Steps towards smart cities


Many energetic and tech-savvy people, mostly, youth, are now engaged in non- productive, rather self-destructive, internet-based misdemeanors. We can create a better situation where such talents can be utilized wisely and for the greater good. In a well-regulated atmosphere, when properly trained and guided, some of these youth, at the very least, would have turned out, not only adept in the use of modern technology, but also effective social entrepreneurs. Innovation and new ways of doing things, would have been the modus operandi of the industry. In the process, they would have simplified people’s lives; and most importantly, would have contributed to solving city life puzzles. They would have responded to the needs of the netizens by coming up with marketable business ideas and mutually benefitable economic transactions.  

In a slowly, but certainly changing cities and towns that are prematurely turning to smart cities, such IT-related proficiency is the new way of doing businesses and prototypes.  It is true that a single Somali city can neither earn, nor claim the definition of a smart city, in which technology is the central pillar of all city administration undertakings. But, to be fair, some have already taken great strides towards this direction, albeit unseasonably.

Mobile money payment system, for instance, has been in use for over a decade, meaning people could buy goods and services through electronic payments; school fees, hospital and utility bills have long been cleared using mobile technology. Diaspora members can send family bills back home at the comfort of their living rooms and workstations. Lately and to a lesser extent, some government taxes can now be settled using online platforms. Internet-based taxi and bus operators is about to revolutionize a business model that had been functioning in the same way for ages.  Grocery can now be ordered and delivered at your doorsteps; and ATM machines are increasingly available in designated areas in major towns. Nevertheless, progress in this front alone, wouldn’t make cities smarter.

This paradigm shift is, interestingly, happening at a time when city residents are still struggling in getting reliable garbage collection services, let alone tarmacked and well-maintained roads and provision of other basic urban services. Unregulated and uneven development, some might call it. Urban development experts dubbed this phenomenon as uncontrolled, unguided, and unplanned exponential urbanization. Unlike other African cities being built or planned as smart cities, Somali cities are taking this shape by default not by design. The common denominator of all these so called “smart cities” is the wish to solve poverty and economic stagnation problems through tech-based solutions.

You might probably be reading this note from your smartphone, but now discussion is centered around smart cities. Smart cities, generally, embrace technology to provide social services, develop infrastructure, improve transportation and city connectivity; and normally solve city problems with innovative and technology-based techniques. This is partially happening in our country, but within the framework of unregulated and not coordinated business environment. To make best use of these positive developments, some huge challenges waiting ahead need to be addressed. These include, of course among other important factors: clarity on policy frameworks, availability of affordable energy, reliable internet connectivity; efficient infrastructure system, getting and retaining qualified workers with the right camaraderie that can respond to the demands of a very competitive market, that often brims with 21st century skills.

As they say, if there is a will, there is a way. If our youth, who are now engaged in shallow, plethora tribal discourse on social platforms is seriously fed up with a mere tokenism; and ready to face world market competition, then they could be an important building block for making our cities smarter; and by extension contributing to achieving sustainable development. This is if and only if, all stakeholders; and chiefly, policy makers, are also equally prepared for the tests and trials waiting ahead and the next level of competition.

Abdirahman Adan Mohamoud

E:-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Fasax iyo Fiirsasho

Bil fasax ah oo aan Boorama ku qaadannay, iyo laba usbuuc oo aan Hargeysa shaqo ka hayey, qoyskuna ila socday ayaa soo idlaaday. Allaa ilehe fasax iyo safar fiican buu ahaa. Fasax buu ahaa ku soo aaday, goor aan arlada ka raagay, dhulku cagaaran yahay, roobku da’ay oo Karantii curatay. Wuxuu ahaa fasax ku soo beegmay, amin loo baahnaa; mar dunidu si gaabis ah, balse ka soo raynaysa uga soo kabanayso aafadda Koofidh iyo kadeedka ku lammaanaa. Ka soo kabashadaas ayaa suurtagalisay in dad badan oo labadii talaal soo qaatay, arladana ka raagay, dalka soo booqdaan. Isla furfurnaantaas ayaa sahashay inaan la kulmo dad aanan muddo dheer is arag. Qaarkood oo aan arday hore isku ahayn, malaha 30 sanno la isma arag.

Ganacsi Xaami ah

Isbeddel weyn ayaa ka muuqda magaalada Boorama. Aad bay u balaadhatay, walina xawli ayay ku socotaa. Way fiday oo faaftay. Awal waxbarasho uun baa loo soo raadsan jiraye, hadda suuq ganacsi oo xaami ah ayaanay dardartiisu yareyn. Meel walba meherad baa laga furay, qaarkood waa casri waqtiga la socda. Habeenkii ilaa saacaddo dambe, magaaladu way cammiran tahay, subixiise, qolyaha ganacsigu gaar ahaan, hore uma furaan. Hargeysa iyada waa la iskugu yimid oo tartan kuma jirto. Xaafadaha qaarkood oo la deganaan jiray ayaa iyada mar hore suuqyo loo geddiyey. Ganacsi cayn walba leh, heersare ah oo shidan ayaa ka hirgalay. Xoogsato iyo xirfadlayaal shaqeeya, karti leh oo la isku halayn karo markii la waayey, shisheeye ayaa suuqa ganacsiga daf ka soo noqday oo aad meelo badan ugu tegaysaa. Hadda waxaynu ka hadlaynaa, dal dadkiisa inta ugu badani, inay camal la’aan yihiin la sheego. Xirfaddii loo baahnaa oo aan jirin iyo dhaqanka shaqo ee dadka oo aan la jaanqaadi karin baahida suuq xawli ku socda ayaa ganacsato badan ku dirqiday inay shisheeye xirfad iyo adkaysi shaqo leh dibada ka raadsadaan.

Kala iibsiga dhulka iyo dhismaha guryuhu waa suuq dardar badan. Ka hore, faa’iido buuran oo degdeg ah ayaa laga raadiyaa, taasina dadka nolosha way ku adkaysay. Ka danbe laftiisu waa macaash doon, laakiin guriyeyn, xoog shaqo iyo dhaqdhaqaaq ganacsi ayaa ka dhasha. Sidaas oo ay tahay, ma fududa inaad guri kiro ah oo banaan heshaa. Seeska marka la jeexo, ayaa meelaha qaarkood carbuun la dul dhigaa.

Wada Mastar!

Waxbarashadu sidii bay u dardar badan tahay. Dugsiyadda Sare ee magaaladda Boorama gudaheeda ku yaaal, waa labaataneeyo. Jaamacadaha oo Cammuud iyo Eelo ku kooban (muddadii hore/dhexe) haddii aad ogayd, maanta way tiro bateen. Toban armay ku dhow yihiin. Haddii aad awal ogayd, dadka Boorama jooga- bilaa camalku haba ku batee oo tirada jaamiciyiintu ku badan tahay, maanta la isma waydiiyo jaamici ee digriiga labaad bay sheekadu taagan tahay. Midhaa dadkii waa wada Mastar! Yacnii digriiga labaad ayay dad badani qaateen. Taas oo jirta, tayada tacliinta su’aal ayaa la iska waydiiyaa. Inay hoos u dhacday, halkii ay ka sii adkaan lahayd ayaa loo badiyaa. Se waa arrin mudan in si weyn loo daraaseeyo.

Caafimaadka.

Tiro badan oo dhakhaatiir iyo kalkaaliyayaal ah ayaa jaamacadaha gudaha ka soo baxay. Baahi weyn runtii way dabooleen, laakiin ganacsiyaynta adeegga caafimaad ayaa khidmaddan aan laga maarmin ka dhigay, mid inyar oo koobani ay goyn karaan. Guud ahaan, weli sidii baa banaanka daawo iyo caafimaad loogu doontaa. Wali sidii baa halka Addis ugu dhawdahay, Hindiyana ugu dheer tahay, adeegyo caafimaad oo qiime sara ku kaca loogu raadsadaa.

Koofidh oo dunida farobaas ku haya, 18-kii bilood ee u danbeeyey, Ilaahay dalka waa uga naxariistay. Beryahan danbe, cid uu ku dhacay iyo cid hadal haysa maqli maysid. Dad kooban, xirfadlayaal caafimaad u badan ayuu weli taxadir ka sii muuqdaa. Aniga ruux ahaan, bil iyo badh xorriyad aan ku naaloonayey ayay iiga dhignayd. Afsaab, heerkul la iska cabbiro, kalafogaansho iyo masaajid sijaayad loo sii qaato, wax aan muddo ka nastay ayay ii ahayd. Galladaasi waa mid Guulle arladeena ku manaystaye, yaan laga abaalka dhicine, Rabbi ha loogu mahadnaqo. Alxamdulilaah. 

Jidxumo

Waddooyinku way burbureen markii ay waayeen dayactir joogto ah. Qofkii aan xog-ogaal ahayni, is odhan maayo jidadkan ayaa hore loo dhisay. Mar bay laami ahaan jireen boholahani, is odhan maysid. Wallay ka tahay! La yaab ma leh oo heerka burbur baa gaadhay mid aan la malaysan karin.

Qashinka iyo eyda wax la qabatimay, in laga soo qaaday baad moodaa. Meel walba si basarxun ayaa xashiish loo dhigaa. Dadweynaha oo maamulka uun canaanta saara ayaan laftoodu dhaamin oo qashin basrin xilkasnimaysan aan marna laga arag. Dad Muslim ah, og nadaafaddu halka ay iimaanka kaga jirto, haddana qashinku aanu dhibin, waa Allow sahal. Biyaha wasakhda ah ee  guryaha hortooda iska dareeraya ha ilaawine ku dar foolxumadda la qaayibay. Guryo sidii sebi sankiisa siin ka dareerayo, goor walba hortoodu qoyan tahay, wax la dhawrto ka weyn. Yeelkeede, imika ahaan, ugu yaraan baraarug guud baa maamulada cusub la dhashaye, bal aan dhawrno dharaarraha.

Baraha Bulshada 

Dadku waxa ugu badan ee ay ka sheekeeyaan waa siyaasad reeraysan. Iyadba waa yaabe, waxa ugu weyn ee maamulideeda aan meel wanaagsan wali la saarina, waa isla iyada. Tamarta intan leeg haddii bahasha la galinayo, horumar intan ka weyn sow in maareynta danta guud laga arkaa ma habbooneyn? Haa laakiin, ayaandarro, sida looga hadlaa, waa ku dibirodhacsi, qofayn, reerayn iyo qaayotir.

