeetan bilood iyo maalmo ayuu dalka ka maqnaa oo uu qurbaha jiray. Xagaagii dhawaa ayuu nasiib u helay inuu dhulkii hooyo ku soo guryo noqdo. Intii aanu dhoofin wiil firfircooni iyo karti badnaan lagu majeerto ayuu ahaa. Labadiisa waalid oo awlaadu ka noqon jireen ayaa magaca Beddel ugu wal-qalay, iyaga oo aaminsan inuu yahay beddelkii ubadkii ka saqiiray.

Kooxda kubadda cagta ee degmada isaga ayaa waligiiba hormood u ahaa. Mas’uuliyadda waxa u dheerayd farsamo-ciyaareed sare oo uu ku soo bandhigi jiray garoomada kubadda. Nasiibka ayaan sidoo kale ka eexan, ciyaar  kastana ugu yaraan hal gool ayuu kooxdiisa u dhallin jiray, haddii aanu ka badsan ba. Xirfaddiisa dhinaca kubadda cagtu waxay ahayd mid carro-ka-waa ah. Fursadaha goolal lagu dhalin karo ee uu abuuri jiray; difaaca kooxda ka soo horjeedda ee uu kala daadin jiray iyo kubadaha uu sida xirfadda sare ku lammaan tahay u daba marin jiray goolhayayaashu, waxay ka dhigeen shakhsi caan ah oo aad loo wada jecel yahay. Magaciisu waa hore ayuu duulay oo dabaylaha raacay. Marka laga yimaado guulaha isdabajoogga ah ee uu kooxdiisa u horseeday, waxa intaasi u dheerayd hoggaamin iyo dhabar-adayg uu muujiyey mudadii uu kooxda kabtanka ka ahaa. Intaasi oo la isku daray ayaa magaciisa ka dhigtay mid meel walba ka dhacay oo ay caruuraha yar-yari ku hadaaqaan.

Hubaal ahaan haddii uu Beddel ku noolaan lahaa dunida tanaaday ee kubadda cagta cisaysa, dhaqaalahana u hurta, cagtiisa ayuu ku ciilbixi lahaa. Naadiyada kubadda cagta ee dalalka horumaray ayaa helitaankiisa ku loollami lahaa. Ayaandarro qaranka qalfoofka ah ee uu ku abtirsado ayaan u saamaxayn inuu ku xisaabstamo dhaqaalaha baaxadda leh ee ay qayrkii qaataan. Waqtigii ay xirfaddiisu halka ugu sarraysa maraysay, curuqyadiisuna cuddoonaayeen, fursad uma helin uu ugu soo bandhigo dunida ciyaaraha jecel qaab-ciyaareedkiisa lama-aragga ah. Maanta oo uu joogo dalalkii hore u maraynna tartan ma gali karo maxaa yeelay xirfaddiisu sidii uma xooganna, cimrigiisuna wuu cararay.

Gabadh qurbaha ka timid oo dalka fasax ku soo gaadhay ayaa ka heshay magaciisa meelmaray iyo cabqarinimadiisa dhinaca kubadda cagta. Ka dib waxay dadaal u gashay sidii ay u hantiyi lahayd qalbiga wiilkan caanka ah. Qorshihii ay dajisatay ayaa u shaqeeyay oo durba wataasi gacanta ku soo dhigtay. Sidaasi ayay isku guursadeen muddo ka dibna uu qurbaha kaga daba tagay xaaskiisa.

Waqti aan badnayn markii ay raaxo adduunyo ku jireen ayaa albaab kale oo nolosha ahi ku furmay. Dalka uu tagay dhaqan ahaan, diin ahaan iyo af ahaan midna ulama falgali karo. Wiil dhalinyar ah oo degmadii uu ku dhashay aan dhinacna u dhaafin ayuu ahaa. Xaaskiisa ayaa u indho iyo dhegaba ahayd. Odaygu show kubadda ayuun buu cimlaaq ku ahaaye jirrabka kale ee nolosha kowba ma joogin! Sida gadaal ka soo baxday, dugsi ma aadin taasina turunturro uu tabaalaheeda dib ka dareemay ayay noqotay.  Yeelkeede haddii uu si uun xoogsi diyaar ugu noqon lahaa wuu ka lib keeni lahaaye, dhaqan tacab nacayb ah oo u qarsoonaa ayaa ka soo mudh baxay. Waxa taasi u raacday dabeecad xumo aanay ruuxna geedkaa isla gaadhayn.

