Waxa in dhawaaleba si xawli ah u soo badanayay ku xad-gudubka iyo si xun u adeegsiga darajada. Si kale hadii aan u dhigno, hadii mar darajada ama mansabka dadaal iyo karti dheeri ah lagu kasban jiray, hada adiga ayaa isku haya, iskuna toli kara, adiga oo aan dadaal iyo hawl toona u soo marin. Haa, adiga ayaa isku haya, waana adiga oo go’aansada inaad magacaaga ka horaysiiso, Dr, Eng ama Prof, si dhib yar ayaa markaaba loo socodsiinayaa. Nin aan saaxib nahay, ayaa waxa uu igu yidhi, nin oday ah oo ajnabi ah oo aan wada shaqaynaynay, ayaa I waydiiyey, “Horta kalmada Injineer ma magac Somalidu la baxdaa?”. Hada fahan oo ninkaasi waxa uu la yaabay inta Injineer sheeganaysa ee tiro beeshay iyo ka madhnaanta xirfadii ay mihnadaasi lahayd! Miyaanay xaqiiq jirta ahayn, iska dhaaf Kulliyada Injineeriyada lagu dhigtee, in badan oo aan dhaafin Dugsyadii Sare ee Farsamada Gacanta oo hadana marka magacooga ay qorayaan amaba ku dhawaaqayaan ka hor-mariya kalmada Injineer. Miyaanay dhab ahayn in qaar badan oo farmasiyada fadhiyaayi ay sheegtaan bulshaduna ugu yeedho Diktooro!
Waxa la mid ah Prof. oo aan ka badbaadin xad-gudbka ba’an ee lagu hayo darajada ama mansabka, iyada oo dad aan darajadaasi geyin, ehelna u ahayna loogu yeedhayo. Runtii marka aad u fiirsato, hab-dhaqanka dadka ee maanta, waxaad dareemaysaa in magacyadii caadiga ahaa aanay gooniba isku taagi karin, ilaa hor-gale laga hor-mariyo mooyee. Bal hada u dhug-yeelo kalmadaha baryahan danbe ay reer magaalku iskugu yeedhaan ama isku bariidshaan marka ay is arkaan, sida, Gudoomiye, Madax Sare, “Chief”, Profisoore, Dictoore, iwm!
Marka aad bililiqaysato darajo aanad u shaqaysan, waa xad-gudub iyo boob lagu samaynayo, darajooyinkii ay ahayd in tamar iyo itaalba la galiyo si loo xaqiijiyo. Ka waran hadii aad aqbasho in laguugu yeedho darajo aanad mutaysan, markase aad laasimto sow aakhirka rumaysan maysid inaad mansabkaasi gaadhay, taasina sow kaa leexin mayso inaad itaalkaaga ogaato. Xikmad Carbeed oo qiimo badan ayaa nuxurkeegu ahaa “Ilaahay ha u naxariisto ruux ogaaday itaalka naftiisa”
Dhanka kale, malaha dadkeenu musuqa waxa ay u yaqaanaan kaliya wax-is- daba marin maaliyadeed. Ha yeeshee musuq-maasuqa qeexitaankiisa dhabta ahi intaasi wuu ka gun dheer yahay, waxana soo galaya in lagu xad-gudbo awoodaha, lana boobo darajo aan la xoogsan.
Dunida tanaaday waa dhif in beer-abuur intaasi leeg lala soo shir tago, hadii ay dhacdana talaabo sharci ah ayaa laga qaadaa cida gaysatay. Aan soo qaato tusaalihii u danbeeyey: Bishan aynu ku jirno ee Febraayo horaanteedii, ayaa lagu qasbay Wasiirkii Waxbarashada ee Dalkaasi Jarmalka inay xilka ka degto ka dib markii Jaamacaddii ay sheegtay inay ka soo qaadatay Shahaadada Sare ee PhD ay daaha ka rogtay in haweenaydaasi ay qayb ka mid ah buugii qalin-jabinta soo min guurisay, ka dibna ku sheegtay hal-abuur iyadu ay curisay. Culays ka dhashay falkaasi been- abuurka ah ee ay haweenaydaasi ku kacday ayaa ku qasbay inay iska casisho xilkii ay dalkaasi u haysay, iyada oo waliba sida warbaahintu werisay saaxiib dhow la ah haweenayda Wasiirka 1aad ka ah dalkaasi. Waa tusaale nool oo muujinaya in bulshadu ay ka dhiidhido qaadashada darajo been ah. Run badnaayaa Marxuum Gaarriye AHN, markuu lahaa “Haday dunida ceeb tahay, Dus-duskiyo khiyaanadu, Noo dabeecad weeyaan!”
Guntii iyo gunaanadkii, waxa aynu u baahanahay in cid walba itaalkeeda iyo qadarkeeda aynu u u dayno, derejooyinkan ina hodayna aynu u hawl-galno hadii aynu sidaa u wada caashaqsanahay.
Abdirahman Adan

No comments:
Post a Comment