Adeegsiga baraha bulshada, qof ahaan inaan ku haftay baan isku qabay oo aan ku danseegaye, duul iga daran baan arkay. Ugu yaraan anigu, haddii aan dad la fadhiyana ku mashquuli maayo, inta aan shaqo ku jirana waan aqaan hawshayda, masaajid haddii aan galana, telka gacanta shaqo iskuma lihin. Dad badan oo waxaan arkay intaasi aanay u kala qalnayn. Hadday kula fadhiyaan, Facebook bay ku fooraraan, haddii ay masaajid ku jiraanna, faruhu inay cuncunayaan oo salaaxidda shaashada ay ku dabiibayaan baad moodaa. Waxa ka sii daran, mid aanad hal baadi ah waydiiseen, wuxuu soo feegaray (oo naxli u badan) ayay war ama ajande, rag waaweyni kaaga dhigayaan. 

Si xun u adeegsiga teknoolajiyada casriga ah ayaa halis ku ah, is-ahaanshihii bulsho, habfikirka dadka iyo wadajirka guud. Duul aan adduunaragoogu fogayn ayaad moodaa inay hab-fikirka bulshada hadba dhan danta guud ka madhan ula caaryayaan. Dadkuna, si hogseeg iyo fiirsasho la’aan ah ayay hagardaamadaas guri-ku-korka ah, ugu lumaan.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Isla-shawr

Iska lugee maanta waa todobaad-dhammaad oo gaadiid socon maayee. Magaaladuba sidan bay ku wacnayd ma is tidhi. Haa waxa intaas sii dheer, qorax ku gubaysaa ma jirto. Waa diirimaad jidhku u baahan yahay, balse aan ku dhibayn.

Haddii aad maalin walba saacad-socodkaas joogtayso wacnaan lahaydaa. Sow ma ogid, jimicsi-jidheedka hadda ugu wax-ku-oolsan ee la isku raacsan yahay inuu socodka yahay. Haa laakiin sowniga inta badan ku dadaala. Waar saaxiib waan is ognahaye, nala saayir. Ma inaad niyada ka jeceshahay, mise inaad kaga dhabayso. Ta hore way jirtaa, ta danbase, mooyi.

Oo heedhe maanta socodka maxaa wehel kuu ah? Waan ogahay inaad jimicsiga kolay faraqabsi kale dhex wadee.

Waa sidaa, marba waxbaan ku ladhaa. Maanta laba barnaamij oo min 30 daqiiqo ah ayaa daawaha ii saaran. Waa Podcast-yo dhegaysi ah. Midi waa Mufti Menk oo ka hadlaya sida ay lamahuraan u tahay inaad dhaxal togan ka tagtaa. Wuxuu ku nuuxnuuxsanayaa in aqoon dadka anfacda oo qarniyaal waarta laga tago. In qofku isku dayo inuu ifka kaga tago dhaqan fiican oo lagaga daydo, xitaa marka uu dunida ka huleelo. In sadaqad kuu socota la maalgashado oo dhaxal ahaan looga tago. Dugsi, ceel iyo goobo caafimaad haddii aad itaal u waydo, geed la hadhsado ama miro laga gurto, miyaad tamar u wayday, ayuu dhegaystaha ku tirtiirsanayaa.

Isaga oo Sheekhu malaha dadkan danbe si gaar ah ula hadlaya, wuxuu leeyahay:

“Ogaada Tiktok oo kaliya, hadba sida aad u adeegsato ayaa liibaan iyo guuldaro, labaduba waara kuu horseedi kara”

Adeegsiga warbaahinta bulshada in xilkasnimo lagu ladho ayuu carrabka ku adkaynayaa.

Midka labaadna, waa barnaamij hore uga baxay idaacadda BBC laanteeda Ingiriisiga. Waa barnaamij ku dhex geynaya xaafadda Darayya oo 8 km kaga beegan Koonfur-Galbeed caasimadda Dimishiq ee dalkaasi Suuriya. Maalmihii dagaalkii sokeeye ee dalkaasi uu figta sare marayey, iyada oo ruux walbaa naflacaari ku jiro, magaaladuna go’doonsan tahay ayay dad ku fikireen inay sameeyaan maktabad qarsoodi ah. Hadda nafta meel loola cararo iyo wax lagu noolaado ayaan la hubin, markaasay dad carinta caqliga ka hormariya quudinta jidhku abaabulayaan maktabad qarsoodi ah. Waxay ku taal meel sagxad hoose ah oo daara dumay hoostood ku taal. Qarsoodi baa lagu soo galaa, laga gana baxaa, si aanay xabbadda dhacaysaa kuula tagin, ama ragga dhoogta ku talaxtagay ee daaraha dhaadheer saarani, xabbad kuula eegan. Wixii ay buug heli karayeen ayay si qarsoodi ah meesha u keeneen. Dad badan bay maktabadan qarsoodiga ahi gabbaad iyo goob wax akhris oo isku jira u wada noqotay. Goob bay noqotay, rajo abuurta, xili rajo xumo baahsani jirtay oo yididiilo beerta.

Dadka iyaga oo waayahaas ku jira dadaalayey ee aan isdhiibin uun baan agdhigay dadka iyaga oo caafimaadqaba, saacaddo aad u badan, qayil, sheeko ama internet wakhtilumis ah ku qaata. Waxbarasho ha sheegin, waxsoosaar iska ilow, waxqabsasho hadalkeedba daa. Allow aanaan dunida dulsaar ku noqon.

Isku soo duuboo, intan aad isha marisay, waa shawr iyo naf isla faqaysa. Waa isla sheekaysi nafeed oo haasaawaha maskaxeed ee ka dhex socda ina dhex qotominaysa.

Maanta halkaa ha inoo joogto.

Nooli kulante.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 


Buunka Istoosinta

Halka dadka dal iyo dawlad wadaaga lagu sheego dhinacyo heshiis bulsho ku wada jira, una wada hoggaansan xeerar ay isla qaateen, innagu tamar badan waxaynu ku bixinaa tororrogta aan ku xiiqno, maalinta magac ahaan mid reerka ahi mindida daabkeeda hayo; manfac ahaanse laga qatan yahay. Marka laga yimaad adeegbixinta lamahurraanka ah ee ay tahay in dadka laga haqabtiro, maamulada mas’uulka ahi waxay xaqiijiyaan sugnaanshaha wadareed ee bulsho. Waxay dadkooda u abuuraan is-ahaansho guud iyo baadisooc dhaxalgal ah. Waa kuwo dadka iskudubarida, haga ee hadba hawl cayiman, waqti muddaysan ku jiheeya. 

Innagase guuli waa wali inta adiga oo difaaca qolyaha guudka u baxay ku ambaday, haddana shaqo walba socodsiinteedu madaxaaga saaran tahay. Qashinka basrintiisa lacag gaar ah baad ku bixisaa; wiilkaagu garoonka uu kubadda ku ciyaarayo, lacag inaad ka shubto weeyi; dugsiga uu tago iyo agabka waxbarashada mid walba adduun baad dhaafsataa. Biyo si aad u heshid, ma firixfirix yarid ee addimo isdhaafay baad ku oonbaxdaa. Caafimaadku waa bayc, ruuxii dalka lagu dabiibi kari waayana, dibadda ayaad ula daaduuntaa; adduunkaas oo dhammina adiga dumaddaada weeyi. Hadda xusuusnow oo intaaba nabadgelyada kow baad ka tahay, qarandhiska qeyb baad ka tahay, sharciga waad u hoggaansan tahay; cashuurbixiyana waad tahay.

Wiilkii aad tacliintiisa shillin kasta oo ku baxa aad dusha u ridatay, ayaanta uu jaamacad ka soo baxo, shaqogeyntiisu wali adiga ayay ku sugaysaa ee la soco; saa ma jiro hanaan shaqogalin loo siman yahay, banaanyaal ah oo awood u leh meelayn micno leh. Hagarbax ma muuqdo, adigana saddex kuuma kala qalna: itaaldarro, gaabis iyo xilgudasho la’aan. Marka xaal sidaas yahay, hawlgalinta wiilkaasi waa dushaada. Tukaan u furtayaa, ina adeerkaa u baryo tagtayaa, tahriibisayaa, waa yeelkadaa. Waa halkaad isdhigtay!

Adeegyadii ay ahayd inaan helitaankooda gorgortanba la gelin, balse haddeer hadii la helo in badan iib ah, haddana aan iskaga iimaan qabno, waxaaba ka sii daran micnotirka iyo maydhaanka aan xilgudashadii badnay. Innaga oo sidaas cidlo u taagan, kana faramadhan intii aan xaqa u lahayn, misana, iyadba waa ibtilee, mar haddii kursiga mid reerka ahi ku fadhiyo, waxba inagama maqna. Inay kalkeenii tahay kaliya ayaa inaga farabadan. Warkeenu waa dhammays inta aan maqaaxiyaha iyo goobaha fadhikudirirka, intan danbena baraha warbaahinta, ka botorin karno. Ayaamahaas tirsan, wax walba waxa inooga mudan difaaca kursiga uu ku fadhiyo ruux aan hayb wadaagnaa. Magacaas guud iyo difaacaas aan la inoo ogayn ee aan ku xiiqnay, inteena badan waxba inoogama hooseeyaan. Waxa inoo dheer, marka ninka rakada fuuli raba uu damac wado ama dantiisa teena lagu deday difaacanayo, jeebkeena ayaa lagu soo noqonayaa, innaguna diyaar baan u nahay, hanti wixii aan hayno inaan u hurno sugida jiritaanka hanka reerka! 

Haddii xitaa kuraasta ay buuxiyaan kuwa maanta aan u aragno inay ‘kursigeena’ duullaan ku yihiin, adiga iyo aniga nolosheena waxba iska beddeli maayaan; aan ka ahayn, dhammaadka faankii aan meelahaa ka shubi jirnay iyo is-hafarkii aan iska dhigi jirnay in talada dalku gacanteena ku jirto. Sidii uun baan halganka nolosha kelideen ula xarbiyeynaa. Sidii uun baan adeeg aan xaq u lahayn helidiisa, haddiiba uu jiro, adduun door ah ugu doorsanaynaa. Mid sideenii oo kale danseeg ah, balse daanta kale ahina, mar kale iskugu xilsaari doonaa faan iyo difaac, midna aan loo miidaan dayin. Midkaasi oo inala duruuf ah ayaa isna markiisa, sideenii oo kale, ku if iyo aakhiraba seegi deedafaynta fikir iyo la xisaabtan cid isaga iyo aniga uga baahi badan aan la arag. Xaalkeena muhmalka ahina sidaasi ayuu iska ahaanayaa. Cidda ugu weyn ee ku hogseegtayna waa adiga, aniga iyo wadarta bulshada.