Gabadhu way shaqaysaa oo aroorta hore ayay guriga orod kaga baxdaa, goor danbe oo habeen galayna way soo hoyataa. Ubad iyo cid kale oo imika ahaan daryeel uga baahani ma jirto, ha yeeshee inuu  si edeb iyo madaxbanaani leh isku maamulo ayay doodi ka taagan tahay. Caqabado aan tiro yarayn ayaa kaga gudboon inuu u badheedho halganka nolosha. Luqad shisheeye fahankeed ha sheegin, fikir guud oo uu ka haystay nolosha dunidan uu soo hayaamayna ha ka yaabin. Nin maskax adag ma ahayne, hore ayaanu iskuguba dayin, maantana waxa uu u arkaa in waagu gadaashiisa ka baryay. Arrinkiisu waxa uu ka dhigan yahay nin yaraan ku loofaray wuxuu lumiyey raadcee. Waxa intaasi oo dhan ka daran isaga oo aan haabkaba ku hayn in uu is abaabulo oo kifaaxa nolosha waajaho. Taas ka soo horjeedkeeda, waxa uu ka doorbiday inuu xaqiiqada nolosha kaga dhuunto marfash qolo ay dhawaan isbarteen ku qayilaan. Halkaas ayuu ku qaataa waqtigiisa inta ugu badan. Beryihii danbe waxa uu bilaabay inuu dhaxo oo habeenno isku xiga aanu xaaskiisa ka soo ag wareegin ba.

Dhinaca xaaskiisa, muxubbadii badnayd ee ay u qabtay Beddel way soo gudhay oo hungo madhan ayay joogtaa. Waxay iswaydiinaysaa kala duwanaanshaha magacii ay ka daba dhacday iyo shakhsiyaddan tacab ha joogee, si basar leh u noolow ay ugu maaro laada’ay. Niyadjab weyn ayaa la soo dersay. Waxay xaqiiqsatay in sal-fudayd qaaday oo ay magac madhan raacday. Hadallo wada qalafsan iyo inay la joogiisa ka qashaafto ayay bilawday. Qaabdarro aan la qiyaasi karin ayaa kalgacalkii iyo isku kalsoonidii kobteedii beddelay. Isfahan darro weyn oo qunyar qunyar u soo gaamuraysay ayaa farxaddii ay filaysay oof-wareen iyo firkanax ku noqotay. Markii ay aragtay in xaalkiisu aanu ka soo raynayn, go’aan ayay qaadanaysaa oo waata dharkiisii bac madow ugu guraysa ee iska eryaysa!

Ninkii Beddel ahaa arladii ballaadhnayd ayaa ku soo koobmaysa, afarta jiho dhinac uu u dhaqaaqo waa ka garanwaayaya. Mar danbe ha soo xusuusto marfashkii uu arlada dhan ba ka yaqaanay. Halkaasi meel u dhaanta waa ka garan waayey ee isaga oo bacdiisii madoobayd xambaarsan, si rasmi ah iskaga dhiibaya qolkaasi asxaabta fadhi-ku-dirirka ah xarrunta u ah. Kuma cusba oo meeshu waa halkii laga qaniinay. Saaxiibadiisii mijiliska rukunnadda u ahaa si ballaadhan meesha ha ugu soo dhaweeyeen.

Waayaha dunida ee isdaba marayaa waa kuwa irrid kale oo nolosha ah u furay. Si uu kifaaxa nolosha ugu guulaysto, waaka isku dayaya inuu la qabsado dhallinta mijiliskan fadhiisata. Waa kuwa abaabulaya ee caydha soo qoraya, dabadeedna marfash jaad ku balaminaya si uu halkaasi uga macmiisho. Noloshii waa ta isku sarjarantay ee soo qaad oo dhiib dhaafi wayday. Asxaabta meesha ku kulantaa waa niman balwada badane,   isna waa ka si fiican ula qabsaday ee god walba oo ay galaan si indho la’aan ah uga daba galay.

Sidaasi ayaa toddoba sanno kadib, Beddel dalka loogu soo celiyey. Ninkii furfurnaa ee fariidka ahaa maanta maaha. Ninkii kubadda cagta magaca weyn ku lahaa maaha. Ninkii carruurta magaalada loogu magac dari jirayna maaha. Waa nin doorsoon oo aamusnaan iyo maahsanaani ka soo hadhay. Waa nin gole-ka-maag ah oo cidlada iyo faqa naftiisa wehel ka dhigtay. Muuqu waa Beddel kii  caanka ahaa, ruuxduse waa tu si kalaysan oo dhuumasho kaga jirta tabaalaha adduunyada.

