Sideed wax u qortaa?

Mararka qaar naftu ma ku dirtaa oo wax qor ma ku tidhaa. Garashadaada ma carisaa oo muuqaal maskaxeedyo ma isku dubarridaa. Ma moodaa in rabitaan xoog badan oo waxsoosaar dhinaca maskaxda ah, naftu kugu dirqiyayso, haddana hiyigu ku hakinayo. Doonistaas xoogga lihi adiga oo uba hoggaansan, misana dhinac aad ka bilawdo ma garan waydaa. 

Sideedaba horta sideed wax u qortaa? Sideed qoraal ku soo saartaa? Marka aad go’aansato inaad maskaxda tuujiso, ma inta aad qalin iyo warqad qaadato (ama intan danbe aalad adeegsato) uun baad wax dareerisaa? Ma fikrad ayaad horta dhistaa, ka dibna adhaxdaa oo qortaa? Ma tusmo ayaad horta samaysaa, ku horaysaa oo ku hagta? Mise horta waad fikirtaa, maskaxda maashaa oo qoraalka ku dhex diyaarisaa? Ma weedho uun baad iska dareerisaa, marka danbe isku toosisaa, mise kolba dhibicda kugu soo dhacda ayaad dhitaysaa? Cinwaanka maxaad ka yeeshaa. Marka hore miyaad raadisaa, mise gadaal ayaad ka heshaa?

Qoraal qaayo leh

In lagu kala duwan yahay u badi. Ruux ba inay si ugu badiso la soo weri. Tayda waxaan ku sheegi karaa isku dhaf. Nooca qoraalkuna waa sarjaraha ugu wayne la soco. Isku si u qorshayn maysid haddii aad qorayso qoraal cilmiyeed, maqaal ama sheeko-faneed. Mid waliba qaab gooni ah buu leeyahay. Ha yeeshee, qoraalada qaayaha lihi, wax badan ayay wadaagaan. 

Mar baa jirta aan qalinka iska qaato uun oo maskaxdu maaxato oo laga yaabo inay murti dararto. Jeer kale oo waxa jirta aan qoraal hollado, balse aad maskaxda moodo inay mudaharaad ku jirto, oo waxba soo tuujin waydo. Maxsuulka xubnaha jidhka oo aan wada socon tani ku daa. Gacmo wadajir bay wax ku gooyaan sow ma ahayn murtidii Soomaaliyeed. Sidani, mararka qaar, xitaa hawlaha shaqadayda rasmiga ah la xidhiidha waan kala kulmaa. Mar baa jirta degdeg wax lagaaga rabo, laakiin haddana si uun aad uga maagayso. Markan oo kale, qof ahaan, haddii aanu jirin degdeg ama culays maangal ah, waxay iigu tamarisaa inaan iskaga kaco oo baylah kale ku tooso. Mar danbe oo aad moodo inay wax furfurmeen ayaan sii daayaa wixii aan hayey. Markani aan godlado, necbiyaa ciddii ama ruuxii maskaxdaa irmaanaatay, gaagixisa ee wax kale la soo doonata. Maxaan dhibsadaa ciddii dabuubtaa aan dareerin rabo, hakad galisa ama dhantaasha. 

Marar baa jira aan dhib kala muto helida mawduucii aan wax ka qori lahaa. Mawduuc marka aad hesho, marinkii waad haysaa. Mar kale oo waxa dhici karta qoraal habqan ah aad iska dareeriso. Markan waa qabyo. Haddiise la isku dubarido, wax macno leh, waa ka soo bixi karaa. Midhkan ha yaraysan, waxaba dhacda, qormo ujeeddo la’aan iska bilaabantay, in marka danbe, dabcan hawl dabadeed, ta ugu wacan soo baxdo. 

Fahan oo faaqid

Mawduuca aad wax ka qorayso, fahan oo dhuux. Akhriska badso, qoraayo kala duwanna waxsoosaarkooda maskaxeed dhugo. U fiirso habqoraalkooda; sida ay weedhaha u dhisayaan, xulashada erayga iyo dulucda hadalka. Qoraalkaaga, inta aanad baahin, kala huf oo kala haadi. Ku noqnoqo oo isha ka gur. Hubi oo tusmee. In cidi isha kaa daba mariso ceeb ha u arkin. Ishaadu wax ay ilduuftay in ta ruuxa kale qabato ayaa suurtagal ah. Sidaas ayaabay u badan tahay. Isku kalsoonow, kaligaana ha is wada mahadin. Labadan isku miisaan. 

Aftahamo dhigan

Fududee oo ha adkayn. Erayo sahlan oo la wada fahmi karo adeegso. Xeerarka qoraalka ha u daymo la’aan. Hakad, joogsi, halkii xaraf wayn u baahan, xuruufta laballaabanta, intaba si gaar ah uga feejignow. Adeegso hadal-bilayaasha farshaxamada muujiya sida duurxulka, sarbeebta, qofaynta, halqabsiyada iyo humaagaynta. Isku day in qoraalkaagu hungurimar yeesho. Inuu noqdo kii Xasan Sh. Muumin AHUN sheegayey markuu erayga dhigan ee Soomaaliga ka hadlayey ee uu lahaa: Carrabku qaldi maayee, Sidii caanaha qudhqudhiya”. Waa halkii macallinkaygii jaamacaddee, Prof. Faarax Cabdillaahi Fariid, ‘Faarax Shuun’, AHUN haddii aad rabto in qoraalkaaga aan laga xiiso dhicin, quraanka aad u akhriso. Waxaad ka dheefi sida fikrad loo soo dhiso, loo soo bandhigo, misana si asluubaysan oo awood badan loogu raaciyo weedho xoojinaya doodda. 

Asalka banaanna, dad bay u fududahay inay fikradaha ku gudbiyaan erayga dhigan. Hadda imika abwaan tix ahaan aragti ku soo gudbinaya ka hadli mayno. Waa ruux tiraab wax inoogu sheegaya. Dadkaasi waxay xirfad gaar ah ama hibo u leeyihiin helida ereyo wada dhiibsan oo habdhac iyo baadisooc gaar ah leh. Waa aftahano ku tamarisa gudbinta adduun-arag qoddobaysan, nidaamsan oo akhristaha qunyar uga daadega. Waa farsamo ruux kasta oo ku dadaalaa baran karo oo ka lib keeni karo. 

Xilkasnimo ogow

Ogow qoraalku waa mas’uuliyad. Waa shaqo ay tahay in si xilkasnimo ah loo guto. Isagu waliba hadalka la iska yidhi, wuxuu dheer yahay, waa dhaxalgal oo wuu dhigmayaa. Waa halkii hoobalkii Cabdi Sinimoo’e, AHUN, “Wixii la qoraa, quruumo hadhee, muxuu hadal qiimo leeyahay.”

Amaanadaas waa in qalinku u guto si xilkasnimo ah. Ruux jeclaysi iyo eex kuma tamariyo. ‘Walee qaaf ujeeddo leh, qiimahayga kuma rido’, waakii ku maansooday macallinkaygii, abwaan Gaarriye AHUN. 