Wax ma beddeli karnaa?

Hadii aan habfikirkeenna iyo adduun-arrageena hagaajinno, wax weyn waan beddeli karnaa. Haddii aan maanka ka shaqaysiino, runta xaqiiqsanno oo hagarbaxno, wax way hagaagi karaan. Waliba kalkan maanta ah ee aan hebello talada qayb ka noqon raba kala xulanaynno, kansho mar la-arag ah baa ina hortaal. Jirtoo ay dhinacyo inaga madaxbanaani- xisbiyo, maamul iyo dhaqan- u muuqdaan inay iyagu shaxda degeen, misana kaalinteenu duljoogto kaliya ka badan, midhaa ugu danbaynta fartaada weeyi ta farqiga abadiga ah dhalin kartaa.

Asalkaba, goleyaal doorasho toos ah ku yimaadaa inay kaa wakiil noqdaan waa horusocodnimo. Waa awoodqaybsi iyo fursad aad kaga qaybgali karto samaynta berri maanta ka fiican. Ha yeeshee, doorasho aan isbeddel aayoleh keeni karini, waa tacabkhasaar iyo daal la taransaday uun. Doorasho aan dhaafsanayn baratan beeleed, waxtarkeeda, waxyeeladeeda ayaa ka badan. Sidaas oo ay tahay, oodo dhacameed siday u kala sareeyaan ayaa loo kala guraaye, bal heer shakhsi ruux walowba ugu yaraan, ayaanta ay kala doorasho joogto, hal su’aal oo masiiri ah uun jawaab waafi ah u raadi. Ayaa mudan oo aan doorkan maanta ah bilikeediyaa, mustaqbalkayga ku aaminaa oo nolosheena raad lagu reeyo ku yeelan kara? Ayaa codkayga sida ugu fiican iigu meteli kara? Ma ka aynaan hubin wuxuu gudo iyo wuxuu galo, amaba aan hore u soo tijaabiney ee aan la mahadin, mise ruuxa karti aan ku tuhmayno, markii uu banaanka joogaynna dhawrsanaa, imikana, ugu yaraan u muuqda mid fahansan waxa laga rabo?

Halkeen higsan karnaa?

Hadii dhaqankeena xulashada ama doorashada aan si dhab ah uga fekerno. Haddii caqligu cugashada hago, caadifadana aan xakame adag ku qabano. Haddii aan dad iyo dawladba ismoodsiiska ka gudubno, geeddi guryasamo horseeda raadkiisa waan ku joogsan karnaa. 

Waxa la joogaa amintii doodu noqon lahayd sidee loo abuuri karaa jawi qof walba shaqo heli karo, ganacsi abuuran karo, hoy hanti ahna degi karo, is-ogolaansho bulsho iyo qab ahaansho laabaha dadka buuxin karo. Si fudud, jawi ruux walbaa carruurta ku korsan karo cabsi la’aan, caafimaad, uursamaan iyo yididiilo. Sirta fahanku waa ka go’naan, wax isku geygeyn, is aaminaad iyo dhinac u wada guur. Allow garansii nin moog.


WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Soonka iyo Ferenjiga

 

John iyo Olol waxay ka wada hawlgalaan shirkad ka shaqaysa soo saarida shidaalka. John ayaa madax ka ah. Shaqaale door ah ayuu maamulaa oo la shaqeeya. Qaar badan oo ka mid ahi way sooman yihiin, maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Olol isagu waax buu madax ka yahay, si dhow ayayna John u wada shaqeeyaan.

Maalin dheer oo shaqo ayay u ahayd Olol. Aan idhaahdo maalmo shaqo oo hawl badan, sababta oo ah, beryahaaba, culays shaqo ayaa saarnaa. Koox loo xilsaaray inay soo diyaariyaan warbixin sannadeed ayuu Olol madax u ahaa. Waxa laga rabaa inay warbixin ka keenaan waxsoosaarka shirkadda, koboca maalgashiga, saamiga shirkadda ee suuqa, tayaynta shaqaalaha, caqabadaha maamul, hirgalinta talobixintii hantidhawrka madaxabannaan, hirgalinta siyaasadda casriyeynta iyo u guurida qaabxisaabeed adeegsadaha la saaxiib ah, tartanka suuqa, iyo waayo-aragnimada sannadkaas la kasbaday.

John waxa uu mar walba iswaydiiyaa Olol iyo dadka la mid ah ee sooman, balse shaqadoodu aanay wax la sheego isdhimin. Dadkan sooman, afka aan waxba marinayn biyona ku dhahoo, haddana firfircoon ee shaqaynaya ayaa ka fikirsiiya. Wuxuu ogyahay inay sidaa ku jiraan maalintii 13 saacadood iyo saa’id, muddo bil ah. Dareenqaybsi si uu u muujiyo, wuxuu ku dhaqaaqay inaanu wax cunin inta ay la joogaan jaalayaashiisa soomani. Maalmahan, wuxuu aad u rabaa inuu ka warkeeno oo bal horta soomo, ugu yaraan hal maalin.

Waayo-aragnimadiisii soonka halka maalin ahaa ayuu maanta John ka warbixinayaa. Waa marka koowaade, waxa uu dhib aan yarayn ka mutay u kicida suxuurta. 4:30 subaxnimo inuu kaco ayaa lagula taliyey; saa habeenkii ayuu soojeedka ku raagaa oo abiidaba kallahaadda arooryaad way dhibtaa. Dhawr subax markii uu suxuurtii seegay ayuu maalintii danbe si cagojiid ah u kacay oo suxuur u samaystay.

Waa marka labaade, waxa kale oo uu sheegay inuu dareemay gaajo wax la mid ah aanu waligii arkin. Dareen iyo baahi noocaas ah abid inaanu soo marin ayuu hoosta ka xarriiqay.

“Wax kaleba ha joogee, harraadka i helay, wax loo adkaysan karo wuu ka weynaa” ayuu leeyahay isaga oo ka warramaya oonkii soo maray. Wuu sii wadaa oo waxa uu ka hadlayaa sida dadka Muslimiinta ahi ula qabsadeen.

“Idinku waxaan filayaa, yaraan ayaad ku bilawdeen oo waad la barateen oo la qabsateene, qofka aniga oo kale ah, dhayal wax uu u adkaysan karo ma ahayn”

Intaas waxa uu ku daray, casharka ugu weyn ee uu ka bartay soonkiisii halka maalin ahaa: waa adkaysiga shaqaalaha sooman, shaqaynaya ee aan haddana waxsoosaarkoogu isbeddelayn. Il gaar ah inuu maanta ka dib ku eegi doono, garawshiiyo iyo ixtiraamna ay ka mutaysteen ayuu sheegay.

Olol ayaa uga mahadnaqaya dareenwadaagga, uguna daraya inuu soo jirrabay oo ka warkeenay waayo-maalmeedka malaayiin qof oo Muslimiin ah, gaar ahaan maalmaha soonka. Sidoo kale inuu hadda wax ka malayn karo nolosha ay dadka saboolka ahi joogto ugu nool yihiin, ayuu u raaciyey. Wuxuu si kaftan dhable ah ugu sii darayaa:

“Kaliya waxaa kaa maqnaa uun dhadhanka iyo macaanka ruuxiga ah ee ay dareemaan Muslimiinta soomani, gaar ahaan carbinta ruuxda, jadiidinta iimaanka, sabirka, Alle u dhawaanshaha iyo ta ka wada muhiimsan, rajaynta abaalgud wax loo dhigaa aanu jirin”

FG: Qormadani waxay ka dhalatay wada sheekaysi na dhexmaray dhowr qof oo sifaha John leh.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

Email:abdirahman.adan@gmail.com


 

A year of restrictions: Opportunity for reflection

 

Last year late February, I was traveling to Hargeisa from Nairobi via Addis Ababa. It was weeks before World Health Organization declared COVID-19, as a public health emergency of international concern.  But considering the crowds at airports with minimum COVID-19 protocols could potentially turn as super spreader, I bought my first kit of facemasks. Onboard the flight bound to Addis, I happened to sit close to a group of Somali businesswomen. Wearing facemasks, while glasses off and deep reading a book, I could overhear one of the women pointing at me and uttering:

“This small-eyed man, now covering his mouth and nose is from those spreading the virus to the world”.

Another woman, evidently not aware of their racist remarks agreed to her instantly and even went further.

“Cover up or not, we are Muslims, and this will not affect us” she laughingly said.

In those days, some famous clerics breached that Muslims are immune from this virus. It was so early to the extent that WHO, a specialized technical agency issued somewhat conflicting statements on safe methods to effectively curb the disease.

Pretending as if am not following their conversation, just continued reading my book. I did it by purpose, though. A friend of mine experienced similar sentiments while working with an international organization. A crew from a neighboring country along with him were living in a local hotel in Hargeisa. But the female hotel staff responsible for hotel’s upkeep, naively assumed they were all foreigners. They continued to use vulgar language, albeit in Somali, to describe the team. Later, my friend, determined to put this to an end, would talk to them in the local language. They got so embarrassed and at least one of them almost fainted. That is why, I didn’t want to overreact and drive them to that level.

After a five-day trip to Hargeisa and Borama, I proceeded to Mogadishu, where I planned to work for four days. But, witnessing outpour of travelers from Mogadishu and the aggressive spread of the virus, I decided to come back to Nairobi. I didn’t want to be affected by the travel bans and other restrictive measures while outside my base and away from the family. Two days to my return, Kenya was partially locked down: all schools closed, work from home modality adopted, restaurants closed, prayers in mosques suspended and travel bans enacted.

International schools were very quick and responsive. They immediately introduced online learning platforms, where students can access classes from the comfort of their homes. But still teaching staff needed some training or at least to get acquainted with the new platforms and devices. For parents, many of whom already suffering from economic shocks of the pandemic - layoffs, salary reductions etc, this meant additional burdens. Children needed internet-connected gadgets with reliable connections to follow the online learning sessions. Still the vast majority of them remained out of schools as very few could afford this option.