Saaxiibadiisii isboortigu marka ay maqlaan soo laabashada xiddigoodii hore, hillow iyo farxad ayay ku qaabilayaan bishaaradaasi. Waxay qorshaysteen inay kooxaha ugu waaweyn mid ka mid ah maamulkeeda u dhiibaan. Ha yeeshee markiiba waxay arkeen in ruuxan soo laabtay uu silloon yahay, kana beddelan yahay  halyaygii baryaha qaar laga daba dhacay. Qaar asxaabtiisii hore ka mid ah oo ay hormood u yihiin rag ay isku naadi ahaan jireen ayaa ka damqanaya xaaladda murugada leh ee uu ku sugan yahay saaxiibkoodii carruurnimo, marar badanna guulo isdabajoog ah u horseeday. Dhaqancelin ayay u samaynayaan oo koox Tabliiqa ayay ku darayaan, dhawr odayna si gaar ah ayay ugala dardaarmayaan. Marka uu ugu yar yahay afartan cisho oo isku xidhiidhsan ayaa loo jaraa, haddii aanu laba biloodba bixin. Muddadii uu culimada faafinta diinta la socday, isbeddel sal iyo baar leh ayaa laga dareemay.  Balwadihii uu qabatimay ayaa dhiigiisa si qunyar-qunyar ah uga soo baxaya. Ruuxdiisii abaadday ayaa dib u soo biqlaysa; iimaankiisiina waa kaa quwaystay. Maanta oo uu toddoba bilood dalka joogo si weyn ayuu xaalkiisu uga soo reeyey. Ha yeeshee, weli Beddel kii la yaqaanay maaha,  ammuumihii silloonaa ee soo noqdaynna maaha.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Adeegsame Aleenkayga

Aleenka gacantu ama telefoonka gacantu- hadba sida aad u taqaano- beryahan danbe waxa uu noqday walax nolosha aan sinaba looga maarmin. Hawl- maalmeedka caadiga ah ayuu si xawli ah ugu sidkan yahay, haddii aanu ahaynba dhufsaneyaraha shaqo-maalmeedku wadaagaan. Isticmaalkiisu waxa uu si weyn u labalaxaadsaday sanadihii u danbeeyey oo horumar dhinaca teknoolojiyada ah Aadamuhu sameeyey. Horumarkaasi ayaa dhinaca kalena, gaar ahaan geyigeenna, suurtagaliyey helitaanka aleen casri ah oo inoo qabta adeegyo badan oo kala baaxad weyn. Waa kalkan marka uu ku biirayo madhaafaanka nolosha.

Halkii awal aad aaladdo fara badan u baahnayd si aad hawlo kala duwan u hesho, hadda aleenka gacanta ayaa kugu filan. Si dul-ka-xaadis ah, adeegyada ama hawlaha aleenka gacantu aalaaba inaga haqabtiro, waxa ka mid ah.

1. War-is-gaadhsiiye
Waa barta koowaad ee Aadamaha kala maqan xidhiidhisa, hadday noqoto hadal, cod la isku duubo, fariimo qoraal ah oo gaagaaban oo la is weydaarsado iyo wadahadal maqal iyo muuqaal ba ah.

2. Jeeb
Haddii aad beryihii hore lacagta aad u baahan tahay jeebka ku qaadanaysay, ama boorso yar oo lacagi ku jirto aad jeebka danbe ku ridan jirtay, si aad ugu muraadsato, hadda aleenka gacanta ayaa kaaga filan. Gaar ahaan inta ay soo ifbaxeen adeegyada Zaad/E-Dahab ama Mpesa (haddii aad joogto Kiiniya), lacag caddaan ah inta la qaataa way yar tahay, maxaa yeelay, lacag hawo ah oo aleenka ku jirta, ayaad ku adeeganaysaa.

3. Musxaf
Si aad qalbigaaga ugu xasiliso qawlka Alle, haddii aad u baahan jirtay kitaab Quraan ah, maanta mar kasta oo aad damacdo Quraan akhris, telefoonka gacanta ayaad ka raacan kartaa. Waxa intaasi dheer, haddii aad qalbigaaga quraan dhegaysi ugu raaxeynayso, aleenkaaga ayaad ka helaysaa qiraa’ada quraanka eed rabto.