Qalinka mas’uulka ah, waxa ka reebban, ruux ku weerar, ku difaac, ku aarsi  iyo ku danaysi gaar ah si aad si leexsan dux ugu hesho. Waa xil ay tahay in cidda kartidaas lihi ay qiimigeeda ku baraarugsanaato, ka dibna umadda ugu adeegto hubanti, hufnaan iyo asluub.

 

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

 

 

Russia-Ukraine war: Analysis and Insights

The war in Ukraine, now in its eighth month, shows no sign of de-escalation, but, conversely, its brutal phase is increasingly unfolding. Clearly, Putin’s ill-advised move of running over Ukraine within weeks; and installing a puppet government is not only shattered, but also a big political miscalculation, exposed.

Russian forces lately retreated or were forced to retreat to few pockets, often with a high Russian-speaking communities concentration. The dream of Kiev’s fall was dropped early on this onslaught, although intermittent air strikes continue. Instead, annexation of some territories following questionable referendum, which west describes as sham plebiscite, others see it as face saving technique, is the latest attempt to show might. The stiff resistance from the Ukrainian army, receiving billions of dollars, mostly in the form of military supplies mainly from America; and to a lesser extent from Europe, leaves this desire weary. 

The morale of Russian troops is said to be at its lowest point since the disgraceful Soviet exit of Afghanistan in late 1980’s. Commanding generals were dismissed severally one after another, reservists called up and mass mobilization exercise is well underway. Massive exodus of young people to some of the neighboring countries is also reported. All these acts tellingly expose desperate moves by the regime.

Air missile defense system

As Russia intensified lately air raids on Ukraine’s cities including Kiev, the capital city, targeting landmarks such as energy infrastructures, western countries once again promised to stay beside Ukraine in this war. NATO ministries of defense agreed to provide air missile defense system to Ukraine to counter Russian air strikes. They also went a mile ahead since 14 countries of NATO members agreed better air defense system in their territories.

There is a fear that Russia, having the world’s largest nuclear stockpile, might unleash nuclear weapons. However, military analysts are of the opinion that nuclear war is unlikely, but, given successive setbacks, Russia might tempt to use tactical nuclear weapons.

Global recession 

As a result of Russia-Ukraine conflict, many countries around the world, are experiencing, perhaps, for the first time in many years, huge spike in basic food prices and commodities. Equally, oil and gas prices surged, prompting energy crisis and effectively complicating lives to millions of people, primarily in the developing countries. This conflict also adversely impacted on global economic conditions as the world faces, sadly, the worst global food shortages for decades. Still worse, climate change-induced shocks, in the name of floods and drought pose detrimental effect to many developing nations in the world. Needless to mention economic crisis and supply chains disruptions perpetuated by COVID-19.

World Bank and IMF in their annual gathering this week in Washington warned of a global recession as countless countries around the world are seriously affected by inflation and high prices of fundamental amenities. A grim world economy assessment by IMF depicts stormy waters and projects downgraded global economic growth next year. 

Countries with open and mature public discourse, inflation and rising prices activated demand-side of governance. Hence, in return, responsible governments are forced to change their economic policies. Governments are, for instance, increasing their spending by subsidizing households in the soaring energy bills, transportation and health insurance coverage.

Economic sanctions

The overrated economic sanctions on Russia, has so far little or no impact for Russia is still able to run a high-priced military operation in Ukraine. The barrage of American and European sanctions so far failed to bring Russian economy to its knees, as per earlier vows. Sanctions might setback Russia’s economic development in the long run but relying on his country’s vast gas and natural resources, Putin remains as deviant as ever. In terms of military operations, both Russia and the west are reported to have depleted their army arsenals.

Hypocrisy at its finest

While the war in Ukraine is unfortunate and claims the lives of so many innocent people, it exposed few other facts. Anti-war protests and solidarity with Ukraine were visibly seen every sector, anywhere in the west. It is crystal clear in business, sports and media, to mention a few. When, however, other oppressed societies face such atrocities, solidarity evaporates. In some cases, Muslim-related ones, for instance, such aid is even a prosecutable offense, let alone support and lending a meaningful help. Hypocrisy at its finest!

Resilient and united

Finally, many believed that Ukraine, although it is the most populous; and the second largest economy after Russia in the Soviet Union yet will not stand against the heat of Russian invasion. Ukraine -thanks, ostensibly to the generous support from its western allies- not only fought back but succeeded to recover portions of its taken territories from Russia. It also maintains a costly but deadly nationwide resistance. Its comedian-turned-president, through his nightly press briefings, is providing incredibly strong leadership. They say leadership is about effective communication and influence. To many, he is now a war hero. His people, the Ukrainians- around 43 million, remarkably remain united, resistant and deviant.

By: Abdirahman Adan Mohamoud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

17/10/2022 

Joy, small mishaps and treasure recovery.

After weeks in Mogadishu, Hargeisa and Borama, here am on board of my return flight. This was rather a unique trip, I might say, considering the feelings attached to it: lots of joy and some tears. Joy in the sense that it helped me reconnect with colleagues, counterparts, family members and friends, some of whom, I haven’t seen close to two decades, hence warranting joy and rejoicing. Tears, of course, refer to loss of a friend and lately, a colleague, while on mission.

Heightened Alert

The first leg of the trip took me to Mogadishu, where my arrival, coincidentally, happened at a time with heightened security alert. Intensified fighting with AS was reported in a number of regions, mainly in Hiiraan and Galgudud. Local militias, known as Macawisley, fed up with shock and awe; and getting moral and material support from the army waged war against strongholds of AS. Understandably, security situation is tightened in many of Mogadishu’s landmarks including the place of my stay. This unfortunately, limited my movement and interactions with some of my colleagues and friends, whose discussion I could hardly wait for. After an extended period of virtual engagement, face-to-face discussion meant a lot. Working together, while output delivery is flavored with collegial laughter is what I missed and longed for.

Magnificent Landmarks

However, I managed to visit the newest and probably, the most beautiful mosque in Mogadishu, if not in the entire region, to attend Friday sermon. Recently built by a businessman, the giant Ali Jimale Mosque with state-of-the-art outlook, designed, perhaps, with Ottoman Empire-like architectural design, will clearly attract many devoted worshippers and, if situation allows visitors alike. Praying there, whilst reminiscing so fondly the beauty and blessings of Prophet Mohamed’s (PBUH) mosque in Madina was refreshing, heart-enriching and so profound.

Airport mess up

On my way to Hargeisa, the airline I used was marred with unscrupulous behavior and acts from airline ground staff. First, the long queues and lines in the domestic terminal was chaotic. We had no option but to spend hours in security screening. After finally presenting my ticket to airline staff at the designated counter, the lady in the desk naively dismissed my ticket as mistaken and belonging to another airline. I had to protest, of course politely, and request her to look into it more carefully since the one she is referring to is already used. Still hard to understand, she sought clarification from her colleague sitting beside her, who looked not only senior to her but also more experienced. They come back with equally another blunder- that reference number is missing and therefore, I don’t have a valid ticket. Whatever explanation I provided in that tensed moment, within a chaotic atmosphere, fell on deaf ears. Seeking attentive ears to listen to my case, I escalated my issue with seemingly a senior ground staff member. Surprisingly, he repeated similar sentiments and when I kept explaining how my ticket is combined with different legs, he walked away, clearly in disagreement. Trying to get hold of him, I asked what other options he could think of. Buy a new ticket, he responded dismissively.