Working from home modality, on the other hand, proved less dramatic. All stakeholders- team members and counterparts- all in panic, kept calling for never-ending online meetings, partly to catch up and partly, perhaps, to make sure that each other isn’t falling fast asleep but working and delivering.

For me, in addition to other restrictions, the closure of mosques particularly in Ramadan hit hard and was a big blow. A month of countless blessings and reflections, I could hardly cope with this. Simply, it was a Ramadan like no other.

As people back home first reacted indifferently, sadly many even denied the seriousness of the situation, I had a chat on this with my children. Exploring how they could possibly contribute, I asked if they would like to convey any message to the general public. Mabruka (13) at the time and Muwahib then 12, penned down a kind of advisory, in which I shared through my online platforms.

Now after almost a year, with devastating socio-economic impact, the virus with its more aggressive variants is cruelly causing further havoc. Here in Kenya, hospital beds are reportedly jammed, while ICU facilities are fully occupied. The country is again under partial lockdown, albeit stringent containment measures this time with less cushions to mitigate economic effect. Schools are once again closed, places of worship banned, restaurants serving only take-aways and curfew hours not only maintained but also extended.

Even in my wildest dreams, did I ever think of another partial yet stricter lockdown. Needless to mention the awkward timing of this, as it coincides with the beginning of the Muslim holy month of Ramadan. If mosques remain closed, God forbid, it will be the second Ramadan in a row we miss the blessings and benefits associated with congregational prayers- a lifetime record that will go down in the annals of history books.

At the end of last year, I asked Mabruka and Muwahib to review and reflect the year of 2020. They wrote touching pieces entitled 2020 Rewind and 2020 Year in Review, respectively. They summarized all the year’s ups and downs, special encounters, and its remarkable remembrance. In this regard, I believe, there is nothing more beautiful than borrowing few sentences from Mabruka’s closing remarks to conclude this:

“We need more love, compassion and empathy. We need to give up fomo, comparison and jealousy. So much pain was experienced just in one year. The pain wasn’t welcome, but nothing else could have made the change occur.

The choices we make now will affect future generations just like their choices in the past affect our situation.”

Abdirahman Adan Mohamoud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

 

 


Hirdan iyo Hilow

 

Nafqaybsi

Libdhe maalmihii nafqaybsiga lahaa ee gacanta wax la wada galin jiray. Maalmihii dadku isku wareegi jiray ee jaarka wax la la soo cuni jiray ama ba la la soo seexan jiray. Maalmihii ducada iyo Allebariga la iskugu yeedhi jiray. Waa beryihii nin quud jecel oo malaha cabbiraya farxadda, laga sheegay inuu yidhi, “Waxaan ugu farxad badanahay, marka meel duco ah la joogo, cuntada la soo dhigayo ee qofka wax qaybinayaa nagu amro inaan afar afar u fadhiisano!”

Laakiin, dadku wali sow isma taageeraan. Wali sow, iyaga oo kala fog, haddanna sidii iskuma saacidaan. Sow qaabab cusub oo istaageersi bulsho ahi ma soo ifbixin oo ma hirgalin. Sow nin iska qayilaya oo badh go’ ahi, isaga oo aan isba dhibin, telefoonkiisa gacanta garraaci maayo oo mid tol ah, ama garasho ah, inta uu mirqaanku tuso, aayar uun toban doolar ku soo shub iska odhan maayo. Sow ruuxaasina, ilayn waa qof wax la soo moodee, wax uun u diri maayo xarriifkaas faarta mirqaanku u shaqaysay!

Bar-kulan

Tage maalmihii geedka xaafadda hortiisu ahaa bar-kulanka ugu mudan ee lagu kala warqaadan jiray. Ku daaye maalmihii firaaqada badan la haystay ee maanta oo dhan haddii aad doonto aad geedkaa ka hoos sheekayn jirtay. Beryihii, marka lagu raagsado ee aad sheekada geedka isku ilawdo, ileen telefoon ma jirine, mid kaa yar laguu soo diri jiray ee qadadii way qabawdaye, soo kac uu ku odhan jiray.

Balse imikadanba, sow halkii geedka, goob kale uuni ma beddelin. Bar-kulankaas cusub maqaaxi inay tahay, u badi. Wali marka aad sidii sheekada iskugu ilawdid, halkii hooyo cid kaaga soo diri jirtay, sow hadda xaasku farriin gaaban oo qoraal ah kuuma soo qorto, amaba telka kaama soo wacdo.

Oo heedhe adigu ma soo ma hoyde ayaad tahay? Miyaa mar walba laguu yeedhayaa? Mar walba waa lagu raadinayaa miyaa? Mar qof lagaa soo daba diro iyo mar telka lagaa soo wacaba, ma kuu raadco uun baa? Way jirtaa, balse mooyi sheeko jacayl, danseeg, gole ka muuqasho iyo wahsi waxay kaa tahay.

Dad is xaal og

Ku daaye waayihii bulshadu iska wada warhaysay ee is-xaal-ogayd. Waayihii reerka dariskiina ah, waxa ku soo kordha, khayr iyo shar aad xog-ogaal u ahayd. Maalmihii la iska war hayey ee ka dhibtu soo gaadho iyo ka badhaadhe helaba la la ogaa ee aan oodda la kala rogan jirin. Waa ka hor inta aan aqalada waaweyn ama sarraha dhaadheer, ganjeelada gaadh la dhigan. Maalmihii, marka waagu beryo ee daarada la xaadhayo, maxaad ku barideen, iyo barinaye, ma barideen ama ma soo toosteen la isku salaami jiray. Weedhahani salaan kaliya maahee, waa bariido xeeldheer oo bedqabka xubnaha qoyska lagu hubinayo. Waa isku san-banaani, lexejeclo iyo is- ahaansho bulsho. Imisaa iyaga oo hurda ay ka haaday!

Dhinaca kale, si kasta oo loo kala fogaaday oo daafaha dunida loo kala tegay, sow dadku qaabab cusub iskuguma xidhna. Sow aalado casri ah oo dadka xidhiidhiyaa ma soo bixin. Maalin walba, marka aad booqato Faysbuugga, sow aroos ama tacsi cid aad garanayso uguma tegtid. Iska daa degmadda aad ka soo jeedee, sow lama socotid wixii ku soo kordha ehelka, qaraabada iyo macaariifta, meeshay doonaanba ha joogaane. Sow markaaba kuma soo gaadho geerida cid garasho ah haleesha, hadday doonto haba ka dhacdo Lima, Peru ama Manila, Filibiine. Sow markaaba ma ogaatid arooska qoys garasho ah oo ka qabsoomay Cape town, Koonfur Afrika, ama Lisbon, Boortaqiiska. Isku wareegga iyo is booqashadu, hoosba ha u dhacdee, sow adduunweynihii iskuma soo dhawaan oo si weyn iskuguma xidhmin.

Isku xidhka waalidka

Heer shakhsi, sow hooyo marka aad WhatsApp-ka ku sheekaysanaysaan, wax la xidhiidha ehel, qaraabo iyo  jaar, mar walba sow tii warka ku soo darta maaha. Jeer oo aad isku haysato inaad dadka kala taqaan, sow mar walba dad aanad aad u saxayn, ama tohoyasho dheer ka dib uun aad garataa, sheekada ma soo galaan.

“Islaantii heblaayo ee yarkii ina hebel dhashay. Tii dee ay ayeeyo labada ilma adeerta ahi kala dhaleen, anigana habaryarta ii ahayd, adigana mocooyda kuugu beegnayd miyaad ilawday?”

Hooyo islaantaa aad uma xasuusto.

Waar ma waxaanad garanayn, yarkii Cabdikaafi ee markaad yaryaraydeen aad malcaamadda wada dhigan jirteen. Waa hooyadii dee qofka aan kuu sheegayaa.

Sow markaas, sidaadii qof maahsanaa oo hadda soo baraarrugay magicii xaajiyadda ma heshid. Sow waliba kuma sii dartid, haa inankeedii kalena, waa kuwii hebel (shoodhahaaga), iskuulka wada dhigan jiray.  Ninkaasi waa kii dhoofay oo Maraykan buu joogaa. Kii ka weynaa, Allah ha u naxariistee, waa kii dhintay. Sow markaa sidaadii iskama daldalantid!

Sow ma xaqiiqsatid, in la hadalkaa hooyo mar walba dib kuugu xidho, duni iyo xusuus sii libdhaysa. Marar badan sow hilow iyo muhasho kuguma beero. Sow mar kale ma yaqiinsatid kaalinta waalidka ee isku xidhka ehelka, qaraabadda iyo macaariiftii hore iyo kuwa imikaba.

Fikir iyo waydiimo darandoorri ahi sow markaa kuguma dhashaan. Inaad  adigu kaalintaadii ka gaabisay, sow ma dareentid, gaar ahaan, markaad dhuuxdo sida kuwan aad dhashay ay halkaa ugu liitaan. Dee laakiin horta iyagu canaan ma leeyihiin  ilayn gaabiyaha u weyniba waa adigee. Kaalintii waalidkaaga ee xidhiidhinta, sida aad xarriiqa uga hoos martay sow markaa kuuma cadaato. Ma iskugu laab qaboojisaa in jiilba jiilka uu ka horreeyey uu ka dad jeclaa. Ma is tustaa  in facba, faca uu ka danbeeyo u sii dhurranayo kaligii noole, kaligii quute ah. Deegaanka iyo duruufaha is beddelay tolow kaalin intee leeg bay saameyn arrintan ku leeyihiin.