4. Xusuusqor
Haddii aad sidayda jeceshahay inaad dhitayso dhacdooyinka ku saameeya amaba harreerahaaga ka dhacaya ase aanay qallin iyo buug kaa ag dhawayn, aleenkuba hadda shaqadaas waa qabtaaye xisaabta ku darso. Marka laga yimaado dhitaynta dhacdooyinka maalinlaha ah, waxaad aleenka ku kaydin kartaa fikradaha maankeena ku soo maaxanaya ee diiwaangalinta degdega ah aan looga maarmin.

5. Kamarad
Inta badan aleenka gacantu, gaar ahaan noocyada danbe, waxay dhammaan ku qalabaysan yihiin kamarad sawiro wacan kuu qaadi karta. Waa sawirkii ilqabatin leh ee aad aragtaba qaado oo taariikhda gasho. Beryihii hore kamarad ayaa la soo gadan jiray si sawiro la iskaga qaado, balse taasi maanta waa taariikh. Inaad sawir muuqaal wacan iska qaado ama cid ka qaado, aleenkaaga oo aad hawlgaliso ayaa kaa xigta. Ku darsoo wuxuu kugu saacidi karaa waliba, waa haddii aad doorbidee, goobta sawirka lagu galay iyo taariikhda la qaaday. Beryahan danbe ololaha igu sawir ayaad moodaa inuu adeegan nuxur tiray. Yeelkadeede, waa adeeg marka aad u baahto, si fudud aleenka aad ugu qabsan karto. Ka hadli maayo dadka sida gurracan u adeegsada ee muuqaaladda Aadamaha dhallangadiya.

6. Hage/Jiheeye
Marka aad safarto ama ba aad ku nooshahay magaalo weyn asee aanad qaybaheeda kala hubin, aleenka gacantu hage iyo jiheeyeba waa noqdaaye haddee garo. Jeer aad ka dhargiso xog sugan oo uu ku hawlgalo, sida barta aad ka dhaqaaqayso iyo barta aad ku egtahay, aleenkaagu wuu ku jid marinayaa, sida uu kuu daadihinayo ayuun buu bartii muraadkaagu ahaa ku furayaa. Isla jeerkaas, haddii aad ka shakido jihada qibladu kaa jirto, sababtii la doonaba shakigaasi ha ku yimaadee, mar kale telefoonka gacantu waa ku kabayaa oo ku tusayaa jihada aad u cibaadaysanayso.

7. Saadaaliye
Ma ku nooshahay deegaamada cimiladooda aan la isku halayn karin ee ay mar walba wax isbeddelaan. Haddii jawaabtu haa tahay, aleenka gacantu shaqo fiican ayuu qabtaaye la soco. Wuxuu kuu saadaalin karaa heerkulka, roobka, heerka dabaysha iyo amminta gabbal-dhaca iyo waaberiga.

8. Gacanyare
La arkee in adeegani aleenada qaar ku kooban yahay, balse aleenka gacantu xoghayn ama gacanyare gaar ah waa kuu noqon karaa, waanu ii yahay aniga. Tusaale ahaan, haddii aad gaadhi wadato, qoyskaagiina aad ka daahsan tahay, Siri (oo aan anigu u aqaano Saacid), ayaad ku odhan kartaa, xaaskaygii farriin u dir oo u sheeg inaan ilaa saacad soo daahayo. Sidoo kale gacanyaraha waxaad uga faa’iidaysan kartaa inuu balan kuu sameeyo. Kal kale, gacanyaruhu wuxuu warbixin kaa siin karaa heerka saxmadda ee jidadka, maqaaxida kuugu dhaw ee aad koob bun ah u doonan karto, farmasiga kuugu dhaw ee aad kiniin madax-xanuun ka iibsan karo, iwm.

9. Maktabad
Aleenku maktabad aad wax ka daalacato, garashadana ku cariso, haddii aad ka dhigato, waa kuu noqon karaa. Aniguba kutub iyo qoraallo badan oo aan akhristo ayaan ku kaydsadaa, kana daalacdaa, marka aan u qasdiyo.