Considering that it is a weekend, offices are closed, and it is hard to reach travel agency, also mindful the upcoming burial, I had to buy a new ticket. Again, I didn’t carry sufficient money and ATM machines were far, but my colleague Mohiaidin, who is always so supportive and helpful, immediately wired the remaining balance electronically.

Upon arriving in Hargeisa, the following morning, I wrote to the ticket issuing authority, informing the mess up and urging them not to reimburse the airline on that leg, as I was forced to buy a new ticket. Interestingly, when issuing office reached out to the said airline, they reported a no-show case! I put this simplistic explanation to an end after sharing the new ticket, while they daringly issued two tickets for the same passenger, with two different costs.

Mind-blowing discussions

Putting this aside, I am delighted to have met with; and engaged in reassuring chats with old and new friends, admirers and acquaintances. Extremely happy to move around in Hargeisa, mostly in early evenings, as an invited guest; and taken to various food courts. Our discussion often centred around self-discipline, personal and career development, current state of affairs, humanitarian-development nexus, anchoring good governance on wealth creation, quality education, genuine learning, acquiring marketable and specific skills and continuing life-long learning appetite.   

PCR Test still a requirement

On my way back, I struggled to understand the rationale behind having a negative PCR test at Hargeisa airport, while already leaving. It is ironic to see that PCR test is still a requirement for outgoing travelers; and strangely enough, not for incoming ones, who clearly could pose greater health risk. Worth to note that many of the travelers are vaccinated, some even triple-jabbed including the booster. So Am I. This doesn’t make sense and should stop immediately.

National Treasure

While there, I managed to collect my university-era belongings. Notebooks on various undergraduate courses along with other learning materials constitute reclaimed huge intellectual treasure. Everything there - handwritings, explanation of concepts and theories as well as essays -put me back to an old learning roller coaster. Going through these notebooks lately only reinforces how lots of info could easily fade away as old memories are replaced by new experiences. Revisiting such notes, I hope, will help me deep dive topics in the subject matter and beyond.

Conclusion

Anyway, sitting here at the airport, in a middle of a four-hour-long layover on my way back, thrilled to be associated with such brilliant and caring people in different locations in one way or another.

Finally, I would like to register my appreciation to all those who made my short stay there so lovely and memorable!

By: Abdirahman Adan Mohamoud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

08/10/2022

 

30 Janaayo 1984- Sheekada markhaati goobjoog ahaa

Subax degan oo waa samaad noo baryey ayay ahayd. Subax dhulka ceeryaan qarisay oo aragtidu aanay wacnayn. Maalmuhu kala tilmaamane, waa Isniin, oo ah ayaantii suubanaha nnkha uunka la keenay. Waa 30/01/1984. Fasalka shanaad ee dugsiga hoose dhexe ee Wiilasha Boorama- beryahaas Dheyga ayaa loo aqoon ogaaye- ayaan ku jiray. Al-Aqsa ayaa dugsigaas hadda loo yaqaan. 5X ayaan ahaa markaa, bilo ka hor ayaanan ka soo wareegay dugsiga hoose ee Aloog (Qasabka) oo aan 1aad ilaa 4aad ku soo qaatay.

Nusasaacihii markii aan ka soo noqonay, ayaan mar kaliya guux iyo sawaxan wada socda maqalnay. Mise muraayadihii daaqadaha ee fasalkii aan ku jirnay ayaaba soo daatay. Waa diyaarade ka yaaca ayaa xigtay. Allow kula baxso. Arday waliba halka uu is lahaa waad ku badbaadi kartaa ayuu u cararray. Carruurnimadii waxaan maqli jirnay, diyaaraduhu waxay rabaan inay qarxiyaan kaalmaha/kaydka shidaalka si magaalada oo dhammi u olosho. Aniga oo taa maanka ku haya ayaan is idhi dhinaca duurka u carar. Qiiqii, siigadii iyo uuradii qaraxyada ka dhashay ayaa dhulka oo dhan wada qariyey oo jihooyinkii ayaa iga qasmay. Ninkaygii is lahaa dhinaca barraxa u baxso, waxaan is arkay saacado badan ka dib, aniga oo horjiifa xanaanada dhexe ee hooyada iyo dhallaanka, isla markaana wax ka yar konton mitir u jirta dugsiga Sh. Cabdiraxmaan Qaadi oo ah halka dhibta ugu badani ka dhacday. Mar danbe oo qiiqii iyo uuradii kala yaraadeen oo aan kacay, dhaqaaqna is idhi, ayaan waa isla doonasho Allee, la kulmay hooyaday oo xaruntaas hooyada iyo dhallaanka ka soo baxaysa. Gacanta ayay i qabatay oo i soo kaxaysay. Mar alla markii aan gurigii soo gaadhnay, gaadhi ordaya ayaa yimid. Mee carruurtii, fuula gaadhigan. Hooyo iyadu show markiiba dhinaca dhakhtarka ayay u oroday markii loo sheegay in aabahay ku jiro dadka dhibtu soo gaadhay. Gabadha iga wayn, walaashay Caasha Aadan iyadu waa diiday inay na raacdo oo waxay tidhi, aabahay waxa ku dhacay oo aan ogaado ma ahine, tegi maayo. Sidaa ayaa intii aan anigu ugu weynaa na loo qaaday oo Faaraxyo na loo geeyey. 

Habeenkii ayaa gurigii la nagu soo celiyey. Markiiba waxaan arkay sariirta maydka lagu qaado oo banaanka taal. Dad dumar u badan oo guriga jooga. Wax baan isku wada gaysgaystay oo war dhiilo lihi inuu naga horreeyo waan iska maleeyey. Gurigii mar kaliya waa ka oohin is qabsaday markii aan soo galnay. Habaryartay, hooyaday la dhalatay, Xasna Caateeye Qayaad AHN  ayaa gacanta i qabatay, "Habo ha ooyin ee quraanka akhri" ayaan hadalkeedii ka sii xasuustaa. Kitaab quraan ah oo sideed jisle ah oo aabo Allah ha u naxariistee ii soo furay ayay ii dhiibtay. "Sow Yaasiinka ma aad gaadhin habo, Yaasiinka akhri" ayay iigu sii dartay. Habeenkii hurdo la sheego ma aanu seexan. Fikir iyo waayaha soo kordhay ayaa hurdada ii diiday. Cabsina meesha kama madhnayn. 

Sogsogley

Subixii waxa noo yimid Allah ha u naxariistee adeer Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo gaadhigiisii sabaaxa ahaa wata. Diyaargarooba waa la idin kaxaynayaaye ayaa la yidhi. Aniga oo quraac la ii soo dhigay u fadhiya, ayaan isha ku dhuftay, dharkii aabahay AHN xidhnaa shalay ka hor intii aanu geeriyoon. Maryihii oo raadkii qaraxyadu ka sii muuqdaan ayaan arkay. Waxba way iga degi waayeen oo halkaas ayaan kaga kacay.