Waar waxba deegaan iyo waayo ha ku meeraysane, qir kolayba kaalintii waalidkaa ee xidhiidhinta iyo ka warheynta dadka inaanad gaadhayn. Fahan in kuwa aad dhashayna, ay adigaagan isla yaaban, kaalintaadii ka sii gaabinayaan. Kuwa ay sii dhaleena, hadda waa kuwa ay sii dhaleen, dee mooyi kuwaasi si ay noqon doonaan.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

abdirahman.adan@gmail.com

 

Xasuusta Macallin Faarax Shuun


 

Sannadkii 1997-kii, markii aan diyaargarowga ugu jirnay bilawga waxbarashada sare ayaan xogwaraysi tagay, si aan u ogaado macallimiinta wax noo dhigi doonta. Ka hor inta aanay duruustu si rasmi ah noogu bilaabmin, hal macallin ayuu magaciisu aad iigu soo noqnoqday. Waa bare sare Faarax Cabdillaahi Fariid oo loo garan ogaa “Faarax Shuun”, Rabbi naxariiso janno ha ugu deeqee.  Anigu markaa, arag ha danbeeyee, maqalkiisa ayaa xataa kow ii ahaa. Cabdillaahi Xaaji Indhanuur (hadda madaxda Telesom ka tirsan) oo iga xog-ogaalsanaa, qiyaastiina Muqdisho macallinka ku yaqaanay, ayaan u waraysi tegay. Kuye waa macallin weyn oo jaamacaddo badan wax ka soo dhigay.

 “Ayaan baad leedihiin haddii macallinkaasi wax idiin dhigo,” ayuu niyada iigu sii qaboojiyey.

 “كل أمر لا يبدأ باسم الله الرحمن الرحيم فهو أبتر

Xadiiska kor ku qoran ayuu macallin Faarax far aad u qurux badan sabuurada ugu qoray, maalintii u horaysay ee uu fasal noo soo galo, goor aan malaynayo inay ahayd maalin ka mid ah bishii Octoober ee sannadkii 1997-kii. Sidaas ayuu macallinkii inta badan aan magaciisa maqlayay fasalkii u horreeyey magaca Alle ugu bilaabay. Fasalka sidaas ku bilaabmay, la yaab ma leh inuu noqday mid jid fiican jideeyey oo barako badan.  Xadiiskaasna maalintaas ayaan bartay.

Sida uu noo sheegay macallin Faarax, dugsiga hoose waxa laga qoray degmadda Saylac. Kooxdii labaad ee dugsiga halkaas ka bilawda ayuu ahaa. Ardaydii u horreysay ee dugsiga Saylac lagu furo, sida uu macallin Faarax noo sheegay, waxa ka mid ahaa, Xuseen Ceelaabe Faahiye (AHN) oo muddo dheer wasiir ka soo ahaa dawladihii kala danbeeyey ee Soomaaliya. Sannadkii 2019 ayuu qarax ugu dhintay Muqdisho. Dugsiga dhexe iyo sare, macallin Faarax hoygii Cammuud ayuu ku qaatay ka hor inta aanu waxbarasho jaamacadeed oo heerar kala duwan ah ugu bixin dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.

Waxbarasho sare

Maraykan markii uu waxbarashada u joogay bilawgii lixdamaadka sheekooyin badan oo qosol leh ayaa ka soo maray. Waxay ku beegnayd goor ardayda madow oo dhan la la yaabi jiray, mararna gobolada ay waxbarashada u joogeen wiirsi ay kala kulmi jireen. Wuxuu nooga warbixiyey qiso ka soo martay cuntadan loo yaqaan "hot dogs-ka", (hilib la farsameeyey oo saandwayj iyo soos laga sameeyo) Laakiin isaga iyo nin ay saaxiib ahaayeen Soomaali ahaan uun bay u micnaysteen oo qiyaastii way qaladfahmeen. Waxay u qaateen in hotdogs-ka laga sameeyey hilibka eyda, ka dibna shigni iyo basbaas lagu xawaasheeyey! Wuxuu yidhi meesha aan ku aragno ‘hotdogs’, mayl baan ka fogaan jirnay! 

Lama yaabin in macallin Faarax ‘hotdogs’ qaladfahmo bilawgii lixdamaadka, aniguba qarnigan kow iyo labaatanaad, haddii aanu oday “Google” i saacidin, hubaal uma sheegeen!

Maalintii toogashada lagu dilay madaxweyne John. F Keneddy, inuu si wacan u xusuusto ayuu noo sheegay. Waa Noofamber 22, 1963-kii, maalmahaas oo uu Maraykan waxbarashada u joogay.

NTEC iyo Lafoole

Ka hor intii aan la furin kulliyaddii macallimiinta ee Lafoole, National Teacher Education Centre oo NTEC loo soo gaabin jiray ayaa macallimiinta lagu tababari jiray. Faarax macallimiintii NTEC wax ka dhigi jirtay ee dalka barayaasha u soo saari jirtay ayuu ka mid ahaa. Markii danbe ee kulliyaddii macallimiinta ee Lafoole la furaynna, sannadkii 1968-kii, halkaasi ayuu shaqadiisii barrenimo ka sii watay, ka hor inta aanu dalka ka dhoofin.

Fartii shaqo galisay

Waxaan xusuusnahay mar uu nooga warramay shaqo uu ka helay shirkad fadhigeedu ahaa dalkaasi Liibiya. Codsi baan u qortay buu yidhi macallinimo ah. Sarkaal Falastiini ah ayaa shirkadda ka madax ahaa. Aqoondarro ama cunsurinimo mid ay ka ahaydba, sarkaalkii ha yidhaahdo codsigan cid baa kuu soo qortay, adigu af Carabigan ma qori kartid. “Aniga ayaa qoray” ayaan si kalsooni leh ugu tiraabceliyey buu yidhi. Inta uu qalin iyo warqad ii dhiibay ayuu yidhi halkan hortayda fadhiiso oo hadda qor. Dhawrkii sadar ee u horreeyey markaan qoray ayuu yidhi, bes intaasi inagu filan. Sidii ayaanan shaqadii ku helay. Waxaan shaqadaasi ku helay baan dadka, kaftan ahaan ugu odhan jiray buu yidhi, kaliya khadkayga (fartayda) Carabiga ah.

Luqad fudud oo la wada fahmi karo 

Mudaddii uu macallinka noo ahaa Faarax, wuxuu isku dayey inuu aasaaska luqadda na baro. Wuxuu aad u necbaa oo dagaal weyn la galay, dadka kelmadaha waaweyn iska raadraadiya. Luqad fudud oo la wada fahmi karo ayuu dhiirigalin jiray. In si dhab ah qofku wax u barto oo aan tirada sannadaha uun la tirsan ayuu nagu boorrin jiray. Buugtan waaweyn ee aad xambaarsan tihiin la falgalla oo dhuuxa ayuu odhan jiray.

Buugta uu wax nooga dhigi jiray, rag door ah ayaa saluugay oo ka xanaaqay. Iyaga oo ka cadhaysan buugtaas, waxay ku doodeen in buugtani yihiin kuwii atlasta lagu dhigan jiray, jaamacadna aanay u qalmin. Isaguse nuxurkiisu wuxuu ahaa in ardayga hadalka iyo qoraalka uu ka saacido, oo waliba luqad qurux badan, sahal ah oo la wada fahmi karo ardayda baro.

“Anigu xitaa boqoradda Ingiriis waan la kulmay, luqad fudud bay igula hadashay” ayuu mar noo sheegay. “Waxan waaweyn ee dirqiga idinkaga soo baxaya, dadku ma yaqaanaan ee iska dhaafa” ayuu mar walba odhan jiray. Ardayga kalmado waaweyn oo aan daruurri ahayn iska raadiya, qora ama adeegsada marka uu hadlayo, wuu qabsan jiray oo ku boodi jiray. Sidoo kale wuxuu si adag noogu leyli jiray xeerka astaamaynta qoraalka. Hakad, joogsi, in xaraf weyn lagu bilaabo eray kasta oo sadar ku bilaabmo, kicinta codadka ama hoos u dhigooda, dhawaqa saxda ah ee erayada iwm. Xeerarkaasi lama dhaafaan bay agtiisa ka ahaayeen. Qofka ilaalin waaya, waa loo kala baxayey. Maanta oo dhan ayuu hadduu doono ka sheekayn karayey gefka aan loo dulqaadan karin ee qofkaasi galay! Ka si fiican u ilaaliya miyaa, cirka ayuu gayn jiray, cid walbana wuu uga sheekayn jiray. Labada midna uma waayi jirin eray maad ah, lagu qoslo; xaqiiqadana ku salaysan. Hadaladii mahadhada reebay ee uu nagu sifayn jiray- canaan, carin iyo cisayn- ilaa maanta oo dhawr iyo labaatan gu’ ka soo wareegtay, marka ardaydii berrigaasi is hesho, wali waa mawduuc xiise leh oo waqti lagu qaato.

Maalmihii iskugu kaaya horraysay ayaan eray Ingiriisi ah, si qalad ah ugu dhawaaqay. Wuu iga saxay oo dhawr jeer ku celceliyey. Show inaan ka daba idhaahdo ayuu doonayay. Cabdikariim Cabdiraxmaan Aw Gamboole (hadda Kanada ayuu degan yahaye) oo i ag fadhiyey ayuu si lagu wada qoslay u waydiiyey: “Ninkani miyuu dhego laaya’ay!”. Aad baa la iigu wada qoslay!

Quraanka barta

Wuxuu odhan jiray haddii aad rabtaan in qoraalkiina aan laga xiiso dhicin oo dadku jeclaadaan Quraanka barta. Wuxuu ku celcelin jiray sida Quraanku u qoran yahay, waa la yaab iyo farsamo aan cidi keeni karin. Maalin dhan baan xusuustaa oo habqoraalka hagaagsan aan ku qaadanay suuradda “Al-Infidaar”. Waxa uu ku dabbaqayey qawaacidda habqoraalka toolmoon. Sida fikrad loo dhiso, loo soo bandhigo, haddana si asluubaysan oo xoog badan loo raaciyo weedho xoojinaya doodda ayuu ku nuuxnuuxsan jiray. Humaagyo aan maankayga ka bixin, walina i anfaca ayaan casharadaas ka dheefay.

Eray margi noqday

Macallin shaqo badan oo aan fasalka uun iska iman ee soo diyaargarooba ayuu ahaa. Ardaydanna sidoo kale waa ka shaqaysiin jiray. Cannaani kuma yarayn, oo dad badani cabsi ay ka qabeen ayay uga baaqdeen fasaladiisa, halka kuwa kalena, markii uu ka shaqaysiiyey, si wacan wax uga barteen.