10. Idaacad
Markaaad u baahato inaad idaacad dhegaysato si aad ula socoto hawaalaha dunida, aleenka gacantu hadda raadyowna waa noqdaaye la soco. Warka maxaliga ah iyo ka dunidaba marka aad u baahato, wuxuun baad ka dhegaysan kartaa telefoonka gacanta

11. Muuqbaahiye
Muuqaalbaahiye markay noqoto miyaa, kaalintaasi Alla ilehe aleenku waa ku filan yahay. Haddii ay noqoto wararka iyo barnaamijyada ka socda muuqaal-baahiyayaasha qaarkood iyo haddii ay noqoto dhacdo muuqaal ah ba, labada ba waa ka adagyahay.

12. Scanner (Dheege)
Marar badan bay dhacdaa adiga oo aan joogin meel xafiis ah inaad u baahato shaqo xafiiseed, sida warqad la saxeexo, la sawiro, ka dibna biligdiraha lagu diro. Telefoonada danbe ee casriga ahi wadarta adeegyadaas waa kuu fulin karaan. Aleenka la’aantii miyaa, ka tegi mayso inaad horta warqada daabacdo, haddana saxeexdo, ka dib meel waraaqaha lagu dheego la raadsato, haddana internet raadiso. Adeegyadaasi oo hal isku ah ayaad ka helaysaa telka gacanta;

13.  Bangi
Beryahan danbe waxa suurtagal ah inaad ka raysato booqashada bangiga iyo saf dheer oo aad gasho. Aleenka oo aad ku xidho bangigaaga ayaa kuu sahlaya inaad lacag dhigato bangiga ama kala soo baxdo adiga oo telka gacanta kaliya adeegsanay;

14. La taliye
Haddii aanad shay hubin ama macluumaad dheeri ah uga baahan tahay, odaygii Google ayaad aleenka ka galaysaa, xogtii aad u baahnaydna, Ilaahay amarkii ka haqab beelaysaa;

15. Adeegyo kale
Shaqada aleenka gacanta ka geyoon maynee, aan ku soo koobno, adeegyo wax-ku-ool ah oo isku dhafan, kuwaasi ood kala soo dagi karto bakhaarka aleenka. Waxay noqon karaan kuwo madadaalo, aqoon-korodhsi iyo hawl fududayn intaba iskugu jira. Rabbow adiga ayaa Aadamaha farsamadaasi u fududeeyey ee kugu mahad.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Muuqaalku Waa Dage



Maxwell Morrison wuu caafimaad qabay oo nabdoonaa. Wuxuu dhex taagnaa maxkamadda magaaladda Baankook, wuxuuna u dhego-taagayey xukunka lagu ridi doono. Danbiga lagu haystay waa gudbinta maandooriyayaal. Haddii danbigaasi lagu helo, xukunkiisu wuxuu noqon karaa madaxaa ha ku furto, kaasi oo uu ku qaadan doono mid ka mid ah xabsiyadda dunida ugu xun. Runtu se waxay tahay, Maxwell danbigan lagu soo eedeeyey lug kuma lahayn. Maandooriyaha waxa lagu soo dhex qariyey aalad kuwan miisiga lagu garaaco ah. Haweenay culus, ilma yar xambaarsan, qaar kalena daadahaynaysa ayaa sidatay alaabta, isaguna wuxuu ka ogolaaday inuu bar kantarool u dhaafiyo. Dabcan markii ayda wax urisaa ku soo xoomeen, haweenaydii dabayl ayay noqotay oo waa la waayey meel ay jaan iyo cidhib dhigtay. 

Muddo 45 daqiiqo ah ayuu isku dayayaa inuu sharaxo sida ay wax u dhaceen, hase yeeshee waxa dood adag kala hor yimi xeer ilaalinta. Doodooda waxay sal uga dhigeen, qof dhoohan uun baa sabankan maanta la joogo, isku dayi kara in ruux aanu garanayn alaab u dhaafiyo bar baadhitaan. Gaar ahaan dunidan bacaysan tan iyo wixii ka danbeeyey 9/11. Waxay ku dareen in Maxwell uu degmadiisa ka yahay askari bilays ah. Taasi oo ka dhigaysa khabiir dhinaca amniga u tababaran balse hadda raadinaya cudurdaar uu ku fakado. Ninkii Maxwell isaga falcelinta kaliya ee ilaa imika laga hayaa waa  “Ilayn Muuqaalku Waa Dage". Xaakimkii maxkamadda ayaa si la yaab leh u eegay markii uu Maxwell hadalkaasi ka maqlay.