Waxa la na geeyey Sogsogley oo beerihii awoowo ay ku yaalaan, reero qoyska ka mid ahina ay degan yihiin. Seben barwaaqo ah oo beeruhu baxeen ayay ahayd. Xasiid la noogu dubay dacar inaan in badan cunnay waan xusuusnahay. Saddex habeen inaan halkaas joognay ayaan filayaa.

Xasuuq Dadweyne

Ku soo noqo xasuuqii dadweyne. Diyaaradaha Xabashidu dad ilaa 70 qof ku dhaw ayay dileen. Dadka ugu badan ee meesha ku dhammaaday, arday yaryar oo dugsi hoose dhigta ayay ahaayeen.  12 jirro ayaa ugu waynaa. Dad kale oo waayeel ahina waa ku jireen. Ardaydu  waxay u badnaayeen dugsiga hoose ee Elementeriga. Saaxiibbo badan oo aan si fiican u garanayo ayaa halkaa ku hoyday.

Sida uu mar danbe iiga sheekeeyey adeerkay Axmed Muxumed Xirsi (Baahsane) AHN, aabahay dhaawac ayaa bilawgii soo gaadhay. Safar ayuu ahaa subaxaas oo Jabuuti ayuu u socday. Istaanka baabuurta oo dugsigaas hortiisa ah ayuu joogay. Bawdada iyo luqunta ayay laba filidh ka galeen. Baahsane waxa uu ii sheegay in go’ii shaalka ahaa ee aabahay uu huwanaa uu ku xidhay bawdada si uu dhiiga u joojiyo. Ayaandarrose, markii isbitaalka la geeyeyba waa qudhbaxay. 

Dadkii diyaaraddu ay laysay waxa lagu aasay xabaal wadareed waqooyiga magaaladda ku yaal. Ha yeeshee, aabahay AHN ehelkii markaa joogay waxay go’aansadeen inay gooni u aasaan. Xabaalihii hore ee seeraha Borama ayay ku aaseen. Waxaan qiyaasayaa inay xabaalwadareedka u diideen dareen la xidhiidha inaan meytida loo aasayn si waafaqsan milgihii ay mudnaayeen.

Dhaawac maskaxeed

Dad waa nabadeed u beryey oo aan dagaal ku jirin ayaa subaxaas la xasuuqay. Dad rayid ah, aan hubaysnayn, dugsi jooga oo waxbarasho ku foogan in diyaaraddo dagaal, iyaga oo nabad ku waabariistay  iska gumaadaan, wax si fudud loo ilaawi karo maaha. Waa taariikh mudan in jiilba jiil u gudbiyo oo quluubteena ay ku dhex noolaato. Dadka sida gardarada ah loo laayey, waalid iyo arday ba iyo daaraha burburay marka laga yimaad, waxa aan fududayn dhaawaca maskaxeed ee ardaydii aan ka midka ahaa ee ka badbaaday xasuuqaasi soo gaadhay. Waxaan xusuustaa, in sannadkaas intiisii danbe oo dhan, haddii foosto la riixo aan dugsiga ka soo cararri jirnay. Haddii shanqadh wayni dhacdo, aan judhaba xaafadda joognay. Ardayda waaweyn, gaar ahaan kuwa fasalka 8aad, farsamo ay carruurta kaga cabsiiyaan ayay soo saareen. Inta ay saddex farrood kor u taagaan, sidii wax ay cirka tilmaamayaan, ayay ku dhawaaqi jireen, “Wallaahi waa saddex’. Garro oo hadda saddexdooda farood ayay sheegayaan. Ardayda yaryar ee diyaaradduhu raadka xun ee maskaxiyanka ah u ku reebeen, saddex diyaaradood oo duulaan ah ayay u qaadan jireen. Markaaba waa yaaci jireen oo guryaha ayay gabbood ka deyi jireen.

Fasixii sannadkaas aniga oo Jabuuti jooga, ayaan habeen ku soo baraarugay, iyada oo la igu xoonsan yahay oo la i dejinayo. Show waan sasay oo diyaaradihii dagaalka ee Faransiiska ayaan guuxoodii maqlay, ka dibna, gidaar saddex xagal ah ayaan gabbaad ka deyey. Waxaan maqli jiray, in na loo sheegi jiray, haddii diyaarado ina soo weeraraan, in meel dhufays ah ama gidaar ah aan galno, aayatal kursina aan akhrino. Waa la ii qalbiqaboojiyey, oo inaan Jabuuti joogo la i xasuusiyey, dabadeedna hurdadii ayaan ku noqday. Waa tusaale yar oo muujinaya raadka dagaaladdu ka tagaan. Waa qayb ka mid ah xannuunada laga dabiibo dadka dhacdooyinka argagaxa leh u soo jooga.

Maxaa laga yidhi

Waxaan arkay laba maanso oo ay dhacdadaas u kala tiriyeen abwaan Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’, iyo Prof. Daahir Maxamuud Xaddi. Baroordiiqda iyo dareenwadaagga marka laga yimaad, labadaba waxa laga dheehan karaa xog ku sahansan wixii qulqulato beryahaas dunida ka taagnaa.  Abwaan Idaajaa isaga oo hogatusaalaynaya in ubadkaas iyo rayidkaas la gummaaday aanay sidaas geyin, waa kii lahaa:

Qalbi laawe ba'an iyo, 

Bahal doorsan mooyee,

Nin yaqaani Boorama, 

Bambo kuma garaaceen,

Mar kalena waa kii lahaa,

Bili weeyi samirkuye,

Adna Booramaay garo,

Abwaan Daahir Maxamuud Xaddi, isaga oo sharraxaad juqraafiyeed bixinaya, waa ka intan ku fara-yaraysanaya:

Billi iyo wanaagiyo,

Bashbash iyo barwaaqiyo,

Dhul badhaadhe jiifoo,

Lagu baahi beeliyo,

Barkhad kaydsan baan ahay.

Buqdhadii Dhammuugeed,

Balliyada agteediyo,

Biyaheeda Qoorgaab,

Beeraha Cammuudeed,

Durdurada ka buuxiyo,

Baki seeraheedii,

Buuraha ka soo rogan,

Bulxankeeda Saw iyo,

Baallaha agteeda,

Dhul ballaadhan weeyoo,

Barbarkii aad eegtaba,

Bidix iyo ilaa midig,

Waxa beero teedsane,

Beeshu nabad ku jiiftee,

Barqodharag ku joogtee,

Badarkiyo gallaydii,

Boholaha dhex jiifaa,

Boqolaal kun weeyoo,

Bal qabsoo tilmaambixin,

Kama bogan karaayee.

Abwaanku isaga oo sida muuqata ka mahadhelinaya tacsida iyo dareenqaybsiga, waa ka tixda ku soo gunaanadaya:

Baroordiiqdu maydkaba,

Ka badhkeed inay tahay,

Horaa loo bayaanshee,

Tacsi baaqa heelada,

Bihinbiha walaalnimo,

Wax kastoo baxnaanada,

Badhigooyadayda,

Ciddii baanta taydaa,

Igu booriyaysee,

Boorama haddaan ahay,

Mahad buuran,

Buuxda, iga hoo.