Inkasta oo uu markaa 40 sanno iyo ka badan mihnadda macallinimada heerar kala duwan, meelo kala duwan, kaga soo shaqeeyey, haddanna bare aan is dhigan oo diyaarinta darsiga u hagarbaxa ayuu ahaa. Maalmuhu ma yarayne, subax uu cashar noo dhigayey ayaa weedh margi noqotay ka soo horbaxday.  Kalmaddan “Chlorafluaracarbons” ayaa ku soo baxday. Sida dadka qaar, ma qardajeexin, mana qarsan eraygan aanu hore u arag.

“Kalmadanni way iga danbaysay, waan se soo baadhayaa’ ayuu si daacad ah u yidhi. 

Rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee, marxuum Cabdiqaadir Cige Mataan oo fasalkayaga ahaa ayaa gacanta taagay. “Macallin waa ereybixin ay u istimcaalaan gaasaska walxaha qaar sii daayaan, isla markaana ka qayb qaata  fiditaanka dilaaca dahaadhka Ozone ka" ayuu yidhi isaga oo sharraxaya macnaha iyo nuxurka eraygan fahamkiisu adkaaday. (Cabdiqaadir, AHN nin wax akhriya, idaacadaha iyo barnaamijyadoodana aad ula socda ayuu ahaa).

"Oo yaa kuu sheegay” ayuu waydiiyey Cabdiqaadir (isagu Jibriil ayuu ugu yeedhi jiraye), isaga oo la amakaagsan jawaabta waafiga ah ee ardayga ka soo baxday. 

"Isagu waa abwaan oo wuu garanayaa" ayuu haddana macallin Faarax iskugu jawaabay. Erayga "Abwaan" waxa uu siin jiray ama uu ugu yeedhi jiray ardayda uu fahamkooda la dhacsan yahay. 

Kulliyadda luqadaha

Goor aan filayo inay ahayd 2012 ayaa gabadh ardayad Cammuud ka ahi ila soo xidhiidhay. Mugga dhawr qoraal oo aan feegaray oo Af-Ingiriisi ah ayay akhriday. Laye “Waxaan maqlay inaad Cammuud ka baxday, luqadaaduna aad bay u fiican tahaye, siday u dhacday?” Annaga taayadu hadda heerkaas ma gaadhsiisna, ayay ku sii kabtay!

Qoddobo aan is lahaa waa kuwo sal u ah kala duwanaanta ay sheegtay ayaan la wadaagay. Ha yeeshee qodobka ugu muhiisman waxaan u qabaa inuu ahaa fursaddii aan u helnay in macallin Faarax wax na baro. Dufcadihii u horreeyey ayaa doobir gaar ah u helay waxbarista macallin Faarax.

Markii sannadkii 1aad noo dhammaaday ee la kala dooranayay kulliyadaha la galayo, koox arday ah ayuu macallin Faarax si gaar ah u xushay. Sida laga warqabo labo kulliyadood oo kaliya ayaa markaasi la furi rabay: 1. Kulliyadda Tababarka Macallimiinta iyo 2. Kulliyadda Maamulka Ganacsiga. Culays xoogleh ayaa na lagu saarayey inaan galno kulliyada macallimiinta, laakiin waxaan maamulkii ka codsannay bal in cid kulliyadda maamulka warbixin naga siisa na loogu yeedho, maadaama macallimiintii markaa wax noo dhigaysay takhasuskoodu macallinimo u badnaa. Xasan Cumar Hallas oo aan markaa wali macallin/hormuud noo noqon ayaa na loogu yeedhay. Isaga ayaa fikrad naga siiyey oo nala wadaagay koorsooyinka lagu qaato kulliyada maamulka ganacsiga. Markii uu sabuurada ku qoray liiska koorsooyinka la qaato ayaa arday dhinaca danbe gacanta ka taagay.

“Macallin, koorsadaa waad laba jeer qortay” ayuu yidhi, isaga oo is leh macallinku malaha waa ilduufaye baraaruji.

Sida muuqata, ardaygaasi wuxuu isku qaldayey labada koorso ee ‘Macroeconomics iyo Microeconomics’.

Inta uu macallin Xasan qoslay, waxoogaa neeftuuray ayuu si kaftan ah u yidhi, “Waar shaqo iskuma leh; waa laba koorso oo aad u kala fog. Waad baran doontaan.”

Faarax ardaydaas uu la soo baxay waxa uu u rabay inay galaan kulliyadda luqadaha, si gaar ahna luqadda iyo suugaanta Ingiriisiga u bartaan. Ha yeeshee markii danbe kulliyadda maamulka ganacsiga ayay ku danbeeyeen intoodii badnayd.

Macallinimada ka sokow, arday ay aad iskugu xidhnaayeen macallin Faarax Allah ha u naxariistee ayaan ku jiray. Maalintii iskugu kaaya danbaysay, aniga oo Hargeysa ka tegay ayaan is aragnay. Si kalgacal, qiimeyn iyo qadarin leh ayaan isku qaabilnay. Shaqadii markii uu iga waraystay, ayuu ii raaciyey: “Madaamadii ka waran adeer”. Kelmadda ‘madaamad’ ayaan hore u soo saari waayey. Awal waan ogaa inuu xaaskayga aqoon u lahaa, balse mar danbe ayaan fahmay inuu xaajiyo Ifraax iga warsannayo.

“Waan idiin duceeyey ee salaan iga gaadhsii adeer” ayuu sii raaciyey.

Allah ha u naxariistee, macallin Faarax waxa uu xaqii haleellay 10/06/2009, isaga oo 72 jir ah. Si fiican oo milgo leh ayaa loogu sii galbiyey hoygiisii rasmiga ahaa. Tacabkii uu waxbarashada ku soo bixiyey awgii, waxa uu u qalmaa in meel muuqata loogu magacdarro, sida mid ka mid ah hoolasha waaweyn ee Jaamacadda Cammuud.

Rabbi ha u naxariisto oo ha u nuuro xabaasha bare sare Faarax Cabdillaahi Fariid oo ku magac dheeraa “Faarax Shuun”

Mahadnaq:

Waxaan halkan uga mahadcelinayaa asxaabta hoos ku qoran oo qayb ahaan, xogta qormadan aan ka xaqiijiyey:

1.     Cabdixakiim Axmed Faarax

2.     Cabdikariim Sh. Cabdiraxmaan Cismaan (Aw-Gamboole)

3.     Ifraax Maxamed Cabdi (Galbeedi)

4.     Barkhad Maxamed Diiriye (Dhiisidoon)

XsXuquuqda sawirka; Ifraax Galbeedi

X

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com 

 

S. A. Guuleed: Geeddiga Guusha

 


 


S. A Guuleed: Geeddiga Guusha

Qormadan koobani dhawr ujeeddo ayay daaran tahay. In la aqoonsado dadaalkii iyo nafhurkii uu Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed ku soo bixiyey hanaqaadka aqoonta bulshadiisa. Qofka aan dadka u mahadniqin, Allena uma mahadnaqee, in la yidhaahdo macallin mahadsanid. Intan koobani waa xurmayn iyo maamuus uu ku mutaystay adeegga dadweyne ee uu sida sharafta leh u soo gutay. Dhinac kale, waa maan godol carinaya garashada ardaydii uu macallinku wax soo baray, kuwo hore iyo kuwo danbeba, si ay iyagunna markooda, ugu yaraan qawl iyo qoraal, hadba kii suurtagal ah, ugu sharfaan.   

Prof. Sulaymaan muddo 50+ sanno ah ayuu dalkiisa u soo shaqeeyey, walina waa ma-daale heegan ah oo u adeegayaa dadkiisa. 53 sanno oo uu macallinnimo ummadiisa ugu soo adeegayey ilaa maanta, tacliinta Soomaalida wuxuu uga dhigan yahay, tiir aan liicin iyo ilays jahliga lagu iftiinsho.  Muddadaas nus qarniga waxyar kor uga badan, dadkiisa aqoon ayuu ku habayay, wuxuuna ku astaysan yahay hormuud hirgalliyey hayaanka tacliinta sare. Cawadiisa’e jiilashii uu soo aflixiyey waayahaas shanta-tobanle ka badan ayaa maanta daafaha dunida ku kala baahsan, iyaga oo jaad kasta oo aqoon ah ay wax uga bilaaban yihiin. Qaarkood waa hoggaamiyayaal bulsho, madaxweynayaal, barreyaal jaamacadeed, macallimiin, dhakhaatiir, maamulayaal, ganacsato iyo xirfadlayaal wax ka bartay laan kasta oo cilmi ah. 

Waxbaris iyo aqoon baahin kaliya maaha ee yididiilo ayuu u abuuray jiilal badan oo ku soo hagaagay xilli talo adkaatay, rajo xumo baahsanna faaftay. Dadaalkii Sulaymaan iyo ragga la midka ahi horseedeen, wuxuu dhalay, goor arrinxumo arlada aafaysay, in tamarta bulshada dib loogu jiheeyo dhinaca samaha iyo tognaanta. Sidaas ayay waxbarashadu, tayo kastaba ha lahaatee, ku soo labakaclaysay oo uu ku dhashay baraarug bulsho oo samadoon ah, wax dhisid iyo horumar leh. 

23 kii sanno ee u danbeeyey, Prof. Sulaymaan waxa uu hormuud u ahaa Jaamacadda Cammuud, surgunno oodan iyo dhadhaabo culusna waa ka soo jidbixiyey. Aragtida Prof. Sulaymaan iyo kooxdii hormuudka u ahayd unkida jaamacaddu, waxay Cammuud ka dhigtay xarun waxbarasho oo magac weyn leh, lagu soo hirto oo aqoonta tarmisa. Waxay suurtagalisay in dugsigii sare ee hoyga Cammuud ay u beddesho jaamacad weyn oo gayiga Soomaali meel walba looga soo waxbarasho doonto. Ammintan aan joogno Cammuudi waa hay’ad waxbarasho sare oo ay dhigtaan arday aan ka yarayn 5, 000 oo arday, kana kooban 15[i] kulliyadood. Waa shaqo abuure iyo shaqo bixiye weyn oo ay hadda ka hawlgalaan 302[ii] macallin. Bishii waxay mushaar u bixisaa adduun isku-darkiisu yahay rubuc malyuun doolar[iii].