Xaaladdu waa ku jiq Maxwell. Markhaatiga kaliya ee uu haystaa waa haweenay Ingiriis ah oo u muuqatay qof maankeedu doorsan yahay. Waxay caddaysay inay arkaysay markii haweenaydu alaabta ninkan u dhiibaysay, waxayse ku dartay, inay u muuqdeen dad wada socda. Mar kale difaaca Maxwell wuxuun buu noqday " Waar ilayn muuqaalku waa dage"   

Wuxuu dib u gocday markii u horeysay ee uu maqlo tibaaxda "Muuqaalku Waa Dage". Waa sideetamaadkii. Dhallinyar ayuu ahaa beryhaas, waayo dhallinyaronimana waa ku dhex jiray. Dhar madow ayuu mar walba xidhnaan jiray, marka uu ugu yar yahayna, middi ayuu ku hubaysnaan jiray. Caruurtu dugsiga oo dhami waa ka biqi jireen, waddooyinkana waa uga carari jireen. Galab isaga oo iskaga cadceedsanaya wabiga qarkiisa, heesona iska dhegaysanaya, ayuu qaylo iyo sawaxan maqlay. Mise waa saddex wiil oo yaryar oo  dhibaya arday kale oo ajnabi ah. Waxay rabeen inay wiilka yar wabiga ku ridaan, isaguna wuxuu ku qaylinayay, “Fadlan ha igu ridina, dabaal ma aqaane” Maxwell ayaa u soo gurmaday. Saddexdii yaryaraa waxay bilawgii damceen inay isku taagaan, laakiin Maxwell waa ka wada dheeraa, waana ka xoog badnaa. Waxa intaa u dhiirayd, middi ayuu sitay, waxaanu tusay inuu isticmaali doono, haddii loo baahdo. Markaasay yaryarkii faraha ka qaadeen oo cagaha wax ka dayeen. Maxwell ayaa ku soo dhawaaday wiilkiii oo xaaladdiisa waraystay. Yarkii oo muraayaddiisa indhaha qummaati u fadhiisinaya, ayaa cabbaar ku dheygagay Maxwell, markaasu yidhi,  “Muuqaalku Waa Dage”

“Waayo, maxaad sidaa u tidhi” ayuu ku celiyey Maxwell.

“ Qof kastaa wuxuu u maleeyaa inaad tahay ma naxe. Ardayda qaar waxaabay ku sheekaystaan inaad mar macallin middi galisay. Waxaad ahayd qofka u danbeeya ee aan gargaar ka fili karayey. Balse waad ku mahadsan tahay  sida aad ii badbaadisay. Meesha waan ku qarqoomi lahaa, haddii aanad iga soo gaadhin. Dalka aan ka imi ee Taylaan, qofka naftaada badbaadiya, abaal aan duugoobayn ayuu waligii kugu yeelanayaa. Magacaygu waa Tran Pack, waligayna ilaawi maayo wanaaga aad ii gashay” Wuu gacan qaaday ka dibna wuu iska dhaqaaqay.

Ku soo noqo qolkii maxkamadda ee Baankook, wuu dhoolacadaynayaa ninkii Maxwell ka dib markii maskaxdu u aroorisay xusuustaa dhallaanimo. Ka dib soddon sanno markii uu badbaadiyey nolosha wiilkii reer Taylaan, waakan oo maanta waa 45 jir askari bilays ah, waxaanu khatar ugu jiraa inta noloshiisa ka hadhay inuu ku qaato xabsiyada dalkaasi Taylaand, muuqaal hoosaasiyey dartii. Xusuustaasi dheer ayuu ka soo noqonayaa, marka uu maqlo dawanka jalaska ee xaakimka, si uu xukunka u rido.

Xaakim Tran Pack wuu rumaysan waayay waxa dhaayihiisu arkayaan, markii uu maxkamadda ku dhex arkay Maxwell Morrison. Soddon sanno oo ay ismooganaayeen wax badan kama beddelin muuqaalkiisa, sidaasi darteed, xaakim Tran markiiba wuu aqoonsaday Maxwell. Si dulqaad iyo xiise leh ayuu u dhegaysanayay kiiska Maxwell muddo 45 daqiiqo ah ka hor inta aanu dubaha saddex jeer ka dhawaajin si uu xukunka ugu dhawaaqo. “Mudane Morrison, dhab weeyi, muuqaalku waa dage. Danbi ma lihid. Daqiiqaddaa laga bilaabana xor baad tahay”

Sheekadani waxay bilawgii ku soo baxday; https://afterjujuman.com/?s=maxwell+morrison
Waxa haltebiyey Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...