Allah ha u naxariisto dhammaan intii weerarkaas ku nafwayday oo dhan.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 30/01/2022

 

 



Doorashada Kiiniya 2022 iyo duruusta ku lammaan

 

Dadweynaha dalka Kiiniya ayaa saaka u dareeray doorashada guud, taasi oo shantii sanno ba hal mar la qabto. Dad tiradoodu dhan tahay 22 milyan oo qof ayaa isku diiwaangaliyey inay codkooda dhiibtaan si ay u soo doortaan madaxdooda. Sida ay ku warbixisay hay’adda u xilsaaran doorashooyinku, marka laga yimaad madaxweynaha iyo kuxigeenka oo isku lammaan, codbixiyayaasha maantu, waxa kale oo ay soo xulanayaan 47 badhasaab, 47 senator, 47 wakiil haween, 290 xildhibaan oo wakiilada ah iyo 1450 xubnood oo ah xubin gole deegaan ah. Dadka u tartamaya kuraasta kala duwan guud ahaan tiradoodu waa 16,100 qof. Dhaqaalaha ku baxaya doorashadan ee baarlamaanku ansixiyey waa adduun dhan $349 milyan, taasi oo sida la sheegay ka dhigaysay doorashada ugu qaalisan ee gobolkan ka dhacda.

Tartanka madaxnimo

Afar musharax ayaa ka soo gudbay isreebreebkii la soo maray oo hadda u taagan tartanka madaxweynaha. Afar ku xigeen ayaa ku lammaan. Waxa ugu saamayn badan labada isbahaysi ee Asimio la Umoja iyo Kwanza Alliance. Labada isbahaysi waxa calanka u kala sida Raila Odinga (77) iyo William Ruto (55). Labada nin ee u ordaya inay kursiga kala wareegaan Uhuru Kenyatta oo dhammaystay laba xili doorasho (10 sanno), waxay ku ololeeyeen barnaamijyo aan aad u kala fogayn. Raila waxa ugu weyn ee uu codbixiyeyaasha u balanqaaday waxa ka mid ah inuu ka dhiso gobol walba warshad waxsoosaarka xoojisa, lacag caddaan ah ($50) oo uu u qoro dad lagu qiyaasay laba milyan oo aad faqiir u ah, caymis caafimaad oo dadweynaha oo dhan ah, waxbarashada aasaasiga ah oo bilaash ah, waxsoosaarka oo uu ka dhigo udubdhexaadka dhaqaalaha iyo inuu dhiirigaliyo maalgalinta ganacisga haweenku ay hoggaamiyaan. Ruto dhankiisa, waxa ugu waaweyn dhaqaale-abuur hoos ka soo unkama, maalgalin xoog leh oo lagu sameeyo waxsoosaarka beeraha, dhiirigalinta noocyada kala duwan ee ganacsiga, gaar ahaan ka xoogsatada muruqmaalka ah, guriyeynta, adeeg caafimaad oo loo dhan yahay, tiknoolojiyada, adeegbixinta iyo la tacaalida isbeddelka cimilada.

Raila, markii shanaad ayuu u ordayaa kursiga madaxweyne, isbeddelka u weyn ee muuqdaana, waa madaxweyanaha xilka ka degaya, oo labadii doorasho ee u danbeeyey 2013 iyo 2017 ka guulaystay oo maanta si weyn u taageersan. Raila wuxuu isku dhegaa shakhsi isbeddeldoon soo jireen ah, muddo dheer soo hoggaamiyey mucaaridka, haddii la doortana, Kiiniya u horseedi doona barwaaqo iyo horumar. Ruto, si ka duwan ragga saaxadda siyaasadda horbooda, wuxuu isku sawiraa shakhsi nolosha meel hoose ka soo bilaabay, muruqmaal ahaa, kana warqaba nolosha inta badan ee dadka Kiiniya.

Raila waxa uu u soo xushay ku xigeen haweenayda lagu magacaabo Martha Karua oo wasiirka cadaaladda ka soo ahayd xukuumaddii Kibaki. Sida uu ku xusay buuggiisa “The flame of Freedom”, waxa uu Raila sheegayaa in markii lagu jiray wadahadaladii lagu soo dhisayay xukuumaddii wadaagga ahayd, ka dib doorashaddii dhiigga badani ku daatay ee 2007, ay haweenaydaasi ahayd qofka ugu mayalka adag ee ka socday dhinaca Kibaki. Waxa xusid mudan in Ruto oo isna ugu firfircoonaa, uguna mayal adkaa dhinaca Raila uu maanta yahay shakhsiga ugu weyn ee hoggaaminaya isbahaysiga loolanku ka dhexeeyo.

Ruto, isna waxa uu ku xigeen u soo xushay Rigathi Gachagua, 57 jir xubin baarlamaan ahaa. Ninkan ayaa lagu sheegay inuu aad ugu wacan yahay abaabulka iyo iskudubaridka. Labada tartame ee jagada ku xigeen, labaduba waxay ka soo jeedaan gobolka codadka qaniga ku ah ee Mount Kenya.

Marka laga yimaad barnaamijyada siyaasadeed ee ay soo bandhigeen ragga ugu cadcad hoggaamintu, waxa xaqiiq ah in bulshadu u abaabulan tahay qaab qabali ah, codbixintuna ay ku salaysan tahay dano reereed iyo matalaad deegaan. Madaxweynaha xilka ka sii degaya iyo deegaanka uu ka soo jeedo, inta badan iyaga ayaa saamayn wayn ku lahaan jiray go’aaminta maxsuulka doorasho, tirada dadkooda iyo dhaqanka isku duubnida, ha yeeshee doorashadan, qof deegaankaas ka soo jeedaa u ordi maayo kursiga u sarreeya, taasina waxay sii xoojinaysaa hubaal la’aanta ku gedaaman dhinaca miisaanku u ciiri karo.

Ragga kale ee u tartamaya kursiga madaxweyna waxa ka mid ah George Wajackoyah iyo David Waihiga. Labada midna looma arko tartame saamayn weyn leh. Ha yeeshee, Wajackoyah ayaa soo bandhigay barnaamij la yaableh oo si walba uga duwan kuwa ragga kale ee tartamaya. Qorshihiisa waxa ugu mudan inuu sharciyeeyo beerashada iyo ka ganacsiga xashiishka; abuuro beero lagu dhaqo masaska, waabayda masaskana la dhoofiyo si looga sameeyo dawada lagu mudo ruuxa halaq qaniino, la deldelo ruuxa musuq lagu helo iwm.

Guddiga Doorashada

Culays badan ayaa saaran hay’adda u xilsaaran doorashooyinka Kiiniya. In kasta oo intooda badani ay yihiin xubnihii ka garnaqay doorashadii 2017, haddana waxa laga filayaa inay hirgaliyaan doorasho hufan oo ka madhan qaladaadkii sababay in maxkamadda sare natiijadii doorashada madaxweyne ee 2017 ka dhigto waxba kama jiraan. Taasi oo jirta, durba qaladaad iyo farsamoxumo ayaa soo baxaya. Tartanka badhasaab ee gobolada Mombasa iyo Kakamega ayaa la hakiyey xalay ka dib markii ay soo baxeen qaladaad dhinaca farsamada ah, gaar ahaan iswaydaar waraaqaha codaynta ah. Sidaas oo ay tahay, kalsooni ayaa lagu qabaa in guddigani ay doorkan awood u yeelan doonaan ka garnaqa doorashada si walba iskugu sidkan ee dalka ugu dhaqaalaha wayn Bariga Afrika!