Magaaladda ay ku taal ee Boorama, Cammuudi, waa u il-dhaqaale oo dakhli xoog leh ayaa ka soo gala. Waxa lagu qiyaasaa in 35%[iv] ardayda jaamacaddu ay ka yimaadeen meel ka baxsan Boorama iyo Gobolka Awdal. Joogitaanka ardaydaasi, isdhexgalka bulsho marka laga yimaado, dhaqdhaqaaq dhaqaale oo ganacsigii xaammi ka dhigay ayay magaaladda ku soo kordhiyeen. Dad badan oo dibadda ka soo noqday, hore aan gobolka deegaan ugu ahayn, balse jawiga iyo waxbarashada magaaladdu soo jiidatay, ayay Boorama imika hoy u tahay. Dadkaasi, soo degitaankooda ay Cammuudi sababta u tahay, magaaladda maalgashade, ganacsiyo furte, shaqo abuur iyo tartan ganacsinna abuure.

Maraykanka iyo Muritaaniya

Ka hor Jaamacadda Cammuud, Prof. Sulaymaan waxa uu muddo xilal kala duwan ka soo qabtay wasaaraddii waxbarashada ee Soomaaliya. Waxa uu soo noqday hormuudkii Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole. Dugsigii sare ee Cammuud ayuu macallin iyo maamuleba ka soo noqday.

Anigu qof ahaan, sagaashamaadkii ayaan bartay. Goor galab ah ayaan dhegta la helay idaacaddii af-Soomaaliga ku hadli jirtay ee Itoobiya, mise ruux aanan markaa garanayn ayaa qudbad yaab leh jeedinaya. La ashqaraaray codkarnimada iyo aftahamada mas'uulka hadlaya. Aniga oo is waydiinaya qofka uu noqon karo mudanahan hore codkiisa aanan u maqlin balse ku guulaystay inuu markiiba si buuxda u hanto dareemayaasha maqalka, ayaa qudbaddii la jaray. Wariye Maxamed Xuseen Giirre (AHN) oo malahayga galabtaa idaacadda daadihinayay ayaa soo galay isaga oo codkiisii dananayay kaga dayaaminaya. Wuxuu ku tiraabay weedh aan maankayga ilaa imika ka tirtirmin. Laye, “Intaa aan kaga gudubno qudbadda Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed oo aan hadalka waxna dhimin, waxna dhaafin" Maalintaas ayaa horta maqalka codkiisa iigu horeysay. 

Waxa ii xigtay, aragti ahaan, maalmihii uu socday shirwaynihii nabadaynta ee Boorama, bilawgii 1993-kii. Wargeyskii Horyaalka Saxaafadda oo beryahaas Boorama ka soo bixi jiray ayaan kala socon jirnay geedisocodka shirka. Qudbad xiiso leh oo Prof. Sulaymaan shirka ka jeediyey ayuu joornaalku noo soo gudbiyey. Qiyaastii adkaynta nabadda iyo hub-ka-dhigista ayuu markan ka hadlayey. Erayadii uu madasha ka jeediyey, balse aan joornaalka ka akhriyey, qaybta xusuusta fog ee maankaygana ku dhegay, waxaa ka mid ahaa:

"Saddexda boqol ee wiil ee hubka sitaa, waa saddex boqol oo dawladood ee taas ogaada. Ka qoriga AK-ga ah sita iyo ka gaadhiga tiknikada ah wataanna, wuxuun bay awood ahaan u kala dhigmaan Maraykanka iyo Muritaaniya”

Isbarbardhig xiise leh ayuu hadalkani iila muuqday. Wuxuu igu dhalliyey inaan dhuuxo oo sii baadho kala duwanaanshaha weyn ee labada dal, dhinac walba. Ayaandarro, waayahaas kansho uma aanu haysan agab cilmibaadhis kaa saacidi kara. Haddii laga tagi waayo, dhegaysiga barnaamijyada idaacadaha ayaa xog laga korodhsan karayey.

Furitaankii Jaamacadda Cammuud

Sanadkii 1997-kii markii u horraysay ee aan u fadhiisannay imtixaankii lagu galayay Jaamacadda Cammuud, Prof. Xasan Cali Cismaan ayaa na marsiiyey jirrabkii u horeeyey, ha yeeshee dib ayaan imtixaan kale u galnay. Markan waxa hawsha waday oo mas'uul guud ahaa Prof. Sulaymaan Axmed Guuleed. Markiiba kaftan, dhiirrigallin, niyad-dhis iyo baraarujin ayuu ku caanbaxay. Jaamacaddu way cusbayd oo su’aallo badan ayay dadku iska waydiinayeene, wuxuu ku guulaystay inuu noo hillaadiyo mustaqbal kii maalintaasi ka qurux badan. Inta badan, dhallintii markaa aan jaamacadda ku galnay oo dhan ayuu qalbiyadooda kasbaday.

Weedhaha suuqa la isla dhex marayey hubaal la’aan badan ayay ku furayeen arday waxbarasho u oomanayd, ha yeeshee aan hubin jidka ay qaadeen halka uu ku dhammaan doono. Dad badani, si qayaxan ayay noogu sheegi jireen inaanan waqti iskaga lumin waxa ay ugu yeedheen “NGO-ga Saleebaan.” Xoogagaas si-xun-wax-u-arragga ahi candhuuftooda dib bay u liqeen markay arkeen dadaalka maamulka iyo rabitaanka aan la loodin karin ee ardayda intooda badan, daba-ka-walwal ha ba iska jiree.

Midhaha Nabadda

Gugii 1999-kii ayaa waxa jaamacadda nagu soo booqday wefti odayaal ah oo aan filayo inay ka yimaadeen gobolka Togdheer. Allah ha u naxariistee Suldaan Sh.Muuse Jaamac Goodaad ayaa gadhwadeen u ahaa. Waayeel iyo hoggaamiyayaal dhaqan ayay u badnaayeen. Sida mar danbe aan ogaan doonno, socdaalku nabadayntii gobollada Bari ayuu qayb ka ahaa, weftiguna waxay u socdeen inay dhaayaha soo saaraan nabadda Galbeed ka hanaqaaday iyo heerka waxbarasho halka la marayo. Xubnihii weftigu si qiiro leh ayay noola hadleen. 

Intaas ka dib ayay koox aan ka mid ahaa ku dhalatay fikrad ah inaan safar ardaynimo ku tagno Burco iyo Yiroowe. Burco markaas laguma soo wada noqon oo Yiroowe ayaa cammiran. Faarax Cali Ciid (Allah ha u naxariistee) oo Yiroowe ka yimid, kana mid ahaa ardayda aan wax wada baranno, ayaan rabnay inuu noo sii gogolxaadho.   Barnaamij wacyigalin u badan ayaan isku dubaridnay oo Prof. Sulaymaan ayaan ula tagnay. Waxaan u sharraxnay ujeedada safarkayaga, iyo sida aan u rabno in ardayda deegaamadaasi aan ku dhiirigelino inay dugsiyada aadaan si ay midhaha nabadda iyagunna markooda u gurtaan. In socdaalkayagu nabadaynta qayb weyn ka yahay ayaan ku tiiqtiiqsanay. Gaadiid iyo shidaal ayaan waydiisannay, wixii kale ee sahay ah annaga ayaa arday ahaan isa saarnay. 

Sheeko dheer bay ahayde, wuu nagu bogaadiyey hindhisahayaga dareenka wadaninnimo ka dhashay. Ha yeeshee wuxuu noo muujiyey walaaca uu qabo; in dhulku wali miinaysan yahay, isla markaana aanu rabin in jaamiciyiintii u horaysay ee dalka u soo bixi lahayd, ay miino la kacdo! Annaga oo candhuuftayadii dib u liqnay, balse qanacsan ayaan ka soo baxnay xafiiskiisa. 

Kullankii Cigaal

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sannadihii u horeeyey ee jaamacadda si joogto ah noo soo booqan jiray, waxna noo dhigi jiray, ayaa na soo siyaartay mar aan filayo inay ku beegnayd dabayaaqadii 1999-kii. Ka hor imaatinkiisa waxa safar Boorama ku yimid madaxweynihii Somaliland ee waayahaas AHN marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal. Sidoo kale, Cigaal jaamacadda ayuu soo booqday. Prof. Cabdi Samatar booqashada Cigaal ee Cammuud iyo kulanka Prof. Sulaymaan aad buu u xiisaynayay inuu wax ka ogaado. Sidii kulankaasi u dhacay ayaan uga warbixinnay, ka dib markii uu naga warsaday.

Maalintaas iyo booqashadaas si weyn baan u xusuusnahay. Miiska u horreeya, safka dhexe ayaan fadhiyaa. Madaxweyne Cigaal iyo weftigiisuna, waa naga soo horjeedaan oo wax aan laba mitir dhammayn ayaa noo dhexeeya.

Prof. Sulaymaan oo soo dhawaynaya madaxweyne Cigaal ayaa hadalka ku furaya;

“Mudane madaxweyne ku soo dhawaw Jaamacadda Cammuud. Labadeenu hore halkan waan iskugu aragnay adiga oo Raysal Wasaarihii Soomaaliya ah iyo aniga oo maamulihii Dugsiga Sare ee Cammuud ah. Intaa ka dib, labadeenuba min hal darajo ayaan kor u dallacnay oo adiguna madaxweyne dal ayaad noqotay anna guddoomiye jaamacadeed ayaan noqday ee hambalyo labadeenaba”. Madaxweyne Cigaal, ereyadaas soo dhawaynta ahi aad bay uga qosliyeen, ilaa uu ku saxday beebkii uu sigaarka ku cabayay (haa shalay uun bay ahayd markii madaxdu sigaarka ku dhex qiijin jirtay shirarka iyo hoolasha dhexdooda).

Prof. Cabdi Samatar wuxuu nooga sheekeeyey kulankaas Prof. Sulaymaan sheegayo ee labada mas’uul ku dhex maray Cammuud dabayaaqaddii lixdamaadka oo uu goobjoog u ahaa. Wuxuu yidhi, isaga oo noo warramaya. “Arday baan ahaa markaas sidiina oo kale ah. Halkaa aad soo fadhidaan oo kale ayaan fadhiyey. Prof. Sulaymaan oo markaas Maraykan ka soo noqday, dhallinyar ah oo aad u firfircoon ayaa wax noo dhigi jiray. Luqada Ingiriisiga sida uu u yaqaano ayay ardayda oo dhammi jeclayd. Inaan mar uun heerkiisaas gaadhno oo sidiisa wax u baranno ayaan ku hammiyi jirnay. Heer baan gaadhnay, sidii aan ugu dayanaynnay, aan xitaa sida uu u socdo, u soconno”

Wuu sii waday oo wuxuu u dhaadhacayaa jawigii ay labada mas’uul ku kulmeen iyo waliba, ta ka sii xiiso badan, weedhihii ay is waydaarsadeen:

 “Maalin annaga oo fasalka ku jirna, oo waliba Sulaymaan noo dhigayo cashar Ingiriisi ah oo ku sahabsan sarbeebta, ayaa wefti socdaa na soo galeen. Mise waa ba raysal wasaarihii Soomaaliya, mudane Maxamed Ibraahim Cigaal oo kormeer u socda. Fasalkii ayaabu noogu soo galay. Waan xasuustaa oo sabuurada waxa markaa ku qornayd oo macallinku noo sharaxayaa weedha Ingiriisiga ah ee: “A wolf in a sheep’s clothing.”

Cigaal luqada Ingiriisiga ah aad buu u yaqaanay, nin weyn oo siyaasi ah na waa ahaa, balse Prof. Sulaymaan ayaa u faahfaahiyey in cashar taxanne ah ay qayb ka ahayd ee aanay isaga wax xidhiidh ah, haba yaraatee, la lahayn” ayuu ku soo afmeerayaa Prof. Cabdi Samatar. 

Dadaalla oo waxbarta

1997-kii markii jaamacadda la noo diyaarinayay ee luqada Ingiriisiga oo kaliya aan ku dhigan jirnay dugsiga sare ee Sh. Cali Jawhar, ayaan maalin ka codsanay macallinkayagii Carab Cabdilaahi Bulaalle (AHN) inuu Prof. Sulaymaan noo soo casuumo, si uu muxaadaro noo siiyo. Carab, macallin waayo arag ah oo awoodda iyo heerka aqoonta ee ardayda fahansan buu ahaayoo, wuxuu si kaftan ah noogu yidhi:

“Waar horta dadaalla oo waxbarta, odayga isba af garan maysaane”.

Waanu ku adkaysanay oo ka hadhi waynay. Maalin danbe ayaa la noogu yeedhay oo uu casharkii noo galay. Muxaadarro cilmi nafsiga ku sahabsan ayay ahayd. Markii casharkii dhammaaday ayaan arday ahaan is warraysanay. Waxa soo baxday in boqolkiiba konton wax ka yar aan ka fahannay muxaadaraddii. In hawl badanni noo taal, jid dheerna na sugayo ayaan garwaaqsanay. Macallin Carab Cabdilaahi (AHN) oo aan maalinta hore hadalkiisa ka xanaaqnay annaga oo u qaadanay inuu hoos noo dhigayo ayaan u garaabnay. Rabbi ha janneeyo macallinkaas gartay awoodda ardaydiisa. 

Dersi iyo Deeq

Annigu, qof ahaan, markii danbe ee aan jaamacadda ka shaqo galay sannadkii 2003, waxaan fursad u helay inaan Prof. Sulaymaan si dhaw ula shaqeeyo. Waxa caado u ahayd (welina u dhaqan ah, sidaan warka ku hayo) inuu subaxa hore kallaho oo Cammuud ku waabariisto. 7:30 subaxnimo marka aan tagno, durba tiro waraaqo ah ayuu diyaariyay oo uu rabaa in kombiyuutarka loogu garaaco. Xoghayn gaar ah markaas muu lahayne, wuu ii keeni jiray waraaqaha. Kalsooni badan ayuu i siin jiray oo waxa uu igu odhan jiray wixii ka qaldan sax. Sixid ha joogtee, qoraalkiisa aad baan u jeclaa oo cashar iyo darsi aan habqoraalka toolmoon ka barto ayuu ii ahaa. 

Waxaan markan xogogaal u ahaa in mushaarkiisa qayb weyn oo ka mid ah uu arday kaga bixin jiray lacagta jaamacadda lagu dhigto. Ardaydaasi waliba waxay u badnaayeen inta ka timaad meelaha Gobolka Awdal ka baxsan. Ku darsoo beryahaas jaamacaddu bilaw bay ahayd oo cid lacag joogto u qaadataa ma jirin. Marka mushaarku ilaa lix billood iyo ka badan is gaadho ee jaaliyadaha dibaddu wax soo diraan, ayaa macallimiintu siday u kala baahi badan yihiin, waxoogaa dhiigjoojin ah loo siin jiray. 

Raggan ka warhay

2016 ayaa nin aan asxaab iyo shaqowadaag nahay uu ii sheegay in Prof. Sulaymaan magaalada Nayroobi nala joogo. Wuxuu soo jeediyey inaan soo raadiyo, casuunno oo aan la cashaynno. Saaxiibkey waa dadka dedaalka iyo nafhurka Prof. Sulaymaan aad ula dhacsan. Ilaa markii uu Lafoole joogay ayuu dusha ka yaqaanay. Telefoonka ayaa ku raadiyey oo waan is helnay. Wuxuu ii sheegay inay ilaa sagaal guddoomiye jaamacadood ku wada socdaan oo ay magaalada tan Nayroobi safar shaqo ku joogaan. Soo jeedintaydii ayaan u qaddimay, isaguna sidii aan uga bartay ee qadarinta mudnayd ayuu u aqbalay. 

Isaga iyo guddoomiyeyaashii jaamacadaha ayaan fadhi tilmaaman, waqti wacan wada qaadannay. Prof. Sulaymaan oo u warramaya guddoomiyeyaashii kale, anigana igu soo halqabsanaya ayaa ka warbixiyey bilawgii hayaanka waxbarasho ee Cammuud. Wuxuu si gaar ah u dul istaagay maalin gabadh fasalkayaga ahayd oo dalka dibadda uga baxaysay ay na sii dardaartay. Iyada oo isaga markaa la hadlaysa, waxay u sheegtay inuu raggayagaa ku faro adaygo, maadaama, waa sida ay hadalka u dhigtaye, maalmo ka hor la arkay wiilasha qaar oo qoryo baayacaya oo hub iibsan raba. Haa qoryaha iyo hubka fudud sida badeecadaha ayaa suuqa si furan loogu iibin jiray!

Sheeko qosol leh; mar u duurxulaysa khatarta ardayda dul hoganaysay ee ah ka mid noqoshada dhinacyadii hubaysnaa, marna hogatusaalaynaysa waayihii iyo tegtadii laga soo gudbay ayay ahayd. 

Ruux wax dhegaysta

Sannadkii u horreeyey oo dhan, dufcadayada kaliya ayaa jaamacadda dhigan jirtay. Hawlaha waxbarasho inta badan talo-wadaag iyo wadatashi ayay ku socdeen. Kooxdii labaad markii ay soo gashay ayaa la damcay in jadwalkii basaska wax laga beddelo, si gaadiidku noogu filnaado.  Laba bas oo kaliya ayay jaamacaddu markan leedahay wax gaadiid ah. Waxa la soo jeediyey in colkayagii hore aan 6:30 subaxnimo baska soo raacno. Marxabba iyo guddoon ba la yidhi oo waa la isla qaatay. Gabadh fasalka ka mid ahayd ayaa gacanta taagtay.

“Macallin nimankani war ma hayaan oo way iska hadlayaane, waxan ay soo jeediyeen suurtagal maaha.” Si kalsooni leh ha u tidhaa.

Prof. Sulaymaan oo la yaaban hadal-caddaanta iyo dhiirranida gabadha ayaa waydiiyey sida aanay suurtagal u ahayn.

Waxay ku warcelisay;

“Annagu haddii aan hablo nahay arroorta hore ayaan kacnaa si aan qureecdooda (iyada oo annaga farta nagu soo fiiqaysa) u diyaarinno, marka aan wada quraacsiinno ee iyagu ay basaska soo aadaan, ayaan annagu haleelnaa oo aan dib diyaar garow u galnaa, markaa macallin 6:30 waa goor hore oo suurtagal nooma aha”. 

“Hadalku intaas gabadhu sheegtay ayuu ku dhan yahay” ayuu Prof. Sulaymaan ku ayiday. 

Qardhaas balaaya xijaab ah

Dabci ahaan, Prof. Sulaymaan waa ruux kaftan-dhable ah, xarruuri ah oo erayga heli og. Madal aan goobjoog ahaa oo rag ay isku arday ahaan jireen ay is xifaalaynayeen ayaa ina tusi karta sida uu erayga u heli ogyahay, dadkana u haasaawiyo. Mid baa Prof. Sulaymaan da’da ku riixay oo yidhi, “Barafasoore, adiga oo nin weyn ah oo qardhaaso badan xidhan ayaad noo timid”. Sida caadiga ah dadku xaaladdan oo kale isdifaac iyo rogaalcelis bay galaan. Sidaa si ka duwan ayuu uga falceliyey. Inta uu yara muusooday, ayuu si kaftan bilaa turxaan ah u yidhi, “Hal xabbo oo ballaayoxijaab ah ayaan sitay!”

Inta Soomaali murmayso

Prof. Sulaymaan oo booqasho ku maraya dalka Maraykanka ayaa laga reebay weedha caanbaxday ee ah “Inta Soomaali sarajoogga ku murmayso, waxaan rabaa innaan soo saaro kummanyaal jaamiciyiin ah”

Allaylehe hadalkaasi wuu rumoobay, Ilaahay iyo dadkiisuna markhaati ayay ka yihiin. Inta arday, wiilal iyo habloba leh ee, isaga iyo haldoorka la halmaalaa, rajo u abuureen, waxbareen, ee ay soo aflixiyeen ayaa ciiddaas leeg. Waxa ka sii badan, inta higsanaysa ama ka aflaxi doonta marrinka iyo majaraha ay jeexeen Sulaymaan iyo kooxda uu hormoodka u yahay. Rabbi samaha ay noo horkaceen, wanaag ha ugu doorsho.

Ifka samo ku noolow, aakhirona jannada ku waar.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

Tixraacyo:



[i] Waraysi Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda Sulaymaan Xasan Cali, 30/12/2020

[ii] Waraysi madaxa waaxda shaqaalaha Siciid Xasan Habane 30/12/2020

[iii] Warbixin Guddoomiyaha Jaamacadda Cammuud https://www.youtube.com/watch?v=uisi8h5zGt0

[iv] Waraysi Diiwaanhayaha Guud ee Jaamacadda Sulaymaan Xasan Cali, 30/12/2020

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...