Abdirahman Adan Mohamoud 09/08/2022

abdirahman.adan@gmail.com  

Prof. Sulaiman retires from public service


Prof. Sulaiman Ahmed Gulaid, president of Amoud University retired today from active public service after five decades. He also steps down from university leadership after he delivered 25 years of solid performance with style. He was appointed as university president in 1997, when Amoud was an infant tertiary-level education, shortly after its set up. He then led Amoud towards institutionalization and turned the dream of its founders, supporters and well wishers into reality.

Unlike the modus operandi of today’s many learning centers, Sulaiman and his team created hope for thousands of otherwise despaired generations. The harsh circumstances, unforgiving environment and limited resources at their disposal only solidified their selfless resolve. Amoud University under the leadership of Sulaiman Ahmed Gulaid, as a result, saw growth in every aspect, and came out a leading and celebrated institution of higher learning.

Prof. Sulaiman, the former Dean of Faculty of Education of the Somali National University in Mogadishu, won almost immediately, the hearts and minds of the university stakeholders- students, teaching staff and partners- primarily through his leadership style, exceptional eloquence, ability to persuade and more importantly, self discipline.

Prof. Sulaiman and his team proved wrong to all naysayers, who unceremoniously argued university can only be run and sustained by entities with vast resources. In contrast, they exposed how committed individuals -no matter how resource-constrained-could make difference.

As Amoud University alumni and later a faculty member, I had the privilege to work alongside with Prof. Sulaiman. I witnessed the difficult and bumpy road he steered in a never faltering resolve. I gained first-hand experience of the way he tackled issues, often heads on and always putting the interest of faculty and students first.

He will forever be remembered as a talented, admirable teacher and a formidable leader!

September 11th, 20 years later

Today, exactly 20 years ago, Twin Towers - among other targeted government installations in the US - were either completely destroyed or seriously damaged, using hijacked planes, turned into flying bombs. Al Qaeda, the outlawed extremist organization; a terror group as designated by many, under the leadership of Usama Bin Laden, it’s Saudi-born founder, hosted by Taliban regime and hiding in Afghanistan was blamed on this deadly attack. The world since then drastically and irreversibly changed and hence the war on terror intensified in many fronts.

As a result, Taliban rule in Afghanistan was toppled and the country was literally destroyed in the process. Western-leaning new administration, headed by Hamid Karzai, was installed.

Still a student at Amoud University, I vividly remember this day as I learnt the breaking news from the BBC Somali Service, just minutes after I finished my classes at Al-Aqsa Primary School, where, as a part-time teacher, I taught English and Science. In the evening, all our eyes were glued to TV channels, chiefly Al Jazeera, BBC and CNN in Khadar Hassan Caateeye’s center in “Doqonka”, downtown Borama. TV sets were not available in private houses for satellite dishes were by then amenities and privileges available to a handful of well-off families. I remember that night, political analysts, likening reaction of the US as that of a wounded lion الأسد الجريح”. When retired home late at night, still eager to learn the implications of this attack, I recall listening to BBC Arabic daily program  “حصاد اليوم, all night examining intensity, scope and time of the would-be reaction from the states.

20 years fast forward, today, as 20th memorial anniversary of that attack is underway, it’s strikingly worth to note, that Taliban is back. Not only back but is effectively in control of Afghanistan. Allied forces spearheaded by the US left that country weeks ago so rapidly and so unexpectedly.

As the famous saying goes, “The illiterates of the 21st century are not those who can’t read or write but those who cannot learn, unlearn, and relearn.”

In today’s vastly changing geopolitical dispensation, to remain relevant, one should relearn that mass killings of thousands of unarmed and innocent civilians, anywhere in the world, will not do good in this world and hereafter. Equally, aggressive, and self-centered regimes should unlearn the norm of installing puppet administrations overseas, often forcefully and against the will of the local people. This has consistently and repeatedly failed everywhere anytime since immemorial. All should learn negotiation table is the way forward and what many finally returned to and accepted, sadly only after so many innocent lives were lost so needlessly and so unnecessarily!

Abdirahman Adan Mohamoud

E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

 

 


A look back at 2021


 

The last two years were tough to humanity in general given the COVID-19 complications, the resultant fatalities, and restrictions. But thank God, 2021 fared better than its predecessor as many countries opened up and hence economy- although still struggling- reignited. Here in Kenya, the country saw much ease and greater recovery in the later part of the year. School-age children resumed classes, physically this time, but still under careful and cautious environment. Any child with the slightest flu-like symptoms was asked to stay at home. International schools continued to offer a hybrid learning/teaching modality. In other words, a blended approach where students could attend classes in person and still those from either vulnerable or extremely prudent parents, could get connected remotely at the comfort of their homes.

 

Back home, there was no much restrictions in the first place and the pandemic continued to hit periodically but all along slightly. In one month, you would see high mortality rate, but the unfortunate reality is the absence of reliable pathological diagnosis. No one knows for sure the cause of such deaths, but one would assume it is related to the global pandemic. Imposed restrictions failed to work in this part of the world even in the peak of the disease.

 

The new ‘Omicron’ variant, however, sent shocking waves, pushing many western countries to reimpose containment measures, some aggressive, regressive, and selectively applied to certain countries. Nevertheless, scientists finally confirmed that this variant is so contiguous but, plausibly for the relief of many, less disastrous.

 

Furthermore, glad that I became double-jabbed mid last year; and booster shot will soon be rolled out. Yet, as much as I understand that vaccine is a lifesaving necessity, I am still not a big fan of the series of jabs as some are now even talking about a fourth shot. It turns out as open-ended thing, not to mention vaccine nationalism and all the associated disparities.

 

Combined elections

 

In Somaliland, local council and parliamentary elections took place in May 2021. Both elections delayed and incumbents overstayed, some over 15 years. Combining the two elections was a good move, strategic and probably saved millions of dollars from personal, communal and national coffers. However, the outlook of the new parliament is not inclusive and doesn’t look good. It has no single women parliamentarians, zero representation in some regions of the country and still worse, the vast majority of the new MP's hail from one block, effectively rendering representation, legislation, resource allocation and accountability not only compromised but badly skewed. The winner takes all approach isn’t healthy and poses a serious threat to social cohesion. An immediate structured remedy, possibly towards revised legislation is needed to offset election fractures.

 

Nonetheless, still there were heartening and inspiring takeaways from this election. The landslide victory of Barkhad Batuun, a candidate from traditionally marginalized community, is a testimony to changing attitude, a long overdue ethical reparation to past eras and moral failings. Equally, Abdikarim Mooge, the current mayor of Hargiesa’s sweeping victory, with a youth-focused, non-tribal platform ushers a new era where personality, leadership and individual quality matters most.

 

Similarly, at a personal level, this election was like no other as the largest number of acquaintances, distant relatives, close friends and former classmates, all vied for different seats both at parliament and local councils. This means my engagement or at least the perceived involvement was much greater than all previous voting.

 

Brink of war

 

The situation in Mogadishu was close to brink of war in April, following intense and almost violent disagreements between president Farmajo and prime minister Roble. This came after Farmajo audaciously tried to extend mandate for two additional years. This, however, was met with strong resistance to the level of an armed one. The country has never come so close to a bloody civil war for decades than those tensed and unpredictable days. Hundreds of residents left their homes and moved to the relative safety of other areas within Mogadishu. The prospect of an all-out civil war was never greater in those days and people in Mogadishu were slightly spared from another deadly civil strife. Concerned citizens and other political stakeholders, both domestic and foreign players exerted pressure on parties, urging them self-restraint and to avoid bloodshed and work towards a peaceful resolution. This has somewhat worked, but the conflict is back, fear is still real, and this could develop into a full-blown violence unless local sustainable solution is reached, credible elections are held, and power is handed over or legitimacy earned through legal and consensus-based avenues. 

 

Back in the sky

 

As situation improved, I started once again to fly and visit many different places for personal and work-related trips. Interestingly, for the first time in many years, I spent quality time with my family for 15 consecutive months- a very unlikely and unimaginable scenario for a person like me- a frequent traveler, with a roughly two and sometimes triple trips in a month. Yet, with all the hassle and inconvenience associated with travel, I was still longing for this moment; being in the sky, closing my eyes for around 10-15 minutes, for a much-needed self-reflection and refreshment- a ritual I maintained lately each time I fly.

 

To this end, I flew to Rwanda and spent splendid days there. See the Rwanda reflections in this link https://wardheernews.com/soo-rogaalcelinta-ruwaanda/. I also visited Addis Ababa, Mogadishu (twice), Hargeisa, Garowe, Borama, Berbera, Gabiley, Sheikh and Buroa.

 

Home Leave

 

Once every two years, the family and I travel back home to spend quality time with family members and friends. But this time, the visit came after nearly 15 months, I have not traveled, mainly due to COVID-19 restrictions. Normally, I visit my mom particularly once in two months, but this was an exceptionally prolonged absence. Finally, I was so excited to be back home and grateful to have spent there a restful and joyful break. See this link for the observation during my stay there http://horusocod.blogspot.com/2021/08/fasax-iyo-fiirsasho.html.

 

At a personal level, I continued to do pretty good stuff, professionally and socially. Likewise, I maintained my self- discipline of reading as much books as possible, producing aftermath book summaries and occasionally publishing articles and short stories. This year, I have been reading with a Kindle; and have experienced a renewed enthusiasm on written work. Thanks to my nephew Abdihakim Omar for sending this device.

 

Finally, I remain grateful to the Almighty Allah for granting us good health, peace and prosperity and equally looking forward to a much more peaceful, healthier, prosperous and blessed 2022!

 

By: Abdirahman Adan Mohamoud

abdirahman.adan@gmail.com

 

Ha soo dhawaysan lahaydaa!

Nin karti iyo dadaal badan baan ku ogaa. Nin faraxsan oo weji furan baan ku aqaanay. Ha yeeshee maalin dhawayd baan la kulmay isaga oo wajigiisa murugo badani ka muuqato. Welwel buu qabay qariyey wajifurnaantii looga bartay. Bariido ka dib, siday wax u jiraan haddaan warsadayna sheekadan buu iiga dhacay. 

“Xafiiska soo dhaaf, muftaaxanna iska wareeji iyada oo la i leeyahay uun baan ku war helay.” ayuu ku bilaabayaa. “Maamulaha guud ee shirkada ee sidan ku dhawaaqaya, waxa barbar taagnaa wiil kuray ah oo markan u diyaar ah inuu shaqada igala wareego.” ayuu ku sii daray. 

Afartii sanno ee u danbaysay ganacsi gaar loo leeyahay ayuu mas’uul ka ahaa ninkan ii warramayaa, waana lagu badhaadhay. Muddo markii ganacsigu furnaa balse dhib badan laga la kulmay la qabsiga suuqa ayaa xilka ninkan loo tiriyey. Inkasta oo suuqxumo badani jirtay, mas’uulkani ma dadaal yaraysan. Shaqo badan, tacab, karti iyo aaminaad ayuu soo bandhigay. Shaqada ayuu dardargaliyey, shaqaalaha ayuu tayeeyey, macmiil badan ayuu soo xidhay, faa’iido fiicanna waa soo saaray. Horumar fiican ayaa la xaqiijiyey. Waa lagu reeyey, isagunna waa ku reeyey.

Toban bilood ka hor uun buu guursaday; ilmihii curad ayuu naawilayaa oo dariiqa ku soo jira. Shaqada oo meel fiican haysata, ayuu maamulaha guud keenayaa kurayga cusub oo marka hore lagu sheegay gacanyare, shaqada inuu bartana la rabo.

Ninkan oo aan aqoon fiican isku leenahay ayaa ii balballaadhiyey sida uu shaqadiisii ku waayey. Waan ogaa marka hore in shaqo wanaag astaan u ahayd, isla markaana laga jeclaa goobaha shaqada. Balse, kuray uu tababaray ayaa haddeer lagu beddelay.

Kurayga laftiisa, jeer oo aan shaqo xumaan laga ga soo caban, saa tababarihiisa ayuu la dhaqan yahaye, sida la sheegay, dadka warka badan ayuu ahaa. Inta badan sheekooyin iyo war ayuu kala gudbiyaa. Dabakaayo meheradda ku xidhnaa muddo dheer, ha yeeshee markii danbe kuwo kale u wareegay, inuu isagu u sheekoxumeeyey ayaa gadaal laga soo ogaaday. Go’aanka shaqo ka fadhiisinta ee maamulaha guud qaatay waxa la isku raacay inuu salka ku hayo warxumo is urursatay, inteeda badanna dhinaca wiilkan ka tagtay.

Ninkii ganacsiga hore mas’uulka uga ahaa amakaag ayaa ka soo hadhay. Waxa isku qaban la’ sida uu u soo dhaweeyey shakhsigan, u tababaray, ugu hagarbaxay iyo dhabarjabinta uu ku kacay. Mar aan dheerayn oo xaalad dhaqaalexumo la soo gudboonaatay kurayga, taageero dhinaca saaxiibkiisa shaqada ka timi, jirtoo aanu wax buuran ku dhaamin, inay dhiidhida ka saartay ayaa la soo weriyey. Kii sidaa ahaa ayaa dabin kuu loogay oo in dibadda laguu tuuro ka danbeeyey ayuu la dhakafaarsan yahay. Ha soo dhawaysan lahaydaa! Booraan haddimo ha qodin, haddii aad qodanna ha dheerayn, ku dhici doontaanna mooyee, ayaa maankiisa ku soo dhacday. Kuraygu inuu booraan haddimo qoday way u muuqataa, inuu ku dhici doonaana wuu u badinayaa. Kaliya goorta uu ku dhici doono ayuun buuna hubin.

Markii aan dhegaystay warkiisa, xog hore oo aan hayayna ku darsaday, hadal waano iyo dejin u  badan ayaan dabada u qabtay. Waxaan xasuusiyey mar haddii uu shaqadiisa sidii ugu wacnayd ee suurtagal ahayd u gutay, shaqoxumo iyo tuugonna aan lagu soo eedayn, waxba inaanay ka xumaan doonin, gaar ahaan imika oo uu aad u fahmay sida suuqu u shaqeeyo. Waxaan ugu daray inuu yahay nin dun fiican oo dadnimo wacan, sidaas darteedna uu liibaani doono. Haa sidaas ayaan ugu qalbiqaboojiyey. 

“Wanaag aad ruux kale u samayn kartid, waligaa ha yaraysan. Dhib aad dadka ka dhawrto ayaa adigana samaan oo dhan kuu horseedaysa ee ogow” ayaan ugu sii daray.

“Ruux aad wanaag u fashay, balse isagu xumaan kuugu doorshay, wax uu isyeello ma ogiye, wax kale taransan maayo” ayaan mar kale caloosha ugu sii adkeeyey. Tusaalayaal tiisa la xaal ah, goobjoog aan u soo ahaa oo waayoaragnimadu i bartay ayaan isku daba galiyey. Dareemay inuu hadaladaas ku diirsaday oo yididdiilo cusubi ku dhalatay. 

In kasta oo kuraygu xumeeyey, shirqool shaqo ka saarid ahna u soo maleegay, mas’uulkii hore hadeer ma niyad xuma. Dabcan wuu ka xumaaday in ruux uu ku soo tabcay sidaa abaal laawe u noqdo. Abaal laawe kaliya maahee, waliba xaasidnimonna ku darsado. Balse wuxuu ku niyadsan yahay in mustaqbalkiisu iftiimayo. Anna waxaan ugu sii daray, inaanay la yaab ahayn, in mararka qaar, ruux dadaalkii xagaldaaco, laakiin aanay inta badan dhicin in ruux hungoobo inta daacadnimadu mabda’a aan salguurayn u tahay dhammaan hindisayaashiisa iyo habdhaqankiisa ba.

Isaga oo farxadda iyo dhoolacadaynta wajigiisa ka muuqataa aanay qarsoomi karin, ayuu ii xaqiijiyey inaanu hadda wixii dhacay  isku sii shuqlinayne, hore uu uga sii soconayo. Wixii horena uu ku dhaafayo; sida kuraygu ku danbeeyo, ciddii waqti ku simo, sannado way ka sheekayn.

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 

Email: abdirahman.adan@gmail.com

Halka sare ka hayso

Iyada: Magaalo heblaayo ayuu ka soo jeedaayoo qoladiisa ayaan u raadinayaa. Waxay farta ku fiiqaysaa wiil yar oo 2-3 jir aan ku qiyaasay. Waa ruux dumar ah oo wiil yar daadihinaysa. Labadayaduba socoto ayaan nahay oo madaar baan ku kullanay. Waxay ku sii dartay, “Anigu waxaan ka soo jeedaa magaalo heblaayo”. Magaalo tii hore ee ay sheegtay aan ahayn ayay magacdhabaysaa. Way sii waday oo sidii wax ay ii sii xaqiijinayso ayay af Ingiriisi ku tidhi “He is from xx” 

Aniga: Yaa walaal maxaad tidhi? Ma fahmin. Qofkan aanan hore u arag, bariido ha danbaysee sidii wax sheeko hore noo socotay uun waxan oo dhan isku kay dhex dhigtay ayaan sixi la’aa.

Iyada: Koonfur Afrika ayaan ka imaaday, cunuggan ayaa ka soo jeeda meel hebla. “Hooyo sow adi xx kamaad imaan?” Yarkii ayaabay waydiisay. Isaguse warkaa ma hayo ee masaasaddiisa ayuu iska jaqayaa. 

Aniga: (Oo hadda yara fahmay waxay ujeeddo, walise hadalkeedu igu taagtaagan yahay). Oo heedhe wax ay isku sinji yihiinba dhawr qof baan meesha hadda ku joognaaye, halkan miyaad qoladiisa ka raadinaysaa? Maxaad cunugga nolosha ugu soo koobaysaa? Imika ahaan, halka sare inaad uga gurto ayay ahayd, meesha aad sheegtay markaad dhex gayso, kolay ehel badan waad u heliye. “Awal halkeed ku socotay” ayaan u sii raaciyey;
Iyada: Kampala aan u socdaa. Maya waxaan ka waday tolkii ha barto. 

Dad 200 oo qof aan ku qiyaasay ayaa meesha fadhiya. Goortii aan diyaaradda fuuli lahayn ayaa dhaw. Dadku wada aamusan oo wada mashquulsan. Mid moobaayl ku foorara, kuwa buug/joornaal isha marinaya, kuwo dhegaha wax ugu jiraan oo dhegaysi ku mashquulsan, qaar indhaha isku haya, fikir ama nasasho maskaxeed mid uun ku maqan. Iyadu waa qofka kaliya ee telefoon ku sheekaynaysa. Dhawaqeeda dheer meel fog baa laga maqlaa. Dadka qaar baa hadba daymo diidmo leh ku fiirinaya. Qaar hoos bay ugu qoslayaan. Iyaduse qosolka iyo sheekada ka dhacaysa, kama duwana inay labada boqol ee qof u wada sheekaynayso. 

Safar wada indhaindhayn ah buu ahaa. Awal waxan ka damqaday wiilal jirran oo aan diyaaradda kula kulmay. Toddobaad gudihii ayaan sii socod iyo soo socodba xaalado isku mid ah ku arkay. Hal wiil uun baa dhaawac jajab ah qabay oo socodka la gacanqabanayey. Inta kale ma qarsoonayn in dhibtoodu, xaga dhimirka la xidhiidhay. Dalka dibadiisa kuwo laga soo celiyey ama lagu celinayey ayay u muuq ekaayeen. Kolay Quraansaar baa loo waday ama laga soo celiyey. Hooyooyin iyo hablo walaalahood u muuqday ayaa waday. Wiilasha oo aan ismaamuli karayn, ama ilaalo joogto ah u baahnaa, waalid iyo walaal ayaa saacidayey. Aan idhaahdo asturayey. Wiilasha qaar, maalin ka hor waxaan iskugu nimid goob baadhitaanka COVID19 lagu sameeyo. Saacadihii aan baadhitaanka sugaynay, dhibta ay wiilashu qabeen, iyo haweenkaasi waxa ay rafaad la muteen, goobjoog baan u ahaa. Haweenku samir badnaayaa! Laakiin maxay kale ayay ba horta samayn kari lahaayeen? 

Wiilashan, raggii dhalay ama ay la dhasheen halka ay ku maqan yihiin ayaan iswaydiiyey. Ma qayilayaan, miyay iskaga tageen, ma u maqan yihiin oo u soo shaqaynayaan. Mooyi meel ay jiraan!

WQ: Cabdiraxmaan Aadan Maxamuud 
E-mail: abdirahman.adan@gmail.com

How does AI impact our everyday life!

Photo credit: Daily Nation The human innovation and creativity is on perpetual rise; always taking new heights; reaching new levels. Propell...